๐Ÿ“š๐Š๐จ๐›๐œ๐ข๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š๐š๐๐š ๐‚๐ก๐š๐ง๐ง๐ž๐ฅ๐Ÿ“š
21.4K subscribers
357 photos
11 videos
508 files
282 links
๐™บ๐š˜๐š‹๐šŒ๐š’๐™ฐ๐šš๐š˜๐š˜๐š—๐š๐šŠ๐šŠ๐š๐šŠ ๐š†๐šŠ๐šŠ ๐™ถ๐š˜๐š˜๐š‹ ๐šŠ๐šŠ๐š ๐š”๐šŠ ๐š‘๐šŽ๐š•๐š’ ๐š”๐šŠ๐š›๐š๐š’๐š
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™ณ๐š’๐š’๐š—๐š’ ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™น๐šŠ๐šŒ๐šŠ๐šข๐š• ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐šƒ๐šŠ๐šŠ๐š›๐š’๐š’๐š”๐š‘๐š’ ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐™ฑ๐šž๐šž๐š๐šŠ๐šŠ๐š ๐™ฟ๐š๐š
Download Telegram
Suurada 75aad Al-Qiyaamah

Suuradaan waxaa loogu Magac daray Al-Qiyaamah oo ah Magac ay Xasiinaya Dadka Nolasha ka dambeysa mida Aduunka marka la geeriyoodo ka dib, maadaama ay Suurada si aad ah u tilmaanto hab Gaar ah Maalinta Qimaamaha Xaalada sida ay Noqon Doonto.
Suuradan waa makiyah, Aayadaheeduna waa 40 Aayadood, waxa soo dagatay Suurada Al-Qaaricah ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beeban tahay Dhamaadka Qeybta labaad ee Juzka 28aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Qiyaamah:

Suuradan waxay Dadka ku Baarujisaa Noloshaan Aduunyada ka dib in ay Jirto Nolol kale, sidaa darteed waxaa ay Suurada Dadka u tilmaameysaa in ay ka Digtoonaadaan in ay Maleeyaan in Nolosha Halkaan ku Dhamaato oo aysan Jirin Nolol ka dambeysa,, waxeyna Suuaradan Tilmaantaa Xaalafda daran ee Dhibaatada ah ee Koonka lasoo Gudboonaan Doonta marka lagaaro Maalinkaas Biloowgiisa, taaso keeni Doonta in Insaanka raadsado Meel uu uga Baxsado, Maalintaasna Meel loo baxsado majirto oo aan Xaga Allaah aheyn, halkaasoo uu Qof walba ka heli Doono Abaalkii Shaqadii uu ku qabtay intuu Aduunka Joogay Mid hore iyo Mid Dambaba.

โ™ฆ๏ธAfqalaad aqoon miyaaโ™ฆ๏ธ
๐ŸŒฟCiid Mubaarak Ciid Adxa
Waxaan marka hore u mahad celinayaa Ilaahay oo ah Macbuudka Xaqqa ah.Dhammaan ummadda islaamka gaar ahaan bulsha-weynta  soomaaliyeed meelkasta oo ay aduunka ka joogaan,
waxaan idin ku hambalyanayaa munaasibadda Ciid Adxa
Waxaanidin leeyahay:โ€ Ciid mubaarak, kulu caam wa antum bikheyr, taqabbal alaahu minna wa min kum saalax
al camaalโ€.Ilaahey ha inaga aqbalo cibaadadii suubanayde, ciidan ciideeda kale na Allah ha inagu gaadhsiiyo bash-bash , barwaaqo iyo nabad-qab.
๐ŸŒนEid adxa! ๐ŸŒน
โ€œKul โ€˜am wa antum bi-khair!โ€
(ูƒู„ ุนุงู… ูˆ ุงู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ)
โ€œTaqabbala Allahu minna wa minkum.โ€ (ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู…)
Meel kasta oo aad dunida ka joogtaann waxaan idiin rajeyneynaa Ciid Wanaagsan.
Suurada 76aad Al-Insaan

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Insaan, maadama si Kooban uga hadasho Marxaladaha uu Insaanka Marayo laga Bilaabo Abuurka iyo Marxaladaha uu kusoo biloowday ilaa laga gaaro Nicmada ama Cadaabka Sugaya marka lagaaro Maalinta Qiyaamaha.

