96.2K subscribers
1 photo
5 videos
1 file
Gacmo Furan Ku Soo Dhawoow
Download Telegram
Channel created
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Fadliga tasbiixda bisha Ramadan "sheekh Mustafa haji Ismael harun "
54
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Xiliga Afurka Ducada Aqbal Waaye Sheekh Xuseen Ali Jabuuti 2026
44👍3💯1
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Isbedel sameey 2026 "sheekh Mustafa haji Ismael harun"
42
Shaydaanku wuxuu rabaa in aad daawato filimada xunxun, galmo aan macno lahayn sameyso, sabool ahaato, noqoto qof aan mas'uul ahayn, maalin kasta dhahdo berri baa salaadda bilaabaya, ku raaxaysato cuntada aan caafimaadka lahayn, niyad jabto, jacayl helin, cidna ku jeclaan, ku noolaato nolol murugo leh, oo geeridu sidaa kugu soo gasho. Gacalle/gacliso, jebi mareegtan.
31🥰1
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
AFURI WALAALKA SOOMAN.
25
Al-Baqara: Suuraddan dadku siyaabo kala duwan ayay uga faa’iidaystaan. Anigana waxaan akhrinayay muddo 11 sano laga joogo markii aan bilaabay. Markii aan bilaabayay hanti iyo adduun-doon kuma aanan bilaabin, hammi noocaas ahna iguma jirin. Waxaan ahaa gabar yar oo jecel inay tijaabiso wax kasta oo kheyr ah oo ay dadka ka maqasho, si ay u ogaato faa’iidadiisa.

Suuraddan faa’iidada aan ka arkay iyo waxa aan kala kulmay waxay noqotay mid ka baxsan filashadayda, wax aanan qiyaasi karin. Ducada aan mar walba ku ducaysan jiray waxaa ka mid ahayd in Alle igu sugo akhrinteeda inta aan noolahay. Ilaahay mahaddiis, ilaa maanta oo 11 sano la joogo wuu igu sugay, mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay.

Waxaan jeclaystay inaan idinkuna idin booriyo, oo aan idiin sheego kheyrka badan ee ku sugan, si aad uga faa’iidaysataan sidaan uga faa’iidaystay.

