๐Ÿ“š๐Š๐จ๐›๐œ๐ข๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š๐š๐๐š ๐‚๐ก๐š๐ง๐ง๐ž๐ฅ๐Ÿ“š
25.4K subscribers
390 photos
13 videos
510 files
299 links
๐™บ๐š˜๐š‹๐šŒ๐š’๐™ฐ๐šš๐š˜๐š˜๐š—๐š๐šŠ๐šŠ๐š๐šŠ ๐š†๐šŠ๐šŠ ๐™ถ๐š˜๐š˜๐š‹ ๐šŠ๐šŠ๐š ๐š”๐šŠ ๐š‘๐šŽ๐š•๐š’ ๐š”๐šŠ๐š›๐š๐š’๐š
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™ณ๐š’๐š’๐š—๐š’ ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™น๐šŠ๐šŒ๐šŠ๐šข๐š• ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐šƒ๐šŠ๐šŠ๐š›๐š’๐š’๐š”๐š‘๐š’ ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐™ฑ๐šž๐šž๐š๐šŠ๐šŠ๐š ๐™ฟ๐š๐š
Download Telegram
๐ญ๐š๐ฑ๐š๐ง๐ข๐ก๐ข๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ญ๐ข๐ข16๐š๐š๐
Nasra waxay ahayd gabar la jecelyahay, gaar ahaan aabbaheed ku indho kuusho, waxay ahayd qoyskeeda u ahay ubax ay ku ildoogsadaan, waxaana loo barbaariyey habka iyo hannaanka ugu wanaagsan ee ubad loo barbaariyo, reerkoodu waa reer milge iyo maamuus leh, dad lagu ammaano dhaqan wanaagsani iyo dhurba.
Wanaaggu wax taraa  wax wanaagsan, aan kuu jilciyo halkane, haddii aad geed qoyan waraabiso wuu sii korayaa,  miro dhalayaa, laammo iyo faraqna bixinayaa,  haddiise aad  waraabiso oo biyo ku shubto dogob qalaley, dusha ayuu ka qoyayaa, hadhoowna waa qalalayaa maahine  qurux iyo dheef midna ka heli maayo.
Haddaba waa tii murtidu ahayd โ€œ Doqoni calaf ma leheeโ€ gabarta Nasra ah waxaa wanaaggaas iyo samahaa u diiday oo ka qariyey milgaha  reerkooda,  waa Aalladan cusub  ku soo korortey adduunka ee Internetka.
Nasri waxay u noqotay daacad,  waxayna ka dhigatey balwad ay danteeda oodhan ku seegto, horumarkeedi nololeed iyo mustaqbalkeeda oo sida bisha u ifaayay, waxa uuna ka dhigay madow laga quustay,  hadday sida boqorada u nooleyd ama sida ubad kali la dhalay loo kool koolin jiray, hadda maggaceeda in magaca reerka looga daro ayaa la dhibsadaa.
 Aabbaheed waxa uu ku daray nin magac iyo hanti,  eebbe isugu daray , nasiibdarose kama aysan faaโ€™iidaysan fursadaas ee waa dayacday, waxa ayna bilowday inney u dhaqanta sida gabar aan  la qabin, waxay haasaawe la xiratay nin Kiinya(Kenya) qaxoonti ku ah, balse is kugu sheegay inow yahay ladane aan laga ladnayn, waxa uu ka jabsaday qalbiga  iney xaas tahayna waa illowsiiyay.
 Nasra  barwaaqadi iyo baraarihii ayay lugaha kula jirtay,  waa xejisisan garan weyday,  ducadii iyo farxadii waalidkeed, dardaaranki  hooyadeed, waanadii aabbaheed intiiba waa baalmarey, waxayna noqotey caleen dabayshu hadba dhinac u tuureyso,  aadanaha badankooda ma gartaan markay guuleystaan ee waa garab maraan.
Waxaa dhacday in maalintii dambe markii ninkeedu ogaaday xaalkeeda arkayna  inaysan Nasri gacantiisa ku jirin ayuu u gudbiyey oo gaarsiiyey aabbaheed ku wargeliyay iney Nasra xariga furtay oo habbeen iyo maalinba ninman la haasaawayso, asagana aysan waxba ka maqlayn, warkiisuna dacarta kala xaraaryahay.
Nasra aabbaheed oo ahaa nin diinta aad ugu fiican, dhaqanka soomaaliyeena dadka aad u yaqaana ixtiraamana ka mid ahaa ayuu  fajac iyo dhabbanahays iyo anfariinba warkaasu ku nqoday ,  waxay maskaxdiisu qaadi kari wayday  xaas la qabo ayaa haasawday , weliba gabadhiisii uu jeclaa ayaa falkaas ku kacday ayaa la noqotay yaabiso kale iyo mucjiso uusan filaneyn.
Ninkaan ma ahan nin uu been ka filaanaayo oo waa aaminsan yahay, waana nin ay xiddid yihiin saaxiibo horana ahaayeen, dhanka kale xaaskiisa labaad ayay ilmo adeer yihiin, waxa uu isku arkay odaydu innow badwayn ceeb ah  dhex jiifo, waxa uu is waydiiyay cidda habaartay inuu duca qabe ahaa jiray  ayuu is tusay.
Ma uusan degdegine ninkiibuu yiri: Bal siday wax u jiraan  ii sheeg maxaad aragtood qoonsatay?
 Cumar oo ah ninka Nasra qabay ayaa ku  tiraabay hadalo cabasho u badan waxa yiri:  Waxaa igu dhacay waxaanan filaynayn waxaan la kulmay  waxaanan u diyaar garoobin,   gabadhii Nasro ee xaaskayga ahayd waxay samaysay arrin aan laga filan karin xaas la qabo waxay habeen iyo maalin haystaa taleefoon, waxayna la hadlaysaa duul  aanan aqoon halka ay joogaan, anoo la joogga xitaa igama xishootee waxay I maqashisaa hadallada ay kula haasawaydo  duulkaas.
Intaas kolkii ay afkiisa ka soo baxday oday  Xuseen oo ah Nasro aabbaheed  ah waa is celi kari waayay waxaana afkiisa ka soo fakatay alla maxaan ku xumeeyay, walaal bal raali noqo gabadhana isoo dir oo gurigayga ha timaado halkaasbaa lagu kala hadaafay.
 Oday xuseen galabta sidiisii ma ahan faraxadna waa ka caagan yahay, waxa uu albaabka ka soo galay guriga ay ku  nooshahay Safiyo  oo ah hooyada dhashay  Nasra, waa isla hadlayaa, farahana si buu u taagtaagayaa ,Safiyo waa garatay  in galabta xaajiga xaajadiisu aysan isku toosnayn, markaasay inta biya qabow soo agdhigtay  una dhoola cadayday ku tiri: xaaji dhiilada soo korortay galabta  maxay tahay?
Oday xuseen  ayaa ku yiri: xaaskiisa Safiya  waxaadan halayn ma halaysna ee orad wijigaaga iga  qari adiga iyo gabdhaaduba waad I ceebayseeneโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ

