Daryeelka caafimaadka 🥼🩺❤️
7.02K subscribers
180 photos
4 videos
20 links
Soo dhawoow walal dariiqii an Ku tagi lahayd 3k. If Allah say ❤️🖤

Waxad Ka helaysaa Macluumad Ku saabsan Caafimaadka inagu xeeran Ka qaado wixii Ku Anfaca kaliya join dheh si ay igu Noqoto dhiirigelin ❤️🙏
Download Telegram
Baraarujin:

Goobaha loogu adeego bukaanada u baahda urine catheter(urether catherization) labadan caado oo inagu badan ma fiicna

1. Isticmaalka dhiiqada TTC loo yaqaan ama (tetra cycline skin ointment) ku badalo lidocaine gel taasaa bukaankana u fcn

2. Biyaha aad ku shubto catheterka si aanu u soo dhicin ha isticmaalin Normal saline ( hadii qofka mudo loo deynayo waxay samaysaa crystillization ama xabuub hadhow wuu ku dhagaa oo biyihii aad ku shubtey ma soo baxayaan) badalkeeda isticmaal biyo caadiya ( sterile water).

✍🏻Dr.shire Naaleeye
#Keratoconus
xuubka daboola qaybta midabka leh ee ishu (cornea) waa mid muhiim uu ah aragtida, Wuxu qaybta ugu wayn ka qaata gudbinta iftiinka si arragtidu u samyesanto. xuubkan wuxu u sameysanyahy qaab goobo ah.waxa jira xanuuno iyo xaaldo kala duwan oo ku keena inuu isbadelo qabka xubkan oo uu noqdo qaab qaanseed xaaldan ayaa loo yaqaana “keratoconus”

#Sababaha
Si saxa looma yaqan waxse jira qodobo horseedi kara in qofku yeesho xaladan
➡️Xasasiyada indhaha
➡️Xoqninka ama marmarka indhah
➡️Dhaawac soo gadhaha indhaha
➡️Shucaaca qorraxda
➡️Cabista-sigaarka (mudo dheer)
➡️ hidde sidaha qoyska

#Calaamadaha
➡️Arraga oo Shucaac noqda
➡️Madax xanuun
➡️Iftiinka oo qofka dhiba
➡️Waddista gadidka oo qofka dhib ku noqota , laydhka iyo nalalka oo u baaha
➡️Isbedelo joogta oo ku timad garadada ama cabirka indhah

#Daaweynta
Xaladan sida loo mareeyo wa kala duwantahay
Murayado ama okiyalo
Baliisha indhaha (contact lenses) iyo
Qallin lagu saxo qaabka cornea mararka qaarna waxa la sameya qallin lagu bedalayo xuubkan.

⚠️Fadlan ka fogow ama jooji inaad xoog u xoqdid ama u marmartid indhaha, hadii cuncun aad ka dareento booqo oo u tag dhakhtarka indhah.

✒️Drkhalid Suldan
Madal aad ka helayso fariimo diimeed, taariikheed, murti iyo waydiimo aqooneed.

Kusoo dhawoow Minbar
Igu biira Azxapy wax yar iga hadhay 500 subscribe

https://t.me/Minbar_0
👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇
Dhagaxaanta iyo xameetida | Cholelithiasis

Warbixin kooban ka bogo, anoo ka jawaabaya suaalo ay ka mid yihiin

1. waamaxay xameetida

2. dhagaxaanta ku samysma xameetida maxaa keena

3. qaabkee loo daweeyaa, kiniino ma leeyihiin mise qaliin uun waaye daawado?

4. maxaa ka dhalan kara hadii qof leh dhagaxa xameetida aan laga daaweynin

Suaasha aad: xameetidu waa xubin kamida qaab dhismeedka jidhka ee deefshiidka waxayna door ka ciyaartaa kaydinta dheecaanka xameetida ee beerku sameeyo, kaasoo muhiim u ah deefshiidida cuntada nooca dufanka ah (fatty food)

2.suaasha 2aad: waxyaabaha keena dhagaxaanta xameetida way beden yihiin laakiin waxaa aas aas u ah dhagax sameesan ka xameetida dheecaankeeda isu dheelitirankiisu isbedelayo ayadoo uu bedenaayo qaybaha adkaha ahi ay bedenayaan( dheecaanka xameetidu waxa uu isugu jiraa biyo iyo adkayaal sida calcium, bilirubin, sodium, cholesterol).... sidoo kale infectionada xameetida, miisaanka oo kordha, xanuunada dhiiga ku dhaca.....iwm

Suaasha 3aad: qaabkee loo daaweeyaa. Suaashan waxay ku xidhan tahy qofka dhagaxa ku leh xameetida inuu leeyhy calaamado xanuun iyo inuusan laheen. Hadii uusan wax calaamdo ah laheen, uma baahno wax daaween ah, hadii uu leeyhy calaamado ay ugu horeeso caloosha dhinaca kore ee midigta ama naaska hoosteeda oo xanuunta, dibiro, subaga iyo hilibka oo qofka dhiba...iwm, qofka waa in laga daaweeyo. Wax kiniina oo lagu daaweeyo majiro ee waa qaliin uun xalkeedu maxaa yeelay Mar hadii dhagax xameetida ku sameesmo xameetida dhan ayaa bukoonaysa.

