Aisha Bintu Ahmed
17.3K subscribers
2.3K photos
55 videos
19 files
642 links
"Jeclow naftaada, wax badan aqri, aqligag kaasho , waalidkaga ka duceeyso, unoqo dadka mid naxriis badan..!"😌

Waxa aasaasnay channelkan 27.july.2021

WIXII FIKRAD 👉 @Aishabintuahmed
Download Telegram
ILAAHAY WANAAGSANAA

Qisadan waxa inooga sheekaynaya wiil taxi ku shaqeeya Sucuudiga..

Wuxuuna yidhi: Maalin maalmaha ka mid ah ayaan nin ka soo qaaday meel maxkamad agteeda, waxaanu ku socday sharikad meel yara fog ku taala.

Ninkan diiqad badan iyo murugo ayaa wajigiisa ka muuqatay, laakiin wuxuu ahaa nin intaa uu ila socday istiqfaar afkiisa aan ka qaadayn, xittaa markuu ila sheekaysanayo dibnihiisu ma istaagayaan, Astaqfirullah ayuu ku cel-celinaya.

Markaanu dhexda marayno ayuu igu yidhi meel ma yara istaagnaa aynu cunto ka cuno?

Haa ayaan ku idhi, waxaana nu joogsanay maqaaxi. cuntuu dalbaday markii loo keenay ayuu yidhi: kaalay ila cun, waan ka diiday waayo, waan dharagsanaa u maan baahnayna, laakiin wuu igu qasbay inaan la qadeeyo waanan la cunay.

Ninkani biyaha markuu mar kabado intaanu mar labaad kabanin Astaqfirullah ayu leeyahay, cuntada markuu mar afka galiyo intaanuu mar labaadka afka galin Astaqfirullah ayuu ku celcelinayaa.

Markaanu cuntadii dhamaynay ayaanu dhaqaaqnay, xoogaha kadib ayaanu gaadhnay sharikaddii, wuxuu igu yidhi ilaa 30 daqiiqo ayaan ku jirayaa isug waan kula noqonayaaye, waayahay ayaan ku idhi.

Lasoco qaybta 2AAD.

#Qisas_Aldikir
ILAAHAY WANAAGSANAA

Qaybtii 2AAD

Ninkii sodonkii saqiiquu i sug yidhi way dhammaadeen wali muu soo bixin, saacad markaan sugayey ayuu soo baxay isagii oo farxad iyo ilmaba indhihiisa ku taagantahay.

Oo leh Alxamdlilah Alxamdlilah Alxamdlilah gacantana waraaq jeeg ah ku sita oon is idhi lacag ayaa ugu qoran.

Waanu dhaqaaqnay waxoogaa markaanu soconnay ayuu bilaabay in uu iiga sheekeeyo xaalkiisa iyo waxan uu la faraxsanyahay!

Wuxuunu yidhi: Sharikaddan ayaan u shaqaynayey todoba sanadood waxaanan ka ahaa xisaabiye waxaanan xisaabin jiray waxa gala iyo waxa ka baxa.

in taa ka dib waxa dhacay in shirkada lacag fara baddan la waayey. Waata anni la ituhmay iyadoon wax cad la igu hayn aniguna wax cad oon isku difaaco maan haysan. Waa la ii xoog sheegtay oo xabsi ayaa la igu tuuray, Saddex sanadood ayaanan xidhnaa.

Jeelka markaan sanad iyo waxoogaa ku jiray ayuu nin igu yidhi kolay waad xidhantahaye maad waqtiga ilaahay kusiiyey ka faa'idaysatid oo dikri iyo Quraan ku mashquushid.

Maalintaa wixii ka danbeeyay waxaan bilaabay in aan quraanka xafido, istiqfaartana afka ka qaadin.

Ilaahay subxaana watacaalaa markaan sadex sano ku jiray ayuu iga soo saaray.

markii aan ka soo baxay jeelkii, ayaan shirkadii u tagay oon ku idhi: todoba sano ayaan idiin shaqaynayey xaquuqna imaydaan siin, waxaanad i xidheen xadhig dulmiya waayo waxba igumaydaan cadayn.

Imikana xuquuqdaydii i siiya.

Wuxuu yidhi: waxay iigu jawaabeen xuquuq kuuma haynee orod oo maxkamada tag, haddaad doonaysid anagu diyaar ayaanu u nahay maxkamad in aanu kuu raacno.

Wuxuu yidhi: Anigu faqiir ayaan ahay maanta, lacag aan looyar ku bixiyana ma haysto, haddii ay arintaa iga badiyaana jeel dheer iyo dayn maxkamadeed ayaan galayaa.

Waaniga istikhaaraystay ( ilaahay kala hadaly) kuna dhaqaaqay istiqfaartana hub ka dhigtay, looyarna qabsaday shirkadiina maxkamad la galay.