๐ฅ๐š๐ฌ๐จ๐œ๐จ ๐ช๐š๐ฒ๐›๐š๐ก๐š ๐ฑ๐ข๐ ๐š
๐ฆ๐š ๐ค๐š๐ฆ๐ข๐๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐๐š๐๐ค๐š ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ง ๐ญ๐š๐ฑ๐š๐ง๐š๐ก๐š๐ง ๐ฑ๐š๐ฅ๐š๐ช๐š๐๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ 16๐š๐š๐
Anonymous Poll
76%
๐‡๐š๐š
24%
๐Œ๐š๐ฒ๐š
Forwarded from Somali Telegram Ads
Macmiil Ma Ka Cabanaysaa In Ganacsigaagu Aanu Horumarin Aan Maacmiil Badan Helin Manarabtaa In Ganacsigaagu Gaaro Soomalida Ku Nool Dunida Daafaheeda Hadaba @SomTelegramAds Waxay Kuu Diyaarisay Platform Aad Ku Xayaysiisan Karto Ganacsigaaga Adigoo Si Fudud Ku Gadhaya Kumanaan Somali ah

Faah-faahin Dheeri La Xidhiidh

WhatsApp +252618031623
Telegram @Hagad
๐ฐ๐š๐š ๐ญ๐š๐ฑ๐š๐ง๐ข๐ก๐ข๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ญ๐š 17๐š๐š๐

Islaantii safiyo  kolkay odayga kelmadahaas xaraarka badani  ka soo baxeen, ayay is waydiisay falka odayga ka careysiiyay ee ay ayada iyo gabadheedu falkiyeen,   maskaxda ayay dib u celisay  waxa ayna ka fikirtay danbi  ay gashay goorahaan dhow,  nasiib-darose waa  ku hungowdey iney ogaato halka wax ka miliqsan yihiin, waxay suโ€™aal diiran ku celisay odaygeedii kuna tiri: Galabta meel kale ayaad ku gubanaysaaye , oo  waan kuu jeedaaye Xaaji anaad  I rabtaa inaad igu ciil beeshee, maad  warkaada cadaysid? Tankale haddii gurigaaga kale lagaa soo cayriyo ma anaad qaxar iyo dhib ila soo doonanaysaa?
Safiyo waa og tahay in odaygeeda aan lasoo eryin ciddina wax u dhimmine, balse  habkaan ayaa ah hab ay mar walba odayga  wax uga soo saarato.
Oday xuseen oo dareemay in islaantiisu xaaladda dab kusii shubayso ayaa yiri: Waa runtaa oo waa muhiim inaan warkayga caddaysto,  oo waatii howraartu oran jirtay:Hadal iyo ilkaba waa la caddeeyaaโ€ galabta waxa aan la kulmay ninkii  Cumar ahaa ee gabadheena  Nasra  qabay, waxa uuna isoo sheegay in Nasra sharafteena dhulka ku jiiday oo ay ku tumatay,  oo ay la timid arrin aan laga filanayn gabar aad adigu soo korisay amaba aad soo barbaarisayba, balse waxa aan galabta ogaaday inaad tahay dusha ka muslimad hoosta waxaan la aqoon ku wadata, sababtoo ah  soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Gabari waa hooyadeedโ€  gabadhii Nasro ninkeedii iney xaas u noqoto waa diiday, waxay ka door biday iney haasaawe la xirato duul aan muuqan, ayada oo weliba xaas la qaba ah, waxay naga dhigatay, qoys aan gabdhahooda la guursan, waxa ayna noo soo jiiday magac xun , weli xumaantaas oo kale  ma keenin gabar ka dhalatay qoyska aan ka soo jeedo.
Waa runtiis oday xuseen iyo qoyskiisuba   waxay ahayeen qolyo suuban, gabdhahooduna waxay ahaayeen gabdhaha boqolka geela ah iyo baarqabkooda laga keeni jiray, inna suldaan  ama inna boqor,iyo ninaan sharaf gaar ah lahayna ma naawili jirin inuu gabar qoyska reer xuseen helo oo hoy la galo.
Hadase gabdhahoodii ceebaa dul hogganaysa! Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay asaga oo madaxa lulaaya, Waan ogahay in Cumar  galabta waxa uu Nasra kala  kulamay oo xumaanta ah iima  wada sheegin  oo waa nin wayn, nin waynina hadalka waa maldaha dushuuna ka meeraa, murtidii soomaalidu waa tii lahayd โ€œNin reer u wayn iyo gabar umulisa ahiba siday wax u ogyihiin ama u arkeen uma sheegaanโ€
Safiyo waa is celi kari wayday jirkeediina waa wada qoyey dhidid awgii, waxaa si saa,id ah u garaacmay wadnaha  oo heerkii caadiga ahaa  ee loogu tala galay dhaafay, waxay ku sigatay iney  dhulka ku dhacdo, balse odaygeeda ayaa garabka qabtay,   oday xuseen   waxa uu dareemay in xaaskiisa oo   xanuunka macaanka la yiraahdo qabtay (diabetes) ay  ku kacday sonkortii,  oo ay tabcaan noqotay, waxa uu ula cararey dhankaas iyo dhaqtarka  qaybta  sida deg degga ah dadka loogu dabiibo(emergency) halkaas ayay saacaddo kooban ku jirty, kolkay kas oo baxdayna waxay afka qabsatay qaylo: Alla ku ceebay waa na ceebaysay, meel xun ka bax oo dhan aan la aqoon laguu qaaday, safiyo waxa ay dareentay in odaygu ku tuhmaayo ineysan gabadha si fiican u barbaarin oo ay markii hore dayacday, ayada oo dareenka odayga iyo tuhunkiisaba  ka jawaabaysana waxay tiri: walaahibaan ku dhaartee waa u hagar baxay waxaanan ka dhigay boqorad balse waxa aan u gartay in ay tahay imtixaan waxaan ay gabdhu samaynayso.
Qoyskaani ma ahan  qoys lagu yaqaan dhaqan xumo iyo magac xumo midna waa qoys bulshada deegaanka dhammi ku daysan jireen, hurmuudna u ahaa dadka deegaanka iyo deriskooda, waa qoys halkey u jeestaan loola jeesan jiray ma is lahayn gabdhiinii ayaa ceeb intaas la eg yahay idiin soo hoyn doonta waxay u arkaan balaayo sharaftooda loo soo diray iney tahay.
Cumar kolkii  uu xaafadda tegayba, Nasra ayuu u sheegay inuu warkeedda aabbaheed  gaarsiiyay haddana la rabo inney gurigooda tagto, weliba si degdeg ah inow aabbaheed u rabo ayuu u raaciyay.
Gabadhii Nasra dhulkiibaa la yaraaday, cagihiibay ciidda  ku xajin kari wayday iney cararto ayay ku fikirtey dhan ay u cararto ayay gara wayday, Cumarna  dhankaas iyo gaarigaas xagiisa ayuu u dhaqaay   si dabacsana waxa uu igu yiri: inaan kusii qaado ayaa rabaaye is diyaari.
Nasra gurigii ayay gadaal u gashay  waxayna goโ€™aan satay ineysan gurigaan ku soo laaban, sidaa darteed wax walba oo ka oolaan karay oo qaali ah sida dahabkeedii waa ka  qaadatay,  intii ay qolka ku jirtay ayay iskula talantey haddii aabbe kugu qaylyo ama hooyo hadal xun ku tiraahdo,  kolay waaba ku oran doonaan, baxso Keenya aad ninkii aad jeclaydana nolol farxad leh la qaado.
Nasra markay xaafadda tagtayba  waxay la kulantay wejiyo aan ahayn kuwii ay taqaanay, soo dhoweyntii diiranneed ee loo samayn jiray maanta ma jirtee, indhaha ayaa lagu gubay kolkay soo fariisatayna hooyadeed ayaa ku tiriโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ.
 Lasoco qaybaha danbe.
Waxkasta, Sheykasta Wey Dhamaan, Allah Mooyaane, Xattaa Wakhtiyada Adag, Maalinta Ugu Dheer Waa 24Saacadood, U adkeyso Wixii Dhib ah, Majiro Quful Bilaa Fure ah, Manajirto Dhibaato Bilaa Xal ah, Cibaadeyso, Camalkaaga Wanaagsan Ee Adduuna Qabso, Ogowna In Alle Kula Jiro.

