Haddaad Foolxuntahay shactiroole iska noqo sidii Foolxumadaada loo hilmaami lahaa😂😂
Ninka ka dheregsan hoogga iyo halaagga colaada daba dheeraata, ayuun baa fahmi kara mudnaanta ay leedahay in dagaalka degdeg lagu soo afmeero.
B- LOOLLAN
Yasser Abdiladiif
B- LOOLLAN
Yasser Abdiladiif
Xikmado️ 💎
Qormo Kooban Oo cinwaankeedu yahay MAXAA LA IIGA OOYSIYAY OO LA II DHAAWACAY? Ayaan idiin soo wadaa Saacadaha so socdo
Dunida inaan ku soo biiro waxay aheed doonista alle! Qaarada afrika inaan ku dhashana waxay aheed nasiib kale! Balse inaan soomaali ka dhasho kuna dhasho dhulkii udgoonka waxay aheed hadiyad qaaliya oo ilaahay iigu deeqay.!
Ma garanayo dalkeyga bedkiisa mana garanayo tirada dadkeyga mana garanayo somali qofkan ka ahay.
Waxay dhahaan dadkeeygu waxaad tahay ubaxii dalka iyo mustabalkii berrito, waxaad tahay rajadii iyo riyadii la sugayay ee soomaaliyada cusub.
Ubaxu wuxu u baaahan yahay biyo lagu waraabiyo si uu dhaqsi u koro looguna il doogsado, Aniguna waxaan u baahnaa naxariis,aqoon iyo dal-jaceyl in la igu waraabiyo! Balse nasiib daro waxaa la igu waraabiyay dhawaqa rasaasta iyo dhiiga jirkayga ka qulqulaya!.
Ilmada indhahayga ka da’aysaa maahan cabsi aan hada ka qabo wixii ii gaaray balse waaa cabsi aan ka qabo mustaqbalka dalkeyga. Erayadu ma sharxi karaan xanuunka iyo welwelka aan dareemayo hada.
Si fiican ii fiiri kama wado qoraalka fiiri ee waxaan ula jeedaa sawirkayga si fiican u eeg Kama wado indhahaaga igu eeg waxaan ula jeedaa indhaha qalbigaada igu eeg.
Wiliba indhahayga fiiri waxaad ka aqrisan doontaa fariin ciwaaankeedu yahay “Maxaa la iiga ooysiiyay oo la ii dhaawacay”???. Bal fiiri walal waxaan jirkayga ka taagan waa dhumuc rasaas
Ma ahan al-alaabadaydii aan ku cayaari jiray Tani waa wax xanuun badan oo hilibkayga gubaysa!.
Dhaawaca jirkayga gaaray waxaa iiga naxdin badan Dhaawaca gaaray qalbigayga iyo rajadaydii ifaysay.
Waayo waa laga yaaba inaad biyo la’aan maalmo noolaato Laakiin qof-na rajo la’aan ma noolaan karo maalin.
Anigu waxaan xaq u leeyahay inaan ku noolaado nolol qurxoon iyo nabad aan ku nasto Waxaan xaq u leeyahay in la i siiyo farxad iyo naxariis Si la mid ah carruurta dhigaygaa ee ku nool washington iyo Riyaadh.
Ma jirto cid aan dembi ka galay
Mana jiro qof aan waxyeelayay
Ma garanayo sababta la i dhaawacay Mana garanayo cida dhibkaan ii geysatay! Ma garanayo waxa la iiga ooysiiyay anigoo og in ilmadaydu ay ka qaalisan tahay dheeman ka aduunka yaal!.
Wax walba ilaahay qadartiis waana ku qanacsanahay Waxa kaliya oo aan hubo ayaa ah in allaah uu san i dayici doonin hadii dadkaygii i dayaceen.
Waan hubaa inkastoo aan hada aan murugaysanahay Wili waxaa ii muuqanaya mustaqbal dhoolacadeynaya. Waan ogahay inaad ila xanuunsanaynso adigu!
Waxaan ka wadaa adigaan hada aqrinaya hadalkayga.
Waad ku mahadsan tahay sidaad iila qaybsatay murugada!.
@XikmadoSom
@Somalibooks

GABADHII SAAXIIBKEEDA TALADA SIISAY.
Nin Xaasle ahaa ayaa wada Sheekeysteen Gabar yar, Haasawihii wuxuu gaarsiiyey iney is jeclaadaan, markey arkeen iney kala maarmi karin, waxey la noqotay in ay ka Fekeraan iney is Guursadaan.
Ninku wuxuu qabaa Xaas u leh 5 carruur ah. Waa Gabar ka amar sareysa, oo aad u Ad-adag, Maseereyna ah, oo ay Adag tahay iney Aqbasho inuu Ninkeeda Naag kale Guursado. Waxba uma ahan in ay caruurtu u daadiso. Biyo uma Kabaneyso iney isaga daano gaarsiiyo. Haddii ay Damacdana, Gabadhaasi Kaw ayey kaga siin kartaa. Ninkan gabadhaan inuu Guursadana wuu jecel yahay, misana Dhibka Xaaskiisa kaga imaanaaya Caqabad weyn ayuu u arkaa.
Gabadhan uu jecel yahay, waa hore ayuu la socodsiiyey Culayska ka haya Xaaskiisa kale iyo dhibka ka iman kara hadey is guursadaan. Xitaa wuxuu u sheegaa inuu iyada uu u Baqaayo oo ay xitaa Dili karto. Haddii uu kala qariyo oo tana Maalintii qabo, Xaaskiisana Habeenkii qabo, wuxuu ka Baqayaa in inta ay mar un Ogaato, ay Balo ka raaci doonto. Gabadhu Qudheedu wey aragtaa Caqabadda heysata, kamana maaranto Ninkaan oo Laabteeda ayuu Boos weyn ku yeeshay. Labadaba, Feker iyo Talo rogrog bey maalin walba isugu yimaadaan iyo sidii ay arrintooda ku wadan karaan.
