Hanti iyo Horumar๐Ÿค‘๐Ÿฅ‡
15.9K subscribers
702 photos
57 videos
50 files
54 links
Halkaan Waxaad Ka Heleysaa cilmi nafsiga , Cilmi-nafsiga iyo horumarinta nafta.

Sido Kale Waxeynu Bixina Laba course oo Free Ah Hadii Aad Rabtid igala soo Xariir :

@Mrxoosh
โ•ญโ”€โ•โ”…๐ŸŒทโ”…โ”…๐ŸŒทโ”…โ”…โ•โ”€โ•ฎ
https://t.me/cilminafsi
โ•ฐโ”€โ•โ”…๐ŸŒทโ”…โ”…๐ŸŒทโ”…โ”…โ•โ”€
Download Telegram
Hadaad noqon waydo qofka ugu wanaagsan aduunka ha noqon qofka ugu xun!.
#pysology test

Kabtan 2 midab bay ka koobantahy laakiin dadku waxay u arki doonaan 4 midab oo kala duwan oo waliba labo labo isku raacaya.

Tusaale ma Waxaad aragtaa pink khafiifa iyo cadaan mise Waxaad aragtaa sibidhi iyo akhtar jabis.



Nala wadaag waxa kuu muuqda si aan kuugu sheego aragtida ku duugan.
Hanti iyo Horumar๐Ÿค‘๐Ÿฅ‡
#pysology test Kabtan 2 midab bay ka koobantahy laakiin dadku waxay u arki doonaan 4 midab oo kala duwan oo waliba labo labo isku raacaya. Tusaale ma Waxaad aragtaa pink khafiifa iyo cadaan mise Waxaad aragtaa sibidhi iyo akhtar jabis. Nala wadaag waxaโ€ฆ
Hadii aad kabtan u aragtay sibidhi iyo akhtar jabis khafiifa ah maskaxdaada qaybta bidix ayaa ka wayn qaybta midig , waxaanad tahay qof xikmad leh .

Hadii aad basali Ama pink iyo cadaan aragto maskaxdaada qaybta midig ayaa ka wayn qaybta bidix waxaana la sheegaa inay dadkaasi khayaali ku nool.
ุงู„ู‚ุฑุขู† ุงู„ูƒุฑูŠู…
ุงู„ู‚ุงุฑุฆ: ุณุนุฏ ุงู„ุบุงู…ุฏูŠ
- ๏ดฟูˆูŽูƒูŽุฐูŽูฐู„ููƒูŽ ุฌูŽุนูŽู„ู’ู†ูŽุงูƒูู…ู’ ุฃูู…ู‘ูŽุฉู‹ ูˆูŽุณูŽุทู‹ุง๏ดพ .
- ุณูˆุฑุฉ: ุงู„ุจู‚ุฑุฉ .
Dhalinyaro guushu waa sida adigoo soo galay keyn madoow ,taasoo aan leheyn wax wado ah oo la qaado .
Haddii ay Keyntaas ay ahaato wado ama dariiq ,waa jid uu Qof kale jeexday .
Haddii aad raacdidna Qof kale wadadiis ,waligaa ogaan meysid Awood aad leedahay .

Waxaa lagaa rabaa inaad jeexdid wado cusub ,oo ay ummadaadu ku guuleystaan .
Ha raacin oo haku dayan wax ay sameeyeeen dadkii hore ,wax ka baro ka dib ka wanaagsanoow .
@mrxoosh
* Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye

* Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e

* Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e

* Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu

* Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e

* Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray

* Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene

* Umaddaan shabaabkeedu hanan waa ayaan xuma e

* Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye

* Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane

* Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye

* Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye

* Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane

* Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye

* Ayaantii ku dhaaftaana waa waxaan la eegayne

* Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane

Alleh ha u naxariisto abwankii tiriyey gabaygan wuxuu inooga tahay xikmado cajiiba io meertada nolosha mar dhinacay marayso laga soo bilaabo nabi  aadan cs ilaa maanta โ—๏ธ


Maxaad ka baratay gabaygan โ“
Gaadhi Ambulance ๐Ÿš‘ ah ayaa waxa xaga dambe kaga qornaa

ูƒูŠู ุชู‚ุงุจู„ ุฑุจูƒ ูˆุฃู†ุช ู„ุง ุชุตู„ูŠุŒ
Sideed rabigaa ku hor istaageysaa Hadhow adiga oo aan tukan

Xadiis saxiixa ayaa ahaa *"Hadii ay salaadaadu hagaagto camal kaaga kale oo dhan wey hagaagayaan".