@KobciAqoontaada3
๐–๐š๐š ๐“๐š๐ฑ๐š๐ง๐ข๐ก๐ข๐ข ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐๐š๐ฒ๐›๐ญ๐ข๐ข 18๐€๐š๐
Nasra markay xaafadda tagtayba  waxay la kulantay wejiyo aan ahayn kuwii ay taqaanay, soo dhoweyntii diiraneyd ee loo sameyn jiray maanta ma jirtee, indhaha ayaa lagu gubay kolkay soo fariisatayna hooyadeed ayaa ku tiri:Filan waa iyo  fajac ayay igu noqotay inaad gurigaagii dhaqan kari wayday, fal foolxon iyo fisqina inaad la timid waa I soo gaartay,  ee maxaa kugu kalifay falkaan aan laga filan gabar dhaqan iyo dhur leh ? maxay tahay balaayada ku qaadatay? sidee laguu maray? Goormayse balaayadu bowdkaada soo fariisatay?
Baahida kugu kaliftay inaad adoo xaas ah aad haasowdo ii sheeg? Yaad la tashatay oo jaranjarada nolosha kaa tuuray?
Suโ€™aalahaas  iyo kuwo kale oo la jaad ah  ayay hooyo safiyo ku boobtay Nasra oo meel wijigeeda  ku beegan  fadhiday,   waydiimaha hooyo safiya waxaa laga dheehan karaa, caro iyo quus is huwan ama is barkanba, canaana kama marna,  si kale haddii loo dhigana ama xagal kale laga eeggo, waxaa la oran karaa waxay  waydiimahaas hooyo safiya ku baadi goobaysaa, balaayada daftay gabadheeda, ee ka bixisay xeyndaabka xishoodka iyo xilkasnimadda.
Nasro waydiimaha hooyadeed warcelin uma hayn,  waana ay kohsatay ama dhibsatay in suโ€™aalaahaas la waydiiyo, guriga ay dhaqan wayday ee  hooyo safiya sheegtay macno badanba oo sidaas u buuran uguma fadhiyo Nasra,  sidaas si la mid ah uma aragto iney wax xun suubisay ama sameysaba,  waa isla saxan tahay, iney tubtii toosneyd haysana ayay aaminsantahay, markaad isla saxnaashaha Nasro si dhugmo leh ugu kuur gasho waxaad xasuusanaysa ama maskaxdaada ku soo degdegaaya  hal-hays soomaalida dhexdeedda caan ka ah oo oranaaya: Naf walba qumaheeda qoorta ugu jira, ama murtidii dhahaysay โ€œ Waxaad ceebta u taqaan ninbay camalkiisa tahayโ€
Waxaa la dhihi karaa Nasro sida hooyadeed uma fikirayso waxna uma xeerinayso isku qodobna arrintoodu kuma qotomo isku heerna ma joogaan.
Nasro  ayada oo aan  hooyadeed u jawaabin ayay albaabka guriga hooyadeed ka baxday, ayada oo hoos u gunuunacaysa sankana taageeysa, kuna hadaaqaysa: โ€œGurigaan yaree aad  xeradda gumaysiga ka dhigteen maanta ka dib iguma arki doontaanโ€ Nasri horteeda ayayna u  socotey, hooyadeedna kama daba hadline,  ee afkay gacanta saaratay, waxayna mucjiso u aragtay  iney gabadheedii  ayada oo la hadlaysa qadarin wayday oo ay  albaabka ka baxday hooyo Safiyo waxa ay ula mid noqotay samadoo soo duntay iyo dhulkoo wareegay, markaas bay ku calaacashay: โ€œWaa maxay adduunyadaan nuuca kale noqotay ee ciyaalkeenii caasiga nagu noqdeen,  alla nin aduunya joogow maxaa aragti kuu laabban, waa adduun caloosha laga raray oo kuriska laga caymiyay, cimrigaan iyo ciladaani ma i sugaayeen, intaas ka dib ayada oo niyad jabsan aya u dhaqaaqday, dhanka xaajigeeda oo qolka fadhigga la fadhiyay Cumar oo ah ninka Nasra u dhaxayday.
Nasro isla durbadii ay hooyadeed ka baxsatayba waxay si toos ah u aaday guriga saaxiibadeed Xaawo, nabdigana waxay  gashatay inney sida ugu dhaqsaha badan waddanka  Keenya ugu duusho si ay ula kulanto wiilkii ay is calmadeen ee hadalada dhedhenka badan qalbigeeda ku jabsaday, kana dhigay maqane joogga, ka fikirta wiil aysan aqoon badan u lahayn, marka laga reebo iney aragtay sawiro lagu qurxiyay oo la dhaldhaaliyay.
Nasro waxaa u cad  goโ€™aankeeduna yahay iney nolol la qaadato, farxadna la qaybsato Nuur Ganey oo ah wiil aftahanimo  ku caanbaxay, aadna u yaqaana sida qalbiyada hablaha loo  soo jiito, maalinba mid sida looga calaacalsiiyo ayuu aad u xariif ugu yahay,waxaana la dhihi karaa  xirfada kaliya ee uu yaqaano  waa indho sarcaadinta haweenka iyo qalbiyadda dumarka.
Uma naxo dumarka , meel kasta oo dumarku ka jilacsan yihiina waa yaqaanaa oo waaba ku xariif, sida dumarka loogu dhabacdo ayuu jaamacad uga soo baxay ayaad is leedahay markaad dhaqankiisa il gorgor ku eegtid, waxaad ku naanaysi kartaa โ€œShabeel naagoodโ€.
 Ma ahan wiil shaqo haya ama shaqadaba jecel, waddanka Keenya ayuu qaxooti ku yahay  ka soo cararey dalkiisi hooyo,waxaa mar walbaba waddooyinka Xaafadda Islii gaar ahaa waddooyinka (street 11 iyo 12) ku cayrsada ciidamadda booslika keenya, Nasra ruuxaas bay u soo cararaysaa allow qofaan waxba ogayn ha caddaabin, Cumar oo ah maalqabeen sharaf iyo ciso ku nool, koolkoolinteeda diyaar la ahna waa ka baxsanaysaa, qof meeli u caddanahy meeli la modoobe, Nasro waxaa u muuqda Nuur Ganey.
Waxay ka heshay qosolkiisa tirada badan, iyo weliba sida uu marwalba u haasaawiyo, hadaladiisa ayaa qalbigeeda waddooyin ka samaysatay, rabitaanka ay u qabtana xadka ayuu dhaafay, waxyaabaha ay ku jeclaatay waxaa ka mid ahaa, waqtigga badan ee uu siinaayo sababtoo ah waa bilaa camal aan shaqo u kallihin iyo weliba farriimihiisa jaceylka ee markay aqrinayso ku qasba iney qososho, ereyo xul ah ayuu u soo dooraa, si uu qalbigeeda gacanta ugu dhigo, dantiisii waa gaaray, waana u suura gashay in Nasro godkii uu qoday ugu soo dhacdo.
Nuur Ganey gabdhaan si qaas ayuu u daneeyaa, gabdhaha kale ee ay haasaawe wadaagta yihiina, waa ugu duwantahay, sababtoo ah waxay u sheegtay iney kasoo jeedo   qoys dhaqan oo dhaqaalo haysta, waxa uu natfiisa ugu sheekeeyay inow gabadhaas jeebka aabbaheed ku baaran doono, Nasrna asaga ayay barwaaqo ka rabtaa kana soo jerinaysaa  xaaladadiisaba ma oga,  waa labo kala bariday kala war laโ€™ arrintoodu.
Dhanka kale Nuur waxa uu aad usoo jiitey hannaanka quruxda iyo habdhismeedka Nasro oo markaas daโ€™da gabdhuhu ugu bilicsan yihiin ahayd, mugeeduna u buuxsamay, Jidhkeeduna meel kastaaba uu is dhahayo qofkii il kalgacal ku eega, ma gacantaa lagu sameeyey?! Dhererka, heensaha, hubqaadka, dhalaalka iyo foolka soo jiidashada iyo jinniyada leh ee suniyaha, indhaha waaweyn ee balacsan, bushmha iyo ilkaha isku sarga goโ€™an, dhabannada shuban iyo  dhoolacaddeynta aad moodayso cadceed soo ifaysa oo kale, Nasri waa gabadh bilicsam iyo qurux eebbe ugu deeqay, ninkii muuq raac ahina uusan ka hareyn.
Nuur waxaa ujeedkiisu yahay inuu ku galgasho barwaaqada iyo quruxda ka muuqata Nasra oo sidii waraabe raq helay hadba dhinac ugu dulundulcoode, balse, ma jiro hammi intaas dhaafsiisan oo aan ahayn inuu ka daneysto.
In badan ayuu niyada iska weydiiyey ma dhici doontaa inaad
In badan ayuu Nuur dibanta ruugay, inuu maalin uun ka dan gaaro, quruxdeeda iyo kadabkeedana is dul saaro oo mugdi iyo meel madoow ku dhammeysto, maanta ayay rajo usoo iftiintay oo Nasro ayaa ku war gelisay iney keenya ugu imaanayso una sheegtay inuu is diyaariyo.Markaasbuu farxad bood booday hadalna kusoo gaabiyay, cawadeyda iyo calankayga, cawadeyda iyo calafkayga.

