Xikmado️ 💎
41.9K subscribers
1.55K photos
18 videos
4 files
725 links
Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.
Download Telegram
Qormo ama sheeko aad rabto inaan baahino Halkaan Facebookaygga iguso diri kartiin Mahadsanidiin
Caawa waan Naxsanahay Gabar foolxun baa Macnow i tiri😂😂
Alla Caashaqu Muxuu Dartaa I duleeyey Qaybta 4aad

Soo dhaweyn diiran ka bacdi Suleeqo waxey u gelbisay Hotelkii uu degi lahaa, durba kama aysan imaane, waxooga ayey u sheekaysay, jacaylka u qabto, ayayna uga sheekeysay, iyo sida ay noqonayso haddi ay weydo, isna sidoo kale wuxuu u sheegay sida uu ugu faraxsan yahay la kulankeeda.

Habeenkaas sidaas ayey kaga tagatay, balse farxad darteed kama eysan seexan oo waxey ka fekareysay Kaarkii Invitationka cidii ay ka dalbi laheyd, waxeyna Maskaxdeeda ku diyaarineysay Hablahii kala shaqeyn lahaa Arooskeeda.

Saciid wuxuu galay Todobaad mashquul ah, uuna Suleeqa u sheegay, inuu ku Mashquulay, Asxaab iyo Qaraabo ay in mudo ah kala maqnaayeen, balse xaqiiqda ay ahayd, inuu maalmahaas la Baashaalayay, hablo kle oo ay xiriir lahaayeen, laakin Suleeqo hadalkiiisa wey ku qanacday, oo kama Shakiyin, wuxuuna u sheegay inuu Salaantaas soo dhameynaayo si uu iyada Fursad badan ugu helo,

Saciid todobaad ka dib ayay mar kale kulmeen Suleeqo, iyada oo u qaba xiiso aad u badan, maalintaas iyada ayaa u tagtay, hadafkeeduna wuxuu ahaa inay dherka ka soo qaado si ay ugu Dhaqdo, weyna soo qaaday.

Suleeqa waxey ka baqday in xaafadu ay fahmaan, sidaas darteed waxay kaloo ay dhar ka soo qaday Wiil ay qaraabo ahaayeen, si ay ugu dhax darto, isla markaana aan loo fahmin Ujeedadeeda. Suleeqa waxey Saciid uga fekereysaa ugu dharkiisa iyo Cuntadiisi sidii Ninkeeda oo kale.

Suleeqo dharkii ayay soo dhaqday, waxay si dhuumaal ah ugu soo qaaday Xilli Maqrib ah, waxeyna u timid isaga oo qolkiisa ku jira. Mahadsanid Qaali, runtii Qalbigeyga ayaad hanatay ayuuna ku yiri.

Intaas ka dib, wucuu u galay, Sheeko hoose oo dareenkeeda kicinaayo, wax yar ka dib, inta Gacanteeda qabsaday, ayuu Laabtiisa ku Seexiyay, Suleeqo Xarkihii ayey goosatay, Laab diiran, Cod hoose oo raxmad leh, dhunkasho Naxariis Xaada kicineysa, ayay dhaxda u gashay, Ogoow Sheydaankii ayaa dhaxbooday, durbadiiba waa leysku Dhar dhigtay.

La soco Qeybta Xigta

Abdulkadir Uukow


@xikmadosom
@somalibooks
@uukowmedia
Qofka bini'aadanka ah waa buug loo baahan yahay inaad aqrisatid qof walba jaldiga kore waa ka qurux badan yahay laakiin markaad Kala furtid waxaad ugu tagaysaa sheekooyin qalbi taabad ah oo aad u xanuun badan.

Isku day qof walba inaadan Ku go'aamin jaldiga kore Kala fur si aad u ogaatid taariikhdiisa.

Yasser Abdiladiif
Alla Caashaqu Muxuu Dartaa I duleeyey Qaybta 5aad

Suleeqa habenkaas khalad weyn ayey gashay, nafteedana aad ayey u canaanatay iyada oo marna Ooyeysa, marna iyada isla yaaban ayey xaafadoodii ku noqotay.

Markay Firaashkeedii tagtay ayey dhex gashay Mowjadihii Fikirka, waxeyna soo xasuusatay sheekooyin ay horay u soo aragtay, oo ku saabasan waxa ay Caawa la soo kulantay.

Waxaa kale oo qalbigeeda ku soo dhacday, Qisooyin tan la mid ah oo gabdho badan lagu khayaameeyay kuwaas oo ay horay u aragtay,
Cabsi ayaa gashay, hadda waxey is leedahay, tolow sidee ayuu Xaal noqon doonaa ?.

