Xikmado️ 💎
41.9K subscribers
1.55K photos
18 videos
5 files
725 links
Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.
Download Telegram
Faaidooyinka bidaarta

1-qofka markuu wadanka Morooko joogo oo uu bidaar leeyahay waxaa loo arkaa nin raganimadiisa dhameystirantay

2-wadanak Turkmenistan la yiraahdo ninka looma ogolaanayo naag kale inuu guursado haduusan bidaar lahayn

3-Brazil markii la joogana meelaha qaar gabdhaha haduu kusoo aado nin timo badan kama helaan murugo ayay dareeman waxay is leeyihin cashir wanaagsan kuma bari karo

4-wadanka Ozbekistan qofka markuu bidaar leeyahay meher lagama rabo

5-Indonesia meel ka tirsan garsooraha isku guurinayo labo qof haduu arko ninka inuu bidaar leeyahay wuxuu u arkaa naftiisa nin nasiib badan sawirana wuu la galayaa

7-Australia markii la joogo gabadha haday hesho nin bidaar leh ninkeeda timaha badan way ka tagi kartaa

8-finland markii la joogo oo gabdhaha jaamacad Helsinki markay gasho rajadeeda ugu maaha inay baasto ee waa inay heshaa nin bidaar leh

9- somaaliya markii la joogana doolarka waxaa loo yaqanaa abuu bidaar

Ilaahow Isha kuwa timaha leh Naga leexi.😂😂😂😁

Xigasho khadar abshir

https://t.me/XikmadoSom
Forwarded from Xikmado️ 💎
Waa kan gabaygii Aan idin balan Qaadney

Soomaaliya mas’uul badanaa

Magac dowlo badanaa

Maamul goboleed badanaa

Madaxweynayaal badanaa

Macno xumo badanaa

Muwaafaqo darro badanaa!

Xaajo murugsan badanaa

Qabiil muransan badanaa

Musuqmaasuq badanaa

Maal xaaraana badanaa

Dad is maagay badanaa

Miciin darro badanaa!

Mooriyaan qaawan badanaa

Ruux maldahan badanaa

Maan doorsan badanaa

Madiidin gaalo badanaa

Mus la galo badanaa

Qof masaar liqay badanaa!

Wadaad mufsida badanaa

Diin maroorin badanaa

Marin habaabin badanaa

Mujaahid beena badanaa

Anaa mudiira badanaa

Alla mushkilo badanaa!

Muqdisho macnayaal badanaa

Mowjad kacsan badanaa

Miino qaraxda badanaa

Maanyo moorto badanaa

Marin gooyo badanaa

Meeshu qaylo badanaa!

Madaxweynuhu dhoof badanaa

Waa lay macsuumay badanaa

Meelo aad aad badanaa

Marti qaad shisheeye badanaa

Ninku Maqnaansho badanaa

Meelo sare waab badanaa!

Hargeysa muusannow badanaa

Midnimo diid badanaa

Waa nala maagay badanaa

Miig baa na laayay badanaa

Astaan mariida badanaa

Maajaan xorownay badanaa!

Garoowe masayr badanaa

Madaxdeedu cuqdad badanaa

Muddac iyo qaylo badanaa

Annagaa mudnayn badanaa

Waa nala garab maray badanaa

Marmarsiiyo baas badanaa!

Reer Mudug xasarad badanaa

Magaalo qaybsan badanaa

Gaalkacyo Maayar badanaa

Nin is magacaabay badanaa

Mid kaloo ku haysta badanaa

Alla dadku maag badanaa!

Kismaayo muran badanaa

Anaa marooqsaday badanaa

Waan maali jiray badanaa

Madaxweynayaal badanaa

Magli xanaf leh badanaa!

Gaal maqiiqan badanaa

Amxaar muraadle badanaa

Kiinyaati muun ah badanaa

Musefeeni baahan badanaa

Soomaali meyd ah badanaa

Magaalo dunsan badanaa!

Soomaaliya maal badanaa

Xoolo miyi badanaa

Geel mawjada badanaa

Lo’ la maalo badanaa

Mooro ari ah badanaa

Haddana macaluul badanaa!

Maanyo buuxda badanaa

Webi ma’wi ah badanaa

Mallay bilaasha badanaa

Ceel macaan badanaa

Dhasheeg meersan badanaa

Mar kalana oon badanaa!

Baardheere masaggo badanaa

Afgooye muus badanaa

Babaay miiran badanaa

Bariiska Mugaambo badanaa

Mareerrey sonkor badanaa

Dalkuna macaluul badanaa!

