Aisha Bintu Ahmed
16.5K subscribers
2.28K photos
55 videos
19 files
625 links
"JECLOW naftaada, wax badan aqri, aqligag kaasho , waalidkaga ka duceeyso, unoqo dadka mid naxriis badan..!"😌

Waxa aasaasnay channelkan 27.july.2021

WIXII FIKRAD 👉 @Aishabintuahmed
Download Telegram
Qofka Dadnimada usaaxiibka ahana Waxaa lagu gartaa Inuu Nafsadiisa Xakameyn karo Xilliga uu Xanaqsanyahay iyo xilliga uu Faraxsanyahay Kuna Noolaado Xaalad Dhex dhexaad ah Xilliga Dhibaatada iyo Xilliga barwaaqadaba❤️🥰

#xigasho
Waxaan ku dhex nool nahay dad guba kala-bar naftaada, ka dibna ku weydiiya maxaa dambas kaa dhigay.

#xigasho
JAWAABO CULUS


1-Gabar aad u careysan ayaa ninkeeda ku tiri: Ibliis inaan guursado ayaa ii fiicneyd intaan adi ku guursanaayey!

Isna wuxuu ugu jawaabay: gabar iyo walaalkeed inay is guursadaan sharci ahaan ma bannaana.

2- Professor ayaa soo galay fasal uu xiisad kulahaa wuxuu arkay in gabdhaha oo dhami aysan xijaabneyn marka laga reebo hal gabar oo xijaab wadatay.

Gabadhii ayuu ku yiri: waxaa muuqata inaadan naftaada ku kalsooneyn maadaama aad gabdhaha kale ka duwan tahay.

Gabadhii waxay ugu jawaabay: Anigu waxaan ahay midda keliya ee inaad rag tahay kuu qirsan.

3- Mid baa yiri: Farduhu Timahooda ma shanleeyaan mana hagaajiyaan, haddana gabdhaha hadda jira wey ka timo qurxan yihiin.

Gabar ayaa u jawaabtay oo tiri: Inkastoo ay baran-baradu shaarubo yar leedahay, haddana waxaan uga heybey-sanaa si aanan uga baqin ragga qaarkii.

4- Amiir kamid ah dowladihii hore ee carabta oo daalim ahaa ayaa isagoo khudbeynaya yiri: inta aan xilka hayey qofna daacuun kuma dhicin.

Mid Acraabi ah ayaa istaagay oo yiri: Ilaahay Caadil waaye oo laba musiibo iskuma kaaya darin.

5- Mid calmaani ah oo islaamka aad u aflagaadeeya ayaa yiri: gabadhu waxay xaq u leedahay inay dhalmada iska joojiso si ay quruxdeeda u ilaashato.

Gabar ayaa u jawaabtay oo tiri: hooyadaa waxaa u fiicneyd inay quruxdeeda ilaashato.