Suuradan waa Madaniyah, Aayadaheeduna waa 31 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Ar-Raxmaan ka dib, Juz ahaana Musxafka waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Qeybta labaad ee Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Insaan:

Suuradan waxey ka Hadashaa Arimaha Quseeya Maalinta Qiyaame, si gaar ahna waxey uga Hadshaa Nicmooyinka kuwa Baariyada (Mutaqiinta) ah ay ku dhex leeyihiin Janada Dhexdeeda Abaal mar ahaan, sida Nimco aysan ilo Aarag Dhagu maqal, Qalbi Insaana aan ku soo Dhicin, Goglo Xariir ah, il Qabowsi iyo Macaan oo dhan, Nimco aan wax Dhibaata ah ka dambeyn, Nimco ka sareysana aysan jirin, Adeegayaal wanaag badan, Cabitaano Macaan badan, laguma Dhex baahdo lagumana Dhex Bukoodo, lagumana Dhex Qoraxoodo, lagamana Dhinto waa Meel Nimco iyo Sharaf oo dhan ku Dhameys tiran yihiin Xanuun iyo Murug kastana oo Aduunka lagula kumayna lagu iloobo.

Taariikhda iyo sooyaalka qoraalka farta soomaaliga
Suurada 77aad Al-Mursalaat

Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Mursalaat, maadama Ereygaas ay ku Bilaabato.
Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 50 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Humazah ka dib, Musxafkana waxa ay kaga began tahay Dhamaadka Juzka 29aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mursalaat:

Suaradan waxey si Xoog leh uga Hadshaa Arimaha Caaqiidada ku Saabsan, gaar ahaan Arimaha ku Saabsan Maalinta Aakhiro iyo sida Xaalka Caalamka noqon doono marka la gaaro sida in Xidigaha Iftiinkoodu Dhamaado, Samada in Dildilaaciyo, Buuraha in laga dhigo Boor la firdhiyay oo kale, waxayna soo bandhigtaa tusaalooyin Muujinaya awooda uu Allaah u leeyahay soo bixinta Insaanka iyo Abaal marintii sa Maalinta Qiyaamaha aydooweliba ay kusoo laablabato Aayad u Goodisa kuwa Beeniya ee ku waansami waaya Tusaalooyinka loo Muujiyay.

https://t.me/Afkeenuhodansanaa/1103
Suurada 78aad An-Nabaโ€™

Suuradan waxa loogu Magac daray An-Nabaโ€™ si ay Dadka u Xasuusiso weynida Akhabaarta Qurโ€™aanka Xambaarsan yahay, waxaa kaloo yaqaan Camma oo ah kalimada ay ku Bilaabato.

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 40 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Macaarij ka dib, waxa ayna Musxafka kaga Beegan tahay Biloowga Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Nabaโ€™:

Suuradan waxay u taagan in ay Sugto Caqiidaad ku Saabsan Soo Bixinta Geerida ka dib ah taasoo ay aad u Inkarsan yihiin Gaalada Mushrikiinta ah.
Suurada 79aad An-Naazicaat

Suuradan waxaa lagu Magacaabaa An-Naazicaat ama As-Saahirah ama Adh-Dhaamah, kalimadahaan oo Dhamaan ah kalimado Suurada ku Dhex jira .

Suuradan waa makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 46 aayadood, waxa yna soo Dagatay Suurada An-Nabaโ€™ ka dib. Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Biloowga hore ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada An-Naazicaat:

Suurtadan waxey Xooga Saartaa Qiyaamaha iyo Xaaladaha Aadag ee ka jira, sidoo kalana waxay ka Hadashaa Saacada Qiyaamaha Dhicitaankeeda iyo Dhibaatooyinka dhici doona Marka la gaaro Xiligaas, waxeyna Suuradan Tusaalooyian ka Bixisaa kuwa Muraqiinta ah iyo Kuwa Mujrimiinta ah.
โ™ฆ๏ธSuurada 80aad Cabasaโ™ฆ๏ธ
Suuradan waxaa loogu magac daray Cabasa, oo ah Kalimada Suurada ku Bilaabato,
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 42 Aayadood, waxa ayna Soo Dagatay Suurada An-Najmi ka dib, Musxafkana waxey kag Beegan tahay Biloowga hore ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Cabasa:

Suuradan waxa ay Dul haan ka hadashaa Caqiidada Islaamka iyo Risaalada, aydoo sidoo kalana wax ka tilmaanta Daliilada Muujiya Awooda weyn ee uu Rabi leeyahay iyo Kalinimadiisa Xaga Caabudida maadaama uu Abuurka koonka ku kali yahayba, waxayna Suurada si kooban u dulmartaa Abuurka Insaanka iyo Dhirta iyo Cunada Insaanka Cuno ayadoo islamarkaana wax ka xusta Maalinka Qiyaamaha iyo Dhibaatooyinka iyo Nimcooyinka ka jira.

Suuradan waxay kusoo dagatay Saxaabiga Indhoolaha ahaa ee C/llaahi Ibnu Ummi Maktuum oo Nabiga (Scw) tagay xili uu Mashquul ku ahaa sidii uu Dacwad u Gaarsiin lahaa Horjoogayaashii Qureysh Nin ka mid ah, ayuu C/llaahi kusoo Noqnoqday Nabiga asagoo leh i Hanuuni, Rasuulkuna Maadaama uu Mashquulsanaa ayuu kusii Jeesanayay Ninkii uu Hadalka u waday ee dacada gaarsii islahaa, taasoo keentay in ay Suuradan soo dagato ayadoo Nabiga lagu Canaantay inuu ka Mashquulay ruux Muslmiinta ka mid ah oo Hanuun Doon ah kagana Mashquulay Mushrik aan Hanuun Doon aheyn.

Arintaana waa mid ka mid ah daliilada Muujinaya Quraanka in uu Xaga Rabi ka yimid maxaa yeelay Nabiga hadii uu asaga la imaan lahaa waa u sahlaneed inuusan Naftiisa canaanan laakiin Nabiga waxaa Canaantaan iyo Quraanka oo dhanba kusoo dajiyay Alahiisa Kaliga ah



https://t.me/Afkeenuhodansanaa/1107
Su'aalo Ku Saabsan Tiirarka ay Caqiidada Kiristaanku Ku Dhisan Tahay

Diin walba waxay leedahay fikrado udub dhexaad u ah oo ay ku dhisan tahay. Matalan, diinta Islaamka waxaa udub dhexaad u ah Tawxiidka oo ah in Ilaahay (SW) uu yahay mid kaliya oo aysan cidna la wadaagin kownka uu abuuray. Inaysan jirin cid uu ka soo unkamay oo dhashay asaga, iyo cid uu asagu dhalay midna. Sababtoo ah dhalmo iyo taran waxaa u baahan makhluuqaadka uu jiritaankoodu wakhti go'an ku eg yahay oo u baahan inay sii tarmaan si aysan u dabar go'in. Ilaahay (SW) marka wuu ka deeqtoon yahay inuu ubad yeesho umana uu baahna. Sababtoo ah asagu waa khaaliq (Unke) ee makhluuq ama mid la unkay oo inuu tarmo u baahan ma ahan. Jiritaankiisuna wakhti kooban kuma eka oo mid dhamaan doo oo ay geeri ka dambayso ma ahan. Uma uu baahna marka inuu uu ubad yeesho.

Xaqiiqadaas qiritaankeeda kadib, waxay diinteena Islaamka na amraysaa inaan Ilaahay dhulkiisa ugu noolaano si waafaqsan rabitaankiisa oo ah rabitaan wanaag iyo toosnaan ay ku dhamaystiran yihiin. Quraanka kariimka ah asagoo xaqiiqadaas ka hadlaya wuxuu leeyahay:

ู‚ู„ ุฅู†ู…ุง ุฃู†ุง ุจุดุฑ ู…ุซู„ูƒู… ูŠูˆุญู‰ ุฅู„ู‰ ุฃู†ู…ุง ุฅู„ู‡ูƒู… ุฅู„ู‡ ูˆุงุญุฏ ูุงุณุชู‚ูŠู…ูˆุง ุฅู„ูŠู‡ ูˆุงุณุชุบูุฑูˆู‡ |ูุตู„ุช:6

"Waxaad tiraahaa nabiyow: anigu waxaan ahay un bani'aadam adinkoo kale ah. Waxaa la ii waxyooday in Rabigiin uu yahay mid qura. Sida uu doonayo u toosnaada oo asaga danbi-dhaaf waydiista .."

