Turjume Dr Jaamac Sahal
“Mar walba oo Soomaali la jeedlo, askari Talyaani ah ayaa u dhinta”
Adigu maxaad ku qeexi lahayd qofka Soomaaliga ah?
Gerald Hanley oo ahaa qoraa Ingiriis ah, sidoo kalena askari ahaan u joogi jiray dhulka Soomaalida xilliyadii Dagaalkii Labaad Ee Adduunka,
Isaga oo faallaynaya Soomaaliga iyo noloshiisa, ayuu buuggiisa sidaan ku sheegayaa,
“Waxa qalayl, xaraarnimo, rafaad iyo qorrax maqaarka gubaysa, ee baahida iyo haraadka dhulkooda ka jiraayi uu aad uga duwanyahay Afrikada barwaaqada iyo wada kaymaha ah, dhabtii ma jiraan dad ka dhibaato iyo shiddo badan dadka deegaankoodu ka bilowdo buurta Mount Kenya, kuna baahsan illaa iyo daadegga buuraha Abyssina[Itoobiya], ee dhanka kalena gaarsiisan illaa iyo fiinta Cape Gardafui[Raas Casayr ee Badda Cas] halkaas oo dabaylaha Xagaagu joogto yihiin, sidoo kalena Libaax-badeedyo waaweynaaday ay joogto u dhexyaacayaan badweynta biyaheedu khafiifka yihiin[bad aad u kalluun badan, ayuu uga jeedaa].
Marnaba ma sawiran kartid dugaagnimada(waalida) dadkaas adigoon arkin toorreeyada iyo warmaha ay sitaan, indhahooda cabsida leh. Timaha madoow, booraystay ee laalaabmaya. Waa geeljire madax adag, ku nool dhul kulkiisa aadan dhagaxa taaban karin, ku jira dagaallo dhiig-qubad ah oo aan la xasuusan karin sidii uu ku bilowday, balse lagu xuso in dhiig-qubadka la sii wado.
Waxa Jinsiyado kala duwan ee ku nool Afrika, waa kuwa ugu wanaagsan in lagu dhex noolaado, waa kuwa ugu dhibta badan, iskula weyn, ugu geesisan, isula qumman, ugu naxariis daran, ugu saaxiibnimo fiican; waa Soomaalida.”
Waxa aan aqaan baadari Talyaani ah[Masiixi ah], kaas oo soddon sano dhex wareegayey Soomaalida, balse labo qof oo keli ah ay raacday[rumaysay diintiisa], weliba waxa aan la sii yaabbanahay sida labadaas qof ay ku raaceen. Ma jiraan dad Nebiga[Muxamed NNKH] ugaga jacayl badan, haddana ugaga aqoon lidaita(jaahilsan) Soomaalida, balse iyaga dambigooda ma aha in ay jaahiliin yihiin.
Caqli badnaantooda dabiiciga ah(ay u dhasheen) ma jiro wax lala barbar dhigo, marka ay kacaannada waxbarashadu ay dhulkooda soo gaaraanna, dhabtii naftooda iyo Afrikaba waa ay ka yaabin doonaan.”
Weligay ma arag Soomaali ka cabsanaya dhimasho, layaab ayey u muuqataa balse waxaaba u dheer naxariis-darrada iyo turiimo la`aanta. Haddii aadan dhimasho ka baqayn, cidkalena dhimasho ugama naxaysid, balse cabsi la`aantoodu saldhig ayey u tahay nolosha Soomaaliga ee joogtada ula halgamaya gaajo, cudur, iyo harraad, isaga oo haddana isu diyaarinaya in uu cadawgiisa la dagaalamo, cadawgiisa oo Soomaali kale ah uuna ku farxayo in daadinta dhiiggiisa, ama cadawgiisa kale ee ah Itoobiyaanka doonaya in uu dhulkooda xukumo, ama cadawgaas oo noqon kara nimanka Caddaanka ah ee dhowaan ugu yimid dhulkoodii.”
“Mar walba oo Soomaali jeedal lagu dhufto, askari Talyaani ah ayaa la dilaa”
Intii aan dhul Saxare ah aan maray oo dhan, Soomaalidu waa dadka ugu caqliga badan ee aan arkay. Reer miyigaas qarniyo badan ku nool geela, ma la heli doonaa qof xal u hela sidii geesinnimada iyo caqli-badnaantooda looga faa`iidaysan lahaa?”
Ma jiro aadane ka adadag reer miyiga Soomaaliga. Hal qof xataa. Askari ku dhaawacmay dagaal ka dhacay miyiga Hawd, 20 kiiloomitir ayuu lugeeyey isaga oo weliba calooshiisa gacanta ku celinaya(si aysan uga soo dhicin), haddii uu ka bogsaday dhaawiciina dib ayuu dagaalladii ugu laabtay. Ogoow, dumarkooduna waa kuwo naf ahaan u awood badan sida raggooda.”
Waa in aad sidaas uga fakartid qofka Soomaaliga ah. Waa in aad sidaas uga fakartid, maxaa yeelay Soomaalidu godob weyn iyo nacayb ayey u hayaan ninka cad, waa kuwo joogto ula halgami doona oo beeno iyo iyo shirqoollaba u adeegsan doona sidii ay ula dagaalami lahaayeen ninka cad, iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen saamayntiisa oo ay u arkaan dhammaadka dunidooda u goonida ah. Kama adkaan kartid. Uma arkaan in ay cidina iyaga ka sarrayso, sina kuma ogolaanayaan doonitaanka ninka cad, kamana cabsanayaan isaga, qorigiisa, iyo caradiisa midna.
Waa jinsiyad(waa dad) xushmayn mudan, waa haddii ay adkaato in la jeclaadaba.”

