orahside
2.79K subscribers
570 photos
5 videos
7 files
134 links
Download Telegram
https://www.facebook.com/share/p/1C3E4HYVj4/?mibextid=wwXIfr
Waxa ugu wanagn ka faaideysaan waaye aqoon waydaarsi
🐪 Geela: Mucjiso Dhulka Ku Socota 🌍

Markii uu Eebbe (SWT) nagu amray in aan ka fiirsanno abuurka geela, ma ahayn tilmaam iska yimid, balse waxay ahayd fariin qoto dheer oo ku saabsan cajiibnimada makhluuqan.

{Miyeyna u fiirsanaynin sida geela loo abuuray?}
— Waa amar Ilaaheed oo xambaarsan casuumaad ku wajahan qalbiga iyo caqliga bini’aadamka si uu uga fiirsado xikmadda abuurka.

Geela waxaa loo yaqaannaa "Markabka Saxaraha" 🌵, magac aan ahayn mid iska yimid, ee lagu muteystay sifooyinkiisa gaarka ah.
Waa xoolaha ugu dulqaadka badan gaajo iyo haraad 🥵💧, una adkeysan kara kulaylka iyo qabowga daran ee saxaraha ❄️🔥, isla markaana safar dheer ku mari kara xasillooni la yaab leh 🏜️.
Geelku wuxuu qaadi karaa culaysyo aad u waaweyn, bixiyaa caano badan 🥛, hilibkiisuna waa mid aad u qiimo badan 🍖.

Geela Carbeed, gaar ahaan, wuxuu leeyahay muuqaal qurux badan: qoorta dheer oo qalloocan 🦒, laab fidsan, iyo sanka muuqda oo dhabarka ka taagan 🐫.
Dad badan waxay aaminsan yihiin in sanku yahay keyd biyo, balse xaqiiqdu waa in uu yahay kayd dufan ah 🧈 oo gaaraya ilaa 36kg. Dufankaasi ayaa ah waxa u suurageliya geela inuu maalmo badan ku noolaado isagoo aan wax cuniin 🍂.

Geelku waxa uu cuni karaa dhir qodxo leh 🌵 isagoo aan waxyeello kasoo gaarin, sababtoo ah afkiisa waxaa ka buuxa unugyo adag oo difaacaya, taas oo u sahlaysa inuu si fudud u calaliyo cawska qodxaha leh 🧶.

Marka uu haraado, wuxuu awood u leeyahay inuu dib u ururiyo uumiga biyaha ee neefta la baxo 🌬️💧, isagoo ku ururiya gudaha sanka si uu u kaydiyo biyaha.
Markay dhacaan dabeylo ciid wata 🌪️, wuxuu si toos ah u xiraa daloolada sankiisa si ciiddu aysan u gelin 🫢.

Geelku waxa uu leeyahay hab-dhiska kuleylka (heerkulka) jirkiisa oo mucjiso ah 🌡️. Wuxuu heerkulka jirkiisa kor u qaadaa ilaa 41.7°C si uusan u dhididin, wuxuuna bilaabaa dhidid kaliya marka heerkulka deegaanka dhaafo 42°C 🔥.
Wuxuu lumin karaa ilaa 30% biyaha jirkiisa isaga oo aan wax dhaawac ah ka soo gaarin — taas oo khatar u noqon lahayd xoolaha kale.

Waxaa intaas dheer, geelu wuu cabbi karaa biyaha badda 🌊. Kilyihiisu waxay leeyihiin awood ay ku shaandheeyaan cusbada 🧂.
Unugyada dhiiggiisa cas waxay u eg yihiin oval 🧬, taasoo ka caawisa in ay si badbaado leh u nuugaan biyo badan.
Jidhkiisuna waxa uu awood u leeyahay inuu dib uga faaiideysto biyaha kaadida, isagoo mar kale uga dhiga biyo iyo borotiin, taas oo ay suurtagelisay bakteeriyo gaar ah 🧪.

Indhihiisa waxaa ilaaliya rimo dheer oo labo lakab ah 👁️‍🗨️ oo is xiraya marka uu la kulmo dabeylo ama qorrax toos ah ☀️.
Dhagahiisa yaryar waxay qariyaan maqalka aadka u dheer 👂.

Geelku waxa uu leeyahay xubin gaar ah oo la yiraahdo "shaqqo-shaqo" 🫦 — waa kiish uu afka kasoo bixiyo marka uu xanaaqo ama doonayo inuu muujiyo awoodda xilligii taranka 👑💢.

