NUXUR SIDA️
14.1K subscribers
728 photos
85 videos
13 files
164 links
Halkan waxaan kusoo gudbiyaa barnaamijyo wax ku ool ah


Nuxur iigu imow ❤️
Download Telegram
Midkii la yimaadda hal xasano(camal wanaagsan) wuxuu leeyahay toban laabkeed.
"Inta awoodayda ah baan dadaalin waxaan fidsan daladayda si uu roobku geesaha iiga maro"
"yeynaan nafsadeena u ogalaan in ay waxyaalo yaryari naga caraysiiyaan waa in aynaan qiimo uyeelin oo aan iska ilowno xasuusnow noloshu aad ayaa ay ugu yartahay inaad wax yar noqoti.
Wuxu weydiiyey
"-Hooyo illaahey miyuu maqlayaa ducada aan kuducaysano.?

Kadib waxay dhahday
-Inankaygiyoow,Haa wuu maqlayaa.

Markaasbu dhahay
-O hadaa muxuu I siin waayay waxaan waydiistey.?

Waxay dhahday
-Dhakhtarku wuxuu ina siyaa dawadda aynu ubaahanahey ee inama siiyo dawadu aynu jecelnahay!"

Caqlibadan Hooyo.❤️

https://t.me/bahjasooyaalka
Ma taabogalo cishqigu
Hadaan la isu tudheyno
Lala tacaalayn murugte
Yaanu tasoobin xiisuhu
Taariikh xum kudhamaan

Waa tiro dhiman noloshu
Hadhex tibaaxo xubigu
Qalbiyadu tixgelin kahelo.

❤️
Aabo dhiiriyahaygow
Iftiinka dhaayahaygow
Ilaaha dhabarkaagiyo
Igu beeray dhiigaaga
Ayaa dhab umahadiya

Aabe macaan❤️
In aad rumaysi hadafkaaga waxaa kaa xiga qorshe maalmeed aad ku dhaqanti maalin walba si aad u gaarti riyooyinkaaga .
Riyo walba waxaa lagu rumeeyaa talaabooyin lagu celceliyo oo maalin walba dhaca .
Anaguna waxaanu kuu diyaarinay qorshe maalmeed ka kooban labo bilood kaas oo aad kasoo daabacan karti meesha aad joogti ama aad ku dhex isticmaali karto mobeelkaaga ,waxaan kaloo kusoo samaynaynaa haddii aad rabti qorshe maalmeed qurux badan adiga oo sheeganaya naqshada rag iyo dumarba.

Nagala soo xariir :@Ikraam_Abdisalam

Ama
0907357306
اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍
Ducadu waxay baddashaa qadarta sida nabigeenna inoo sheegay salawaatullaahi wa salaamuhu calayhi, ducayso marwalba meelwalba iyo xaalad walba ilaaahayna aqbalka u daa kuna kalsoonoow.

Ku ducayso ducooyinkan xilliyada dhibaatada ku haysato iyo marwalba dhib dareento.

لا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين.
Ducadii Nabi Yuunis Cs ku ducaystay markuu caloosha nibiriga/Xuutka ku jiray ilaahayna ku badbaadiyey, Nabigeenna Scw inoo sheegay in qof walba oo mu'min ah oo ku ducaysta ilaaahay ka ajiibayo kuna badbaadin doono xaalad walba.

رب إني مسني الضر وأنت أرحم الراحمين.
Ducadii Nabi Ayuub Cs ku ducaystay markii uu xanuunka ilaahay ku imtixaamay waxwalba oo uu haystay ilaahay ka qaaday, ilaahayna waaka ajiibay kuna arsaaqay waxwalba oo uu hore u waayey iyo fiican.

رب إني لما أنزلت إلي من خير فقير.

Ducada nabi Muuse Cs uu ku ducaystay markii uu ka cararay qoomkii fircoon, uu tagay dhul aanu garanayn, waxba aanu haysan. Ilaaahay waaka ajiibay wuxuu ku arsaaqay shaqo, xaas iyo ehelba.

رب لا تذرني فردا وأنت خير الوارثين.
Ducadii Nabi Sakariye Cs uu ku ducaystay markii uu gaboobay, xaaskiisan gabowday yadoo waliba ma dhalays ah ilaaahay waaka ajiibay waana siiyey walad saalix ah.

يا حي يا قيوم برحمتك أستغيث أصلح لي شأني كله ولا تكلني إلى نفسي طرفة عين.
Ducadan Nabigeenna Scw wuxuu baray oo ku yidhi ku ducayso marwalba inantiisii Faadumo ilaaahay raalli haka ahaadee.

لا إله إلا الله العظيم الحليم لا إله إلا الله رب العرش العظيم لا إله إلا الله رب السماوات والارض ورب العرش الكريم.
Ducadan nabigeenna Scw wuxuu inoo sheegay in qofwalba oo kurbo ama dhibaato ku taagantahay oo ku ducaysta ilaahay ka ajiibayo dhibka haystana ka faydayo.

اللهم اني اعوذ بك من الهم والحزن وأعوذ بك من العجز والكسل وأعوذ بك من الجبن والبخل وأعوذ بك من غلبة الدين وقهر الرجال.
Ducadan nabigeenna Scw maalin walba wuu ku ducaysan jiray sidoo kale nabigeenna wuu u sheegay saxaabi dayn badan lagu lahaa in hadduu uu akhristo ilaahay kaga faydayo daynta lagu leeyahay.