Laso qaybaha kaleโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ

https://t.me/KobciAqoontaada3
HALGANKII SOOMAALIDA EE GUMEYSI DIIDKA AHAA   1862 ILAA 192

Oktoobar 1908 ciidamada daraawiishtu waxey kakoobnaayeen afar qeybood oo kala duwan oo tu waliba heybad gaar ah iyo hawl loo yaqaan leedahay waxeyna kala ahaayeen:-  

QUSUUSI: โ€“ badankoodu wuxuu ahaa culimo, iyo lataliyaal xarunta kataliya. 

GAARHAYE:- oo ahaa colka xaruunta ilaaliya 

MAARAWEYN: โ€“ oo ahaa raggii dagaalka iyo jihaadka utaagnaa. 

HEERBEEDE:-  oo ahaa kuwa xoolaha dhaqaaleeya, xagga maamulka iyo talada waxey ukala soocnaayeen todobo guutooyin oo mid waliba gaar ufadhida, xoolo gaar ah iyo madax utalisana leedahay waxaana magacyadooda lakala oran jiray sidan soo socta:- 

SHIISHYAALE 

GOLWEYN 

TAARGOOYE 

INDHABADAN 

MIINAALE 

DHARBASH 

RAGXUN 

Isagoo sayidku kafaa ideesanayo heshiiskaa wuxuu soomaalidii meelkastoo dagan tahay isku taxluujiyay inuu gaarsiiyo fikradii daraawiish ee gaala ladirirka ahaa, waxbadan wey uga suura galeen oo dad badan baa soo raacey. 
Markii doonyo ganacsi kayimid carabta oo usocday laasqoray soomaalidii daganeyd uu dhacey ingiriisku , ragna waxyeelo loo geystay  ayuu sayidku uqoray laba waraaqood ingiriiska isagoo ku eedeenaya waxa dhacey oo dhan iney iyagu mas uul kayihiin, dhowr waraaq oo is eedeyn  iyo isku dhaarasho ayay isku direen sayidka iyo ingiriiskii joogey berbera. 
Baarlamaankii ingiriiska waqtiyadaa dhowr nin kujiray ayaa waxey dowlada ingiriiska usoo jeediyeen in dowlada ingiriiska soomaaliya isaga guurto , ama wadaadka heshiis wanaagsan lala dhigto oo mush-haar wanaagsan looqoro sidii hindiyaba layeelay maxaayeelay dad badana dowladu  wey kuweyday , maal badana waa kaga baxey , wax faaido ahna oo kasoo galayana lama arko. 
Bishii abriil dabayaaqadeedii 1909 ayaa ergo ay dowlada ingiriisku soo dirtay yimaadeen berbera waxeyna guda galeen wareysi iyo wax baarid, wadaadkana waxey udireen waraaqo iyagoo weydiisanaya waxyaalo kala duwan oo nabada iyo heshiiska kusaabsan, Sayidku waraaqihii dambe uu ingiriisku soodiray Kama soo jawaabin. 
Bishii nofeembar 1909 ayuu ingiriisku wuxuu goaan kugaaray inuu 

Lasoco qeybta afaraad hadduu allaah idmo.  
Illaw qofkii shalay ku dhaawacay,balse ha ilaawin kuwa ku jecel maalinwalba. Illaw tagtada markaad xasuusato kaa ooyinaysa, xoogana saar timaatada markaad ka fikirto kaa farxinaysa. Illaw xanuunka balse ha ilaawin cashirada uu ku baray.
Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920 Qaybta 4aad

