NUXUR SIDA️
14.1K subscribers
728 photos
85 videos
13 files
164 links
Halkan waxaan kusoo gudbiyaa barnaamijyo wax ku ool ah


Nuxur iigu imow ❤️
Download Telegram
Jacaylka kahor cafiska barta.❤️
Dilkii basra

-------------------
Q2aad


Gaadhiga ayaa ay wada saareen dhaawacii
Wuuna la dhaqaaqay askarigii.
Ninkiina waa uu ka hadhay.
Laba  isgoys kolkii uu ka  laalaabtayba wuxu isasoo hortaagay isbitaal.
Saacadda ayaa uu eegay mise waa 12kii habeenimo.
Gudaha dhakhtarka ayaa uu sii galay,waxa aanu uga sii gudbay qaybta gargaarka degdega ah.
Laba hablood iyo wiil neeras ah oo dhar cad cad ayaa kasoo hor baxay.
-Adeer dhakhaatiirtii aaway ayaa uu su'aalay.
-Xiligan way tagaan oo ma joogaan.

Dhaawacii ayey soo rogeen.
Sariirta bukaanka ayaa la saaray.
Markiiba waxa lagu rakibay qalabka naqaska soo saara sidoo kale faleebooyin ayey ku rakibeen neeraskii.

Hal mar ayaa uu iska baxay askarigii yada oo aan la arkayn gaadhigiisiina kaxaystay.
Waagii baa baryey oo qorax nadiif ah ayaa bari kasoo baxday.
Waadh kamid ah qolalka dhakhtarka wali waxa yaala bukaankii.Waxa hareeraha ka taag taagan afar hablo ah oo neeras shaadhadh cad cad xidhan koomo ayey sidii ugu jirtaa.
Saacadda ayey fiiriyeen mise waa 11kii subaxnimo.
-Naa ninkii idiin keenay dhaawacani meeyey ayey tidhi inan kamid ah hablaha neeraska.
-Dee waa uu iska tagay
-Oo miyey daan garanayn?
-Maya?
Qoraxdii casar gaaban ayey u wareegtay.
Wiil neeras ah oo dhar cad cad xidhan ayaa soo dhex raacay dhismayaasha waadhadhka dhakhtarka sidii uu u soo socday waxa uu furay albaabkii qolka dhaawacu kujiray. Waa uu fiiriyey ma nuuxsanayso!. Qalabkii ayaa uu ku eegay mise waa mayd oo waa ay dhimatay!.
Cabaar ayaa uu kor taagna. Waa uu fekeray, Kadib mobilkiisii ayaa uu lasoo baxay oo laba sawir inta uu ka qaaday dhaawacii ayaa uu Facebook giisa ku bosti gareeyey oo kudul qoray: "Maydkan xalay ayaa na loo keenay isaga oo dhaawac ah hadda ayaa ay naftii kabaxday;Cidii garanaysa ha ugu timaado cusbitaalka wayn ama aniga ha ila soo xidhiidho".
Isla iyo markiiba waxa dhakhtarkii soogalay oday waayeel ah oo aad u murugaysan iyo islaan hooyo ah.
Hore ayey gudaha u soo galeen.Cumar neeras oo markaas kasoo baxay qolkii maydka ayey iska hor yimaadeen.
-Salama-calaykum adeer xagee kujirta inanta maydka ahi" odaygii ayaa cod gargariiraya kuyidhi.
-Adeer qolkan ee soo soco,waa uu horgalay oo geeyey qolkii.
Alla inantaydii basra!! alla hoogayey way qasheen! alla inantaydii!
Islaantii ayaa baroor qabsatay.
Isla markiiba saxaafad ayaa soo gaadhay goobtii.
Waxa warka kasoo muuqday ninkii waardiyaha beerta ahaa ee dhacdada arkaayey oo sharaxaya siday wax udhaceen.
Garabkiisa waxa taagan cumarkii neeraska ahaa iyo odayga murugaysan ee duqa ah kaasoo aabeheed ah.

