Philosophy فلسفه 🤔🧠.
8.3K subscribers
230 photos
94 videos
14 files
27 links
Halkaan waxaad ka heli Falanqaynta buugaagta Falsafada iyo soo bandhigida falsafada sare, Iyo Fahanka Falsafada.

Kusoo biir chanelkena kale .

https://t.me/cilminafsiga

Wixii su'al ama talo bixin ah👇

Owner : @AASIYA_CASAYR


15/5/2021 🥰Welcome.
Download Telegram
Haddii aad la kulantaan qof si niyad ah u doonaya in uu ka gudbo xaalad nololeed oo adag oo markaas uu ku sugan yahay, ha malaynina niyaddiisa ee ficilkiisa eega. Nolol kasta oo dhibaato ay weheliso waxay u baahan tahay in la qaabilo oo in laga cararo uma baahna. Ka baxsashada caqabadaha, iyada ayaa ah caqabad hor-taagan nolosha. Haddiise la qaabilo dhibaatada, waxaa xigaya in xal loo helo. Xasuusnaada in maanta ay tahay timaaddadii shalaydiina, taas oo ahayd mid aad shalay ka walwaleyseen. Berrina in ay tahay timaaddadiina maanta, taas ah mid aad maanta ka walwashaan. Sidaa darteed, hawl maanta idiin taal dib ha u dhiganina. Keliya waxaad dib u dhigataan hawsha aad dooneysaan inaad qabataan goorta aad dhimataan.
😢
Sufyaan al-Thowri wuxuu yiri: qofkii cimrigiisa ku cayaara wuxuu ku dheelay maalmihiisii wax beerashasada, qofkii ku cayaara maalmihii uu beerta qodan laahana wuxuu qoomamoodaa maalmihii ay beertu u soo go'i lahayd'

Kitaabka: Ilaalinta Waqtiga
Ibni al-Jawsi
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Iga hooya talo yar😊

Dhamaanteen hami baynu nolosha aduunka iyo ta aakhiroba ka leenahay
Oo aakhro habigaynu ka leenahay waxa weeye inaynu jano galno oo u shaqaysano.
Aduunka intaad joogntana hami baad ka leedahay oo guulo badan baad rajayanaysaa qof waliba markaad dhahdo maxaa jeceshaya inaad ahaato ama noqoto badankeenu waxaynu ku jawaabnaa waxaas Baan rabaa inaan maalin uun noqdo ama sameeyo hadana inagoo wixii u marin wadadii ku gaadhsiinaysey baynu afka iyo niyada uun ku haysaa waxaas maalin uun gaadhayaa ama samaynayaa cudurka u wayna waa dib u dhigashada hadalkana waxaan idiinku soo qaatay waxa weeye maanta waxaa ii rumootay mid ka mid riyooyinkayga yar yar alx qof walibana waxaan leeyahay dedaal waad gaashiye 👍


Xirfad ha la Barto Hana lagu shaqaysto yadaa ku anfacaysa

Dumarow idinku xifadihiinu way ka badan yihiin kuwa ragu u baxayaan ee banaanka ka raadinayaa idinkoo gurigiina jooga wax badan qabsan kartaa xirfadaha lagu shaqaysto way badan yihiin ee u gala meelaha laga helo barashadooda 👍

Hadaad dumartahay luuqa igala soo hadal waxaan kuu hayaa jaanis aan xirfad online kugu bari karo 🫵

@AASIYA_CASAYR
"Marna Runta ha u sheegin kuwaan u qalmin ".

@mrxoosh
Alla maxaa ka nasiib wacan xukaamta inoo Talisa maanta ,sababtoo ah Dadka ay u Taliyaa maaha dad fakera iyaga un baa waxeey rabaa iska sameysta .
Intuu kumanaan qof Dilo ama kumanaan malyan leexsado marka uu Dalka Yimaado dhalinyaro iyo Hooyooyin qoraxda loo safi oo ay sacabo Tumayaan .
@mrxoosh
La doodid Shakhsi Ka Tanaasulay adeegsiga caqligiisa waa sida adoo Siinaya Daawo(medicine ) Qof Dhintay (dead person).

@mrxoosh
Podcast ma dhageysataa ?
Anonymous Poll
65%
Haa
41%
May
Magaalo la dhaho Alexander ia  waxaa ku nooleyd gabar jecleyd in ay dadka la wadaagto sheekooyin gaar ahaan sheekooyinka Culumada xigmada iyo caqli badnaanta lahaa sida artistotle  . Kuwaas oo caan ku ahaa fikirkooda qotoda dheer iyo Hab fikirkooda wanaagsan .

