Sida Aad Kartidaada U Dhisi Karto
Josh Waitzkin oo qoray buugga la yidhaa
Hoos waxaan kusoo koobay 5 talo oo aan ka faaiday buuggan:
1. Caqliyadda growth-mindset yeelo
Growth mindset waa magac ay bixisayprofessor Carol Dweck oo qortay buugga la yidhaa:
2. Go’aanso inaad heer sare gaadhid
Ilaa heerkee baad rabtaa inaad gaadhid? Qof ku tala jira inuu heer-khabiir tiigsado iyo mid raba inuu meel dhexe gaadho isku dadaal loogama baahna. Qofka raba inuu heer sare gaadho waa inuu la yimaado dadaal iyo tababar tayo sare leh.
3. Waxaad ku fiicantay xoogga saar
Wax kasta kuma fiicnaan kartid oo qof walba wuxuu leeyay waxyaabo uu ku fiicanyay iyo waxyaabo uu ku xunyay. Markaa intaad dedaal ku lumin lahayd baabiinta cilladahaaga waa inaad awoodahaaga sii xoojisid. Hadaad yeelatid karti heer sare ah, cilladahaaga lama arki doonaba.
4. Kartidaada si joogto ah u dhis
Maalin walba heerkay kartidaadu shalay joogtay waa inaad kor uga sii qaadid. Inkastoo aad cabsi badan dareemi doontid hadana waa lagama maarmaan inaad goobtaad la qabsatay ka sii dhaqaaqdid. Kartidaad dhisaysid marka hore mabaadi’da aasaasiga u ah baro kadibna maalin kasta kartidaadu si joogta ah haw kororto.
5. Guusha guuldareysi baa ka horeeya
Intaanad himilodaada ku guulaysan waa lama huraan inaad guuldareysi la kulantid. Laakiin, waa inaanad u joojin oo aad jidka sii haysatid ilaa intaad guusha soo hooyinaysid. Markaad qalad ku dhacdid, wax ka baro kana gudub. Qaladka ugu horeeya waa laga soo kaban karaa ee waxaa halis ah qaladka 2aad 3aad 4aad ilaa heer qaladba qalad kuu sii dhiibo.
Dr. Ahmed Hussein (Adhibadane)
Josh Waitzkin oo qoray buugga la yidhaa
The Art of Learning
waa qof aad u yaqaan habka xirfadaha cusub laysu baro loogana gaadho heer sare. Isagoo 6 jir ah ayuu bilaabay inuu ciyaaro chess, markuu 16 jir noqdayna wuxuu gaadhay heerka loo yaqaan International Master. Taariikhdiisan cajiibka ah Hollywood baa ka samaysay filin la yidhaa: Searching for Bobby Fischer. Mar danbe, intuu calaamka chess iskaga baxay ayuu bilaabay inuu is baro ciyaarta xeel-dagaal (martial art) ee Tai Chi ilaa uu 2004-kii noqday horyaalka caalamka.The Art of Learning
waa buug heer sare ah oo aad ugu haboon dadka jecel inay kartidooda dhisaan oo naftoodana horumariyaan.Hoos waxaan kusoo koobay 5 talo oo aan ka faaiday buuggan:
1. Caqliyadda growth-mindset yeelo
Growth mindset waa magac ay bixisayprofessor Carol Dweck oo qortay buugga la yidhaa:
Mindset
. Dadka haysta growth-mindset waxayaaminsanyiin in haday dadaalaan ay kartiday u dhasheen sii dhisi karaan. Halkay dadka haysta fixed-mindset aaminsanyiin in dadaalku wax saamayn ah ku lahayn kartida loo dhasho. Markaad yeelatid growth-mindset waxaadogaanaysaa inaad heerkaad maanta tiigsanaysid aad biri gaadhi kartid hadaad ku dadaashid. Waliba waxaad ka adkaanaysaa diidmada aad naftaada kala kulantid markay ku tidhaa: ma samayn kartid!, kuma fiicnid adigu!2. Go’aanso inaad heer sare gaadhid
Ilaa heerkee baad rabtaa inaad gaadhid? Qof ku tala jira inuu heer-khabiir tiigsado iyo mid raba inuu meel dhexe gaadho isku dadaal loogama baahna. Qofka raba inuu heer sare gaadho waa inuu la yimaado dadaal iyo tababar tayo sare leh.
