๐Ÿ“š๐Š๐จ๐›๐œ๐ข๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š๐š๐๐š ๐‚๐ก๐š๐ง๐ง๐ž๐ฅ๐Ÿ“š
25.9K subscribers
390 photos
13 videos
510 files
298 links
๐™บ๐š˜๐š‹๐šŒ๐š’๐™ฐ๐šš๐š˜๐š˜๐š—๐š๐šŠ๐šŠ๐š๐šŠ ๐š†๐šŠ๐šŠ ๐™ถ๐š˜๐š˜๐š‹ ๐šŠ๐šŠ๐š ๐š”๐šŠ ๐š‘๐šŽ๐š•๐š’ ๐š”๐šŠ๐š›๐š๐š’๐š
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™ณ๐š’๐š’๐š—๐š’ ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™น๐šŠ๐šŒ๐šŠ๐šข๐š• ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐šƒ๐šŠ๐šŠ๐š›๐š’๐š’๐š”๐š‘๐š’ ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐™ฑ๐šž๐šž๐š๐šŠ๐šŠ๐š ๐™ฟ๐š๐š
Download Telegram
Nuur ayaa isaguna qiiroodey erayada macaan ee dareenka leh iyo sida ay isugu dulsaarantahay inta uu gacmihiisa labada dhaban kaga qabtay ilmo iyo is bihin bihis beenana bilaabay ayaa yiri, haddaan ku waayo inaan sii noolaanayo ilama aha, wuxuuna durtadiiba raaciyey shumis labada daan ah kaddibna  baashiyo iyo baashaal ayuu ula dhaqaaqay.
Nuur waxaa uu yaabay oo rumeysan waayey markii  inta nasri ka dulmartey hubkeedii iyo horaadkeediina dul dhigtay ay shumis iyo baasho indhaha isku qabsatay, galgalasho iyo baaxaadeg badan kaddib oo laysla neef tuurey ayaa mar dambe la miyirsaday.
Nasro oo xabbadkiisa ku jiifta ayaa tidhi macaane ma sugi karo muddo dheer ee I xalaaleyso, caawana  i meherso, waxaan rabaa inaan gaarno goolkeenna oo aan mideyno nafaheenna, baahideenana werwer laโ€™aan dhammeystirano.
Nuur hadalkeeda dheg jalaq uma sine, shaqadiisii ayuu sii watay, waxa uu bilaabay in isku dayo in uu dharka ka bixiyo, kaddibna Nasra ayaa dib uga baxday shaatigeediina badhamada ama guluusmanka u xiratay, inay is toostoosisana billowday,  Nasro ayaa si degan ugu tiri : Gacaliye wax walba waa kuu diyaare oo adigaa iska lehe, boobka iyo degdega iska daa, oonku si uu labadeenaba uga baโ€™o  I xalaalayso oo i meherso, intaad baahi ii qabto toban jibbaarkeed baan kuu qabaaye.
Nasro codsiga meherku ay ku celcelinaysaa ma qabto waayo waa marwo nin kale qabo, waxaase ka dhaadhacsan haddii uu ninkani ku mehersado kii hore waa kaa furmayaa ama isagaa iska kaa furi doono, ninkase yuusan kuu maleyn naag xun oo lays wad watee xujo uga dhig si uusan kaaga dheeraana, gacanta ku dhig.
Dhanka kale Nuur codsigeeda ma diidin mana yeelin, balse, gacma gacmayntii waa ka daayay kolkay soo fariisatay, sheeko caadi ah ayay  qabsadeen Nuur in ay dido ayuu diidayaa, ismana daalinaayo oo waa og yahay in ay dabinka ugu jirto ayada oo xaaladdu saas tahay   ayuu ka codsaday in ay is diyaariso,   si ay  bannaanka u  aadaan, suuqa iyo magaalada ayaa loo baxay, maqaayad bilicsana ayuu geeyay waa la soo qadeeyay, qosol faraxad iyo weliba rayrayn ayaa la soo dhammaystay, waxaana lagu soo noqday qolkii, waa casar liiqii oo qorraxda ayaa sii gaabanayso, Nuurna waxaa u cuntami wayday in uu caawa ka seexdo nimcadaan asaga oo aan dantiisa ka gaarin, waxa uu u sheegay  in uu bannaanka u baxaayo sheekh isku mehriyana u yeeri doono hawshoodana isla caawa gebagebaynayo.
Nasrana inta ku soo booday ayay labada dhaban ka dhunkatey macaane ku mahadsanid inaad riyadeydii ii rumeysay oo ahayd inaan ooridaada noqdo, Nasra ayaa tiri sug, kaddibna waxay dib ugu laabatey boorsadeedi, waxayna fag ka soo siisay lacag badan oo isku duuban oo gaaraysa 6kun(6000) oo dolar.
Nuur farxad darteed inuu suuxo ayuu ku sigtey wiligiis lacag intaas la eg gacan kuma dhigin, waxa uu u sheegay in uu lacagta berri ka qaadi doono, caawana in ay heyso ayuu ka codsaday, waxa uu tusayaa in uu san u baahnayn lacag, Nuur waa ka soo tegay Nasra, oo waxa uu soo aday laba nin oo saaxiibadiis ah guri ay ku qayilaayeen, mid ka mid ah ayuu u sheegay arrintii, waxa uuna ka codsaday in uu caawa sheekh iska dhigo Naagtana ku mehriyo, saaxiibkiis  Xiirey kama diidin ee asaga oo qoslaayo ayuu yiri: sheekh waan iska dhigi karaa, laakiin anigu wiligay dugsi quraan ma tegin, quraana ma aqaan, si dumar loo mehriyana ma baran ee maxaan sameeyaa?
Nuur oo qoslaaya ayaa yiri: Waxaas ka bax adigu afka nuux nuuxi sheekhna iska dhig in aan inanta ku qanciyo unban  rabaaye,  waa laysla qaatay waxaana la sii kaxeeyay laba nin oo kale hoteelkiiba toos loo abaaray, waxaana albaabka laga galay qolkii ay fadhisay Nasro.
Nuur ayaa u sheegay Nasro in wadaadadii uu wado meherkooduna hadda dhici doono iyaduna ma aysan diidin ee waa soo dhaweysay, waxayna u keentay cabitaan ay ka dalbatey qolada hoteelka oo ay sii diyaarisay iyo macmacaan.
Nuur ayaa yiri : sheekhaygiiyow  waa tan gabadha aad igu mehrineysaa magaceedu waa Nasro Xuseen ayaa la dhahaa
Xiiraya;  Waa lagu mehrinayaa ee aan gabarta warsano inay diyaar u tahay?
Nuur ayaa hadalka qaatay af sawaaxilina(Swahili) kula hadlay Xiiray oo ku yiri:napenda kufanyakasi,(waxaan rajaynayaa in aad arrinka si degdeg ah iigu qabato.
Xiireyna wuxuu gudagalay, wareysigii gabadha, markuu dhammeystay xogteediina isaga ayuu gacanta ka qabtay wuxuuna billaabey meher beenaadkii.