Mustaf Awil Hassan

#xigasho
Waxaan aad u xiisaynayay daawashada dhulka iyo jidka aanu socono hareerihiisa oo biyuhu jiifaan maadaama lagu jiray xilli roobaad iyo inaan markii iigu horaysay tagayo magaaladii magaceedu in badan dhegahayga kusoo noqnoqon jiray ee Xamar balse aniga oo ka fikiraya sida magaaladu u ekaan doonto iyo sida ay noosoo dhawayn doonto labadaba ayaa waxaan ku war hellay cod qaylo dheer oo naxariistuna ka madhantahay Istaaga !
Waa horjoogaha shan nin oo qoryo ku hubaysan oo jidka taagan dharkoodu waa jeexjeexan yahay waxaana ka muuqata diif iyo inay socod dheer soo galeen wajiyadoodana naxariis laguma oga.
Markii gaadhigii istaagay ayay qof qof noo dajiyeen waxaanay dadka ka dhex baadhayeen rag ay raadinayeen oo malaha utuni/godobi ka dhexaysay, nasiib wanaag waxba nama yeelin shilimaad yar oo ay darawalka ka qaateen mooyaane.
Darawalku waa nin reer Baladweyne ah oo waxaa noo daaran heestii "Baladweyn Allahayoow" sidii baanu Xamar kusoo galnay goor maqriba.
Magaaladu way wayntahay balse nabad maaha meelwalba xabbad baa ka dhacaysa haddana way dhisantahay dadku hawlohooda ayay wataan balse qalbiga waxaa laga wada ogsoonyahay in maalin aan fogayn la qixi doono.
Gurigii oday Warsame oo aabbo igu soo ballamiyay markii uu jiilaalka magaalada soo gaadhay ayaa la i hor dhigay, cidna kama aqaan balse waa is xariifiyay oo salaamay waxaana ii xigtay ma ina Maxamed baa soo dhawaw adeero iyo wajiyo faraxsan oo si quruxbadan ii qaabilay.
Waxaa la ii sheegay in dugsi waxbarasho la igeyn doono haddii xaaladuhu sidan dhaamaan oo magaaladu degto.
Saaka waxaa i toosiyay gariirka ka baxaya guriga show dagaalbaa ka dhacaya xaafadaha naga dambeeya oo maba ogiye adeero Warsame galin horeba way leeftay aheey ah! Markaan soo kacayba mise qaylaa isla oogsatay guriga waa Sareedo oo ilmadu ka qubanayso maydkii odaygeedana daaradda loogu soo tuuray iyo labadii wiil oo qoryo la cararay gurigana ka baxay oo aanay xaaladooda ka warhayn nolol iyo geeri.
Mardambe ayuu Rooble Warsame noo yimi isagoo murugo iyo umal wajigiisa saaranyihiin waxaanu cod aan duco lagu ogayn ku yidhi Bashiirna waa hoyday ! Ma masiibo ka wayn baa jirta odaygaagii iyo wiilkaagiiba subax qudha halla dilo ?
Saskii aan ka qaaday iyo qarracankii igu dhacay awgood ayaan subaxaa ka baxay guriga anigoon garanayn meel aan u socdo iyo meel aan ka socdo midna.
Muddo laba sitimaan ah waxaan magaalada ku silcaba aakhirkii waxaan ka shaqo bilaabay maqaayad shaah oo dhanka woqooyi kaga soo jeeday jidka soddonka, sannad markaan joogayna waxaan iskay u furtay maqaayad cusub 8 sanno oo aan shaqaysanayay kadib waxaan awooday inaan iibsado gaadhi bas ah oo aan magaalada kaga shaqaysto waa dharaaro xusuustood iyo waayihii dhallinyaronimo.

#Xigasho abdirahman
Maalin maalmaha ka mid ah;

1. Waxaad hurdada ka kici doontaa riyadaadii oo rumowday.

2. Waxaad goobta jiifkaaga ka kici doontaa adigoo dhoola-cadaynaya.

3. Waxaad salaada ku tukaan qushuuc dhamays-tiran.

4. Waxaad ku quraacan doontaa xasilooni.

5. Waxaad banaanka u bixi doontaa adigoo wejigaaga farxad laga dheehanayo.

6. Qof kasta oo kula kulmaa wuxuu ku weydiin doonaa waxa kugu soo kordhay maanta. Adiguna waxaad ugu jawaabi doontaa si kalsooni leh.

7. Hawlahaaga maalinlaha ah waxaad soo dhamaysan doontaa adigoo degan, oo ku qanacsan waxaad soo qabatay.

8. Farxadaada waxa qayb ka noqon doona qof kasta oo ku jecel. Maalintaas dadka ku neceb noloshaada waxay ka noqon doonaan daawadayaal aan saamayn ku lahayn noloshaada.

9. Goorta uu gabalku kuu dhaco waxaad seexan doonta hurdo aan fikir iyo wer-wer lahayn.

10. Subaxda xigtaana waxay kuugu bilaabmi doontaa sidaas oo kale insha Allah.

Waxaan Alle kaaga rajaynayaa inaad gaadho maalmahaas farxada badan insha Allah. Xili kasta iyo goob kastaba farxadu wehel hakula ahaato walaal.❤️🤝

Mohamed Faisal

#xigasho
Maxaan u nacay wallaaladeyda kale?

Waxaa aan ugu necbaa wallaaladey ka yidhaahda uga qaada waraaqdeeda! Waxaa aan wallaalo ahayn rag badan.
Marka aan isleyno ninkeyga, aniga oo cadhoonaya ayaa aan imaadaa guriga hooyaday.

