MUFAKAR
6.65K subscribers
497 photos
30 videos
52 links
╭══♡════════ღ❦ღ══╮
                    WAX-AKHRISKU
                           WAA
                     HAB NOLOLEED
                         القراءة منهج حٌاة
╰══ღ❦ღ════════♡══╯




Kala soco  Qormooyin sugan, afkaar, falsafad,  iyo xikmado.
Download Telegram
Farxada laguu sheegayaaba Waa lacag iyo Gabadh.
Kulamada, shirarka iyo wada-tashiga Iskuuladu ku
Amraan fasalladooda iney go’aan soo gaadhaan ama
wax ay isla soo qaataan, waa sidii kulamadii jaamacada
carabta, meel wada qeylo ah, khilaaf badan iww.

Mida kale, tani maaha xoriyad, waa qoolkii
addoonnimada oo loo debciyey.😁
Tusaalaha ugu Fudud ee Cadaaladarida ka jirta Dalkeena Somalia.
Subax wngsn.


Ogow Noloshu Ma ahan Mid adag Marka aad ku Xirantahay Rabbigaa.

Laakiin Way Adagtahay Marka aad ka tagto Daacada allaah SW..

Sida Salaadaha, Soonka, Zakada, Iyo IWM.
(Boqorka Saylac waa Muslim haysta ciidamo tiro badan, farda fuul iyo kuwa lug ah, waa geesiyo aad u hubaysan, dhammaantood waa Maxammadiyo (diinta nabi Maxamed ayay haystaan). Sidaa waxa yidhi Varthema 1505.

Farshaxankan sare waa 1879 suuqa Saylac, waxa sameeyay Bernardi.
Marwalba oo aad dadka dhex-gasho waxaad ogaaneysaa in Akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsani ay la mid yihiin sida Arzaaqda oo kale, ILAAHAY ayaa dadka u qaybiyey. Waxa jira Dad akhlaaqda wanaagsan hodan ku ah iyo kuwo sabool ka ah.

ILAAHAY (SW) markuu Nabiga tilmaamayey ma tilmaamin Abtiriskiisa, Maalkiisa, Iyo muuqaalkiisaba balse wuxuu Tilmaamay inuu Nabigu (NNKH) uu lahaa dabeecad iyo dhaqan wanaagsan.
‎قال تعالى( وإنك لعلى خلق عظيم)
“In aad dadka jeclaataa waxa ay la macne tahay in aad Eebbe jeclaatay, jacayl walba oo aad ku dhex aragto dadka dhexdiisu waa nuqul ka mid ah Kalgacalka Ilaahiga ah ee waaraya”.


Jalaalu-diin Ruumi.
Bronnie Ware, waxa ay ahayd gabadh kalkaaliso ah, waxa ay ka shaqayn jirtay cusbitaal ku yaalla dalka Ustareeliya oo dadka xanuunsanaya la dhigo. Waxa ay samaysay Cilmibaadhis, Waxa ay su’aalo waydiin jirtay dadkii qarka u saarnaa dhimashada ee xanuunsanayay wixii ay ka qoomamaynayeen ee ay ahayd inay sameeyaan ama ayna samayn, wayna diwaangelin jirtay. Shantan arrimood ayay qortay:
1- Waxa aan jeclaan lahaa in aan noolaado nolosha aan rabay anigu ee aanan noolaan tii dadku ila rabeen.
2- Waxa aan jeclaan lahaa in aanan si xad’dhaafa u shaqayn lahayn: waayo qofku waqti umuu helin ehelkiisii, reerkiisii, carruurtiisii IWM.
3- Waxa aan jeclaan lahaa geesinnimo aan dareenkayga ku cabbiri lahaa.
4- Waxa aan jeclaan lahaa in aan joogteeyo xidhiidhka saaxiibbadayda fiican.
5- Waxa aan jeclaan lahaa in aan naftayda u oggolaan lahaa in ay farxad ku noolaato.