Maalinti dambe ayuu soo waacay, marka uu dareemay inay Murugysan tahay, ayaa wuxuu niyada ugu dejiyay:- Huuno aniga unbaa ku guursan, Nin kalana kuuma Ogoli, labadeena jacaylka ayaa ina waalay, waxba haka baqin, anaa ku leh Adiga. (Sidaa markuu yiri Suleeqa xoogaa Niyadda ayaa u degtay).

Maalmo ka bacdi, ayuu hadana ka dalbaday inay la kulanto, balse markan wey cabsatay weyna diiday, waxba ma uusan cadaaadin ee hadaadan ogoleyn iska joog ayuu yiri, Wax is beddel ahna ma uusan dareensiin.

Markaan wuxuu u muujiyay, inuusan raali ka aheyn inuu ku qasbo, wax eysan iyadu ogoleyn
Waxaa kale oo uu dareensiiyay, inuusan jirkeeda ku socon. Markaas ayay Suleeqa is tiri Wlhi waa Nin ku jecel, mar unbuu Qalad ka dhacaye.

Maalin dambe ayuu soo wacay wuxuuna ku yiri:- Inaan meel aado ayaan rabaa, ee Nabad gelyo, inaan ku arkana waan jeclaan lahaa, balse hadaadan awoodin dhib maleh oo waan iska tagi. Suleeqo waxey aragtay in ninkan uu ilaalinaayo, waxeyna ku tiri:- Waan kuu imaanaa galabata, isagana haye ayuu ugu jawaabay.

Xilligii balanta markii la gaaray ayey Suleeqo u tagatay, habeenkaasna sidiii caadada aheyd ayaa goobta ka dhacday, oo Dharkii xilli la wada tuuray, ayaa la garan waayey, durbadiiba Mowjadihii Raaxada ayaa la wada Mushaaxay.
Habeenkaas inta ka dambeysay Sileeqa way is dhiibtay, marar badana wey wada kulmeen, oo
weliba waxay qabtaa Rajo Guur.

Muddo dhawr bilood ka bacdi Suleeqo waxey dareentay iney wax ka qaldan yihiin, Xanuun, Lalabo iyo dhiigii Caadada oo joogsaday. Wey dareentay iney Uur qaaday waxeyna dhaqso ula wadaagtay Saciidkii Waraabiyay Suntii Caashaqa, balse wuxuu weydiiyay inuu jiray Nin kale oo u tagay, wuxuuna ku yiri:- Aniga Uurkaas kuuma yeelin, waan kaa ilaaliyay Qoyaanba. Suleeqo wey Ciil Ooyday, waxeyna aragtay, Xaqiiqadii ka qarsooneyd.

Ugu dambeyn Saciid wuxuu aad uga cabsi qabay in Suleeqo Uurkeedu ay xaafaddu ogaato, oo ay isaga sheegato ayaa isagoo taas aad uga baqaayo ku yiri:- Suleeqo Xal ayaan hayaa. oo muxuu yahay ayeyna ugu jawaabtay. iyadana Qalbigeeda waxaa ku soo dhacay, wuxuu ku oran doonaa hadda ayaan is Guursanaynaa. balse wuxuu yiri, wax aysan iyadu ka filayn, kaasoo ahaa:- ilmaha ayaan kaa soo Xaaqaa.

La soco Qeybta Xigta

Abdulkadir Uukow


@xikmadosom
@somalibooks
@uukowmedia
Sheekada noo socoto Ka warama maadama Gabagabo ku dhawdahay maxaa kaaga baxay maxaase ka filan karnaa qaybaha harey sheekada?

Masoo xaaqi doonta duleeqa canugeeda?

Hadii aysan soo xaaqinse Maxaa dhici doona

Hadii ay soo xaaqdana maxa dhici doono?

Saansaanta sheekada ku socoto Maxaa kaaga muuqdo

FG: Sheekadan sababta aan idinkula wadaagayno ma ahan inaan xumaan faafino sababtu waxay tahay in ay gabdhaheena ay is ilaaliyaan oo ay cibro u noqoto oo kali ah
"Wali may dhacdey inta aad qof u xiistey ilaa heer ay gaadho inaad oydo.? 🤔😭💔
Qaybta labaad ee sheekadii Saabir iyo samiira

Waa cod halkan linkga hoose kasoo daawo

https://vm.tiktok.com/ZM2uCmTpn/
Alla Caashaqu Muxuu Dartaa I duleeyey Qaybta 6aad

Suleeqo waxey darentay in Ninkan uusan Rajo ka laheyn kuna ciyaaraayay, dhibka heystana iyada uun heysto, uusan isaga la dareemeyn.

Waxay ogaatay, in Saciid uusan Ogolaaneynin, haddii ay sheegatana uu dafiraayo, waxaana hortaala Laba arimood iney mid uun sameyso,
Inay hadalkiisa yeesho, ilmahana iska soo xaaqdo, iyo iney diido, oo ay ilmaheeda iska dhasho, dushana u ridato, dhibaatada ka imaan doonta. Waa gabar yar oo aysan maskaxdeedu qaadi karin Culuska intaas la'eg, waxeyna ku wareertay, go' aanka ay qaadan laheyd.