3. Waxaad ku fiicantay xoogga saar
Wax kasta kuma fiicnaan kartid oo qof walba wuxuu leeyay waxyaabo uu ku fiicanyay iyo waxyaabo uu ku xunyay. Markaa intaad dedaal ku lumin lahayd baabiinta cilladahaaga waa inaad awoodahaaga sii xoojisid. Hadaad yeelatid karti heer sare ah, cilladahaaga lama arki doonaba.
4. Kartidaada si joogto ah u dhis
Maalin walba heerkay kartidaadu shalay joogtay waa inaad kor uga sii qaadid. Inkastoo aad cabsi badan dareemi doontid hadana waa lagama maarmaan inaad goobtaad la qabsatay ka sii dhaqaaqdid. Kartidaad dhisaysid marka hore mabaadi’da aasaasiga u ah baro kadibna maalin kasta kartidaadu si joogta ah haw kororto.
5. Guusha guuldareysi baa ka horeeya
Intaanad himilodaada ku guulaysan waa lama huraan inaad guuldareysi la kulantid. Laakiin, waa inaanad u joojin oo aad jidka sii haysatid ilaa intaad guusha soo hooyinaysid. Markaad qalad ku dhacdid, wax ka baro kana gudub. Qaladka ugu horeeya waa laga soo kaban karaa ee waxaa halis ah qaladka 2aad 3aad 4aad ilaa heer qaladba qalad kuu sii dhiibo.
Dr. Ahmed Hussein (Adhibadane)
Xikmado️ 💎 pinned «Waa kan gabaygii Aan idin balan Qaadney Soomaaliya mas’uul badanaa Magac dowlo badanaa Maamul goboleed badanaa Madaxweynayaal badanaa Macno xumo badanaa Muwaafaqo darro badanaa! Xaajo murugsan badanaa Qabiil muransan badanaa Musuqmaasuq badanaa Maal…»
Ma Jeceshahay Naftaada iyo Ehelkaaga?
Haweenay ayaa weydiisay Sheekh Caalim ah: “Maxaan ku sameeyaa caruurteyda si aan Salaad Subax ugu kiciyo way ku adag tahay inay toosaan hurdadooda oo aad u culus darteed?
Sheekhi ayaa yiri: “Maxaad sameyn lahayd haddii guriga dab qabsado iyagoo hurda?”
Haweenaydi: “Waan kicin lahaa”
Sheekhi: “Laakiin haddii hurdadoodu culus tahay?”
Haweenaydi: “Walaahi waan toosin lahaa ama gacanta intaan qabto ayaan jiidi lahaa si aan u badbaadiyo!”
Sheekhi ayaa ka dib yiri, “Haddii tani ay tahay waxa aad sameyn lahayd si aad uga badbaadiso dabka dunida, ku dedaal oo samee sidi aad uga badbaadin lahayd naarta Aakhiro…!”
Alle SWT wuxuu Quraanka kariimka ku yiri, Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra Naftiina iyo ehelkiinna naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana (shaqeeyaan) malaa’ig adag oo daran oon Eebe ku caasiyeyn wuxuu faro, falana wixii la amro
Alle SWT hanagu daro kuwa naarta laga xoreeyay. Allaha na wada hanuuniyo dhamaan.
@XikmadoSom

DHAMBAAL: Raali Galin Qof Aad Jeceshahay
Kulanti wacan oo wanaagsan dhamaantiimba saaxiibayaal, kuna soo dhawaada qormo gaar ah oo aan todobaadkaan diiradda ku saarayo dhambaal raali galin qof aad jeceshahay, ama qofka uu idiinka dhaxeeyo xiriirka saaxiibtinimo,marka uu khilaaf idiin soo kala dhex-galo maadaama isku-dhaca uu qeyb ka yahay nolol maalmeedka dadka ama lamaanaha.
