Kaaba Network
2.34K subscribers
16 photos
Waa gole loo aasaasay kor u qaadista wacyiga akhris ee bulshada gaar ahaan dumarka.
Download Telegram
Hablo buugan wa inoo yaala
Qiimuhuna : 10$
Wattsapp: 9366767
Call : 4055179
Fahanka sharciga iyo haweenka waa barnaamij aannu ugu talo galnay in haweenku wax ka ogaadaan sharciga dalka, xeerarka iyo weliba sharciyada ay u baahan yihiin meelaha ama marinaha ugu saxsan ee ay tahay inay u maraan haddii ay u baahdaan kaalmo sharci.

Si guudna, waa barnaamij lagu kobcinayo aqoonta sharciga ee haweenka.
2.Naftaada baro ugu horayn

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee keena in qofku ku fashilmo nolosha waxaa ka mid ah: in qofku aanuu garanayn naftiisa,awoodihiisa iyo waxyaabaha isaga u haboon, Inta aanad cid kale baranin naftaada baro,inta aanad cid kale fahmina naftaada fahan.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad ku garan kartid meelaha aad ku fiicanatahay iyo waxa ay tahay in aad noqotid waxaa ka mid ah:

1.marka aad ku noqoto marxaladii caruurnimo ma xasuusataa riyada ugu badan ee aad ku fikiri jirtay, waa maxay waxa aad dooni jirtay in aad noqoto marka aad waynaato,waa maxay waxyaabihii aad xiisayn jirtay, waa run in waxyaabo badan ay is bedeleen yaraanta wixii ka dambeeyay, lkn in aad dib ugu noqoto waxyaabihii aad xiisayn jirtay waxa ay kuu tilmaamaysaa waxa kugu haboon inta aanay duruufaha iyo caqabadaha noloshu wax kaa bedelin.

2.dadku boqoliiba 99% waa ay is shabahaan, lkn su'aashu waxa weeye: waa maxay boqolkiiba 1%ka aad kaga soocantahay adigu,qof horumar gaadhayna aad ku noqon kartid?, dadka marka aad u fiirsatid waxaa kuu soo bixi in in badan ama badankoodba ay haystaan in wanaagsan oo ka mid ah maskaxda,waxbarashada,hibada,fikir isku mid ah iyo riyooyin is shabaha, hadaba naftaada ku noqo oo soo saar waxa aad kaga soocmi kartid meelna ku gaadhi kartid.

3.sida oo kale waxa aad ka fikirtaa marka aad 60 jir gaadhid waa maxay arrinka aad ka murugoon doontid qabasho la'aantiisa hadii aad imika qaban waydid.

Aragtida oo kooban

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee sababa in aynu nolosha ku fashilano waxaa ka mid ah in aynu jahli kaga suagnahay nafeheena, kuna meeraysano waxyaabo aan iyada ahayn lkn ku hareeraysan.

Ku noqoshada riyooyinkii dhallaanimo waxa ay ina tusaysaa riyooyinkeena dhabta ah iyo waxyaabaha aynu xiisayno.

Waxaa jira shay dadka kale kaa soocaya, isku day in aad ogaatid kana faa'idaysatid si aad ugu meel marto.

Soo koobid iyo wax ka bedel
نظرية الفستق ١٦-٢٠
7.CADHADA SIDEE LOOLA DHAQMAA

Subixii marka aad soo kacdid waxaad la soo toostaa tamar togan oo xadidan, looguna tala galay in aad maalinka oo dhan u isticmaashid si habaysan, waxaa kugu dhici kara wax tamartaa fiican kaa dhaawaca sida muran aad gashay ama shay aad aad uga cadhootay, taasi waxay keentaa in ay tamartii fiicnayd kaa burburto, maalinta oo dhana aad cadhaysnaatid ilaa ay kugu adkaato in aad ilmahaaga yar u qososhid, hadal fiican gabdhaada ku tiraahdid ama aad waalidkaa soo booqatid.

