Dunida Suugaanta🥰
18K subscribers
2.67K photos
97 videos
10 files
33 links
"Sida jidhkaaga oo kale ayay maskaxdaaduna u daasha, ee ku nasi odhaahyada xikmada leh"

~Hazrat Ali
Download Telegram
Waxa la yiri Gabdhu 50 sanno way qarin kartaa jacylkeeda ama ka ay kuu qabto se ma qarin karto hinaasaheeda hal second. Maxaa ka run ah hablow
Keebaa xanuun badan?

In qof aad jeclayd kaa tago laakiin uu dareenkii jacayl uu weli ku hayo.

In qofkii aad jeclayd kula joogo laakiin jacaylkii aad u haysay uu dhamaado.
Samaynta waxyaabaha waaweyni wakhti ayay qaataan.
Iliil, durdur, doox, tog, webi iyo daad waa lixda waji oo sida dabiiciga ah biyuhu u socdaan.

1. Iliil waa biyo si dhuuban u qulqula kana soo baxa dhulka ama buurta, biyaha roobkuna haddii ay qaabkaa dhuuban u socdaan waa la yidhaahdaa iliil.

2. Durdur waa biyo iliisha ka weyn laakiin la qaab ah laakiin badanaa waa joogto.

3. Doox waa biyo si xooggan oo cidhiidhi ah u rogmada oo dhulka dooxa (jeexa), waqti gaaban oo roob weyni da'ay.

4. Tog waa biyo weyn oo qaabka webiga leh oo dhul yara fog socda kuna yimaadda roob ka da'ay dhanka uu ka soo rogmanayo.

5. Webi waa tog weyn oo mara dhul badan biyihiisuna joogto yihiin, kana soo rogmada buuraley roobban ama harooyin.

6. Daad waa biyo roobabka waaweyni sababaan oo si baahsan oo fidsan dhulka u gu rogmada, u mana baahna sida kuwa hore tub cayiman oo uu maro ee dhulka meel walba wuu ku rogman karaa.
Waa dabeecad jirta dunida oo dhan in dhallinyaradu jeclaato kuna dayato dad loo yaqaanno xiddigo. Hooballada, jilayaasha iyo ciyaartoyda ayaa u gu badan dadka loo yaqaan xiddigaha ee dhallinyaradu dabo yaacdo. Sababta ay xiddigo ku noqdeen waa in ay ku guulaysteen xirfadahaa la jecel yahay ee filinka, heesaha iyo isboortiga, oo ay haystaan lacag badan iyo hab-nololeed barwaqaaysan.

Soomaalida beryahan wax aad meel walba sawirkooda iyo magacooda ku arkaysaa dad dhallinyarada xiddigo u ah, haddii aad u fiirsatana ma jirto haba yaraato ee wax xirfad ah oo ay dadkaasi ku guulaysteen ama ku wanaagsan yihiin, wax hibo ah oo ay lee yihiin, wax lacag ah oo ay haystaan iyo wax hab-nololeed ah oo ku dayasho leh. Keliya wax ay ka soo muuqdeen baraha bulshada la gu caytamo. Taasi wax ay wax weyn ka sheegaysaa Soomaalida waqtigan.
“Maxaynu indhaha iskugu qabannaa marka aynu aad u qoslayno, markaynu riyoonayno, markaynu qof kale hab siinayno iyo markaynu khushuucsannahayba; sababtoo ah waxyaaabaha quruxda badan leh ee nolosha indhaha laguma arko, ee qalbigaa laga dareemaa.”

—Agatha Christie
“Dhoohan”

WQ. Anton Chekhov
WT. Siciid Maxamed

Maalmo ka hor waxaan maktabaddayda ugu yeedhay barbaarisada carruurtayda, Julia Vassilyevna.

"Soo fadhiiso, Julia," ayaan idhi. "Aynnu xisaabtanno. Mar walba lacag baad u baahan tahay, laakiin waxaad tahay mukhajilad, ilaa heer aanad qofna wax weydiisan karin. Hagaag. Waxaynnu ku heshiinnay in aan ku siiyo soddon Ruble bishii."

"Afartan," ayey tidhi.

"Maya, soddon. Intaas baa ii qoran. Sidaydaba barbaarisooyinka waxaan siiyaa soddon Ruble. Hagaag. Waxaad ii shaqaysay laba bilood."

"Laba bilood iyo shan cisho."