Akhrinta Suuratul Baqarah bisha Ramadaan waa cibaado leh fadli iyo faa’iido badan, maadaama Ramadaan tahay bisha Qur’aanka oo ajarka la labanlaabo. Suuraddani waa tan ugu dheer Qur’aanka, waxayna ka kooban tahay hanuun, axkaam, qisooyin iyo xusuusin qalbiga toosinaya. Nabigu ﷺ wuxuu sheegay in akhrinteedu tahay barako, ka tegisteeduna ay tahay qoomamo, isla markaana shaydaanku ka cararo guriga lagu akhriyo. Sidaas darteed guriga lagu akhriyo wuxuu noqdaa mid nabdoon oo ay ka jirto xasillooni iyo barako. Sidoo kale waxaa lagu tilmaamay inay ka mid tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee qofku iskaga difaaco sixirka iyo xasadka, maadaama Qur’aanku yahay daawo iyo nuur. Waxaa intaa dheer in Suuratul Baqarah iyo Aali Cimraan ay Maalinta Qiyaame u iman doonaan sidii daruuro u dooda oo u shafeeca qofkii akhriyay. Akhrinteeda si joogto ah, iyadoo lala socdo faham iyo tadabbur, waxay kordhisaa iimaanka, dejisaa qalbiga, una fududeysa qofka arrimihiisa. Looma baahna in hal mar la wada akhriyo, balse waxaa fiican hadii kugu dherato akhrinteda in loo qaybiyo maalmaha Ramadaan ama salaadaha kadib oo si joogto ah oo deggenaan leh malinkasta u akhriyo inta uu laqabsanayo Qofka.
30
Fadliga Istiqfaarka Ka Hor Salaadda Fajarka
Alle SWT wuxuu si gaar ah u ammaanay dadka ku dadaala istiqfaarta waqtiyada habeenkii qeybtiisa danbe gaar ahaan inta aan la gaarin salaadda fajarka. Waa waqti barakada naxariista iyo cafiska Alle si gaar ah u furanyahay
Alle wuxuu Qur’aanka ku yiri:
"وَبِالْأَسْحَارِ هُمْ يَسْتَغْفِرُونَ"
(Suuradda Aali Cimraan 3:17)
Waxay ahaayeen kuwo istiqfaarta Alle waydiista xilliyada suxuurta (waaberiga ka hor)
Sidoo kale, Alle wuxuu yiri:
"كَانُوا قَلِيلًا مِّنَ اللَّيْلِ مَا يَهْجَعُونَ ۝ وَبِالْأَسْحَارِ هُمْ يَسْتَغْفِرُونَ"
(Suuradda Adh-Dhaariyaat 51:17-18)
Macnaha Waxay seexan jireen habeenkii wax yar, waaberigana waxay ahaayeen kuwo istiqfaarta badsada
🤲 Istiqfaarku waa furaha:
Dambiga lagu dhaafo
Rizqiga lagu kordhiyo
Dhibka lagu furo
Nabiga ﷺ wuxuu yiri:
Qofkii istiqfaarta badiya, Alle wuxuu ka yeelaa dhib kasta fursad uu kaga baxo walwal kastana farxad buu ugu dhigaa wuxuuna ka arsaaqaa meel uusan ka filayn
Haddaba ha dayicin waqtigan qaaliga ah
Ka faa’iidayso daqiiqadaha ka hor salaadda fajarka, gaar ahaan maadaama hadda ay soon tahay oo aad suxuur u soo kacday. Waa fursad dahabi ah oo aan mar walba la helin. Hurdada ha ku laaban markaad suxuurato Saligaaga ama sijayadaada qaado Kadibna fadhiiso oo qalbi daggan ku samee istiqfaar ugu yaraan 1000 ama 2000 istiqfaar
20🕊2
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Imtixaanada adduunka sida looga baxo.
19
5
Dadka ugu xun ee aad la macaamili karto waa kuwa xoqda kaarka dulmanaha ah, ee iska dhiga inay yihiin dulmane joogto ah noloshooda oo dhan. U fiirso, intay ku soo dhibateeyaan, ku soo dhacaan, dadkana soo xumeeyaan, bay haddana iska dhigayaan inay dulmanayaal yihiin, bulshadeenuna waa kuwa ugu badan ee sameeya dhaqankaas.

Waxyaabaha kuu caddaynaya inay been sheegayaan: isla xisaabtan ma ogola, inay qaldan yihiin ma aaminsana, waxayna in badan isku dayayaan inay dadka aan ku aqoon ka dhaadhiciyaan inaad adigu tahay qofka iyaga dulmay, laakiin xaqiiqada ayaa ah inay yihiin kuwa wax dulmay, kuwa dhibaatada bilaabay, iyo kuwa hawsha soo billaabayba.

kuwa kaarka dulmanaha xoqda waa kuwa 'attention' raadis ah, wuxuu rabaa inuu dadka ka dhaadhiciyo in laga qaldan yahay, in la dulmay, in balaayo Ilaahay ku ridi doono kuwa dulmay, in laga xaq-daran yahay, iyo in Ilaahay daka xaqiisa ka soo bixin doono, wuxuu soo fadhiisanayaa 'any contact' si uu dulmane isaga dhigo!.

Dadkan aan kuu sheegayo waa walaalahaga, qaar ka mid ah qoyskaaga, qaraabadaada, saaxiibbadaada, amaba asxaabtaada, iyagoo ah kuwa wax soo dulmay, ku soo qaniinay, oo ku soo dhibateeyey, bay kaaga sii horreeyaan, xitaa waxay gaari karaan heer ay iyagu is-dhibateeyaan, adigana qoorta kuu geliyaan!.
11
Yhd maanta aduunka waxay ka wado iyo sida rabto inay u dhaqanto waxay taageero ka heshaa wadamada kirishtanka sida (maraykan iyo ingiriis) oo si xad lahayn taas oo ay ka dambayso aragti diimeed YHD u taqaan shacabkii la doortay ayna ku waajibayso inay taageeraan maamulka ISR.

