NUXUR SIDA️
12.2K subscribers
693 photos
85 videos
13 files
155 links
Halkan waxaan kusoo gudbiyaa barnaamijyo wax ku ool ah


Nuxur iigu imow ❤️
Download Telegram
"Meel aanay dumar jirin
Ha igu dilin allahayow".

Hadraawi.
DULQAADKA(patience).

Dulqaad ku waa awoodda ama dhismaha xidhiidhka xoogan.
Uma wacna oo kaliya nafteena ee xattaa in aynu dulqaad iyo samir yeelana noolaan-shaheenna ayey muhiim u tahay.
Kasoo qaad in aanad u samri karin wax aad sugaysay oo kuu soo socda.
Sow deganaantu kaama lunteen oo warwar saaxiib kulama noqdeen hurdaduna kaama guurteen?
Haa.
Markale kasoo qaad in aanad ku samri lahayn culaysyada kusoo wajah, in aanad ku samri lahayn cibaadadka, sida soonka iyo salaadadka sowmaad dhibtood teen.

Haa nolosheenu waxay ku dhisan tahay oo ku dhidban tahay samir iyo dulqaad.

Mana aha wax inagusoo dega ama uu qof waliba ku dhasho ee waa shay la barto naftana lagu tababaro.
Waa waxa kalsoonideena dhisa ee inoo yeela ruux dhisan.

Allah SWT quraankiisa kolka uu kaga waramayo samirka iyo dulqaadka waxa uu ku lammaanaysiiyey oo barbar dhigay xaqa oo ah: ka dhab sheegidda diinka iyo cibaadadisa.

Waxa uu suurata al casar[والعصر] ku sheegay in dhamaan umaduhu/bani aadam ku khasaare ku sugan yihiin kolka laga reebo kuwa xaqqa isku dardaarmay iyo kuwa samirka iyo dulqaadka iskula dardaarmay

Ayyaad kalena wuxu ku yidhi: "U bushaaree nabi muxamedow(nnkh) kuwa samray".

W/q Abdirisak-fawsi.
Ciid mubaarak❤️


Inteenii soo soontay ee soo sallaaday intii ay kari karayeen ee awoodooda ahaydna aan iska hagranin alla ha u aqbalo acmaasha abaal gud wayn iyo xasanaad dheeraad ahna ha siiyo.

Aamiin.
Waxa laga yaaba inaad janada ku gasho sababtaN oo kale.!

"waxaan kaaga digaya ruux inaad dhibto aanu taahisa maqlayn Allaah mooye."
"Heerka ugu sarreeya isla waynidu waa isdhuldhiga.

Oo waayo? Waxaad aamintay in aad cidwalba ka sarreyso dabadeedna aad dadka hoos u soo eegto"

Unknown.
"Waxa ka jira dunida in aan tiro iyo xaddi lahayn oo rajooyin iyo himilooyin ah.

Se cidda haysata anaga maaha".

~kafka~
أنتهى الماضي، فلا تعش فيه.
The past is over, so don't live in it.


Tagtadii way socotay ee ha noqon xasuus ku nool.
Tuugu waligii mulkiile ma noqdo.

Yuhuudi waligeed yeelan mayso dhulka muslimiinta.
Join dhaha saaxibayaal
Naxariistu danaysi maaha,
Dareenku maaha jaceyl.

Aamusku cadho maaha.

Ilmaduna ma aha daciifnimo
"Qalbigaa ku naaxee
heeso qaada baan idhi"

~ Hadraawi.❤️
Dilkii basra.


-------------‐----
Waa habeen saqdhexe,Cid waliba waa ay seexdeen oo magaalada cagta iyo dhawaaquba saacado kahor ayey go,een.
Nin ayaa fadhiya waddada qarkeeda,waa nin madow,dhar madowna waa uu xidhan yahay. gudcurka ayaa uu u eeg yahay; gacanta xabad sigaar ah ayaa ugu jirta; waxa ka danbeeya geed wayn waxaana kasii danbeysa beer balaadhan oo mugdi ah.

Gaadhi seeraf(surf) ah oo cad ayaa soo istaagay meel hortiisa ku beegan oo laamiga badhtankiisa ah.Daaqadda xagiisa xigta ayaa la furay,waxaana si yaableh looga soo tuuray wax uu qof iyo alaab u kala garan waayey.
Intaas kadib gaadhigii ayaa ku dhaqaaqay xawaare aad u sareeya.