Maanyadeennu dherer badanaa

Maraakiib shisheeye badana

Tuug mulfinaaya badanaa

Milatari qalaad badanaa

Mooriyaan badeed badanaa

Halaq mareen badanaa!
Isku daya labada suaalood
Xikmado️ 💎 pinned «Waa kan gabaygii Aan idin balan Qaadney Soomaaliya mas’uul badanaa Magac dowlo badanaa Maamul goboleed badanaa Madaxweynayaal badanaa Macno xumo badanaa Muwaafaqo darro badanaa! Xaajo murugsan badanaa Qabiil muransan badanaa Musuqmaasuq badanaa Maal…»
Su’aal Xambaarsan Xikmad Aad U Wayn !!

Sheikh Ibne Sammak ( naxatiistii janno alle ha siiyo) ayaa mar booqday nin boqor ahaa, Markii uu la kulmay boqorkii waa uu salaamay, isla xilligaana ninkii boqorka ahaa waxa uu gacanta ku haystay koob biya ah .
Intaa kadib ninkii boqorka ahaa waxa uu ku yidhi sheekhii .

” Sheekhow bal waxa aad i siisaa talo ”
Kadibna Sheekhii waxa uu ku yiri boqorkii .
” Ka soo qaad koobkan biyaha ah ee aad gacanta ku hayso isaga oo kaliya hadii uu kuu goyn lahaa boqortooyadaada dhammaanteed iyo waxa aad hanti leedahay kadibna waxa kaliya ee aad haysato waa in aad kala doorataa ,
– In aad harraad u geeriyooto oo aad koobka biyaha ku baddelato boqortooyo,
– Amaba in aad boqortooyadaada iska bixiso si aad naftaada ubad-baadiso, Hadaba labbadaan xaaladood keebaad adigu doorbidi lahayd (dooran lahayd) ?
Ninkii boqorka ahaa waxa uu ku jawaabay .
” Dabcan Koobka biyaha ayaan ka doorbidi lahaa boqortooyadayda dhammaanteed ”
Kadib Sheekhi waxa ku yidhi boqorkii .
” Hadaba , anigu waxa aan fahmi la’ ahay maxuu qofku wakhtigiisa ugu luminayaa inuu helo farxada yar ee taajirnimada hadiiba hal koob oo biya ah uu ka qiima badan yahay hantidiisa oo dhan ??? ”

DHAMMAAD:

Muhiimada Qisadu waxa ay tahay .
Qofka bani’aadamka ah waa in uusan noolashiisa oo dhan ku lumin adduun tacbasho , waayo qofka dunida ugu hanti badan hadii la isku barbar dhigo hantidiisa iyo caafimaadkiisa waxa uu doorbidayaa caafimaadkisa, waxa uu doorbidayaa si’ uu unoolaado inuu ku bixiyo hantidii uu noolashiisa oo dhan uu tabcayay balse waxaa muhiim ah in aan ogaano caafimaadku in aan lagu iibsan karin maal adduun balse waa wax uu bixiyo Allah (sw ), sidaa awgeed waa in aan xasuusanaa Allah (sw ) xiliga aan caafimaad qabno si uu noogu naxariisto marki aan xanuunsano,
Waxaa xaqiiq ah Hadii aad Allah (sw ) xasuusato xilliga aad faraxsan tahay inuu alle ku xasuusan doono kuuna caawin doono xilliga aad murugsan tahay Insha Allah.
Teeda kale waa in aan ogaanaa adduun anaga ayaa noola sameeyay si’ aan ugu shaqaysano wixii aan heli lahayn Maalinta aakhiro, hadaba adduun ka dhigo meel aad aakhiro wanaag ugu shaqaysato balse yuusan adiga kugu shaqaysan oo ha ka tagin cibaadadii alle (sw ) waayo noolasha adduun dhal-dhalaalkeedu waa mid ku meel gaar ah, waxaana muhiim ah wakhtigaaga qaaliga ah hadiiba uu kaa baxayo in aad ku bixiso wixii uu allah (sw ) ku faray kana harto intii uu kaa reebay oo ay kamid tahay adduunyo jacayl.
Ugu dambayntii waxaan Allah (sw ) waydiisanaynaa inuu naga dhigo ummad adduunka korkiisa ku shaqaysta camal wanaagsan oo Maalinta aakhirana Abaal gudkoodu uu noqdo Janno Insha Allah. Aamiin
Intii aan saxay Allah (sw ) ayaa i waafajiyay intii aan khaldayse Shaydaan xagiisa ayay ka ahaatay .

https://t.me/XikmadoSom
XUSUUSIN YAR

Nin dhalinyaro ah ayaa waxa uu soo xaadiray ( yimid) aaska saaxiibkii, kadibna isagii oo kor taagan qabrigii saaxiibkii ayaa waxaa su’aal waydiiyay nin oday ahaa oo ay isgaranayeen ( isyaqaaneen) , su’aashuna waxa ay ahayd
– Hadii saaxiibkaa uu Alle ( swt) dib u soo nooleeyo maxay kula tahay in uu samayn lahaa ?