La soco qaybaha danbe.
Waan idin salaamey bacda salaam qofwalba hasoo qaato koobkiisa shaaha ah ama casariyaha si aynu uga bowsano taxanihii iyo qaybtii 24aad


โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•

๐ค๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐š๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐จ โ˜Ÿ๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽโ˜Ÿ๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ ๐‚๐ก๐š๐ง๐ง๐ž๐ฅ๐ค๐ž๐ž๐ง๐šโ˜Ÿ๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ
แฏฝแฏฝแฏฝ @KobciAqoontaada3 แฏฝแฏฝแฏฝ
๊ง๊ง @KobciAqoontaada3 ๊ง‚๊ง‚
โœ๏ธŽโœ๏ธŽ @KobciAqoontaada3 โœ๏ธŽโœ๏ธŽ

๐ฐ๐š๐ค๐ก๐ญ๐ข๐ ๐š ๐Ÿ•” โฑโฑ

๐†๐จ๐จ๐›๐ญ๐š ?????
Waa taxanihii iyo qayb kale

Nuur asxaabtiisii hal todobaad ma arkin, bannaanka waa laga waayay, kolkuu  dhowr cisho Nasro ag bilqanaa ayuu maalintii danbe bannaanka u baxay, waxa uu abaaray guriga saaxiibkiisa Xiiray oo ah shiikhii quโ€™raan dhurwaaga ugu banneeyay Nasro, mahadcelin ayuu kala dul dhacay, waxa uu u sheegay in uu arkay wax uusan horay u arkin, waa la wada qoslay, Nuur ayaa qaad tiro badan saaxiibkiis Xiiray u dalbay waa la qayilay, oo la sheekaystay nin walba oo qayila kolka qaadku gaaro, waxbaa maskaxdiisa ku soo dhaca Nuur kolkuu qaadkii gaaray, ayuu waxa uu xisaabiyay, inta uga hadhay lacagtii Nasro u gacan gelisay, waxa uu is tusay in uusan wax badan ka isticmaalin, waxa uu ku fikiray, in uu lacagtaan tukaan ku furto, Nasrana, xaas guri u degan ka dhigo, taas uma cuntamin, ee waxa uu is tusay in Nasro aysan wax danbe ugu harin,  waxa uu naftiisa kula showray, in markay ay  dhowr cisho oo danbe sii joogaan uu u geeyo gabdho ay asxaab yihiin, lacagtaana iskaga qayilo, Nasrana gabdha haas la noolaato, fikirkaasi waxa uu la noqday mid wanaagsan oo wax tar leh, mudana in uu ku dhaqaaqo.
Waxa caaddo ah in waqtigu guureeyo, oo galbado, hiiraysto oo hadaafo, Nuur iyo Nasro waxa ay hoteelkii(hotel) wada deganaayeen muddo ku siman 20 cisho, waa la kala xiiso dhacay oo sidii hore hadda la iskuma soo bood boodo, wallow Nasro ay weli u heelantahay Nuur, asagu  xiisihii uu u qabay, waa ka dhammaaday, markii horaba Nuur xiiso uun buu kula joogay, xiisuhuna  waxaa caaddo u ah in uu waqti yar ku idlaado, oraahdii caanka ahaydna waa tii lahaydโ€xiiso iyo xoor caanaba horay ayay u idlaadaanโ€.
Nuur hadda waxa uu ka fikirayaa in uu Nasro hoteelkaan lacagta badani uga baxayso ka kaxeeyo, fikirkiisiina ka miro dhaliyo, waxa uu dejiyay habka ugu qurxoon ee uu Nasro arrinkan uga dhaadhici karo, waa ogyahay in aysan waxba ka diidayn, balse waxa uu diidayaa in ay dhagartiisa dareento, waxa uu rabaa in uu la dejiyo gabdho Ilbaxa oo magaalada ka can ah, Balwad leh oo aan xumaan iyo wanaag u kala soocneyn.
Nuur waxa uu rabaa in uu Nasro ka dhaadhiciyo in ay  gabdhahaas la degto, waxaa uu xariir la sameeyay gabdhihii uu rabay in uu Nasro la dajiyo mid ka mid ah,  oo Sacdiyo la yiraahdo, Nuurna ay aad iskugu fiicnaayeen, habeennada ay ka wareersan tahayna asaga kusoo ag dhici jirtay, Nuur  waxa uu Sacdiyo uga sheekeeyay Nasro, waxa uu u sheegay in uu gabdhaan guursaday, lacagna uusan u hayn, sidaad darteed waxaan kaa codsanayaa in ay  u oggolaato in gabadhaas la soo degto.
Sacdiyo oo qoslaysa ayaa tiri: waan ogahay oo markaad noo keento uma imaanayside, qoftu qof  magaalka fahmaysa ama la fahamsii karo ma tahay? Ileen Nuurow waad ogtahay anagu habka aan magaalada ku jog na e.
Nuur: Walaal ayada ayaa dan u fahmaysa, hadda sedexda bile e hore kirada guriga aniga ayaa sii qadimaaya, nolosha kalana adinku la maareeyaa.
Sacdiyo waxa ay u sheegatay in uu keensado, waxayna u sheegaty in ay ayada qolkeeda ku soo dhowaynayso seddexda bile e hore, iskuna dayayso in ay magaalada fahamsiiso.
Nuur aad buu u faraxay aadna waa ugu mahad celiyay, intaas dabadeedna waxa uu guda galay in uu Nasro ka dhaadhciyo.

