Barta kulmis
1.6K subscribers
47 photos
33 videos
10 files
138 links
Subax hore matoostaa
Suuradaha quraankiyo
Salaadaha madhowrtaa?
Mise waadba seegtoo
Sahwi baad kusugantahy?
Alle hakuu siyaadshee
Camal kaaga suubani
Waa sahayda aakhiro
Download Telegram
Kamid noqo dadka beri sooma hadaadan awoodina dadka kale gaarsii.

https://t.me/sayid220
โค2๐Ÿ”ฅ1
๐ŸŒธIntaadan Seexan.

๐ŸŒทWeesaqaado
๐ŸŒทLaba Rakca Tuko Witrina Raaci
๐ŸŒทSuratul Mulki Aqriso Cadaabta Qabrigee ka Ilaalini
๐ŸŒทNicamtuu Alle Ku siiye Xasuuso Kuna shukri
๐ŸŒทTelefanka Saacada Ku xiro Sii aad Waqti Hore usoo Kacdo Ood utukato
๐ŸŒทKadibna Dhinacaaga Midig Useexo Adigoo Danbidhaaf Weydiisanayo Alle.
๐Ÿ‘3
ุฃุฐูƒุงุฑ ุงู„ุตุจุงุญ ูŠุง ุฑุงุบุจูŠู† ุงู„ุฌู†ุฉ๐Ÿƒ๐ŸŒง.
Ilaahay Baa Mahad iska Leh Noo idmay Maalin Cusub Inaan Ku Waabaraysanno Si Aan U caabudno Ugu Shukrinno Ugu Towbad Kenno.

Ku Bilaaw Maalintaada Wardigaaga Qur'aanka Iyo Adkaartaada.๐ŸŒท

ุฃุณุนุฏ ุงู„ู„ู‡ ุตุจุงุญูƒู… ุจูƒู… ุฎูŠุฑ
๐Ÿ‘1
ุตู„ุงุฉ ุงู„ุถุญูŠ
Xasuuso
ุฃู„ุง ุจุฐูƒุฑ ุงู„ู„ู‡ ุชุทู…ุฆู† ุงู„ู‚ู„ูˆุจ , ูˆุชุญุท ุงู„ุฐู†ูˆุจ , ูˆุจู‡ ูŠุฑุถู‰ ุนู„ุงู… ุงู„ุบูŠูˆุจ , ูˆุจู‡ ุชูุฑุฌ ุงู„ูƒุฑูˆุจ

"Allaah xuskiisa qalbigaa ku dega, dambiguuna ku dhaafaa, Rabbiga waxa qarsoon ogna waa ku raalli noqdaa, dhibaataduna waa ku yaraataa."
Kelmadaan xikmad badan ayay xambaarsan tahay, oo ina xasuusinaysa qiimaha xuska Ilaahay. Sida Qurโ€™aanka lagu yiri:
โ€œKuwa rumeeyey, qalbigooduna Ilaahay xuskiisu ku degay, bal ogow, Ilaahay xuskiisa ayay qalbiyadu ku degaan.โ€ [Ar-Racd: 28].
Ilaahay ha inaga dhigo kuwa had iyo jeer xusa oo dambigooda loo dhaafo, dhibkoodana laga dulqaado.
โค5
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Waa sidaa u ogaan qaadato noloshu....
โค6๐Ÿ‘4
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
โค5๐Ÿ‘3
โ˜€ Xadiithka maanta โ˜€

{ Fadliga Bisha Shacbaan (3) }

Nabiga (SCW) wuxuu yiri:

"Allaah wuxuu fiiriyaa khalqigiisa habeenka dhexe(kala barka shacabaan) 15 bisha Shacbaan, wuxuuna u dhaafaa dhammaan khalqigiisa marka laga reebo mushrik (kuwo la wadaajinaya Allah) ama qof xumaan iyo cadaawad kala dhexayso walaalkiis Muslimka ah.
Al-Mushaaxin = Waa qofka colaadda iyo nacaybka u haya walaalkiis Muslimka ah.

Sharaxa Xadiithka:

Xadiithkan wuxuu xusayaa mid ka mid ah fadliga bisha Shacbaan, gaar ahaan habeenka dhexe ee Shacbaan (lailatul nisfi min Shaโ€™baan). Habeenkan, Allah SWT wuxuu si gaar ah u eegaa addoomadiisa, wuxuuna u dhaafaa danbigooda, marka laga reebo laba qaybood oo dad ah:

1. Mushrik โ€“ qofka Alle u shariik yeela ama caabuda cid kale oo aan Allah ahayn.

2. Mushaaxin โ€“ qof xumaan iyo cadaawad u haya walaalkiis Muslimka ah, xumaan joogto ah oo qalbigiisa degtay.

Maxaan ka baran karnaa xadiithkan?