Marka la eego diinta kirishtanka waxaa Jira laba saddex qayb oo kala ah Orthodox, Catholic iyo Protestantism. Tan iyo qaadidii nabi ciise kirishtanka waxay sameenayeen kulamo ay isku imaadaan dadka ugu sareeya kaniisada SE markii ay aheed 1054 AD ayey u kala jabeen Catholic iyo Orthodox oo kala noqday kaniisadda galbeed iyo kaniisadda bari ayna sidaas u socotay ilaa la gaaray 1517 oo uu Martin Luther la yimi sixitaanka kaniisadda, wuxuu dib usoo saaray caqiidooyin hore oo diimeed dibna usoo celiyey waxyigii cahdigii hore ama tawaraatka taas oo aan looga baran toosna uga soo horjeeda kaniisadda. Taas dhalisay saameyn dibna u qaabaysay qaabka loo arki jiray YHD ayna ka faaidaysteen laftigoodo faafiyeena aragtiyahaas. Protestantism waxay xamabaarsantahay saddex waxsii-sheegyo( prophecies); tan koowaadi ay tahay dhulka la balanqaaday iyo shacabka ilaahay uu doortay, tan labaadina ay tahay Soo noqoshada masiix nabi ciise scw tan sadexaadina waa in la dhiso haykalka ama macbadka sulaymaan. Dhamaan waxaasi waxay abuurtay masiixiyiin sahyooniyiina oo aaminsan una ololeeya taageerana dib u noqoshada falastiin iyo in la dhiso dawlad ISR. Aaminaadan iyo weynayntaan YHD ku arki maysid labada dhinac ee kala ah Catholic iyo Orthodox oo aaminsan in YHD ay dileen nabi ciise kana Soo horjeesteen risaaladiisii.

Masiixiyiinta sahyoonigaa waxay ku xoog weyn tahay maraykan iyo ingiriis, waana sababta madaxdoodu u garab siiso YHD aaminaad ay aaminsan yihiin in ay tahay Amar diimeed oo ah in la garab istaago ISR taas oo ka muuqata madaxdii Soo maray, waana halak ay trump iyo Biden ay ku kala duwaneyn taageerida in kastoo ay kala matalayeen laba urur oo iska Soo horjeeda. Dimuqraadiyiintu haday jecelyihiin YHD jamhuuriyiintuna way caabudaan.
10
Doqonimo ayaan u arkaa naftayda in aan dalkayga u sadqeeyo, kadibna ubadkaygu diif iyo darxumo ay ku noolaadaan!!!

Ceeb iyo caar ayaan u arkaa geeridayda kadib, xaaskaygu baylah duruufta looga faa'idaysto in ay noqoto!!!

Wadan waxa lagu tilmaamaa deegaanka kaabayaasha nolosha uu muwaadinku ka helo, ee wadan laguma tilmaami karo deegaan geeri iyo silic kugu canqarinaya!!!

Ma aaminsani fikradda nuxurkeedu yahay, dalka in aan u dhinto, marka dalku uu dagaal galo, dadka saboolka ah oo keli ah ayaa loogu yeedhaa difaaca dalka iyada oo wadaniyad lagu sirayo, kolka dagaalku dhammaadana masuuliyiinta ayaa xilalka iyo dheefta kala qaybsada!!!

Marka dalku dagaal galo, waxa dhinta dad
aan mudnayn in ay dhintaan, si ay u noolaadaan dad aan mudnayn in ay noolaadaan!!

Maxammed Almaaquud.

Sidee ayay aragtidiisu kula tahay? Maxaadse ku dari lahayd?
5👍5
‎Eid Mubaarak my family 🌙🤍

‎Waxaan idin leeyahay Ciid wanaagsan, Ilaahay ha inaga aqbalo cibaadadii aan soo gudanay, hana ka dhigo mid miisaanka xasanaadka inoo cusleeya.

‎Ilaahay ha idin siiyo caafimaad, farxad iyo nolol barwaaqo leh, hana idinka ilaaliyo dhibaato kasta , Qalbiyadeenna ha isku soo dhoweeyo, jacayl iyo midnimo ha ina dhex dhigo.

