CADOW TEACH
3.29K subscribers
585 photos
156 videos
7 files
387 links
HALKAAN WAXAAD KA HA
ELEYSAA WAX WALBA OO EDITING IYO GRAPHIC DESIGN KUSAABSAN FADLAN NAGU SOO BIIR MAHADSANID
Download Telegram
👏4
Ma dooneysaa in aad noqoto Garaphic Designer ( Naqshadeeye ) ?

Koorsadaan waa Taadi.

Waxaa bilaabanaya Diwaan galinta Fasal Cusub Kaasoo lugu baranaayo  Xirfada Graphic Design ka.

Adiga oo isticmaalaya Mobile kaaga ayaad sameyn kartaa Naqshad walba sida:-

1) Sameynta Logo
2) Sameynta Cv
3) Sameynta Id Card
4) Sameynta Invitation
5) Sameynta Shahaado
6) Sameynta Boorarka Xayesiinta ah.
7) SAMEYNTA BOORARKA GANACSIGA IWM

Iyo kuwakale oo Badan

Qiimaha Koorsadaan waa $5
Ka Faideyso Qiimo dhimis tii ugu Ugu Weyneed ee Aan Sameyney Weye

10arday ee ugu horeysa waxay helayaan Qiimo dhimis.

Si aad isu diwaan galiso Fadlan la xiriir Qaybta what's app ka +252617376335

Micnaha graphic design oo faahsan:Matahay qof xiiseeynaaya inu barto xirfadda Graphic Design maqaalkaan waxa uu kaa caawin doonaa inaad qaaddo tillaabooyinka ugu horreeya xagga xirfadda naqshadeynta.

Waa Maxay Graphic Design?

Graphic Design waa inaad abuurto muuqaal ama sawir adigoo ku muujinaaya qaab farashaxan qurux badan oo u yeelaya sumad kaa caawin karta inaad gaarsiiso fariintaada dad badan, Naqshadaynta (Graphic Design) waa waxa kaga muuqaanaaya meel kasta oo aad eegto xiligaan da’da dhijitaalka aan ku jirno – laga bilaabo Logoyin-ka, boorarka xayeysiiska ilaa bakadaha cuntada ilaa apps-ka mobilada. iyadoo la isku daraayo walxo iyo mabaadi’o kala duwan oo lagasoo saaray frashaxan qurux badan muuqda oo naqshad ahaan saameyn ku yeelan kara aragtida dadka iyo shucuurtooda.
Sidee loo noqdaa Graphic Designer (Naqshadeeye)

Naqshadeeyayaasha waxeey fariintooda ku muujiyaan qaab visual ah. Iyagoo isku daraaya erayo, sawiro, iyo farshaxan-ka qurxoon, waxayna ka qayb qaataan in loo gudbiyo macluumaadka macaamiisha iyo dhamaan dadka, Naqshadeeyayaasha  (Graphic Designers-ka) waxay isticmaalaan walxaha naqshadeynta, sida shapes, colors, lines, and textures, si ay u soo saaraan natiijooyin kala duwan, waxay abuuraan wax kasta laga bilaabo Astaanta Ganacgsiga (Logos), boorar-ka iyo baakadaha alaabta. 

Naqshadeeynta waxay kaloo qayb muhiim ah ka qaadataa suuqgeynta iyo dadaalka xayaysiinta ee Ganacsi kasta Naqshadaynta waxaa ubaahan oo aan ka maarmin shirkad kasta. Naqshadeeyayaasha waxay dhisaan oo sameeyaan naqshado kuwasoo soo jiidasho leh oo taageera fariinta Ganacsiga saameeyn xoogana ku yeelata dareenka macaamiisha.
4=Tilaaboo oo kaa caawin Karta Sidaad u Noqan laheeyd Naqshadeeye heersarre ah:

1. Baro Aasaaska Naqshadeynta (Graphic Design Principles).

Hadaba si aad u noqoto naqshadeeye heer sare ah, marka hore waxaad u baahan tahay inaad faham fiican ka hesho Aasaaska Iyo mabaadi’da naqshadaynta (Graphic Design Principles). Naqshad kasta oo farshaxan qurxoon leh ayaa ah mid si taxadar leh loo sameeyay ayado laga raacaayo Aasaaska iyo mabaadi’da naqshadaynta, waxa loo baahanyahay qorshayn badan iyo khibrad si loo dabaqo aragtida naqshadaynta iyo mabaadi’da, ayado lasoo saarayo Naqshad farshaxan qurxoon ka muuqdo iyo hal-abuurnimo.
2. Qaado koorso Graphic Design ah.

qaadashada koorsooyinka naqshadaynta waxeey ku fududeyn kartaa inaad si fudud ku fahamto Xirfada Naqshadaynta oo aad ku barato waqti yar oo kooban, waxayna kaa caawin karaan inaad si fudud ku dhisto xirfadahaaga adigoo adeegsanaaya ka shaqeynta mashaariicda gooni ah oo aad ku qaadaneyso Koorsada.

Waxaa xusid mudan in aad koorsooyin badan oo online aad heli karto oo ku saabsan Naqshadaynta aad ka heli karto Cadow teach, meshaas ayaadna ka baran kartaa aasaaska naqshadaynta ilaa iyo inaad heer fiican ka gaarto, koorsooyin bilaaw ilaa heersare ah ayaad ka heli kartaa cadow teach .
3.Horumari Xirfadaada Naqshadaynta.