โœ… Bisha Shacbaan waa bil barakeysan, gaar ahaan habeenka dhexe, oo Alle SWT cafis bixinaayo.
โœ… Waa in la iska ilaaliyaa shirkiga, maxaa yeelay waa dembiga ugu weyn ee cafiska laga reebay.
โœ… Cadaawada iyo xumaanta waa in laga fogaado, qofkii qalbigiisa nacayb iyo xumaan ka buuxdo, Allah cafiska kama helayo habeenkaas.

Xadiithkan wuxuu na barayaa muhiimada tawxiidka (keliyeelida Allah), is-cafiska iyo walaalnimada Muslimiinta dhexdeeda.

Alle ha inaga dhigo kuwa cafiska Alle hela!
โค4
โ˜€ Xadiithka Subaxnimo โ˜€

{ Fadliga Bisha Shacbaan (4) }

Nabiga (SCW) wuxuu yiri:

"Marka la gaaro bartamaha Shacbaan, ha soominina (illaa Ramadaan)."

Xadiithkan waxaa weriyey Abuu Daawuud, wuxuuna caddeynayaa in Nabigu (SCW) uu mamnuucay soonka kadib marka la gaaro 15-ka bisha Shacbaan, ilaa laga galo bisha Ramadaan.xadiithkan wuxuu khuseeyaa oo kaliya qof aan horey u soomin Shacbaan. Haddii qofku horey uga soomay maalmo ka mid ah bisha Shacbaan, wuu sii wadan karaa soonkiisa.
Waxaa laga soo reebayaa soonka sunaha ah ee la oggol yahay in la soomo xitaa kadib bartamaha Shacbaan, qofkii ow caadi uhaay inay soonto sida:
Soonka maalmaha Isniinta & Khamiista.
ูˆุงู„ู„ู‡ ุงุนู„ู… ุจุงู„ุตูˆุงุจ.
๐Ÿ‘3
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
ู‚ูู„ู’ ู‡ููˆูŽ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุฃูŽุญูŽุฏูŒ
(Suuradda Al-Ikhlaas)
(1) Rasuulow, waxaad tiraahdaa: Alle waa midka la keli ah Ilaahnimada, Rabbinimada, iyo magacyada iyo sifooyinka aysan cidna la wadaagin.

ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุงู„ุตู‘ูŽู…ูŽุฏู
(2) Alle waa kan ay u dhammaystiran tahay sifooyinka sharafta iyo waynanka, kaas oo ay khalqigu ula qasdaan inuu u fuliyo xaajooyinkooda.

ู„ูŽู…ู’ ูŠูŽู„ูุฏู’ ูˆูŽู„ูŽู…ู’ ูŠููˆู„ูŽุฏู’
(3) Alle walad ma laha, waalidna ma laha, xaasna ma laha

ูˆูŽู„ูŽู…ู’ ูŠูŽูƒูู† ู„ู‘ูŽู‡ู ูƒููููˆู‹ุง ุฃูŽุญูŽุฏูŒ
(4) Khalqigiisana kuma jiro cid Isaga la mid ah ama shaabbahda, oo kuma shabbahaan magacyadiisa, sifooyinkiisa, iyo ficilladiisa midna.
๐Ÿ‘1
โ˜€๏ธุญูŽุฏููŠุซู ุงู„ุตู‘ูŽุจูŽุงุญูโ˜€๏ธ

[ ูˆูŽุจูŽุดู‘ูุฑู ูฑู„ู’ู…ูุคู’ู…ูู†ููŠู†ูŽ - 2 ]

ุนูŽู†ู’ ุฃูŽุจููŠ ุจูุฑู’ุฏูŽุฉูŽ ุจู† ุฃูŽุจููŠ ู…ููˆุณูŽู‰ ุงู„ุฃุดุนุฑูŠ ุฑูŽุถููŠูŽ ุงู„ู„ู‡ู ุนูŽู†ู’ู‡ูู…ุง ุฃูŽู†ู‘ูŽ ุงู„ู†ู‘ูŽุจููŠู‘ูŽ ุตูŽู„ู‘ูŽู‰ ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุนูŽู„ูŽูŠู’ู‡ู ูˆูŽุณูŽู„ู‘ูŽู…ูŽ ุจูŽุนูŽุซูŽ ู…ูุนูŽุงุฐู‹ุง ูˆูŽุฃูŽุจูŽุง ู…ููˆุณูŽู‰ ุฅูู„ูŽู‰ ุงู„ู’ูŠูŽู…ูŽู†ู ูู‚ูŽุงู„ูŽ:

( ูŠูŽุณู‘ูุฑูŽุง ูˆูŽู„ุงูŽ ุชูุนูŽุณู‘ูุฑูŽุงุŒ ูˆูŽุจูŽุดู‘ูุฑูŽุง ูˆูŽู„ุงูŽ ุชูู†ูŽูู‘ูุฑูŽุงุŒ ูˆูŽุชูŽุทูŽุงูˆูŽุนูŽุง ูˆูŽู„ุงูŽ ุชูŽุฎู’ุชูŽู„ูููŽุง. )

ุฑูŽูˆูŽุงู‡ู ุงู„ุจูุฎูŽุงุฑูŠู ูˆู…ูุณู„ูู….
โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”
โ˜€ Xadiithka Maanta โ˜€

[ U Bishaaree Muโ€™miniinta - ]

Waxaa laga weriyay Abuu Burda bin Abii Muusaa Al-Ashcari (Alle ha ka raalli noqdee) inuu Nabigu ๏ทบ u diray Mucaad iyo Abuu Muusaa dhanka Yaman, isagoo ku yiri:

"Dadka u fududeeya, hana ku adkaynina; u bishaareeya, hana kala ceyrinina ; wada shaqeeya, hana kala tagina."

Waxaa weriyay Bukhaari iyo Muslim.
๐Ÿ‘5โค3
Nebi Muxammad ๏ทบ wuxuu yiri:

"Qofkii sooma bisha Ramadaan isagoo rumeeysan (waajibnimadeeda) oo rajeynaya ajar iyo abaalmarin Alle, waxaa loo dhaafayaa dhammaan dembiyadiisii hore."

Waxaa weriyey Bukhaari & Muslim.

Ereybixin:

Iimaanan = Isagoo aaminsan in soonku waajib yahay.

Ixtisaaban = Isagoo ka rajeynaya ajar iyo abaalmarin Alle.
โค2๐Ÿ‘2
Nabigu (SCW) wuxuu yiri:
"Haddii midkiin afuraayo, ha ku afuro timir, waayo, waxay leedahay barako. Haddii uusan helin timir, ha ku afuro biyo, waayo, way daahir yihiin."
Waxaa weriyey Al-Tirmidhi.
โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”

https://t.me/muxaadaroculumo/351
โค4
Nabiga ๏ทบ wuxuu yiri:
"Suxuurtu waa cunto barako leh, ee ha ka taginina, xattaa hadduu qofku cabbo hal kabo oo biyo ah, maxaa yeelay Allah iyo malaa'igtiisu waxay u duceeyaan kuwa suxuurta."
(Waxa weriyay Axmed)


https://t.me/muxaadaroculumo/352
๐Ÿ‘1
Nabigu ๏ทบ wuxuu yiri:
"Dadku waxay ahaa'nayaan kuwo kheyr ku sugan inta ay afurka dedejinayaan."

[Waxaa weriyey Bukhaari iyo Muslim]

โ€”โ€”โ€”โ€”โ€”

https://t.me/muxaadaroculumo/353
Nabigu ๏ทบ wuxuu yiri:
Waxaan ku dhaartay allaha nafta nabi maxamed ๏ทบ
gacantiisa ku jirtee,
Xayaabada qofka sooman afkiisa fuushaai wey ka caraf badantahay ilaahay agtiisa carafta miskiga.

https://t.me/muxaadaroculumo/354
๐Ÿ‘4โค3
Nebiga (SCW) wuxuu yiri:
"Waxaa jira labo farxad oo qofka sooman u sugnaatay:

1. Marka uu afuro, wuxuu ku farxaa afurkiisa.
2. Marka uu la kulmo Rabbigiisna, wuxuu ku farxaa soomkiisii."

Waxaa weriyey Bukhaari & Muslim).

https://t.me/muxaadaroculumo/355
๐Ÿ‘3
Rasuulku (๏ทบ) waxa uu yiri:
(Qofkii hilmaama isaga oo sooman, ka dibna cuna oo caba, ha dhammaysto soonkiisa, Alle ayaa quudiyey oo waraabiyey)
๐Ÿ‘7โค2
Rasuulku (๏ทบ) waxa uu yiri:
โชWaxa ii yimid Jibriil waxa uu i yiri: Muxammadaw! Ruuxii Ramadaan haleela ee aan loo dambi dhaafin, Ilaahay ha fogeeyo. waxa aan iri: โชAamiinโซ

Malaku Jibriil (ุนู„ูŠู‡ ุงู„ุณู„ุงู…) ayaa habaaraya oo leh Ilaahay ha fogeeyo qofka bisha Ramadaan soo gaara ee aan la iman camalkii loogu dambi dhaafi lahaay, Nebiguna SCW waxa dhahay 'Aamiin'.
๐Ÿ‘7