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Gabadhii waxey keentay Talo Cajiib ah oo uu Ninkii la dhacay. Waxey tiri, “Xabiibi, waxaad raadisaa meelaha ay u badan yihiin wadaaddada Xaasaska badan leh. Xitaa waxaad raadisaa meelaha ah ay Madaarista ku leeyihiin. Kolka aad hesho, waxaad sameysaa xaaska halkaas u Rar. Waxaad ku dartaa iyada iyo caruurtaba Madaaristaas. Marka ay Lix Bil joogto oo ay Fahanto, markaas aanu is guursanno. In kasta oo ay Kici doonto, laakiin Min yarooyinka iyo Min weynooyinka Culimada ayaa Dejin doona, Diintana wax ka Fahansiin doona, xaalkuna waa iska degayaa, anaguna Jacaylkaan ayaan ka Lib keeneynaa”. Ninkii arrintani waa la Fiicnaatay. Waa soo dhaweeyey, waana qaatay taladaas.
Ninkii wuxuu raadiyey meelaha Wadaaddadu u badan yihiin, kolkaas buu muddo ka dib wuxuu soo helay Madrasada Salafiyad. Waa madraso ay wax ku bartaan Caruurta iyo Haweenka Culimada Salafiyada iyo Dadka taabacsan. Ka dib Ninkii Xaaskiisii buu inta u tagay, ka Dhaadhiciyey iney halkaas Degto, oo ay iyada iyo carruurtuba diinta ka bartaan. Wuu soo tusay, waana ka yeeshay. Kolkaas buu Ninkii halkaas Boos ka iibsaday, oo dejiyey Reerkii.
Xaaskii iyo Caruuriiba horay bey ka galeen Madrasadii. Xaaskii oo aan Awal ku fiicnayn Qur’aanka ayaa ka heshay Barashada Diinta, aadna ugu Riyaaqday. Waxa kale oo ay heshay Dumar Culimo oo ay Saaxiibo ka dhigatay. Ninkii, wuxuu arkaa Xaaskiisii oo Xijaab weyn iyo Indha Shareer xiratay iyo iyadii oo u Toosineysa Salaadda Subax, kuna Khasbeysa in uu Masajidka ku Tukado.
Markii muddo la joogay, ayuu Gabadhii Guursaday, oo uu la aqal galay. Marrkii ay Maqashay ayey is martay. Dumarku, kolka ay wax ku soo Ziyaadaan Saaxiibadood bey la aadaane, waxey arrintii u sheegtay Dumarkii Xerta ahaa ee ay Baratay, kolkaas bay inta ku qosleen, la yaabeen, waxeyna ku yiraahdeen, “Ukhti, ma Naagtii Labaad baad sidaas uga amaseeraysaa, Anigu waxaan ahay Xaaskii Labaad, tani waa Xaaskii Saddexaad, taasnina waa Xaaskii Afaraad”. Markaas bay haddana dhanka Diinta wax ka tuseen. Sidii ay wax u Tusaaleynayeen, Xaaskii wey degtay. Markaas bey maalin inta Ninkii wacday, ku tiri, “Xaaji Hambalyo, Xaaska Cusub Allaha inoo Barakeeyo” Minyaradii inta is Barteen ayey si Wanaagsan ula Hadashay.
Abdulkadir Uukow

