๐Ÿ“š๐Š๐จ๐›๐œ๐ข๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š๐š๐๐š ๐‚๐ก๐š๐ง๐ง๐ž๐ฅ๐Ÿ“š
22.4K subscribers
374 photos
13 videos
508 files
293 links
๐™บ๐š˜๐š‹๐šŒ๐š’๐™ฐ๐šš๐š˜๐š˜๐š—๐š๐šŠ๐šŠ๐š๐šŠ ๐š†๐šŠ๐šŠ ๐™ถ๐š˜๐š˜๐š‹ ๐šŠ๐šŠ๐š ๐š”๐šŠ ๐š‘๐šŽ๐š•๐š’ ๐š”๐šŠ๐š›๐š๐š’๐š
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™ณ๐š’๐š’๐š—๐š’ ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐™น๐šŠ๐šŒ๐šŠ๐šข๐š• ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐šƒ๐šŠ๐šก๐šŠ๐š—๐šŠ๐šข๐šŠ๐šŠ๐š• ๐šƒ๐šŠ๐šŠ๐š›๐š’๐š’๐š”๐š‘๐š’ ๐™ฐ๐š‘
โ˜ž๏ธŽ๏ธŽ๏ธŽ๐™ฑ๐šž๐šž๐š๐šŠ๐šŠ๐š ๐™ฟ๐š๐š
Download Telegram
Suurada 81aad At-Takwiir
Suuradan waxaa lagu Magcaabaa At-Takwiir ama Kuwirat, waana Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 29 Aayadood, waxaeyna soo Dagatay Suurad Al-Masad ka dib, Musxafkana waxa ay kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada At-Takwiir:

Suuradan waxay si Gaar ah uga Hadashaa laba arimood in Xaqiiq yihiin.

1-Cadeynta Xaqiiqnimada Maalinka Qiyaamaha

2-Cadeynta xaqiiqnimada Waxyiga iyo Risaalada Nabi Muxamad (Scw).
Suurada 82aad Al-Infidhaar

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 19 Aayadood, waxa ayna Soo dagatay Suurada An-Naazicaat ka dib, Musxafkana waxaey kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Infidhaar:

Suuradan waxa si aad u Muujisaa habka ay u Dhici Doonto Saacada Qiyaamaha iyo Qaabka uu noqon Doono Koonka Marka Xiligaas la gaaro, waxeyna Suurada intaas ka dib Tilmaantaa Xaaladaha ay kala Muteysan Doonaan kuwii Baariyada ahaa iyo kuwii Faajiriinta ahaa marka lasoo Nooleeyo oo lasoo saaro Maalinta Aakhiro.
Suurada 83aad Al-Mudafifiin
Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 36 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada Al-Cankabuut ka dib, Musxafkana waxay kaga Beegan tahay Bartamaha Qeybta Koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Mudhafifiin:

Suuradana waxey daaweysay dhaqan ahaan Dadka Ganacsatada qaar waxyaabo Gaf ah aad u Fool caadeesta sida in ay Miizaanka khafiifiyaan marka ay Dadka u beegayaan oo ay wax ka Dhimaan, laakiin ayaga Markey beeganayaan Buuxsadaan, taasoo uu Allaah ugu Goodiyay in ay Cadaab daran Muteysan Doonaan marka la gaaro Maalinta Qiyaamaha Miizaankaas dartiis.

Suuradan waxey ka Hadashaa Amuuro quseeyo Caqiidada Islaamka, waxeyna ka Sheekeysaa laba Qeybood oo kala ah Fujaar iyo Mutaqiin Qiyaamaha iyo Diiwanada lagu kala qoro, waxayna faahfaahisaa waxa Qolo walba Abaal marka ay Heli doonto

Waxaana Xasuusin Mudan Suuradaan waxay Tilmaantaa in kuwa Faajiriinta ah waxyaabaha lagu Ciqaabi doono ay ka mid tahay in laga Xijaabo Rabigood oo aysan arki doonin, ayadoo Taas badalkeedna kuwa Baariyadaa lagu Abaal marinayo inay Rabigood arkaaan Maalintaas si ay ugu Nicmeestaan waayo ma jirto Nimco ka weyn Nicmadaas
Hambalyada Sanadka Cusub Ee Hijriga 1446

Waxaa maanta bilowday sanadka cusub ee Hijriga 1446, sanad walba maanta oo kale waxaa ay muslimiinta u dabaal-degaan maalintii Hijrada.