Hadaba si aanay arintani kuugu dhicin marka horeba ka fagow waxyaabaha kaa cadhaysiinaya, farxadana kaa kaxaynaya, sida la muranka dadka maangaabka ah, iyo in aad isku kalifto bedelida ra'yiga dadka, lkn adigoo marka hore is ilaaliyay hadii ay kugu timaado xaalad kaa cadhaysiisa ku dadaal arimahan soo socda:

1. Marka aad cadhootid aamus, sababta oo ah aamusku waxa uu kuugu kaalmaynayaa in aad hawsha soo afjartid, dhibaato kalena aanay dhicin, nabiga عليه الصلاة والسلام waxaa laga wariyay in uu ydhi
"إذا غضب أحدكم فليسكت" رواه أحمد وهو في "صحيح الجامع"
"Midkiin marka uu cadhoodo ha aamuso"

2.ilaahay shaydaanka ka magangal, sababtoo ah shaydaanku isagaa cadhada keena oo kiciya, nabiga صلى الله عليه وسلم agtiisa laba nin ayaa isku caayay, midkood ayaa aad u cadhooday wajiguna casaaday, nabigu صلى الله عليه وسلم wuxuu yidhi "waxaan garanayaa kalmad hadii uu odhan lahaa cadhadani ay ka tagi lahayd, hadii uu odhan lahaa "أعوذ بالله من الشيطان الرجيم " waa ka tagi lahaa waxa uu dareemaayo" رواه البخاري

3. U bedel jidhkaaga qaab deganaani ku jirto, sababtoo ah xidhiidh adag ayaa ka dhexeeya qaabka jidhka iyo xaalada nafsadeed ee aynu ku jirno, ma arkaysid qof cadhoonaya isagoo jiifa, ama murugaysan isagoo lugaha is dul saaray, markaa ku dadaal in aad ku dhaqantid xadiithkii nabiga صلى الله عليه وسلم ee ahaa
"إذا غضب أحدكم وهو قائم فليجلس، فإن ذهب عنه الغضب وإلا فليضطجع" رواه أبو ذر الغفاري وهو في "صحيح سنن أبي داود"
"Midkiin marka uu cadhoodo isagoo taagan ha fadhiisto, hadii ay cadhadu ka tagto waa sax, hadii kalena ha jiifsado.

4. Si kalsooni leh u dhoolacdee oo farxad u muuji, marka aad sidan samayso qofkii ku xumeeyay waad ka adkaatay, maskaxdaadana waad khiyaamaysay (sababtoo ah cadhada iyo dhoola cadayntu ma kulmaan), waxaanad iska ilaalisay xiqdi iyo wax la mid ah in uu kugu dhaco.

Hadii aad tiraahdo: arimaahasi ima anfacayaan aniga, jawaabtu waxa weeye: cadhadu wax la kala dhaxlo ma'aha ee waa shay wax laga qaban karo, ku dadaal in aad iska xakamaysid sida nabiguba صلى الله عليه وسلم tilmaamay
"إنما العلم بالتعلم وإنما الحلم بالتحلم" رواه أبو هريرة وهو في السلسلة الصحيحة للعلامة الألباني.
"Cilmigu barasho ayuu ku yimaadaa,dulqaadkuna barasho"

Aragtida oo kooban

A.ha ku waayin tamartaada hab dhaqan cadho keenaya, ama la muranka qof maan gaab ah.

B.laguguma tuhmayo fulaynimo marka aad is dhaafiso qof wax kaa sheegaya, jaahilnimana lagaagama shakiyayo marka aad diido ka qayb qaadashada dood ma dhalays ah.

T.dadku kuuma arkayaan mid isla wayn marka aad diido la muranka dadka liita, lkn waxaa laga yaabaa in la isku kiin qaldo marka aad la qasatid.

نظرية الفستق 40-44