“Anigu waxa aan naftayda ku dhex tuura mushkiladaha, markaa kaddib ayaan ka fekeraa raadinta xalalka, waxana aan garanayaa marka ay waajib tahay in aan iska siibo haragga libaaxa, si aan u gashado haragga dawacada.”
– Napoleon Bonaparte
– Napoleon Bonaparte
“Qofku wuu dhintaa, ummaduhuna way burburaan amaba baaba’aan, fikraddu se way noolaataa oo ay waartaa. Qofkii keenay wuu dhintaa, laakiin se iyadu way sii jirtaa ay sababtu tahay; fikraduhu ma dhintaan.”
– John kennedy
– John kennedy
Maxaad ka taqaana laabgelinta?
Weli ma aragtay in aad uu baahato in laabta laguugu qabto sii ka xeel dheer sida dadyawga kale isu geliyan laabta?
Laabgelintu waa dawada xanuuno badan oo aan lagula tacaali karin dawayn, furaha qalbiyo is xidhay sanado ka hor iyo la hadalka xubno aan loo helayn wax soo turjuma dareenkooda.
Malayka

Mustafe Maxamuud, Digtoor, Faylasuuf iyo qoraa caan ahaa oo Masar u dhashay, ayaa kitaabkiisa ‘Caalamul-Asraar’ ku qoray;
Had iyo jeer hareeraha ayaa aan eegaa, aniga oo ka fikiraya kala duwanaanshiyaha dabeecadaha noocyada kala duwan ee xayawaanka. Waxa aan arkaa dhagarta dacawga, daacadnimada eyga, geesinimada libaaxa, cadho badnimada iyo degdegga dibiga, sabirka qudhaanjada, dulqaadka dameerka, xanaaqa awrta, aargoosiga maroodiga, deggenaanta iyo nabadjacaylka xamaamka, Qalbi jileeca iyo il nugaylka garanuugta, midabbaynta jirjirroolaha, ballanfurka shabeelka, Liidnimada waraabaha, iyo akhlaaq xumada doofaarka…
Markaasaan haddana arkaa dhammaan dabeecadahaas ku filqan xayawaannada kala duwani, in ay ku urursan yihiin bani aadamka..
Mararka qaarkoodna waxa aan arkaaba in qof keliya ay ku urureen dabeecadahaas oo dhammi, hadba xaaladda iyo munaasabadda uu joogo ayaa jaangoynaya dabeecadda ka mid ah dabeecadahaas ee uu ku dhaqmayo.”
- Kamaal Marjaan