Bishii abriil dabayaaqadeedii 1909 ayaa ergo ay dowlada ingiriisku soo dirtay yimid berbera waxeyna guda galeen wareysi iyo wax baarid, wadaadkana waxey udireen waraaqo iyagoo weydiisanaya waxyaalo kala duwan oo nabada iyo heshiiska kusaabsan, Sayidku waraaqihii dambe uu ingiriisku soodiray Kama soo jawaabin. 
Bishii nofeembar 1909 ayuu ingiriisku wuxuu goaan kugaaray inuu kabaxo dhulka baadiyaha ah, uuna isugu wada ururo xeebaha iyo magaalooyinka sida berbera iyo buulaxaar. 
Daraawiish waxey isku dayeen dhulka gaaladu kaguureen dadka Dagan iney siyaa sadooda kufaafiyaan siay usoo jiitaan. 
1908=dii dabayaaqadiisii ayuu ingiriisku abaabulay siyaasad foolxun oo sayid maxamed kahorjeeda, wuxuu uyeeray koox wadaado ah oo dariiqooyin kaladuwan madax ukala ah  sida qaadiriya, axmadiya,  saalixiya, iyo andaraawiya , wuxuu kuyiri sayid maxamed wuxuu doonayaa in dalka iyo diintaba madax unoqdo , haddey taasi dhacdana waxaa imaandoona in dariiqooyinka kalana baa biโ€™iyo, tiisana dhulka kufaafiyo , dabadeedna isaga kaliya arlada utaliyo, wuxuuna amar xoogleh kaheystaa sayid maxamed saalax oo magaalada maka fadhiya  balse aan kawarqabin waxa xun oo uu sayid maxamed halkan kasameynayo, maxey idinla tahay haddaad sheikh maxamed saalax utagtaan oo wuxuu sayid maxamed cabdala xasan arlada kawado ugawarantaan,  dowlada ingiriiskana taa wey idinka taageereysaa , waxey yiraahdeen waan ogolnahay wixii suuragal ah , deeto waxaa leysku afgartay  in arintaa lasocodsiiyo oo sayidka shiikhiisii oo sayid maxamed saalax ahaa lagu diro siuu sharafka ugaqaado, ama xiriirka uga goosto. 
Qunsulkii talyaaniga ee cadan  fadhiyay ayaa arintaa kawar helay dabadeedna  ingiriisku wuxuu usheegay in dowladiisana taas kaalin xoog leh kaqaadaneyso , sikastaba arinta haloo maamulee ugu dambeyntii waxaa ladiray rag ay kamidu ahaayeen  SHEEKH CALI NEYROOBI oo fadhiguusu ahaa magaalada kismaayo, geyigaana dariiqada saalixiyada madax uga ahaa, soomaalida koofureedna magac weyn kulahaa, dadkuna siweyn uraacsanaayeen.,  SHIIKH ISMAACIIL SHEEKH ISXAAQ OO BERBERA FADHIYAY  oo dariiqada saalixiya madax ka ahaa , dhinaca waqooyina dadku aad uraacsanaayeen,  labadaa sheikh waxey saaxiib la ahaayeen , ijaasadana kaqaateen sheikh maxamed saalax magaalada maka fadhiya , agtiisana magac weyn bey kulahaayeen, dabadeedna waxey usheegeen in sayid maxamed dunidii wareeriyay  dil, dhac, iyo sharci daro kukacay, diintii maxamadiya iyo dariiqadii saalixiya dowgeedii kaleexday , waxeyna weydiisteen inuu taa wax kaqabto , sheikh cali neyroobi wuxuu udhashay dhulbahante,  sheikh ismaaciil sheikh isxaaqna  isna dhulbahante buu ahaa , SHIIKH MADAR  OO ISAGUNA AHAA SHIIKH HEYSTAY dariiqada qaadiriyada kuna lahaa xaruun weyn hargeysa ayaa isagana kamid ahaa  dadkii usocdaalay magaalada maka si loo ashtakeeyo sayid maxamed cabdala xasan,  

SHEEKH MAXAMED SAALAX OO MAGAALADA MAKA

fadhiyay hadalka wadaadadaa ay kasheegeen sayid maxamed cabdala xasan mauusan rumeysan , wuxuu kuyiri  hadalkiina wax rumeynaya iikeena , dabadeedna xaaji  cabdala shixiri oo nin caan ah , daraawiishna magac weyn kulahaa , sayid maxamed cabdala xasana ugawakiil ahaa cadan , hase ahaatee markii dambe daraawiish kagoostay  ayaa cadan markab laga saaray oo magaalada makka lageeyay , dadbadan oo xajka gudanayana waa laraaciyay markabkaa , xaaji cabdala shixiri wuxuu halkaa kacadeeyay waxa sayid maxamed cabdala xasan laga sheegayo  iney run yihiin,  deeto sayid maxamed saalax sidaasuu ku ogolaaday  inuu sayid maxamed cabdala xasan warqad canaan iyo waano ah uqoro,  
Wadaadadii xaruuntii daraawiishta joogay oo arintaa uwarhayay waxey yiraahdeen sheikh maxamed saalax wuxuu uyeeray karaanigiisii oo wuxuu kuyiri qor waxaan kuu yeeriyo, markaana wuxuu qoray waraaq hadalo qabow oo wacdi iyo waano ahi kuqoran yihiin oo kusocota sayid maxamed cabdala xasan. 