Ugu dambeyn, Ninkii ayaa ka dhaadhiciyay, in ay Ogolaato, arinta uu u soo bandhigay, waxa uuna u sheegay inay tahay Waddada keliya ee ku bad-baadi karaan, weyna Oggolaatay.

Saciid ayaa u sii qaday Magaalo kale, iyada oo Qoyskeedi kaga tagtay qaab Dhuumasho ah, oo aysan cidina ogeyn si uu uga fogeeyo meelaha laga yaqaano, wuxuuna geeyay Dhaqtar, ugu dambayna halkaas ayaa looga soo tuuray ilmahii.

Suleeqo hadda waxay la mid tahay Hooyo ilmo dhashay, waxeyna weyday gabrnimadeedii,

Maalmo ka bacdi ayay ku soo noqotay Xaafadoodii iyada oo ka soo kabatay dhaawacii, lookiin cid ogi eysan jirin, Xaafada waxey u sheegtay iney rabtay tahriib, balse ay dib kala Xumaatay. Xaafada oon dhaqankaas ku Aqoon, ayaana aad ula yaabay, waxooga waa laga shakiyay, laakin meesha cidiba ma ogaan inuu waxa dhacay, keliya waxaa loo arkaayay, inay Dhoof ku wareertay, arintaasna uu Wal-wal ku abuuray, waxaana la isku dayay in la dajiyo oo la waaniyo.

Saciid maalintii ayaa ugu dambeysay, waxa uuna u sheegay, inuu Calaf ka adeegay, oo gabar ay Qaraabo yihiin lagu daray, balse uusan weligii ilaawi doonin Suleeqo.

Hadda Suleeqa cidi ma oga, kaligeed ayay Ooysaa, qalbigeeda wuxuu la gubanayaa, dhibta ay martay, Nolosha wey ka quusaty, waa gabar yar oo isma adkeyn karto, waxay tiri iyada oo Marxalada ay ku jirto ka hadleysa " Dadka dhan inay i wada ogyahiin ayaan moodao, Cid lama hadlo, Cidna ma Aamino, Nolasha iyo Geeridana ma kala jecli, isma lihi Nolol ayaa kuu dambeysa, wax ii haray ma jirto, wax walba wey iga bur-bureen, Nafteyda waan nacay, ee ila taliya, maxaa sameeyaa?.

Haddaba, Akhristoow maxaad kula twlin laheyd, Walaasheen Suleeqo ?

------ DH A M M A A D ------

Sheeko kale ma bilawnaa ama dhanka she
ekooyinka waan ka nasanaaa

Abdulkadir Uukow

@xikmadosom
@somalibooks
@uukowmedia
Waa Taxane Cusub Oo La Magac Baxay Godkii Murugada Ma Bilawnaa? Inta aynaan Bilaabin Aan idin so gudbiyo Goos goos yar oo Taxanaha ah


haddii ay ii ahaan lahayd inaan kuu soo qoro farriin si aan usoo cusbooneysiiyo ballan iyo jacayl waqti hore ka imaaday kuuma soo qoreen xataa hal sadar. mana qorsheeyeen xataa hal eray. Maxaa yeelay ma aaminsani inuu jiro ballan lamid ah ballankaadi khiyaanada ahaa iyo jacayl lamid ah jacaylkaadi beenta ahaa inuu mudanyahay inaan udabaaldego si aan u xuso, ama aan ka xumahay burburkiisa oo aan codsanayo soo celistiisa. waxaad ogaatay marki aad iga tagaysay in dhinacayga uu ka shidanyahay dab holcaya, wixi tagay waa wax laga xumaado iyo cabsi mustaqbalka ah labadaba, oo sideysan ii soo gaareyn cirib xumada arrintaa aniga jeer aadan naftaada kuqasbin inay dib u eegto ayaan darro aad adiga tahay qofka iska leh. mana aadan kuqasbin naftaada tirtiridda illin aad adiga tahay midki ay daraadiis udaadatay. intaas kadib ma mudanahay inaan nafteyda u sawiro inaad adiga tahay qof wanaagsan? Maya, xataa ma awoodo inaan nafteeyda usheego inaad tahay ibnu aadam.