Aniga oo goobta jooga ayaa gaadhi cad laga soo tuuray qof aan markii horeba wax la noolayn oo hore loo soo jidh dilay ayey u eekayd. Waxa yidhi waardiyihii beerta
Saxaafadii ayaa waydiinaysa gaadhiga ma aqoonsatay?.
-Haa muraayadaha ayaa u dallacnaa oo cid kujirta ma arkayn,laakiin hore waxa aan ugu arkay suhayb dheere wiilka uu dhalay wasiirka amnigu.
Saxaafaddii: Ma wasiir rooble inankiisa xoghayaha ah?.
Waardiyihii: Haa isaga ayaan ku arkay.
-Ma cadaynaysaa hadii maxkamad lagu geeyo.
-Haa.
Cumar: ninka taliyaha degmada ah ee la yidhaahdo cusmaan ayaa noo keenay dibna uguma soo noqon.Waa in isaga la waraysta.
Odaygii duqa ahaa: Adeer jaamacadda ayaan ku ogaa waan waayey sidii aan u sugaayeyna maydkeeda ayaan arkay adeer.

Subaxdii xigtay shacabkii magaalada ayaa mudaharaad iskugu soo baxay.waxa ay codsanayeen in taliyaha iyo wasiirkaba cadaaladda la horkeeno.
Maalin labaadii mudaharadkii ayaa sii xoogaystay.
Galinkii danbe ayaa warka laga soo daayey ayada oo lasii xidhaayo taliyihii.
Habeenkiina waxa warka laga daawaday wasiirkii oo xilka laga tuuray isaga iyo inankiisiina jeelka loo taxaabay.

Shan cisho kadib maxkamadda ayaa la horkeenay sadexdoodiiba.
Wasiirka inankiisii suhayb dheere ayaa maxkamadda horteeda ka qiranaya in uu kufsaday oo waliba jidh dilay.
Ayada oo live loo daawanayo ayey maxkamddii xukunkii ku dhawaaqday
Garsoorihii wuxu yidhi.
Suhayb rooble warfaa.
Ina aamina dheer waxay maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii uu qirtay dilka basra saleebaan xaamud.
Wasiirka iyo taliyahana in min toban sano oo xadhig ah lagu xukumay ayaa saxaafadda laga sheegay. kadib markii ay ku caddaatay in ay ku gacan siiyeen dilka suhayb.



Qore:Abdirisak fawsi.
Dhamaad
Join soo dhaha saaxiibayaal
Kee fiican wakhtigaaga dhalinyaranimo in aad samaysato xiriir jaceyl iyo in aad kali ahaato/ faraha ka qaado
Anonymous Poll
30%
In aad sameysato
70%
In aad faraha ka qaaddo
﴿ رَّبَّنَا عَلَيْكَ تَوَكَّلْنَا وَإِلَيْكَ أَنَبْنَا وَإِلَيْكَ الْمَصِيرُ ﴾ .❤️
Aamusku waa badwayn halka hadalkuna uu yahay wabi,
Ha udhaqaaqin dhanka wabiga kolka ay badwayntu joogto
Ee ayada dhagayso.

Ruumi.
‏الأيام الصعبة هي التي تصنعك.
Difficult days are what make you.


Wakhtiyada adagi waa kuwa shakhsiyadaada dhisa.

@dhigal
Midkasta oo aan jeclahay, aniga dhantaalay.


@dhigal
Kali-ahaanshuhu markasta ma aha in aad cidloonayso.

Kolkol waa nafisaad iyo wakhti la qaadasho nafeed,waana deganaan iyo xasilooni gudeed.
"Lama helo misaalkeed kunkii waa hal oo qudha'e"


~Awale Adan.

@Dhigal
Noloshu waa masraxiyad, marwalba ku dadaal booskaaga jiliinka.
Be nice to fat people,
Maalin bay ku badbaadin doonaane😄
Forwarded from 🫀 TAMARTA RUUXDA 🫀 (🤍 _NAJIIB IBRAHIM _🤍)
" Dhiranaantu waxay qofka u tahay shidaalkii uu ku shaqayn lahaa, haddii qofka ay ka maqan tahay dhiiranaantu, wuxuu lamid yahay sida gaari aan shidaal lahayn oo kale".