Wallaaladey baan u waramaa sida ay wax u dhaceen, aniga oo cabanaya ayaa aan idhaahdaa: waxaas baa dhacey, kan iyo kan; inta aan wax badan tiriyo.

Waxaa aan ku xigsiiyaa iiga qaada waraaqdeyda ninkan idhibey!
Wallaaladey , marka mid laga reebo, inta kale inta ay xanaaq cirka maraan bey yidhaahdaan: " waar ninka waraaqdeeda uga qaada, muxuu u dhibayaa? ma isagaa dhalay? Ma gacan buu naga doonayaa... wallahi waannu dili!

Dhagahaygu marka ay hadalkaa maqlaan ayaa aan beerka ka naxaa. Nafteyda aniga hoos ula hadlaya ayaa aan idhaahdaa: "ma ninkaaga ayay dilayaan?... Ma ninkaaga ayay kaa furayaan?... ma reerka ayay baabiinayaan?... furriin mooyee, arrinta miyayna wax kaleba ku dayi aqoon?"

Sababta aan sidaa u lahaana waxaa ay ahayd , waan jeclaa ninkeyga, balse cadhada ayaa wax walba iga keenaysay.
Reerkii oo buuqu cirka gaadhay oo qofba meel ka hadlayo, ayaa wallaalkey oo ah ka qoyskaba u weyn, halkaa ka soo galaa.
Marka ayaa uu yidhaahdaa, maxaa dhacay ee la wada qeylineysiin?

"Heblaayo, ayaa soo cadhootey oo reerkeedii ka timid", ayaa la yidhaahdaa
" maxaa kaa keenay reerkaagii?"
"Wallaal, ninkii baan afgaran laayahay. Waxaa iyo waxaa ayaa uu sameeyay. Waxii hore u samayeeyay, ayaa uu maantana tan iigu darey. Waraaqdeyda ha la iiga qaado"!

"Waxba lagaaga qaadi maayo, ee soo qaado alaabtaada, waan ku celinayaaye".
Aniga oo hooyo ismaqashiinaya, ayaa aan idhaahdaa, la i celin maayo. Xageega ayaa aan u dhaqaaqaa. Ragii kale ee aan wallaalaha ahayna, wey igarab istaagaan , iyaga oo leh: "waxba la celin maayo. Waar mar walba inanta isagaa ka gardaran, adna waxaad leedahay waan celinayaa. Malaha isaga ayaa aad la jirtaa!

"Waaryaada waa ragga, reerka dumayaa maxaa uu idiin tarayaa? Nin iyo naagtii colaadna maaha, nabadna maaha. Idinku reerka jiritaankiisa ka taliya, balse dumistiisa ha ka talinina. Dadku wey isqabtaan. Dadku wuu isdagaalaa. Hawshina mid idinka idiin taal maaha, kol haddii aan anigu joogo. Sow anigu idinkuba weyni?"

"Dee haaye, wallaal, inanta oohinteeda uun baa na dhibeysee, mar walba miyaan u adkeysan kareynaa?"
" waaryaada ka baxa waxaas"
Markaas ayay wada aamusana. Wuu isoo kaxeeyaa. Reerkeygii iyo ninkeygii ayaa uu ii celiyaa.

Waqtigaa waan yaraa. Waxaa aan lahaa saddex carruur ah. Hadda, waxaa ka soo wareegtey ammin badan. Waxaa ka dambeeyay carruur badan; maanta waa rag iyo dumar waaweyn. Qaar ayaa dibadda ku maqan.

Carruurteyda waxaa aan ku idhaahdaa:
"Abtigiin ilaaliya oo ka warhaya." Si gaar ah ayaa aan ugu balamiyaa isaga, waayo, ninkaasi wuxuu ahaa nin aragti dheer oo waxgarad ah; reerkeygana dhismihiisa aad uga qayb qaatey. Isagu haddii aannu joogi lahayn, reerku ma jiri lahayn oo waxaas oo ubbad ah maan yeesheen. 11 jeer baan soo dudayoo, 11-kii goorba wuu iceliyay!
Waxaa aan shaki ku jirin in wallaaladeyda kale ka jecelahay isaga.
Carruurtii iyaguna waxaa ay noqdeen kuwo baarri ah.
Kuwo ka warhaya Abtigood. Bil kasta lacag ayay dibadda uga soo diraan.
Wallaalkey, waxaa aan ugu duceeyaa, cimri dherer, caafimaad , bashbash iyo barwaaqo, in uu ku noolaado.