Qof waliba waxuu jecelyahay nolol leh farxad joogta ah,haddana waxaa laga yabaa in aysan sidaas mar waliba suuragal aheyn.
In wax laga barto sida loo xalliyo ama loo qanciyo lamaanahaaga waa cilmi dheer oo u baahan daalacasho badan, si looga bad-baado kala tag deg deg ah intiiba suuragal ah.
Kibirka ama is-adkeysku waa mid ka mid ah wadooyinka loo maro guul darrada.
Ceeb iyo wax xun toona maahan in aad u jillicsanaato qofka aad xiriir wadaaga tihiin,waxaase sidookale muhiim ah iyo ixtiraamka uu ka yimaado labada dhinac.
Sida caadiga ah dadku waxay ku kala duwanyihiin aragtida iyo garashada,qof walibana waxaa uu xaq u leeyahay inuu cabirro dareenkiisa haddii aysan wax u dhimeynin Diinta iyo Dhaqanka.
Sidookale waa lagu kala duwanaan karaa aragtida, waana dabciga aadamaha oo dhan.
Aragtideyda, qodobadan waa qeyb ka mid ah sida loola hadlo lamaanahaaga,marka uu dareemo xanaaq ama xumaan,sidooakle muhiim maahan in aad is-adkeyso xitaa hadddii lagaa khaldanyahay, waayo xalka mararka qaar waxuu hoos galaa in aad adiga qaadato dambi aadan laheyn.
Waxaa laga yaabaa in Telfoonka laguugu damiyo, oo xitaa aan laguu ogolaanin wax hadal ah,fadlan haka daallin inaad fariin qoraaleed u dirto lamaanahaaga,si aad u muujiso in aad la dareemeyso xanuunka hayo,taas ayaa xal noqon karta.
Qodobaddan waa qaar ka mid ah qaabka loo maro raali gelinta lamaanaga,waa laga yabaa in aad adigane fikir kale heyso.
1-Qalbigeygu wuu dilaacay, dhiig ayaana ka socda, lagasoo bilaabo illaa xilligii aan waxyeelo kuu geystay oo aad weysay farxaddaada,fadlan duug godadka ka qodmay qalbigaaga, kuna dabool cafis naxariis leh.
2-Waxaa ii farxad ah inaad noqoto lamaanaheyga,wehelka nolosheyda,kamana daali doono inaan kugu dhaho Sorry ”raali noqo” oo i cafi, xiili kasta,Lamaane.
3-Waxaan dareemayaa inaan wax u dhimay aaminaadaada,waxaan sidookale musiibo geliyay oo murugo u sababay nafsadeyda,laakiin haddana waxaan xaqiiqsanahay in jaceylkaaga oo dhan uu ka buuxo qalbigeyga, waan ka xumahay tacadigeyga
4- Ogow xaq ayaad u leedahay inaad carooto,haddana ha hilmaamin in anigane aan farxad dareemi doonin ilaa aad iga aqbasho raali-gelinteyda,
5- Waxaan ku eedeynayaa nafteyda xanuunka aan u geystay noloshaada,waxaan haddana diyaar u ah inaan sameeyo wax kasta oo aan kugu raali gelin karo,aadna ku farxi karto,waxaan doonayaa inaan baabi’iyo farqiga inoo dhaxeeya oo dhan,
6- Waxaan kugu sababay xanuun,waan kaa oohin siiyay,waan ku dhaawacay,waan kaa xanaajiyay,dhacdadaan darteed waxaan eedeynayaa nafteyda,si weyn ayaan ugu murugeysanahay in aad farxad la,aan noqoto,waaan ogahay waxii aan sameeyay waa wax aad u xun,lakiin marnaba ujeedadeydu ma’aheyn inaan ku xumeeyo,waan ku jeclahay waana ku jeclaan doonaa.