Xabaddii sigaarka aheyd ayuu intii ugu danbeysay nuugay oo dhulka ku tuuray kadibna dhanka wixii uu ka shakisnaa ayaa uu u soo dhaqaaqay.
Kolkii uu xoogaa usoo jiray--ayuu si fiican u arkay oo aqoonsaday--in uu waxani qof yahay,waa uu soo socday oo isasoo dultaagay. Waa gabadh yar oo aan wayneyn da'ahaan,qiyaastii waa ilaa 17 jir; Si qaab daran ayey u foorartaa oo dhulka ayey ku sujuudsantahay.
Dusha waxay ka xidhantahay toob cad, xagga sarena shalmad madow ayaa ka saaran.Waa ay aamusan tahay oo juuq iyo jaaqtoona malaha.
"Salaama calaykum adeer".
laakiin maysan nuuxsan.
Gacanta inta uu garabka kaga qabtay ayaa uu kor usoo toosiyey,laakiin dhanka kale ayey udhacday.
Wajigeeda,madaxeeda iyo qaarkeeda hoose ilaa dhulka dhiig ayaa sida daadka u qulqulaaya.
Waa uu argagaxay oo madaxa gacmaha saaray!.

Cabaar ayaa uu ku dulqalalay,haddana jidka dheer ee ay hareeraha laydhadhka cascas iyo dhirta jaadadka badan ahi karaacsan yihiin ayaa uu kor usii eegay-- sidii uu arkaayo gaadhigii qofkan dayacan soo tuuray ee ka cararay.
hadana gadaal ayuu fiiriyey;
Waxa uu arkay gaadhi kale oo soo laydhanaya.waa sugay, waa gaadhi nooho(noah) ah.
Qunyar ayaa uu usoo socday isna waa uu is hortaagay isaga oo gacmaha u taagaya si uu u joojiyo.
Agtiisa ayaa uu bireega(break) kuqabtay.
Muraayadda ayaa la dajiyey nin askari ah ayaa wata oo kaligii ayaa kadhex muuqda.
Waa uu soo degay.
-Maxaa dhacay ayaa uu su,aalay.
-Qofkan dhaawacan ayaa gaadhi waddada marayey laga soo tuuray.
-Muxu ahaa se yaa kasoo tuuray?
-Cid watay ma aanan arkayn oo murayadahaa u dalacnaa.
-Ma aad ayey udhaawacantahay?
-Haa koomo ayey kujirta wayna dhiig baxaysa.
-Adigu maxad meesha ka qabanaysay?
-Askari waardiyaha beertaan ayaan ahay.
Be continue.........



Qaybta labaad lasoco
⭕️🔻 Community ++ ❗️
━━━━━━━━━━━━━━━━
🕋 𝗗𝗜𝗜𝗡𝗜 🕋
@Diinteenna_Macaan
@Al_xakiim
@Quruxdaislaamka
@Hidaayatu_Rabi
@hogaan_Dumar
@Dhaqan_wanaag
━━━━━━━━━━━━━━━━
🏆 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗥𝗜𝗚𝗜𝗟𝗜𝗡 𝗜𝗬𝗢 𝗫𝗜𝗚𝗠𝗔𝗗𝗢 🏆
━━━━━━━━━━━━━━━━
@XikmadoSom
@Dhiiragaliye
@Mucaashaq_Jacayl
@AishaAhmed99
@QalbiDhaye143
@kalimakariim
@xaqiiqadanolosha
@Albaanichannel252
@Ruuxda

━━━━━━━━━━━━━━━━
🌷 Jacaylka & Oraahyo 🌸
━━━━━━━━━━━━━━━━
@Dareen_side
@Hasancaashaq)
@daren_jaceyl
@Mohametahmed
@Noqoxiddig
@FAAIDOCHANEEL
@DunnidaSuugaanta

━━━━━━━━━━━━━━━━
🎓 𝗔𝗤𝗢𝗢𝗡+𝗙𝗔𝗦𝗔𝗟𝗢 🎓
━━━━━━━━━━━━━━━━
@maanhage
@farsamada
@haqabtire1
@KobciAqoontaada2
━━━━━━━━━━━━━━━━
📚 𝗕𝗨𝗨𝗚𝗔𝗔𝗚 📚
━━━━━━━━━━━━━━━━
@somalibooks
@Somalilibrary
@kobciyebooks

━━━━━━━🔺━━━━━━━━━
💎Presented by @zomalibot
━━━━━━━🔻━━━━━━━━━
Jacaylka kahor cafiska barta.❤️
Dilkii basra

-------------------
Q2aad


Gaadhiga ayaa ay wada saareen dhaawacii
Wuuna la dhaqaaqay askarigii.
Ninkiina waa uu ka hadhay.
Laba  isgoys kolkii uu ka  laalaabtayba wuxu isasoo hortaagay isbitaal.
Saacadda ayaa uu eegay mise waa 12kii habeenimo.
Gudaha dhakhtarka ayaa uu sii galay,waxa aanu uga sii gudbay qaybta gargaarka degdega ah.
Laba hablood iyo wiil neeras ah oo dhar cad cad ayaa kasoo hor baxay.
-Adeer dhakhaatiirtii aaway ayaa uu su'aalay.
-Xiligan way tagaan oo ma joogaan.

Dhaawacii ayey soo rogeen.
Sariirta bukaanka ayaa la saaray.
Markiiba waxa lagu rakibay qalabka naqaska soo saara sidoo kale faleebooyin ayey ku rakibeen neeraskii.