W/Q: Maxamed Haybe Axmed.

#xigasho
Ibliis ayaa shir degdeg ah isugu yeeray shayaadiinta oo dhan, ajandaha shirku wuxuu ahaa in bani'aadamka laga qariyo waxa ugu qiimaha badan noloshiisa...

Dabadeed su'aal ayaa la isweydiiyey waa maxay waxa ugu qiimaha badan ee bani'adamku haysto?

Mid shayaadiinka ka mid ahaa ayaa yiri: Aan hantida ka qarino...
Ibliis ayaa u jawaabay oo yiri: maya hantida waa inaan u siyaadinaa si ay dhibaatooyinkiisu u sii bataan!!

Shaydaan kale ayaa yiri: Caqliga aan ka qarino..
Ibliis ayaa haddana arinkaas ka soo horjeestay isagoo leh: caqliga haddaan ka qarino dhibaatooyinka ma dareemi doono taasina waa dhibaato kale..

Shaydaankii ugu sheydaan-sanaa ayaa soo jeediyey in Farxadda laga qariyo bani'aadamka.

Ibliis ra'yigaas aad ayuu ugu riyaaqay wuxuuna garwaaqsaday in (farxaddu) tahay waxa ugu qiimaha badan ee aadanuhu haysto..

Dabadeed (farxadda) ayey bani'aadamka ka soo xadeen... balse mushkilad kale ayaa ka hortimi oo waxay isku fahmi waayeen meeshii lagu qarin lahaa (farxadda) si uusan bani'aadamku markale u helin..

Mid shayaadiinta kamid ahaa ayaa yiri: aan baddaha guntooda ku qarino..
Mid kalena wuxuu soo jeediyey in meel aad u fog dhulka kamid ah in lagu qariyo..

Ibliis labadaas ra'yiba waa uu ka soo horjeestay isagoo u caddeeyey in boqolaal sano kadib uu aadanahu sameysan doono maraakiib iyo diyaarado kadibna uu farxadda soo heli doono...

Shaydaankii ugu sheydaan sanaa ayaa markale soo jeediyey in (farxadda) lagu qariyo qalbiga bani'aadamka!!

Aadanuhu (Farxadda) wuxuu ka raadin doonaa Hantida iyo maalka mana helo doono, wuxuu ka raadin doonaa caan-nimada mana ka heli doono, sababtoo ah (farxaddu) qalbigiisa ayey ku jirtaa mana dareensana.

Dulucda sheekada ayaa waxay tahay: farxadda meel kale ha ka raadin adiga ayaa sameysan kara farxadda.. Cidna ha ka sugin inay farxad ku siiso ee adigu farxaddaada sameyso...

Cibaadadu waa farxad.... Qanaacadu waa farxad.... wax bixintu waa farxad...saaxiib-tinimadu waa farxad....Adigu sameyso farxaddaada, Waqtiga kooban ee aad dunidan joogto haku dhameysan welwel iyo murugo ee farxad ku qaado Rabbina kheyr ka filo...

W/Q: Mustaf Awil Hassan

#Xigasho
Laba dumar oo laysla qabo ayey midi caruur dhashay tii kalena waxba dhali waysay, markaasay middii caruurta haysatay tiri iyadoo tan kale ku jeesjeesaysa: " Ciil u dhimo cunug baan caloosha ku sidaa, midna gacantaan hayaa midna waa i hor socdaa"!

Ilaahay wuxuu qaddaray in saddexdeedii caruur ba si isku xig-xiga u dhintaan, haweeneydii kale oo aan muddo wax dhalina ilaahay wuxuu ku arsaaqay shan wiil.

Nimcada aad haysato ilaahay ayaa ku siiyey kuwa aan haysana ilaahay ayaa u qaddaray, rabbi wuxuu awoodi karaa inuu nimcada aad ku faanayso kaa qaado..

#Xigasho
Nin ayaa arkay mas gubanaya, wuxuu isku dayay inuu maska dabka ka saaro balse wuu qaniinay, inta xanuun badan dareemay ayuu maski iska tuuray, debki ayuuna dib ugu dhacay.