"Hadalna la kala odhan og, Ilaaahayna la kala beryi og".


Fatima sahra.❤️
😱🙆‍♂️ §ðmålï + Community 🙆‍♂️😱
━━━━━━━━━━━━━━━━
🕋 𝗗𝗜𝗜𝗡𝗜 🕋
━━━━━━━━━━━━━━━━
Diinteena Suuban
Nolosheena
Quruxda Islamka
Hidaayatu rabi
Hogaan Dumar
Dhaqan wanaag
━━━━━━━━━━━━━━━━
🏆 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗥𝗜𝗚𝗜𝗟𝗜𝗡 𝗜𝗬𝗢 𝗫𝗜𝗚𝗠𝗔𝗗𝗢 🏆
━━━━━━━━━━━━━━━━
𝐗𝐢𝐤𝐦𝐚𝐝𝐨
𝐃𝐡𝐢𝐢𝐫𝐚𝐠𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞
Jeestoole
𝐒𝐨𝐦 𝐌𝐨𝐭𝐢𝐯𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧
Qalbi Jileec
Qalbi dhaye
Kalimat Kariim
Arimaha Jacaylka
Albaani Channel
Nuxur side
𝐑𝐮𝐮𝐱𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐠𝐚𝐧

━━━━━━━━━━━━━━━━
🌷 Jacaylka & Oraahyo 🌸
━━━━━━━━━━━━━━━━
qalbiyadeena
Dareen Side
Hassan Caashaq
Jacayl side
Kaydka qormooyinka
Fikradaheena
Faido Channel
Hoyga sugaanta

━━━━━━━━━━━━━━━━
🎓 𝗔𝗤𝗢𝗢𝗡+𝗙𝗔𝗦𝗔𝗟𝗢 🎓
━━━━━━━━━━━━━━━━
MaanHage Academy
Free Udemy Courses
Haqabtire College
Aqoon Kobciye
━━━━━━━━━━━━━━━━
📚 𝗕𝗨𝗨𝗚𝗔𝗔𝗚 📚
━━━━━━━━━━━━━━━━
𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢 𝐁𝐨𝐨𝐤𝐬
𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢 𝐋𝐢𝐛𝐫𝐚𝐫𝐲
Kobciye Books

━━━━━━━━━━━━
⭐️ Vip Channel➡️ Join now
━━━━━━━━━━━━
anti-delete 🔝12hrs in channel
"Meel aanay dumar jirin
Ha igu dilin allahayow".

Hadraawi.
DULQAADKA(patience).

Dulqaad ku waa awoodda ama dhismaha xidhiidhka xoogan.
Uma wacna oo kaliya nafteena ee xattaa in aynu dulqaad iyo samir yeelana noolaan-shaheenna ayey muhiim u tahay.
Kasoo qaad in aanad u samri karin wax aad sugaysay oo kuu soo socda.
Sow deganaantu kaama lunteen oo warwar saaxiib kulama noqdeen hurdaduna kaama guurteen?
Haa.
Markale kasoo qaad in aanad ku samri lahayn culaysyada kusoo wajah, in aanad ku samri lahayn cibaadadka, sida soonka iyo salaadadka sowmaad dhibtood teen.

Haa nolosheenu waxay ku dhisan tahay oo ku dhidban tahay samir iyo dulqaad.

Mana aha wax inagusoo dega ama uu qof waliba ku dhasho ee waa shay la barto naftana lagu tababaro.
Waa waxa kalsoonideena dhisa ee inoo yeela ruux dhisan.

Allah SWT quraankiisa kolka uu kaga waramayo samirka iyo dulqaadka waxa uu ku lammaanaysiiyey oo barbar dhigay xaqa oo ah: ka dhab sheegidda diinka iyo cibaadadisa.

Waxa uu suurata al casar[والعصر] ku sheegay in dhamaan umaduhu/bani aadam ku khasaare ku sugan yihiin kolka laga reebo kuwa xaqqa isku dardaarmay iyo kuwa samirka iyo dulqaadka iskula dardaarmay

Ayyaad kalena wuxu ku yidhi: "U bushaaree nabi muxamedow(nnkh) kuwa samray".

W/q Abdirisak-fawsi.
Ciid mubaarak❤️


Inteenii soo soontay ee soo sallaaday intii ay kari karayeen ee awoodooda ahaydna aan iska hagranin alla ha u aqbalo acmaasha abaal gud wayn iyo xasanaad dheeraad ahna ha siiyo.

Aamiin.
Waxa laga yaaba inaad janada ku gasho sababtaN oo kale.!

"waxaan kaaga digaya ruux inaad dhibto aanu taahisa maqlayn Allaah mooye."
"Heerka ugu sarreeya isla waynidu waa isdhuldhiga.

Oo waayo? Waxaad aamintay in aad cidwalba ka sarreyso dabadeedna aad dadka hoos u soo eegto"

Unknown.
"Waxa ka jira dunida in aan tiro iyo xaddi lahayn oo rajooyin iyo himilooyin ah.

Se cidda haysata anaga maaha".

~kafka~
أنتهى الماضي، فلا تعش فيه.
The past is over, so don't live in it.


Tagtadii way socotay ee ha noqon xasuus ku nool.
Tuugu waligii mulkiile ma noqdo.

Yuhuudi waligeed yeelan mayso dhulka muslimiinta.
Join dhaha saaxibayaal
Naxariistu danaysi maaha,
Dareenku maaha jaceyl.

Aamusku cadho maaha.

Ilmaduna ma aha daciifnimo