Hal mar ayaa uu iska baxay askarigii yada oo aan la arkayn gaadhigiisiina kaxaystay.
Waagii baa baryey oo qorax nadiif ah ayaa bari kasoo baxday.
Waadh kamid ah qolalka dhakhtarka wali waxa yaala bukaankii.Waxa hareeraha ka taag taagan afar hablo ah oo neeras shaadhadh cad cad xidhan koomo ayey sidii ugu jirtaa.
Saacadda ayey fiiriyeen mise waa 11kii subaxnimo.
-Naa ninkii idiin keenay dhaawacani meeyey ayey tidhi inan kamid ah hablaha neeraska.
-Dee waa uu iska tagay
-Oo miyey daan garanayn?
-Maya?
Qoraxdii casar gaaban ayey u wareegtay.
Wiil neeras ah oo dhar cad cad xidhan ayaa soo dhex raacay dhismayaasha waadhadhka dhakhtarka sidii uu u soo socday waxa uu furay albaabkii qolka dhaawacu kujiray. Waa uu fiiriyey ma nuuxsanayso!. Qalabkii ayaa uu ku eegay mise waa mayd oo waa ay dhimatay!.
Cabaar ayaa uu kor taagna. Waa uu fekeray, Kadib mobilkiisii ayaa uu lasoo baxay oo laba sawir inta uu ka qaaday dhaawacii ayaa uu Facebook giisa ku bosti gareeyey oo kudul qoray: "Maydkan xalay ayaa na loo keenay isaga oo dhaawac ah hadda ayaa ay naftii kabaxday;Cidii garanaysa ha ugu timaado cusbitaalka wayn ama aniga ha ila soo xidhiidho".
Isla iyo markiiba waxa dhakhtarkii soogalay oday waayeel ah oo aad u murugaysan iyo islaan hooyo ah.
Hore ayey gudaha u soo galeen.Cumar neeras oo markaas kasoo baxay qolkii maydka ayey iska hor yimaadeen.
-Salama-calaykum adeer xagee kujirta inanta maydka ahi" odaygii ayaa cod gargariiraya kuyidhi.
-Adeer qolkan ee soo soco,waa uu horgalay oo geeyey qolkii.
Alla inantaydii basra!! alla hoogayey way qasheen! alla inantaydii!
Islaantii ayaa baroor qabsatay.
Isla markiiba saxaafad ayaa soo gaadhay goobtii.
Waxa warka kasoo muuqday ninkii waardiyaha beerta ahaa ee dhacdada arkaayey oo sharaxaya siday wax udhaceen.
Garabkiisa waxa taagan cumarkii neeraska ahaa iyo odayga murugaysan ee duqa ah kaasoo aabeheed ah.

Aniga oo goobta jooga ayaa gaadhi cad laga soo tuuray qof aan markii horeba wax la noolayn oo hore loo soo jidh dilay ayey u eekayd. Waxa yidhi waardiyihii beerta
Saxaafadii ayaa waydiinaysa gaadhiga ma aqoonsatay?.
-Haa muraayadaha ayaa u dallacnaa oo cid kujirta ma arkayn,laakiin hore waxa aan ugu arkay suhayb dheere wiilka uu dhalay wasiirka amnigu.
Saxaafaddii: Ma wasiir rooble inankiisa xoghayaha ah?.
Waardiyihii: Haa isaga ayaan ku arkay.
-Ma cadaynaysaa hadii maxkamad lagu geeyo.
-Haa.
Cumar: ninka taliyaha degmada ah ee la yidhaahdo cusmaan ayaa noo keenay dibna uguma soo noqon.Waa in isaga la waraysta.
Odaygii duqa ahaa: Adeer jaamacadda ayaan ku ogaa waan waayey sidii aan u sugaayeyna maydkeeda ayaan arkay adeer.

Subaxdii xigtay shacabkii magaalada ayaa mudaharaad iskugu soo baxay.waxa ay codsanayeen in taliyaha iyo wasiirkaba cadaaladda la horkeeno.
Maalin labaadii mudaharadkii ayaa sii xoogaystay.
Galinkii danbe ayaa warka laga soo daayey ayada oo lasii xidhaayo taliyihii.
Habeenkiina waxa warka laga daawaday wasiirkii oo xilka laga tuuray isaga iyo inankiisiina jeelka loo taxaabay.

Shan cisho kadib maxkamadda ayaa la horkeenay sadexdoodiiba.
Wasiirka inankiisii suhayb dheere ayaa maxkamadda horteeda ka qiranaya in uu kufsaday oo waliba jidh dilay.
Ayada oo live loo daawanayo ayey maxkamddii xukunkii ku dhawaaqday
Garsoorihii wuxu yidhi.
Suhayb rooble warfaa.
Ina aamina dheer waxay maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii uu qirtay dilka basra saleebaan xaamud.
Wasiirka iyo taliyahana in min toban sano oo xadhig ah lagu xukumay ayaa saxaafadda laga sheegay. kadib markii ay ku caddaatay in ay ku gacan siiyeen dilka suhayb.



Qore:Abdirisak fawsi.
Dhamaad