♋️ 𝗧𝗼𝗽 sᴏᴍᴀʟɪ ᴛᴇʟᴇɢʀᴀᴍ ♋️
🕌 Dɪɪɴɪ 🕌
♋️: @Kalimakariim
♋️: @Quruxdaislaamka
♋️: @Daarulkheyr
✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅
📚 Bᴜᴜɢᴀᴀɢ 📚
♋️: @Somalibooks
♋️: @Somalilibrary
✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅
📲 Sᴏᴍᴀʟɪ Tᴇᴄʜ 🖥
♋️: @Liibaanpro
♋️: @Somali_tech
♋️: @Somsoft
♋️: @Freepreset13
♋️: @somalitej
✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅
💎 Xɪᴋᴍᴀᴅᴏ 💎
♋️: @Som_Motivation
♋️: @Al_xakiim
♋️: @Albaanichannel252
♋️: @AishaAhmed99
♋️: @Dareen2021
♋️: @Dareen_side
♋️: @daren_jaceyl
♋️: @DhamBaal123
♋️: @Xikmadosom
♋️: @ZamzamSooyaal
♋️: @Nololifeysa
♋️: @KobciAqoontaada2
♋️: @xaqiiqadanolosha
♋️: @dhaqan_wanaag
✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅
👨🦱 Qɪsᴏᴏʏɪɴ 🧑🦰
♋️: @qalbiyadeena
✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅
📽 Aғʟᴀᴀᴍ 📽
♋️: @Som_Flims
✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅
😂 Qᴏsᴏʟ & Qᴀʀᴀᴀxᴏ 😂
♋️: @Ilaqosal
✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅
🎤 Dʜɪɪʀɪɢᴀʟɪɴ 🎤
♋️: @Jiilka_wacyiga1
♋️: @Cilmiraadis
♋️: @Hidaayatu_rabi
♋️: @Hogaan_Dumar
♋️: @xafso143
♋️: @Dhiiragaliye
♋️: @bqgrsh
♋️: @Noqoxiddig
♋️: @Hogaan_bulsho
♋️: @QalbiDhaye143
✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅
🎓 Aǫᴏᴏɴ & Fᴀsᴀʟᴏ 🎓
♋️: @Hasancaashaq
♋️: @dareen_dahson
♋️: @Farsamada
♋️: @TilmameCafimad
♋️: @DunnidaSuugaanta
♋️: @haqabtire1
✅╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾╾✅
⌛️🪧⌛️
✅━━━━━━🕯━━━━━━✅
📌 ᴍɪᴅᴏᴡɢᴀ ༎
📥 Telegramerska Soomaalida
1 Team Somali Admins.
_✅_
╔═ ══ ══•| ❄️ |•══ ═══ ═╗
𖤓↬Channel ku Daridda iyo faah-faahin dheeri ah Ka Eeg
@Somali_Admins↫⎉
☀️━━━━━━🕯━━━━━━☀️
𖤓↬Haddi Aad Rabto Inaad Wax
ku xayaysiisato Ka Eeg wixii warbixina
⎙ㅤ @SomTelegramAds↫⎉
☀️━━━━━━🕯━━━━━━☀️
•━━━ ☀️🔝☀️ ━━━•
ꜱᴘᴏɴꜱoʀᴇᴅ ʙʏ:
❶ @Somalibooks ↫
❷ @Xikmadosom ↫
❸ @Hidaayatu_Rabi↫
❹ @somalilibrary↫
⭐️↬❢ ┇ᴇɴᴅ┇ ❢↫⭐️

Barasho wanaagsan dumaashi waxaan ahay wiilka qora ereyada Quruxda Badan ee habeen walba lagugu shukaansado
Amitabh Bachchan oo ka mid ah ragga ugu caansan Bollywood ayaa mar yidhi “Markii ugu sarreysey xirfadeyda, waxaan mar ku safrayay diyaarad, rakaabka kursiga igu xigay waxa uu ahaa oday da’ ah oo ku labbisan shaati fudud iyo surwaal, waxa uu u muuqday mid dabaqad dhexe ah balse aqoon sare leh.
Rakaabkii kale ayaa badi laga yaabaa inay garanayeen qofka aan ahay oo rumaysan la'aayeen joogitaankayga, laakiin odaygan wuxuu u muuqday inuu yahay mid aan i garanayn oo
Iskuma hawlayn joogitaankayga...
Joornaal ayuu akhrinayay, daaqadda ayuu kolba eegayay, markii shaahii loo soo dhiibayna, si deggan ayuu u cabay.
Anigoo isku dayaya inaan wada hadal la yeesho isaga, ayaan u dhoola cadeeyay. Odaygii ayaa si xushmad leh u dhoola caddeeyey oo igu yidhi 'Halloow'.
Aniga iyo isagii Waan wada sheekaysanay, waxaanan soo qaaday mowduuca shaleemada iyo filimada oo waxaan wayddiiyay, 'Ma daawataa filimada?'
Odaygii ayaa ku jawaabay, 'Alla, aad bay u yar yihiin filimada aan daawado, Waxaan arkay se qaar badan sanado badan ka hor.'
Waxaan u sheegay in aan ka shaqeeyo warshadaha filimada.
Ninkii waxa uu ku jawaabay.." Haah, taasi way fiican tahay. Maxaad samaysaa? Waxaan ugu jawaabay, 'Anigu waxaan ahay jilaa' Oadaygii madaxa ayuu ii ruxay, 'oo wuxuu yidhi Ah, taasi waa cajiib!'
Markii aan soo degnay, gacanta ayaan u soo taagay oo waxaan ku idhi, "Way wanaagsanayd in aan kula socdaalo safarkan. magacaygu waa Amitabh Bacchan!.
Odaygii ayaa ii gacan qaaday
oo dhoola cadeynaya, "Mahadsanid... way fiicantahay inaan kula kulmo adiga.. aniguna
Waxaan ahay J.R.D Tata!" ( Indian Biz man, Bilyaneer iyo Aviator aasaasihii Tata motors iyo Air India).
Waxaan maalintaas bartay si kasta oo aad u malaynayso in aad tahay ruuxa ugu saameynta badan, in uu mar walba jiro qof kaa weyn.
IS HOOSEYSII.

SIRTA NOLOSHA
Isbitaal waxaa ku jirtay haweeney si ba'an u baadi goobeysay midhaha uurka. Waxay ka codsaneysay Dhaqtarka inuu sameeyo waxkasta oo uu awoodo si uu u uureeyo xitaa hadii ay micnaheedu tahay dhalashada ilmo anshax xumo ku yimmaada.
Isla isbitaalkaas waxaa timid Marwo kale oo Dhakhtarka ka baryaysa inuu ka caawiyo sidii ay ilmaheeda caloosha ugu sidi lahayd. Sida ay sheegtay, aabaha cunuggan ay sido ayaa diiday inuu qaado mas'uuliyadda mana aysan hayn karin ilmaha.
Isla isbitaalkaas waxaa timid gabadh kale oo tiri waxaan ku daalay mataano dhalida. Waxayna ka codsatay dhaqtarka inuu ka joojiyo dhalmada.
Isla isbitaalkaas waxaa ka timid haweeney foolaneysa. Waxaan maqlay iyada oo ku dhawaaqaysa duco, markii aan u soo dhawaaday waxaan maqlay iyada oo ka baryaysa Ilaahay inaananu siinin wiil kale, way ka daashay carruurta labka ah ee wiilalka ah. Waxay hore u haysatay 4 ka mid ah.
Isla isbitaalkaas waxaa timid haweeney ninkeedu ugu hanjabay inaysan guriga imaan karin gabar kale haddii uu ilaahay siiyo. Waxay horey u lahaayeen 5 gabdhood oo wiil la’aan ah.
Malee waxaas...?
Dhakhtarka ay u cabanayeen ee ay miiska u saarayeen dhamaan dhibaatooyinkooda, wuxuu ku mashquulsanaa inuu ilaahay weydiisto fursad ay xaaskiisa ku noolaato maalin kale. waayo Waxaa laga helay kansarka naasaha.
Waad aragtaa, noloshani runtii waa mid cakiran. baryada qof waa madax xanuunka qof kale.
Cidna wax walba kuma haysato noloshan. Si kasta oo taajir, farxad ama qanac qof uga muuqan karto banaanka, had iyo jeer waxaa jira sheydaan shaqsiyadeed oo ay ku dagaalamayaan gudaha.
Adiga kaligaa kuma tihid caqabadaha iyo dhibaatooyinka kugu raran.
Ma tihid dareenka kaliya ee aan kugu filnayn, waa uun nimcada iyo naxariista Eebbe ee dhaaftay hamiga, rajada iyo rabitaanka aadanaha.
