Xikmado️ 💎
41.9K subscribers
1.55K photos
18 videos
4 files
725 links
Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.
Download Telegram
Ciid Mubaarak

Kusoo Dhawaada Waraysigii Raymaa Gabadhii jiniga ahayd oo Nus noo joogtay Qeybta Labaad Ee Waraysiga



Suaal: Dad badan oo asxaabteyda ka mid ah ama wareysigan aqrin doona waxay jeclaan lahaayeen in aan muuqaalkaaga uga sheekeeyo, haddeer waxaad i hor fadhidaa adiga oo leh muuqaalkii gabar insi ah, balse lugahaaga uun baa qoobkii fardaha oo kale u sameysan, suurto gal ma tahay in aan ku arko adiga oo leh muuqaalkaaga jinniga ah ee dabiiciga ah? Igana ballan qaad in aadan I dhibaateyney!

Reymaa: khiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiikh Guguguwahuga! Xeeeeex xiiiiiiiix xuuuush!

Suaal: Yaa ALLAAH! Reymaa iga raalli noqo, Please! Please! Fadlan raali noqo! Jawiga caadi ku soo celi please!

Reymaa: Suaalaha qaar iska ilaali, si aanan kuugu talo galin in ay dhibaato kuu gaarto ma rabi. Hadda waxaad ku sigatay in ay iirmadeyda ku saaqdo.

Suaal: iirmo waa maxay?

Reymaa: Marka aan xanaaqo indhaheyga waxaa ka imaanaya iftiin buluug ah, kaddibna mid jaalle ah, sida haddaba aad arkeysay, haddii iftiinkaas indhaha uu guduud noqon lahaa kaddibna aan ku soo eegi lahaa waad guban laheyd.

Suaal: Ka gudub taas, wareysigeenii ayaan wadaneynaaye hadda caadi ma tahay?

Reymaa: Haa! Ka soco.

Suaal: Waxaad ii sheegtay in jinniga ay 3 farood leeyihiin, haddeer oo aad insi isu ekeysiisay waxaad leedahay 4 farood kaliya, taas maxaa u sabab ah, ma ii fasiri kartaa?

Reymaa: Hadda jirkeyga meelo badan ayuu kaga duwan yahay insiga, lugaha waa qoob fardeed oo kale, faraheyga waa 4 farood gacan walba iyo lug walba, ilkaheygana waa 3 kor ah, 3 hoos ah, iyo 4 goos oo kaliya oo hoos ah, balse qof aanan aniga dareensiin ma arki karo.

Suaal: Kursigan aan kuu dhigay si caadi ah uguma fadhidid, caadi uma fadhiisan kartid miyaa, adiga dhan waad dhaqdhaqaaqeysaa, si uun baad u fudfuddahay, maxaa u sabab ah?

Reymaa: Jirkeyga wuxuu ka sameysan yahay 400 oo moollo-xubneed, halkii mar ee aan boodo waxaan ku duulli karaa xawaare 1500 oo meyl daqiiqaddii ah, adiga oo halka ila fadhiya ayaan inta Hargeysa tago, kismaayo tago haddana 5 daqiiqo gudahood kuugu soo laaban karaa, marka jirku wuxuu leeyahay cufjiid dabiici ah oo u diidaya in uu meel ku nagaado.

Suaal: Waxaan ku weydiinayaa suaal adag, jinniga wuxuu ku darsamaa insiga, wuuna waalaa, taas beddelkeeda insiga miyuu ku darsami karaa jinni, mase idin waalli karaa qof insi ah sida aad idinkuba u waashaan insiga?

Reymaa: Maya, dadka qaar waxaa jira inta sixirka bartaan, kaddibna jinniga ku shaqeysta, kuwaas in kastoo ay dembi adag ku dhacaan xag diin ahaan haddana jinniga way ku shaqeystaan wayna ka awood badan yihiin, weyna dhacdaa in insiga gaar ahaan kuwa jinka dhaawa ama dadka ka daweeya ay awood u leeyihiin in ay jinka arkaan oo dilaan, balse inta ku darsamaan ma waali karaan, awooddaas insiga lama siin.

Suaal: Ma u fasaxanahay in aan wax kaa weydiiyo, siyaasadda, dhaqaalaha, diinta iyo hantidda ay leeyihiin jinniga?

Reymaa: Haa, balse suaalahaaga ha asluubeysnaadaan.

Suaal: Inta aanan ku weydii suaalahaas haddii aan dabeecadaha jinniga wax kaa weydiiyo horta jinnida miyuu cunaa hilibka insiga, yacni dadka ma dilaa, haddiise uu dilo oo cuno waa noocee jinnigaas bal si ay aqristayaasha isaga ilaaliyaan?

Reymaa: Huuuuuuuuuuuuh! Haah! Jinniga qaar wuu dilaa dadka, dhiigga ayuu ka nuugaa, wuuna cunaa hilibka dadka, balse kulli jinniga ma wada ahan, tusaale jinniga la yiraahdo Quullu waa kan ugu halissan, aad ayuu dadka u ugaarsadaa, wuxuu isu ekeysiiyaa bahal sidan libaax, marka uu qofka dilo kaddib lama arko, dhiigga ayuu qofka ka nuugaa, beerka ayuu kala baxaa, ama wadnaha. Jinniga Hinnaa sidoo kale waa halis, Jaanka dadka wuu gubaa isagana, kaddibna wuu cunaa, wuxuuna ka soo raacaa qabuuraha habeenkii, balse qabiilkeyga Silat hilib dhan ma cunno.
Ibliiska iyo sheydaanka iyaga awood ay qof insi ah wax ku yeelaan ma leh, balse waxay awood u leeyihiin in ay qofka fidneeyaan. Qalbigaaga oo adigii lahaa lagaa qariyey ayey iyaga daalacan karaan oo wixii ay doonaan ayey kuugu sheegi karaan qalbiga.

Suaal: Insiga waxaa ay leeyihiin hanti aad u badan, waxaa ku jira maalqabeenno wa
aweyn oo muslim iyo gaalba leh, idinka jinni haddii aad tihiin ma leedihiin maalqabeenno?