Waxay aayadaan soo koobaysa Tawxiidka iyo tiirarka Islaamka oo dhan. Waxay hal meel isugu keentay iimaankii iyo camalkii: rumaynta kali ahaashaha Ilaahay. Rumaynta nabiga loo waxyooday oo xaqa loo soo dhiibay. Iyo in si toosan oo rabitaanka Alle waafaqsan loogu dul noolaado dhulkaan uu Ilaahay abuuray oo wanaaga la sameeyo, xumaantana laga tago. Markii khalad iyo gaf lagu dhacana in laga towbadkeeno oo Ilaahay cafis la waydiisto. Intaas kadibna, Ilaahay asagaa qof walba kala xisaabtamaya wixii uu sameeyay (hadii ay wanaag ahaayeen si uu wanaag ugu abaalmariyo, hadii ay xumaan ahaydna si uu abaalkeeda u mariyo). Mana jiro qof loo ciqaabayo danbiga uu galay qof kale.
Intaas aan kor ku xusnay oo dhan marka waa wax caqliga saliimka ah uu fahmi karo.

Markiise aan u nimaanno diinta Kiristaanka oo aan fiirino tiirarka ay ku dhisan tahay; waxaan arkaynaa labadaan tiir:
1- Saddexaynta (Trinity) oo ah inuu Ilaahay leeyahay sadex shakhsiyadood oo kala gooni ah oo labo ka mid ah ay yihiin wiil iyo aabihiis. Kadibna in sadexdaas shakhsi oo kala duwan ay HAL mid yihiin! Taas macneheedu waa in 1+1+1=1๐Ÿ˜•. Bal adigu caqli ahaan meel mari 1+1+1=1.
Kiristaanku waxay fikradaan aan caqli ahaan toosnayn ku difaacaan in
Ilaahay uu yahay mid aan la fahmi karin (Mysterious). Midaas waxaa looga

jawaabi karaa: hadii aan Ilaahay la fahmi karin, sidee ku dhacday inaad tilmaan ka bixisaan wax aan la fahmi karin oo aad tiraahdaan waa sadex waana hal? Sidee wax aan la fahmi karin looga bixiyaa tilmaan gaaraysa ilaa heer xisaabeed? Sidoo kale, waxaa meesha ku jira in hadii xataa hadalkooda la raaco oo la yiraahdo Ilaahay lama fahmi karo, waxaa mar walba la fahmi karaa in sadex aysan ahayn hal (1+1+1โ‰ 1). Ilaahay baan la fahmi karin marnaba qiil uma noqon karto xisaab ilaa heerkaan khaldan! Sababtoo ah marnaba isma keeni karto inaad ilaahay tilmaan xisaab ku dhisan ka bixiso oo hadana markii xisaabtaas inay
khaldan tahay ay soo baxdo aad tiraahdo ilaahay lama fahmi karo.

2- Qodobka labaad waa in ilaahaas sadexda ah oo hadana halka ah (waa sida ay kiristaanku aaminsanyihiine) uu aduunka u soo diray wiilkiisii; asagoo midaas uga dan leh in wiilkiisa la dilo oo uu u dhinto dunuubta ay bani'aadamku galeen! Macnuhu waa sidan: bani'aadamka dunuub ay galeen buu ilaahay isu dilay! Hadana wali waa nool yahay oo dadkii aamini waayay inuu ayaga daraadood u dhintay buu ciqaabi doonaa qiyaamaha.