Buugga ‘ Xilkas’, Cabdikariin Cismaan.
“Inan yahay la’aantaa
Dumar lama abuureen
Gabadh lama ammaaneen
Jacayl looma ooyeen”

M.I.Warsame HADRAAWI. A .N.
Mabda'a Shuucigu waxa uu dhalaa (Mulxidka)

Mabda'a Dimuquraadigu waxa uu dhalaa (Calmaaniga)

Mabda'a Islaamiga ahi waxa uu dhalaa (Muminka)

Yuusuf-shaacir.
Hilibka lo'da ee la beero waa la mamnuucay: "Ilaah wuxuu abuuray hilib dhab ah" sidaa waxa yiri gudoomiyaha gobolka Florida.

Habka soo saarida hilibka la beero wuxu maraa dhowr marxaladood sida ka muuqata jaantuska halkan idiinka muuqda. Marka hore, muunad yar oo ka mid ah unugyada xayawaanka ayaa laga qaadaa, inta badan waxa laga qaadaa cad-cad yar. Unugyadan ayaa markaa la gelinayaa bioreactor, kaas oo ah weel loogu talagalay inuu unugyada siiyo nafaqooyinka lagama maarmaanka u ah inay koraan oo ay taraaraan.

Faallo: Waligaa ma maqashay Hilib la beero, Waa duni tawakhday, waxan isleehay aqoontayda yar ee gaaban hilibkan la beero waxyaabaha Cancer-ka keena inuu qeyb ka yahay.
Dumar badan ma Guursan dooni , sobobtoo ah waxa iga badan intuu alle ii baneeyay 😉.🖐
Firaaqadu waa cadowka kowaad ee Noloshaaada .

Ka fagow firaaqada  kuna dadaal waqtigaaga sidaad u maal gashan lahayd hadh iyo habeenba.

Waqtiga gasho wax aad is leedaahay aduun iyo aaqiro labada  way ku anfacayaan kana fagow  firaaqadu waa cadawga nolosha iyo waqtigaga ba e.
"geeri lama huraayee
Godka maalintaan galo
Garbihii adduunyadu
Maalintay i gooyaan
Allow guri jannaad iyo
iiga yeel gal raaxa leh."🤲


muuji Galab wanaagsan idin la ahaantiinba .🥰
Baadida nin baa jira  kula daydayayoo  daalna kaa badane, oo aan doonayn in aad hesho daayin abidkiiye.

Qamaan Bulxan.
Seeska Horumarku waa joogtaynta .

Hadafka waa laga siman yahay lakiin fulinta ayaa lagu kala duwanyahay.

Qofkas taaba hadaf ayuu ka leeyahay nolosha lakiin tiro yar ayaa ku guulaysta hadafyada ay lahaayeen halka tiro kalana ay ku fashilmaan.

Sabab tuna waa adiga oo aan joogtayn Qaabkii aad ku gaadhi lahayd hadafkaaga  joogtee wixii aad ku gaadhi  lahayd hadafkaaga.
Subax wanaagsan.


Rajo.

Suurayso nolosha aan nool nahay oo ay ka marantahay qaybta rajadu.

Nimcooyinka eebbe ku galladay adoomihiisa waxaa ka mid ah rajada oo ah filasho wax san oo soo aaddan taasoo la xiriirta doonista qofka.

Qofba waxbuu rajaynayaa, qof baa rajaynayaa inuu shaqo helo, guursado, aabo/hooyo noqdo qalin jebiyo, la doorto, guri dhisto , ganacsi samaysto, dhoofo, dallaco, iyo guud ahaan in muslimiintu ugu dammayn ay alle janno ka helaan.

Cid kastaaba waa rajo ku nool oo xataa dadka guulaystay waxay leeyihiin waxyaabo kale oo ay weli rajaynayaan.