Lasoco qaybta xigta insha allah
TAXANAHA SIIRADA RASUULKA SCW
ILAALOOYINKII DAATU-RIQAAC KADAMBEEYEY
Rasuulku SCW markii uu ka soo laabtay duullaanki Daatu-Riqaac ma uusan bixin ilaa laga gaaray bishii Shawaal ee isla sannadkii 7aad ee hijriga hase yeeshee wuxuu muddadaas iska daba diray dhowrkan sariyo (ilaalo).
1. Ilaaladii uu madaxda u ahaa Qaalib binu Cabdullaahi Layth oo uu u diray reer banii Mullaax bishii Safar ama Rabbiicul-Awal, sannadkii 7aad hijriga. Sababta loo direy ciidankanna waxa ay ahayd in ay reerkaasi dileen rag muslimiinta ka tirsanaa. Qaalib iyo kooxdiisii way bexeen, markii ay tageen degaankii qabiilkaas ayey ragna ka soo dileen, xoolana ka soo kaxaysteen, kana soo laabteen. Qabiilkii ayaa isu habar wacday oo ciidan aad u tiro badan ka soo daba direy Qaalib iyo kooxdiisii hase yeeshee markii ay u soo dhowaadeen ayaa Ilaahay keenay roob xoog badan oo dadkiisii kala xiray labadii ciidan, sidaas ayaana lagu kala tegay.
2. Ilaaladii uu hoggaaminayey Cumar binu Khadhaab oo uu Rasuulku SCW bishii Shacbaan, sannadkii 7aad ee hijriga u direy Turba oo ay degganaayeen reer banii Hawaasin. Ciidankan oo ka koobnaa 30 nin habeenkii ayey socon jireen, maalintiina way is qarin jireen si aan looga war helin oo ay u kediyaan acdaa'da Ilaahay, hase ahaatee reer Hawaasin way ka war heleen ciidanka, wayna kala carareen. Cumar iyo kooxdiisii way raadiyeen hase ahaatee waxba ma soo helin, ka dibna Madiina ayey ku soo laabteen.
3. Ilaaladii uu madaxda u ahaa Bashiir binu Sacad Al-ansaari oo uu Rasuulku SCW isla bishii Shacbaan, sannadkii 7aad ee hiriga u direy reer banii Mura. Ciidankan oo ahaa 30 nin meeshii loo direy ayey tageen oo soo gabagabeeyeen, ka dibna soo noqdeen, hase yeeshee waa laga daba yimid oo dagaal daran ayaa dhex maray iyaga iyo qabiilkaas. Asxaabtii oo dhan goobtaas ayey ku wada shahiideen Bashir binu Sacad ma ahane, isaguna dhaawac ahaan ayuu nin yahuudi ah gurigiis ku tegey, markii uu raystayna Madiina ayuu ku soo laabtay.
4. Ilaaladii uu hoggaaminayey Qaalib binu Cabdullaahi Layth oo uu Rasuulku SCW bishii Ramadaan, sannadkii 7aad ee hijriga u direy reer banii Cabdi binu Thaclaba iyo reer banii Cawaal. Ciidankan oo 130 nin gaarayey waxa ay soo guteen hawshii loo direy dabadeedna way soo naqdeen.
5. Ilaaladii uu madaxda u ahaa Cabdullaahi binu Rawaaxa oo uu Rasuulka SCW bishii Shawaal, sannadkii 7aad ee hijriga u direy Khaybar (akteeda). Rasuulku SCW markii uu maqlay in nin la yiraahdo Bashiir binu Saraam uu ururinayo ciidan reer Qadafaan ah si ay muslimiinta ugu soo duullaan ayuu ciidankan oo 30 nin ka koobnaa u direy. Cabdullaahi iyo ciidankiisii waxa ay tageen meeshii, waxayna gacanta ku soo dhigeen 30 nin oo uu ku jiro ninkii madaxda u ahaa, ka dibna markii ay dhex marayaan ayey nimankii khiyaama sameeyeen oo isku dayeen dil markaasaa la laayey.
6. Ilaaladii uu hoggaaminayey Bashiir binu Sacad oo uu Rasuulku SCW isla bishii Shawaal, sannadkii 7aad ee hijriga u direy Qadafaan. Ciidankan oo 300 nin ahaa sababta loo diray waxa ay ahayd in qoladaas qaar ka tirsan ay abaabul sameeyeen si ay Madiina u miraan. Bashiir iyo Ciidankiisii habeen socod ayey ahaayeen, maalintiina way is qarin jireen si aan loo ogaan hase ahaatee qabiilkii wuu ka war helay wuuna baqday. Ciidankaas waxa uu ku soo laabtay Madiina isaga oo qaniimo badan iyo labo nin oo qafaal ah wata. Labada nin markii Rasuulka SCW loo keenay way islaameen.
7. Ilaaladii Qaalib binu Cabdullaahi laythi oo uu Rasuulku SCW diray bishii Ramadaan sannadkii 8aad ee hijriga uuna u diray reer banii Cawaal iyo reer banii Cabdi Thaclaba, waxaana ciidankaani dhamman 130 nin. Qaalib iyo ciidankiisii meeshii ayey tageen, waxayna weerareen cadawgii oo wixii la dagaalamay ayey dileen ka dibna xoolo ayey kasoo kaxaysteen waxayna ku soo laabteen Madiina. Ilaaladaan weeye midda uu Usaama binu Sayd dilay nin ka mid ah dadkii la dagaalamayey oo ashahaatay, Rasuulkuna SCW markii loo sheegay waxa uu Usaama ku yiri "mawaxaad dishay markuu Laa Ilaaha illa Laah yiri ka dib", wuxuu yiri Usaama "Rasuulkii Allow wuu iiga gabanayey" wuxuu yiri Rasuulku SCW "maqalbigiiisaad jeexday oo aad ka ogaatay in uu
Run sheegayey iyo in uu Been sheegayey". Allaah SW isaga oo arintaa ka hadlaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri:
((KUWA MU'MINIINTA AHOW MARKAAD U BAXDAAN JIDKA ALLE WAX CADDAYSTA (HUBSADA) OO HA DHIHININA QOF SALAAM IDIIN SOO GUDBIEY MU'MIN MATIHID IDINKOO DOONAYA BIRBIRKA ADDUUNKA, ALLE AKTIISA AYEY AHAATAY QANIIMO BADANE, SAASOO KALE AYAAD AHAYDEEN (IDINKUBA) AWAL, ALLAANA IDIN GALADAYSTAY (OO IDIN SOO HANUUNIYEY) EE WAX CADAYSTAY (OO HUBSADA ARRINKA), ALLENA WAXA AAD CAMAL SAMAYNAYSAAN WAA GUN OGYAHAY)), (Suuratu-Nisaa' 94).
Sidoo Allahba aayadan ku sheegay qofkii gaalka ahaa ee kula dagaalamayey haddii uu dagaalkii joojiyo oo uu ashahaato, dhiigiisu waa xaraan lamana dili karo, maxaa yeelay awalba waxaa loola dagaalamayey in uu Addoon unoqdo Rabbigiis, haddii taas laga helana faraha ayaa laga qaadayaa, sidoo kale haddii uu gaalku ogolaado jisyo iyo heshiis isna waa la nabad gelinayaa mar hadduusan diinta Alle ka hor imaanayn oo uu ogol yahay in ay ummada gaarto, sidoo kale waxaa lala dagaallamayaa ciddii dida Rugni islaamka ka mid ah sida Salaadda, Sakada, Xukunka shareecada islaamka iwm haba sheegtaan islaam, waxaana dagaalkoodu ku eg yahay ilaa ay ka ogolaadaan oo ay ka laabtaan. Abuubakar Sidiiqna waxa uu la dagaalamay dadkii Sakada diiday marki Rasuulku SCW dhintay ilaa ay ka soo laabteen, mana aysan dafirin dadkaasi Sakada, ee waxay is moodsiiyeen in ay Rasuulka SCW ku khaas ahayd, hase yeeshee qofku hadduu toos u jaaxido oo uu yiraahdo iguma waajibin Salaada ma Sako iwm ah ama uu inkiro Xukunka shareecada islaamka, is kuma khilaafsana culimada islaamku in uu qofkaasi yahay murtad islaamka ka baxay.
8. Ilaaladii Xadrat Al-aslami oo uu Rasuulku SCW direy ka dib markii uu ka war helay in nin u dhashay qabiilkii Jasnam binu Mucaawiye uu wax abaabulayo. Abii Xadrad iyo ciidankiisii oo 13 nin ahaa waxay isticmaaleen khiddad cadawgiina waa jabay.
9. Sidoo kale Rasuulku SCW diray koox ilaalo ah oo uu madax u ahaa nin Ansaar ah (oo la oran jirey Cabdullaahi binu Xudaafa) wuxuuna Rasuulku SCW kooxdaan amray in ay ninkaas uu madaxda uga dhigay ay maqlaan, markii meel la marayo ayuu u carooday markaasuu ku yiri "ii keena qoryo", wey keeneen, wuxuu yiri "dab shida", way shideen, markaasuu ku yiri "saw idinma amrin Rasuulku SCW in aad i maqashaan oo i adeecdaan", waxay dheheen "haa", wuxu yiri "gala dabka", waxay dheheen "waxaan Rasuulka SCW ugu soo cararnayba waa naar ka carar", ka dib wuu iska caro baab'ay dabkiina waa la iska damiyey, dabadeed markii Rasuulka SCW loo yimid ayey arrintii u sheegeen markaas yiri "hadday gali lahaayeen dabka kama aysan bexeen (naarta), is adeecitaanku waa wixii wanaag ah.
CUMRADII LA SOO QALEEYEY
Waxa aan soo marnay in bishii Dul-Qacda, sannadkii 6aad ee hijriga ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu aadeen Makka iyaga oo doonaya Cumro hase yeeshee ay qureysh u diidey in ay xaramka galaan, ka dibna halkaas uu ka dhacay heshiiskii Xudeybiya. Heshiiskaa waxaa ka mid ahaa in ay muslimiintu sannadkaas noqdaan oo ay soo cumraystaan sannadka kale iyada oo loo oggol yahay saddex beri oo kel ah. Haddaba Rasuulku SCW isla bishaa, sannadkii 7aad ee hijriga ayuu soo xirtey Cumro, asxaabtiisana amray in ay cumradii sannadkii hore ka baaqatay soo qaleeyaan. Rasuulku SCW waxaa kale oo uu amray in asxaabtii la socotay sannadkii hore aysan ka harin sidaa darteed waxaa raacay intii Xudeybiya la socotay intii ka dhimatay ama shahiiday maahane, waxaa kale oo raacay dad kale oo aan la socon Xudeybiya. Tirada dadka Nabiga SCW raacay waxa ay ahaayeen 2,000 oo nin marka laga reebo dumarka iyo caruurta, wuxuuna Rasuulku SCW Madiina madax uga sii dhigay Cabdiraxmaan ibnu Cawf. Rasuulku SCW wuxuu kexeeyey hadyi dhan 60 geel ah, waxaana u wadey Najaaba binu Jundub Al-aslami.
Cumrada wuxuu Rasuulku SCW ka xirtay meesha ay haddaba ka xirtaan dadka ka imaanaya Madiina iyo dhinaceeda oo la yiraahdo Dil-Xuleyfa. Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu way qaateen hubkoodii dagalka oo dhan maxaa yeelay cadowga Ilaahay la iskuma aammini karo oo waxaa laga yaabaa in ay makri iyo khiyaamo sameeyaan hase yeeshee waxaa hubkaas la dhigtay meel la yiraahdo Yajuj oo duleedka Makka ahayd, wuxuuna Rasuulku SCW hubkaas u reebay 200 oo nin oo uu madax u ga dhigay Aws binu Khawli. Rasuulka SCW oo ciidanka intiisii kale wata, hubkii socotadana sita, seefuhuna ay galkooda ugu jiraan ayaa u soo gudbay xaramka.
Rasuulku SCW wuxuu dawaafayey isaga oo hashiisii saaran, asxaabtuna iyaga oo seefohoodii gaashaaman ayey la dawaafayeen oo talbiibsanayeen. Sidii ballantu ahayd gaaladii qureyshtu way u faaruqiyeen Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa xaramka iyaga oo fuulay buur ku taala dhinaca waqooyi ee kacbada si ay u daawadaan Rasuulka SCW iyo ciidankiisa. Waxa ay ku sheekaysanayeen "waxaa yimid Maxammed iyo asxaabtiisii oo ay qandhadii Yathrib (Madiina) ay tabar darnaysiisay". Rasuulku SCW markii uu maqlay warkoodaas ayuu asxaabtiisii amray in ay maradooda kore gacata midig hoos ka mariyaan oo bannaanka ula soo baxaan sida haddaba ay raggu yeelaan. Waxaa kale oo uu Rasuulku SCW amray asxaabta in ay saddexda dawaaf oo hore ay rucleeyaan, labada rukni ee dhinaca kale xigana la socdo si uu cadowga Ilaahay u arko xoogga iyo awoodda muslimiinta.
Gaaladii markii ay arkeen asxaabtii oo maradu u qaaran tahay oo rucleynaya ayey yiraahdeene "maxaa loo lahaa nimankaan qandho ayaa tabar darnaysay, wax kasta way ka xoog badan yihiin". Markii uu Rasuulku SCW dawaafkii dhammaystay wuxuu orday Safa iyo Marwa dhexdooda, ka dibna hadyigii ayuu ag istaagay oo yiri halkaan ku qala, meel walba oo Makka ka mid ahna waa lagu qali karaa". Meeshii ayuu Rasuulku SCW hadyigii ku gowracay, timihiina ku xiirtay, asxaabtiina sidaa oo kale ayey yeeleen.
Rasuulku SCW wuxuu u direy raggii hubka ilaalinayey ciidan soo baddala si ay u so cumraystaan, ka dibna way cumraysteen. Rasuulku SCW Markii uu Makka joogey saddex beri, ayey gaaladii maalinkii 4aad u yimaadeen Cali binu Abii-Dhaalib oo ku yiraahdeen "u sheeg saaxiibkaa (nabiga SWC) ha naga baxo, muddadii way u dhammaatayey", markaas ayey Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii bexeen oo degeen meesha la yiraahdo Saraf. Rasuulku SCW markii uu Makka ka sii baxayey waxaa soo daba orday gabar yar oo uu dhalay adeerkiis Xamsa, waxa ayna tiri "adeer, adeer", markaas ayuu gabadhii u dhiibay Cali iyo Faadumo. Ka dib waxaa gabadhii ku dooday Cali binu Abii-Dhaalib, Jacfar binu Abii-Dhaalib iyo Seyd binu Xaarith oo uu mid walba doonayey in uu bagadha isagu koriyo. Rasuulku SCW wuxuu u xukumay Jacfar maxaa yeelay in kasta oo uu Cali ula siman yahay haddana Jacfar wuxuu qabay haryarteed, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "habaryartu waa booskii hooyada".
Cumradaas ka dib wuxuu Rasuulku SCW guursaday Maymuuna bintu Xaarith, oo intii uusan xaramka ka tegin ayuu u direy Jacfar binu Abii-Dhaalib si uu ula soo hadlo, ka dib way yeeshay oo waxay wilaayadeedii u dhiibatay Cabbaas binu Cabdimudhalib oo qabay walaasheed, Cabbaasna wuu u meheriyey Nabiga SCW. Markii ay muddadii cumradu dhammaatay ayuu Rasuulku SCW reebay Raafic si uu Maymuuna u soo kexeeyo. Raafic wuu soo kaxeeyey Maymuuna wuxuuna uga daba yimid Rasuulka SCW iyo asxaabtii kale meeshii ay degeen oo ahayd Saraf, ka dibna Madiina ayaa loo laabtay.
https://t.me/KobciAqoontaada3
๐Ÿ‡ผโ€Š๐Ÿ‡ฆโ€Š๐Ÿ‡ฆโ€Š ๐Ÿ‡ฝโ€Š๐Ÿ‡ฆโ€Š๐Ÿ‡ฑโ€Š๐Ÿ‡ถโ€Š๐Ÿ‡ฆโ€Š๐Ÿ‡ฉโ€Š๐Ÿ‡ฎโ€Š๐Ÿ‡ฎโ€Š ๐Ÿ‡ฎโ€Š๐Ÿ‡พโ€Š๐Ÿ‡ดโ€Š ๐Ÿ‡ถโ€Š๐Ÿ‡ฆโ€Š๐Ÿ‡พโ€Š๐Ÿ‡งโ€Š๐Ÿ‡นโ€Š๐Ÿ‡ฎโ€Š๐Ÿ‡ฎโ€Š 19๐Ÿ‡ฆโ€Š๐Ÿ‡ฆโ€Š๐Ÿ‡ฉโ€Š

