غَـــ«Rixlah»ــزَّة
432 subscribers
655 photos
477 videos
7 files
1.46K links
Rixllah waxaad ka dugsan doontaa fariimo xambaarsan Waano , Dhiirigalin iyo dhanbaalo taabanaya Wacyiga. Rixlah wehel kadhigo inta aad telegram joogto mahadsanid.
𓆞 𓆝 𓆟
Download Telegram
Maraykanku dagaal lugtuu gali doonaa kana fursan maayo inuu dhalinta Americanka ah hubeeyo.

Haa nin walbo baasboor American wata waa American, dhalinyaro badan oo soomaaliyeed oo lagu kari waayay dalkiina hooyo xoraysta ayaa lagu shubi doonaa daalka bariga dhexe ka qarxay iyagoo ka garab dagaalamayaa dadyowga udhashay dalka maraykan.
👀1
Aamusnaantii dheerayd ee Reer Qaza laga aamusnaa sanadada ee loo dhaqaaqi waayay saamaynteedii qayb kamid ah ayaa caalamku dhadhaminayaa !!

Alla qadhaadhaa !!

Dagaalka Bariga dhexe wuu fidayaa saamayntiisana guri walba waalaga dareemi doonaa .
👍2
Forwarded from JIILKA RAJADA
𝗧𝗔𝗞𝗕𝗜𝗜𝗥𝗧𝗔 𝗖𝗜𝗜𝗗𝗗𝗔 .

Mowduucaan waxaan kudul istaagaynaa takbiirta maalmaha ciidda la akhriyo. Si aad u fahanto qoraalkan akhriso.

Alle wuxuu yiri:
﴿وَلِتُكْمِلُوا الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُوا اللَّهَ عَلَى مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ﴾ [Al-Baqarah: 185]

Sheekh As-Sacdi Alle ha u naxariistee wuxuu yiri:
"Halkan waxaa laga fahmayaa in takbiirta ay ka bilaabato marka la arko bisha Shawwaal ilaa laga dhammeeyo khudbadda ciidda (1).

Waxaana Cabdullaahi bin Cumar Alle ha ka raalli noqdee uu ahaa marka uu baxayo maalinta Ciidul-Fidriga iyo Ciidul-Adxaha in uu kor u qaadi jiray takbiirta ilaa uu ka gaaro goobta salaadda ka dibna wuu sii wadi jiray takbiirta ilaa uu imaamku yimaado (2).

Sheekh Al-Islaam Ibnu Taymiyah Alle ha u naxariistee wuxuu yiri: Waxaa la jideeyay qof kasta inuu kor u qaado takbiirta marka uu u baxayo ciidda, arrintanina waa mid ay isku raaceen afarta mad-hab (3).

FIIRO GAAR AH: Ma jirto xadiis Nabiga ﷺ laga soo warinayo oo qeexaya qaabka takbiirta, balse waxaa ka sugan qaar ka mid ah saxaabada Alle ha ka raalli noqdee qaabab kala duwan:

Ibnu Mascuud Alle ha ka raalli noqdee wuxuu oran jiray: “Allahu Akbar Allahu Akbar, laa ilaaha illallaah, Allahu Akbar Allahu Akbar wa lillaahil xamd” (4).

Ibnu Cabbaas Alle ha ka raalli noqdee wuxuu oran jiray: “Allahu Akbar Allahu Akbar, Allahu Akbar wa lillaahil xamd, Allahu Akbar wa ajall, Allahu Akbar calaa maa hadaanaa” (5).

Salmaan Al-Faarisi Alle ha ka raalli noqdee wuxuu dhihi jiray : “Allahu Akbar, Allahu Akbar, Allahu Akbar kathiiraa” (6).

Xaafid Ibnu Xajar Alle ha u naxariistee wuxuu yiri:
Waqtigan dambe waxaa lagu kordhiyay waxyaabo aan asal lahayn (7).

Sheekh Al-Albaani Alle ha u naxariistee wuxuu yiri: Waxaa habboon in la xusuusnaado munaasabaddan in kor u qaadista takbiirta aysan sharci ahayn in si wadajir ah hal cod loogu wada sameeyo sida ay sameeyaan qaar ka mid ah dadka, sidoo kale dhammaan adkaarta la faray in cod lagu qaado ama aan lagu qaadin, looma bannaanayn in si isku mar ah hal cod loogu wada sameeyo. Aan ka digtoonaano arrintaas, mar walbana aan xusuusanno hadalka Nabiga ﷺ: “Hanuunka ugu wanaagsan waa hanuunka Nabi Muxammad” (8).