Reymaa: Haa, dadka anaga ayaa ka maalqabeensan. Jinniga maadaama uu aad u dhaldhalo wuu tiro badan yahay, dadka adduunka ku nool wuu ku 10 laabmaa, balse jinniga maalqabeenada ah waa malyuumaad, qaar baa buuro dahab ah leh, qaar baa dal dhan kaligood leh oo inta la nool ay addooman u yihiin, qaar baa suuqyada lagu iibiyo waxyaabaha xun xun oo ay u xiran yahay oo kaligood leh, marka maalqabeenadeena ma yara.

Suaal: Adiga hantida aad leedahay intey la ektahay?

Reymaa: Waa suaal wanaagsan Wareysiga qeybtiisa seddaxaad ayaan jawaabtan ku billaabeynaaye nabadey. Fadlan .. La soco qeybta 3aad Ee Waraysiga

Kala soco

@XikmadoSom
@zavi3
@dhiiragaliye
@soomaal
WAREYSIGII: GABADHII JINNIGA AHEYD EE REYMAA, QEYBTII 3-AAD

Waxa Qorey
Abukar Albadri
Waxaa Dib U Habeeyey
Abdulkadir Uukow

Wareysiga qeybtiisa labaad waxaa uu inoo marayey aniga oo Reymaa weydiinay suaal la xiriirtay hantida ay leedahay iyo inta ay la eg tahay, qeybtan 3aad waxaa ay inooga billaabaneysaa isla suaashii iyo jawaabteeda, waana sidan.
Suaal: Adiga hantida aad leedahay intey la ektahay?

Reymaa: Haddii aan runta kuu sheego jinniga dadka ugu hantida yar ayaan ka mid aha, hase yeeshee haddii loo eego insiga hanti badan ayaan leeyahay, Xitaa Milkiilayaasha Hormuud iyo Dahabshiil ee Sheekh Axmed-Nuur Jimcaale iyo Cabdirashiid Ducaale waan ka hanti badnahay, xoolo nool, hanti guryo ah, dukaamo waaweyn oo ganacsi iyo maraakiib ayaan leeyahay, laakiin ogow ma doonayo in aan hantideyda tuso shan faroodle, waayo shan faroodle dhac iyo boob ayaa ka soo haray. Lagama yaabo in Jinni uu jinni kale xoolihiisa uu damaaciyo amaba dhaco, shan faroodle aniga ayaa arkay iyaga oo is dhacaayaan.
Suaal: Hagaag! Hantidaada waad ii sheegtay, lagaamana dhacayo oo kaama sheegayo, balse haddii aan ku weydiiyo arrimo qoyskaaga ku saabsan dhib miyaad u aragtaa?
Reymaa: Dhib uma arkayo ee soo daa.
Suaal: Aabahaa magiciisa waad ii sheegtay, waa Haguuf al Silat haddii aanan qaldaneyn, bal waxaad ii sheegtaa hooyadaa magaceeda, iyo walaalahaa magacyadooda qaar ka mid ah, si ay dadka u fahmaan noocyada magacyada ee aad baxsataan?

Reymaa: Hooyadey waxaa la dhahaa Ruuxaani Heykal al Silat, waa BAAC-WALE, idinka baac-wale waxad dhahdaan injineer, hooyadey jidadka Soomaaliya ee jinka ka isticmaalo caasimadda badankii iyada ayaa dhistay, jidka buundooyinka badan ee loogu magacdaray Janaraalkii aasaasay Ciidanka Xoogga jinniga Soomaaliyeed Janaraal Shumac Shuu Shu xitaa iyada ayaa dhistay, sawirkan eeg, afartan jid ee is korsaaran iyada ayaa dhistay waana bartamaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Walaashey aan aad u jeclahay ee mataanteyda ahna waxaa la dhahaa Ruyatul Ceyn, waxay ku taqsustay cilmiga cirbixiyeennimada, waa qof aad ugu dheereysa garashada cilmiga xidigiska, waa qof mucjiso ah oo karti badan, mar ay meerayaasha jirto iyo mar ay dhulbaraha toobeyso iyo mar ay kubadda jilibka dheeleyso uun waaye. Walaalahey inta kale ma doonayaan in aan magacyadooda u sheego shan faroodle, waayo hawada insiga uma soo deggaan inta kale, magacyadooda in lagu sheego hawo aan tan jinniga aheynna ma ogola.
Suaal: Kubadda jilibka maxaad ula jeeddaa?
Reymaa: Anaga kubadda cagta ma dheelno, waxaan dheelnaa kubadda jilibka, Janaraal Shumac Shuu Shu wiilka uu awowga u yahay ee Duuriyaa la dhaho ayaa ugu laacibsan, xitaa Ronaldo iyo Messi waxba uma oga, 400 oo kubadda dahabka ah ayuu qaaday, 500 sano ee la soo dhaafay isaga ayaa ugu laacibsanaa horyaalka kubadda Jilibka Soomaaliyeed.

La soco qeybta Xigta Waraysigii Seddaxaad Raymaa Gabadhii jiniga ahayd

Kala soco

@XikmadoSom
@zavi3
@dhiiragaliye
@soomaal
📊 Sidee U Aragtaa Sheekada aan wadno Ee Waraysiga Raymaa Gabadhii jiniga ahayd

Waan ka Heley [20-30]
‎├ Soojeedow
‎├ Abukar Ahmed
‎├ Abdala Ciraaq
‎├ Qalin Iyo Qoraal
‎├ Shureym Alhaadi
‎├ Hagad Xiis
‎├ Dulyadeyn
‎├ Ahmed Barre
‎├ Safiyo Hsn
‎├ نصيبة اخت الاسود
‎├ Maxamed Abdi Kadir Mire
‎├ Generous Abdihakim H H...
‎├ yaasmiin cabdi cali
‎├ Abdelfattah Moha
‎├ Sayyid Mohammed Farah
‎├ Dr.Izahak
‎├ A.M I.K
‎├ FAHAD
‎├ Abdinaasir
‎├ Abu Yahye Ali
‎├ Umu xamza Insha Allh
‎├ سفيرة الأمل
‎├ Mulki Mahomed
‎├ Muniita Mather love
‎├ Xamza Yare
‎├ أم مؤيد بنت عمر
‎└ abdinajiib zaxansoxo