๐‘พ๐’‚๐’‚ ๐’•๐’‚๐’™๐’‚๐’๐’Š๐’‰๐’Š๐’Š ๐’Š๐’š๐’ ๐’’๐’‚๐’š๐’ƒ ๐’Œ๐’‚๐’๐’† ๐’๐’ ๐’‚๐’‚๐’… ๐’– ๐’Ž๐’‚๐’„๐’‚๐’‚๐’ ๐’™๐’‚๐’๐’’๐’‚๐’…๐’Š๐’Š 19๐’‚๐’‚๐’…

Si wayn ayuu u farxay, qalbigiisana farxad ayaa buux dhaafisay, waddadii guusha in uu haleelay ayuu iskugu sheekeeyay, dhinaca kale waxa uu ka fikiray halka uu Nasro dajin doono, nabdiga ayuu iska yiri: Waadigii gabdha u sheegtay inaad tahay gacnacsada e, amay ayada oo gacan maran waddanka timaadaa oo ceebi dushaada fuushaa, nimcadaasina ku dhaaftaa oo aad meel cidla ah soo rorogsataa

๐ค๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐š๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐จ โ˜Ÿ๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽโ˜Ÿ๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ ๐‚๐ก๐š๐ง๐ง๐ž๐ฅ๐ค๐ž๐ž๐ง๐šโ˜Ÿ๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ
แฏฝแฏฝแฏฝ @KobciAqoontaada3 แฏฝแฏฝแฏฝ
๊ง๊ง @KobciAqoontaada3 ๊ง‚๊ง‚
โœ๏ธŽโœ๏ธŽ @KobciAqoontaada3 โœ๏ธŽโœ๏ธŽ


