Midabkaabegraphics
3.41K subscribers
35 photos
2 videos
64 files
102 links
Halkaan waxaad ka heleysaa Casharada Graphic Designka,Video Editing iyo wax waliba oo ku saabsan Multimedia
Download Telegram
Asc Engrs Waxaan rajeynaa Inaad Wangsantihiin.. Salaam kedib Waxaa isbuucaan Ku Jirney Qaban qaabada Seminaarkan Cinwaankiisu Yahay "How to Start Your Graphic Design Journey"
Waa Seminaar Free ah oo aan uga talagalney inaan uga faa,ideyno Dhalinta Raadineysa Qaabkii ay ku bilaabi laheeyn Xirfadooda Naqshadeynta(Graphic Design) Ango ka fiirin Doono Meelo Badan Haddu Alle Idmo..
Siminaarku wuxu Inoo Qabsoomi Doonaa I.a. Habeenka Jimcaha Taariikhduna ay ku aadantahay 12-27-2024, Waana Qaab Fogaan Arag ah (Online)
Siminaarku Shahaado Ayuu Wataa Qofkii Ubaahan uu Dalban Karo
Haddi aad daneyneyso kusoo Biir WhatsApp Groupkan Hoose Mahadsanid
https://chat.whatsapp.com/DrNk9wd3iQT931tU83yzz3
πŸ‘1
Haddii aad rabto in aad si fudud u barato graphic design, halkan waxaa ku qoran dhowr talooyin:

1. Ka Bilow Fikradaha aasaasiga ah
Baro software-yada ugu caansan sida Adobe Photoshop, Illustrator, iyo InDesign. Haddii aad rabto inaad ku bilowdo lacag la'aan, isticmaal Canva ama GIMP.
Barashada aasaaska naqshadaynta: Ka bogo fikradaha aasaasiga ah sida color theory, typography, layout, iyo composition. Waxay kaa caawin doonaan inaad fahanto sida loo habeeyo naqshado wanaagsan.
2. Qaado Koorsooyinka iyo Casharrada Online-ka
Waxaa jira koorsooyin badan oo bilaash ah iyo kuwa lacag ah. Udemy, Coursera, iyo LinkedIn Learning ayaa bixiya casharro kala duwan oo ku saabsan graphic design. Iyo Sidoo kale Kuwa Ku baxa Afka somaliga Sida Xirfadeeye.com dugsiiye.com
YouTube waa ilo wanaagsan oo loogu talagalay dadka doonaya inay bartaan si toos ah. Waxa jira kanaalo badan oo bixiya casharro bilaash ah oo ka hadlaya software-ka iyo farsamooyinka naqshadeynta. Sida kanaalkeena Midabkaabe Graphics Iyo kuwo kale
3. Ka Shaqee Mashaariic Tijaabo ah
Bilow inaad naqshadeyso mashaariic adiga kuu gaar ah, sida , boodhadhka xayeysiiska, ama Designs loogu talagalay Social Media. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad isticmaasho fikradaha aad baratay.
Ku biir bulshooyinka online-ka ah sida Behance iyo Dribbble si aad u hesho dhiirigelin iyo talooyin.
4. Fahmida Xeerarka Design-ka
Baro principles of design sida contrast, balance, alignment, proximity, iyo repetition. Xeerarkaan waxay kuu fududeyn doonaan inaad sameyso naqshado muuqaal ahaan isku dheeli tiran oo fudud.
5. Fikradaha iyo Ka Shaqaynta Naqshadaha Hore
Eeg naqshado wanaagsan oo horey loo sameeyay si aad u fahanto waxa shaqeynaya iyo waxa aan shaqeynayn. Waxaad ka heli kartaa fikrado ku saabsan bogagga sida Pinterest ama Design Inspiration.
6. Si joogto ah u Tijaabi oo u Hagaaji
Marka aad barato farsamooyinka aasaasiga ah, si joogto ah u tijaabi naqshadahaaga. Naqshadeyntu waa farsamo ku saabsan tijaabo iyo khaladaad, dib u eeg naqshadahaaga si aad u hagaajiso.
7. Raadso Feedback
Weydii fikradaha dadka kale oo gaar ahaan xirfadlayaasha ku saabsan shaqadaada. Tani waxay kaa caawin kartaa inaad ogaato meelaha aad ka fiicnaan karto.
8. Abuur Meel Aad Ku Kordhiso Farsamooyinkaaga
Ka qayb qaado tartamo naqshadeynta ama bilow inaad naqshadayso waxyaabo cusub sida boodhadh, kaararka ganacsiga, ama Designs loogu Social media-yaha.
. Iska ilaali inaad is dhibto, xitaa haddii ay jiraan caqabado; inta aad sii wado, waxaad noqon doontaa naqshadeeye xirfad leh!
❀5πŸ‘3
Waxaan kusoo biirney Youtubeka fadlan nagusoo Booqo oo kala soco wixii updates ku saabsan koorsooyinka bilaash ka ah ee ku jira Madasha xirfadeeye https://www.youtube.com/@Xirfadeeye
πŸ‘1
Ramadan kareem!
Dhamaan Umadda Muslimka ah Meel kasto Aad joogtaan ramadan wanaagsan
Allaha na waafijiyo Kheyrka Bisha barakeysan si wanaagsan rabbi hanogu dhameeyo Amiin
πŸ‘7❀3
Eid POSTER RESOURCES.zip
31.4 MB
πŸ‘10❀4πŸ‘1
πŸ“’ Seminar Bilaash ah

Understanding Multimedia Software Collaboration: A Complete Workflow Guide

Waxaad baran doontaa:
βœ… Hagid ku saabsan Sida uu Qofka uu baran karo multimedia
βœ… Sida software-yada Multimedia u wada shaqeeyaan
βœ… Fursadaha multimedia iyo Sida uu Qofka ugu shaqaysan karo

Ha moogaan! Fursaddan qaali ah.

⏰Taariikhda: 10 April
πŸ“ Goobta: Kobciye Skills
🏷Qiimaha: Bilaash!

Ku soo biir Whatsapp group kan πŸ‘‡

https://chat.whatsapp.com/HYiFozv6UFA3Ektt3n3bY3

#multimedia
#graphics
#editing
#skills
#kobciye
❀7πŸ‘4