Hadda jaanis ayaad heysataa wakhtigaaga ka faa'ideyso

Tuko intaan lagugu Tukan.
ูŠูˆู… ู„ุง ูŠู†ูุน ู…ุงู„ ูˆู„ุง ุจู†ูˆู† ____
ูˆููŠ ูŠูˆู… ูƒุงู† ู…ู‚ุฏุงุฑู‡ ุฎู…ุณูŠู† ุงู„ู ุณู†ู‡ _
ูŠูˆู… ู„ุง ูŠุฌุฒูŠ ูˆุงู„ุฏ ุนู† ูˆู„ุฏู‡__
ูŠูˆู… ุชุจูŠุถ ูˆุฌูˆู‡ ูˆุชุณูˆุฏ ูˆุฌูˆู‡____
ูŠูˆู… ูŠู‚ูˆู… ุงู„ู†ุงุณ ู„ุฑุจ ุงู„ุนุงู„ู…ูŠู† ____
ูŠูˆู… ุงู„ุตุงุฎุฉ___

Maalinta qiyaame ilaa intee baa la taagnaanayaa?
50,000 oo sanno .
Bal qaiyaas maaha sanad, maaha bil, maaha isbuuc(week) , maaha maalin, maaha saacad ee waa 50 kun oo sano.
Bal qiyaas adigoo taagan adigoo dhididaya adigoo saf dheer ku jira oo u taagan in lagu xukumo .

_Maxaad u tukan wayday? Maxaad Alle danbi dhaaf u waydiisan wayday? Maxaad masaakiinta u caawin wayday?
~~Waan mashquulsanahay ! Maxaad ku mashquulsantahay, waxaan daawadaa ciyaaro , shaqo ayaan leeyahay.
Waa run haa waa run tani waa dhibta ina haysata waa jawaabta ay bixiyaan badh kamida ibnu Aadam.

Tan way dhamaanaysaa waana laga tagayaa aynu u shaqaysano maalinta la qatanyahay.
Marka ay tagitaanku ay lama huraan noqoto .
Saxiib isku day inaad ka tagto ubax inta aad ka Tagi leheyd dhaawac .
Karaamee saxiib oo dhaawac ka ilaali Qalbigii maalin ahaa Hoygaaga (gurigaaga ).

@mrxoosh
Cilmi nafsi dhanka jacaylka ah##

~ waxaa la sheegaa dadka Aamusan een bulshada soo Dhex galin inay yihiin dadka xidhiidhka jacayl ku wanaagsan.

~hadii aad habeenkii aad u fikirto hurdada ka hor waliba aadan aqoon fikirkaagu wuxuu ku salaysanyahay waxaa la sheegaa inuu jiro qof kaa fikiraya adiga oo aan garanayn(kasayn) qofkaas.

~ daraasad cilmi nafsi oo la sameeyay ayaa Iyadna sheegta in gabadha aan ku jeclayn ay cod dheer kugula hadasho.

~Qof hadii uu maskaxdaada ku jiro sannado dhan Eed dadka uga sheekayso Markasta ogoow waa qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay.

~ka ugu wareerka badan ayaa ah Inaad qof riyo ku aragto waxaana loo badiyaa jacayl run ah Inaad jeceshahay qofkaas.
Mar dhow waxaan ka baqi in Dowlada soomalia inta ay ka yaabto dhalinyarada dalka ka socota in ay soo saarto xeer ah wax dhalinyaro ah Dalka kama Bixi karaan.

@mrxoosh
Dowlada ma caawin karto Qof kasa oo inaga mid ah ,lakiin dhalinyaro qof kasta oo naga mid ah wuxuu caawin karaaa hal Qof .

@mrxoosh
Maalgashi aad ku sameysid naftaada ,waa maalgashiga ugu waxtarka badan ee uu abid qof sameeyo .
Kaliya ma hormarin doono naftaada ,sidoo kale wuxuu hormarin doonaa waxa yaabaha kugu hareereysan oo Dhan ๐Ÿ˜š

@mrxoosh
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Podcast ma dhageysataa ?
Anonymous Poll
67%
Haa
38%
May
#xikmada maanta



Noloshu haday ku tusto kun xumaan
Adiguna hal wanaag uun tus.
Akhri ,akhri ,waligaa wax akhriska ha joojin ,xitaa haddii aad awoodi weeydid inaad wax akhriso Qor ๐Ÿ—’๐Ÿ–Œ๐Ÿ“–๐Ÿ“š.