Dacwadii muddo ayey socotay maantayna maxkamaddu ii xukun tay oon ka guulaystay shirkadii.

Markii aan kusoo raacay halkaad iga soo qaaday maxkamaddii ayey ahayd.

Imikana waanigan ka soo baxay shirkadii ilaahay ayaana iga soo siiyey Lacag dhan Hal million iyo boqol iyo konton kun.

Waligay kumaan fikirin in aan lacag intaa leeg ka heli karo daalimiintaas.

Dhammaad

#Qisas_Aldikir
Qiso cajiib ah Hiilka Illahay

Qaybta 1aad

Aduun yadan aan joono wax walba way dhacaan, waana la arkaa.
sheeko aad u yaab baddan!

Qisadani waxay ka dhacday waddanka sucuudiga.

Gabadh ayaa tidhi: Hooyaday iyo aabahay waxay ku dhinteen shil-baabuur oo way is raaceen. kadib waxa soo hadhay aniga iyo inan yar oon walaalo nahay kana waynahay mudo labo sano ah.

kadib aduunkii ayaa cidhiidhi nagu noqday waayo waanu yar-yarayn.

Adeerkay ayaa nakaxaystay waxaanu na geeyay gurigiisii maa daamuu lahaa xaas iyo caruurba

Islaanta adeerkay qabay waxaan kala soo kulanay dhibaato aad u baddan oon lahayn kala-qo. maalintaan albaabka sidaa uga soo galnay ilaa maalintaa aan joogno dhibaatadaa ayay nagu haysay.

Haddaanu adeerkayo u sheegno dhibaatada yaga ka dhex dhacaysa ayaa sii baddanaysay, oo waanu iskaga aamusi jirnay. si aanaan reerkaa aanu ku soo biirnay wax dhibaato ah u dhex dhigin. waana nu iska samri jirnay.

ka dib waxaanu noqonay hablo waa wayn, waxaanan bilaabay in aan ilaahay baryo si uu faraj khayr qaba noogu furo, maadaamoonu dhibaataysanahay gurigana dhib baddan ku qabno.

ka dib Alxamdulilaah nin baa isoo doonay, waxaanan shardi kaga dhigay in ay walaashay ila socoto oy ila noolaanayso, ninkii waxa uu yidhi: anuu gabadh ayaan soo doontay ee magabadh kale ayaa iraacaysaa waaba gabadh wayne maan korsanayaa, marabo ayuu yidhi, waanu iska tagay.
dhawr ayaa yaguna isoo doonay oo markay arkeen shardigan aan sito isa tagay.

ugu danbayn waxa isoo daanay ninkii afraad, waanu is aragnay waanu iska helnay, ilaahayna waxaan waydiistay in uu shardigaa ii ogalaado lakiin wuu diiday.
waan niyad jabay waxaanan is idhi waligaa ma guursanaysid. markaa ayaan go'aan saday in ay walaashay iga hor guursato. lakiin adeerkay ayaadiidi jiroo odhan jiray horta ta wayni ha tagto takalena ha ka daba tagto.


lasoco qaybta 2aad.......

Qalinkii fariiqu dacwa .

#Qisas_Aldikir
Qiso cajiib ah Hiilka Illahay

Qaybta 2aad

Aduun yadan aan joono wax walba way dhacaan, waana la arkaa.
sheeko aad u yaab baddan!

Ninkii u danbeeyay een ka helay laakiin isna iska tagay ayaa dib u soo hadlay waxaanu yidhi: inantii waan doonayaa walaasheedna ha soo raacdo inkasta oonan raali ka ahayn haddana shardigaa waan fulinayaa, ee bal ii waydiiya.

waaniga aad u farxay ilaahii ii soo celiyayna waan ugu mahadceliyay, sidiibaanan ku guursaday.

aqal wayn ayuu soo kireeyay waaniga aqalkii walaashay ugu hor goglay una soo dhigay sariirtii, tuwaaleedkii iyo kabadhkii, aqalkii kalana waan goglay meherkii ayaa dhacay, aroosbuu ii sameeyay, alxamdulilaah, waxaan soo iibsadaba walaashay waan u soo iibinayay, waxaan doonayay in aan walaashay ugalo halkii aabahay iyo hooyaday, ilaa markii aanu guriga adeero joognay markay gabadha adeerkay indhaha ku gubto waan ka qaban jiray, shaqada loo diro anaa qabanaya ayaan odhan jiray, haday wax xumayso anaa hagaajinaya ayaan odhan jiray, wax haday samayso oo la qabsado anaa sameeyay ayaan odhan jiray waxaan walaashay u sitay siday bisadu ilmaheeda afka ugu sidato.

markii aan agal galay mudo
todobaad ah ka dib adeero wuu noo keenay waan farxay, markaanu aniyo adaygaygu baxno waxaan u keeni jiray casho, iyo hadyad, markii danabana meel walba waan u kaxaysan jiray.

si aanu ninku isku ururin ayaan u amaani jiray haddaan cunto yar oo macaan sameeyo waxaan odhan jiray yadaa samaysay, haddii aan guriga si qurux badan u hagaajiyo waxaan odhan jiray yadaa hagaajisay, maasha allah ayuu odhan jiray.

