πŸ“šπŠπ¨π›πœπ’π€πͺ𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 π‚π‘πšπ§π§πžπ₯πŸ“š
20.2K subscribers
344 photos
11 videos
508 files
279 links
π™Ίπš˜πš‹πšŒπš’π™°πššπš˜πš˜πš—πšπšŠπšŠπšπšŠ πš†πšŠπšŠ π™Άπš˜πš˜πš‹ 𝚊𝚊𝚍 πš”πšŠ πš‘πšŽπš•πš’ πš”πšŠπš›πšπš’πš
β˜žοΈŽοΈŽοΈŽπšƒπšŠπš‘πšŠπš—πšŠπš’πšŠπšŠπš• π™³πš’πš’πš—πš’ π™°πš‘
β˜žοΈŽοΈŽοΈŽπšƒπšŠπš‘πšŠπš—πšŠπš’πšŠπšŠπš• π™ΉπšŠπšŒπšŠπš’πš• π™°πš‘
β˜žοΈŽοΈŽοΈŽπšƒπšŠπš‘πšŠπš—πšŠπš’πšŠπšŠπš• πšƒπšŠπšŠπš›πš’πš’πš”πš‘πš’ π™°πš‘
β˜žοΈŽοΈŽοΈŽπ™±πšžπšžπšπšŠπšŠπš π™Ώπšπš
Download Telegram
God madow

Waxaa tahay abris wax walba liqa. Waxaa tahay dilaa aan nixin oo aan jixinjixin. Miyuu dunida soo maray dilaa adiga kaa wayn, kaana arxandaran? Miyuu se jiraa dilaa aan adiga ahayn? Waa maya. Koonka waxii noole iyo manoole soo maray adigaa qudha ka jaray, inta nool iyo inta aan noolayn ee weli koonka dulasaaranna dil bay kuugu xukuman yihiin oo adiga ayaa birta ka asli doona; birta lafteeda ayaad birta ka asli doontaa. Dadka aan weli dhalan, xoolaha iyo dugaagga weli jidka soo haya; geedaha aan weli abuurmin, guryaha aan weli la dhisin, baabuurta, diyaaradaha iyo maraakiibta weli aan la nashqadayn adiga ayaa gunaanadi doona. Xataa kuwa aad dishay kaama nabad galaan ee inta aad ka dabatagtid baad baduugtaa ilaa aad waxbana (wax aan jirin) ka dhigtid

Magacaagu waa GOOR (time). Ma lihid guri iyo goob laguu gu hagaago oo aad deggan tahay. Ma jirto cid si dhab ah kuu garanaysaa, haddana adiga la’aantaa cidna wax ma qabsateen. Ma lihid dherer iyo dhumuc, baac iyo baaxad la jijimiyo, ma lihid culays iyo cuf, ma na lihid muuq iyo maqaar lagu gu aqoodo. Lama yaqaan bar-bilow aad ka soo uskuntay iyo bar-dhammaad aad ku idlaan doontid. Sidaa oo ay tahay, haddana ma jirto cid aan ku garanayn, waayo koonka iyo dadkuba adiga la’aantaa waxa ay noqon lahaayeen wax deyaysan oo derderan. Maya, koonkuba ma jireen haddii aadan adigu jirin. Ma ay jireen maalin iyo habeen; jir iyo jilaalna lama kala kala aqoodeen adiga la’aantaa. Dabcan waxaa oo dhani ma jireen haddii aadan adigu jirin. Haddana jiritaankaaga ayaa keena oo sababa jiritaan la’aanta noole iyo manoole walba oo koonka saaran. Uu jiritaankaagu sii dheeraadaba, waxa jira oo dhani waa gaboobaan waxa ay na sii dhowaadaan godka madow ilaa ay ku dhacaan. Dalaq! Dib dambena looma arko waxii jiritaankaagu godkaa madow ku rido. Xataa noolaha ama manoolaha asaga oo aan gaboobin godkaa ku dhaca uunku waa og yahay in aad adigu ku ridday, waayo waa ayaga dhaha β€œwaqtigiisi baa dhammaaday ama goortiisi baa go’day.” Waqtigu sow adiga maaha gooreey? Ma go’did sow maaha? Waayo, haddii aad go’do lama arkeen wax dambe oo godkaa madow ku dhaca, sax?