Rajadu waa dhiirigeliyaha ugu awoodda badan ee qofka u suurta gelisa inuu inuu ku socdo xaqiijinta yoolashiisa, waxad arkaysaa qofku xataa hadduu ku fashilmo qorshe uu ka shaqaynayay wuxu markaba u weecinayaa rajadiisa qorshe kale, wuxu isku leeyahay hawshaasu waa ku qabsoomi wayday lakiin taa kale ayay macquula inay qabsoonto.

Ninka sannadka dallici waaya wuxu rajaynayaa sannadka dane, qorsha kasta oo kale waa la mid.

Cidda quusata ama raja dhigtaa waa cid ay ka dantay laam badii iftiinka nolosha ilaahay inaguma keenee.
Khuraafaadka TUFAAGA iyo xarumaha "Cilaajka"

Sida ay sheegaan Kaahinnada kaniisadaha Kristaanka iyo Yahuudda marka ay tilmaamayaan calaamadaha lagu garto in uu kugu dhex jiro JIN waxaa ka mid ah:

1- Calool xanuun soo noq-noqda
2- Madax xanuun, Goonjab
3-Dhabar xanuun siiba lafta dheer “Lafdhabarta”
4-RUUXA OO NACA BAYBALKA iyo wax kasta oo muqaddas ah diinta masiixiyada
5- Hurdo yaraan iyo qarow badan
6- Riyooyin argagax leh hurdada dhexdeeda habeen iyo maalin.
7- Xanaaq iyo cadho joogta ah
8- Inuu maqlo codad/dhawaaq magaciisa loogu yeerayo.
9- Jirka oo dubaaxiya, ama kabuubyooda sidii in irbado lagu mudmudayo.
10- Habeenkii inuu ilkaha isku xoqo kuwa sare iyo kuwa hoose, Sidoo kale inuu dareemo qabow iyo dhaxan.
Intaas aan ku joojiyo calaamadaha uu sheegay KAAHINKA Orthodox-ka ah ee LUBNAANIGA

(Isla intan oo kale ayay sheegaan wadaaddada tufka ee furtay xarumaha CILAAJKA. Khuraafaadkaas diinteennu shaqo kuma laha ee bulshooy sidaa u ogaada.)

Waxaan ka soo guuriyay Kaahinka masiixiga ee caanka ah ee la yiraahdo: “Father Elias Rahal” wuxuuna u sheegay xertiisa inay akhristaan xirsi-xidhkan.
““بقوّة اسم يسوع المسيح وصليبه ودمه الثمين دمّر اللهمّ كلّ سحر وكلّ شعوذة وكلّ روح شرّير موجود في هذا الطعام وهذا الشراب”.
Subax wanaagsan|

Intii Alle Wafajiyey Salaadda Subax Alle Haka Aqbalo,intii aan Alle wafajina Eebbe Hasoo Hanuuniyo,
Salaad Subax Waa Saladah Ugu Ajarka badan Shanta Salaadod,

ALLE haynga Aqbalo Acmaasheena,wanaags'n
Ixtiraamku/xushmaddu; waa hab-dhaqan dabacsan oo aad u wanaagsan. Waa asluub hagaagsan oo aadanaha dhan ku jecleysiineysa. Waa sifo qurux badan oo Alle SWT raalli ka yahay.

Qaar kamid ah calaamadaha/astaamaha lagu garto dadka qalbiyada wanaagsan :-

1. In badan ayay kuu cudur-daarayaan
2. Aad ayay u cafis badan yihiin
3. Markasta dhanka wanaagsan ayay wax ka eegaan.

4. Xumaanta iyo qaladaadka yaryar wey iska maahiyaan
5. Ma dacwo iyo eedeyn badna
6. La sheekeysigooda aad ayaad ugu farxeysaa

7. Dhoola-cadeyn iyo farxad ayay kugu qaabilayaan
8. Dadka oo dhan ayaa wada jecel
9. Inta badan sahal kuma carodaan
10. Saaxiibtimadoodu waa dhab

Allow qalbiyada inoo wanaaji.