Waan heesayaaye
sanad waliba hoodiyo
Hawl iyo dhibaatiyo
wuxuu hadimo leeyahay.
Waa laga helaayoo
hadhow lagu xasuustaa
Kii noo hagaagee
noqo loo han weyn yahay.
Kii noo hagaagee
noqo loo han weyn yahay.
Qaar kaa horeeyoo
hodanaa na dhaafee.
Halkii loogu mahad naqay
ka habaabi maysidee.
Ku hadhayna dabadaa
waa la hubsan doonaa.
Kii noo hagaagee
noqo loo han weyn yahay.
Waan ku heybineynee
ilaahay hakaa dhigo.
Adna hogol da,aysiyo
habeen dhalad barwaaqiyo.
Nimco la harsan dooniyo
hawo lagu heshiiyee.
Kii noo hagaagee
noqo loo han weyn yahay
Suurada 84aad Al-Inshiqaaq

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 25 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Infidaar ka dib, Musxafkana waxey kaga beegan tahay dhamaadka Qeybta koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Inshiqaaq:

Suuradan waxay si guud uga Hadashaa Dhibaatooyinka jiri Doona Marka Qiyamaha la gaaro, iyo Asuusha Caqiidada Islaamka ay tahay in la qabsado si looga badbaado Dhibaatooyinkaas.

Sidaa darteer ayay Suurada tilmaantay Badbaada iyo farxada ay heli doonaan Ahlu-Towxiidka marka maalintaas Kitaabkooda Gacanta midig loo saaro ayagoo faraxsana ay Ahaladooda Janada kula jira kula laaban doonaan, halka kuwa Maalinta Qiyaamaha beeniyay Kitaabkooda dhabarka laga siin doono ayagoo hoogayeysanaya karina weysan inay fiiriyaan waxa xun ee Camalkooda ah oo kitaabka ka buuxa markaas ayaana la galiyaa Naarta Saciira sababta loo galinayana waa Camaladoodii darteed ee Alaah Adoomihiisa ma dulmiyo.

Sabaha loo cadaabayo:

1--Waxa ay haayeen kuwa farxad ku nool intii ay Dunida joogeen iloowsan Maalintaas murugada jirta oo tamashle ku Dhameestay Aduunkooda.

2--Waxay Aaminsanaayeen inaan lasoo Celin doonin Maalinta Qiyaamaha ama waxaaba la dheer gaaritaanka Maalintaas ilaa uu uga si lama filaan ula kulmaan.
Suurada 85aad Al-Buruuj

Suuradan waa Makiyah, Cadadka aayadaheenu waa 22 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Ash-Shamsi ka dib, Musxafkana waxey kaga beegan tahay Dhamaadka Qeybta koowaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Buruuj:

Suuradan waxey guud ahaan ka hadashaa Caqiidada Islaamka, waxeyna si faahfaahsan usoo bandhigtaa gumaadkii loo geystay Dad Ahlu-Toowxiid ahaa oo Dab lagu daadiyay markii ay Diideen in ay Diinkooda xaqa ah ka tanazulaan, taasoo macnaheedu yahay in dadka Muslimiinta ah looga Baahan yahay in ay Dulqaad la yimaadaan sida Dadkaas Muslimiinta ahaa ee ka horeeyay ugu Dulqaateen Dabkii lagu gubayay si ay Diinkooda u dhowraan.

Qisadii Ahlu-Towxiidkii la Gubay:

Nabigana (Scw) waxaa uu saxaabada ugu Sheekeyn jiray Dhibaatooyin lasoo Gudboonaaday Muslmiintii hore sida in Minshaar lagu kala goyn jiray si Diinka looga leexiyo, laakiinse ay iska Dulqaadan jireen marna Diinkooda kama laaban jirin.

Suuradaan faahfaahinteeda waxaa uu Nabiga ku Sheegay xadiis saxiix ah oo uu kaga hadlay Sababta ay ku Muslmeen Dadkaas dhibaatada gaartay in ay tahay wiil yar oo Diinka ka Bartay Raahib, markii Dambana loo cadaabay Diintiisa darted ilaa uu Boqorkii cadaabayay uu ka awoodi waayay inuu Dilo Wiilka, taasoo Markii dambe wiilkii uu Sheegay in Habka kaliya ee lagu dili karo ay tahay In Magaca Allaah la Xuso marka Dilkiisa la Damacsan yahay Meel fagara ahna lagu dilo, taasoo Boqorkii Maslaxad Biday inuu yiraahdo markuu Gamuunkii iyo Qaansadii is dul Saaray yiri: Waxaan ku gamayaa Gamuunkan magac Wiilkan Rabigiisa, Wiilkiina uu sidaas ku geeriyooday, hase yeeshee waxaa arintaas waano iyo dacwo u Noqatay Dadkii daawanayay oo dhan oo yiri Waxaan Rumeynay rabiga Wiilka!!