Alxamdulilaah ninkaa mudo labo sano ah ayaanu wadaqaadanay nolol qurux baddan, markii danbe walaashay wuu bartay wuxuu odhan jiray heblaayo shaaheedii macaanaa ha inoo sii samayso. heblaayo bariiskii macaanaa maanta inoogu sii tuur haye ayay odhan jirtay.

sanadkii sadexaad kala badhkiisii markaanu galnay odaygii suduu ahaan jiray maaha, farxadii way ka guurtay baad is odhan kartaa, maaha ninkii aan a qaanay.

Haddaba muxuu samayn jiray. Haduu wax dalbanayo walaashay ayuu kadalban jiray markaan ku idhaa maxaa kugu dhacay wuxuu odhan jiray waxba. Amba isma fahansani malaha sidan ayuunbaan ahaan jiray. kuma jecli malaha mooyi. markaas ayaan idhi: yaa, maxaad tidhi, jacalkii hee. markaas ayuu wuxuu gaadhay in uu idareensiiyo in aanu idoonayn.

haddaba waxa dhacday in aanu maalin aad iskugu qaylinay, oonu isku xanaagnay. markaas ayuu igu yidhi: heblaayo guurku waa calaf markaa waxaan doonayaa in aan ku furo ood xornimadaadda qaadatid.

Walina indho adayga wuxuu iigu daray waxaan jecelahay gabadh kale yadaanan doonayaa in aan guursado. waaniga qayliyay ee idhi gabadhu waa ayo yaad la sheekaysataa. waaka intuu is qaban karri waayay yidhi: walaashaa ayaan guursanayaa laba dumara oo walaalo ahna diintu iima fasaxayso in aan wada guursado, markaa waan ku furayaa, yadaanan guursanayaa.

waaniga naxay ee si qof biyo baraf ah lagu shubay haddana biyo bayl ah lagu shubay ayaan naxdintii dareemay. waaniga idhi: yaa. waaniga niyada iska idhi" wuxu ma saqajaan ayuu ahaa oo walaashaa ayuu hoosta ka eegi jiray, waxan us-gaga ah eed xaaska u noqotay muxuu ahaa, wis-wis ayaaba iga galay ninkii. waaka albaabka ka baxay.
Markuu albaabka ka baxay waaniga walaashay u tagay ee idhi" ninkii waan ku furayaa ayuu yidhi, waxaanan jecelahay gabadh kale oon guursanayaa. gabadhaasina waa diga, bal waxaa xun eeg siduu u dhaqmayo, aniyo walaashay iska horkeenaya.

walaashay way aamustay, markii danbe uun bay haddal yar igu soo tuurtay ooy tidhi" guurku waa calaf, jacaylkuna waa wax jira, haddii adiga iyo isaga calafkiinii kala dhamaaday isagu waa inan aad u wanaagsan, markaa intuu gabadhkale guursan lahaa, ama gabadhkale ninkaa wanaagsan ay heli lahayd aniga ayaaba walaashaaya.

lasoco Qaybta 3AAD......

Qalinkii fariiqu dacwa .

#Qisas_Aldikir
Aisha Bintu Ahmed
Qiso cajiib ah Hiilka Illahay Qaybta 2aad Aduun yadan aan joono wax walba way dhacaan, waana la arkaa. sheeko aad u yaab baddan! Ninkii u danbeeyay een ka helay laakiin isna iska tagay ayaa dib u soo hadlay waxaanu yidhi: inantii…
Qiso cajiib ah Hiilka Illahay

Aduun yadan aan joono wax walba way dhacaan, waana la arkaa.
sheeko aad u yaab baddan!

Qaybtii 3AAD

Waxay tidhi haddalkaa ay igu leedahay eed la yaaban tihiin, ee idinka oo akhriyaya aad la wada fajacsantihiin, layaab ka xun oo ka kulul ayaan dareemayay, waxaad moodaysay in uu gurigu sidaa iila wareegayo.

Isaga haddalkiisii saqajaanimadu ku jirtay kamaan soo nixin, lakiin yadda hadalkeedii wuxuu igu noqday in aqalku sidaa ilaa wareego. markii danbe dhulka ayaan ku dhacay. waxaan soo toosay yadoo adeerkay iyo laba kale oy walaalo yihiin isaga oo uu soo kaxaystay aqalkii ay joogaan, wax yar ka dib aniyo walaashay aqalkii adeerkay yaa nalagu soo wada celiyay.