7- Waxaan doonayaa in waqtiga nolosheyda oo dhan aan adiga kula qaato,kumana fikiraayo inaan daqiiqad ku waayo.
8- Kama xishoonaayo inaan ku jeclahay,kamana weyni inaan ku raali geliyo,taas waa sababta aan u go’aansaday in aan nolol kula wadaago.
Lasoco Qeybta Xigta
Waxaa Qoray: Maxamed Cisman Xabiib

📊 Howsha Channelka XikmadoSom maku qanacsanatahy
Haa waan ku qanacsanahay [10-15]
├ Qalin Iyo Qoraal
├ Hagad Xiis
├ Saxarla Abdirahman
├ Eng Khaalid Ahmed
├ Aadam Fawsani
├ C/raxmaan Daakhili Ald...
├ H 😂 B✌
├ Najah Abdi Esse Aadoon...
├ King Ipraaz
├ Ahmed Aptia
├ Marwan Lovely Blaugrana
├ Maria Manka
├ Hon.abdirahim Jocle
└ ሙሀመድ محمد
Maya Kuma qanacsani [0]
👥 10-15 people have voted so far
Haa waan ku qanacsanahay [10-15]
├ Qalin Iyo Qoraal
├ Hagad Xiis
├ Saxarla Abdirahman
├ Eng Khaalid Ahmed
├ Aadam Fawsani
├ C/raxmaan Daakhili Ald...
├ H 😂 B✌
├ Najah Abdi Esse Aadoon...
├ King Ipraaz
├ Ahmed Aptia
├ Marwan Lovely Blaugrana
├ Maria Manka
├ Hon.abdirahim Jocle
└ ሙሀመድ محمد
Maya Kuma qanacsani [0]
👥 10-15 people have voted so far
9- Waxaad tahay fallaarta ugu iftiinka badan nolosheyda oo dhan,xanaaqaaga waxuu iga dhigaa mugdi,fadlan waxaan sugayaa jawaabtaada,waxaan xaqiiqsanahay in aad i aaminsantahay.
10- Waxaad u dhadhameysaa sida malabka oo kale,waxaad u nuureysaa oo aad u dhalaaleysaa sida dayaxa oo kale,fadlan aqbal raali-gelinta,anigane waan qaadanayaa dhamaan khaladka aad tabaneyso.
11- Waxaad leedahay oo Alle kugu manneystay muuqaalka ugu wanaagsan ee uu noole yeesho,mana jirto cid lagula simo oo dunida joogto.
12- Ma aqaan waxii igu dhacay,waan ogahay sidaan sameeyay in ay aheyd wax laga xumaado,waxaan ahay naf ku jecel,diyaarna u ah noloshaada.
13- Fadlan xiriirkeena aan kusoo celino sidii hore,sidaas waxaa ku jirta danteena,waxaa ku jira hormarkeena,waana farxadda qof waliba oo naga mid ah.
14- Waan seexan waayay,mana awoodo inaan cunto cuno,waxaan dareemayaa dhibaato xoggan,waxaan aaminsanahay in dhibaatadaan oo kale ay daawo u tahay farxaddaada,Lamaane ii dhoola caddey iina sheeg in aad ii faraxsantahay.
15- Waxaan u soo dirayaa farrintan inaan ku qanciyo oo aan muujiyo sida aan ugu murugeysanahay dhibkaaga,waad qaadan kartaa ama ka tagi kartaa raali-gelintan,lakiin haddii aadan qaadanin waxaan kusoo diri doonaa farriimo kale oo badan illaa aan ka dareemo farxadaada.
16- Waxaad tahay qofka ugu macaan uguna quruxda badan,waxaan ogahay inaad sameyn doonto qaab kasta oo aad igu cafineyso,waan hubaa waad I cafin doontaa,miyeysan sidaas aheyn??