"Waa laba bilood, hubaal. Sidaas baa ii qoran. Kolkaa waxaad leedahay lixdan Ruble. Ka jar 9 Axadood. Waad og tahaye, maalmihii Axadaha, Kolay waxba u ma aad dhigayn, keli ah waad la tamashlaynaysay. Waxa kale oo aad ka goysaa saddex iidood."

Wejigii Julia wuu casaaday, waxayna faraha sudhatay siddihii toobka, laakiin juuq ma ay odhan.

***

"Waxaynnu ka tuuraynnaa saddex iidood. Isugeyntu waa 12 Ruble. Kolya wuu xanuunsanayey afar cisho oo casharro ma jirin, waxaad se u shaqaynaysay Vanya. Bes. Saddex maalmoodna ilkaha ayaa ku xanuunayay oo marwadaydu way ku fasaxday wixii duhurka ka dambeeyay. Laba iyo toban iyo toddaba — sagaal iyo toban. Ka jar hadhaagii. Baaqigu waa kow iyo afartan. Sax?"

Julia isha bidix baa casaatay oo ilmo daadisay, daamanka hoose ayaa kurbaday, waxay u qufacday si ba'an, sankana duuf baa ka dareeray. Laakiin afkeeda eray kama soo bixin.

***

Bilowgii sannadka waxaad jebisay bakeeri iyo seesar. Laba Ruble iska jar. Bakeerigu intaa wuu ka qaalisanaa laakiin iska dhaaf. Dayacaaddaada awgeed, Kolya waxa uu ku leexaystay geedka, dabadeedna xundhurta ayuu ka dhaawacmay. Halkaasina waa toban Ruble. Gabboodfalkaaga daraaddiina, jaariyaddu waxay xadday kabihii Vanya. Xilkaagu waxa uu ahaa ilaalinta wax walba. Taasina waa shan Ruble. Tobankii Jeenaweri waxaan ku siiyey toban Ruble..."

"Maya, ma aad i siin," ayey ku xanshashaqday Julia Vassilyevna.

"Laakiin way ii qoran tahay," ayaan idhi.

"Hagaag... waayahay."

"Toddaba iyo labaatan ka jar kow iyo afartan — waxaad leedahay afar iyo toban."

Labadeeda indhoodba waxay godladeen illin, sankeedii dheeraa ee quruxda badnaana waxaa isku taagay dhidid. Miskiinad!

"Mar keli ah baan lacag idinka qaatay," ayay ku tidhi cod haghago leh, "markaana waxaan ka qaatay xaaskaaga. Saddex Ruble oo keli ah. Beestayn kale ma qabo."

"Xaqiiq? Eeg hadda, taasi ii maba qornayn. Afar iyo tobankii ka jar saddex. Waxa kuu hadhsan kow iyo toban. Hoo lacagtaada, saddex, saddex, saddex, kow iyo kow."

Waxaan gacanta ka geliyey kow iyo toban Ruble. Waxay ku qabsatay faro jaraynaya, waxayna ku hubsatay jeebka.

"Mahadsanid," ayay hoos ii tidhi.

Xagga qolka ayaan u degdegay. Waan cadhaysnaa.

"Maxay baan ku mahadsanahay?" ayaan weydiiyey.

"Lacagta," ayey tidhi.

"Laakiin waan ku khiyaameeyay, ku bakhsay, oo ku dhacaye, maxaad u leedahay mahadsanid?"

"Meelaha kale waxbaba i ma siiyaan. Shilin kama helo."

"Waxbaba kuma siiyaan? Layaab ma leh. Waan kula kaftamayey. Waxaan ku siiyey cashar arxan daran, si aan wax kuu baro. Lacagtaadii oo dhan waan ku siinayaa. Dhammaan siddeetankaagii Ruble baa bushqaddan kuugu jira... Ma suuragal baa, dhab ahaan, in aad ilaa xadkan miskiinad ahaataa? Maxaad xaqaaga u difaacan la'dahay? Maxaad u aamusan tahay? Miyaad nolosha dunidan ka tirsanaan kartaa haddii aanad lahayn miciyo xiiraya?" Ma suuragal baa in aad ilaa heerkan dhoohnaataa?"

Way dhoolacaddaysay, si tacbaannimo ah, waxaanan wejigeeda ka akhristay: "Haa, waa suuragal."

Waxaan cafis ka weydiistay casharkaa naxariis la'aanta ah ee aan u laqimay, waxaanan si kedis ah ugu salaamay siddeetankeedii Ruble. Marar dhawr ah ayay ii mahadnaqday, si khajilaad leh, wayna baxday. Tallaabadeedii baan sii fiiriyay, waxaanan ka fikiray: "Maxaa ka xun in aad dunidan daciif ku ahaatid!"
"Haddii aanad weli guursan, ku raaxayso firaaqada iyo masuuliyad la'aanta; haddii aad guursatayna, ku raaxayso wehelka iyo nafqaybsiga.

