Al-Saadicuun Bil-Xaq
407 subscribers
185 photos
11 videos
1 file
636 links
Waa Barta Rasmiga ee Jamaacada Al-Saadicuun Bil-Xaq
Download Telegram
Daawadayaal Jamaacada Al Saadicuun Bil Xaq waxay bisha Ramadaan idinla wadaagtay barnaamijkii “Dacwada Al Saadicuun Bil Xaq” oo ay ku soo bandhigtay nuxurka dacwadeedii ay soo gudbisay 7dii sano ee la soo dhaafay iyo mustaqbalka dacawadeeda.
Hadaba Waxaan jeclaan lahayn inaad nala wadaagtaan sida aad uga faa’iidaysateen barnaamijkaas iyo waxa aad ka fahamteen dacwada Jamaacada.

#Dacwada_Al_Saadicuun
#Al_Sadicuun_Bil_Xaq
7👍2👌2🔥1🥰1🏆1
Jamaacada Al-Saadicuun waxa ay ugu hanbalyeyneysaa muslimiinta meel walba oo ay joogaan ciidul Fidriga barakeysan.

#ciidul_Fidriga_barakeysan
#Al_Sadicuun_Bil_Xaq
#جماعة_الصادعون_بالحق
10👍2🔥1
Qof kasta oo u soomay, una afuray addeecidda Allaah. Qof kasta oo u soomay iimaan iyo ajir maleysasho darteed, rumeeyeyna in Allaah uu yahay kan wax abuura oo aan cidi la wadaagin, Isagu wax arsaaqa oo aan cidi la wadaagin, Isagu mulkiga dhammaantiis leh oo aan cidi la wadaagin, Isagu xukunka kaligiis leeyahay oo aan cidi la wadaagin, Isagu kaligiis wax nooleeyo, waxna dilo oo aan cidi la wadaagin, umuurta oo dhanna Isaga kaligiis loo celinayo.

Dhammaan dadkaas oo dhan waxa aan u diraynaa hambalyo ku aaddan ciidul-fidriga barakeysan, kana soo go’day qalbiyo la jecel liibaan adduunyo iyo mid aakhiro.

Jamaacada Al-Saadicuun waxa ay ugu hanbalyeyneysaa muslimiinta meel walba oo ay joogaan ciidul Fidriga barakeysan.

Allaah ha u soo celiyo isaga oo barako iyo kheyr xanbaarsan. Allaah ha idinka aqbalo daacaadkiina, hana naga aqbalo annaga iyo adinkaba acmaasha wanagsan

Youtube link : https://youtu.be/dwxsTHjLGEY?si=AgwRUzuzDp0jN4ga

#ciidul_Fidriga_barakeysan
#Al_Sadicuun_Bil_Xaq
#جماعة_الصادعون_بالحق
11👍4🔥1
"Hordhac"- Sh. Abdullaahi Ahmed Nur
Dhaxal Reebka Saadicuun " (من تراث الصادعون) Xiligiisii 2aad.
Allaah (SWT) waxa uu Jamaacada Al-saadicuun ku mannaystay dhaxalreeb aad u weyn oo qiimo badan, kuna salaysan kitaabka Allaah iyo sunnada Rasuulkiisa(SCW).
Dhaxalreebkaas jamaacadu waxa ay ku tarbiyoobeysay waqti dheer oo ka badan afartan sano, Ilaa uu Allaah doonay in uu u soo saaro dadka si ay u gaarsiiso risaalada Allaah.

Youtube link : https://youtu.be/ZfAtHTdTf_I?si=dhig8nI5F87BhTm6

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#The_Proclaimers_of_the_Truth
#جماعة_الصادعون_بالحق
11👍3
Hordhac Xaladaqada 2aad : Sh. Abdullaahi Ahmed Nur
Dhaxal Reebka Saadicuun " (من تراث الصادعون) Xiligiisii 2aad.
Allaah (SWT) waxa uu Jamaacada Al-saadicuun ku mannaystay dhaxalreeb aad u weyn oo qiimo badan, kuna salaysan kitaabka Allaah iyo sunnada Rasuulkiisa(SCW).
Dhaxalreebkaas jamaacadu waxa ay ku tarbiyoobeysay waqti dheer oo ka badan afartan sano, Ilaa uu Allaah doonay in uu u soo saaro dadka si ay u gaarsiiso risaalada Allaah.

Youtube link : https://youtu.be/m3VUrNnqXbE?si=n71gSXhlH4JWYxKc

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#The_Proclaimers_of_the_Truth
#جماعة_الصادعون_بالحق
7👍6🔥2
# Ku ajiibay_ Allahayow_Ku ajiibay
Rabbiyow kugu ajiibay qalbigeyga, caqligeyga iyo xubnaheyga oo dhan.
Rabbiyow kugu ajiiby, isdhiibid, jajabnaan iyo hoggaansanaan.
Kugu ajiibay jaceyl, daaco, raallinimo iyo xasillooni.
Ku ajiibay aniga oo damcaya raalli ahaanshahaaga, rajeynayana naxariistaada.
Allahayow ku ajiibay, Adiga mooyee cid kalena talasaaranmaayo, irkanna maayo cid aan Adiga aheyn, cid aan Adiga aheyna ka baqi maayo, cid aan adiga aheyna u xukun doonan maayo.
#Ku ajiibay_ cid kula wadaagtaana ma jirto_ ku ajiibay.
Cid kula wadaagtaa ma jirto mulkigaaga iyo taladaada, cid kula wadaagtaa ma jirto maamulkaaga iyo xukunkaaga, cid kula wadaagtaa ma jirto abuuridda iyo talada, cid kula wadaagtaa ma jirto shacaa’irta iyo shareecda, cid kula wadaagtaa ma jirto xalaaleynta iyo xaarrimidda, cid kula wadaagtaa ma jirto daacada iyo hoggaansanka, cid kula wadaagtaa ma jirto salaadda iyo cibaado falashada… Waxaa dhuroobay ruuxii ajiiba yeeridda Rabbigiis, isudhiiba oo adeeca.
Allaah ha idinka aqbalo daacaadkiina, farxaddiinana ku taamyeelo ciidda.

Youtube link : https://youtu.be/lY7HU9hqXHU?si=C_2F5ObXAqwYTySP

#Al_Saadicuun_Bil_Xaq
#The_Proclaimers_of_the_Truth
#جماعة_الصادعون_بالحق
13👍3