Ka dib markii aad soo qaadato koorsooyin kobcinaaya aqoontaada Naqshadeeynta oo aad waxabdan kasoo fahamtay xirfadaan iyo Softwares-ka lagu shaqeeyana aad faham fiican kasoo hesho casharo badana kasoo qaadato, markaan waa waqtigii aad ku tababaran lahayd, sida ugu fudud ee aad ugu kobcin karto xirfadahaaga iyo aqoonta softwares-ka naqshadaynta waa in aad ka shaqeyso mashaariic badan oo adiga kuu gaar ah kuwaas aad ku practice gareyn karto xirfadaada naqshadaynta. 
👍32
Si aad u bilawdo waxaad qaadan kartaa naqshado horay ujiray oo aad isku dayi karto inaad dib u abuurto ama naqshad cusub kasoo saari karto, tani waa hab fiican oo kuu suurtagalin kara inaad kor uqaado xirfadaada Naqshadaynta heer fiicana ka gaarto
4. Muuji Kartida Aqoontada Naqshadeynta.

Inaad sameeysato Portfolio xooggan ayaa muhiim u ah naqshadeeye kasta. Portfolio-gaaga waxaa ku jiri kara oo aad ku darsan kartaa mashruucyo aad koorsoyinkii aad soo dhameysay kusoo sameeysay, iyo sidoo kale mashruucyo shaqsi ama shaqo aad la qabatay macaamiil ama asxaab ku dhaw intaad ku jirtay barashada xirfadaan.

Waxaad xooga saartaa tayada marka loo eego dhanka tirada mashaariicda, Portfolio-gaaga waa waxa ugu horreysa ee macaamiishu ay ka fiirin doonaan xirfadaada, markaa dooro oo kusoo bandhig Portfolio-gaaga shaqo muujinaysa heerkaaga sarre ee xirfadahaaga naqshadaynta
Gunaanad  Waa inaad qaada dhowrkaan tallaabo oo muhiim ka ah si aad u barato xirfadda naqshadeynta: baro mabaadi'da naqshadeynta, Qaado koorsoyin naqshadeynta, ku celceli isticmaalka Softwares-ka naqshadeynta, ku shaqo gal oo dhaqangali waxad baratay oo dhis Portfolio-gaaga naqshadeynta (Graphic Design). Waxaan rajaynaa maqaalkaan inu ku noqdo mid faham fiican oo kooban kasiiya sidaas ubaran laheeyd oo u noqon laheeyd Naqshadeeye (Graphic Designer) uguna shaqeeysan laheey, lawadaag Asxaabtaada oo share udheh. Mahadsanid

Freelance Graphic Design Learn Skills Xirfad Baro
👍3
Hurdaayow diiwaangalinta wey socotaa aradayda aan qaadaneyno wey kooban yihiin yaan lagaa buuxin wey xirmeysaa 24 saac soo socoto
Muuqaalkaan 1:00 youtube ka indhaha ku heeya hana la dhameysto fursado ku dhexjiraane guuleysta jaala yaal
Muuqaalka wuu soo dhacay linkiga hoose ka daawa
Hadaad computer aad heysato aadna xirfada video editing ka taqaano jaaniskaan shaqo ka faa,ideyso
War xirfad barta markaan idin dhahaayo waa sidaan jaanisyo kale ayaa soo baxi karo jiifka halaga kaco xirfado hala barto 0617376335
👍5
Diiwaangalinta wey socotaa 7 qof basaa dhiman war yaan lagaa buuxin muddada sanadkaan ka dhiman xirfad baro walibo adigoo mobilkaaga ku baranayo sidokalana kaliya diiwaangalin iska bixineyso wax bil ah lagaama rabo waa free number ka what's appka waa kan 0617376335
👍2
Waxaan qiimo dhimis weyn ku sameyay course ka graphic design in laga gaarayo 6:00 in a cidii rabto inay ka faa,ideysto WhatsApp number kaan igala soo xariir 61 7376335
Ugu dambeyn waxaa soo xirantay diiwaangalinta dufcadii labaad ee graphic design caawana cashirkii koowaad ee safarka xirfada graphic design ka ayaa u bilaabmeysa Mar waliba waxaa guuleysta kuwa guusha raadiya dadka qaar jaanisyada dhaafayo ma dareemayan waxay ka shalaay doonaan markay 2025 ay arkaan ardaydaan marka aan wax qabad kooda aan soo dhigo waa idin salaamay daawada yaasha aan bartooda ka dhaqaaqeyn
Idinkay idin tala faciina hurdada waa ka kacay cashirka koowaad jaa la qaatay in.a haddaan nool nahay 45 maalin kadib waxaan soo saari doona arday xirfad leh idinkana waad arki doontaan marqaatiyaal
👏6
Saaxibayaal muuqaalkan like 👍 tiisa 100 gaarsiiya kasoo gar baxa muqaal kaloo xiiso leh ayaan idin soo wadaaye
👍1
Muuqaal muhiim idin ah dhalinyaro linkiga hoose kasoo daawada like na saara
Muuqaalkaan waxyar kadib youtube ka indhaha ku heeya
👍3