Kama helin [15-20]
‎├ إسحاق عبد
‎├ شیماء بنت الشیب
‎├ King Ipraaz
‎├ Hamda Mahomad
‎├ Mohamet Khaalit
‎├ Guleid Ahmed
‎├ Guleth ciise
‎├ ÃBdù Stonner
‎├ Shariif Hassan
‎├ Naima Addawe
‎├ Ibrahim Macawiye
‎├ رزان علي
‎├ Samatar Sam
‎├ Rooda Abdirahman
‎├ Sadaas Yare
‎├ Maxamed Bulshaawi
‎└ zahra Abdi

👥 30-50 people have voted so far
Kusoo Dhawaada Waraysigii Raymaa Gabadhii jiniga ahayd oo Nus noo joogtay qeybta Seddaxaad ee Waraysiga

Suaal: Walaashaa Ruyatul Ceyn adiga ayaa iskeen bartay oo waa gabar aad u wanaagsan, dhabtiina waan doonaye in aan la sheekeysto, habeenkii aad i bartay ee aan dabaqa saree e Hotelka Jazeera iskula shaaheynay ka soke ma aan arkin, mar aan Facebook iskula hadalnay waxay ii sheegtay in ay Kismaayo joogto, kaddibna waan waayey, halkey hadda ku danbeysaa, Kismaayo miyey deggan tahay mise safar uun bey ku joogtay?
Reymaa: Ruyatul Ceyn Kismaayo ma deggana, balse markii aysan meerayaasha hawl u jirin ayey meeshaas isaga nasataa, guri weyn oo qasri ah ayey Kismaayo ku leedahay, meel u dhexeysa Xeebta iyo Madaxtooyada Axmed Madoobe, meeshaas ayey isaga nasataa. Sababta ay meeshaas u aaddo haddii aay kuu sheego waxaa jira wiil ay suurihiisa aad uga hesho oo reer Kismaayo ah, halkaas ayuuna ku nool yahay, hoteel Kismaayo ku yaal ayuu ka shaqeeyaa, marka inta badan waqtigeeda waxay ku qaadataa Kismaayo si markii ay u baahato ay wiilkaas sheedda uga daawan karto iyada oo fadhida barandada qasrigeeda.
Suaal: Wiilka isaga ma yaqaanaa walaashaa Ruyatul Ceyn, mase og yahay in ay jeceshahay?
Reymaa: Ma yaqaanno, marar badan ayey isku dayday in ay isbarto, balse waxay ka baqday in uu waasho, waayo waa qof aad u qalbi jilicsan oo aan lagu deg degi karin. Aniga ayey ila tashatay, waxaan ku iri u sug inta uu ka gaarayo 30 jir, markaas ayey ragga qalbi adeyg billaabaane, markaas ayey billaabi doontaa in ay dareensiiso in ay jirto gabar aan shan faroodle aheyn oo jaceyl u ugu heysa kasha iyo laabta, waa iska dhibaato in gabar aan kugu uumis aheyn ay ku jeclaato, haddase qadartii baa dhacdaye maxaa la sameyn karaa.
Suaal: Siduu ku billowday jaceylka Ruyatul Ceyn ay u heyso wiilkaas, magiciisa ma ila wadaagi kartaa?
Reymaa: Wiilka magiciisa ma sheegayo, waayo in ay dadka qalad ka fahmaan ama uu isaga sas ku dhaco ma doonayo, balse sida ay ku jeclaatay walaashay ayaa aheyd in wiilka ay hooyadiis aad u jecleyd markii uu yaraa, markii ay wiilkeeda eegeysana waxaa ay u eegi jirtay si aad raxmad u leh oo aysan ka fikirin in ishaas raxmadeed ee tirade badan ay wiilka dhibaato ku noqon karto.Habeen habeenada ka mid ah wiilka hooyadiis ayaa waxaa ay daawaneysay wiilkeeda oo dhawr bilood jir ah oo hurda, raxmadda qalbigeeda ka buuxday darteed ayey illin ka timid hooyadii indhaheeda, waayo waa curadkeeda, wayna jeceshaya, kaddibna illintaas iftiinkeeda ayaa walaashey oo xeebta Kismaayo iska mareysa indhaha ka cawirtay, markii ay soo eegtayna waxaa ay aragtay hooyadan wiilkeedii jaceyl dartiis ugu kor ilmeyneysa hadda aan is ogeyn oo illintii aan iska masaxeyn.
Ruyatul Ceyn waa qof ahlu diin ah, wiilkii illintii waa ay ka tirtirtay, si aysan illintaas il qumayo wiilka ugu noqon, kaddibna wiilkaas illaa yaraantiisii ayey iska jecleyd oo xaaladiisa ayey sheedda kala socon jirtay, sidaas ayuu qalbigeeda ugu dhismay caashaqa qalbigeeda buux dhaafiyey ee Kismaayo dejiyey.
Aniga hooyooyinka Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa in mar walba oo ay il qooraansi ku sameynayaan ilmahooda yar ay dhahaan Maashaa ALLAAH! Waayo hooyada isheeda ayaa canugeedii ku noqon kartaa dhib, balse iyada ma dareemeyso.
Suaal: Hooyada Soomaaliyeed ee qoraalkan aqrin doonta si ay taladaada uga faaiideysato maxaad kula talineysaa in ay sameyso, dabcan waxaan ka hadlayaan marka ay ubadka xanaaneyneyso?
Reymaa: Horta hooyo walba ha ogaato marka ay canugeeda il naxariis leh ku eegeyso waxaa ay boggeeda ka dareemeysaa belbel yar oo jaceyl iyo naxariis dartood ah, marka ay sidaas dareento waa in ay tiraahdaa Maashaa ALLAAH, waa in ay dhahdaa Subxaanaka Yaa Cadiim, waa in ay dhahdaa Yaa ALLAAH, Yaa Raxmaan, Yaa Raxiim, waxaa kale ee aan kula talin lahaa in ilmaha yar la ag dhigo rikoor ama teleefoom uu ka shidan yahay quraan, waayo Quraanka Shayaadiinta way ka cararaan, ishana wuu ka celiyaa ilmaha, qalbiga canugana wuxuu ku reebaa saameyn uu canuga ka faaiideysto marka uu yara koro oo dugsiga la geeyo. Waayo quraankii markii uu yaraa loo shidi jiray ayaa qalbigiisa ku suureysan oo ka ca
awinaya xafidaada.
Suaal: Waa talo wanaagsan, waxaa laga yaabaa in ay dadku is weydiiyaan Reymaa iyadu diin noocee ah ayey heysataa, bal maxaad kaga jawaabeysaa?
Reymaa: Alxamdu Lillaah! Soo iima jeedid sida aan u asturnahay, Rabbi SW ayaa inoo nimceeyey, aniga iyo dhammaan ehelkeyga waxaan nahay Muslimiin, Ilaah iimaanka ha inagu dilo, aakhirana Janno ha ina geeyo.