Ha u oggolaan qofna sheekadiisa guushu inay ku cabsi geliso. Ninna markhaatifurka ha u oggolaan inuu kuu maleeyo inuu Ilaahay kaa tegey.
Ha ka hinaasin nolosha dadka kale. Badanaa dusha uun baad arkeysaa. Haddii aad si qoto dheer u dhex gasho, qof walba wuxuu wajahayaa caqabado ; iyada oo ay sidaas jirto
Ilaahay wuxuu kuugu badali karaa xaaladaada ugu rajo beelka badan waqtiga ugu fiican noloshaada.
Ilaahay la hadal oo u sheeg dhibaatooyinkaaga, maxaa yeelay isaga keliya ayaa xallin kara.
Waad lumin kartaa waxaad haysato oo dhan, waad waayi kartaa dadka aad jeceshahay, laakiin ilaa iyo intaad ilaahay haysato waxaad haysataa wax kasta oo aad u baahan tahay.
Waqtigaaga ha ku lumin inaad ka walwasho waxyaabaha ka baxsan awoodaada. Ha u ogolaan welwelku inuu farxada kaa qaado. Taabadalkeed, u isticmaal inaad ugu mahadnaqdo Ilaaha Qaadirka ah dhammaan wixii aad haysatay. Kuna mahadnaq isagu inuu xukunka hayo.
Markaad cambaareyso ama aad ka cabaneyso cuntadaada, ka fikir dadkaas u baahan ee halgankooda kaliya uu yahay inay cunno helaan.
Haddii aadan u maleynaynin in Eebbe ku dhageysanayo, dib u milicso noloshaada iskuna day inaad tirisid inta nimco ee uu kugu maneystay. Inta noloshaada ka hartay waxaad ku qaadan doontaa tirinta.
Hadda waxaad leedahay laba xulasho.
1. Waxaad saari Kartaa Warbixintaan Love ❤️ ama Waad share gareyn kartaa channalka
2. Ama iska indha tir oo iska dhig in aanu waligaa qalbigaaga taaban wax aan soo qoray.

Marba haddaad Foolxuntahay maxaa ku diide in lagu qiyaamo😂😂
Wargalin
Saaxiibadeena Qaaliga ah waxaa goordhaw idin bilaabi doona sheekadan la magac baxdey
Dabinkii Jacaylkeygga dib ayaan ka ogaadey
Hadaysanba dunida jireyn
Dooqayggana dabiib u hayn
Maxaan kugu daalayaa
Dabaylaha Alla dabaylaha
Dabaylaha maan dugsado
Hadaba sheekadan Dabinkii jacaylkaygga dib ayaan ka ogaadey ayaa ah mid aad moodeyso inay adiga ka hadleyso ama qof aad agtaada ugu wayn ka hadleyso oo aadan la jeclayn inuu jeceylkiisa ku fashilmo inay ka hadleyso
Hadaba sheekadan waxaa idin so gudbin doono Anigo Abdulkadir Uukow ah
Inta aynaan u gudagalin Sidee u aragtaa? Sheekada maxaadse ka fileysaa inay noqon doonto
FG: Sheekooyinka aan soo galino halkaan Dadbaa Facebooka pageyo ku daabaca hadaad daaabacayso waa caadi laakiin xuquuqda noo ilaali

Dabinkii Jacaylkeygga dib ayaan ka ogaadey 1aad
Raami waa Wiil Qurux, Aqlaaq iyo Diin intaba leh, wuxuu ahaa wiil dadaal badan Hooyadiis waxey dhimatay isagoo 10 jir ah, Aabihiisna ma guursan Naag kale Xaaskisa markey ka dhimatay ka dib, wuxuuna go'aansaday inuu Wiilkiisa uu si Wanagsan u koriyo, kuna dadaalo Waxbarashadiisa iyo Mustaqbalkiisa.
Raami Waxbarashada wuu ku fiicnaa aad iyo aad, markuu dhamestay Waxbarashadii Dugsiga Sare. ka dib wuxuu bilaabay inuu dhigto Barefat uu Caafimaad ka baran jiray Hal sano, ka dibna wuxuu bilaabay Jaamacad, balse Aabihiis wuxuu lahaa Dukaan yar oo uu ku dabari jiray Quutalyoomka iyo Nolosha Isaga iyo Wiilkiisa.
Raami xaladda Aabihiisa iyo Jaamacadiisa wey is bixin weysay, wuxuuna go'aansaday inuu Culeyska ka qafiifiyo Aabihiisa, wuxuuna bilaabay inuu Shaqo raadsado.
Wuxuu Shaqo ka helay neel Farmashiye ah Bishii wax yar ayaa laga siin jiray, sidaas ayuuna ku dabari jiray Shopinkiisa iyo Jaamacadiisa, Halka Dukanka waxa laga helo qaarna meel la dhigi jiray, qaarna la Cuni jiray, waxey ahaayaen famil illaah ku xiran oo Xalaal quudato ah, Salaadana xifdiya.
Waxey Xaaladdu sidaas ahaataba Maalin maalmaha ka mid ah, isagoo farmashiyaha ku jiro ayaa waxaa soo gashay Gabar Qurux illaah u dhames tiray, indhihi arkana eysan ka jeesan karin, Qalbigi damiir lehna uu horay ka jeclanaayo, waxey laheyd soo jiidasho Indho qurxoon, Cod qafiif oo aad u macaan, hadal dabacsan oo aad ka dareemeysid Iney tahay Qof Naxriis leh.
Waxey rabtay iney Farmashiga ay Daawo ka iibsato, Wexeyna ku tiri Abowe Daawadan ma heli karaa?. wexey u dhiibtay Warqad ay ku qoran tahay Daawada magaceeda.
Raami wuu Aqriyay Warqadii wuxuuna ku yiri Haa wey taalaa, qiimaheeduna waa 3$. Ok Aboowe ii soo dhiib, Lambarkaagana i sii ayey ku tiri, markuu Lambarka taleefanka siiyay ayey u tuurtay Lacagtii , weyna sii baxday.