Kadibna ninkii dhalainyarada ahaa waxa uu ugu jawaabay :
” Waxa ay ila’ tahay waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleeyo salaadihii uu katagi jiray, Waxa uu isku dayi lahaa in uu dib u barto quraanki labaray ee uu dayacay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleey wixii soon ahaa ee lagu lahaa oo cudurdaar la’aanta uga tagay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu hagaajiyo xidhiidhka (xariirka) ka dhaxeeya isaga iyo rabbigii ”
Intaa kadib Ninkii odayga ahaa waxa uu ku yiri ninkii dhalinyarada ahaa :
” Waxa ay ila tahay wanaaga aad soo sheegtay dhammaan adiga ayaa fursad u haysta in aad samayso waayo saaxiibkaa marnaba ma soo laabanayo si’ uu u hagaajiyo wixii uu ka tagay balse maanta adigaa haysta fursad aad ku samaysan karto gunaanad wanaagsan ee hadaba isku day in aad adigu hagaajisato xidhiidhka adiga iyo rabbigaa idin ka dhaxeeya ee ah in aad samayso wixii uu ku faray ”
Dhammaad:
Run’ ahaantii Waxaa habboon qofku inuu is waydiiyo !!
Hadii ay maanta noqoto maalinta ugu dambaysay ee aad katagi lahayd gurigaaga kumeel gaarka ah ( Adduun ) oo aad u guuri lahayd gurigaaga dhabta ah ( Qabri) Maxaad u sii diyaarsatay ???
Waxaan isleeyahay waa su’aal wax ka baddeli karta qofka iyo sida uu noolasha u arko !!
Ugu dambayntii waxaan Allah (s.w.t) kamagan galaynaa in aysan geeridu noogu iman si’ lama filaan ah iyadoo aysan hagaagsanayn xidhiidhka annaga iyo Allah (s.w.t) inaga dhaxeeya . Aamiin

Abdulkadir Uukow

Share

https://t.me/XikmadoSom
Xiriirka Jaceylka qiimaha iyo macaanka waxa ka qaada ismaqal la'aanta iyo balan darrada.

Ruuxa dhabta kuu jecel shayga uu dhibsanaayo iskaga fagow sidoo kale hadii ay jiraan dad aanu kula jecleyn iskaga fagow.

Badanaa xidhiidhka waxa baabiiya waxa kamid ah (Jacaylkaaga oo kugu dhaha qofkaas iskaga hadh ama ka fogow.

Balse adigu aanad hadalkiisa wax macno ahba kasoo qaadin, Adigoo hawshaadi iska sii wata)

Sidoo kale hadii lamaanahagu wax kaa codsado oo aad ka aqbasho dabeetana aanad codsigii fulin.

Taas oo kale waa ballan daro xidhiidhkuna sidiisaba ballan daradu waa sunta uu u geeriyoodo.

Jacaylka caadadiisu waa dhaga nugayl iyo Balanka oo la oofiyo.

Abdulkadir Uukow

https://t.me/XikmadoSom
Inaad qof jeclaato mar marka qaar waa dhibaato.

Qofka aad jeclaataa waa qof aad u tahay adoon oo sida uu doona ayuunbaad u yeelaysaa.

Xiliga uu doono ayuu kusoo wacayaa. Xiliga uu doono ayuu kaa qabanayaa taleefanka. Xiliga uu doono ayuu kugu dhigayaa. Xiliga uu doono ayuu iska seexanayaa. Xiliga uu doonana waa uu kula kulmayaa.

Taas waxaa ka daran. Marnarka qaar been abuur ayuu dusha kaa saaraya iyo Dhib adigu aanad gaysan. Taa waxaa sii dheer in aanu Farxadaada Qiimayn ee uu Baahidisa keliya ku hawlanyahay.

Adigu waxaa tahay dhagax aan doorasho iyo Dareen labadaba lahayn. Sidoo kale ma lihid awood aad iskaga caabiso ama aad dhibkaaga ku sheegato.

Qof wax jecel isagaa dhibban. Qof wax jecel isagaa Naxariis ubaahan. Qof wax jecel isagaa Qadarin mudan.