Loading........................................
π†πŽπƒ πŒπ€πƒπŽπ–

Horta goorey godkaaga madoobi cir waynaa miyuunan buuxsaminba? Waxii noole iyo manoole intii koonkani abuurnaa soo maray sow asagu ma liqin? Waxa hadda jira iyo waxa jiri doonana sow asagu afka uma dhigan doono? Maalin walba, saacad walba iyo daqiiqad iyo ilbiriqsi kastaba sow malaayiin noole iyo manoole godkaaga madoobi ma dejiyo?

Anigaygan kula hadlaya sow godkaaga madoobi i ma uu liqi doono marka aad i cuntid oo i feenatid? Haddaba sow ima cunaysid? Dhabtii ilbiriqsigii aan uurka hooyaday ka soo baxay baad cunid igu bilowday. Mise gabow i la ma sugayside inta aan xooggan ahay baad igu garbin doontaa godkaa madow? Runtii labadaa middoodna ma jecli. Maxaa ka argagax badan hummaagga aniga oo gaboobay, maya, aad u cuntay aan dhaho, oo inta cad noqday sariirta la iga xambaarayo welina godkaagi madoobaa i sugayo? Maxaa se ka murugo badan in aad jeegada i qabatid aniga oo dhallinyaro ah oo yoolal iyo himmooyin fog fog jirinaya? Ma doonayo, ma doonayo, labadaa midkoodna ma doonayo. Waan og ahay in aad dhahaysid β€œdoon ama ha doonin, horta yaa kaa talogelinaya?” waaba sababtaa, in aanan wax talo ah ku lahayn, sababta aan u jeclayn midkoodna. Hehehe! Ha kugu taagnaato
Laakiin runtii mid baa aad ii murjisa aadna aan uga naxaa: marka aan arko qof bulshada qiime wayn u lahaa, dedaal iyo nafhurnimo badnaa, qurux iyo karti iyo firfircooni badnaa oo inta aad feenatay saanta qaadi la’. Dabadeed aan xusaynno waayihii iyo waxqabadkii qofkaa, annaga oo jilaynna in aan qofkaa u abaalgudaynno. Dhab ahaan se u ma abaalgudaynnee waan gebegebaynaynnaa oo macsalaamaynaynnaa. Waayo, waxa aan og nahay halka aad u waddid. Waxa aan og nahay in uu socdo oo adiga jiritaankaagu uu jiritaankii qofkaa gunaanadayo, maya, uu jiritaankaagu jiritaankiisi cunayo. Bal eeg muuqaalka baraha bulshada la wareejinayo. Waa Maryan Mursal Ciise Bootaan oo gacanta la hayo fadhigana laga hinjinayo ayada oo ul cuskanaysa. Waa Maryan, hibadii iyo muunaddii masraxa iyo fanka Soomaaliyeed. Waa taa caawa, ma boodayso, ma gaardinayso, codkeedi dahabka ahaana kuma haaneedinayso:

Qoortiisa dheer labada qaar

Qoortiisa dheer labada qaar

Qaaddir bay u sameeyee sameeyee… Ama

Indha caashaq buu igu eegayoo

Anna waan arkoo imbiriirsadee;

Oogada sariyo

Uurkiyo wadnaha

Ku abuuranyee….

Ku ma na luuqaynayso waddanigii:

Soomaali u diida ceeb

Naftiina u diida ceeb….

Balse cod nuxuus ah ayay ku leedahay: β€œFankii waan ka baxay ee ii soo duceeya in Ilaahay iga cafiyo.” Dhabtii Maryan fankeedu ma lahayn dambi looga duceeya, bal’e waxa ay gar u leedahay abaalgud uunku siiyo. Laakiin, goorey, goor baas socdaay, hubaal li’ida godkaaga madow ka dambaysa ayaa Maryan warkaa ka keentay oo fankii Maryan sidaa ku gunaaday. Fankii Soomaaliyeed na god madow kaga tagtay. Maryan la’aanteed fanka Soomaaliyeed waa god madow, sidii uu u mugdiyoobay Magool dabadeed
Suurada 81aad At-Takwiir
Suuradan waxaa lagu Magcaabaa At-Takwiir ama Kuwirat, waana Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 29 Aayadood, waxaeyna soo Dagatay Suurad Al-Masad ka dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Takwiir:

Suuradan waxay si Gaar ah uga Hadashaa laba arimood in Xaqiiq yihiin.

