Qof ku jecel ayaan ahay
La aantaa'se jiri kara
Nin aad Jiidataan ahay
Balse Jaaw ku odhan kara
Wadne aad la Jaartiyo
Bog aad Jiifsataan ahay
Hadaad joogi waydana
Kaa Jawi baddalan kara,
Qalbi kula Jiraan ahay
Hadduu Jabose tagi kara
Jeex kaa midaan ahay
Balse garo ku Jari kara
Jalleecada indhaan ahay
Ku Jeedaalo daymoon
Hadaad Jiidho laakiin
Kaa Jeedsan kara garo
Kolkaan Johorad nuurtiyo
Kugu dhaho Jannaad tahay
Intaad Fuusho Jiir dheer
Ha isu Jarin Cirkee joog,
Oo inaan ku jecelahay
Yaanay Jahada kaa lumin.
İntaas uun nafta ha u sheegan Kiniin ahan midhahan ha u liqan.

"Qofaan kuu daadalyn
Oon ku diyaar noqon
Qorshihiisa kugu darin
Ninkan daydayaayow
Alla doonis xumadaa"
Oon ku diyaar noqon
Qorshihiisa kugu darin
Ninkan daydayaayow
Alla doonis xumadaa"
❤4
-Jaamacaad nin tegey oo digriiga tuu la yimid haysta
-Oo in uu dalkii wax u tariyo tacab u soo jeestay
-Oo jaahil tigin adag dhidbaday taqadumka u diiday.
-Oo reerki tegi waayay oo camal la'aan taagan
-Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaa.
-Oo in uu dalkii wax u tariyo tacab u soo jeestay
-Oo jaahil tigin adag dhidbaday taqadumka u diiday.
-Oo reerki tegi waayay oo camal la'aan taagan
-Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaa.
Damiirku hadduu qallalo
Hadduu dufan-raadis yahay
Daliilka hortiisa yaal
Waxaa kaga beegan daah
Dadkuna badi waa sidaas.
________
AHUN Abwaan hadraawi
Hadduu dufan-raadis yahay
Daliilka hortiisa yaal
Waxaa kaga beegan daah
Dadkuna badi waa sidaas.
________
AHUN Abwaan hadraawi
❤3
Ninka fooraraw toos adaan, kaa fajacayaaye.
Ficil xumana haw lumin muddaan, kuu far godayaaye.
Qurux kala fog fool kaa dhaciyo, faatax dhalasheede.
Fikir oo adduunyada la soco, fiidba galinkeeda.
Kanaan Dagay.
Nin fagaare gole loo dhanyahay, feedhaybaad tahaye.
Nin fartiisa xaydh mariyayoo, fool dhaqdaad tahaye.
Nin haaneedka fiigta u qaboo, fay gar laad tahaye.
Nib fudaydshe hadal uga dhacoo, fiiqanbaad tahaye.
Nin cibaado fooxa u shitoo, fiid daglaad tahaye.
Nin boolida fitriga ula baxoo, faasaxaad tahaye.
Nin faruuryo sheekayn macloo, uur fid laad tahaye
Nin faduul jacayl heelanoo, fulayabaad tahaye.
Kanaan dagay.
Abwaan Cali Mooge Geeddi Alle ha u naxariisto.

❤1
Forwarded from Bintu sh wacdi❤ (Ñîmço ñûûrá)
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Jumce jamiil ahbabi🥰
Gabadha wanaagsan waxa la ogaadaa “marka ninkeedu sabool yahay”
Ninka raga waxa la ogaadaa “marka xaaskiisu xanuunsanayso, ama itaal darro jirto xaaladaha kala duwan ee ay maraan awgeed”
Walaalka fiican waxa la ogaadaa “marka dhexdiina dhaxal yaallo, xoolo waalidkiin idiinka tagay”
Saaxiibka dhabta ah waxa la ogaadaa “marka xaalaaddu kugu adkaato”
Muuminka waxa la ogaadaa “marka la imtixaamo, imtixaannada aduunyada”
Ubadka baarriga ah waxa la ogaadaa “marka waalidkoodu gaboobaan”
Deriska wanaagsan waxa la ogaadaa “marka aad degto meel aan hore lagaaga aqoon”
Jacaylka dhabta ahna waxa la ogaadaa “marka intreska ama maslaxaddu dhamaato”
Jumce wanaagsan ❤️

