𝗫𝗜𝗚𝗠𝗔𝗗
869 subscribers
194 photos
5 videos
1 file
5 links
𝗛𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗱 𝗸𝗮 𝗵𝗲𝗹𝗶 𝗱𝗼𝗻𝘁𝗮 𝗫𝗶𝗴𝗺𝗮𝗱𝗼, 𝘄𝗮𝗮𝗻𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻, 𝗳𝗮𝗿𝗶𝗶𝗺𝗼 𝗷𝗮𝗰𝗮𝘆𝗹, 𝗱𝗵𝗶𝗶𝗿𝗮𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻, 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗸𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻, 𝗶.𝘄.𝗹.𝗺✍️

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068990376416
Download Telegram
Maalinta isniinta ee nagu soo aadan 19 jun 2023 waxaa inoo bilaabaneysa Bisha Dul -Hijjah waxay kamid tahay bilaha sida gaar ka ah ee xurmada u leh.

Ilaahey wuxuu ku dhaartay Tobankaan maalmood,
Wuxuuna yiri :
(والفجر وليال عشر)
Nabigeena Muxamed صلى الله عليه وسلم wuxuu yiri ma jiro maalmo uu ilaahey ilaahey ka jecel yahay acmaal la sameeyo tobanka maalmood ee ugu horeysa bisha Dul-Hijjah.

Faaidooyinka 10-ka Maalin ee ugu horeyso bisha Dul-Hijjah.

1) Maalinta 1aad ee Bisha Dul-Hijjah waa maalintii loo dambi dhaafay Nabi Aadam CS, Qofkii sooma dambiyadiisa oo dhan waa loo dhaafa.

2) Maalinta 2aad ee Bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducada Nabi yoonis CS isla markaasna laha soo bixiyey calooshsha malaayga, qofkii sooma waxay ula mid tahay sida isagoo hal sano caabudaayey ilaahey oo aan ilBiriqsi ku caasin.

3) maalinta 3aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la aqbalay ducadii Nabi zakariya CS, qofkii sooma ducadiisa waa la aqbalayaa.

4) maalinta 4aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi ciise CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka dheeraanayaa Quusitaan iyo Faqri.

5)Maalintii 5aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la dhalay Nabi Muuse CS, qofkii sooma ilaahey wuxuu ka badbaadiyaa cadaabta Qabriga

6) Maalinta 6aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii uu Alle Nabigiisa u furay albaabada kheyrka , Qofkii sooma wuxuu Alle ku fiiriyaa il naxariis leh.

7)Maalinta 7aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalintii la xirayo Albaabada Naarta, lamana furo ilaa ay ka dhamaato Tobanka maalin ee bisha Dul-Hijjah, Qofkii sooma ilaahey wuxuu ka xiraa 30 Al baab oo dhibaato ah, wuxuuna u furaa 30 Al baab oo Fudeed ah.

8) Maalinta 8aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta loogu magac daray (Tarwiya) Qofkii sooma wuxuu Alle siinaayaa ajir uusan ogeyn ilaahey mooyee.

9) Maalinta 9aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta la istaagaayo Banka carafa,Qofkii sooma ilaahey wuxuu u dhaafaa dambiyada sanadkii hore iyo sanadka soo sacdo, waana maalinta ay soo dagtay aayada Qu'aanka ee ( الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا)
10) Maalinta 10aad ee bisha Dul-Hijjah, waa maalinta ciidul adxaa, qofkii Alle qurbaan ugu dhawaadana
wuxuu u dhaafaa dambiyadiisa.

Lawadaag wll aad qeryka ka jeceshahy

Walal qoraalka lawadag umada Musliminta Ah dhamaantiina waan idin jaclahay Allaha caafimaad nagu gaarsiiyo Aamiin aamiin 🤲🤲🤲 sanadkaan sanadkiisa cumri dheer caafimaad leh Allaha nagugaarsiiyo Aamiin Aamiin 🤲🤲🤲🤲
Asc👋
Dadka lacagtooda ku bixinaayo in ay bulshada dhaqankeeda badalaan una soo saaraayo musalsalaad aan wax faaiido ah laheyn🌚 soo ma awoodan in ay musalsal ka sameeyan taariikhda halgameyaashii wadankeenna Sida Sayidka iyo Axmed Gurey🥸
Gabdhaha caafimaadka barto badankood dhaqsi ma guursadaan🌚 sababta ma taqaaniin😜

Sababtoo ah waxa ay aaminsan yihiin amarka iyo maamulka in ay ayaga leeyihiin, kii faarax ahaayna uma dulqaadan karo in la amro🌚 taas ayaa sababtay gabdhahaas in ay raadiyaan qof marwalba dhahaayo "Hadalkaada Jiro marwo"🫣
_______
Indhuhu waxay arkaan wajiyo qurux badan maalin kasta, laakiin qalbigu wuxuu albaabada u furaa hal waji oo keliya

_______SFI✍️

Fadlan JOIN DHEH
Goormaa kugu dambeysay Hooyo aad la hadasho?

Wuu la hadlaa hooyadii , haddana ma qanacsana !!!. Bishii lacag ayuu Mobaylka uga tuuraa , haddana ma qanasana.