17- Waxaan dareemayaa inaan ahay qofka ugu xun dunida,si dhab ah ayaan xanuunsanayaa,waxaan kaa ballan qaadayaa in arrintan aysan dib u dhici doonin.
18- Waxaad tahay saaxiib qaali igu ah oo ay adagtahay in la,aantiis ay farxad dareento niyadeyda.
19- Haddii aan ka fogaan karo waxii dhacay waan sameyn lahaa,lakiin maadaama aan sidaas sameynin waxaan diyaar u ahay inaan bixiyo raali-gelinta buuxda.
20- Ma garaanayo waxaan dhaho,lakiin raali-gelinta ayaa ah dawada khalad la sameeyay,waxaan rajeynayaa inaad eegi doonto wanaaga ka dambeyn doona xanaaqa,waan ku jeclahay,cafintu waa dawada ugu wanaagsan ee uu leeyahay xiriirka saaxiibtinimo.
21- Waqtiga iyo da’duba way socdaan lakiin jaceylka aan kuu qabo wuu sii jiri doonaa haddane sii xoogeysan doonaa.
22-Waxaan jeclaan lahaa in maalintii oo dhan aan kugu qaado dusheyda,kuguna haayo gacamheyga,waxaan hubaa in aan marnaba dareemi doonin daal, qofkii ku helaa nasiib leh.
Waxaa Qoray: Maxamed Cisman Xabiib
Qoraha Emailkiis Kala Xiriir
Xabiib673@gmail.com
Mahadsanidiin dhamaan
@XikmadoSom
Kusoo Dir Fikirkaaga
@Hagad
Ama
@QalinQoraal

Faa’idooyinka Gabdhaha Gaagaaban
Markay shopinka tagto ama super markets-ka waxay ka adeegan kartaa qaybta ciyaalka
.
Nin dheer & nin gaabanba way la haasaawi kartaa.
Sawirkasta nasiib ayay u yeelanaysaa inay xaga ugu horaysa istaagto.
Nasiib ayay u leedahay inay fadhiisan karto xitaa gaadhigu haduu ka buuxsamo , kursiga yar ee dirawalka ama birkimo yar ayaa meel loo dhigayaa.
Guriga haduu tuug u soo dhaco , si dhibyar ayay ku bad-baadi kartaa, waayo kabadhkay dhex gali kartaa ama sanduuqa ama daaha dabadiisa.
Dumarka gaagaaban inta badan isma qaawiyaan oo dhar gaagaaban ma xidhaan, ee way iska asturan yihiin , eeg ( Farxiya qalanjo ).
Gabadha gaaban marka uu odaygeedu ( Hug ) garanaynayo, waxay maqlaysaa garaaca wadnihiisa , that is what we call ( Romantic ).
Inta badan dumarka gaagaabani way ka qurux badan yihiin dumarka dhaadheer , kana xarago badan yihiin.
Gabadha gaabani 17 jir ayay sheegan kartaa iyadoo 27 jirta , waligeed laga dareemi maayo da’da.
Xaga jacaylka marka la matalayo, gabadha gaaban kor ayaad u qaadi kartaa oo adigoo sida ayaad sawiro la gali karaysaa ( That’s kind of love ) .
Gabadha gaaban waxaad wada isticmaali kartaan Muraayadda tawaleedka isku mar , labadiinaba wakhti idinkama lumayo
Gabadha gaaban ee xaaslaydii kaagama baahna laba buste , xal xabo ayaa idinka badan .
Gabadha gaabani dagaalka way kaga xariifsan tahay gabadha dheer , bal u fiirso dumarka gaagaaban waligood dhulkooda dhinaca lama dhigo.
Hadaad bilaa gaadhi noqoto oo ay xaasku kaa xanuusato oo ay gaaban tahay, waad xanbaaraysaaba.
Haduu dhiishku idinka xumaado guriga, gabadha gaabani iyadaa jiingadda kuu koraysa oo dhiishka kuu hagaajinaysa.
Gabadha gaabani shiidka xaafadaha way ku dheeraysaa, waayo qof yar ayaa la moodayaa oo habeenka aad dagaal galayso uma baahnid ciidan & asxaab midna.