❤2
"Jacaylkaan xabaalee
Xuudkana liqsiiyeen
Caawana xuseynaa."
Waa riwaayaddii "Xuskii Jacaylka" iyo fikaraddii Allaha Janeeyee abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub) waxayna riwaayaddani soo baxday sanadkii 1979
Heesihii riwaayadda
---------------------------------
1. Heesta: "Wakiil Caashaq"
Codadka: Saado Cali Warsame iyo Cumar Xasan Sheekh Cabdi (Rooraaye)
"Gabadhyahay nin weynoo
Waayo soo jiraayoo
Ilaa sabankii Wiilwaal
Hadba dumarka tii wacan
La wadaagay caashaqa
Weglada hawga sheekayn
Naf kaa maqan ha weydhixin
Wakiil caashaq haw noqon!"
2. Heesta: "Axdi"
Codadka: Salaad Maxamed Shardi (Derbi) iyo Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq)
"Waa kali Ilaahay
Eedaanku waa faral
Aakhirana waa nagi
Aduunyaduna waa hoos
Abaal ruuxa kuu galaa
Ha ilaawin weligaa!"
3. Heesta: " Xilku Ku Saaran Weeyaan"
Codadka: Cabdi Cali Maxamed (Bacalwaan) iyo Saado Cali Warsame
"Gurya samiyo hawdoo
Seermaweydo da'diyo
Gudguduhu saq dhexe miray
Salaadii ka qaadoo
Gabdhankuna kusii hadhay
Oo laba sagaalaad
Subax noolba uu helo!"
4. Heesta: "Heliyaalo"
Codadka: Saado Cali Warsame iyo Cabdi Cali Maxamed (Bacalwaan)
"Dhool bari kasoo baxay
Oo dhaan nageeyaan
Dhibicdii la sugayaad
Ayaad nafta uga dhigantee
Ama curad la dhawroo
Dhooldhoolin hooyaduye
Ayaan kuu dhaweeyaaye!"
5. Heesta: "Siyaaro"
Codadka: Salaad Maxamed Shardi (Derbi) iyo Saado Cali Warsame
"Jacaylkaan barbaarshee
Bullaale aan ku koriyee
Badhtamaha Hargaysiyo
Burco uga ood jarey
Boodhari agtiisiyo
Batalaale aan dhigayee
Reer Berbera reer Berbera
Reer Berbera siyaartaanee!"
6. Heesta: "Awlaad Jacayl"
Codadka: Salaad Maxamed Shardi (Derbi) iyo Faadumo Cabdillaahi Kaahin (Maandeeq)
"Jacaylkaan Ilaawee
Inta badan maqnaayee
Ayaamuhu fogeeyeen
Wakhtiguna amaahday
Calafkaan amaahdeen
Ku sugaayay aakhiro
Dhinicaa abokrkiyo
Samirkaba ku iibsaday!"
7. Heesta: "Wallee Aniga Caashaqa"
Codka: Saynab Cige Maxamed
"Wallee aniga caashaqa
Wehelkaygii weeyaan
Waa leyga beeriyo
Wadnahaygii weeyaan
Wixii eed ka sheegtana
Iskumaba wanaagsani
Warna nama dhexmari karo!"