Lasoco qaybaha danbe
Halgankii soomaalida ee guumeysi diidka ahaa 1862 Ilaa 1920
Muddo dhowr bilood ah haddii si qarsoodi ah warar leysu weydaarsanayay sidii ciidamada leysugu dubaridi lahaa iyo aminta biyo kamadhibcaanka ah ee daraawiish lagu duulayo, ugu dambeyntii gees walba waxaa kasoo amba baxay col lixaad leh, sida lawariyay guutada geesta bari kasoo duushay dhinaca boqorka tiradoodu waxey ahayd  6,666 qofood waxaa lagu jaan gooyay sidey sheegeen aayadaha quraanka kariimka ah , abaanduule waxaa colkaa u ahaa sadax nin oo ilmo boqor cusmaan ah, guutadaas waxey kasoo amba baxday dharoor, waxaana soo amba bixiyay oo qiyaastii sodon meyl sagootin usoo raacay boqorka iyo koox lataliyaal ah,  Colka kale ee xagga waqooyi kasoo baxey waxaa tiradiisa lagu sheegay 3,500 oo qofood, waxaana abaanduule u ahaa garaad maxamuud Cali shire iyo maxamuud jaariq oo lataliyihiisii ahaa. Bishii luulyo dabayaaqadeedii 1901 ayaa col waliba meeshiisii kasoo amba baxay iyadoo ceel buuraan oo daraawiish heysato lagu balamay, deeto colkii huwanta waxey soo dul fadhiisteen ceelkii buuraan oo lixdan nin oo daraawiish ah fadhido, madaxna uu uahaa nin la oranjiray maxamuud feyte oo udhashay ogaadeen,  dhowr casho haddii ladul fadhiyay , loona geli waayay ayaa dab hareeraha daartii lagaga shiday, sidaa daraadeedna 45 daraawiish baa halkaasi kudhintay, daarihiina waa laqabsaday, markii ceelkii buuraan lahantiyay ayaa waxaa laqeybshay afartan nin oo uu wato maxamuud jaarig waxaana lafaray in warsangeli utagaan oo xeradii xoolo galaanba ari, lo, iyo geel midkastaba ha ahaadee neef hilib ah kakeenaan, sidoo kale  400 rati oo maxamed boqor watana waxaa loodiray boosaaso waxaana lafaray inuu raashin ukeeno colka huwanta. 
Daraawiishtii kabadbaaday dabkaas ayaa fakatay oo xaruuntii daraawiish uwargeesay, intaan laba tuko isdayin ayaa qusuusidii leysku wacey si arinta looga tashado, durbadiiba haddii xaaladii ladarsay waxaa lasoo qaaday sadax talo midood in lagu dhaqaaqo oo kala ah 

Dagaal waa lama huraan colka buuraan qabsaday talaabada xigta waa inuu xaruunta kusoo duulaa ee makahor tagnaa intaanu inagelin oo ceelka buuraan baanu kuladagaalnaa. 
Maxaruunta iyo xoolaha dhaxdooda baanu kusugnaa nimey guuli raacdaba kula dagaalanaa. 
Madhabar jebin beynu kudhufanaa oo arladii ay kasoo duuleen iyo rugtoodii beynu weerar gelinaa, dabadeedna wax aynu kala mudanaba halkaas beynu afka saarnaa. Gudoonkii wuxuu ku goay laguna duceystay talada ugu dambeysa, deeto guuto 1200 qofood kakooban oo lug iyo faras kujooga ayaa xaruuntii taleex kaduushay, gudoonkuna yahay  degmada raacin gebi iyo cowsane fadhida laweeraro taasina waa usoogashay. 
Bishii agoosto 1911- keedii ayaa colkaasi weerar kubalaariyay degmada warsangeli oo markaas cal kasoo degtay GUโ€™ wanaagsana udaโ€™ay, raggiina kamaqan yahay oo belo aan barbarna kafileyn ayaa dad iyo duunyo dagalkii looqaaday. Maxamuud jaarig oo ahaa lataliyihii garaad maxamed cali shire lagana soo diray buuraan ee loosoo diray in xoolo hilib ah oo colka buuraan fadhiya ukeeno oo kujooga faras layiraahdo jiire oo inyar weerarka kahor arlada tagay ayaa kabaxsaday , inkastoo daraawiish kudadaashay iney ninkaas qabtaan hadana waa gaari waayeen , maxaa yeelay faras dheereeya ayuu kujoogay, maxamuud hadduu arkay in daraawiish xoolihii taabteen, dagaalna lagu horjoogsan Karin waxey la ahaatey  inuu ciidankii gaashaan buurta ahaa ee buuraan uwargeeyo, duhur dabadii goor ay tahay ayuu ceelkii buuraan colkii ugu tagay, markii layiri bal waran wuxuu yiri wax igasoo horeeya miyaad aragteen, waxaa layiri maya, wuxuu yiri wax iga dambeeyana arki meysaan , degmadii aan ukacey iyo arladii daganeydba daraawiish baa gashay dad iyo duunyana wey baa bi isay sidaa daraadeed ayaa wax nool iiga dambeeya aan la arkeynin. 
Waxgarad baa markiiba lasoocay, talo baa loo fadhiistay, hadalkiina waxaa lagu uruurshay laba hal inoo kala doora oo midkood inoogu gudoomiya 
In colkaas xoolaha wata laga hortago oo ceydha iyo maatada xoolaha loodhiciyo dabadeedna xaruunta lagu dabreeyo. In xaruunta daraawiish labeego oo xoolaha waxa jooga laqaado, colka xoolaha kale watana lagu dabreeyo. 
Hagankii soomaalida ee guumeysi diidka ahaa iyo 1862 ilaa 1920

Taladii waxaa loo dhiibay garaad maxamuud cali shire oo lagu yiri adiga tali, wuxuuna kutaliyay in colka xoolaha soo dhacey oo xaruunta daraawiishta kuwada lagahortago, xoolahana laga reebo, dabadeedna xaruuntii lagu dabreeyo,  duhurkii dambe ayaa halkaa laga raacdo galay faras iyo lugba ladhaqaaqay, sidii loo socday ayaa 11/8/1911 markuu waagu dilaacay ayaa daraawiish oo xoolihii wada banka turuje lagu weeraray, darawiish jilibkey udhigtay, inkastoo labada geesoodba lagoโ€™ay daraawiish baa goobtii ku adkaatay, xoolihiina latagtay, dagaalkaas wuxuu caan kuyahay oo loo yaqaanaa dagaalkii habaar humbule, daraawiish xoolihii waxey keeneen saldhigii daraawiish . 
1912 ayaa ingiriisku dib ugu soo noqday dhulkii baadiyaha ahaa ee uu horey uga guuray. 
Daraawiish waxey taleex kadhistay afar qalcadood oo kala ahaa:-  

SILSILAD. Oo loogu talagalay laba Kun Nin iney kadagaal galaan, iyo shankun oo xoolo ahna qaadi Kara gudaheeda. 

FALAAT. Oo loogu talagalay sayidka iyo raga gaarka ka ah. 

DAAWAT. Oo loogu talagalay dadka martida ah iyo safarada xaruunta imaanaya. 

EEGI. Oo kuryad dhaladeed laga dhisay loogu talagalay in sadaxdaa qalcadood laga ilaaliyo wixii xaruunta soo galaya ama kabaxaya, kadibna waxaa ladhisay xaruumo kale. 