Gabadha gaabani shiid badan ama diracyo wila um baahna, waayo xabadiiba laba ayay ka soo tolanaysaa.
Gabadhi gaabani kaagama baahna xijaab dheer , daladeeda ayaa ka badanba.
Haday sariirta hoosteeda Mobilku kaaga dhaco, gabadha gaabani markaaba sariirtay hoos gali kartaa oo iyadaa kaaga soo saaraysa

Ramadaan Kareem
Ramadaan kareem Dhammaan Umada Soomaaliyeed Meel walba joogtan Iyo Muslimiinta caalamka dhan
Hambalyo hambalyo Hambalyo
Waxaan Bishaan Gudaheed Joojin Doonaa warbixinadii iyo Xikmadihii aan idin soo gudbin jirney
Waxaan U Badaleynaa xikmado Iyo Warbixino Diini Ah Insha'Allah
Fadlan sii Faafiya Channelka si uu u gaaro soomaalida Telegram isticmaasho Dhan
Waxaan Dib u habeyn Ku Sameyn doonaa Barnaamijyada So Gudbin jirney Anagoo Sare u Qaadi doono Howlaha Chanelka
Mahadsanidiin.

Qodobo Ka Caawinaya Inaad Si Wacan Uga Faaidaysato Bisha Ramadan
Ka Faa’iideyso Bisha Ramadaan
1. Aqri Quraanka 4 bog Salaad kasta, go’aanso in aad Bishan dhameyso aqrinta Kutubta Quraanka, kuna dedaal in aad fahanto macnihiisa
2. Shanta Salaadood ku tuko Masjidka, Seexo habeenki xilli hore, si aad Suxuurta ugu kacdo waqtigeeda, Salaada Subax ugu tukato Jameecada Masjidka
3. Ku Bilow Afurka Biyo, Timir, wax fudud. Ducayso, Alle dabi dhaaf weydiiso
4. Cab biyo badan, Ha iska badin Cuntada afurka si aadan u awoodi waayin in aad Cishe & taraawiix tukato
5. Wanaaji Niyadaada, Xooji Iimaankaaga, Carabkaaga bar xuska Alle
6. Laab indhahaaga, ha ku eegin wax macsi ah. Ka dhawrsoonow Allihi ku abuuray ee Aragaaga ku siiyay
7. Ka adkow Carabkaaga. Been ha sheegin, cidna ha xaman, dadka ha u gefin.
8. Ka fogow Kibir, Islaweyni, Xasad, Naceyb, Xanaaq badan, kuwani waa Sifooyin sun ah
9. Xiriiri Qaraabada, Booqo Bukaanka, Xaqdhawr deriskaaga
10. Ka har Asxaabta xun, la saaxiib dadka wanaagsan oo dhawrsoon. Marnaba macno darro iyo madadaalo ha ku lumin waqtigaaga
11. Cafi cid kasta aad wax ka tabanayso ama waxyeelo kuu geysatay. Jooji eedeyn iyo cabasho badan
12. Alle dartii u Jooji dhamaan balwadaha & caadooyin xun hadii aad leedahay. Alle ayaa kuugu bedelaya wax ka kheyr badan
13. Kula dhaqan dadka dabeecado iyo akhlaaq wanaagsan, Noqo tusaale lagu daydo
14. La bax Sadaqo maalin kasta. Ogow hadalka wanaagsan, walaalkaa aad u dhoolacadayso, dhib aad wadada ka leexiso intuba waa sadaqo
Xusuusnow: Ficilo yar yar oo aad si joogta ah u sameyso, hal tallaabo oo aad horay u qaado maalin kasta ayaa kugu hagaya wadada toosan, wadada horumarka, wadadi aad naftaada ku tarbiyadeyn lahayd.