Hadaba maalin maalmaha ka mid ah ,waxa ay ka sheekeyneysay sheeko ku saaabsan cabqarigii weeynaa artistotle iyo sids uu aad ugu baadigoobi jiray waxa Dadka ka farxiya .
Wuxuu aad ugu fiirfiirsan jiray waxa ka dhacaya hareerihiisa iyo wadooyinka mashquulka badan waxaana uu arkay in Qof kasta farxada uu u raadiyo siyaabo kala duwan .
Qaar si ay farxad u helaan waxa ay rabaan lacag ,qaar kalena waxa ay doonayaan si ay farxad u helaan in ay noqdaan kuwo caqli badan ,Qaar kalena farxadiiba wxa ay ka gashay madadaalasho iyo kaftan iyo ciyaar .

Lakiin si kasta oo ay wax kasta u sameeyaan ama lacag badan hel ama caqli badnaan aan xad leheyn lahoow waxa ay u muuqdeen kuwo wax  ay ka maqan yihiin .

Lakiiin aqoon yahanka artistole aad buu uga fakaray arrinkaan ,buugaag badan ayuu ka akhriyey ,dad badan oo majaalkaan ku xeel dheeraa ayuu la tashtay ,wax badan ayuu fakaray ,ugu danbeyn Bal Qiyaas muxuu kusoo gunaanuday hab fikirkiisa ?

Wuxuu uu ogaaday in farxada dhabta ahi aanay ahayn in aad wax badan heysato ama aad noqoto qof caqli badan ,lakiin farxada dhabta ahi waa inaad noqotid Qof wanaagsan iyo inaad aqoon u leedahay naftaada oo aad ogaato .

Ugu dambeyn Aqoon yahankii wuxuu ku laabtay magaaladiisa ,wuxuuna bilaabay in uu dadka baro sida loo ahaado qof wanaagsan loona aqoodo nafta .

Wuxuu yiri "inaad ahaatid Qof caqli badan nafta ka adag ,garanaya marka ay dharagsan tahay kana joojin kara wax kasta oo siyaado ah waa furayaasha dhabta ah farxada .

Cleo sheekada waxa ay kusoo dhameystirtay waxa aynu farxad ka heli karnaa anagoo dhan in aynu is caawino oo mid kasta oo inaga mid ah uu caawiyo walaalkiisa ee dhibaateysan sidoo kalena aad naftaada aad aqoon buuxda u lahaatid Halkaas ayeey farxada ku jirtaa .

@mrxoosh
Ahhhh,jeceelka uma jiro inuu Naga Dhig kuwa Farxa .
Lakiin waxaan aaminsanahy inuu u jiro in uu ina Tuso Intee in le,eg ayeynu xannuunka u adkeysan karnaa .

Jeceel iyo Farxad kala Dheer 😟!!!!!

@mrxoosh
Ragow dumarka si gaar ah uga war haya oo xaal waraysta waxaydinaan qarsan karin bay qalbiyadooda ku qariyaan Barta luuqada dumarka lagu dareemo waxay tabanayaan iyo waxay idinka baahan yihiin oo garab siin ahba😢waxaa jira xaalado badan oo alleh ku abuuray oo midba mida kale uga adag tahay waxayna kaga gudbi karaan garabsiintiina iyo u xaal ogaalkiina☝️

Dumarkeenu waa meesha kaliyee bulshadu ka bilaabato oo soo saara ka xun iyo ka waansanba qofka ka caawin kara garabna ku siin kara in bulsho iyo jiil qurux badan aduunka inay keenaan waa idinka idinkaana xumayn kara.

Bulsho waliboo dumarkoodu hagaagsan yihiin waa bulsho wanaagsan.❗️

Baryahan waan idinka mashquulay raali iga ahaada🫵
Sheeko Xigmad Leh: Doqonkii iyo Fardooleyda
Waxaa jiray maalin maalmaha ka mid ah doqon aad u weyn oo ku noolaa magaalo yar oo fog. Doqonkan wuxuu ahaa mid caqli yari, laakiin aad u naxariis badan oo dadka aad u jecel.

Maalin maalmaha ka mid ah, doqonkii wuxuu arkay fardoole ka mid ah dadka magaalada oo wadada maraaya. Fardoole wuxuu ku fekeray inuu ku cayaaro oo uu ku maadeysto doqonka. Wuxuu weydiiyay, "Doqonyahow, miyaad jeceshahay inaad barato sida loo kaxeeyo faras?"

Doqonkii ayaa ka jawaabay, "Haa, aad baan u jeclahay inaan barto!"

Fardoole ayaa ku yiri, "Marka, waxaad u baahan tahay inaad ogaato in faraska uu leeyahay afar lugood, markaad riixdo gadaal wuxuu dhaqaaqayaa hore, markaad riixdo hore wuxuu dhaqaaqayaa gadaal. Isku day inaad riixdo faraska gadaal si uu hore u socdo."