Adeero sheekadii wuu u qaadan waayay. gabadhii adeerkayna wiirsi iyo qosol iyo ku tiiq-tiigsi ayay bilowday ilayn cadow ayay ii jabisaye.

waxayna tidhaa: bal labaddan walaalo ah ee ninka kala qaadaya eega, waxani maxay ahaa yeen. barri hore ayaan gartay markaan diidayay in ay gurigayga soo galaan.

lakiin islaanta aayada noo ah lamaan hadli jirin qol ayaan iska jiifi jiray. todobaad kalya ayaa waxa iga dhacay toban kiiloo.

waxa la sameeyay in inantii kale la kaxeeyay oo la geeyay aqalke oo adeerkay kale lee yahay.

adeeraday ayaa shiray waxayna yidhaah deen yaynaan ceeboobin oo la odhan malaha sheeko kalaa jirtee bal marka la yar ilaawo hadday waxan uu sheegayaa ka dhabtay aynu siino si ayna meelahaa uga raacin una ceeboobin. oday ii adeera oo wayn ayaa taladaa soo jeediyay.

adeeraday iyo abtiyaaladay way ka soo horjeedeen manay doonayn lakiin adeerkay ayaa yidhi: shaydaan ayaa is tusay markaa si aanay xaaraan ugu kulmin waa in aynu siinaa.

sheekadiina lagama beenayn eh waalasiiyay walaashay sidaa ayuuna ku guursaday una aroostay kuna aqal galay.

haddaba murugada aan dareemayo hadday dunida murugo taalay aniga ayay qalbigayga dagtay.

xitaa indhahayga hoostoodu dhuxul ayay i noqotay sidaan u ooyi jiray.

Adeerkay ayaa i odhan jiray ilaahay ku hadh, ilaahay dartii uga tag adeer.

adeerkay nin maal leh ayuu ahaa oo aftax raxmaanku maalka u siiyay.

haddaba islaantii adeerkay ee i necbayd ayuu ilaahay raxmad ii galiyay markuu ninkii walaashay guursaday. wayna iga nixi jirtay ilayn waxaan ahay gabadh aan aqalka ka soo bixin cunana cunin mar mar cuntada way igu qasbi jirtay waxayna odhan jirtay ha dhiman ee sharaabkan yar iska cab.

way idhiiri galinjirtay waxayna odhan jirtay haday yadu xumaatay ilaahay wax kale oo khayraba wuu ku siine iska aamu cashar aad naftaada ku hagto uun ha kuu noqdo.

maalintii danbe adeerkay oo dhoofaya ayaa yidhi" waan ku dhoofinayaa, waata aayaday tidhi" alaylahe ka xee oo dibadaha iyo aduunka ha soo marto anaguna waanu idin raacaynaaba. waaka adeerkay yidhi: haye, walaahi haday yadu i yeesho waan idin wada kaxaynayaa. yurub iyo huteeladaa waa wayn ayaan idin soo wada tusayaa lix waddana waan idin gaynayaa, waxaanan doonayaa adeer in aan ninkaa qalbigaaga ka maydho.

waaniga diiday ayay tidhi, waaka i yidhi adeer maanad aniga i xaq dhawrayn. waaniga adeerkay daraadii u idhi waa yahay. dharna hasoo iibsan adeer anaa kuu soo iibinayee ina keen waayahay waaniga idhi. waxyar ayaan iska soo qaatoo waan soo baxay.
Maalin oo dhan caruurta adeerkay iyo aayaday way bixi jireen lakiin anuu maan raaci jirin, ilay anuu galbi aan ku soc socdo malihiye. waaka adeerkay igu yidhi: adeer maad galka ka soo baxdid waxaas oo lacag ah dartaa ayaan u soo galaye, bal hadaanad soo soc soconayn huteeka xaga hooso uun u soo dhaadhac.

waxay tidhi huteelka waxa ku yaalay geed wayn oo sharaabka iyo kaafeega lagu cabo oo laydh macaani ka dhici jirtay. markaasbaan subuxii saacadaha qaar, iyo qalabtii saacadaha qaar intaan jaakeed yar soo qaato iska fadhiisan jiray.

Lasoco Qaybta 4AAD......

Qalinkii fariiqu dacwa

#Qisas_Aldikir
Qiso cajiib ah Hiilka Illahay

Qaybta 4aad

Aduun yadan aan joono wax walba way dhacaan, waana la arkaa.
sheeko aad u yaab baddan!

Qaybtii 4AAD

Markaas ayaan xasuusan jiray yaraantaydii markay hooyaday iyo aabahay dhinteen, markaan aqalka adeerkay joogay, markay walaashay danbiga ay samayso aan odhan jiray anaa sameeyay, si aan yada loo dilin ee aniga la ii dilo, markaas ayaan iska ooyi jiray. waxaan aad uga helay dadkaa gaaladu maaha dad isku hawla dadka kale imanay waydiinjirin maxaad la ooyaysaa waayo nin waliba tiisa ayaa cusaysay. waxayna arkayaan in aan ahay qof carabiyad ah.