@XikmadoSom
Share dheh Si Walaalaha ugu faa'ideyseyso
Ka Faa’iideyso Bisha Ramadaan
1. Aqri Quraanka 4 bog Salaad kasta, go’aanso in aad Bishan dhameyso aqrinta Kutubta Quraanka, kuna dedaal in aad fahanto macnihiisa
2. Shanta Salaadood ku tuko Masjidka, Seexo habeenki xilli hore, si aad Suxuurta ugu kacdo waqtigeeda, Salaada Subax ugu tukato Jameecada Masjidka
3. Ku Bilow Afurka Biyo, Timir, wax fudud. Ducayso, Alle dabi dhaaf weydiiso
4. Cab biyo badan, Ha iska badin Cuntada afurka si aadan u awoodi waayin in aad Cishe & taraawiix tukato
5. Wanaaji Niyadaada, Xooji Iimaankaaga, Carabkaaga bar xuska Alle
6. Laab indhahaaga, ha ku eegin wax macsi ah. Ka dhawrsoonow Allihi ku abuuray ee Aragaaga ku siiyay
7. Ka adkow Carabkaaga. Been ha sheegin, cidna ha xaman, dadka ha u gefin.
8. Ka fogow Kibir, Islaweyni, Xasad, Naceyb, Xanaaq badan, kuwani waa Sifooyin sun ah
9. Xiriiri Qaraabada, Booqo Bukaanka, Xaqdhawr deriskaaga
10. Ka har Asxaabta xun, la saaxiib dadka wanaagsan oo dhawrsoon. Marnaba macno darro iyo madadaalo ha ku lumin waqtigaaga
11. Cafi cid kasta aad wax ka tabanayso ama waxyeelo kuu geysatay. Jooji eedeyn iyo cabasho badan
12. Alle dartii u Jooji dhamaan balwadaha & caadooyin xun hadii aad leedahay. Alle ayaa kuugu bedelaya wax ka kheyr badan
13. Kula dhaqan dadka dabeecado iyo akhlaaq wanaagsan, Noqo tusaale lagu daydo
14. La bax Sadaqo maalin kasta. Ogow hadalka wanaagsan, walaalkaa aad u dhoolacadayso, dhib aad wadada ka leexiso intuba waa sadaqo
Xusuusnow: Ficilo yar yar oo aad si joogta ah u sameyso, hal tallaabo oo aad horay u qaado maalin kasta ayaa kugu hagaya wadada toosan, wadada horumarka, wadadi aad naftaada ku tarbiyadeyn lahayd.
@XikmadoSom
Share dheh Si Walaalaha ugu faa'ideyseyso
Xikmado️ 💎 pinned «Waa kan gabaygii Aan idin balan Qaadney Soomaaliya mas’uul badanaa Magac dowlo badanaa Maamul goboleed badanaa Madaxweynayaal badanaa Macno xumo badanaa Muwaafaqo darro badanaa! Xaajo murugsan badanaa Qabiil muransan badanaa Musuqmaasuq badanaa Maal…»
Talooyin ku saabsan bisha barakaysan ee Ramadan
Ugu horrayn qof waliba oo nagamid ah waa in uu isku dayaa bishan Ramadan in uu sameeyo dadaal kabadan dadaalkii uu sameeyay ramadaankii tagay.
1- Iskuday in aad iska yarayso amaba aad joojiso waxyaabaha maaweelada ah ee qofka mashquuliya, haday ahaan lahayd wax aad ku cayaarto, amaba wax aad daawato, amaba wax aad dhagaysataba.
2- Waa in aad isku daydaa in aad wax ka xifdiso (qaybto) Qur’aanka kariimka ah intii aad awoodo islamarkaana waa in aad u samaysataa jadwal waqtiyaysan oo aad raacdo.
3- Hadii aad tahay ruux Qur’aanka xifdisan waa in aad isku daydaa in aad wax ka barato Tafsiirka Qur’aanka Kariimka intii aad awoodo.
4- Wax ka baro ducooyinkii Nabiga ( CSW ) uu ku ducaysan jiray iyo Tasbiixdii uu aqrisan jiray.