๐‹๐จ๐š๐๐ข๐ง๐ .............................................โŒ›

เผ†เผ„เผ„เผ„เผ„เผ„เผ„เผ„เผ„ 4๐Ÿ•Ÿเผ„เผ„เผ„เผ„เผ„เผ„เผ„เผ†
๐ฐ๐š๐š ๐ญ๐š๐ฑ๐š๐ง๐ข๐ก๐ข๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ญ๐ข๐ข 19๐š๐š๐
In badan ayuu Nuur dibanta ruugay, inuu maalin uun ka dan gaaro, quruxdeeda iyo kadabkeedana is dul saaro oo mugdi iyo meel madoow ku dhammeysto ayuu ku fikiri jiray, maanta ayay rajo usoo iftiintay oo Nasro ayaa ku wargelisay iney keenya ugu imaanayso una sheegtay inuu is diyaariyo. Markaasbuu farxad boodbooday hadalna ku soo gaabiyay, cawadeyda iyo calankayga, cawadeyda iyo calafkayga.
Si wayn ayuu u farxay, qalbigiisana farxad ayaa buux dhaafisay, waddadii guusha in uu haleelay ayuu iskugu sheekeeyay, dhinaca kale waxa uu ka fikiray halka uu Nasro dajin doono, nabdiga ayuu iska yiri: Waadigii gabdha u sheegtay inaad tahay gacnacsada e, amay ayada oo gacan maran waddanka timaadaa oo ceebi dushaada fuushaa, nimcadaasina ku dhaaftaa oo aad meel cidla ah soo rorogsataa.
Isagoo weli arrinkaa ka werwersan ayaa waa naf shaydaan hor baadayee waxaa ku soo dhacay, haddayba ayada oo gacan maran timaado, maad qolkii yaraa ee aad degganeyd gaysid halkaasna habeenno ku haysatid,  ileyn dumar beenbaa lagu soo xera geliyaa runa waa lagu dhaqaaye, kolkay intaasi ku soo dhacday ayuu dhoola caddeeyay ilaa gantiisii jabneed laga arkay, asaga oo is leh ku dhaqaaq, ayuu is tusay in uusan hayn wax uu ku quudiyo haddii uu qolkiisa seddexda mitir(meter) nasro keeno.
Kor iyo hoos buu fiiriyay waana is ceebsaday isna canaantay, kama welwelaayo inuu gabar gurigii  ninkaada joogtay ka soo bixiyay oo iney Nasro xaastahay maba ka warqabo, ee waxa uu ka welwelayaa inuu keeni waayay tab uu Nasro kula raaxaysto maalmo yar, asaga oo xaaladdaas cakiran ku jira, ayaa waxaa qalbigiisa kusoo dhacay inuu Nasro yiraahdo magaalada Nayroobi(Nairobi) waan ka maqanahay oo waxaa howlo shaqo u aaday, banbaasa(Mombasa)  ee markaad timaado hoteel(hotel) sii i jaaro waxaan ku soo dirayaa Tagsi(taxi)hoteellada fiican yaqaana e.
Fikirkaasi waxa uu  ula muuqday mid wanaagsan oo miro dhal ah, haddii uu suura galana, uu Nasro wax walba uga heli karo, rogrogid badan kaddib, goโ€™aan ayuu  gaaray, Nasro ayuuna wacay waxa uuna hadal kaga bilaabay: qaali horta maanta farxad iimma dhimmana, oo adaa ii dhammeeyay, ma hayo erayo aan farxadayda ku cabiro, cid aan ka daynsado haddii aan meel ku ogaan lahaa waan ka daysanlahaa, duul gada hadday jiraana waan  ka iibsan lahaa, lacag walbana  waan u huri lahaa, si aan dareenkayga u cabiro, in badan Ayaan  qalbiga ku hayay inaad maalin uun ii imaan doonto, oo aan is arko doono quruxdaadana aan ku indho doogsan doono, webbiyada jaceylkana aan ku wada dabaalan doono, taasina waa ii suura gashay ee  gacaliso goormaad soo baxaysaa?
Nasro ayada oo faraxsan qalbigana iska leh meel lagaa jecel yahay ayaad u socotaa ayay tiri: gacaliyahay giiyow  soomaalidu waxay ku maah-maahdaa:sabraa sedkiisa ma waayo in badan ayaad ii samirtay, gaddaad sugaysana maanta ayay kuu soo gashay, faraxadana waan kula qabaa oo  intaad faraxsantahay in ka badan oo ka ballaaran Ayaan faraxsanahay, farxadaada iyo qanacsanaantaada  Ayaan ka shaqayn doonaa  inta aan noolahay, waxaanan soo baxaya berri tikidkii(ticked) diyaaraduna waa ii jaran yahay dal ku galna la iigama baahna oo waxaan wataa Basaboor(passport)  jabuutiyaan sidaa darted dal-ku-galka(visaha) waxaan ka qaadanayaa gagida diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport, marka beri ii diyaar ahow.
Nuur ganey oo iska dhigaaya nin arrintu degdeg ku noqotay ayaa yiri: qaali waa caadi oo diyaar baan ku ahay, wallow safarkaagu hoosta iga soo galay, mar walba diyaar buuxa Ayaan kuu ahay, laakiin Nayroobi waan ka maqanahay waxaan shaqo u tegay maggaalo xeebeedka  Banbaaso (Mombasa)waxaanan ka imaanayaa seddex berri kaddib ee waxaad samaysaa hotel deg waxaan kuu soo dirayaa tagsi  hoteel fiican ku keenaye.

Nasro inta qososhay ayay ugu jawaabtay: Gacaliye dhib kuma jiro, Laakiin waxaa fiicneed inaan  Mombaasa kula joogo, maggaaladaas waa magaalo dalxiis ayaan maqlay ana dalxiiska Ayaan aad u jeclahay, sidaa darteed waxaan rajaynayaa inaad mar ii wadi doonto oo inoo damaashaad geyn doontid, halkaas aan in badan tegideeda qalbiga Ayaan ku haayay, berrina safar
baan soo ahay ninka tagsiga igala  ballan, una sheeg in uu hoteel fiican i geeyo, anigga ayaa iska bixinaaya wixii  qarash ahe.
Nasro waxay qalbiga ku haysaa in Nuur Ganey dalxiis gayn doono, albaabada faraxada iyo rayrayntana uu u furi doono, waxay kaloo is leedahay baadidii kaa maqneed maanta ayaad heshay, baadidaasi waa farxad Nuur u sheegay in uu asagu sameeyo.
Nuur kolkay Nasro howraarsan tiri qaad uu cunaayay ayuu sifiican u raamsaday, dhowr xabbo oo sigaarana waa shitay, dirin ama Sali  wasaqaysneyd ee uu ku fadhiyana waa ka istaagay, inuu duulana waa damcay, marqaankiibaa u saxmay, waxa uuna isku arkay boqor, asaga oo qoslaayana wuxuu yiri:dumar ugu fil rooney  sidaasbaan isku ognahay, tagsina (Taxi) waan ku soo dirayaa Numbarkiisana aniga Ayaa ku soo siinaaya, si markaad timaado aad u wacdo.
Nuur saaxiibadiis ayaa maanta la fajacsan waa arkeen in maanta darbi u jabay, markaasbay si kaftana u waydiiyeen waxa uu galabta helay iyo jeebka uu gacanta u dirsadayba, waydiimahooda iskuma mashquuline waxa uu  jawaab uga dhigay meeshu waa magaale hala kala danaysto, Nasri gurigeedii ka soo hangagaartey, dal iyo dad aysan aqoona waa soo aaday, isma aysan weydiin waxay kala kulmi doonto, waxay u hoggaansantey hawadeeda iyo hiyigeeda beenta u horkacay, waxaase waa samaad u baryey Nuur oo dabinkii uu la raadinayey ay maanta ugu soo dhacday.

La soco qaybaha kaleโ€ฆ