La soco qeybta Xigta Waraysigii Seddaxaad Raymaa Gabadhii jiniga ahayd

Kala soco

@XikmadoSom
@zavi3
@dhiiragaliye
@soomaal
Xikmado:
Subax Wanagsan

Asxaab badan ayaa naga soo Codsadey Sheekada MaanaFaay Inaan usoo Gudbino, Maadaama Jaanisku Yaryahay Oo Inoo socoto Sheeko kale Waxaan Go,aansanay Inaan Maalinba link idin soo Gudbino Linkgaas Oo ay ku jiraan Dhowr qeybo oo Taxanaha Sheekada ka mid ah

Maanta ayaan si toos ah u bilaabaynaa

Cidii xiiseyneysaa Haka aqrisato Halkaaan

MaanaFaay Qaybta 1aad

https://uukowmedia.blogspot.com/2019/06/maanafaay-qaybta-1aad.html
Kusoo Dhawaaw Waraysigii Raymaa Gabadhii jiniga ahayd oo Nus noo joogtay qeybta Seddaxaad ee Waraysiga

Suaal: Aamiin! Mahadsanid marka hore taladaada wanaagsan, haddii aan u soo laabto arrintii wiilkii ay walaashaa jecleyd, isaga wali ma arkay walaashaa, xitaa yaraantiisiiba ha ahaatee?
Reymaa: Yaraantiisii haa, laakiin markii uu 2 sano soo kaaray kaddib ma arkin. Walaasheey Ruyatul Ceyn waa ay ciyaarsiin jirtay wiilka isaga oo yar, weliba hooyadiis ma dareemi jirin in wiilkeeda ay gabar kale oo aan ku uumis aheyni ay u ciyaarsiineyso. Isagana waa ilmo yar oo aan jinni iyo insi kala garaneyn oo wuu iska ciyaari jiray, ciddii ciyaarsiiso ayuu u qoslaa canugga yar, Soomaalidana waxaa ay dhahaa malaaiigta ayaa ka qosolsiisay, marka walaashey waa qof Muslimad ah oo in ay ciyaarsiisa mooyee aan ugu imaaneyn in ay dhibaateyso canugaas yar ee sebiga ah. Markii uu wiilka garaadsi billaabay waa ay ka joojisay in ay is tusto, waayo maskaxdiisa ma xamili karto in ay xafiddo muuqaalkeeda.
Suaal: Gartay, waxaad mar iga ballan qaaday in aad iiga sheekeyn doontid gabdhaha Soomaaliyeed ee dhaha wiil jinni ah ayaa iga kor hadlay, bal hadda fursaddaas ma heleysaa si aad iigu taabato?
Reymaa: Maya, taas wareysiga kale inooga dhig, waayo aniga ayaa muursaaqsan hadda, si baan u muursaaqsanahay.
Suaal: Muursaaqsan maxaad ula jeedda?
Reymaa: Raalli noqo, waan bir tolanahay ayaan ula jeedda?
Suaal: Weli kuma fahmin, waan bir tolanahay maxaad ula jeeddaa?
Reymaa: Soonaalida shan faroodlaha ah waxaa ay dhahaa Geeleygii baa cirka lagu maalayaa sidaas camal o oaf jinni ah waaye, markii xaaladdu si kaa tahay oo qof kale wax kaa qasooyo ayaan dhahnaa waan muursaaqsanahay ama waan bir tolanahay.
Suaal: Hadda maxaa lagaa halleeyey ama lagaa biiyey?
Reymaa: Nin yahow ninkii baas soo uma jeedid, kii aan jeclaa baa naagtiisii min yarada la jooga qolka jiifka, ma wayna isku sar goan yihiin oo waxaad mooddaa gacnihiisa in ay jirkeeda ku sameynayaan kormeer hawleed heer qaran ah, min tin illaa cirib buu gacanta mariyey iyaduna hamuun darteed miyir beel bey isku rideysaa, dey afkeeda, bal day sidey tiraahdo, turufo-toorad, kan qalbiga inta ka dheg qaadday ayey guntiisa ka degtay, sida aan kaga soo saari doono ma ogi.
Suaal: Reymaa raalli noqo, jirkaagii oo dhan baa jareeyey, indhahaagiina qaac cad baa ka baxaya, aniga waan baqay, waxa aad ka sheekeyneyso uma jeedi, bal is deji aan wareysiga qeybtan uun dhameynee, waa iga codsi.
Reymaa: In yar ii kaadi, halkan ii fadhi Abukar Albadriyow, waa in aan badda gunteeda ku soo guux-haftaa, haddii kale waa is gubaayaa.
Suaal: Reymaa, halkeed aaday, war ku aaway, kuuma jeedo? Mmmmhhh Abidkey tan oo kale?
Reymaa: Waa i kan, raalli noqo 10kii daqiiqo ee aan kaa maqnaa, badda Ruushka ayaan tagay si aan barafka badweyntaas isugu soo guux-hafiyo, waayo waan guban lahaa haddii kale. Naagtan sidan iiga maseyrsiisay waan iska dhicin lahaa, ee marna ma gefto in ay Acuudu billeysato, iyo in ay Alxamdu Lillaah tiraahdo marka ay hawsha odeygeeda ka bogato, isagu waa neef caadi ah, bisinka uun buu mararka qaar haleelaa mooyee uma adkaar badna sida naagtan baas, naagaha kale xitaa waxaa ay kaga kasbatay waxaa ugu badan adkaartan, waayo waligey ma arag iyada oo inta bisinka hilmaanta uu sheydaanka wasaqdiisa ureysa uu korkeeda ku shubayo, waa naag caqli badan.

