Al-Saadicuun Bil-Xaq
389 subscribers
186 photos
12 videos
1 file
669 links
Waa Barta Rasmiga ee Jamaacada Al-Saadicuun Bil-Xaq
Download Telegram
Maalinta Aakhiro waa Saldhigga Caqiidada iyo Dacwada | Xalaqada 21aad

Khudbada uu Shaydaanka u Akhrin doono dadkii uu baadiyeeyey

Maalinta qiyaamaha, shaydaanku khudbad taariikhi ah ayuu u jeedin doonaa dhamaan dadkii uu aduunka ku soo marin-habaabiyey. Qaybtan waxay iftimiinaysaa khudbaddaas naxdinta leh iyo sida uu shaydaanku ugu oran doono dadka: "Ha i eedaynina ee naftiina eeda." Waxaan arkaynaa sida uu uga baxayo dhamaan ballamihii beenta ahaa ee uu shaydaanku u ballan qaaday intii ay aduunka joogeen.

Xalaqadaan waxaa marti inoogu ah Dr. Ciise Cabdi.

Youtube Link: https://youtu.be/Exp8Vw6BM4E

Daawasho wacan

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#Ramadaan1447
7👍1
Maalinta Aakhiro waa Saldhigga Caqiidada iyo Dacwada | Xalaqada 22aad

Qoomamda Ehlu Naarka iyo Rajada in loo celiyo dunida

Qaybtani waxa ay ka hadlaysaa mid ka mid ah muuqaalada ugu xanuunka badan ee quraanku sawiray, qoomamada daran ee dadka dafira aakhiro marka ay arkaan xaqiiqada. Waxaan eegeynaa baryada ay baryayaan inay adduunka ku soo laabtaan si ay camal fiican u qabtaan, iyo xaqiiqada ah in albaabkaas uu xidhmay. Waa digniin ku socota qof kasta oo nool inuu ka faa'iidaysto fursadda maanta.

Xalaqadaan waxaa marti inoogu ah Dr. Axmed Xasan.

Youtube Link: https://youtu.be/KvYZOyDLrGk

Daawasho wacan

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#Ramadaan1447
7👍1
Maalinta Aakhiro waa Saldhigga Caqiidada iyo Dacwada | Xalaqada 23aad

Soo dhaweynta iyo Karaamaynta ay la kulmi doonaan Ehlo Jannaha

Sidee ayay noqon doontaa nolosha kuwa guulaystay? Qaybtan waxaa la dul-istaagayaa muuqaallada sharafta iyo quruxda badan ee uu Allah u diyaariyey mu’miniinta. Waxaan eegeynaa hadallada ay isweydaarsanayaan Ehlu-jannada, ammaanta ay u jeedinayaan Allah, iyo dareenkooda farxadeed ee aan dhammaadka lahayn.

Xalaqadaan waxaa marti inoogu ah Dr Yaxye Najiib.

Youtube Link: https://youtu.be/ENkvrCxaCPc

Daawasho wacan

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#Ramadaan1447
7👍1
Maalinta Aakhiro waa Saldhigga Caqiidada iyo Dacwada | Xalaqada 24aad

Sababaha Halaagga - Shirkiga: Cibaadada oo aan Rabi loo gaar yeelin ama Sharciga oo cid kale laga qaato

Shirkigu ma aha oo kaliya in sanam la caabudo, ee waa cid kasta oo lala wadaajiyo Allah awoodihiisa gaarka ah. Qaybtan waxay falanqaynaysaa khatarta shirkiga iyo sida uu u yahay sababta koowaad ee lagu mutaysto naarta. Waxaan eegeynaa sida dadka qaarkood ay u raacaan sharciyo iyo mabaadi’ ka soo horjeeda diinta Allah, taas oo ah nooc ka mid ah shirkiga oo u baahan in laga digtoonaado.

Xalaqadaan waxaa marti inoogu ah Dr. Cabdullaahi Sh. Doon.

Youtube Link: https://youtu.be/zFb6wnpPdRE

Daawasho wacan

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#Ramadaan1447
7👍1
Maalinta Aakhiro waa Saldhigga Caqiidada iyo Dacwada | Xalaqada 25aad

Sababaha Halaagga: Raacista Dawaaqiida

Waa maxay Daaquut? Sideese looga fogaadaa? Qaybtan waxay sharxaysaa macnaha Daaquutka iyo khatarta ay leedahay in qofku ka weecdo raacista wax kasta oo ka fogaynaya amarka Allah. Waxaan eegeynaa in iimaanku aanu dhammaystirmin ilaa lagu kufriyo daaquutka, laguna xidhmo xadhigga Allah (Tawxiidka).

Xalaqadaan waxaa marti inoogu ah Ustaad Axmed Saney.

Youtube Link: https://youtu.be/a8tyw76uV9s

Daawasho wacan

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#Ramadaan1447
7👍1
Maalinta Aakhiro waa Saldhigga Caqiidada iyo Dacwada | Xalaqada 26aad

Sababaha Halaagga: Dood iyo Muran oo lagala horyimaado Aayadaha Cad-cad ee Rabi SWT

Xagee ku dambeynayaan dadka caqligooda iyo carabkooda u isticmaala inay ku murmaan ama ku inkiraan xaqiiqooyinka Allah? Qaybtan waxay ka hadlaysaa khatarta ka dhalata in la inkiro ama dood la galiyo aayaadka Qur’aanka si loo diido xaqa. Waxaa la sharxayaa kuwa is-kibriya ee diida inay raacaan hanuunka sida ay murankoodaasi u eersan doonaan marka xisaabtu timaado.
Khulaaso: Muranka ama inkiraadda Aayaadka Allah waa astaan muujinaysa kibir iyo iimaan la’aan. Casharku waxa uu na barayaa in mu’minka laga rabo inuu dhageysto oo addeeco Allah mar walba. Waxa aan arkaynaa in dadkii adduunka ku mashquulsanaa doodda iyo shakiga ay aakhira heli doonaan jawaab kulul. Waa fariin ku saabsan muhiimadda ay leedahay in qalbiga lagu xiro hanuunka Allah.