Hooyadii waxbey tabeysaa , markuu telefoonka uu kala hadlo wey dacataa , sidoo kale wey dacataa markii ay maqasho codka fariin lacageedka bishii.

Markey xanuunsato , isbitaalada magaalada ugu wanaagsan ayuu geeyaa , haddana ma qanacsana. Hooyadu waxbey tabeysaa.

Wey wada booqdaan xaaska waalidkeeda , ayagoo faraxsan ayey ka soo noqdaan.

Qoyskaas sidaas u dhaqmayo farxadda ma ku sii jiri karaan ? maxay kula tahay?
kuwa an la hadlin hooyo , aan waxtarin la waran.? Macau kula tahay?



👋
Dumar waxaa ugu wacan Mida dahabka Xasaasiyad ka qaada Lacagtana Sanboor ka qaada
Dag Dag : Dowladda Somaliya oo sheegtay inay xiri doonto aalada Tiktok, Telegram iyo 1xbet.

Tiktok oo Somaliya laga xiri doono? Sidee u aragtaa
Nabad io war San Hadiba Telegram La xiro 😃👋
VPN😃
Dumar waxaa ugu wacan Mida dahabka Xasaasiyad ka qaada Lacagtana Sanboor ka qaada👋
Ku socoto Dhalinyarada ( Ragga )

- Waqtigaada ilaasho
- Tamartaada ha beer darayn
- Shah wadaada ilaasho waa shidaalka aad ku socoto
- No siigo
- No daawasho aflaam xun
- No abaayo waan ku jeclahay iyo wadada xaaraanta
- No jacaylka beenta ah iyo karaamo la'aanta iyo nin gabar ka oohinayso

- No ku fikirada in aad guursato islaan adiga ku biisho ( karaamo la'aan )

- waqtigaada waa muhiim mar kale
- in aad rag tahay waa qiimo aad u weyn midaas ogoow
- Ggesinimo iyo dhiiranaan haa
- isku day dakhligaada in aad kor u qaado marwalba
- qaado koorsooyin si joogta ah
- intii aad awoodo wax akhri 🔥
Asc.guys🎤
Qofkii kaala sheekeeya noloshiisa gaarka ah oo wax walba kula wadaaga waxaan ogahay inuu gaaray heer la aamino ee ha lumin.
Naag Hal Nin shukansato hadad i kento Anigana waxan ku keenaya Gaari Hal Lug kusocdo !😁🖐️
Naftaada U Naxriiso, Waa Macquul Inaad Maqashay in Naftaada Aad Jeclaato Shuruud La'aan Waa Arin Aad Muhiim U Ah Kalsoonida Iyo Aaminaada Naftaada, Taas Waxay Meesha Ka Saaraysaa Aragtiga Qaldan Ee Aad Ka Aaminsantahay Naftaada, Sida Waa Dabeecad Xuntahay, Aqoon Fiican Malihid, Shaqadaas Ma Qaban Kartid, Heerkaas Waa Uu Kaa Sareeya, Iyo Waxii Lamid Ah.
Markaa Naftaada U Jeclaato Si Shuruud La'aan Ah Waxaad Isku Aaminaysaa Si Shuruud La'aaan Ah, Taasna Waxay Dhisaysaa Kalsoonidaada Nafeed.
Xalay waxa arkay 9jir qiso jaceyl ka shekenayo  ana marka 9jir aha wxa moodi jiry in aboo iyo hooyo wllo yihiin 😁😅🤣..
Qalbigaaga ka dhig mid adag oo xitaa haddii ay wax gudaha kugu jiraan cidina ma ogaan doonto 🔐💯✨️
Waxaad 1 millon oo dollar ku sameyn kartaa 20 billood oo kaliya adigoo 1 $ ka bilaabaya, haddaad jidkan sii wadona 10 bilood waxaad gaari kartaa 1 billion oo dollar, markaasna 8-bilood haddaad ku sii darto waxay hantidaadu gaari kartaa 274 billion $ waxaad noqoneysaa qofka ugu hantida badan caalamka maanta. Haddaba sidee lagu sameynayaa?

Jawaabta:
Waxaad bisha ugu horreysa 1$ ka sameyneysaa ugu yaraan hal dollar oo kale.
Bisha labaadna waxaad 2-dii dollar ka sameyneysaa 4 dollar.
Bisha saddexaadna waxaad 4-tii dollar ka sameyneysaa 8 dollar.
Bisha afraadna sidaas baad laba jibaarkeed ku sameyneysaa 16 dollar.
Ugu dambeynta 20 bilood waxay noqoneysaa 1,048,576 oo dollar.

Xisaab ahaan haddaan u qorno sidan ayey noqoneysaa:
2²⁰=2×2×2×2×2×2×2×2×2×2×2×2×2×2×2×2×2×2×2×2=1,048,576 oo dollar.

10 billood haddaan sii wadno waxay noqoneysaa: 1,073,741,824 oo dollar.

8-billood baad ku dhaafeysaa hantida Elon mask oo waxaad gaari: 274,877,906,944 oo dollar.
Horta wali majoogaan gabdhihii dhihi jiray iga filo block 🚫  😂