@mrxoosh
#Qiso


Waxaa jirtay inan (Gabar) muslimad ah laakiin salaada ayaa aad ugu cuslayd oo may tukan jirin , habeen habeenada kamid ah ayay ku riyootay In ay dhimanayso dhawaan oo Ajasheedii soo dhawdahay kadib waalidkeed iyo asxaabteedii ayay la wadaagtay waxay ku idhaahdeen Waa riyo uun ee waxba hadaba galin .
Maalmo kadib ayay sidii si lamid ah ku riyootay isla riyadii Qoyskeedii markay la wadaagtay jawaabtii jawaab lamid ah ayay siiyeen
Waxay saa Ahaataba habeen kale ayay ku riyootay in Hal todobaad(week) u hadhay oo ay dhimanayso warwar iyo walaac mid toona kumay haynba nolosheeda ayay iska wadatay , markii la gaadhay maalintii ay ku riyootay Iyadoo joogta goobteedii waxbarasho ayuu madaxu yar xanuunay gurigii ayay toos u tagtay oo ay yar jiifsatay wakhti yar kadib waa mayd Way ka baxday ooy dhimatay .
Qoyskii iyo asxaabtii aad bay uga xumaadeen sida ay ugu dhiiri galin jireen inay riyo malaawaal ah tahay uun, markii la geeyay godkii xabaasha waxaa laga saari kar waayay masas Badan oo diyaar u ah inay cunaan.


Alaah bal Ila eega imisa fursadood ayaa la siiyay si ay u tawbad keento ,imisa jeer baa riyo wax loogu sheegay si ay isku garato ooy u fahanto halka laga haysto .


Allow Geeridayada iyo gafkayaga ha kulmin .
Intee in leg baad raadinaysaa qof kula dareena kula fahan ah si aad isku dhamaystirtaan mise wali waxaad ku jirtaa jidkii raadinta๐Ÿ˜’

Jidku qodax idiinma yeesho safar dheer Baan ku jirnaaye๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜ข๐Ÿƒโ€โ™‚
Sheeko Xigmad Leh: Ninkii iyo Sadexdiisa Wiil
Waxaa jirtay waqti fog nin oday ah oo lahaa saddex wiil oo xoog iyo xoolo haystay, laakiin kala duduwan caqliga iyo dabeecadaha. Odaygu wuxuu doonayay inuu wiilashiisa siiyo talo xigmad leh oo ay ku qaataan nolosha si ay ugu noolaadaan si wanaagsan.

Odaygii ayaa maalin maalmaha ka mid ah wuxuu u yeeray saddexdiisii wiil, wuxuuna mid walba siiyay hal xabbad oo qori ah. Wuxuu ku yiri, "Wiilashayoow, jabsha xabbadan qoryaha ah." Wiilashii waxay ku fiirsadeen xabbadihii oo mid walba si sahlan ayuu u jabiyay.

Kadib, odaygii wuxuu ka soo saaray dambiil weyn oo uu ku shubay xabbado badan oo qoryo ah oo isku laaban. Wuxuu ku yiri, "Hadda isku daya inaad jabtaan qoryahan oo dhan iyagoo wada jira." Wiilashii waxay isku dayeen inay jabaan qoryaha laakiin kama aysan maarmin inay mid ka mid ah jabaan marka ay isku laabanyihiin.

Odaygii wuxuu yiri, "Wiilashayoow, waxaad ka barateen arintan laba cashar oo muhiim ah. Marka aad kaligiin tihiin, waxaad u nugushihiin inaad jabantaan oo aad daciif tihiin. Laakiin marka aad midowdaan oo aad wada shaqaysaan, cidina idiin jabin karto. Wuxuu idiin noqonayaa mid adag in laga adkaado."

Wiilashii waxay ka barteen muhiimadda wada shaqeynta iyo isku duubnida. Waxay ogaadeen in haddii ay midba midka kale taageeraan oo ay wada shaqeeyaan, ay noqon karaan kuwo awood badan oo adag.

Xigmadda Sheekada
Sheekadani waxay xambaarsan tahay xigmad qoto dheer oo ah in midnimada iyo wada shaqeynta ay yihiin furaha guusha iyo xoogga. Marka dadka ay mideeyaan dadaalkooda oo ay is taageeraan, way adkaaneysaa in laga adkaado. Tani waa cashar muhiim ah oo qof kasta ku anfici kara nolosha maalmeedka, shaqada, iyo xiriirka bulshada.


@mrxoosh