1912 waxaa la abuuray guutooyin rag daraawiish laga xulay oo boqolaal ah, karti iyo geesinimo loo ogyahay, farda fuulna ah, boqol walibana waxaa lagu jaaday meel, waxaana lafaray dil iyo dhac iney isugu daraan cidii cadow kuah daraawiish ee arlada kunool, raggaasi waa nimankii berbera gubay, waa nimankii laasqoreyn galay, boosaaso gubey, hobyana dabka geliyay oo dad iyo duunyo arlada rogey. 
1913 bartamihiisii ayaa gumeystihii talyaanigu wuxuu goostay in daraawiish kahor joogsado iney dhinaca webi shabeele banaadir ugu fidin, markaa wuxuu isku dayay inuu abuuro ciidan daraawiishta kahortaga oo kakooban askar iyo raaciyada, saanad, lacag, iyo raashina lasiiyo, laguna guubaabiyo iney daraawiish ladagaalamaan, meelaha ay degan yihiina ka eryaan, taladaasi meel mar manoqon. 
Nin majoor ahaa oo buula barde joogey, askar xoog lehna kuheystay ayaa daraawiishtii far dheeraatay kunoqday, deeto 1915 kii nin daraawiish kamid ah oo caan ahaa lana oran jiray indhaceel raage daamey oo xawaadle ahaa, watana 40 rag tagey buula barde oo talyaanigu fadhiyo, waxeyna qaadeen webiga degtiisa koonfur, markey tuulada geeskeeda joogaan ayay  fardihii iyo raggii badankiisii katageen, shan nin oo indho ceel wato ayaa talyaaniga ugalay waxeyna kuyiraahdeen daraawiish baanu kasoo fakanay, talyaanigaan magan unahay, maajoorkii meesha heystay intuu kalabatey ayuu afar talyaani ah oo kahoos shaqeenayay uyeeray siay raga dabka uga qabtaan, unasoo dhaweeyaan, hase ahaatee waxaa dhacay waxaan lafileynin oo shanti daraawiish intey isha qoodha iskala hadleen ayay shantii talyaaniga ahaa shan xabadood kukala dhufteen, argagax baa dhacey deeto daraawiishtii kale ayaa intey horey usoo dhaqaaqeen saldhigii rasaas ooda uga qaaday, dad badana halkaa kulaayay, deeto sinabad ah ayay dhaqso uga baxeen aagga. 
3/3/1915 ayaa sadax ciidan oo kala duwan ay baladweyne lix meel kagasoo duuleen, ciidamadaas oo kala ahaa ciidan uu talyaanigu wato oo sadax madax ukala socday kanasoo baxay buula burde, buqcaqable, iyo tiyeeglow, iyo ciidanka cali yuusuf keenadiid oo laba madax ahaa oo kasoo kalabaxay ceel buur iyo ciidan ina diinle wato {reer olol diinle} ciidankaa oo hal madax ahaa kanasoo kicitimay qalaafe. 
9/3/1915 ayaa daraawiish oo fadhiday baladweyne dagaal afar geesood ah lagagasoo dhuftay, hayeeshee daraawiish gaashaankey uqabatey, waana lajabiyay huwantii soo duushey, daraawiishi dagaalkaa kadib baladweyne aad bey ugu xoogeesatay. 
 GAALKII KOOFIL dalka soomaaliya wuxuu yimid 1904 isagoo kasoo shaqeeyay dhowr dal oo afrikaan ah, kana mid ahaayeen koonfur afrika iyo neejeeriya, markuu yimid soomaaliya waxaa madax looga dhigey ciidamada fardooleyda iyo rukuubleyda ee kahowlgala geyiga soomaalida ee ingiriisku gumeysto. 

โโโโโ@KobciAqoontaada3โโโโโ
Taxanaha Siirada Rasuulka Scw
DAGAALKII MU'TA


Qaybtii 2aad

markaas ayuu garbihiisii isugu soo dumay (isugu keenay) ilaa uu ka shahiiday. Rasuulku SCW wuxuu sheegay in uu Ilaahay siiyey Jacfar labo garab oo jannada meeshii uu ka rabo ugu duulo, waxaana Jacfar la dhahaa labo Garable. Cabdullaahi ibnu Cumar wuxuu yiri "meydkii Jacfar baan dul istaagay, waxa aan ka tiriyey 50 nabar oo isug jirey seef iyo waran, haddii lagu daro fallaarahana waxa ay gaarayeen dhowr iyo sagaashan". Ka dib sidiii amarka Nabiga SCW ahaa waxaa ciidankii hoggaanka u qabtay Cabdullaahi ibnu Rawaaxa. Cabdullaahi sidi saaxiibbadiis o kale ayuu ciidankii ugu hor maray isaga oo faraskiisii saaran. Naftiisii ayuu xoogaa ka dareemay markaasuu u tiriyey tix yar oo ku leeyahay "Waxa aan nafyahay ku dhaaranayaa in aad u degto (dagaalka) ee yeel ama nac. Maxaan kuu arkaa (nafyahay) in aad jannada naceysid". Ka dib Cabdullaahi wuu dagaallamay ilaa uu ka shahiiday.
Markii ay shahiideen saddexdii nin ee Rasuulku SCW soo magacaabay, dagaalkiina uu weli si daran u socdo ayaa calankii waxaa qaaday Thaabit binu Arqam oo yiri "muslimiineey nin iska soo dhex doorta", markaas ayey dheheen "adiga ayaan ku dooranay", wuxuu yiri "aniga ma qabanayo (hoggaanka)", ka dib waxaa la doortay Khaalid binu Waliid. Khaalid waxa uu dagaalamay dagaal aad u xeel dheer ilaa Sagaal seefood gacantiisa ku jabeen. Khaalid oo aad u yaqaannay xeeladaha dagaalka waxa uu adeegsaday aqoontiisi ciidammeed, wuxuuna beddelay qaabki uu ciidanka muslimiintu u dagaal gelayey oo ciidankii midig joogey bidix ayuu geeyey, kii bidix joogeyna midgi, kuwii gadaal joogeyna hore. Roomaanki waxa ay u maleeyeen in ciidan xoojin ah uu ku soo biiray ciidankii muslimiinta, markaas ayaa Ilaahay ku riday baqo iyo niyad jab oo gadaal bay u gurteen. Khaalid markii uu muddo dagaalkii waday kagana gacan sarreeyey ayuu si tartiib tartiib ah u soo bixiyey ciidankii muslimiinta. Roomaankii oo baqdini gashay ayaa ku laabtay magaaladoodii. Khaalid iyo ciidankiisii waxa ay soo aadeen Madiina.
Rasuulka SCW oo loo waxyooday intii aysan ciidanku Madiina gaarin ayaa asxaabtii ku yiri "waxaa calankii qaaday Seyd waana la diley, ka dib waxaa qaaday Jacfar isna waa la diley, ka dibna waxaa qaaday ibnu Rawaaxa isna waa la diley ilaa uu ka qabtay calankii seef seefaha Alle ka mid ah (Khaalid) ilaa uu Ilaahay u furay".
Sidoo kale Rasuulku SCW isaga oo ka waramaya raggaas shuhadada ahaa ee ku dhintay dagaalkaas waxa uu yiri "ma ay farax galinayso (iyaga) ama ima ay farax galinayso (aniga) in ay nala joogaan.
Dagaalkan Mu'ta waxaa muslimiinta ka shahiiday 12 nin, roomaankiise lama garanayo tirada ka dhimatay laakiin waxaa la qiyaasayaa in tiro badan ay ka dhimatay. In kasta oo aysan muslimiintu dagaalkan gaaladii ku jebin, dhulna ka qabsan haddana wuxuu muslimiinta u soo hooyey guul aad u ballaaran waxa uuna ka mid ahaa dhacdooyinkii Ilaahay diintiisa ku ciseeyey. Guulahaas waxaa ka mid ahaa in carab oo dhan uu ku dhacay wareer iyo baqdin, waxa ayna ka quusteen in ay muslimiinta la dagaallamaan maxaa yeelay muslimiintu waxa ay u beer dhigeen ciidankii roomaanka oo waqtigaa dunida ugu xoogga badnaa, cid isku taagtana aysan jirin. Waxaa kale oo yaab noqotay in 3,00 oo nin ku duushay, una babac dhigtay ciidan 200,000 ah isla markaasna ay soo noqdeen iyaga oo uusan khasaare weyni soo gaarin. Waxaa kale oo ay dad badani xaqiiqsadeen in ay muslimiintu yihiin dad xagga Rabbi looga gargaarayo oo aan la hoojineyn, cid ay ka baqayaanna aysan jirin, Nabiguna SCW uu yahay Rasuul xaq ah oo Ilaahay soo diray sidaa darteed carabtii islaamka diideysey waxa ay bilaabeen in ay islaamka soo galaan oo Allaah iyo Rasuulka SCW isu dhiibaan. Waxaa si degdeg ah u soo islaamay qabaa'ilkii banuu Suleym, Ashjac, Qadafaan, Dubayaan, Fasaara iyo kuwa kale. Sidoo kale wuxuu dagaalkani albaabbada u furay duullaamadii ay muslimiintu ku qaadayeen dhulalkii fogaa iyo qabsashadii magaalooyinki Ruum.
Taxanaha Siirada Rasuulka Scw