1-Cadeynta Xaqiiqnimada Maalinka Qiyaamaha

2-Cadeynta xaqiiqnimada Waxyiga iyo Risaalada Nabi Muxamad (Scw).
Suurada 82aad Al-Infidhaar

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 19 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada An-Naazicaat ka dib, Musxafkana waxaey kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Infidhaar:

Suuradan waxa si aad u Muujisaa habka ay u Dhici Doonto Saacada Qiyaamaha iyo Qaabka uu noqon Doono Koonka Marka Xiligaas la gaaro, waxeyna Suurada intaas ka dib Tilmaantaa Xaaladaha ay kala Muteysan Doonaan kuwii Baariyada ahaa iyo kuwii Faajiriinta ahaa marka lasoo Nooleeyo oo lasoo saaro Maalinta Aakhiro.
Suurada 83aad Al-Mudafifiin
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 36 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Cankabuut ka dib, Musxafkana waxay kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mudhafifiin:

Suuradana waxey daaweysay dhaqan ahaan Dadka Ganacsatada qaar waxyaabo Gaf ah aad u Fool caadeesta sida in ay Miizaanka khafiifiyaan marka ay Dadka u beegayaan oo ay wax ka Dhimaan, laakiin ayaga Markey beeganayaan Buuxsadaan, taasoo uu Allaah ugu Goodiyay in ay Cadaab daran Muteysan Doonaan marka la gaaro Maalinta Qiyaamaha Miizaankaas dartiis.

Suuradan waxey ka Hadashaa Amuuro quseeyo Caqiidada Islaamka, waxeyna ka Sheekeysaa laba Qeybood oo kala ah Fujaar iyo Mutaqiin Qiyaamaha iyo Diiwanada lagu kala qoro, waxayna faahfaahisaa waxa Qolo walba Abaal marka ay Heli doonto

Waxaana Xasuusin Mudan Suuradaan waxay Tilmaantaa in kuwa Faajiriinta ah waxyaabaha lagu Ciqaabi doono ay ka mid tahay in laga Xijaabo Rabigood oo aysan arki doonin, ayadoo Taas badalkeedna kuwa Baariyadaa lagu Abaal marinayo inay Rabigood arkaaan Maalintaas si ay ugu Nicmeestaan waayo ma jirto Nimco ka weyn Nicmadaas
Hambalyada Sanadka Cusub Ee Hijriga 1446

Waxaa maanta bilowday sanadka cusub ee Hijriga 1446, sanad walba maanta oo kale waxaa ay muslimiinta u dabaal-degaan maalintii Hijrada.


Waan heesayaaye
sanad waliba hoodiyo
Hawl iyo dhibaatiyo
wuxuu hadimo leeyahay.
Waa laga helaayoo
hadhow lagu xasuustaa
Kii noo hagaagee
noqo loo han weyn yahay.
Kii noo hagaagee
noqo loo han weyn yahay.
Qaar kaa horeeyoo
hodanaa na dhaafee.
Halkii loogu mahad naqay
ka habaabi maysidee.
Ku hadhayna dabadaa
waa la hubsan doonaa.
Kii noo hagaagee
noqo loo han weyn yahay.
Waan ku heybineynee
ilaahay hakaa dhigo.
Adna hogol da,aysiyo
habeen dhalad barwaaqiyo.
Nimco la harsan dooniyo
hawo lagu heshiiyee.
Kii noo hagaagee
noqo loo han weyn yahay
Suurada 84aad Al-Inshiqaaq

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 25 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Infidaar ka dib, Musxafkana waxey kaga beegan tahay dhamaadka Qeybta koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Inshiqaaq:

Suuradan waxay si guud uga Hadashaa Dhibaatooyinka jiri Doona Marka Qiyamaha la gaaro, iyo Asuusha Caqiidada Islaamka ay tahay in la qabsado si looga badbaado Dhibaatooyinkaas.

Sidaa darteer ayay Suurada tilmaantay Badbaada iyo farxada ay heli doonaan Ahlu-Towxiidka marka maalintaas Kitaabkooda Gacanta midig loo saaro ayagoo faraxsana ay Ahaladooda Janada kula jira kula laaban doonaan, halka kuwa Maalinta Qiyaamaha beeniyay Kitaabkooda dhabarka laga siin doono ayagoo hoogayeysanaya karina weysan inay fiiriyaan waxa xun ee Camalkooda ah oo kitaabka ka buuxa markaas ayaana la galiyaa Naarta Saciira sababta loo galinayana waa Camaladoodii darteed ee Alaah Adoomihiisa ma dulmiyo.