Haddii aanad ubad dhalin, ku raaxayso xorriyadda iyo xarakada; haddii aad ubad dhashayna ku raaxayso, durriyadda noloshaada ku soo kordhisay quruxda iyo farxadda.

Haddii aad waxbarasho ku jirto, ku raaxayso jewiga macanaaska asxaabta; haddii aad qalinjebisay oo aad shaqaysana, ku raaxayso ku tiirsanaanta naftaada, oo maalgasho aqoonkorodhsigaaga iyo mushaharkaaga.

Xaal kastaa adduunyada wuxuu leeyahay laba dhinac, qofka xoogga saara dhanka mugdiga ahina weligii wuxuu ahaan doonaa mid quus iyo murugo ku jira; qofkii xoogga saara nimcooyinka Ilaahay ee faraha badanina, raalli buu noqon, niyadda ayaa u degi, farxadna wuu heli doonaaa."

—Axmed Khaalid Tawfiiq [Qoraa iyo sheeko-curiye Masri ah]
Eid mubarek dhammaan asxaabta ku xidhan kanaalkeena waxa aan idiin rajeynayaa waqtiyo wanaagsan in aad la qaadataan qoysaskiina, asxaabtiina iyo dadka aad jeceshihiin.❤️
Waxa la weyddiiyay dad ka sheekee; maxaad ku aragtay oo kaa yaabiyay? Waxa uu ku warceliyay:
"Ma dad? Dadku waxay ku caajisaan dhalaannimada, dabadeed waxa ay u degdegaan korniimmada, markii ay waynaadaanna waxa ay dib ugu xiisaan yaraantii. Mar kale, dadku waxay lumiyaan caafimaadkooda si ay lacag u helaan, markii ay lacag helaanna waxa ay dib ugu kharash-gareeyaan helidda caafimaadkoodii. Waxa ay aad isugu murjiyaan timaaddadooda heer ay ilaawaan taagantooda, sidaa daraadeed: taagantii iyo timaaddadiiba waa ay wada lumiyaan. Dadku waxa ay u noolaadaan sidii in aysan dhimaneyn waligood, kadibna waa ay dhintaan iyagoo aan wali noolaan."

—Jubraan Khaliil Jubraan.
"Mudnaanta nolosha waa in aad noqotaa qofka aad dhab ahaantii tahay."

~ Carl Jung
“Umalayn maayo in uu jiro kulan kale laakiin si xad-dhaaf ah baan kuu jecelahay.”
“Xittaa haddii fursad jirto wuu dhamaaday rabitaankii 💔.”
“Kaalinta uu qofku qalbigaaga ku leeyahay isaga uun baa dumin kara.”

– Mahmoud Darwiish
“Iskuulladu waa deyayn
Damiinnimaday dhigaan”

—Hadraawi.

“Waxa aynu dhisi dugsiyo iyo aqoon maan dhiqis ah, si ay inooga dhigaan doqomo.”

— Bob marley
SAAXIIBKA WANAAGSAN

1. Cumar binu Khaddaab RC wuxuu yidhi: "Islaamka kaddib, addoonka lama siiyo nimco ka wanaag badan saaxiib wanaagsan. Midkiin haddii uu walaalkii ka arko kalgacal, haku fara adaygo."

2. Shaafici AHUN wuxuu yidhi: "Haddii aad leedahay saaxiib kugu caawiya khayrka, ku mitid oo ha sii dayn."

3. Luqmaan Xakiim ayaa isna kula dardaarmay wiilkiisii: "aabbe, iimaanka kaddib, waxa ugu horreeya ee aad raadinaysaa ha noqdo saaxiib wanaagsan; waayo waa sida geedka oo kale, waana saddex mid uun: in aad hadhsato, in aad midho ka goosato iyo in aad ku badbaaddo oo aanu ku gaadhsiin wax dhib ah!"
“Ama caashaqeenii qub, oo caawa kala daadi, Ama caadi noqo
Waa layaab caynkan aad tahay e.”

- Abwaan Nageeye cali khaliif
💔
Ma qofka qudhiisa ayaad jeceshahay mise qofka ay maskaxdaadu allifatay/malaysay in qofkaasi yahay mise qofka aad is leedahay qofkaasi wuu noqon doonaa ee aad sawiranayso ?