Sidii ayaanu ku dhoofnay, wadankiina ku tagnay.

haddaba huteelkan aanu daganahay waa huteelada ugu qaalisan wadamada yurub
waxaana yimaada uun dadka taajiriinta ah. mar-mar ayaad arkaysaa dad muslin ama qoys caraba, ama qof caraba oo kaligii socda lakiin anuu dan kama lahayn oo taydii ayaaba i cuslaysay.

haddaba markaan daalay ayaan is idhi heblaayo malaha danbi baabad gashay, ee maad istiqfaarsatid, nabigana salaantid calayhi salaatu wasalaam.

marna waan dikriyi jiray marna waan ooyi jiray.

haddaba waxa jiray nin i eegi jiray markaan oo yayo. markaan arko xaga kale ayaan u sii jeesan jiray, waayo. magaranayo ninkan macarabaa mise waa dadkaa kale ee carabta u eeg.

markuu ninkaasi i eegayay dhowr cisho ayuu maal mihii danbe bilaabay in uu i soo agmaro. markuu mudo sadex cisho ah i soo agmaray ayuu maalintii danbe ila hadday oo uu yidhi: walaal marna waad digridaa marna waad oydaaye maxaa kugu dhacay ood la oo yaysaa.

waxay tidhi: lamaan haddal intaan ilmadii sika masaxay ayaan halkii iskaga kacay.

markuu maalinkasta ii imaado lamaan hadli jirin markaas ayuu igu yidhi: walaal waan daalay markaan ku eego si baan kaaga naxaa, walaal waad dhibaataysan tahay maad ila hadashid waxa laga yaabaa in aad nafisto haddad ila hadashee. walaal walaahi waan ku caawinayaa, miyaa lagu soo kaxaystay, miyaa lagu soo afduubay, gabadh afduubana matihid oo dhul xor ah ayaad joogtaaye maxaad leedahay. walaal malacag ayaa kugu go'an, maddayn ayaa lagugu leeyahay walaal walaahi nin maal leh ayaan ahay waan ku la istaagayaa, mareerkiina ayaa lahaystaa wuxuun ii sheego, bal in aan waxaa kuu qabto iyo in kale aduu i tijaabi.

markii danbe markaan arkay in uu ninkani bini'aadam yahay qof fiicana uu iila muuqdo ayaan ku idhi: walaal waxaa iyo wax lamid ahiba ima haysto. markaa ayuu yidhi: haddaa walaal maxaa ku haya. markaas ayaan idhi: walaal dhibaatada haddaan kaaga sheekeeyo, i rumaysan maysid, ama waxaad odhan dad noocaas ahina dunida may idinkula nool yihiin oo waad ila yaabi. markaas ayuu yidhi bal waayahee taana igu tijaabi.

waxay tidhi waan u bilaabay qisaday dii ilaa markay hooyaday iyo aabahay dhinteen, adeerkaygii nakaxaysay, ilaa maalintii huteelkaa la i keenayay iyo sababtii la ii keenay halkan. Ninkii yaab ayaa ka soo hadhay, yaa uun buu idhaa.

markii danbe wuxuu igu yidhi: walaal gabadh aan ku istaahilin an ay walaal kuu noqoto ilaahay ayaa walaal kaaga dhigay oo waa imtaxaan, nin aan u qalmin in uu kuguursadana ilaahay ayaa nin kaaga dhigay oo waa imtaxaan, laba imtaxaan ayaa ku helay waana laga gudbaa, aduunkuna waaba imtaxaan oo qofwaliba casharo in ku filan ayuu meel ku haystaa, dadkuna ma wada xuma oo dad wanaagsan oo baddan ayaa jira, markaa walaal is daji oo maalin danbe labadaa qof dartood ha u ooyin, waayo labadaa qof ma istaahilaan in loo ooyo. yaguna way qos-qoslayaan adna waad oo yaysaa waal isdaji maxaa kaa khaldan.

La soco qaybta 5aad.......

Qalinkii fariiqu dacwa

#Qisas_Aldikir
Aisha Bintu Ahmed
Qiso cajiib ah Hiilka Illahay Qaybta 4aad Aduun yadan aan joono wax walba way dhacaan, waana la arkaa. sheeko aad u yaab baddan! Qaybtii 4AAD Markaas ayaan xasuusan jiray yaraantaydii markay hooyaday iyo aabahay dhinteen, markaan…
Qiso cajiib ah Hiilka Illahay

Qaybta 5aad

waxaanan kuu sheegayaa anuu maalintii u horaysay een ku arkay ayaan idhi: hadday gabadhaasi muslimadtahay carabnatahay oy inantahay waa in aan guursadaa. maantana tii ayaan kula hor taaganahay. waxaanu uga sheekeeyay wuxuu ahaa iyo nolashiisa.
walaal anuu waxaan ahay dadka ilaahay maal siiyay oy wada shaqaystaan dadkaa boqortooyada ee wadanka xukuma waxna waanu isku nahay waxaanan nu leenahay ganacsiyo waa wayn.