La soco qeybta Xigta Waraysigii seddaxaad Raymaa Gabadhii jiniga ahayd

Kala soco

@XikmadoSom
@Zavi3
@dhiiragaliye
@soomaal
Kusoo Dhawaaw Waraysigii Raymaa Gabadhii jiniga ahayd oo Nus noo joogtay qeybta seddaxaad ee Waraysiga

Suaal: Gabdhaha insiga ah waxaa ku dhaca dhiig loo yaqaano caado, idinka ma idinku dhacaa jinni ahaan?
Reymaa: Anaga gabdhaheena jinniga dhiigga caadada bedelkiisa waxaa nagu dhaca haduufaan, haduufaanku waa dheecaan sanka ka yimaado oo ur badan, kaas oo gabadha jinniga ah u diidaya in uu nin u dhowaan karo inta uu haduufaanka hayo, balse marka aan muuqaalka insiga isu soo ekeysiiyo xitaa haddii uu haduufaan i haayo la igama garan karo, waayo muuqaalkeygii iyo dheeheygiiba waa bedelmayaan.
Suaal: Gabdhaha jinniga ah imisa ayey uurka sidaan marka ay uureystaan?
Reymaa: waxay ku xiran tahay nooca jinniga, qabiilkeyga Silat waxaa ay hooyada uurka leh siddaa 12 bilood kaddibna 30 ilmo ayey dhaleysaa, balse qaar waxaa jira bishiiba 1000 ilmo dhalo sida shayaadiinta.
Suaal: Soomaalidu waxay leeyihiin maahmaahyo jinniga ku saabsan, tusaale waxay dhahaan Jinniba miirkiisa wuu qabaa Jinni ninkii keena ayaa bixiya iyo Jinni ka carar mooyee u kaadsi ma leh idinka maxaad dhahdaan?
Reymaa: Waxaan dhahnaa Shan faroodle sheekadiis faan waaye waxaa kale oo aan dhahnaa Dhoocil insi dhubuq dhubuqdeeda ayaa dharbaaxo jinni u keenta waxaa kale oon dhahnaa Jaceyl insi kaa galay iyo jid cirka lagu beegay midna lagama guul gaaro
Suaal: Dalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay 18 gobal, haddana maamul gobaleedyo ayaa ka jira oo Federaal ayaa laga dhigay, jinniga isagana ma isla sidaas buu 18 gobal u leeyahay mise waad ka duwan tihiin insiga Soomaaliyeed haddii aad tihiin jinniga Soomaaliyeed?
Reymaa: Goballo ahaan anaga waan ka duwan nahay, waayo anagga Soomaali Weyn ayaa inoo dhisan haddii aan jinniga Soomaaliyeed nahay, Kenya iyo Itoobiya Insiga uun bey dhulka ka heystaan mooyee jinni ahaan Gaarisa iyo Godey magaalada Suufaadiin ayaa laga xukumaa, gobalada Soomaaliyeed ee jinnigu waa 27 gobal.
Suaal: Suufaadiin maxaad ula jeeddaa?
Reymaa: Hahahaha in aad jinni tahay ayaan kuu maleynaayey Abuukarow, Suufaadiin waa Magaca Muqdisho ay jinniga u yaqaanaan.
Suaal: Gobalada Soomaaliyeed ee jinniga magacyadooda ma ii sheegi kartaa?
Reymaa: Suufaadiin (Banaadir), Leymuudiin (Shabeelada Hoose), Samuudiin (Shabeelada Dhexe), Barkadlediin (Baay), Keerlediin (Bakool), Samuurdiin (Gedo), Dharaasdiin (Jubada Dhexe), Biyodiin (Jubada Hoose), Raasdiin (Hiiraan), Taqiyudiin (Galgaduud), Reyxaanudiin (Mudug), Maasdiin (Nugaal), Raasamiinudiin (Bari), Laasudiin (Sool), Teeludiin (Sanaag), Wannudiin (Togdheer), Naasudiin (W. Galbeed), Awlediin (Awdal), Suunbuuli (Qoraxay), Shaahshaah (Shabelle), Kaamilnuun (Godey), Xadiisuuni (Baali) Ganaane (Doolow), Saan-rasuul (Mandheera), Kaamuunsan (Gaarisa), Baaxuuriin (Wajeer), Liifeeliin (Tana River), waa 27kan gobal Soomaaliya.
Suaal: Soomaaliyada insiga waxaa Madaxweyne ka ah Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Waxaa Raiisal Baarlamaan ka ah Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaa Raiisal wasaare ka ah Md. Xasan Kheyre ee jinniga ma nadaamkaas uun buu leeyahay oo madaxdaas ayaa madax u ah, mise maamul u gaar ah ayuu leeyahay jinniga Soomaaliyeed?
Reymaa: Tani waah awl dheer, anaga Madaxweyne iyo Raiisal Wasaare iyo Baarlamaanka aad sheegeyso ma qabno, sheekadan halkan igaaga jooji, wareysiga qeybtiisa kale ee Axadda inooga dhig, waad I daalisaye, indhaha isku qabo si aan kaaga tago (Nabadeey.)

Fadlan .. La soco qeybta 4aad Waraysiga oo xiiso Leh

Kala soco

@XikmadoSom
@Zavi3
@Dhiiragaliye
@soomaal
WAREYSIGII: GABADHII JINNIGA AHEYD EE REYMAA, QEYBTII 4-AAD

Qalinkii Abukar Albadri
Dib U Habayntii Abdulkadir Uukow

Wareysiga qeybtiisa seddaxaad waxaa uu inoo marayey aniga oo Reymaa weydiinay suaal la xiriirtay nooca maamul dowladeed ee ay leeyihiin jinniga Soomaaliyeed, wareysiga qeybtiisa 4aad waxaan ku billaabeynaa isla suaashii ugu danbeysay iyo jawaabteeda, waana sidan.

Suaal: Soomaaliyada insiga ah waxaa ay leeyihiin Madaxweyne, Raiisal Baarlamaan iyo Raiisal wasaare, Soomaalida inniga ah ma nadaamkaas uun bey leeyihiin mise hab maamul kaas ka duwan?