“Sida ugu fudud ee dadka lagu midayn karo, laguna maamuli karaa waxa ay tahay, keliya in aad u sheegto in ammaankoodu uu khatar ku jiro iyo in ay weerar qarka u saaranyihiin, kaddina shaki geli waddaniyada dadka kugu mucaaradka noqda, markaad dadku qasab ayay u midoobayaan, tanina waa xeelad dal kastaa ka hirgeli karta.”
– Hermann Göring
– Hermann Göring
Message for you (84)
“ inta aanad bini-aadamka u baahnayn ayaad cisi iyo karaamo leedahay.”

"Cadawgaagu duurkiyo
Hadduu doogga cawskiyo
Dareemada ka badan yahay,
Adiguna dab baad tahay.
Digo shidan hadduu yahay
Adna daad socdaad tahay.
Damal adag hadduu yahay
Adna danab dhacaad tahay.
Baaruudda duushiyo
Dubbe culus hadduu yahay,
Derbi soo ceshaad tahay."
— Hadraawi (AHUN) | Daahyaley | 1980.
Hadduu doogga cawskiyo
Dareemada ka badan yahay,
Adiguna dab baad tahay.
Digo shidan hadduu yahay
Adna daad socdaad tahay.
Damal adag hadduu yahay
Adna danab dhacaad tahay.
Baaruudda duushiyo
Dubbe culus hadduu yahay,
Derbi soo ceshaad tahay."
— Hadraawi (AHUN) | Daahyaley | 1980.
Waan maqlaa, waan ilaawaa.
Waan sheegaa, waan xasuustaa.
Waan sameeyaa, waan bartaa.
– Ben Franklin
Waan sheegaa, waan xasuustaa.
Waan sameeyaa, waan bartaa.
– Ben Franklin
Message (85)
“Ha bilaabin haddii aad cabsanayso, ha cabsan haddii aad bilowday.”

Waxaad qaxootinimo ku gali doontaan Yurub, waxaad u hogaansami doontaan qawaaniintooda, qashinka kuma tuuri doontaan dhulka, sigaar kuma cabi doontaan goobaha bulshada, waxaad mari doontaan wadooyinka la idiin kuugu talo galay, waxaad yeelan doontaan dareen amni oo xitaa hadii mukulaal daaqada gurigiina wax ka xado waxaad la wadaagi doontaan booliiska....
Waxaad xiran doontaan suunka amaanka xiliga aad gaariga wadaan, qeybta dambe ee gaarigana waxay noqon doonta fadhiga carruurtiina, waxaad istaagi doontaan safka daabuurka xitaa hadii uu hal km gaarayo, markaad heshaan Jinsiyada Yurubiyaankana waxaad dooran doontaan qofka idin matalaya...
Waxaad raadin doontaan taariikhdiisa, noloshiisii iyo shaqadiisii hore haduu xunyahayna ma dooraneysaan, balse dhammaan arimahaas hadaad sameyn laheydeen markaad dalkiina joogteen marnaba qaxooti kuma noqoteen dhul shisheeye.
Maxamuud Darwiish.

DHEEMANTII AASNAYD (1).pdf
287.4 KB
Dheemantii Aasnayd.
Waan necbahay marka ay illintaydu u daatado ruux aan mudnayn, sidoo kale waan necbahay marka ay awoodaydu dhaawacdo qof aan jeclahay aniga oo aan u dan lahayn, waana necbahay marku uu jacaylku tirtirayo kibirkayga iyo karaamadayda.
Ma ihi mid ka murugaysan ama ku faraxsan kala go'eenii. Waad arki doontaa mid ila mid ah oo aan faraxsanahayn sidoo kalena aan murugaysnayn..Dadku waa ay kala go'aan marka uu xiisuhu yaraado, anagana waan kala go'nay si aan u helno nolol cusub awgeed.. ♤
July- 1997 - Yemen- San'a | Xasuus qorkii mukhtaar dhiblaawe dhal owliyo.
Xigasho Mohamed Dafle