®Abdulkadir Uukow

https://t.me/XikmadoSom
“Magaceygu waa Canab Muuse Maxamed Abtidoon Aabahay wuxuu ka tirsan-yahay ciidamada Jubland jooga gaar ahaan Dhoobley waana iska askari bila mushaar ah.
Hooyadeyna waxay ka shaqeysaa Isbitaal waa kuwa tuulooyinka u qaado buskudka ilmaha lagu nafaqeeyo mar wey shaqeysaa marna ma shaqeyso.
Abtiyasheyna reer Jowhar ma aha waa reer Burco Adeeradeyna waa reer Jig-jiga marka waxaan ahay Gabar arday ah jecel iney waxbarashada heer sare ka gaarto laakiin nasiib daro waan xanuunsanahay oo waxaa la’iga hayaa wadnaha Isbitaal kastana waa la’igeeyey daawooyin ayaa isoo qoreen waxna iima-tarin Dr-kana wuxuu i dhahay hadii aad wax iska garan weyso ii soo laabo mana heysti qarash aan isbitaalka kula laabto,xitaa lacagta iskuulka ayaaba mararka qaar waaya.
Soomaaliya Dr fiican ma joogaan waxaana u baahantahay Dr fcn wuxuna jooga Kenya ayey igu dheheen dhaqaatiirta.
Anigana ma awoodaan waalidiinteyda qarash marka waxan ka rabaa inaa fariin teyda iga gaarsiisaan walaalah soomaaliyeed oo meel-walba jooga.

+252617049678.

Share gareey Ilaahay haku sharfo Walaal
Xigasho: Facebook Uukow Media

https://t.me/XikmadoSom
HAL-QABSIGII IYO XIKMADIHII DADKII HORE!!!!

Marka hore aan kugu salaamo salaanta qaaliga ah ee islaamka (Asslaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu) intaas ka dib allah ha inooka dhigo ramadaanka mid khayr leh ilahy ayaan inoo waydiinayaa in uu dhammaan umadiisa u sooman ka aqbalo kana abaal mariyo, intaas ka dib Qormadan waxaan kugula wadaagayaa qaar ka mid ah hal-qabsigii iyo xikmadihii dadkii hore, waxaan rumaysnahay in ay jiraan dad badan oo xikmad ehel la ah, waxaan xooga u saaray xikmadaha dadkii hore wa in aan dadka xasuustan xikmadahaas kana faa’iidaystaan, maahmaah fog baana tiri (dad waa kii hore hadalna waa intuu yirri.).

1- Maalin kasta waa fursad aad noloshaada wax uga badali kartid.

2- Orod,socoo,gurguuro, ama xamaaro laakiin isku day inaad gaartid bartilmaameedkaaga nolosha.- C/raxmaan Guure

3- Haddii aadan ahayn qoraa anfaca dadka, noqo akhriste anfaca naftiisa.

4- Waxaa fiican inan wax u cuno si aan u noolaano laakiin aynaan u noolaan si aan wax u cuno- Mooliir.

5- Caqliga caafimaadka qabaa jir caafimaad qaba ayuu ku jiraa- Chorge Barnaadisu.

6- Akhrisku waxa uu caqliga uga dhigan yahay sida jimicsigu uu jirka uga dhigan yahay.

7- Haddii ay cadaalado ka dhamaato dhulka, macno ma samaynayso joogitaanka dadka ee dhulka korkiisa.

8- Qofkii wanaag beera waxa uu istaahilaa mahadnaq wayn.

9- Qofna waxbixin kuma noqdo faqiir.

10- Dadku ma ilaawan kuwa caawiyey waliba marka uu waqtigu adagyahay- Catherine
Pulsifer

11- Inaad Waxbixisid ayaa ka farxad badan in aad wax qaadashada.

12- Inta aan ka caawiyo kuwa kale in ay guulaystaan waa inta aan anigu guulaysto- Ray Kroc.

13- Farxadu waa nooc ka mid ah dhiiri galinta- Holbrook Jakson.

14- Waxaa jira wadooyin badan oo horay loogu socon karo laakiin waxaa jira hal wado oo aad ku nagaan kartid.

15- Cafisku waa sida qorax soo baxday roob da’ay ka dib.

16- Caqabadaha nolosha ayaa qofka ka dhiga mid wanaagsan.

17- Dadka sida dhabta ah isu jecel si sahlan kuma kala haraan. Haddii ay jirto Boqol sababood ay ku kala tagi karaan waxay helaan Hal sabab ay ku wada joogi karaan.

18- Anigu hibo gaar ah ma’ lihi, laakiin waxa aan doonayo raadintiisa ayaa aanan ka daalin.- Albert Einstein

19- Saaxiibka wanaagsani waa hanti.

20- Qanacu waa kayd aan dhammaan.
Wabilaahi towfiiq
Mahadsanidiin

Share

https://t.me/XikmadoSom