Reymaa: Bulshada jinniga ah ee dalkan waxaa ay leedahay Mandaluul, Jundaluul iyo Maasdaluul. Waana hab ku dhisan seddax awoodood oo kala sarsareysa, midda koowaad ee Mandaluulka waa Golaha sare ee laga maamulo dalka, waxaana Mandaluulka ugu sarreeya Al-Sayid Hirqiyaa oo talada hayey kunkii sano ee la soo dhaafay. Junduluul oo ah awoodda ciidan ee jinniga Soomaaliyeed waxaa aasaasay Janaraal Shuu Shu 1500 sano ka hor, haatan xilli dhow oo 200 sano ka hor ah waxaa loo dhiibay Janaraal Shaamiluun, waana awoodda ciidanka jinniga ee Afrika ugu xoog badan.
Golaha Maasdaluul waxaa ay ka kooban yihiin xubnaha maamulka min heer Wasiir illaa guddoomiye degmo, dhammaantoodna waxaa ay ka kooban yihiin 11 Dhuuqe, 27 Jiite, 271 Rife.
Suaal: Dhuuqe, Jiite iyo Rife maxaad ka waddaa?

Reymaa: Hahahahaha Dhuuqe idinka waxaad dhahdaan Wasiir, Jiite waa guddoomiye yaasha gobalada 27-ka ah ee dalka, rifayaashana waa guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxaa jira kuwo la dhaho leefayaasha, kuwaas oo idinka u taqaanaan agaasimeyaal ama maareeyayaal,

Suaal: Jinnigu ma leeyahay dagaal oogayaal, mooryaan iyo ganacsato hubeysan?

Reymaa: Khiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiikh! Mandaluulka iyo Jandaluulka way riiqayaan wixii edeb darro lagu arko, jundiga SunSaaq ee dalka ugu awood badan xaruntooda waxaa ay ku taallaa gobalka Ganaane, ciddii edeb darsata waxaa ay geynayaan xabsiga JamalJaan, dagaal oogena ma jiro, jinni isuma dilo sida shanfaroodlaha, xitaa ciidanka koofiyadleyda qori looma ogola.

Suaal: Ciidanka koofiyadleyda waa kuwee?

Reymaa: Hahaha idinka Booliis aad dhahdaan, anaga koofiyadley aan dhahnaa, hubkooda dhan waa koofiyado, naasquud ayey nagu waaleen.

Suaal: Naasquud maxaad ka waddaa?

Reymaa: Shaxaad maad dhahdaan, haa waa shaxaad.

La soco Qeybta Xigta Waraysigii Afaraad Raymaa Gabadhii jiniga ahayd

Kala soco

@XikmadoSom
@zavi3
@dhiiragaliye
@soomaal
Kusoo Dhawaaw Waraysigii Raymaa Gabadhii jiniga ahayd oo Nus noo joogtay qeybta Afaraad ee Waraysiga

Suaal: Reymaa aniga ayaad I waali rabtaa, suaasha ugu danbeysa ee dhanka siyaasadda haddii aan ku weydiiyo, waxaad ii sheegtaa magaca guddoomiyaha gobalka Banaadir ee Jinniga Soomaaliyeed?

Reymaa: Dhuuqaha Gobalka Suufaadiin waxaa la yiraahdaa Jamaaludiin, waa nin khibrad badan oo waayeel ah, 2500 sano ayuu jiraa, 700 oo sanadood ayuu Suufaadiin Dhuuqe ka ahaa,. Markii uu talada qabaneyey magaalada Suufaadiin waxaa ay ku ekeyd inta u dhexeysa tuulada Daguuni oo idinka u taqaanaan Qalimow, iyo deegaanka Firdows loo yaqaano Gendershe.
Haatan Suufaadiin dhinaceeda koofureed waxaa ay gaareysaa deegaanka Ruusaatiin ee aad u taqaanaan Dhaay Tubaako, taas oo ah Baraawe gadaasheed, dhinaca waqooyina wuxuu gobalka Suufaadiin ku eg yahay Buulo-diin oo aad u taqaanaan Warsheekh.

Suaal: Suufaadiin ma leedahay garoon diyaaradeed calami ah oo ay diyaaradaha ka duulaan, mise waxaad isticmaashaan kan Aadan Cadde?

Reymaa: Haa, garoonka caalamiga ah ee Suufaadiin wuxuu ku yaallaa xaafadda Masagoole ee u dhaw madaxtooyada Mandaluulka.

Suaal: Waa halkee xaafadda Masagoole?

Reymaa: Waa Meesha aad u taqaanaan buulo fulay ee u dhexeysa Qoryooley iyo Buurhakaba.

Suaal: Magaalada Suufaadiin ee anaga aan u naqaano Muqdisho ama Banaadir insi ahaan waxaa dadka deggan lagu qiyaasaa 2 illaa 3 milyan, bal dhankiina Suufaadiin imisa jinni ah ayaa deggan?

Reymaa: Guud ahaan dalka Soomaaliya jinniga ku nool waa 700 oo milyan, 240 milyan oo ka mid ah waxaa ay deggan yihiin Suufaadiin.

Suaal: Haddii aan dhanka siyaasadda ka weecano, sideed u aragtaa in aad iiga sheekeyso sida uu jaceylka insiga u saameeyo jinniga iyo arrin insiga dhexdiisa caan ka ah oo ah in gabdhaha uu mar walba ka kor qayliyo wiil jinni ah.