---

TIXRAACYADA:

(1) Tafsiirkiisa
(2) Waxaa soo saaray Ad-Daaraqutni (180) iyo Ibnu Abii Shaybah (1/1/2) silsilad wanaagsan – Al-Irwaa (650)
(3) Majmuu’ Al-Fataawaa (24/220)
(4) Waxaa wariyey Ibnu Abii Shaybah (2/168) silsilad sax ah
(5) Waxaa wariyey Al-Bayhaqi (3/315) silsilad sax ah
(6) Waxaa wariyey Al-Bayhaqi (3/316) silsilad sax ah
(7) Fatxul Baari (2/536)
(8) As-Silsilah As-Saxiixah (1/121)

Jiilka Rajada
○|| https://t.me/jiilkarajada

○|| https://t.me/jiilkarajada
👍3
𝗗𝗔𝗥𝗗𝗔𝗔𝗥𝗔𝗡 – 𝗦𝗔𝗚𝗢𝗢𝗧𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗥𝗔𝗠𝗔𝗗𝗔𝗔𝗡.

Dardaaran ka yimi Ibnu Rajab Alle ha u naxariistee oo ku saabsan ka faa’iidaysiga maalmaha ugu dambeeya ee Ramadaan:

Wuxuu yiri " Addoomaha Ilaahayow bisha Ramadaan waxay go’aansatay inay naga tagto, wax yar oo keliya ayaana ka haray. Qofkii wanaag samayn jiray bishan ha sii dhammeystiro oo ha sii wado wanaaggaas. Qofkii dayacay ama gaabiyayna ha ku soo gabagabeeyo maalmihiisa si wanaagsan.

Camalku wuxuu ku qiimo yeeshaa dhammaadkiisa, sidaas darteed ka faa’iidaysta habeenada yar ee iyo maalmaha ka haray Ramadaan, kuna reeba camal wanaagsan oo idiin marag furi doona maalinta aad la kulantaan Boqorka wax walba og, ee Ilaaha Caalamka ah ".

Tixraac:
(1) Lataif al-Ma'arif, bogga 216.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Fariin astaan ah oo loogu baaqayo in loo gurmado Masjidka Al-Aqsaa… Haween ku sugan Masaajidka Alfaatix ayaa kasootuurayay xijaabo ama garbasaarro daaqadaha dabaqa sare, iyagoo ku ridayay dadka ku tukanaaya qaybta hoose ee Masjidka Al-Faatiḥ.

Maryahaa waxaa weheliyay warqado lagu qoray "Xoreeya masjidku aqsaa"

•─•─•─•─•─•─•─•─•─•

●"الناس كُلها في معركة إلا أنت"
○غَـــ«Rixlah»ــزَّة

●|| https://t.me/rixllah
👍2🔥1
Kawaran hadii warqad lasoo tuuray aad dad badan kaligaa kadhex qaado oo aad is dhahdo fur kadib na aad ku aragto qoraal sidan u qoran "Masjidul Aqsaa wuu xidhan yahay adiga ayuuna kusugayaa inaad furto ".

Waa fariin aadba moodo in adiga luguugu talagalay xaqiiqdii oo qalbi taabad ah.

•─•─•─•─•─•─•─•─•─•

●"الناس كُلها في معركة إلا أنت"
○غَـــ«Rixlah»ــزَّة

●|| https://t.me/rixllah
👍3
Waxaan soo wadaa

Warqad is-casilaad ah oo uu qoray Joseph Kent oo ahaa Agaasimaha Xarunta La-dagaallanka Argagixisada dalka maraykanka.
👍1
Forwarded from JIILKA RAJADA
𝗭𝗔𝗞𝗔𝗔𝗧𝗨𝗟 𝗙𝗜𝗗𝗥𝗜

Qoraalkan waxa..

DHAWAAN HOOS KA AKHRISO....

○|| https://t.me/jiilkarajada
👍1
غَـــ«Rixlah»ــزَّة
Waxaan soo wadaa Warqad is-casilaad ah oo uu qoray Joseph Kent oo ahaa Agaasimaha Xarunta La-dagaallanka Argagixisada dalka maraykanka.
Kusocoto Madaxweyne Trump

Kadib fikir dheer, waxaan go’aansaday inaan iska casilo jagadayda Agaasimaha Xarunta La-dagaallanka Argagixisada, laga bilaabo maanta.

Ma awoodi karo anigoo damiir leh inaan taageero dagaalka socda ee Iran. Iran ma aysan ahayn khatar degdeg ah oo ku wajahan dalkeena, waxaana cad in dagaalkan uu ka dhashay cadaadis ka yimid Israel iyo lobbigeeda awoodda leh ee Maraykanka.

Waxaan taageersanahay qiyamka iyo siyaasadaha dibadda ee aad ku ololeynaysay sanadihii 2016, 2020, iyo 2024, kuwaas oo aad hirgelisay muddadii hore. Ilaa Juun 2025, waxaad fahamsanayd in dagaallada Bariga Dhexe ay yihiin dabin ka qaadaya Maraykanka nafaha muwaadiniintiisa iyo hantidiisa.

Muddadii hore ee xukunkaaga, waxaad muujisay sida awood militari loo adeegsado adigoon ku dhicin dagaallo aan dhammaad lahayn, sida dilkii Qasam Soleimani iyo jabintii ISIS.

Bilowgii maamulkaaga hadda, saraakiil Israa’iili ah iyo xubno warbaahinta Maraykanka ah ayaa sameeyay olole marin-habaabin ah oo kugu riixay dagaal Iran lala galo. Waxay kugu qanciyeen in Iran ay khatar degdeg ah tahay taas oo aan run ahayn.