Inkasta oo uu yahay xoolo dhirta cuna 🌿, haddana wuxuu leeyahay ilko xooggan oo mararka qaar khatar noqon kara 🦷, taas darteedna mararka qaar geeljirayaashu way jaraan si ay iskaga ilaaliyaan dhaawac.

Geelka labka ah ee hogaamiya raa’iga wuxuu si xoogleh uga ilaaliyaa geela kale inuu u dhowaado dumar reerka ka tirsan, wuxuuna la dagaallamaa ciddii soo dhowaata 💥.

Geelku sidoo kale waa xoolo aad u fahmo badan 🧠 oo si sahal ah wax u barta 🎓; wuxuu maqlaa codka raaciyihiisa, wuxuuna dhaqaaqaa marka uu maqlo codkiisa 🎤.
Wuxuu leeyahay xusuus dheer, wuxuuna xasuustaa meesha uu ku dhashay, meelaha ay biyaha yaallaan, iyo qofka daryeelay 💞.
Mararka qaar wuxuu noqdaa tilmaame ama hagayaal, gaar ahaan marka reer miyigu ay ku lumaan saxaraha 🧭.

Waa xoolo daacad ah 🤝. Marka ay dhacaan dabeylo daran, wuxuu u oggolaanayaa raaciyihiisa inuu dhex fadhiisto labada lugood ee hore si uu ugu noqdo gaashaan noole 🛡️.

Hase yeeshee, geelku ma illoobo dhibkii lagu sameeyay 😠, waxaana suurtagal ah inuu aargoosto haddii fursad u helo — xitaa muddo dheer kadib 🐪💢.

Geelkan quruxda iyo cajiibnimada leh ee Ilaahay siiyey jidh adag, awood layaab leh, iyo dabeecado mucjiso ah, wuxuu ka mid yahay calaamadaha cajiibka ah ee abuurka Rabbaaniga ah ee u adeega bini’aadamka 🤲.

Soo gunaanadkii:
1
{Miyeyna u fiirsanaynin sida geela loo abuuray?} 📖

Subxaan Allaah Al-Khaaliq, Al-Musawwir, Al-Mubdi’… Waa Eebbe 🕊️
Wassalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh 🤍 hadad halkan ila soo gaadhay inaad fallow i dhahdo ha iloobin mahadsanid
1
Waxaa maanta ii soo gaba-gaboobay heerar muhiim ah oo ka mid ah waxbarashadeyda jaamacadeed. Tani ma ahayn waddo sahlan, balse waxa ay ahayd safar dheer oo ay ka buuxeen dadaal, dulqaad, waqti, iyo halgan badan oo aan nafteenna ku adkaynay si aan ugu miro dhallano dariiqa cilmiga — dariiq kaliya ee lagu gaari karo guul waarta iyo nolol miro dhal ah.

Waxaan si gaar ah u muuneeyaa mahad iyo ammaan dhamaan macalimiintii, waxgaradkii, iyo asxaabtii igala qeyb qaadatay safarkan cilmiga, kuwaas oo kaalintooda aan la soo koobi karin. Runtii, waxaan leeyahay: Waad mahadsantihiin, waana tihiin tiirarkii guusheyda.

Sidoo kale, waxaan dhambaal dhiirrigelin iyo duco u dirayaa ardayda iga dambeysa. Waxaan leeyahay:
Ha ka daalin barashada cilmiga, ha quusan xilliyada adag, maxaa yeelay cilmigu waa iftiinka nolosha, ciddii u sabrataana guusha ayey geynaysaa.


“قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ ۗ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الْأَلْبَابِ
1👍1
5-Taan Calammadood Hadda Isku Aragto Nolashada Halis Ayaa Ku Soo Food Leh Ama Waa Gaba Gabo..

1-Hadda Isku Aragto Hadalo Toos Ama Dadban oo Aad Laga Cabanayso Nolasha, Sida Inaad Tiraahdo "Noloshu Maxno Maleh, Waxaa Rabaa Inaa Ka Nasto Wax Walba Nolasha Daal Maahane Nasiino Maleh..

2-Hadda Isku Aragto Isbedel Degdeg Ah oo Xaga Dabeecadda Ah, Sida Inaad Murugo Xoogan Dareento, Wax Yar Kadib Haddana Aad Farxad Hesho, Isbad Badel Is Daba Joog Ah Hadda Isku Aragto Nolashaada Halis Bay Ku Jirtaa Ee Iska Gaar...