Halkaan waxaa ku jira dhowr su'aalood:โณโณ
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
- Ilaahay muxuu uga baahan yahay wiil? Ma boqortooyo uu ka tagi doono oo cid dhaxasha u baahan baa jirta? Makhluuqaadka inta ay dhashaan kadibna dhinta ayaa u baahan inay tarmaan oo ubad yeeshaan (waana la garan karaa xikmada halkaas ku jirta oo waa inaysan makhluuqaadku dabar go'in); waa maxay marka xikmada keenaysa inuu Alle wiil yeesho?
- Maxaa ku khasbaya Ilaahay inuu isu dilo dunuubta ay dadku galeen? Hadii uu doonayo inuu dadka cafiyo soo ma cafiyi karo ayadoo aan cidna la dilin?
- sidee cadaalad ahaan u dhici kartaa in cid loo dilo danbi ay cid kale gashay? Soo cadaalad darro ma ahan?

Tiirarka ay diintaan ku dhisan tahay marka caqli ahaan iyo akhlaaq ahaan midna uma toosna. Caqli ahaan uma toosna oo waa ayadaas ku andacoonaysa sadex baa hal ah. Akhlaaq ahaanna uma toosna oo waa ayada cadaaladii asaaska u ahayd akhlaaqda oo dhan dabamartay ayada oo leh: ilaahay wuxuu isu dilay ama wiilkiisii u dilay dunuubtii ay dadku galeen.
Xagee Ka Soo Jeeddaa Fikrada Sadexda Ilaah Ee Caqiidada Kiristaanka?

Inkasta oo goob ahaan dhalashada caqiidada Kiristaanka lagu xiriiriyo bariga dhexe, gaar ahaanna dhulka Falastiin oo ah halka uu ku dhashay nabi Ciise (nabadgalyo dushiisa ha ahaatee); hadana asaaska ay caqiidada Kiristaanku ku dhisan tahay oo ah Tathliithka (Trinity-ga) wuxuu ka soo jeedaa diinta Hinduuga ee wathaniga* ah.

Fikradda udub dhexaadka u ah caqiidada Kiristaanka waa Tathliithka (ุงู„ุชุซู„ูŠุซ) ama
Trinity-ga

The Father (midig), the Son (bidix) and the Holy
Spirit (shimbirta dhexda ku jirta)
ูSaddexaynta

ay kiristaanku u yaqaanaan (Trinity) oo ah fikradda oranaysa: Ilaahay marna waa aabbe, marna waa wiil uu aabahaas dhalay, marna waa ruuxa quduuska ah (the Father, the Son, and the Holy Spirit) oo sadexdaas walxood oo kala duwanba waa isla asaga!

Dhulka Falastiin ee uu ku dhashay nabi Ciise diinta laga yaqaano waxay ahayd diintii ay haysateen yuhuuddu. Diintaasna kuma aysan jirin fikraddaan saddexaynta balse yuhuuddu waxay aaminsanaayeen in Ilaahay uu mid kaliya yahay. Dhanka kale, Hinduuska oo dhul ahaan aad uga fog Falastiin waxay haysteen fikrada ah in koonka uu leeyahay ilaahyo tiro badan oo ay ugu sarreeyaan sadex ilaah oo la yiraahdo; Brahma, Vishnu, iyo Shiva. Hinduusku waxay fikradaan sadexda ilaah ku salaysan u yaqaanaan Trimurti oo u dhiganta Trinity-ga caqiidada Kiristaanka. Shaqooyinka ay caqiidada Hinduuga kala siisay sadexdaas ilaahna waxay kala yihiin: 1- abuurka iyo noolaynta (waxayna u tiiriyeen Brahma). 2- ilaalinta iyo dhowrista (waxay u tiiriyeen Vishnu. 3- dilitaanka iyo burburinta (waxay u tiiriyeen Shiva.

Fikrada ay caqiidada Kirisitaanku ka soo amaahatay diinta Hinduugana kuma koobna Tathliithka kaliya, balse waxaa intaas sii dheer in xataa shakhsiyadda asaasiga ah ee ay kirsitaanku u yaqaannaan Jesus Christ ay ka soo amaahdeen caqiidada Hinduuga. Waana ilaaha ay hinduusku u yaqaanaan Krishna oo ay aaminsan yihiin inuu yahay muuqaal ka mid ah muuqaallada Vishnu. Macnaha in Vishnu
uu siyaabo kala duwan ku yimid dunida, oo ay ka mid ahayd inuu mar dhashay asagoo ah Krishna.