waytidhi: ninku waa nin gurux baddan, caqli baddan, dagan, diina leh. waayo ayay tidhi wakhtiyada salaadda wuu carari jiray oo waxa uu odhan jiray waa wakhti salaaddeed.

waxay tidhi: maalinkasta wuu soo daadagi-jiray wuxuuna odhan jiray maad oyday markaas ayaan idhaa may. mudo todobaad ah ayuu ninkaasi galbiga ii dajin jiray. waanu is waraysanjirnay wuxuuna odhan jiray reerkiinaan baranayaa, ana waan waraysan jiray, waxaanan ogaaday in uu yahay dadka ilaahay maalka baddan siiyay kuna xidhan boqortooyooyinka.

Adeerkay, ayay is waraysteen adeerkayna wuu gartay in ay yihiin dadkaa magaca sare leh ee taajiriinta ah waxaanu adeerkay igu yidhi adeer hadduu ninkaasi ku guursado wixii ku soo maray oo dhan kaa ayaad ku ilaawaysaa.

waxay tidhi: dalkii ayaanu u wada dhoofnay dhammantayo. Calaa duul ninkii gurigii ayuu is keenay dhowr cisho kadib, wuxuu sidaaba waa meherkii iyo dahabkii reer koodiina way la socdaan. cajiib sida la ii soo daanay. ilayn ogalaanshihii halkii ayaan ku dhamaynee.

waata magaaladii wada yaabtay, adeeraday abtiyaday dadkii oo dhan lama filaan ayaa ku dhacay.

farxadaydii waxaan ka soo qayb galin tii aanu walaalaha ahayn iyo ninkii barigii hore i qabi jiray ey yadu ninka ka dhigatay.

ilmaamtiyaday, ilmaadeeraday, jaarkii gofkasta oo qisadayda maqlay arooskaygii wuu ka soo qayb galay, waxyna yidhaahdaan bal baddalka ilaahay eega. waxay tidhi: guri aad u wayn oo reerku iska leeyihiin ayaa arooskayga lagu sameeyay. waxa ka soo qayb galay wasiiro, Boqortooyadii, dumarkii ay qabeen boqoradu.
waxa ka soo qayb galay minatariga ragii ugu sareeyay ee maamulayay waayo reerkani waa dad ilaahay maal baddan iyo mansaba siiyay. farxadii aan maalintii galay ayaan ilaa maanta ku jiraa, awlaadna ilaahay waa i siiyay sidii ayaan ehlu dikir u ahay ehlu quraan u ahay waayo. digrigii aan is idhi ilaahay qalbiga ha kuugu gaboojiyo ayuu ilaahay igu siiyay nolashan guruxda baddan.

Haddan sidii sii ahaan lahaa oonan digriyeen dadka waashay ee dhakhtarada waalida la geeyo ayuun baan ahaan lahaa.

laakiin ilaahay ayaa ii qoray in uu ii hiiliyo. garashada ilaahay iyo raxmada ilaahay oo i soo gaadhay ayaan ku guulaystay. yaa guul daraaday ayay tidhi: waalshay, oo dadku u bixiyeen khaayimada. waxayna yidhaahdaan wuxuu ilaahay dad badiyay ayay walaasheed dhaafi wayday. ma anaga ayay na dhaafi lahayd, ilaahay ayaa naga qabtay.

waxay tidhi: qof lama saaxiibo, waxaana la yidhaa walaasheed ayay taa ku samaysee maxaad ka sugaysaan.

cidi lama socoto, farxad iyo murugo waxay ku jirto cidi ma oga.

anna alxamdulilaah maalinba dal ayaan joogaa dunida maalinba magaalo ayaan u dalxiistagaa.
waad yaabaysaa waxa shaqaale gurigayga jooga iyo waxay lacag gaataan. cuntada kuwa sameeya xitaa waxa jira qaar macmacaanka uun qaabilsan in ay sameeyaan.
nolaashaa ayuu ilaahay isiiyay, farxadaa ayuu ilaahay isiiyay.

imika ma xasuuto, xanuuna madareemo mana moodo in ay mar qodaxi i soo muday waayo Nimcadaan kujiro ayaa masaxday.

Alxamdulilaahi Rabil caalamiin.

DHAMMAAD
Qalinkii Fariiqu dacwa .

#Qisas_Aldikir
CUlUSAA XAQA HOOYADU!

Waxaan is yar dul taagaynaa Nimco ka mid ah nimcooyinka qaaliga ah ee Ilaaha Raxmaanka ahi bixiyo.

Nimcadaasina waa: HOOYADA

Hooyo macaan waa naxariis aan ku dhex nool nahay, waa samirka Ilaahay quraanka kaga sheekeeyay, waa danbi dhaaf iyo dugsi.