Reymaa: Inta badan Gabadhana jinniga ah waxaa y jecel yihiin wiilasha insiga ah, siyaabo badan ayeyna ula dhaqmaan. Waa ay dhacdaa in gabar jinni ah oo aan muslim aheyn ay wiil insi ah noloshiisa la wadaagto, iyada oo aan u bandhigan. Inta badan dadka aan salaadaha dukan, kuwa aan Ilaah ku xirneyn ayey gabdhahaas jinniga ah daneeyaan oo ka qaraantaan.
Tan ugu daran waxaa ay tahay, gabdhaha jinniga ah ee Muslimka ah, ee aan dooneyn in ay qof insi ah khiyaameeyaan, kuwaas ayaa dhibaato badan kala kulma dhinaca xiriirka jaceyl ee ay la sameyn lahaayeen ragga shanfaroodlaha ah.
Tan ah gabdhaha laga dulqayliyo, waa sheeko, gabdhana Soomaalida ee shanfaroodlaha ah wiilkii ay ka helaan ayey dhahaan wuu iga dulqayliyey, waah ab xariifnimo ah oo ay ku sheegtaan in ay wiil jecel yihiin, weliba kuwa qooq billowga ah ayaa ugu badan.
Haddii qof laga kor qeylin karo maan aniga ka kor qeyliyo kan 30 sanadood aan jaceylkiisa dartiis u silcayo ee igu qasbay in aan Liido dego si aan gurigiisa ugu ag dhowaado, waxaas ma jiraan.

La soco qeybta Xigta Waraysigii Afaraad Raymaa Gabadhii jiniga ahayd

Kala soco

@XikmadoSom
@Zavi3
@dhiiragaliye
@soomaal
Ma tahay qof xiiseeya xikMadaha

Kanalka XikmadoSom wuuu Facebook idinka hirgaliyay Page aa Ka heli kartaan Xikmado sawiro ah Oo Malinle u heleysaan

Hada ku biir waa kan Linkga

https://www.facebook.com/Uukow-Media-2230942010281900/?referrer=whatsapp
Kusoo Dhawaaw Waraysigii Raymaa Gabadhii jiniga ahayd oo Nus noo joogtay qeybta afaraad ee Waraysiga

Suaal: Mahadsanid! Midda kale waxaad hadda ka hor iiga sheekeysay dhibaato jaceyl ee ku dhacday gabar saaxiibtaa ah oo lagu magacaabo Nujuum Ruuxaani, taas oo wiil ay jecleyd oo insi ah u dirtay dhanbaal jaceyl oo aad u yaab badan,bal arrintaas iiga skeekey haddii aadan waxba ka qabin.

Reymaa: Huuuuuuuuuuuuuh! Khiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiikh Kharabtun Kharabaanun khusss Khussssa.

Suaal: Waan ka xumahay Reymaa, Please! Uguma talo galin in aan kaa xanaajiyo, Reymaa Please!

Reymaa: Aaaaaaaaaaah! Ma kugu xanaaqin aniga, balse waxaan ku dhowaaday in aan dawaqo. Saaxiibtey Nujuum Ruuxaani weli moowjadaha dushooda ayey ligan tahay, waxaan ula jeedaa Koomo ayey ku jirtaa ama way suuxsan tahay, maalintii wiilkii ay jecleyd ee shanfaroodlaha ahaa uu qaraxa ku dhintay ayey koomo gashay waaye.

Suaal: Hadda ka hor waxaad ii sheegtay in dhanbaal aad u cajiib ah ay Nujuum u qortay wiilkaas ay jecleyd ee Alshabaab ku dhintay, dhanbaalkaas ma inoo aqrin kartaa?

Reymaa: Dhanbaalkaas wuxuu ahaa mid aad uga tarjumayey dareenka saaxiitey, haddii uu insi dareen leeyahayna runta way ugu sheegtay. Wiilka ay jecleyd wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah, qurux badan, mar dhaw jaamacad dhameeyey, weli aan guursan, shaqo dowladda ka helay, oo ay ku hanweyneyd in ay kasbato inta uusan guursan gabar Shanfaroodle ah, wax yaabo badan ayey sameysay si ay kalsoonidiisa u kasbato, dhanbaallo badan ayey u dirtay, balse midkii ugu horreeyey ayaa ugu cajiibsanaa.

Suaal: Inta aadan ii aqrin dhanbaalka waxa ku qornaa wax iiga sheeg wax yaabaha ay sameysay si ay isaga ugu kasbato?

Reymaa: Saaxiibtey waa ay is tusi jirtay wiilka, bishiiba dhawr habeen ayey riyo inta ugu timaado waqti kula qaadan jirtay, waqti waxaan ula jeedaa caadi ah, isagana riyo caadi ah ahaan uun buu arrintaas u qadarin jiray arrintaas, waxaase yaab ku reebi jirtay inuu mar walba riyada ku arki jiray hal gabar oo kaliya, taas oo uusan soojeed weligiis muuqaalkeeda ku arkin.
Asxaabtiisa ayuu uga sheekeyn jiray in habeen walba uu gabar aad u qurux badan riyada ku arko soojeedse uusan weli kula kulmin, iyadana marka uu ka sheekeynayo riyooyinkaas cajiibka waa ay iska dhegeysan jirtay, mararka qaar aniga xitaa Nujuum waan isa soo raaci jirnay si aan u dhegeysano marka uu saaxiibaddiis uga sheekeynayo riyadii xalay, waana ku raaxeysan jirnay.
Saaxiibtey wax yaabaha ay sameyn jirtay waxaa ka mid ahaa in ay geed guriga ku yaal ku soo degi jirtay iyada oo isu soo ekeysiisay shinbir, isagana shinbiraha wuu jeclaa, sidoo kale waxaa jirtay bisad gurigooda joogtay oo uu jeclaa, saaxiibtey inta bisada banaanka ku mashquuliso ayey isu ekeysiin jirtay bisaddii uu jeclaa, markaas ayey isaga oo fadhiya lugihiisa hoostooda marmari jirtay, jirkiisana isku xoqi jirtay, isagana dhabarka iyo qoorta ayuu u salaaxayey isaga oo mooda inuu bisaddii guriga joogtay ay tahay, taasi waxaa ay aheyd sida kaliya ee ay waqtiga tooska ah kula qaadato saaxiibtey.
Dhibaatada xanuunka leh ee dhacday waxaa ay tahay, markii uu wiilkii billaabey inuu gareysto in ay noloshiisa qeyb ka tahay gabar jinni ah, weliba uu billaabay inuu soo yara dabco oo aamino, uuna ka dhursugayey in uu kulmo gabadhan riyada uu ku bartay ayuu wiilkii qarax ku dhintay.
Saaxiibtey waxaa ay dooneysay in aysan qalbigiisa dhaawicin oo sida aniga iyo adiga hadda isu arkeyno cabsi laaan heerkaas in ay isla gaaraan, markaas ayey dooneysay in ay billowdo in ay toos noloshiisa uga mid noqoto.
Nasiib darro, noloshaas quruxda badan ee ifafaalaheeda sida quruxda badan u soo muuqanayey waxaa cimrigeeda soo gaabiyey Alshabaab oo aan cidna nolol u ogoleyn.