Saacado ka dib Raami Shaqadii ayuu ka soo baxay, wuxuuna soo aaday Xaafadiisa, Aabe ayuu salaamay, ka dib wuxuu u sii gudbay Qolkiisa.
Raami fikir ayuu galay waxaa mar walbo dhegahiisa ka yeeraayo Codkii macnaanaa ee Naxriista lahaa iyo sida Asluubta leh ee u hadleysay Gabadhii uu maanta soo arkay, Quruxdeeda ayaa hor taagan markuu damco inuu Lambarkeeda soo bixiyo oo waco, wuxuu haddana is dhahaa meesha waa meel Ganacsi shaqale ayaana ka tahay mana ogid Qoftaan in la qabo iyo in kale Shaqadaada haku dheelin, balse Raami Maskaxda ayey ka mashquulisay fikirkeeda.
Waxey sidaa ahaataba Waqtiguna uu is guro waxaa la gaaray Subixii Labaad Raami sidii caadada aheyd ayuu u aaday Shaqadiisa, aad ayuu u fikiraa wuxuu dareemay inuu qoftaan u baahan yahay, ayna tahay Dooqiisa iyo Qoftuu ku Hamin jiray weligiis, balse wuxuu lahaa rajo inuu maalin un dib ula kulmi doono.
Ku dhawaad Mudda Hal Bil ma uusan arkin, lambarkeedana wuu hayaa lkn Shaqadiisa ayuu u cabsanaa ma oga wuxuu kala kulmi doono, Anshax daro ayeyna la noqotay inuu daba galo.
Maalin maalmaha ka mid ah isagoo u socdo Jaamacadiisa oo saaran gaari PL ah ayuu Daaqada gaariga si lama filan ah uga arkay, Isla gabadhii oo Laamiga dhinac kale ka taagan wuxuu u qeyliyay sidii Nin soo baraarugay Cml, Jooji jooji Baabuurka ayuu Hal mar la soo dooday. Darawalkii ayaa isla markiiba istaajiyey Gaariga, Orad ayuuna uga soo degay, Laamiga ayuuna dhinaca kale u gooyey wuxuu ag istaagay gabadhii, laakin indhahooda markey isku dhaceen hadalkii ayaa ka lumay, wax uu u sheego ayuu garan waayey, isla markaas wuu ka soo jeestay lkn intey dhoola cadeysay ayey ku tiri:-
La soco Qeybta Xigta
Abdulkadir Uukow
@xikmadosom
@somalibooks
@UukowMedia

Dabinkii Jacaylkaygga Dib ayaan ka Ogaadey Qaybta 2aad
Markaasey Gabadhii intey Dhoola Cadeysay ku tir:- Fiiri Aboowe. (Intuu soo jeestay ayuu ku yiri:- Hee Abaayo. Waxey tiri Horaan kuu arkay saan filaayo, sow maaha. Markaasu yiri:- Haa waxaan ahay Wiilki Farmashiyaha maalinti Daawada ka gadaneysay. (Ka dib hadalkii ayuu isku qasay, oo wuu kala batay). Sida Qof ay ka aheyd mar lee yaa kuu bilaabo.
Markuu hadalka ku badiyay, iyadana ay iska aamusan tahay keliya ay dhoola cadeeneyso oo indhihiisa ay ku maqan tahay markuu arkay ayuu Aamusay oo wuu xishooday hoos ayuuna fiiriyey, ka dib ayuu ku yiri:- Iga raali noqo hadalka ayaan kugu badiyay. markaas intey qososhay ayey ku tiri:- Waa caadi sii wado hadalkaaga. ka dib intuu qoslay ayuu yiri:- Abaayo maku baran karaa?, adoo raali ah. Kolkaas ayey ku tiri:- Haa Aboowe waan ku soo dhaweynaa. Kolkaas ayuu ku yiri:- Abaay Magaceyga waa Raami. Adigana?, waxey ku tiri Aboowe Anigana waa Ruweyda. Sidii ayey isku barteen, kolkaas ayuu ku yiri:- Abaayo Jaamacadda ayaan ka sii Daahayaa waa inoo mar kale. markasey ku tiri Haye Aboowe Raami, Barasho Wanagsan.
Sidii ayuuna kaga soo dhaqaajiyay oo wuxuu sii aaday Jamacadiisa, isagoo Faraxsan dhowr sacadood ka dib Raami wuxuu ka soo baxay Jaamacadii, wuxuuna soo aaday Xaafadiisa markuu guriga yimid uu nastay xoogaa ayuu is yiri Bal wac Ruweyda, ileen Lambarkeeda hore ayuu u heystay, Lambarkii ayuu ka wacay Marku dhacay xoga ayey ka qabatay Telka waxeyna ku tiri:- Hello yaa waaye. Markaasu yiri Waa Raami.
Kolkaas ayey ku tiri:- Raami Aboowe sidee ku heshay Lambarkeyga, markaas ayuu ku yiri:- Mar walbaan jeclaa inaan ku soo waco, balse Qalad inaad ii fahantid ayaan ka cabsaday, maalinta Wax iga gadaneysay ayaan Xafiday Lambarkaaga.
Isbarasho ka dib waxey bilaabeen iney is xiriiriyaan, Ruweyda iyada waa la galay, Raami Aqlaaqdiisa, Xishoodkiisa iyo Degganaantisa ayey aad ugu bogtay, Maalinta uusan isaga soo wicin ayadaa Wici jirtay, waxey noqdeen Dad is jecel oo is Xiriiriya xilli walba, oo mar mar Balama oo kulan wada yeeshan, Xiriir dhab ah ayaa dhex maray waxey saas u wada socdaanba oo ay maalin walbo jeceylkooda Xoojiyaan.
Wuxuu Waqtigu is guro Raami iyo Ruweyda wuu sii kordhaayay Jaceylkooda, maalinba maalinta ka dambeso Heer waxey gaareen ay kala maarmi waayaan Labadooda.