-Waraa Boollo warka isii
-Nabad, maxaa haysaa?
-Beello wallaahi, naag la'aan lee.
-Kuwii aad shabinaysay aaway?
-Filimkaas eey baa cunay, waana lagu kala baxay.
-Waxaas ma danbaa kuugu jirta, maalin waliba qof cusub iyo quraamis, ma daashid miyaa horta?
-War waxaas iga daaye qoftii maalin hore war iga sii.
-Saaxiib gabadhaas waa qof isku tashtay, ciyaal suuq adiga camal ahna laguma aamino karo.
-Heey igadaa ciyaarta, anaa garteeda galayee adi ii salax uun.
-Aniga maa ku baraa gabar mustaqbal leh, dullinimadaada kala tag dumarka masaakiinta ah.
-Fiiri, aniga ha isaga key dhigin nin masjid ka addimee, caadi iska dhig. Midda kale adaa guursadee, ka warran nolosha buuqa iyo dabagalka badan.
-Saaxiib guurku waa nimco iyo naxariis haddii Alle ku waafajiyo qof wanaagsan, adigana lagaa helo ixtiraam iyo gudashada waajibaadka.
-Niyahow cid la aaminaba maleh, dumarkana suuqeey ku wada jiraan oo waa kuwaas innagab naga horreeya.
-Ina-adeer haku rafan hablaha islaameed, ma jiro dumar wada xun, sida aysan u jirin rag wada fiican.
-U maleynaa sanadkaan in la helaayo gabar nadiif ah, calashaan aan lagu xadgudbin.
-Haddii adiga aad dhabaq ku jirto, micnaheeda maaha in dadku wada dhooqaysteen. Boqolaal aan xitaa rag la hadal baa la helayaa, se sugaya nimankii saxda ahaa. Midda kale ma adaa isku wada maray se ku ogaatay cilmi-baaristaan?
-Haddii aan arki lahaa waaban guursan lahaa sow maaha?
-Xeyndaabka aad ku jirto, maaha mid ay u soo tallaabi karaan oo isku xudduudba ma tihiin.
-Maxaa ka waddaa?
-Wanaagga waxa uu soo jiitaa waxa wanaagsan, halka xummaantuna soo jiidato waxa ugu xun-xun.
-Nin wax haystaan ahay, dabcan diidmo ma jireyso.
-Dhaqaaluhu qof waa kuu soo jiidi karaa, se kuuma dhaqi karo, kuuma dhowri karo kumana dhaxalsiin karo. Maalku waxa uu qiimo yeeshaa marka uu qalbi, qurux, hibayn iyo qanaaco la socdaan.
-Maxaa talo ah marka?
-Is daahira, dawada kugu habboonna raadso.
SHEEKO RAGGEED
W/Q farxiyo lama filaan

Manta oo axad ah waxa 30 ino ah bishi dulqicda .
Cawan wax ino Bilbo dona malimihi barkeysna ee 10 mlimod dhmnteen waxn idin leyhy hanbyo hnblyo madma aynu nolo iyo cafimad kuso gadhneg malimha barkeysan waxnan idin leyhy kafideysi wacan wlalhyga allh ha ino fudeydiyo soonka. salad .acmasha wangsan 🤲

لاتظلمن اذا ماكنت مقتدرا
فالطلم ءاخره يفضي الي الندم
واحذر اخيا من المطلوم دعوته
لا تاخذنك سهام الليل في الظلم
تنام عيناك والمطلوم منتبه
يدعو عليك وعين الله لم تنم
فالطلم ءاخره يفضي الي الندم
واحذر اخيا من المطلوم دعوته
لا تاخذنك سهام الليل في الظلم
تنام عيناك والمطلوم منتبه
يدعو عليك وعين الله لم تنم
❤1
Waxa innoo bilaabmay maalmihii adduunka ugu khayrka badnaa waxa haboon in laga faaidaysto oo aynaan dayicin maandaama ay yihiin maalmo aad u fadli badan.
Waxa aynu kaga faa'idaydan karnaa acmaasha noocyadeeda kala du'duwan sidda soonka sadaqacada, xuska rabi. Iyo qaraabada oo aynu xidhiidhino
Waxa aynu kaga faa'idaydan karnaa acmaasha noocyadeeda kala du'duwan sidda soonka sadaqacada, xuska rabi. Iyo qaraabada oo aynu xidhiidhino
"Cadceediyo xidigihiyo
Cimilada aduunyada
Cirka awrka joogiyo
Halka caynku kaga yaal
Adigoon kucaan noqon
Caro edeg kahadalkeed
Ama Caamir kala hadhin
Haysaga cumaamadan
Culuum kaa gu' weynoo"
Cimilada aduunyada
Cirka awrka joogiyo
Halka caynku kaga yaal
Adigoon kucaan noqon
Caro edeg kahadalkeed
Ama Caamir kala hadhin
Haysaga cumaamadan
Culuum kaa gu' weynoo"
قَالَ بَعْضُ السَّلَفِ:
إِذَا أَرَدْتَ أَنْ تَعْرِفَ مَنْ أَنْتَ،
فَانْظُرْ مَاذَا تَفْعَلُ عِنْدَمَا تَكُونُ وَحْدَكَ،
فَالنَّاسُ يَرَوْنَ نِصْفَ حَيَاتِكَ،
وَاللَّهُ يَرَى كُلَّهَا.
إِذَا أَرَدْتَ أَنْ تَعْرِفَ مَنْ أَنْتَ،
فَانْظُرْ مَاذَا تَفْعَلُ عِنْدَمَا تَكُونُ وَحْدَكَ،
فَالنَّاسُ يَرَوْنَ نِصْفَ حَيَاتِكَ،
وَاللَّهُ يَرَى كُلَّهَا.