Suaasha 4aad: qofku haduu iska daawyn waayo maxaa ka dhalan kara. Waxaa ka imaan karo xaalado(complications) ay ka midyihiin; infekshino xameetida oo malax sameen kara, beer xanuun, cagaarshawo, mindhicirka oo xidhma iyo sidoo kale cancerka xameetida.

Dhagaxaanta xameetidu waa yaraan karaan(Hal xabo), waana bednaan karaan (kumanaan)

Sawirkan hoose waa bukaan dumar ah oo 130 xabo kasoo saarnay oo ku qalnay Diriye speciality clinic mudana la xanuunsaneed.

Wixii dheeri ah waxaad noogu imaan kartaa Burale medium clinic, Diriye speciality clinic.

✍🏻✍🏻✍🏻: Dr. Abdinasir Mohamed, assisstant prof of surgery

Dr.Herari Omer MD
Hablaha buur buuran iyo Hablaha dhuudhuuban kuweeba hore u qaangaadha labadooda? Hablaha buur buuran ayaa hor qaandhaagi og.
Ilmahaagu ma seexdaa wakhti ku filan? Halkan waxaad ka arki kartaa da'da ilmaha yar dhinaca bidix, halka dhinaca midigna aad ka arkayso inta saacadood ee laga rabo inuu seexdo ilmaha yar.

Tusaale ahaan ilmaha yar ee jira hal usubuuc wuxuu seexan karaa 16.5 saacadood oo ka mid ah 24 ka saacadood ee maalintii.
Culimada cilmi nafsigu waxay ogaadeen in waxyaalaha aynu 80% sida maalin laha ugu fekerna aanay wali dhicin, taa macnaheedu waxa weeye waxa u badan ee aynu Wakhtigana u badan ku bixina waxa weeye wax aan wali dhicin,

hadaba maanta laga bilaabo jooji ka feker waxa aan wali dhicin, bilow ku mashquulida waxa imaka taagan waxka qabashadiisa.

Shayga aad leedahay wuxu dhici doona oo horta ha dhaco oo halo gaadho.
🦟 Digniin 🦟
🌡️🌡️Xumada dengue fever 🦟🦟 madaama la ogol yahay paracetemol keliya in xumada lagu jabiyo waxaa jirta in bulshadu si xad dhaaf ah u isticmaalayaan paracetemolka.
📍Si aynu ugu hortagno khatartiisu guud iyo khatarta u ku yeelan karo beerka , unugyada dhiiga cas cas iyo kalyaha , waxaa muhiim ah in isticmaalka paractemol la ogol yahay uu yahay 500mg lixdii saacadood ba mar lamana ogola in la isticmaalo wax ka badan 4g oo paracetemol ah mudada 24 sacadood gudahood ah .
📍Caruurta ka yar 16 sano marka la siinayo paracetemol waa in loo eego da’ada iyo miisaanka . Waxaa jiray bukaano badan oo aan la kulmay sanadkii hore xiligii xumadu jirtay isticmaalkii faraha badnaa ee paracetmolkuna saameyey beerkooda waxaana u badanaa caruur yar yar oo marka qandho qabataba la siinayey irbada paracetemol ka ah iyado loo eegin da’ada iyo miisaankooda.
Cusbitaalka weyn ee Hargeysa oo caddeeyay in 23 qof ay u geeriyoodeen xanuunka Xumadda.

"Laga soo bilaabo October 2022 ilaa June 2024, Waxaanu HGH ka diwaangelinay 2871 bukaan oo Xumad nooca la yidhaahdo Dengue Fever ku dhacday.
1232 kamid ahi Waxay ahaayeen Rag (Male), Halka 1639 kamid ahani ahaayeen Dumar (Female).
2036 kamid ah Waxaanu u fidinay Adeeg caafimaad ee Bukaansocodka, Halka 835 kamid ah la dhigay Hospitalka oo ay noqdeen bukaan jiif.
1723 kamid ah waxay Da,doodu ka yartahay 30 jir, 774 kamid ah Waxay Da,doodu u dhaxaysay 31 jir ilaa 50 jir halka 374 kamid ah ay Da,doodu ka weyneyd 50 jir.
Guud ahaan Tirada Dhimashada Waxay Ahayd 23 Bukaan oo u badan Haween."
Fadlan link raac kadibna booqo website
👇👇👇

abdirahmancirro20.blogspot.com
👇👇👇👇👇👇👇👇
Bronnie Ware oo ahaan jirtay kalkaaliso caafimaad oo ka shaqaysa daryeelka dadka xaaladahoodu culus yihiin, ayaa qortay buug ay ku soo bandhigtay natiiajda daraasad ay ku samaysay waxyaabaha ugu badan ee qofku uu qoomameeyo maalmaha noloshiisa u dambeeya.
Buuggan “The Top Five Regrets of the Dying’ oo soo baxay 2011 ayaa ay ku soo ururisay shantii qodob ee ugu badnaa ee ku soo noqnoday dadkaas ay waraysatay.