Anigoo ah askari hore oo dagaal galay 11 jeer, isla markaana ah nin xaaskiisii ku waayay dagaal la sheegay inuu Israel sababay, ma taageeri karo in jiilka cusub loo diro dagaal aan faa’iido u lahayn shacabka Maraykanka.

Waxaan rajaynayaa inaad dib u fiiriso waxa aan ka samaynayno Iran iyo sababta aan u samaynayno. Waqtigu waa hadda. Waxaad dooran kartaa inaad jid cusub qaaddo ama aad dalka u ogolaato inuu hoos u sii dhaco.

Waxaa sharaf ii ahayd inaan kuu adeego adiga iyo dalkayga.

Saxiix:
Joseph Kent
Agaasime, Xarunta La-dagaallanka Argagixisada

•─•─•─•─•─•─•─•─•─•

●"الناس كُلها في معركة إلا أنت"
○غَـــ«Rixlah»ــزَّة

●|| https://t.me/rixllah
👍1
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
•─•─•─•─•─•─•─•─•─•

●"الناس كُلها في معركة إلا أنت"
○غَـــ«Rixlah»ــزَّة

●|| https://t.me/rixllah
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Ubadkeena !!

•─•─•─•─•─•─•─•─•─•

●"الناس كُلها في معركة إلا أنت"
○غَـــ«Rixlah»ــزَّة

●|| https://t.me/rixllah
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Khayraad u wayn ee umad leedahay waa dadkeena , dadkeeda unbaa meel gaadhsiinkara ee khayraadka dalka kujira waxba mataro.

Dalal aanan haysan waxba ayaa hadana hogaamiya caalamka.

•─•─•─•─•─•─•─•─•─•

●"الناس كُلها في معركة إلا أنت"
○غَـــ«Rixlah»ــزَّة

●|| https://t.me/rixllah
👍2
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Reer Afghanistan kkk waa ciideen maanta.

•─•─•─•─•─•─•─•─•─•

●"الناس كُلها في معركة إلا أنت"
○غَـــ«Rixlah»ــزَّة

●|| https://t.me/rixllah
😁4
𝗦𝗔𝗠𝗘𝗘 𝗦𝗜𝗗𝗔𝗡 𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗡𝗧𝗔𝗔𝗗𝗔 𝗖𝗜𝗜𝗗𝗗𝗔.

Marka aad aadayso goobaha lagu tukanayo salaada ciidda sidan inaad samayso waa si wacan waana dhaqan lamahadiyo oo cibaado ah.

Waxaa laga wariyey Jaabir bin Cabdullaah Alle haka raalli noqdee inuu yiri: Nabiga ﷺ marka ay noqoto maalinta Ciidda, wuxuu mari jiray waddo, wuxuuna ku soo laaban jiray waddo kale. (1)

Al-Xaafid Ibnu Qayyim Alle ha u naxariistee wuxuu yiri: Nabiga ﷺ wuxuu sidaas sameyn jiray maalinta Ciidda wuxuu ku tagi jiray waddo goobta salaada, wuxuuna ka soo noqon jiray waddo kale. Waxaa la yiri sidaas wuxuu usamayn jiray si uu u salaamo dadka labada waddo maraya. (2)

Al - Xaafid alle haka raali noqdee wuxuu qoraalkiisan ku sheegay in Rasuulka scw uu kalaa xikmado badan oo aan ahayn taas uu xusay sheikhu.

Al-Imaam An-Nawawi Alle ha u naxariistee wuxuu yiri xitaa hadii aysan jirin sabab uu Rasuulka scw u sameeyey arintaan raacida sunadiisa waa wax si buuxda loo jecel yahay , Ilaahay ayaana og. (3)

---

(1) Waxaa weriyey Al-Bukhaari (986)
(2) Waxaa ku jira “Zaadul-Macaad” (1/449)
(3) Waxaa ku jira “Roudatul-Taalibiin” (2/77)

○|| https://t.me/jiilkarajada
👍3
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
😢😢😢

•─•─•─•─•─•─•─•─•─•

●"الناس كُلها في معركة إلا أنت"
○غَـــ«Rixlah»ــزَّة

●|| https://t.me/rixllah
Ii ciida caafimaad na ku ciida , maalintiina ha idiin wacnaato , farxadiina ha kaamil noqoto .

Ciid Wanaagsan ❤️💐🎉
❤‍🔥1👍1🥰1
4_5854986240671089177
® Zaad ⇇ Audio_1439
Ciid mubaarak.

Nashiidadaa waxaan ku xasuustaa reer Daarul xadiith 😍. Markii igu horaysay muqaal ay leeyihiin baan kamaqlay.

https://t.me/rixllah
🥰5👍1
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Reer Qaza

•─•─•─•─•─•─•─•─•─•

●"الناس كُلها في معركة إلا أنت"
○غَـــ«Rixlah»ــزَّة

●|| https://t.me/rixllah
😢2