Wuxuu soo qaatay ul dheer, si uu maska debka iyo naftiisaba uga badbaadiyo, mid arkayay ayaa ku yiri: “Maskaas ku qaniinay miyaad weli isku dayaysaa inaad badbaadiso?
Ninki ayaa ku jawaabay: “Dabeecada Masku waa inuu wax qaniino, laakiin taasi waxba kama beddelayso dabeecaddayda ah inaan caawiyo.”

Dulucda; Qof ku dhaawacay dartiis ha u bedelin dabeecaddaada... Ha lumin qalbigaaga wanaagsan, laakiin baro in aad mar walba taxaddar muujiso.

@AishaAhmed99
#Xigasho
"Hadaan guga kuu kordhaa,
Gabaw moyee ku tarin,
Garaad iyo waayo arag,
I lleen wax ma dhaantid geed"🥰



#xigasho
Wuxuu yiri sheekh samakhshari " Anigoo wiil yar ah ayaan shimbir lugta xarig uga xiray dabadeedna waxaan bilaabay inaan jiido ilaa ay lugtii ka go'day, hooyadey oo aad uga xumaatay falkaas ayaa igu tiri: Adna ilaahay lugta hakaa jaro sidaad shimbirka yar lugta uga jartay! Wuxuu yiri markaan nin weyn noqday ayaa lugteyda waxaa kuu dhacay cudur sababay in lugta la iga gooyo"

Wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey caruurtiina ha habaarina laga yaabee in habaarkaas lagaa aqbalo oo hadhow caruurta dhibaato soo gaarto.

#Xigasho
FASIRAADA QAAR KAMID AH RIYOOYINKA
__

1- Haddii aad ku riyooto adigoo dhimanaaya ama dhintay , ogow in cimrigaagu dheeraan doono.

2- Haddii aad ku riyooto adigoo cunaya malab cad, waxay caddeyn u tahay inaad ka caafimaadi doonto xanuun aad qabtay.

3- Haddii aad ku riyooto adigoo qof ka cararaaya, ogow inuu jiro qof kaa maseyrsan ama raba inuu ku hagardaamiyo.

4- Haddii aad soo toosto adigoo weli riyadii xalay xusuusan ama aad maalintoo dhan riyadii xusuusan tahay, waxay caddeynaysaa in riyadaasi aysan aheyn riyo caadi ah ee ay tahay fariin adiga kugu socota.

5- Adigoo faras saaran haddii aad ku riyootid waxay caddeynaysaa inaad Hanti badan heli doontid, ama aad safar geli doontid.

6- Haddii aad ku riyooto adigoo duulaya, waxay caddeynaysaa inaad dhibaatooyin ku haysta ay kaa fududaan doonaan، ama waxay noqon kartaa inaad hoggaan iyo mas'uuliyad qaadi doonto.

7- Haddii aad ku riyooto mas ogow inuu jiro qof raba inuu dhibaato ku gaarsiiyo.

8- Haddii aad ku riyooto qof aad taqaano oo dhintay ama dhimanaaya, waxay caddeynsaa inaad qofkaas is khilaafi doontaan ama aad kala fogaan doontaan.

9-Haddii aad ku riyooto abeeso, dib qalooc, Ey, Doofaar, Daanyeer, Musqul, Nijaaso, badanaa waxay sheegaan in qofka la sixray.

10 - Haddii aad hal riyo dhowr habeen aragto oo ay kugu soo laalaabato, ogow in arinka aad ku riyootay uu yahay arin muhiim ah, oo la rabo inaad fariintaa fahamto.

F.G: Haddii aad riyooto, waxa aad ku riyootay hadday yihiin wax xun riyadaas cidna ha u sheegin sheydaankana iska naar, haddii aad ku riyooto wax fiican riyadaada waxaad u geysaa qof Cilmi u leh fasiraadda riyooyinka oo aad ku kalsoon tahay.

👉Fasirka riyooyinkan waxaan ka soo guuriyey kitaab uu qoray Ibnu siiriin oo ah Caalim ku takhasusay fasiraadda riyooyinka.

Mustaf Awil Hassan

#Xigasho