Taasoo sababtay Boqor Dadkaas Caabudi jireen inuu yiraahdo hadaadan Diinka Toowxiixdka ka laabanina waan idin Gubi Doonaa dhamaantiin, markii ay Hanjabaadiisa u dhaga nuglaan waayeena wuxuu ku Dhaqaaqay inuu dabka ku Guro ilaa lagasoo Gaaro Gabar Xambaarsan Wiil yar oo ay nuujineysay, markii ay Dabka Dul istaagtay ayay Wiilkeeda u naxday oo dabkii ka Joogsatay, laakiin waxaa Allaah uu ku Karaameeyay inuu Wiilkeeda la hadlo oo yiraahdo :Hooyooy Sabar Adiga waxaad ku taagan tahay Jid Xaq ah, arintaas oo Hooyadii Laabta u dajisay kuna Qancisay in ay dabka gasho si uu Diinkeeda uga Badbaado.
Suurada 86aad Adh-Dhaariq

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 17 Aayadood, waxeyna soo Dagatay Suurada Al-Balad, Muxafkana waxey kaga Beegan tahay Biloowga Qeybata |Labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhaariq:

Suuradan waxey ka Hadashaa Amuuraha Caqiidada Quseeya, gaar ahaan waxey Xujooyin Cad cad ka Tilmaantaa Awooda uu Allaah (Cw) uu u leeyahay Soo Bixinta Maalinta Qiyaamaha, maxaa yelay Allaha Insaanka Abuuray asagoon jirin waxaa u Sahlan soo Celintiisa Geerida ka dib.
Suurada 87aad Al-Aclaa

Suuradan waxaa kaloo loo yaqaan Sabaxa, waana Suurad Makiyah ah, Cadadka Aayadaheeduna waa 19 Aayadood, waxa ayna soo Dagatay Suurada At-Takwiir ka dib, Musxafkana waxay uga Beegan tahay Biloowga Qeybta Labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Adh-Dhaariq:

Suuradan waxey si Guud uga Hadashaa Arimaha kala ah:

1--Allaah Tilmaamo iyo Magacyo uu Gaar u leeyahay.

2--Quraanka iyo waxyiga Lagusoo Dajiyay Nabi Muxamad.

3--Waano aaad u wanaagsan ee wax u tareysa Quluubta Nool, oo ay ka Faaโ€™iidi karaan Ahlu Iimaanka.
Suurada 88aad Al-Qaashiyah

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 26 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Ad-Daariyaat ka dib, Musxafkana waxay kaga Beegan tahay Biloowga Qeybta Labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Ghaashiyah:

Suuradan waxay Guud haan ka hadashaa Sadax Arimood oo Aaas aas ah.

1---Maalinta Qiyaamaha iyo Dhibaatooyinka ay kala kulmi Doonan Gaalada sidoo kalana
waxey soo Gudbisaa Suuradan Nicmooyinka ay Muโ€™miniinta ku heli Doonaan Maalintaas.

2---Xujooyin iyo Daliilo Tusiya Allaah (Cw) Waaxid ahaanshihiisa, iyo Awooda weyn ee Alaah leeyahay ee ka Dhex Muuqata Abuurka Geela, Cirka Quraxda Badan, Dhulka Balaaran ee Fidsan.

3---Suurada waxey Dadka Xasuusisaa in ay u Laaban Doonaan Allaah (Cw) so loola Xisaabtamo looguna Abaal Mariyo Qof walba waxuu Kasbaday Shar iyo Kheyr.
Suurada 89aad Al-Fajri

Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 30 Aayadood, waxayna soo dagatay Suurada Al-Leyl, Musxafkana waxay kaga Beegan tahay Biloowga Qeybta labaad ee Juzka 30aad.

Macnaha Guud ee Suurada Al-Fajri:

Suuradan waxey si kooban uga Hadshaa sadax Qodob oo Muhiimna ah:

1--waxey Sheegtaa qaar ka mid ah Umadihii Horeeyay ee Beeniyay Rusushii Alaah (Cw) sida Reer Caad, Thamuud, Qoomkii Fircoon, waxeyna Cadeysaa Suuradan Cadaabkii ku dhacay Gaalnimadooda darteed.

2--Suuradan waxey Tilmaantaa in Aduunyada inta la joogo Imtixaano Shar ama kheyr, Faqri ama Maal, Insaankana Maalka Jaceylka uu u qabo awgiis ayuu yiraahdaa Rabigey wuu i Karaameeyay, Hadii faqri taabtana waxuu yiraahdaa Rabigey wuu i ihaaneeyay, asagoo Maleeya in Karaamada iyo Ihaanad Dhabta ah Maalka ama Faqriga yahay, taasna waa wax qaldan.

3--Waxey kaloo Suurada ka Hadashaa Aakhiro iyo Dhibaatooyinka ka jira iyo Noocyada Dadka u Qeybsami Doonaan Maalinkaas, Qolo Liibaani Doonta iyo Qolo Nasiib Xumo la kulmi Doono, is;la markaana Suuradan waxey Tilmaantaa tusaalooyin lagu kala Tilmaamayo Nafta wanaagsan iyo Tan Xun.