Raami Aabihisa waxba kama qarsan jirin, mar waxey ahaaye Wiil iyo Aabihiis, marna waxey ahaayeen Labo Saaxiib, oo Sirta aan kala qarsan. Raami ayaa u sheegtay Aabihiisa inuu Gabar bartay oo aad u qurux badan, uuna jeclaaday iyadana ay jeceshahay. Ka dib Aabahiis ayaa ku yiri:- Waad iga farxisay Wiilkeygiyoow anaga waxaan caado u laheen inaan Guursano anago yar yar. Sidaas darteed waxaan rabaa inaan kuu guuriyo sida ugu dhaqsaha badan, saan u arko Ubadkaaga, Gabadhasna waan kuu doonayaa.
Raami ayaa arintaas ku farxay ugana Mahad celiyay Aabihiisa, ka dib ayuu wacay Ruweyd si uu ugu sheego In Aabihiisa uu ogolaaday in Ruwryda uu u doono, uuna u guuriyo.
Ruweyda sido kale wey ku faraxday arintaas, waxeyna ku tiri:-
Lasoco Qaybta Xigta
Abdulkadir Uukow
@xikmadosom
@somalibooks
@uukowmedia

Is-Xasuusin
SOONKA MAALINTA CASHUURA (TOBONAAD) EE BISHA MUXARRAM Oo Ah Bisha Kowaad Ee Sanadka HIJRIGA, Oo Aan Hadda Kujirno (08/01/1445), Beri Khamiis Ahna Wa (09/01/1445), Bisha Muxarram Wa Bil Barakaysan Oo Ku wayn Allaah Agtiisa, Waxeyna Ka Mid Tahay Afarta Bilood Ee Loo Yaqaan Bilaha Xurmada Leh, Sida Quraanka kuxusan Nabigana ﷺ Uu Ku Sheegay Sunnada.
Sida Bukhaari Warinaayo Xadiithu Inbu-Cabaas Markuu Madiina Tagay Nabiga ﷺ Waxuu Arkay Maalinka 10aad Ee Muxaram Iyadoo Ay Soomayan Yahuudi Madiino Degenayayn, Markuu Nabiga ﷺ Waydiiyay Yiri Maalintan Ay Soomayan Maxay Tahay, Waxay Ku Dhahayn Waa Maalin Wanaagsano Ilaahay Ba Fircoon Ka Badbaadiyay Nabi Muuse Calayhi Salam, Fircoona Halaagay, Oo Nabi Muuse Calayhi Salam Soomay Asoo Umahad Noqoyo Ilaahay, Sidaas Darteeda Ban U Soomaynaa, Rasuulka ﷺ Waxa uu Yiri Dadkaa Yahuuda Ah Nabi Muuse Anaa Uga Dhow Oo Ugu Xaq Badan Intuu Soomay Buu Umadana Faray Inay Sooman.
Soonka La Soomayo Maalinka Cashuura Ee Bishan Muxaram Ramadaan Kahor Waajib Buu Ahaa Oo Nabigaa Faray In Soomo, Laakiin Markii Ramadan Ilaahay Waajibiyay, Maalintan Caashuura Wa Laga Qaaday Waajibnimadii Oo Ramadaan Ayuu U Guuray, Maalinkas Soomkiisana Sunno Ayuu Noqday.
Xadiithki Abii Hurayra Ee Muslim Warinaayay, Nabiga ﷺ Waxa Uu Dhahay Soon Waxa Ugu Fadli Badan Marka Laga Yimaado Ramadaan Soomka La Soomo Bisha Ilaahay Ee Muxaram.
Fadhliga Ama Faaidada Maalintan Leedahay Markuu Ka Hadlaayay Nabiga ﷺ Waxuu Yiri" Maalinta Cashuura Soomka Aan Soomayo Ilaahay Waxan Kaga Rajeena Inuu Iga Dhaafo Danbigii Iga Dhacay Sanadkii Hore Ama La So Dhaafay."
Waxaa Suno Ah Maalinka 10aad In La Raaciyo Oo Isna La Soomo Maalinta 9aad,
Nabiga ﷺ Markuu Faray Asxaabta Inay Sooman Maalinka 10aad Ee Bishan Muxaram, Ayaa Waxay Ku Dhahayn Yahuuda Ayaa Soonto Oo Wayneeyo, Markuu Nabiga ﷺ Yiri Hadan Sanadka Danbe Sii Joogo Waxan Soomi 9aadka Nabiga Ma Gaarin Aduunka Ayuu Ka Tagay Maadaama Uu Niyaystay Culimada Waxay Dhahayn Wa In Lasooma Maalinka 9aad wye (Yacnii In Hal Beri Laga Hormariyo Maalinka 10aad Si Loo Khilaafo Yahuuda, Marka Sidaas Waxa Lagu Soomaya 9aad Iyo 10aad, Ama Laga Dib-Mariyo Oy Noqoto 10aad Iyo 11aad.
Khamiis Iyo Jimco Ama Jimco Iyo Sabti.
Maalinta Cashuura Wa Jimco.
Aan Ka Faaidaysano.

Dabinkii Jacaylkaygga Dib ayaan ka Ogaadey Qaybta 3aad
Macaane Waa riyadeyda inaan is Calfano oo Aniga iyo Adiga aan Guri kuwada noolaano, aan Ubad kuu dhalo, Alla ha inoo rumeeyo Riyadaas, isagana Aamiinta ayuu u raaciyay.
Maalmo waxey wada socdaanba Raami ayaa ka codsaday Ruweyda iney Ehelkeeda u sii sheegto in uu rabo inuu soo doonto. Waayahay ayeyna ku tiri, weyna u sii sheegtay Aabaheed, balse Aabaheed wuxuu ahaa Nin Damac badan, wuxuuna jeclaa Gabadhiisa inuu ku daro Nin Lacag leh oo Guri leh oo Gabadhiisa Mustaqbal qurxan u sameyn karo. sidaas ay tahay ma sii wareysan gabadha oo ma dhihin Ninka ku soo doonanaayo bal iiga waran, wuxuu jecleystay Ninka markuu la kulmo inuu isaga Wareesto, uuna wax walbo Afkiisa kaga Ciil baxo.