Xalaqadaan waxaa marti inoogu ah Ustaad Xirsi Faarax.


Youtube Link: https://youtu.be/QIls_p-Lhq4

Daawasho wacan

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#Ramadaan1447
8👍1
Maalinta Aakhiro waa Saldhigga Caqiidada iyo Dacwada | Xalaqada 27aad

Sababaha Halaagga: Kibirka iyo Diidmada Xaqqa

Kibirka waa dambigii ugu horreeyey ee dhaca, waana kii Ibliis jannada looga soo saaray. Qaybtani waxa ay falanqaynaysaa sida kibirku u burburiyo camalka qofka iyo sida uu uga hor-istaago hanuunka. Waxaan eegeynaa ciribta ay mutaystaan kuwa is-kibriya ee aan rabin inay wajigooda dhulka u dhigaan Rabbigii abuuray.

Xalaqadaan waxaa marti inoogu ah Ustaad Cabdishakuur Cali.


Youtube Link: https://youtu.be/wuRV1auJIlA

Daawasho wacan

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#Ramadaan1447
6👍2👏1
Maalinta Aakhiro waa Saldhigga Caqiidada iyo Dacwada | Xalaqada 28aad

Sababaha Halaagga: Ku Jeesjeesidda Aayadaha Rabi (SWT)

Description: Ku qoslidda mu’miniinta iyo ku jees-jeeska diinta Allah waa mid aad ugu badan nolosha dadka. Qaybtani waxa ay ka hadlaysaa cawaaqibta ka dhalanaysa sifooyinkaas xun. Waxa aan eegeynaa sida ay isu rogi doonto xaaladdu maalinta qiyaamaha, halkaas oo mu’miniintu ay ku qosli doonaan kuwii adduunka ku qosli jiray.

Xalaqadaan waxaa marti inoogu ah Ibraahim Najiib.

Youtube Link: https://youtu.be/sbtyV3_byoA

Daawasho wacan

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#Ramadaan1447
8👍1
Maalinta Aakhiro waa Saldhigga Caqiidada iyo Dacwada | Xalaqada 29aad

Sababaha Halaagga: Aduun-jacaylka iyo Shahwaadka

Maxay tahay sababta ugu weyn ee dadka ka fogeeya aakhiro? Waa dhalaalka adduunka iyo raacidda hawada nafta. Qaybtaan waxa ay sharxaysaa sida adduun-jacaylku u indho-tiro qofka, isagoo ka dhiga mid illooba ujeeddadii loo abuuray. Waxaan eegeynaa sida ay shahwaadka iyo raaxada dhalanteedka ahi u horseedaan khasaaro wayn..

Xalaqadaan waxaa marti inoogu ah Dr. Cismaan Cabdulle.

Youtube Link: https://youtu.be/6RllgUhrG54

Daawasho wacan

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#Ramadaan1447
7👍2
Maalinta Aakhiro waa Saldhigga Caqiidada iyo Dacwada | Xalaqada 30aad

Waxaan xalaqadan ku soo gudbinay dulmar kooban oo ku saabsan qodobadii ugu muhiimsanaa ee diiradda lagu saaray barnaamijkii inoo socday bisha barakaysan ee Ramadaan.

Barnaamijku wuxuu ka koobnaa afar qayb oo asaasi ah, kuwaas oo kala ah:

1- Sida ay Rumaynta Aakhiro saldhig ugu tahay Caqiiqadada
2- Maalinta Aakhiro Sida Ay Uga Muuqatay Dacwada Rususha.
3- Natiijada iyo Meesha loo dambeyn doono.
4- Arimaha lagu mutaysan karo Halaaga Aakhiro.

Qayb kasta waxaa hoos imanayay qodobo muhiim ah oo si faahfaahsan loogu falanqeeyay xalaqadihii hore, waxaana halkan lagu soo koobay aragti guud oo sahleysa fahamka iyo dib-u-milicsiga barnaamijka.

Youtube Link: https://youtu.be/w38vfgXsOs8

Daawasho wacan.

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#Ramadaan1447
7👍2
TAHNIYADA CIIDA FITRIGA EE BARKAYSAN

Muslimiintiyow... maalintiinani waa maalin weyn, ciiddiinnani waa munaasabad qiima badan... Allaah ne wuxuu naga mudan yahay in aan weyneyno oon uga shukrino nicmooyinkiisa waaweyn.

Allaah aan uga shukrino in uu na gaarsiiyey Ramadanka, noona kaadshay ilaa aan dhammeystiranay. Immisa ayaa niyaddoodu sidaas aheyd oo aanay geeridu ku simin oo aan gaarin Ramadaanka ama aan dhammeystiranba.

Ciid mubaarak, Allaahna ha naga aqbalo annaga iyo adinkaba acmaasha teeda wanaagsan (suuban), hana nagu galladeysto ka xoreynta naarta dhamaanteen.
Sidaas iyo Ciid wanaagsan.

https://youtu.be/JQeYgLCJ5VM

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#The_Proclaimers_of_the_Truth
#Ciid_Mubaarak
13👍2
24👍7🤔1
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
#Ciid_Wanaagsan #عيد_الاضحى

Dhamaan Muslimiinta Allah kaligii rumeeyayow, Allah ha idinka aqbalo acmaasha wanaagsan, Sanad walbana farxad iyo khayr ku ciida.

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#Ciid_Wanaagsan
11👍1