Adiga oo biyo ah ayaad uur keeda gashay waxaanad ahayd kolba xubin yar oo ku dhex koraysa.
Lafahaagaa ku dhex abuurmay dhiigeeda, hilibkaagaa ku dhex koray caanaheeda macaan.

Imisa ayay saamalayshay si aad u seexatid, una gaajootay si aad aduu u dharagtid, dhibaatana u martay si aad aduu u raaxaysatid.

Ilaahay ayaan kugu dhaarshee ma is leedahay hadday hooyadaa dhimato qof kale ayaa boos kee dii kuu buuxin karaya.

Ilaaha Raxmaanka ah ayaa garashadiisa iyo xigmadiisa ku gartay qiimaha ay leedahay markuu Jannada ka dhigay labadeeda lugood hoostooda, wajigeeda eegidiisana ka dhigay cibaado. Markuu isku xidhay xaqiisa iyo xaqeeda, markuu lamaaneeyay shukrigeeda iyo shukrigiisa.

Ilaahay waxa uu ku yidhi kitaabkiisa:

وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا ۖ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا

Ilaahay caabuda cidna ha u shariik yeelina, waalidkana wanaajiya.

Sidaad arkaysaan Ilaahay cibaadadiisii ayuu bar'bar dhigay samafalka waalidka waxaanu yidhi:

وَوَصَّيْنَا الْإِنسَانَ بِوَالِدَيْهِ حَمَلَتْهُ أُمُّهُ وَهْنًا عَلَىٰ وَهْنٍ وَفِصَالُهُ فِي عَامَيْنِ أَنِ اشْكُرْ لِي وَلِوَالِدَيْكَ إِلَيَّ الْمَصِيرُ

Ilaahay qofwalba wuxuu kula dar-daar mayaa waalidkiisa dhalay, waxaanu ku leeyahay uur keeda ayay kugu siday yada oo dhibaataysan, markaas ayay laba sano naaska ku jaqsiinaysay oy ku korinaysay.

Lasoco qaybta 2AAD....

#Qisas_Aldikir
Aisha Bintu Ahmed
CUlUSAA XAQA HOOYADU! Waxaan is yar dul taagaynaa Nimco ka mid ah nimcooyinka qaaliga ah ee Ilaaha Raxmaanka ahi bixiyo. Nimcadaasina waa: HOOYADA Hooyo macaan waa naxariis aan ku dhex nool nahay, waa samirka Ilaahay quraanka kaga sheekeeyay, waa danbi…
CULUSAA XAQA HOOYADU!

Qaybtii 2AAD

Nabigu calayhi salaatu wasalaam waxa uu yidhi: Wuu khasaaray( duloobay), oo wuu khasaaray ayuu nabigu ku cel-celiyay sadexjeer, Ninka labaddiisii waalid ku soo gaadhay yagga oo waa wayn kanna shaqaysan waalid adeec Jannadana ku gali waayay.

Haddaad doonayso in Ilaahay raali kaa noqdo labaddaadii waalid uun eeg.

Hooyadu waa dugsi Ilaahay ku siiyay.

Mid ka mid ahaa salafkii ayaa hooyadii dhimatay, markii la'aasayay ayuu qabrigeedii ka dul ooyay, markaas ayaa lagu yidhi: waa ku sidee Hooyadaa xaqiibaa u yimid, wayna dhimatay ee ka kaalay kana soo bax meesha.

Markaas ayuu ugu jawaabay maanta waxaan u ooyayaa Albaab albaabadda Jannada ka mid ah ayaa iga xidhay.

Qofka hooyadii waaya waxa ku dhacay laba masiibadood:

1= In uu waayay hooyadii.
2= Iyo in uu ka xidhmay Albaab kamid ah Albaabada Jannadu.

Ilaahay waxaan ka baryayaa hooyo kasta oo dhimatay in uu danbigeeda dhaafo, jannatul Fardawsana geeyo, qabrigeedana raaxo uga dhigo.

Ilaahay waxa uu yidhi:

إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِندَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلَاهُمَا فَلَا
تَقُل لَّهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوْلًا كَرِيمًا

Wuxuu ilaahay kuu sheegayaa markay gabow kugu ag gaadhaan labada waalid ama mid ka mid ah uu kugu ag waynaado ha ku odhan kalmada " uf" haddal aan fiicnay ha ku celin, kuna dheh haddal naxariis ah.

Balqiyaas ilaaha Raxmaanka ahi waxa uu diiday kalmada uf oo ah kalmad siyar oo fuddud qofku iskaga odhan karo maxaad u malaynaysaa kuwa dhibaatooyinka xun u gaystana.

Walidku marka uu waynaado waxa uu gaadha heer aanu waxba qabsan karayn, iska kaa celin karayn, kuna tarbiyadayn karayn.