Doqonkii wuu ku farxay oo wuxuu u dhaqaaqay inuu faraska kaxeeyo, sida fardoole u sheegay. Laakiin wuxuu la yaabay markii farasku u dhaqaaqi waayay sidii fardoole u sheegay. Farasku wuxuu ka dhaqaaqay markii doqonku riixay dhinac kale oo aan ahayn hore ama gadaal.

Dadka kale ee magaalada waxay daawanayeen doqonka iyo fardooleyda oo ay ku maadsanayeen doqonka oo isku dayaya inuu faraska kaxeeyo sida loo sheegay. Laakiin waxaa jiray oday caaqil ah oo magaalada ku noolaa, oo arkayay waxa socda.

Odaygii caaqilka ahaa ayaa u tegay doqonkii oo ku yiri, "Wiilow, ha u dhigin erayada fardooleda inaad ka maqli karto waxay run tahay. Ka baro faraska sida uu u dhaqmo oo naftaada ku kalsoonow."

Doqonkii wuxuu maqlay talada odayga oo wuxuu bilaabay inuu iskiis u barto dhaqanka faraska. Wuxuu ogaaday in farasku leeyahay habab gaar ah oo uu ku dhaqaaqo, wuxuuna ku dhaqaaqi karaa si fudud marka la fahmo dabeecaddiisa.

Muddo yar kadib, doqonkii wuxuu noqday fardoole xirfad leh oo dadka oo dhan ay la yaabeen. Fardooleyda kale waxay ogaadeen in doqonku uu caqli badan yahay, waxaana ay ka barteen cashar muhiim ah oo ku saabsan in aysan qofna yasin aqoontiisa ama caqligiisa.

Xigmadda Sheekada
Sheekadani waxay xambaarsan tahay xigmad qoto dheer oo ah in qof walba uu leeyahay awood iyo karti uu ku baran karo wax cusub, xitaa haddii dadku yiraahdaan ma awoodid. Waxaa muhiim ah in la raaco talada dadka aqoonta leh oo naftaada ku kalsoonaato. Yaan laguu yeerin inaad tahay doqon ama aanad awoodin inaad wax baratid. Ku kalsoonow naftaada oo ku dadaal inaad horumar sameyso.

@mrxoosh
Waxaa jiray nin waayeel ah oo xikmad badan, oo ku noolaa tuulo yar. Maalin maalmaha ka mid ah, wiil yar ayaa u yimid si uu wax uga barto xikmadda ninka waayeelka ah. Wiilka ayaa waydiiyey, "Sidee ayaan ku noqon karaa qof caqli badan oo sidaada oo kale xigmadda u leh ?"

Ninkii waayeelka ahaa ayaa ugu jawaabay, "Soo qaad laba weel oo biyo ah, mid ha ahaado mid madhan, midna ha ahaado mid buuxa. Waxaan ku siin doonaa cashar muhiim ah."

Wiilkii wuxuu yimid isagoo wata labada weel, mid madhan iyo mid buuxa. Ninkii waayeelka ahaa ayaa yiri, "Hadda, ku shub biyaha weelka buuxa ee weelka madhan ilaa uu buuxsamo."

Wiilkii ayaa sameeyay sida loogu sheegay. Markii uu dhammeeyay, ninkii waayeelka ahaa ayaa yiri, "Hadda, eeg labada weel. Weelka buuxa wuxuu ahaa midka aan wax dheeraad ah lagu dari karin, laakiin weelka madhan wuxuu ahaa mid aqbalay wax kasta oo lagu shubo."

Ninkii waayeelka ahaa ayaa sii raaciyay, "Haddaba, si aad caqli badan u noqoto, waa inaad marwalba noqotaa sida weelka madhan. Waa inaad marwalba diyaar u ahaataa inaad wax barato, oo aad aqbasho aqoonta iyo xikmadda dadka kale. Mar kasta oo aad buuxiso aqoontaada, waa inaad siiso boos aqoon dheeraad ah oo aad ka barato waayo-aragnimada iyo xikmadda dadka kale."

Cashar
Sheekadani waxay ina baraysaa muhiimadda ay leedahay in aan mar walba diyaar u noqono in aan wax baranno. Caqliga iyo xikmaddu maaha wax ku yimaada buuxinta maskaxda, laakiin waa hab joogto ah oo waxbarasho iyo faham. Inaan noqono kuwo diyaar u ah in aan wax cusub baranno oo aan qaadanno talooyinka iyo waayo-aragnimada dadka kale ayaa naga dhigaysa kuwo caqli badan oo xikmad leh.
Qosol dartii oy😅 lkin oohin darteed ha qoslin taasi waa xanuun qalbiyan ah runtii😭
Wali intaad muraayada hor istaagtay naftaada jacayl ma u sheegatay 😂oo ma ku tiri maxaad mar hore ii jeclaanwaydey🥹zorry naftaaydaay miyaan muraayad kaa arkayba ❤️‍🩹