Waa Taxanaheena Cusub ereyadan iyo kuwa Kale oo Ka yaab badanba waxay ku jiraan Taxanahan Masoo Fasaxnaa
qaybta 3aad saabir iyo Samiira halkan hoose kaso dhagayso

https://vm.tiktok.com/ZM2HGgPhS/
Wax kasta waa way dhammaadeen
Jooji telefankan aad daqiiqad walba eegayso, cid fariin kuso diraysaa ma jirtee.
Waxaa laga yaabaa inay dhacdo maalin aan ilowno xittaa sida loo dhoolacadeeyo😒
Alle raali haydinka ahaado kuwa qalbiyadooda quful weyn la saaray, furihiina lala dheelmaday si arxan la'aan ah. 💔😥
Markabkii adduunka ugu weynaa oo magaciisa la yidhaahdo “Icon of the Seas” ayaa badda dul mushaaxi doona bisha koowaad ee sanadka 2024, Markabkan ayaa waxa samaysay shirkad laga leeyahay dalka Filand.

Markabkani waxa uu qaadi karaa rakaab tiradoodu dhantahay 7,600 qof oo ay ku jiraan Shaqaalaha markabka oo dhan 2,350 ruux. Markabkan Icon waxa uu shan-jeer ka culays badan yahay Markabkii caanka ahaa ee Titanic.

Kumanaan qof ayaa sii goostay Tigidhka lagu raacayo markabkan Cajiibka ah kuwaas oo qorshahoodu yahay in ay ku dalxiisaan qiimaha lagu raacayo ayaa u dhexeeya $1,011 ilaa $13,958.

Qofkasta iyo awoodiisa dhaqaale halka ay u jarto, adigu qiimahee ku raaci lahayd Markabkan?
"Ma garanayo sababta aan dhammaanteen ugu dhaganahay dad aan ognahay haddii ay nolosheena ka haajiraan ay sidan ka fiicnaanayso.

Waxay u egtahay inaan ka baqeyno inaan luminayno wax aynaan runtii
haysan.

Qaar inaga mid ah ayaa sheegaya inay jeclaan lahayeen inaan noloshaas kusii jirno waayo waxay leeyihiin "wax ayaa dhaama wax la'aan."

Laakiin runtu waxay tahay "In la haysto kala badh ayaa ka adag inaan la haysan gabi ahaanba." 😥💔
Wuxuu Yiri : Aabbaheey ayaa i garaaci jiray, hooyadayna waa ay iga dhicin jirtay. Naftayda ayaan weydiiyay: muxuu sameyn lahaa aabbaheey, haddii ay maalin hooyo i dili lahayd?

Si aan u tijaabiyo arrintaas ayaan hooyadeey ka diiday in aan u doono caano ay suuqa iiga soo iibi i tiri. Markii aan qadada u fadhiisannay ayay cuntadaydii xoogaa ku yaraaysay iidaankii, markaas ayaan ka dalbaday in ay iidaanka ii kordhiso. Kolkaas ayay igu amartay in aan aayar kursigayga yar ugu fadhiyo, cuntadana cuno; laakin dhulka ayaan gogladay oo aan fadhiistay, dharkaygiina si ulakac ah ayaan u wasaqeeyay, hadal qallafsanna waan ku dhahay.

Waxaan u maleynayay in ay hooyadeey i dili doonto oo aanan ka baxsan doonin, laakin taas bedelkeeda intay si diirran laabta ii gelisay ayay igu tiri: wiilkeygiyoow, maxaa ku helay? Ma xanuunsan tahay?
Markaas ayaa indhahayga waxaa sidii roobka uga soo hooray illin iyo ooyin aan isku celin waayay.

Abdulkadir Uukow
Hadalkii ugu layaabka badnaa wuxuu ahaa " Waxaa i haysa caqabad dhaqaale waxaana u baahanahay in aan kilidayda iibiyo si aan u helo dhaqaale".

Nin aan yaabin baa dhahay waan yaabee waxaase illa sii cajab badneed markan isha saaray "the real red room iyo hitman room"😟

sheekoo cajiib badan baa idinkaga hayaa ubucda kaliya ee ugu halisan internet-ka waana DARK WEB

Yasser Abdiladiif
Facebook waa barta ugu liidato dhinaca xoriyatul qowlka baraha bulshada , hadii aad ka hadasho qoomka qaanso roobaaka waxaa macquul ah in lagaa xiro , hadii aad ka hadasho faldambiyeedka israaiil waxaa macquul ah in lagaa xiro xisaabka .

waxaa sii dheer in facebook uu wajahaayo dhibaato dhinaca xayaysiinada ah markay shirkada Apple ka xirtay raac raaca macluumaadka dadka si shirkadaha xayaysiinta looga sii iibiyo

waana arrinka keenay in Mark uu sameeyo Threads asagoo leh tiwitterka la tartan , laakiin tawitterka waa meel xoriyad buuxdo ka jirto maadaama Elon Musk uu necebyahay afkaarta bidixda xagjirka ah ee anshax xumada faafiyo halka Mark milkiilaha facebook uu yahay mid kamid ah udubada bidixda qaanso roobaadka buun buuniyo .