Aisha Bintu Ahmed
16.5K subscribers
2.28K photos
55 videos
19 files
625 links
"JECLOW naftaada, wax badan aqri, aqligag kaasho , waalidkaga ka duceeyso, unoqo dadka mid naxriis badan..!"😌

Waxa aasaasnay channelkan 27.july.2021

WIXII FIKRAD 👉 @Aishabintuahmed
Download Telegram
Waxa uu yiri rasuulkii ALLE N.N.K.H
xaqa uu ku leeyahay muslimku muslimka kale waa lix;
1. Haddii uu la kulmo waa salamaa.
2. Haddii uu u yeero waa ajiibaa.
3. Hadduu talo waydiisto waa la taliyaa.
4. Hadduu hindhiso oo uu ALXAMDU LILAAH dhaho YARMAKULULAAH ayuu u yiraahdaa.
5.Haddii uu xanuunsadana waa booqdaa.
6. Haddii uu dhintana janasadiisa ayuu racaa.

#Axadith
#r2024
Caa'isha Alle haka raalli noqdee waxay tiri:"nebigu ﷺ wuxuu ahaa markay 10'ka dambe ee ramadaan soo gasho mid habeenka nooleeya(aad u cibaadeysta) guntigiisana adkaysta,ehelkiisana -cibaadada- u kiciya"
_

Guntigiisa adkaysta waxa laga wadaa: inuu nebigu habeenka cibaadada u diyaar garoobi jiray, waxa kale oo lagu micneeyaa inuu xaasaskiisa habeenkii iska dhawri jiray oo guntigiisa adkaysan jiray.

#Axadith
#r2024
Abdillahi bin mascuud ayaa nebiga weydiiyey:Dembigee Alle agtiis ugu weyn? Nebiguna wuxuu ugu jawaabay;waxa ugu weyn inaad Allihii ku abuurtay aad cidkale la sinto(la caabuddo).

#Axadith
#r2024
Nebigu ﷺ wuxuu yidhi:"nin iyo naag meel iskuma kaliyaystaan ilaa shaydaan baa saddexeeya"

#Axadith
#r2024
Nebigu ﷺ wuxuu yidhi:"guryihiina haka dhigina qubuur(meel aan lagu tukan) shaydaankuna wuu ka cararaa(oo masoo galo)guryaha suuratu Albaqra lagu akhriyo"

#Axadith
#r2024
Waxa uu yiri rasuulkii ALLE N.N.K.H
"Jannadu waxay leedahay sideed albaab waxa ku jira albaab la yiraahdo A -rayaan (dherganaan) oo aysan ka gelayn dadka sooman mooye cid kale."

#Axadith
#r2024
Nebigu ﷺ wuxuu yidhi:"Alle wuxuu idinka reebay inaad aabbayaashiin ku dhaarataan,qofkii dhaaranayaa Alle haku dhaarto ama ha iska aamuso"
_
Ma bannaana in lagu dhaarto waxaan Alle ahayn.Waalid,maal, ubad iyo waxkaleba ma bannaana in lagu dhaarto. Haddaad dhaaranaysid Alle ku dhaaro ama haba dhaaran.

#Axadith
#r2024
Nebigu ﷺ wuxuu yidhi:"waxa yaab leh arrinka Mu'minka-waayo-: haddii qof mu'min ah uu barwaaqo iyo kheyr uu helo Alle-na mahadnaqo KHEYR ayay u ahaan( ajar ayuu ka heli)-dhanka kale-haddii qof mu'min ah dhib iyo kadeedi haleelo kadibna uu ku sabro una adkaysto KHAYR ayuu ka heli(ajar)"

#Axadith
#r2024
Nebigu ﷺ wuxuu yidhi:"qofkii qof mu'min ah dhib/murug adduun ka fudaydiya,Alle ayaa isagana dhib kamid ah dhibaatooyinka aakhiro ka fudaydiya"

#Axadith
#r2024
Rasuulku scw wuxuu yiri:-

“Gabdhaha ha nicina waayo iyagu waa kuwo la weheshado oo Qaali ahe”.

#Axadith
#r2024
Nabigq ﷺ wuxuu yiri hadii aad qof wax kudhufanaysid wajiga ha ku dhufan

#Axadith
#r2024
meherka oo la fududeeyo wuxuu ka midyahay sunnada .

Nabiga ﷺ wuxuu yiri meheerka la sahlo baa kheyr badan .

Gabdhow meherka fududeeya

#Axadith
#r2024
Bishaaro.

Waxa uu yiri rasuulkii ALLE N.N.K.H
"Ma jirto dhibaato ku dhacda qof muslim ah haddii ay jirtana ALLE waa ugu danbi dhafaa xitaa qodax muday."

#Axadith
#r2024