Inay kiristaanku magaca shakhsiyadaan Christ ka soo amaahdeen caqiidada Hinduugana

waxaa cadayn u ah sida qisooyinka dhalashada ee Krishna iyo Christ ay isku midka u yihiin. Taariikh ahaanna caqiidada Hinduuga ayaa qiyaas ahaan 2500 oo sano ka da' wayn caqiidada Kiristaanka. Ma dhici karto marka in qisada dhalashada Krishna iyo Christ ay isku mid noqoto ayadoo aan labada qiso midood laga amaahan mida kale.
Tusaalooyinka muujinaya sida labada qiso isku midka u yihiinna waxaa ka mid ah: in Krishna markuu dhashay laga qarinayay boqor doonaya inuu dilo. Sidaas si la mid ah, waxaa Baybalka ku qoran in markii uu Christ dhashay laga qarinayay boqorkii markaa ka talinayay dhulka uu ku dhashay.
Sidoo kale Krishna markuu dhashay waa laga kaxeeyay meeshii uu ku dhashay oo dhul kale ayaa loo qaaday. Sidaas si la mid ah, Christ asna waa laga fogeeyay meeshii uu ku dhashay oo dhul kale ayaa loola cararay. Waxay isaga egyihiin oo kale in labadoodaba ay xoolaha raaci jireen (Krishna lo'da ayuu raaci jiray, Christ-na ariga). Sidoo kale, Waxaa Baybalka ku qoran in Christ la dilay. Kutubta Hinduuga ayaguna waxay sheegayaan in Krishna la dilay.
Intaas waxaa dheer in xataa hadaladooda qaarkood ay isku mid yihiin oo aad daraamayso in hadalada lagu been abuurtay nabi Ciise ee ilaahnimadiisa la xiriira in si toos ah looga soo amaahday hadallo ay hinduusku u tiiranayaan Krishna. Waxaa hadaladaas ka mid ku qoran kitaabka hinduuska ee loo yaqaan Bhagavad Gita oo sheegaya inuu Krishna ku yiri qof uu caqiidada barayay: Anigaa ah wadada badbaadada. Aniga ii imow [oo i aamin si aad u badbaado] ... .". Dhanka kale, Waxaa Baybalka ku qoran isla hadalkaas laftrkiisa oo loo tiirinayo Christ asagoo leh: Anigaa ah wadada, runta iyo noloshaba ..."โณ
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Waxaa kale oo labada diimood ee Hinduuga iyo Kiristaanka wadaagaan calaamado iyo dhaqamo diimeed laga dheehan karo sida ay isugu xiran yihiin oo midood looga minguuriyay mida kale. Tusaale ahaan arrinta ay Kiristaanku u yaqaanaan Sign of The Cross oo ah in markii 'salaada' la galayo labo farood la laabo, sadex faroodna la taago kadibna madaxa, bogga iyo labada garbood la isaga taabto sadexdaas farood. Calaamada sadexda farood ee goonida loo soocayo ayaa ah mid laga soo minguuriyay diinta Hinduuga. Waxayna Hinduusku u yaqaanaan Vishnu Mudra, oo waxay qayb ka tahay ficilka Yoga-da oo Hinduuska ugu jira booska salaada.
Sidoo kale fikrada ah in wadaadka Kiristaank ah (Priest) uusan guursan oo uu galo waxa Kiristaanku ay u yaqaanaan Celibacy ayaa ah mid laga soo minguuriyay fikrada ay Hunduusku u yaqaanaan Brahmacharya oo ah in ninka wadaadka ah (Sadhu) uusan guursan oo adeega diinta uu u go'o. Waxaa sidoo kale ay labadaan diimood wadaagaan dhaqanka ah in macbadka ama goobta cibaadada la geeyo cunto loogu dhowaanayo ilaaha lagu caabudayo goobtaas. Waxay Hinduusku u yaqaanaan cuntadaas Krishna Prasadam (ama Prasadam) , Kiristaankuna waxay u yaqaanaan cuntadaan Eucharist (ama Sacramental Bread/Altar Bread). Sawirrada iyo asnaamta dhex yaal macaabdida labadaan diimood ayaa sidoo kale ah dhaqan diimeed ay wadaagaan.