ILAALADII DAATU-SULAASIL
Dagaalkii Mu'ta markii laga soo laabtay ayaa waxaa la maqlay in reer Qudaaca oo Shaam degganaa u tabaabushaysanayo sidii uu Madiina ugu soo duuli lahaa, markaas ayuu Rasuulku SCW wuxuu bishii Jamadul-Aakhir, sannadkii 8aad ee hijriga u direy ciidan 300 oo nin ah, uuna madax uga dhigay Camar binu Caas.
Camar iyo ciidankiisii markii ay reerkaas u dhowaadeen ayey ka war heleen in ay ciidan aad u tiro badan hastaan, markaas ayey Rasuulku SCW u soo direen Raafic binu Mukeyth si uu Rasuulku SCW ugu soo diro ciidan siyaado ah. Rasuulku SCW wuxuu ku soo daray ciidan 200 oo nin ahaa, oo ay ku jireen Abuubakar iyo Cumar, wuxuuna madax uga soo dhigay Abuu Cubeyda ibnu Jarraax. Ciidankani markii uu ku biiray ciidankii hore ayaa waxa labadii ciidan hogaamiye u noqday, salaaddan tujinayey Cumar binu Caas.
Ciidankii markii ay gaareen dhulkii cadowga ayey jihadii ka luntay oo waxay gaareen meeshii ugu shisheysay dhulka cadowga halkaas oo ay kula kulmeen ciidan, ka dib dagaal ayey ku qaadeen hase yeeshee cadowgii waa baqday oo kala cararay. Camar wuxuu Rasuulka SCW u soo diray Cawf binu Maalik si uu ugu sheego in ay nabad qabaan oo ay guuleysteen, muddo ka dibna Madiina ayey ku soo laabteen.
Waa taxanihii jacaylka