La soco qeybta Xigta Waraysigii Afaraad Raymaa Gabadhii jiniga ahayd

Kala soco

@XikmadoSom
@Zavi3
@dhiiragaliye
@soomaal
Kusoo Dhawaaw Waraysigii Raymaa Gabadhii jiniga ahayd oo Nus noo joogtay qeybta Afaraad ee Waraysiga

Suaal: Adiga uu mahadsan hadda ma ii aqrin kartaa dhanbaalkii 1aad ee ay Nujuum u dirtay Axmed inta uusan dhiman?

Reymaa: Haa! Dhanbaalka waxaa ay cinwaan uga dhigtay sidan:
RAXMAD, HIMAD & JACEYL!
Kani waa dhanbaal kaaga yaabsan doona si walba, waayo waxaa aad ka heshay qolkaa dhexdiisa uun, mana ogid cidda kuu soo diray. In kastoo aadan aqoon haddana waxaa kuu soo diray qalbi uu wadnihiisa ka sameysan yahay luulka badweynta, dhiigiisa uu yahay malabka shinida, dheeha iyo cadkiisuna ay yihiin xariir janaad, qalbigaas oo ay buux dhaafiyeen Raxmad, himad iyo Jaceyl adiga uun kugu sabri kara.

Durba maskaxdaada waxaa ay billowday hawl ah in aad is weydiiso Tolow yaa dhanbaalkan kuu soo diray, waxa aadna gedgeddineysaa warqadda adiga oo raadinaya magaca qofta soo dirtay.

Waan ka xumahay in aan sidaas kuu mashquuliyo, waxaan aad uga jeclaan lahaa in aad magaceyga durba ka aragto billowga dhanbaalka, kuna faraxdo, balse haatan magaceyga kuma qorna dhanbaalkan, sidaas darteedna waxaan kaa codsan lahaa in aad farriinta aqriso si aad u fahamto, magaca gadaal danbe ayaad ka ogaan doontaa.

Qofta dhanbaalka kuu soo dirtay waa qof farxaddaada aad u jecel, waa qof ku himiloota in ay farxaddaas dhalinteeda qeyb weyn ku yeelato, waa qof marka aad socoto laafyahaaga daawata si ay niyadda ugu dejiso, waa qof marka aad fadhiisato sheedda kaa qooraansata si ay kaaga ilbuuxsato, waa qof marka aad jiifto ku dul timaadda si kuu wehliso.

Neecaw kalgacal oo aad u macaan ayaan kugu seyriyaa marar badan, saxansaxo ka soo gufaaceysa qalbigeyga waaxyihiisa ayaan kugu harqiyaa, dhididka waxaan kaaga masaxda cad aan ka soo jaray bartamaha wadnaheyga, marka aad hurdada ku daasho oo aad is yara geddineyso waxaan kaa caawiyaa gaddoomidda, marka aad hamaansato adiga oo hurda masar aad u udgoon ayaa afka kuugu aadiyaa si aan kaaga ilaaliya saxarka.

Marka aad dhex gasho badweynta hurdada, inta aan barkintaada agteeda soo fadhiisto ayaan mar ku daawadaa, mar ku afuufaa si aan kuu qaboojiyo, mar waan ku yara salaaxaa si uu jirkaaga u dareemo nafis iyo raaxo, mararka qaarna waxaan kuu shidaa music aad u deggan iyo hees oo dabacsan oo macaan, intaas kaddibna waxaan isku hawlaa sidii aad dhex gali laheyd riyo macaanteeda, quruxdeeda ilqabowsigeeda adiga mooyee uusan qof kale ka sheekeyn karin.

Taas waxaa ii dheer, marka aad hurdada ka soo kacdo oo aad dooneyso in aad sariirta ka degto waxaan seexdaa dhulka meesha aad lugaha dhigeyso si aan kaaga ilaaliyo adeyga marmarka (mutuneelka) dhulka, marka aad sariirka ka degeyso dhabarkeyga ayaad ku istaagtaa, waa sababtaas darteed sababta aad lugaha uga dareento raaxada tirade badan.

Xusuusnow mar walba oo ay xaaddaadu istaagto in ay qof ku jeceli agtaada taagan tahay oo neecaaw qabowna ay kugu afuufeysa. Mararka qaar aniga oo is leh leyr qabow uun ku yara afuuf ayey faruuryaheygu si kama' ah ay u taabtaan wejigaaga, markaas ayey xaaddaadu wada istaagtaa, waan naxaa oo waxaan is iraahdaa armuu toosaa, hadda waan faexaa waayo anigana xaadeydu waa ay is taagtaa.

Hawl aan qabto waxaan ugu jeclahay taabashada garbahaaga adiga oo aan i ogeyn, lagaba yaabee in aadan ii ogolaan laheyn in aan korkaaga taabto haddii aad i ogaan laheyd, waayo wax xiriir ah oo toos ah inagama dhexeeyaan, balse waxaan dareemaa in faraheyga iyo qalbigaaga uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo. Taas waxaa caddeyn u ah markii ay faraheyga taabtaan jirkaaga durba qalbigaaga jawaabtiisa ayaan ka arkaa jirkaaga dushiisa.

Inta oo hadal ah waxaan kuugu qoray in aan kuu caddeeyo in aan ahay naf si dhab ah kuu jecel. Waxaan u hilow qabaa la joogistaada, waxaan u hammuun qabaa taabashada jirkaaga, hadde waa taabashada jirkaaga, hadde waa jirka oo idil. Faraheyga, hadde waa faraha oo idil e, waxaa ay ku han weyn yihiin in ay kormeer hawleed ku soo maraan dhammaan oogadaada, min tin illaa cirib, bog iyo dhabar, illaa baaca hoose loo dhaadhaco.

Ma ogi sida aan Eebe weyne ugu mahadnaqi lahaa haddii aan arki lahaa bushimaheyga oo dhunkana meel walba oo