3-Qodobka Seddexaad:: Ka Go'itaanka Dadka Iyo Howlaha Caadiga Ah, Hadda Isku Aragto Saaxiibada oo Dhan Inaad Ka Go'day oo Aadan Wax Shaqo Ama Howl Ah Qaban Jirin, Qoyskaga Dhan Aad Dhibsanayso, Noloshaada Halis Bay Ku Jirtaa Ee Iska Gaar..

4-Is Diyaarin, Hadda Isku Aragto Is Diyaarin Aad Isku Diyaarinayso Safar Aan Muuqaan, Nolashada Halis Bay ku Jirtaa Ee Iska Gaar Inta uusan Safarkaas Iiman..

5-Qodobka Shanaad:: Ku Darsee Hadda Is Aragto Adigoo Sadaqeysana Dharkaga Alaabaha Qaaliga Ah Iyo Waxkastoo Qiimo Agtada Ka Lahaa, Nolashada Halis Bay ku Jirtaa Ee Iska Gaar Intaysan Kula Tagin..

5-Taan Calamaddood Hadda Isku Aragto Nolashada Halis Bay ku Jirtaa Waxeeyna Halis ugu Jirtaa Inaad Is Disho oo Aad Nolasha Is Dhaafiso Adiga, Ama Sabab u Noqoto In Lagu Dilo Ama Aad Dhimato, Waana Calammaddaha Lagu Garto Qofka Nolashiisa Ay Gaba Gabada Tahay..
3
reer saatibaan guulaysta
Sabiibka dhawaan baan ogaaday inuu yahay canab la qalajiyay, ninkayga intaa le'eg waxaan u haystay inuu yahay miro cadiya oo geed ka baxa.🙆🏾‍♂️😂
🤣3
المرأة العاقلة لا تغار، لأن الغيرة اعتراف بأن هناك امرأة أجمل منها

Haweeneyda caqliga leh ma masayrto, waayo masayrku waa qirasho in ay jirto haweeney ka qurux badan iyada 😚
Live stream scheduled for
Live stream started
Aan iska wara hayne xagee joogtaa
mudda aan barataan ka mashquulay
Dad aad uqiima badan mudda aan isla soo qaadanay inta isku soo haratay yaa xasuusta odeygaan
#saatibaan@orahside
Caawa waa jimco yaan lailaabin saliga nabiga inaan badino
@ilayska_horumarka
@saatibaan
📢 – KOORSO CUSUB OO CILMIGA NAFSIGA AH (PSYCHOLOGY)
Bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed,
Prf. Saatibaan Maxamed Cali – Cilmiga
wuxuu mar kale bixinayaa koorso gaar ah oo socon doonta 25 maalmood inta lagu jiro bisha Ramadaan.
📅 Faahfaahinta Koorsada:
🗓 Bilaabashada: 1-da Ramadaan
Muddada: Hal saac maalin kasta
💻 Lagu bixinayo: Zoom
🕑 Qaybta 1aad: 2:00 duhurnimo – oo dhigan doonaan araday gaaraayaan (Kaliya 30 qof)
🕙 Qaybta 2aad: 10:00 habeenimo – iyaga dhigan doonoon 50 ardey (Kaliya 50 qof)
📚 Waxyaabaha Koorsadu Ka Kooban Tahay:
2 Buug (PDF ah) oo FREE lagu siin doono ardayda
Koorsadu waa BILAASH (FREE) bisha Ramadaan oo dhan
⚠️ Fursaddu waa xaddidan tahay – Tirada ardaydu waa kooban tahay !
📞 La xiriir hadda: 0618548056
📲 WhatsApp: https://wa.me/252618548056
Ku soo biir barashada Cilmiga Nafsiga si aad u horumariso fahamka maskaxda, dabeecadda, iyo noloshaada.

Prf. saatibaan
👍2
Ramadaan kariim. ALLOW Aqbalka acmaasha, cibaada, sujuuda iyo salaadahan, ku waysiisanay, ALLOW fadliga ramadaanka abbaaraha, biyo la aanta, gaajada iyo cadaawada isalaamka guud iyo gaar ahaan kuwa umadeena haystaba umada kaga dulqaad,

RAMADAAN tan Kumanaanka lagu xoreeyo, loogu naxariisto, loogu danbi dhaafo Rabow naga yeel Amiin. Teeda kalana caafimaad iyo Cibaado nagu gaadh sii
#saatibaan
2
asc