Nuur aad buu u farxay aadna waa ugu mahad celiyay, intaas dabadeedna waxa uu guda galay in uu Nasro ka dhaadhciyo, arrinkaan, waxa uu u yeeray Nasro, oo bannaanka qolka fadhisay, sheeko caadi ah ayuu u galay, waa ka qosliyay oo xanta xanteeyay, intii sheekadu socotay waxa uu ka fikirayey habka ugu habboon ee uu Nasro ugu sheegi karo hawsha uu damacsan yahay, habab kala duwan ayay maskaxdiisu usoo bandhigtay, waxa uusa ka doortay in uu Nasro ku yiraahdo safar ganacsi ayaan dalka Taylaan(thailand) u aadayaa gacaliso hoteelkaana siima deganaan kartid oo waxaa laga yaabaa in ciidamada boosliska keenyaanka kaa shakiyaan, anoo maqana dhib laguu gaysto,si aysan taasi u dhicin waxa aan goโ€™aansaday in aad la sii deganaato gabdho aan qaraabo nahay oo guri kaligood degan, in badana in aan ku baro iga codsaday, waxay aad u danaynayaa in ay ku bartaan, gacaliso haddii aan hoteelkaan kaaga tago welwel iyo walaac ayaanan  howsha aan u tegaayo ka qabsan karayn, ee sideed  u aragtaa haddii aad gabdhahaas kula sii dejiyo,  inta aan maqanahayna aad halkaas sii joogto?
Aad ayuu u beer laxowsaday, waana uu baqa geliyay in uu ayada u danaynaayo una cabsanaayo ayuu u sheegay.
Nasro waa safrayaa kolkuu yiribay hinqatay, oo is tiri mala waa kaa dhuumman rabaa, haddana waxa ay isku qancisay in aysan suura gal ahayn in uu ka dhuunto, maadaama uu leeyahay waxaan kuu gaynayaa gaddho aan qaraabo nahay, ayada oo labalabayn ku jirta ayay tiri: noloshaydiiyow  in aad hal habeen garabkayga ka maqnaato ma rabo, ragguna in ay socdaan oo shaqaystaan waa lagama maarmaan oo nin aan wax qabsanayn lama agjoogi karo, raali baan kaa ahay, waana oggolahay  soo jeedintaada, waxaan ahay xaaskaagii in aan amarkaaga aqbalana waa igu waajib, sababtoo ah marwada fiicani waa mida ninkeeda adeecda  amarkiisana maqasha!
Nuur oo aan dan ka lahayn marwo daacad ah iyo mid daalinad ahba ayaa iska dhigay nin u qushuucsay ama la dhacay hadalka Nasro waxa uuna yiri asaga oo madaxa ruxaaya: โ€œWaan ogaa in aad tahay  kunkaroon aan cid gaareysa carra edge laga helayn, kolkaad nolosheyda ku soo biirtay ilaa maantadaan la joogo  waxa aan dareemayaa farxad aan weligay  arag sheekona ku maqal qof haleelay, markaan si mugleh u milicsado, sidaad ii wanaajinayso  oo aad iigu hagar baxayso, waxaan xasuustaa, ducada waalidkay  mar walba ii duceeyaan, xaas dhugleh oo maqal leh oo  aad dumar uga maaranto hel bay kol walba i dhihi jireen, ducadaas waa la aqbalay oo adiga ayaa xaas ii noqday, ee qaali isku diyaari waanu ka guuraynaa hoteelkaane, anna safarbaan isku daarinaaye.
Nuur waalidkii weligiis uma ducayn oo maba samayn wax uu duca ku kasbado, balse hadalka unbaa halkaa la galay, waa aftahan hadalka heli og oo sheeko yaqaan ah, dumarka meelaha laga marana xariif ku ah.
Wax walba oo bilow lihi, dhammaad ayay leeyihiin, oo kolbay dhammaadaan, wax walba oo duulaana kolbay soo degaan oo dhulka kusoo hoobtaan,  wax walba oo aan la dhowrina waa dhammaadaan, maanta waxaa ku eg wada joogii Nasro iyo Nuur, farxadii  been hawaaska ahayd iyo noloshii  beenta lagu jilaayay, hadda waxaa bilaabmaysa nolol weji kale leh, qof walbana si u qaabili doonta,  Nasro way is diyaarisay, oo waxa ay diyaar u tahay in ay amarka xabiibkeeda ficil u bedesho, intaasina waa intii Nuur rabay.
Waa maalin arbac ah galabteedii, caawa oo khamiis ah waxa ay u hoyanaysaa guri kale, gaari ayuu dalbay Nuur waxa uuna geeyay, gurigii Sacdiyo iyo asxaabteedu ku noolaayeen, sacdiyo weji furan ayay ku soo dhowaysay, waxa ayna hadal kaga bilowday: duumaashi soo dhowow waan ku faraxsanahay in aan ku aragno, ha is martiyayn, gurigu waa gurigaagiiye.
Nasro oo yara xishoonaysa ayaa ugu jawaabtay: waa ku faraxsanahay in aan idinku ag sugnaado, aad baan u rabay in aan Nuur dadkiisa barto.
Sacdiyo oo fahantay in Nuur gabadha ugu sheekayay  in aan qaraabo yihiin, ayaa tiri: dumaashi sidoo kale waan ku faraxsanahay.
Nuur asagu bannaanka ayuu taagan ayahay in uu degdeg u baxo oo wejigiisa iyo wejiga Nasro is waayaan ayuu rabaaa.
 Waa u suura gashay in uu baxo, kolkii asaga iyo Nasro si gaar ah isku macasalaameeyeen, lacag ay bil si fiican ugu noolaatana uu siiyay ayuu yiri: gacaliso anoo kuu baahan ayaan haddana kaa tagayaa,  danteena ayaan u baxayaa, waana noo soo shaqaynayaa ee  isoo ducee.
Sidaasbaa lagu kala hoyday habeenkaas Nasro waxay  jiifatay qolkii xaliimo, waxa ay aad ula yaabtay rag tiro badan oo guriga habeenkii oo dhan joogay, ma fahmin sababta raggaasi guriga u joogaan  markii hore, waxa ay u qaadatay, rag gabdhaha la walaal ah, maba ogaba in gabdha ay la degan tahay iyo raggaani habeen kasta meeshaan ku qayilaan oo waqti ku wada qaataan, dareen kale ayay ku jiifatay, subixiina waxa ay soo kacday ayada oo ay gabdhihii xalay ay ka seexatay weli soo jeedan, Xaliimo ayaa quraac u keentay subixii koobaadโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ.
La soco qaybaha kale
Subaxyadii ayaa is daba galay, galbihiina waa isku gacan haatiyeen isna sagootiyiin, waa subax dhaliilo Nasrana waxa ay garab fadhidaa xaliimo, waana wada sheekaysanayaan, waxa ayna Nasro xaliimo waydiinaysaa in ay is maqleen Nuur, maadaama ay dhowr  isbuuc ka soo wareegtay safarkiisa,  ayadana uusan la soo hadlin,  Nasro aad bay Nuur uga fikiraysay intii uu ka maqnayba,  waxa ay aad ula yaabtay sababta keentay in uu lasoo xariiri waayo.
Xaliimo oo qoslaysa ayaa tiri: Nasro horta halkeed Nuur isku barateen?
Nasro: Walaalo waxaan isku baranay baraha  bulshadu kuwada xidhiidho, gaar ahaan faysbuug(facebook).
Xaliimo: aqoon intee Leโ€™ eg baad u leedahay?
Nasro: Aqoon sidaa u ballaaran uma lihi, waxa uu ii sheegay in uu yahay nin ganacsade ah, oo xoolo rabbi ku manaystay, sidoo kale waxa uu ii sheegay, in uu waddankaan()Kenya) ku dhashay, tan kale  waa wiil dhaqan wanaagsan, jaceyl farabadana ii qabay, in badana in aan is aragno waan ku hammi jiray intaanan halkaan ugu iman, waan ku raystay intii aan la joogay waxaan ka helay dhaqankiisa faraxad fara badana waa uu isiiyay, ee adigu bal haddii aad iiga aqoon roon tahay wax ii sheeg?
Xaliimo: Walaal horta waxaan rabaa in aan runta kaaga sheego ninkaan Nuur ah, waxaad  tahay gabar walaashay ah, weliba isku magaalo ayaan labadeenu ka nimid, haddii aan hoos isku sii warraysanana waxaa laga yaabaa in aan qaraabo noqono, taasise muhiim iima ahan,  walaal Nuur waxa uu ka yimid ama ku dhashay, magaalada Jigjiga qayb reerkooda ka mid ahna waa reer Hargaysa magaalada  aad adiguba ka timid, aniga iyo asagu waxaan isku fahanaa in aan ka soo wada jeedno hal magaalo.
Nasraay haddaan runta kuu taabto Nuur ganacsade ma ahan, haddana ganacsi kuma maqna ee magaalada ayuu dhinac ka joogaa, shalay galab kolkaan suuqa aaday xitaa waan is aragnay, imana kaa waydiin, ma ahan nin reer yeelan kara, ma ahan nin adi ku dhaqi  kara, waa nin ay waa hore reerkiisii kala irdhoobeen, kalana tageen waa hore.
 Nuur magalaadaan  waxba kama ahan adna wax kaagama qaban karo, waan hubaa waa uu ku soo lugooyay, ma tihid gabdhii ugu horraysay ee uu lugooyo, gabdho badan ayuu hallaagay, beena u sheegay, aniga waxa uu iga codsaday in aan magaalada ku fahamsiiyo bisha kowaadna aad qolka ila deganaantid, kaddibna aad shaqaysatid, ana aan kaa caawiyo sidaad magaalada u geli lahayd, waad aragtaa anagu sidaan u nool nahay, magaaladaan hooyo iyo aabbe midkoodna  nooma joogo, annaga ayaa magaalka ka qaraabana, nimankaas guriga usoo qayil tegayaa ayaan waxay haystaan la cunaa, habeennada qaarna maggaalka ayaan ku dhaxnaa sida aad aragtayba, oo aan waxaan cuno kasoo raadsanaa, adna wax kaaga keenaa, Xaliimo oo hadalka aan dhammayn ayay Nasro ka daftay oo tiri: Xaliimow oo ma waxaad i leedahay Nuur magaalada ayuu joogaa, oo safar ma aadin, ma waxaad i leedahay Nuur ganacsade ma ahan ee waa darbi jiif ma waxaad i leedahay, Nuur nin dumar dhaqda ma ahane waa baylihye, alla ba,ayay, anaa hoogay, xaliimow tan oo kale in ay I qabsanayso wiligay kuma fikirin, waxa ayna bilowday in ay ooydo.
Xaliimo ayaa isku dayday in ay aamusiiso, waase ka diiday, waxaa u timid, Fartuun oo qolka ku xiga ka soo kacday, hadalna uga bilow naagtu maxay la suuroonaysaa, ooyinteedu cid ay dhibayso miyaa jirta? xaaliimow waa kuu sheegay in badan gabadhaani waa nagu dulsaar, waxna nooma qabato, maanta laga bilaabo, waa iney, wax qabsataa, haddii kale bannaanka ayaan u saari doonaa, mar danbana yaanan maqlin ooyinteeda,  tan kale maxay hurdada nooga kicinaysa ma anaga ayaa gurigeedii ka keenay, naayaa iga aamus aan kaa seexda e.
Maxaa ka xanuun badan kolka ooyintaada lagu wiirsado, dareenkaagu siduu noqon lahaa, adoo ooyaay haddii ay dhegtaadu maqli lahayd ereyo nuucaas ah, ma aamusi lahayd, maba amusi kartid, Nasro ooyinteedii ayay iska wadatay, ilaa Fartuun soo noqotay oo kob afka kaga dhufatay, Xaliimana kama qabana waxa ay ku tiri: fartuuney naga aamusi, waa tu beer jilcane, runtii ayayba ka oynaysaaye ka warran.Nasro waxa ay maagtay iska qabo, balse waa cabsatay, sababtoo ah fartuun ayay  horay u aragtay ayada oo gabdho deriska ah la dagaalamaysa,
marka in ay dagaal gasho waa ka baaqsatay.
Adduunyo weji xun maalinba waji ayay noolaha ku qaabishaa, Nasro oo boqorad guri ka ahayd maanta kobaa afka lagala dhacay, cid u garaabtana ma leh, ileyn marbay dantu kuu run dheegtaa?
Nasro waaa aragtay in aysan meeshaan naxariisu ool, ooyinteedu cid ay dhibaysana  in aysan hareeraheeda joogin ayay ogaatay,  waxa ayna ku jeestay xaliimo kuna tiri: Maalintii uu Nuur ii kaa keenay, maxaad warkaan igu sheegi wayday?
Xaliimo: Dee  nin iyo naagtiis is wata, maxaa i dhex gelinaaya, maxaadse ka qaadi lahayd?
Nasro: Walaal hadda ninka ma I tusi kartaa?
Xaliimo: Kuma tusi karo, taasina  shaqadayda ma aha nee maxaad u haysaa ninka?
Nasro: Walaal ninka uurbaan u leeyahay waana ninkaygii ee halkuu joogo igu hagaaji.
La soco qaybaha kale

โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚
๐–ฃ”
๐–ฃ”๐ฅ๐š๐ฌ๐จ๐œ๐จ ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ญ๐š ๐ฑ๐ข๐ ๐ญ๐š ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ง
๐–ฃ”
๐–ฃ” โ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽ
๐–ฃ” @KobciAqoontaada2
๐–ฃ” @KobciAqoontaada3
โ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽ
Waan idin salaamey bacda salaam qofwalba hasoo qaato koobkiisa shaaha ah ama casariyaha si aynu uga bowsano taxanihii qaybihiisa kala duwan

โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•โ˜•

๐ค๐š๐ฌ๐จ๐จ ๐š๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐จ โ˜Ÿ๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽโ˜Ÿ๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ ๐‚๐ก๐š๐ง๐ง๐ž๐ฅ๐ค๐ž๐ž๐ง๐šโ˜Ÿ๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ
แฏฝแฏฝแฏฝ @KobciAqoontaada3 แฏฝแฏฝแฏฝ
๊ง๊ง @KobciAqoontaada3๊ง‚๊ง‚
โœ๏ธŽโœ๏ธŽ @KobciAqoontaada3 โœ๏ธŽโœ๏ธŽ
๐‘พ๐’‚๐’‚ ๐’•๐’‚๐’™๐’‚๐’๐’Š๐’‰๐’Š๐’Š ๐’Š๐’š๐’ ๐’’๐’‚๐’š๐’ƒ๐’•๐’Š๐’Š 28๐’‚๐’‚๐’…