" Jooji inaad ka cabsatid in wax qaldamaan ku dadaal inaad diiradda saartid wixii saxma wixii qaldamana cashar ka baro kana sii soco, maxaa yeelay meelaad taagnaatid ma jirto".
Forwarded from zhacro ™
💞Community ++ ♨️♨️
━━━━━━━🔺━━━━━━━━

111k+ 📚Somali Free Books 📙
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
53k+ 📘Somali Librarians 📒
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
32k+ Xikmado iyo murti🗣
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
31k+ 📘Kobciye Books📗
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
23+ 🌸 Mucaashaq Jacayl🌷
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
21+k 🪴Dhiirigaliye nolol🍀
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
19+k ⚙️Hoyga Farsamda💭
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
18k+ 🌟 Aqoon Kobciye 🔆
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
17k+ 👩‍🏭 Hidaayatu Rabbi 👥
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
16k+ 🧠 Dunida suugaanta👅
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
16k+ 👤Quruxda islaamka🫂
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
15k+ ⛺️ jacaylside channel❤️
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
14k+ 🪢 alxakiim channel 👔
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
14k+ xaqiiqada Nolosha🪜
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
14k+ 🌱Dareen Side channel🪴
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
13k+ 🧚 Som Motivation🤳
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
13k 💹 Hassan Caashaq ❇️
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
13k 🈳Qalbi Dhaye 🚹
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
13k ♨️ Qalbiyadeena 💢
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
13k 🔴 Guulaayso bet 🟢
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
13k ♒️ Kalimat Kariim ♉️
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
13k 🧕 Aisha bin Ahmed🗣
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
13k 🧩 Faiido Channel🪝
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
13k 👩 Hogaan Dumar 🧕
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
12k 💬 albaani channel 🗯
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
12k 🪤 Dhaqan Wanaag ⚖️
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
12k 👳‍♂️ Dinteena suuban💚
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
11k 📒 Qoraalo kooban 👀
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
10k 🍇 Nuxur Side 🌬
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
10k ✍️ Kaydka Qormo 🖌
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
10k 🌎 Haqabtire Online⚡️
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
06k 🫧 Ruuxda channel 💫

▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂
06k 🫧 MaanHage School 💫
▂▄▅▆▇█ 🅹🅞🅸🅽 █▇▆▅▄▂

━━━━━━━━━━━━
⭐️ All Channels ➡️ JOIN ALL
━━━━━━━━━━━━
anti-delete 🔝12hrs in channel
"Ku dedaal in aad qarsatid wax walba oo wanaagsan oo noloshaada ku saabsan.

Qarso awoodahaaga rabbaaniga ah ee aysan dadku ogeyn. Qarso dadka qiimaha leh ee noloshaada ku jira. Qarso waxyaalaha kaa farxiya ee aad heysatid. Qarso dadka ehelkaaga ah ee wanaagsan. Qarso qofka gobta ah ee aad nolosha wadaagteen. Qarso ilaha dhaqaale ee aad heysatid. Qarso qorshayaasha waaweyn ee aad leedahay. Qarso guulaha cajiib la ah ee aad caqligaaga ku xaqiijisay. Qarso cibaadooyinkaaga joogtada ah ee Alle kuu fududeeyay. Qarso dadka sida saa’id ka ah kuu jecel, ee ku madax ku saarta. Qarso ballanqaadyada waaweyn ee ay dadku kuu sameeyaan. Qarso waxyaalaha dadka ku adag, ee adiga laguu fududeeyay.

Ujeeddada noloshaadu ha ahaato in aad si qarsoodi ah u heysatid wax badan ee qiimo leh, ee yaanay noqon in aad dadka ugu faantid wax aad waayi kartid marka aad sheegtid. Ama in aad dadka uga sheekeysid wax badan oo kugu saabsan, adiga oo is leh ha ku jeclaadaan, waxaaba dhici karta in ay waxaas dartiis kugu nebcaadaane".

Ladane C Xasan.
"Waddanka waxa iska leh hantiilayaasha,waddaniyaddana saboollada."

-maxamuud darwiish
Dadka ku aqbal sida ay yihiin,laakiin daji booska ay leeyihiin.