Waxaa la soo gaaray Maalinti Raami loo dooni lahaa Ruweyda, Raami aad ayuu u faraxsanaa wuu Lebistay, Labiskiisa kuwii ugu Qurxanaa ayuuna xirtay, wuu is qurxiyey, Maalinta haduu Baalal lahaan lahaa farxad ayuu la Duuli lahaa.
Waxaa isa soo raacay Raami iyo Aabihiis, waxeyna soo aadeen dhankaa iyo Gurigii Ruweyda, Markey yimaadeen Guriga waa la soo dhaweyay, Waa la Cazuumay Cazuumada ka dib waxaa la gaaray Xilligii leys wareysan lahaa ee Xaqiiqda Cazumaadaas laga hadli lahaa
Waxaa isa soo raacay Raami iyo Aabihiis, waxeyna soo aadeen dhankaa iyo Gurigii Ruweyda, Markey yimaadeen Guriga waa la soo dhaweyay, Waa la Cazuumay Cazuumada ka dib waxaa la gaaray Xilligii leys wareysan lahaa ee Xaqiiqda Cazumaadaas laga hadli lahaa .

Dabinkii Jacaylkaygga Dib ayaan ka Ogaadey Qayb 4aad
Raami iyo Aabahiis si wacan ayaa loo soo dhaweeyay, waana la Cazuumay Cazumada ka dib waxaa wada Fariistay Labadii Oday ee dhalay Wiilka iyo Gabadha, waxaana hadalka ku hor maray Raami Aabihiis oo si diiran uga Mahad celiyay Cazumaaddii aadka u Xiisaha badneyd ee loo sameeyay, isagoo ku bilaabay hadalkiisa:- Waan idinkaga Mahad celinayaa sida Sharafta leh aad noo soo dhaweyseen, ka dib Gabadha Aabaheed ayaa yiri:- Waa waajib i saaran inaa Martideyda soo dhaweeyo Sharaf ayeyna ii tahay.
Ka dib waxaa Mowduucii furay Raami Aabihiis oo sheeko kale kuma sii dheeran wuxuu yiri:- Xaajiyoow waxaan kuugu soconaa Aniga iyo Wiilkeyga, doonasho Gabadhaada Ruweyda ah, inaan u Guurino Wiilkeyga Raami, weyna soo wada hadleen Labadooda.
Gabadha iyo Wiilkana wey is jecel yihin weyna isku qanacsan yihin sidaas darteed iyada ayaa ku tiri Reerkeyga iiga soo doono, ee Xaajiyow Wiilkii iyo Gabadhii aan Faataxa u marno inuu ilaaheey isku barakeeyo.
Markuu hadalka dhameystay Odaygii ayaa wuxuu ku yiri:- Wiilkaagu muxuu qabtaa ?, Raami Aabihiis ayaa yiri:- Wiilkeygu waa arday jaamacad ayuu dhigtaa, wuuna Shaqeestaa. Ruweyda Aabaheed kuma qancin arintaas si Xun ayoona ula hadlay Martidi wuxuuna yiri:- Waa ka xumahay Aniga gabadhan Nolol Heer Sare ku soo koriyay, si fudud kuma bixinaayo, waayo Wiil Arday ah kuma amini karo Gabar aan kusoo tiir iyo tacab beelay, Nin aan Nolol fiican heysan oo gabadheydana Nolol fiican sin jarinkuma Amini karo, waan ka Xumahay Xaajiyoow Raali ahaada Calaf iskuma laheyn Labadooda ee Kheer ayaan idiin rajeynaa.
Raami iyo Aabihiis oo Niyad jabsan ayaa ka soo baxay Gurigii cidda, waxeyna soo aadeen Xaafadooda. Raami tiisa wuu iloobay markuu arkay Aabihiis oo Niyad jabsan, guriga markey yimaadeen ayuu ku yiri Aabe iga raali noqo Sharaf dhacaan iyo Niyad jabkaan anaa sabab u noqday, Adigo qof weyn ah ayaan Maanta sabab u noqday Nin asaagaada inuu ku liido oo ku bahdilo, waana igu balan Aabe inaan Ruweyda faraha ka qaado, dib dambana u xiriirin, adigana i Cafi Aabe.
Odayga ayaa ku yiri Wiilkiisa:- Aabe waxaas waa caadi, anigana dhib uma arko, waxaan u Murugeysanahay waa Adiga dartaada, waan ogahay Wiilkeyga in jeceylka uu Xanuun badan yahay wejigaada Farxada ka muuqatay iyo xamaasad intaan bixin ka hor, waana dareemi karaa inaad niyad jabtay, ee Wiilkeygiyoow ha is raacinin Cidaas isku maqaam ma nihi oo iskuma qalano, iska iloow Niyadaadana ka saar.
Raami ayaa ku yiri Aabihiis:- Aabe ilowsho ma aha wax aan si fudud ku iloobi karo, laakin inaan ka fogaado waa igu balan, mana iloobi dooni weligey Ruweyda Aabaheed sida uu noola dhaqmay.
La soco Qaybta Xigta

Dabinkii Jacaylkaygga Dib ayaan ka Ogaadey Qaybta 5aad
Dhanka Ruweyda iyadana aad ayey uga Naxday falka uu Aabahed uu ku sameeyay Raami iyo Aabigiisa, aad ayey uga xumaatay waxey la hadashay Aabaheed waxeyna ku tiri Aabe maxaa saan u sameysay maxaa saan ula hadashay Raami iyo Aabihiis. markaasu ku yiri:- Aabe Aniga weligey wax makaa hakran Nolol tan ugu Quruxda badan ayaan ku siiyay habeen iyo maalina dartaada u Shaqeynaayi Farxadaada, Caafimadkaga, Cuntadda iyo wax walba oo aad u baahato diyaar ayaan kuula ahaa, waan ku baryaa hadaad Ducadeyda rabtid iska iloow Wiilkaas kuuma Qalmo waa Faqiir wax ma heysto asagaa Gaajejsan, adigana inaad iga gaajooto ma rabo.