Waa iska cadahay marka sida caqiidada Kirsitaanka iyo fikirkeeda asaasiga ah ee sadexda ilaah ku dhisan ee Trinity-ga looga soo amaahday fikrada Trimurti-ga ee Hinduuga. Sidoo kale waxaa ayaduna cad in dhaqamada diiniga ah iyo astaamaha cibaadada in badan oo ka mid ah ay wadaagaan. Waxaase la is waydiin karaa: sidee ayadoo Falastiin iyo Hindiya sidaas u kala fog yihiin u suurto gashay in fikrada Trimurti-ga ee Hindiya la geeyo Falastiin? Waxaa fikaradaas ka qaaday dhulka Hindiya ciidamadii uu watay hogaamiyihii Giriigga ahaa ee reer Macedonia ee la oran jiray Alexander the Great oo mudo ku dhow afar qarni ka hor dhalashadii nabi Ciise qabsaday dhul balaaran oo Aasiya ku yaal oo Falastiin iyo Hindiyaba ay ka mid ahaayeen. Hogaamiyahaas markii uu dhintayna waxaa imbiraatooriyadiisii qaybsaday abaanduuleyaashii ciidamadiisa oo gacanta ku sii hayay dhulalkii soo hoos galay maamulkiisa. Sidaasayna ku suurtagashay in fikrad wathani ah oo caqiidada Hinduuga ka timid la geeyo dhulka Falastiin.

Sababta fududaysay inay ciidamadii Alexander qaadaan fikradda sadexda ilaah ee Hinduuga oo ay keenaan dhulka Falastiin, balse aysan qaadin diintii towxiidka ee Falastiin ka jirtay oo aysan gayn Hindiya waa ayadoo bulshada Giriirgga ah oo ay ciidamadaas ka soo jeedeen ay ahayd bulsho ilaahyo tiro badan caabuda. Mid walba oo ka mid ah ilaahyadooda tirada badanna wuxuu qaabilsanaa howl gaar ah, sida ilaaha badaha, ilaahadda jacaylka iwm. Sidaas daraadeed waxaa fudadayd inay caqiido ahan soo dhoweeyaan oo qaadaan fikrada sadexda ilaah ee hinduuska oo ilaah walba shaqo gooni ah u magacaabaysa.

Markii la soo diray nabi Ciise oo yuhuudii uu ugu yeeray kitaabkiisii Injiilka, dadkiisii qaarna waa rumeeyeen qaarna waa beeniyeen. Nabi Ciise markii uu dhamaystay wakhtigii uu dhulkaan joogi lahaa oo samada dhankeeda loo qaaday kadibna, waxaa kitaabkisii Injiilka badalay nin ay kiristaanku u yaqaannaan Rasuul Bawloos (Paul the Apostle). Bawloos wuxuu ka mid ahaa yuhuudii aadka u nebcayd nabi Ciise (nabadgalyo dushiisa ha ahaatee). Sidaas daraadeed buu ninkaan ku been abuurtay nabi Ciise asagoo sheeganaya inuu arkay nabi Ciise markii samada dhankeeda loo qaaday kadib. Iyo in nabi Ciise uu asaga ugu yeeray inuu aamino ilaahnmadiisa iyo inuu yahay wiilkii Ilaahay, dadka kalena inuu ugu yeero fikradaas ku salaysan sadexda ilaah.
Dadkii raacay nabi Ciise waa diideen fikradii uu ninkaan la yimid. Mudo dhowr qarni ah kadib ayayse fikardii Bawloos heshay cid u hiilisa, markii sanadkii 325kii miilaadka uu boqorkii Roomaaniyiinta ee Constantine la oran jiray uu la saftay dadkii aaminsanaa ilaahimada nabi Ciise, oo markaa kadibna uu amray in la qaato Afarta injiil oo la gubo dhamaan kutubta kale ee diinta Kiristaanka ee aan waafaqsanayn afartaas buug.