Nasra ayaa calaacal iyo catoow ka dayn weyday Xaliimo, walaaley mar qura indha ii saar oo i tus gabar miskiin ah oo la shirqooley baan ahaye.
Xaliimo: Kuma tusi karo, taasina  shaqadayda ma aha nee maxaad u haysaa ninka?
Nasro: Walaal ninka uur baan u leeyahay waana ninkaygii ee halkuu joogo igu hagaaji.
Xaliimo: uur baan u leeyahay aa!  Ayay la soo booday, ayada oo yaabsan, hadalkiina waa jartay,mar kale ayay ku soo noqotay oo tiri:
War khayr leh ma  aadan sheegin,  wax aan kuu qaban karana  ma jiraan, kaliya waxaan isku dayi doonaa inaan Nuur arrintaan u sheego, waxaa laga yabaa in uu kuu  imaado haddii uu maqlo in aad uur leedahay, mase hubo in Nuur kuu iman doono, ma ahan, nin ciyaal inuu yeesha ku fikiraaya, waa nin xaaladdo kale ku furan yihiin, balse dad lagama quusta e waan kugu tagayaa, arrinkana waan u sheegayaa.
Xaliimo kuma farxin uurka Nasro way ka naxday, sababtoo ah waxaa u muuqday dhibka ay mari doonto Nasro.
Nasro: walaal anigu aan ku raaco kolka aad u tagayso, si aan anigu ula hadlo, waa intaasuu wax iga maqlaaye.
 Xaliimo waa ka oggolaatay iney raacdo waxayna u sheegatay in ay ku raadi doonto beri galab,galabtii Naso sugaysay ayaa la gaaray,  waxa ayna isku siidaayeen  guri ay xaliimo taqaanay in Nuur laga helo,  waa gaareen, nasiib wanaag waxa ay tageen Nuur oo markaas soo fariistay ,laama jaadana kala baandhaynaayo, oo naftiisa u kala qaybinaaya, kolkay albaabka soo istaageenba waa ka naxay oo waa dhibsaday aragoodu , isla markiiba waa kacaa fadhiistay,  asaga oo yaaban ayay Xaliimo u  yeertay oo kaalay ku tiri, kolkuu soo ag istaaganay waxa ay dhab ku siisay oo u sheegtay in Nasro uur u leedahay loogana baahan yahay in uu gabadhaan meel gaysto si wacano u dhaqdo, Xaliimo oo hadalka wada ayay Nasro ka boobtay hadalna ka bilowday: beenlowyahow maxaad ii sirtay, oo aad noloshayda ugu ciyaartay, maxaad iskaga kay dhigtay waxaadan ahayn?
Nuur oo suโ€™aalahaas kululi ka xanaajiyeen ayaa yiri: Naa buuqa igala tag anigu kuma sirine adiga ayaa isoo doontay, baahidii aad igu timidna waa kaa baahitiraye, haddana kuma aqaane wejigaaga iga qari, tan kale Xaliimow naagtaan yaa igu soo raadi ku yiri ,mase hubtaa inaan anigu uurka u yeelay, Xaliimow gabadhaan mar danbe yaanan ku arkin meel aan joogo, uurka ay sheegaysana ciddii u yeeshay ha raadsato, aniga kaligay uma tagine, hadana  I dhaafi, meeshaad doontana geey.
Nasro: Anigu uurka uma yeelin aa! All anaa baโ€™ay war yaa kale oo ii yeelaayay?
Nuur: Ciddii doontaba hakuu yeesha e, anigu kuuma yeelin.
Nasro talo ayaa ku caddaatay, in Nuur inkirayna waa aragtay, cid ay cabashadeeda u sheegatana waa garan wayday, waxaa ku dhacday, laguu xumee oo ha caban, hana caroon, ee ciil iyo caabuq la seexo.
Intaas kolkii lays dhaafsaday ayuu Nuur ku laabtay fadhigiisii xaliimana ku yiri: Samaanteena haddii aad rabto gabdhaas mardanbe meel aan joogi ha keenin, haddii kale wax kale ayay igala kulmaysaa.
Hanjabaad iyo inkiraadbaa layskugu daray, Nasro, waana la duleeyay, oo la caayay, mana haysato garab, cid u gargaaratana warkeeda meel iska dhig.
Xaliimo isma dhibine Nasro ayay ku tiri: Naa nasoo wad waad i ceebaysaye , nin aan uur kuu yeelin baad igu raadi igu tiri, ana caqli daridayda waan ku soo raacay.
Dib ayay wadadii ay ku yimedeen ugu noqdeen, ayaga oo soo hungoobay, iyo Nasro oo caro bisteed la ah.Waxa ay yimideen  gurigii, isla durbadii ay Albaabka kasoo galeenba Xaliimo waxa ay u qayla dhaamisay gadbhii la deganaa, dhammaantood in ay u yimaadaan ayay codsatay, ayaga oo yaaban ayay u yimdeen.
Midkastana waxay tiri: Naa maxad noogu yeertay?
Xaliimo: Maanta  ceeb ayaa igu dhacday, gabdhaan feeraha wayn ayaa igu tiri: Ninkii Nuur ahaa ee nagu yiri waan qabaa igu raadi uurbaan u leeyahaye, waan ka naxay oo waan ku raadiyay, Nuurna waan is helnay, Nuurna waxa uu sheegay in uusan uurka u yeelin qabina,  oo waa inkiray, ayaduna waa is ceebaysay ana waa i cabaysay inkaar qabtadu.
Gabdhihii qosol ayay mid walba meel ula dhacday, markaasbay halmar dheheen oo uurka malagu inkiray, oo ninku gabdha ma qaban miyaa? War qaraaxo leh ayaad haysaaye ka warran?
Xaliimo: Ma qabin, kaliya heshiis ayay iskula joogeen, asaguna beenbuu noo sheegay ayaduna beenbay noo sheegtay.
Fartuun oo ah gabdhaha meesha jooga midooda ugu beerka adag ayaa hadalka qaadatay oo tiri:Anigu naagtaan in uusan ninkaasi qabin mar hore ayaan ka shakiyay markay igu tiri Nuur ayaa safar taylaan ugu maqan aniga oo maalin walba suuqa ku arka,dhibsa maleh oo ayada ayay ku kooban tahay, haddiiba ay safar u soo gashay si ay nin aan qabin u tiraahdo waa i qabaaโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ..
La soco qaybaha kale.

โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚โ‚
๐–ฃ”
๐–ฃ”๐ฅ๐š๐ฌ๐จ๐œ๐จ ๐ช๐š๐ฒ๐›๐ญ๐š ๐ฑ๐ข๐ ๐ญ๐š ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ง
๐–ฃ”
๐–ฃ” โ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽโ„๏ธŽ
๐–ฃ” @KobciAqoontaada2
๐–ฃ” @KobciAqoontaada3
โ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽโ˜˜๏ธŽ
โ—‡Xusuusin! Alle ma ku Shukriday Maanta?

Alle wuxuu ku siiyay 86,400 Ilbiriqsi maanta. Ma u isticmaashay mid ka mid ah inaad ku Shukrido?

โ—‡Xusuusin Alle maku shukriday maanta?

Waxaan la murugoonaa haddii Ducadeena aan deg-deg u helin. Ka waran haddii Alle dambi kasta aan sameyno deg-deg noogu ciqaabi lahaa?

โ—‡Xusuusin Alle Maku Shukridey Maanta?

Waxaan ka cabanaa dhib yar oo na soo gaarta, taasoo aan gacmaheena ku shaqeysanay, waxaan hilmaanaa in dhib intaa ka weyn nagu dhici lahaa balse naxariista Alle darteed nalooga baajiyay.

โ—‡Xusuusin Alle Maku Shukridey Maanta?

Iminka oo aad neefsatay adigoo caafimaad qaba, qof ayaa qaatay neeftiisi u dambeysay oo dunida ka tagay

โ—‡Xusuusin Alle Maku Shukridey Maanta?

Haddii aad saaka hurdada ka toostay adigoo nabad qaba, hadaa u heysato in Alarm clock ku kicisay bal ag dhig meyd in ay kiciso! kolkaa ayaad ogaaneysaa in naxariista Alle aad ku toostay

โ—‡Xasuusin Alle Maku Shukridey Maantaโ—‡

Haddii aad aqrin karto qoraalkan, waxaad ka nasiib badan tahay malaayiinka aan Indha lahayn, kuwa aan wax aqriska aqoon & kuwa aan iftiin koronto heysan oo mugdiga ku nool.
Lama soo koobi karo Nimcooyinka Alle.
Si kastoo xaalku yahay, had & Jeer, u mahad-naq Alle.
Xusuusnow: ma nihin umad maalin keliya Mahadcelisa, waxaan nahay dad xilli kasta ku Xamdi-naqa Rabigood.

โžก๏ธ Dheh: Alxamdulilaah
Kitaabka la siiyay Nabi Ciise (cs) Wuxuu ahaa: _________.
Anonymous Quiz
40%
TAWREET
11%
ZABUUR
45%
INJIIL
5%
QUR'AAN
Naagta la guursaday xoolaha ay soo raaciyaan reerkooda waxaa la yiraahdaa:-
Anonymous Quiz
19%
SIISMO
13%
DHABAN
30%
YARAD
37%
DHIBAAD