Sheekada hadey gaartay Duco iyo Habaar Ruweyda iyadoo ka xun oo Niyad jabsan oo Qalbiga ka dhaawacan ayey go'aansatay iney ka fogaato Raami, Raami isagana sido kale wuxuu go'aansaday inuu is iloowsiiyo jaceylkiisa, laakin Lamaanahan si dhab ah ayey isku jeclaayeen midna ma awoodin inuu iloobo midka kale, Ruweyda nolosheeda Mugdi ayey noqotay, wey Fikirta markey soo Xasuusato Raami, weyna iska Ooysa, Raami isagana sidoo kale Murug iyo Fikir iyo Ooyin ayuu ka bixi la'yahay.
Waxey Xaaladdu sidaas ahaataba mudo ka dib qof walbo wuxuu bilaabay in Noloshiisa meesheeda uu ka sii wato, balse Xusuustii quruxda badneyd inaan marnaba laga tegin
Raami wuxuu go'aansaday inuu iskaga tago Shaqadii uuna xooga saaro Waxbarashadiisa keliya uu ku dadaalo Waxbarashada inuu heer ka gaaro. Halka Ruweyda ay nolosheeda dabiiciga iska sii wadatay Waxbarashadeeda iyo gurigeeda iyo Asxbteda iskala nooleed Jaceyl iyo Xiriir dhan wey ka Niyad jabtay, Raamina sidoo kale wuu ka niyad jabay Xiriir Jaceyl oo dhan.
Wuxuu Waqtigu is guroba waxaa ka soo wareegatay Hal sano kala tagidooda, Ruweyda waxaa soo doontay Nin iyada ka weyn Da' ahaan, laakiin Hanti lahaa oo ay Aabeheed is kasaayeen, Ninka waa Nin Ganacsade ah oo Guryo iyo Gawaari leh.
Aabaheeda ayaana ogolaaday, wuuna siiyey Ninki. Aabe ayaa u wacay Gabadhiis Ruweyda wuuna u sheegay in Nin Lacag leh ka soo doontay, uuna bixiyay, waana amarkeyga ayuu ku yiri. Ninkan waa Nin ku siin kara Nolol farxad badan waa Nin Hanti leh waa Nin kuu awooda inuu kuu sameeyo wax walbo aad u baahato, waa Nin noo Qalmo gabadheyda hadaad Ducadeda rabtid Aabahaa ayaan ahay xaqna waan u leeyahay inaan kuu dooro wixii Maslaxadaada ah, hadalkeyga ha diidin Ninkaas ayaan ku siiyay, Arooskana waa Bil ka dib, Ninkaan is barta oo is fahma.
Ruweyda wey ka Oggolaatay Aabahed waayo wey jecleed Aabwheda, mana rabin iney Amarkiisa diido.
Lasoco qaybta Xigta

Nafhuridda
Sheekadaani wexey dhex martay Qalin iyo Masaxaad ama Tir-tire ama goon hadba saad u taqaan.
Wexey ku tiri tir-tirihii qalinkii "seetahay saaxibkayow?"
Markaas ayaa Qalinkii isaga oo xanaaqsan ku yiri "Saaxibkaa ma ihi anigu.....waan ku nebcahay."
Tir-tihirihii iyadoo yaaban oo murugaysan: "sabab?"
Qalinkii: "Maxaa yeelay waxaad tir-tirtaa waxkasta oo aan qoro."
Tir-tirihii: "Maya, anigu waxa kaliya oo aan tir-tiraa qaladaadka."
Qalinkii: "Maxaa kaa galay adiga qaladaadka?"
Tir-tirihii: "waxan ahay tir-tire taasina waa shaqadayda."
Qalinkii: "Waxaasi shaqo maahan."
Tir-tihirihii: "Shaqadaydu waa shaqadaadoo kale waxtar ayeyna leedahay."
Qalinkii: "Waad qaldantahay, waayo cidda wax qorta ayaa ka fiican cidda wax tir-tirta."
Tirtirihii: "Khaladka oo la masaxaa wexey hagaajisaa qoraalka."
Qalinkii ayaa in cabaar ah aamusay kadibnah wuxuu si ay murugi kamuuqato u yiri
"Laakiin maalinba maalinta kadanbeysa waxan arkaa adiga oo sii yaraanaya...."
Markaas ayey tiri tir-tirihii "Waayo markasta oo aan khalad tir-tiro waxa aan huraa qayb igamada aniga."
Qalinkii ayaa isnah si murugo yari kujirto isnah yiri "Aniguna waan kasii gaabanaya maalinba maalinta kadanbaysa intii hore."
Markaas ayaa tirtirihii iyada oo niyadda u dhisaysa qalinkii ku tiri "Marna cid wax ma u tarayno illaa oo aan nafsadeena qayb kamida u hurno cidaas ma ahane."
Kadibnah inta ay si naxariisi kujirto qalinkii u eegtay ayey tiri "Haye weli ma i necebtahay hadda mase....?"
Markaas ayaa qalinkii inta dhoola cadeeyey ku yiri tir-tirihii "Sideen kuu necbaadaa iyada oo ay ina kulmisay huridda nafsadeenu."
Tuducda sheekada:
"Maalinkasta oo aad soo toosto cimrigaaga waxaa ka go'a maalin sidaasi darteed haddii aadan noqon karin Qalin, kaas oo u qora dadka farxad, noqo tir-tire wanaagsan kaas oo ka tir-tira murugada dadka noloshooda uguna bedela rajo iyo yididiilo ay ku noolaadaan."

Maxaa sababay Aroosyada in Subaxdii Sheekh ka wacdiyo Habeenkiina Fanaan ka heeso?