Lasoco qaybta 3AAD...

#Qisas_Aldikir
Aisha Bintu Ahmed
CULUSAA XAQA HOOYADU! Qaybtii 2AAD Nabigu calayhi salaatu wasalaam waxa uu yidhi: Wuu khasaaray( duloobay), oo wuu khasaaray ayuu nabigu ku cel-celiyay sadexjeer, Ninka labaddiisii waalid ku soo gaadhay yagga oo waa wayn kanna shaqaysan waalid…
CULUSAA XAQA HOOYADU!

Qaybtii 3AAD....

Balkawaran haddii hooyadii ku soo korisay markaad xoog yeelato aad ka nixiso, ama haddalo xun ku tidhaahdo, walaahi waa arin khatar ah, waana arin kaa dabba imanaya, Ilaahay ayaan ku dhaartee Hablahaaga iyo wiilashaada ayaad ka helaysaa.

Nabigu calayhi salaatu wasalaam waxa uu yidhi: haddu Ilaahay garan lahaa kalmadda uf wax ka liita oo waalidka lagu yidhaa wuu inoo diidi lahaa, kalmadani maaha haddal haddii qofka lagu yidhaa naftu ka baxayso; waana kalmad adoo sii socda aad odhan karto, laakiin Ilaahay ma ogala in kalmad yar oo noocaas ah lagu yidhaa waalidka.

Ilaahay waxa uu doonayaa in waalidka lagu yidhaa haddal wanaagsan, haddal naxariisleh waayo. Way soo daaleen, wayna soo halgameen si ay adi kuu soo saaraan.

Waxa lagu leeyahay haddii waalidku kaa dhowro haddaladda qaar isaga oo is leh haddaad tidhaa haddalkaa ilmahaagu wuu xanaaqi doonaa, waa in aad baqataa, waayo? waxaad ka mid tahay dadka waalidka caasiyay!! Waxaanad waalidkii gaadh siisay heer ay adiga haddalka kaala baqdaan.

Lakiin waalidka ku canaanta ee wax kasta iska odhan kara waa waalid nolashiisa ku faraxsan.

Bal u fiirsadda dadka aan qadarin waalidka, dadku ma jecla ilaahayna wuxuu ku diraa. Cidna ma ixtiraamto, waxa ku wareegsan uun dadka munaafaqiinta ah ee isaga dano gaara ka leh.

Nabigu calayhi salaatu wa salaam waxa uu yidhi: sadex ilaahay ma eego maalinta qiyaamaha cadho awgeed

1: Qofka caasiya waalidka
2: Naagta ninka iska dhigta
3: Dayuuska( ninka aan xumaanta u diidin gurigiisa).

Ilaahay isaga oo ku leh waalidkaaga isku dulee oo hadalka u jilci ayuu yidhi:

وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا

Si naxariisleh ugu soo foorarso markaad la hadlayso adoo dhulka isku dhigaya oo dheh " ilaahow waalidkayga u naxariisto siday ii soo koriyeen yaraantaydii.

Barigii cumar masuulka ka ahaa islaamka ayuu nin ku yidhi" waxaan hayaa hooyaday, habeen iyo maalinba waan xabaarsanahay waan u may dhaa, markay soo xaajootana waan ka maydhaa, habeenkiina waan u soo jeedaa, markaa ma u malaynaysaa in aan abaalkeedii gutay.

Markaas ayuu cumar ku yidhi: maya, waayo, Adigu adoo waxaas oo dhan samaynaya ayaad haddana jeclaysataa in hooyadaa mar-mar dhimato si aad adna u nasato yadna u nasato, lakiin yaddu waxay howshaas oo dhan u qabataa in aad noolaato waligaana joogto aduunka.

Hooyadeen Caa'isha ayaa waxay tidhi: maalin ayaa waxa albaabka igu garaacay gabadh iyo laba hablood oy dhashay waxaanay i waydiisteen wax ay cunaan, markaas ayaan guriga uga soo helay sadex xabo oo timira, haddaba markaan u dhiibay ayay hooyadii midba xabad siisay, yadna tii soo hadhay ayay qaadatay, isla markiiba intay hablihii yar-yaraa dhammeeyeen ayay gacanta u soo fidiyeen hooyadood, markaas ayay xabadii ay qaadatay u kala jartay.

Nabiga ayay caa'ishi u sheegtay waxay aragtay maanta, markaas ayuu ku yidhi " hooyadaasi Jannada ayay gashay".

Hooyo nimadu waa qaali, waa wax baddan ood bixinaysid, quudhaysid walina adiga oo farxsan.

Waxaan idinkula dar-daarmayaa qofkii hooyadii dhimatayow iyo kii ay nooshahayowba in aad fadhiga ka kacdo, toosto, ood shaydaanka ka carrarto, si aanu waalid kaaga kaaga jarin.

Lasoco qaybta 4AAD.....

#Qisas_Aldikir