‎Ciidan ciideeda kale Allah ha inagu gaarsiiyo bashbash iyo kheyr badan Aamiin 🤲


Comments ka so muuqda 👇
10🥰2
Qisada inankii shaqada ku helay kadib markuu bilaabay istqfaarka badan

Waxaa jiray inan dhalinyaro ah oo muddo dheer shaqo la’aan ahaa, uu xanahaystay shahaado jaamacadeed. Wuxuu ka raadinayey shaqo meel walba, balse nasiib uma helin. Wuxuu dareemay niyad-jab, wuxuuna bilaabay inuu rajo beelo.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu akhristay Qisaska group ka Facebook Qisas Aldikir qiso qornyeed ka hadliysay fadliga istqfarka , waxaana la sheegay in qofkii aad u istqfaasda , Ilaahay uga furo dhibaato kasta albaab kaga baxo , ugna furo ciriiri kasta furfurnaan, ugana siiyo rizqaan meel uu ka fileyn.
Inankii wuu ku dhiirraday, wuxuuna go’aansaday inuu isku dayo. Maalin kasta wuu istqfrsan jiray, si gaar ah markuu tukado salaadda. Wuxuu oran jiray:

“AstqfuruAllah rabbi wa atuubu ilayh” boqolaal jeer, qalbi daacad ahna wuu kaga iman jiray.

Maalmo kaddib, wuxuu helay wicitaan ka yimid shirkad uu horey ugu soo codsaday shaqo, isagoo aan ka filaynin inay la soo xiriiraan. Waxay ugu yeereen waraysi, markiiba waa la shaqaalaysiiyay!

Sheekadu halkaa kuma eka… laba bilood kadib, shirkad kale oo ka weyn tii hore ayaa shaqo u soo bandhigtay, mushaarna wuu ka badnaa kii hore. Arrintan ayaa ahayd yaab iyo lama filaan.
Markaas ayuu inankii fahmay in istqfaraakii uu sameynayey uu sabab u noqday inuu helo shaqo iyo furfurnaan noloshiisa ah. alxmduiallah

#Qisas_Aldikir
🥰75
Waxyaabo soo dhaweeya risqiga oo kuu fududeynaya nolosha:
🌷🌿
1. Suuratul baqara maalin walbo:
Joogteynta suuratul baqara waxay kuu sahleysaa umuurahaaga waxayna kaa fogeyneysaa balaayada waxayna ducadaada ka yeeleysaa mid aqbal ah waxaadna ka heleysaa degenaan.
🌿🌷
2. Istiqfaarta:
Ku cel celi adiga oo socda adiga oo fadhiya adiga oo howl haya adiga ayaana arki doono sida ay noloshaada u sahlanaato
🌷🌿
3. Sadaqada haba yaraatee:
Sadaqeyso timir rooti canjeero lacag wax walba ood lillaahi u bixiso ood sadaqeysato qaab kale ayey kuugu soo laabanayaan sadaqadana waxay riixdaa oy kaa celisaa balaayada waxaana kuugu furmaya albaabada risqiga
🌿🌷
4. Qiyaamulleylka:
Khaasatan saacadda ka horeysa salaadda subax wey ku badali doontaa noloshaadana dhanka fiican ayey u badali doontaa bi'idnillaah
🌷🌿
5. Ducada 🤲:
Ducada waa sirta guusha ee wax walboo aad dooneyso, alle bari oo weydiiso wixi aad dooneyso oo u sheego baahiyahaaga, ducada waxay badashaa qadarta.

#marwo
4
Inta damacsan iney banaan bax ka qaybqaataan ayagoo aminsan iney kuguleysan doonan rabitaankooda
waxaan leeyahay kajooga 20sano aya kasoo wareegtay
marka uu bilowday dagaal udhexeeya dadka barri isku tiimka ah dagaalkaas markay iskuqaadayeen qolo argagixiso aya loyaqaanay
qolona asha haado ladirir ama murtaddiin lama arag mel ayku heshiiyeen ama aykuwada hadleen

waxaa dhintay kumanaan somaliyeed kuwaatahriibay dalka gees kagees waala dumiyay

suuqa ugu weyn somali ya dhowr sano eyga ayaa kuhoyanayay maanta waxa ayrabaan iney furaan buug cusub kadib muddo yar oolaga soo kabanayo dhibaatadii lasoo maray
nimaan ogeynbaa loga shekeya yaarabbi ummadda towfiiqda waafaji siyaasiyiinta dhalinteena kushiishbaranayana naga badbaadi
Ustaad Nasriin
10👍9