1. KU DHAC
Waa ayaan darro in tobannaan sanno oo aad soo noolayd kaddib, aad ugu dambayn ogaato in wax badan oo aad gaadhi lahayd iyo himilo badan oo aad rumayn lahayd waxa kaa hor istaagay uu ahaa keliya ku dhac la’aan. Nolol run ah in aad noolaan weyday, dhiirrasho la’aantaada awgeed.
Dadka qaar waxa ay ka baqaan in ay khatarta u badheedhaan, ama go’aamada qaar aan natiijadooda la hubin qaataan, taasi waxa ay yaraysaa guulihii nololeed ee ay heli lahaayeen, iyo himilooyinkii ay gaadhi lahaayeen. Waxa aanay ku dambaysaa, in ay ka murugoodaan fursado badan oo go’aan qaadasho la’aantoodu ay seejisay.

2. SAAXIIBBADA, QOYSKA IYO BARBAARINTA UBADKA
Dad badan ayaa shaqada iyo daba orodka riyooyinka nolosha kaga mashquula waqti siinta ubadka, qoyska iyo asxaabta.
Bukaanka ay Bronnie waraysatay, gaar ahaan ragga waxa ugu badan ee ay qoomameeyeen waxa uu ahaa in shaqo iyo bannaan joog uu waqtigoodii qaatay, maantana ay qoomamaynayaan in ubadkooda iyo xaasaskooda aanay waqtigii saxda ahaa siinin, si ay barbaarinta ubadka iyo farxadda qoyska qayb uga noqdaan, iyo in ay waqti fiican la qaataan asxaabta iyo dadka ay jecelyihiin.

3. IS CABUDHIN

Dad badan ayaa dareenkooda cabudhiya, iyaga oo ka baqaya dareenka qofka kaga iman kara, tusaale ahaan in uu qalad ka fahmo ama xumaan u qaato, ama in uu diido oo weji gabax ay kala kulmaan. Waxaa ka mid ah in ay gardarrada ka qaban waayaan, in ay gartiisa siin waayaan, ama in ay jacayl ama nacayb u sheegan kari waayaan.
Cabudhintaas dareenku waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu badan ee qofku uu dib ka qoomameeyo.

4. FIRAAQADA IYO KU RAAXAYSIGA NOLOSHA
Qof kastaa waxa uu u baahanyahay nasasho iyo waqtiyo firaaqo ah oo uu noloshiisa ku raaxaysto, laakiin dad badani waqtigaas ma siiyaan naftooda. Baacsiga guusha iyo raadinta kaabayaasha nolosha ee maalku u horreeyo, ama raalligelinta dadka kale ayaa ku kallifta in nafta ay ka maanacaan waqti ay farxad iyo tamashlayn ama nasasho iyo firaaqo ku damaashaado. Ugu dambayntana waxa ay ku keentaa murugo iyo in ay hadhow ka qoomamoodaan dadaalkoodii nasashada u diiday.

5. NAFTOO LA DAYACO
Ruux kasta naftiisu xaq bay ku leedahay, waxaa waajib kugu ah in aad ilaaliso caafimaadkeeda jidheed iyo nafsadeed. Arrintaas oo uu qofku dayacaa waxa ay horseeddaa, in mustaqbalka uu la kulmo xaalado caafimaad oo uu ka hortegi kari lahaa ama intii ay bilowga ahaayeen wax laga qaban kari lahaa. Waxaana ka dhasha murugo iyo ciil uu cimrigiisa dambe la noolaado.
Protein helps your brain send messages to the rest of your body, and helps create brain chemicals that improve your mood. Nuts are nutrient-dense and contain vitamins and minerals essential to brain health, Antioxidants: Fruits and veggies, including berries, and pomegranate juice.
Fadlan cidii ubaahan ha ila soo xidhiidhaan 👍❤️ mahadsanidiin Dhamaantiin
Qof Bukaan ah ayaa Degdeg ugu baahan dhiigga Noociisu yahay A-

Goobtu waa Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa

Haddii aad tahay Nooca Dhiiggaas oo aad joogto Hargeysa fadlan ku caawi Bukaankaas

Haddii aad garan cid ah oo joogta Hargeysa fadlan u yeedh mention

Kala xidhiidh Lambarkan 0634000515