DAREEN SIDE 🫀 🍁
14.9K subscribers
963 photos
211 videos
253 links
Noloshu waa dareen ka dhasha dhacdooyin
YouTube: https://youtube.com/@DareensidePodcast?si=5Fo
Instagram : 🔽 Follow us 🔽
https://www.tiktok.com/@dareen_side_?_t=8bmg

https://instagram.com/dareen_side_

Mareegta internetka 'web' : https://Dareenside.com
Download Telegram
Forwarded from Boqortooyada_Garashada🍀☀️🤴 (Cabdiphataax_Jd)
Waa kooxo Telegram ah oo ay leeyihiin yuhuuda sahyooyiinta haysta Falastiin oo ku faraxsan gumaadka dadka reer qassa loo geysanayo.
Waa kuwan kuwa lagu sheegayo rayid sidaas oo dhan ugu diganaya gumaadka walaalaheen.

#xasuuqa_qassa
#Falastiin🇵🇸
#xuquuqda_reer_yurub_ee_bugta_ah
Heshiiska Muuse Biixi uu badda Somaliland ku dhaxal-wareejinayo waala saxeexi doonaa beri, isla sannadkan 2024 intaanu dhamaanna waa la hirgalin sida aan filayo, waxaana jira qodobo aan laynoo sheegin ka daran oo qarsoon oo heshiiskaa ku jira. 20-ka km ee la sheegayaana waa mid baladh iyo dhererba ah oo kasoo bilaabmi doonaa xad-beenaad ilaa deegaanka Lugyaha.

Ka dib marka uu qabto doorashada bisha 11aad isaga ayaa ku guulaystay doonaa shaki la'aan, haddii xisbiga mucaaradku uu diido, oo reerka xisbigaa murashaxiisu kasoo jeedo ay dagaal iyo qalaase bilaabaanna wuxuu keensan doonaa hadhaagii ciidanka Itoobiya ee oromada u badnaa kuwaas xasuuqyo iyo gaboodfalo waaweyn ka geysan doonaa deegaano ka mid Somaliland si loo ilaaliye kursiga iyo taliska iyaga gaashaanbuurta la ah, waxa ka dhici doonaa deegaano Somaliland ka mid xasuuqii ka dhacay Muqdisho 2007 mid la ah oo sidii Cabdulaahi Yuusuf uu ciidaamada Itoobiyaanka u keenay Muqdisho si isaga danahiihu u fulo ayuu Muusana samayn doonaa. Balse ayaandarrada kasii daran waa in aanay bixi doonin Itoobiyaanku intaa ka dib oo xataa deegaamaysi cusub ay Oromo ka samaysan doonaan dhulka Somaliland tan oo ka xun ta gobolada Soomaaliya ee ay joogaan ciidamadda Itoobiya
maxaa yeelay markan waa deegaamaysi ee maaha gacan-ku-hayn keli ah.

Intaa ka dib waxa maalinba inyar fidi doontaa deegaamaysigaa oo sida Yuhuuddu
#Falastiin ku qaateen ay maalinba soo-galooti cusub kusoo qulquli doonaan Somaliland kuwaas oo ah #Oromo keliya.

Reer kasta oo isku daya in uu ka dhiidhiyo waxa la marsiin doonaa ciqaab adag oo xasuuq u badan.

Kusoo dhawoow naarta cusub ee
#Somaliland lagu furi doono.