Sabaha loo cadaabayo:

1--Waxa ay haayeen kuwa farxad ku nool intii ay Dunida joogeen iloowsan Maalintaas murugada jirta oo tamashle ku Dhameestay Aduunkooda.

2--Waxay Aaminsanaayeen inaan lasoo Celin doonin Maalinta Qiyaamaha ama waxaaba la dheer gaaritaanka Maalintaas ilaa uu uga si lama filaan ula kulmaan.
Suurada 85aad Al-Buruuj

Suuradan waa Makiyah, Cadadka aayadaheenu waa 22 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Ash-Shamsi ka dib, Musxafkana waxey kaga beegan tahay Dhamaadka Qeybta koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Buruuj:

Suuradan waxey guud ahaan ka hadashaa Caqiidada Islaamka, waxeyna si faahfaahsan usoo bandhigtaa gumaadkii loo geystay Dad Ahlu-Toowxiid ahaa oo Dab lagu daadiyay markii ay Diideen in ay Diinkooda xaqa ah ka tanazulaan, taasoo macnaheedu yahay in dadka Muslimiinta ah looga Baahan yahay in ay Dulqaad la yimaadaan sida Dadkaas Muslimiinta ahaa ee ka horeeyay ugu Dulqaateen Dabkii lagu gubayay si ay Diinkooda u dhowraan.

Qisadii Ahlu-Towxiidkii la Gubay:

Nabigana (Scw) waxaa uu saxaabada ugu Sheekeyn jiray Dhibaatooyin lasoo Gudboonaaday Muslmiintii hore sida in Minshaar lagu kala goyn jiray si Diinka looga leexiyo, laakiinse ay iska Dulqaadan jireen marna Diinkooda kama laaban jirin.

Suuradaan faahfaahinteeda waxaa uu Nabiga ku Sheegay xadiis saxiix ah oo uu kaga hadlay Sababta ay ku Muslmeen Dadkaas dhibaatada gaartay in ay tahay wiil yar oo Diinka ka Bartay Raahib, markii Dambana loo cadaabay Diintiisa darted ilaa uu Boqorkii cadaabayay uu ka awoodi waayay inuu Dilo Wiilka, taasoo Markii dambe wiilkii uu Sheegay in Habka kaliya ee lagu dili karo ay tahay In Magaca Allaah la Xuso marka Dilkiisa la Damacsan yahay Meel fagara ahna lagu dilo, taasoo Boqorkii Maslaxad Biday inuu yiraahdo markuu Gamuunkii iyo Qaansadii is dul Saaray yiri: Waxaan ku gamayaa Gamuunkan magac Wiilkan Rabigiisa, Wiilkiina uu sidaas ku geeriyooday, hase yeeshee waxaa arintaas waano iyo dacwo u Noqatay Dadkii daawanayay oo dhan oo yiri Waxaan Rumeynay rabiga Wiilka!!

Taasoo sababtay Boqor Dadkaas Caabudi jireen inuu yiraahdo hadaadan Diinka Toowxiixdka ka laabanina waan idin Gubi Doonaa dhamaantiin, markii ay Hanjabaadiisa u dhaga nuglaan waayeena wuxuu ku Dhaqaaqay inuu dabka ku Guro ilaa lagasoo Gaaro Gabar Xambaarsan Wiil yar oo ay nuujineysay, markii ay Dabka Dul istaagtay ayay Wiilkeeda u naxday oo dabkii ka Joogsatay, laakiin waxaa Allaah uu ku Karaameeyay inuu Wiilkeeda la hadlo oo yiraahdo :Hooyooy Sabar Adiga waxaad ku taagan tahay Jid Xaq ah, arintaas oo Hooyadii Laabta u dajisay kuna Qancisay in ay dabka gasho si uu Diinkeeda uga Badbaado.
Suurada 86aad Adh-Dhaariq

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 17 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Balad, Muxafkana waxey kaga Beegan tahay Biloowga Qeybata |Labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhaariq:

Suuradan waxey ka Hadashaa Amuuraha Caqiidada Quseeya, gaar ahaan waxey Xujooyin Cad cad ka Tilmaantaa Awooda uu Allaah (Cw) uu u leeyahay Soo Bixinta Maalinta Qiyaamaha, maxaa yelay Allaha Insaanka Abuuray asagoon jirin waxaa u Sahlan soo Celintiisa Geerida ka dib.