5-Noqo qof firfircoon oo umada u adeega ( caawiya) qaasatan reerkaaga, waa in aad isku daydaa in aad ka qayb qaadato howsha guriga iyo tan dibadaba.
6- Ha badsan raashinka xiliga afurka waayo waxay sabab u noqon kartaa salaada taraawiixda in aad ka caajisto, sidoo kale haka seexan suxuurta waayo barako ayaa ku jirta suxuurta.
Ugu dambayntii Allah (SW ) hanaga dhigo kuwa ka faa’iidaysta bishan barakaysan.
@XikmadoSom
Share Dheh si walaalaha Uga faa'ideystaan

Faaiidooyinka Cabbitaanka Raqayga (Xamarta) Iyo Ahmiyaddiisa Bisha Ramadaan
Bogga Internetka ee Fitness oo ka faallooda arrimaha caafimaadka ayaa qoray qaar ka mid ah faa’idooyinka ay raqaygu u leeyahay caafimaadka. Boggan laga leeyahay dalka Maraykanka oo qormadiisan waxa uu sheegay in raqayga ay ku jiraan Fiitamiinno aasaasi ah oo aad u tiro badan, sida Fitamiinka C, sidoo kalana ay ku jiraan maaddooyin si dabiici ah jirka u xuub siiba dibna u cusboonaysiiya, sidoo kale waxaa ku jira macdanno kala duwan oo ay ka mid yihiin Magnesium iyo Potassium. Qaar ka mid ah faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee warbixintu sheegtay in laga helo raqayga (xamarta) waa:
1. Ka hortagga gabowga: Asiidhada, Fitamiinno iyo maaddooyin kala duwan oo raqaygu hodan ku yahay waxa ay la dagaallamaan gabowga iyo calaamadihiisa, .
2. Ka hortagga xumadda: raqaygu waxa uu si dabiici ah u dejiyaa heerkulka, si uu uga hortagto in ay ka dhalato xummad
3. Caabuqa dhuunta: Raqaygu waxa uu daweeyaa caabuqa mararka qaarkood ku dhaca hunguriga, gaar ahaan marka timirta lagu dhex milo biyo ama dareere kale oo kasta, waxa uu nadiifiyaa isla markaana uu dhayaa goobta uu caabuqu ku dhashay.
4. Xilliga soonka iyo raqayga: Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in cabbitaan raqayga ah oo la cabbo xilliyada cuntada dhexdoodu uu dhiigga ka nadiifiyo sunta oo inta badan kaga timaaddo meelo kala duwan.
5. Kansarka: Ugu dambayntii khubarada caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin in raqayga uu ka hortagto oo joojiyo Kansarka, isla markaana kordhiyo tayada hab-dhiska difaaca jirka
https://t.me/XikmadoSom
Share gareey Si Ay Asxaabtada uga faa'ideystaan

Telegram
Xikmado️ 💎
Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.
Talooyin ku saabsan Ramadaanka
Talooyin ramadaanka
1. Xus Alle SWT habeen & maalin, Badi ducada & dambi dhaafka
2. Aqri Quraanka, kuna dedaal in aad fahanto macnihiisa
3. Shanta Salaadood ku tuko Masjidka, Seexo habeenki xilli hore, si aad Salaada Subax ugu kacdo
4. Ku Bilow Afurka Biyo, Timir, Qare, wax fudud. Ducayso.
5. Cab biyo badan, Ha iska badin Cuntada afurka
ka dib si aadan u awoodi waayin in aad Cishe & taraawiix tukato
6. Wanaaji Niyadaada, Xooji Iimaankaaga
7. Laab indhahaaga, Ka dhawrsoonow Allihi ku abuuray ee Aragaaga ku siiyay
8. Been ha sheegin, cidna ha xaman, dadka ha u gefin. Ka adkow Carabkaaga
9. Caawi Masaakiinta, Waayeelka & Agoonta
10. Ka fogow Kibir, Islaweyni, Xasad, Naceyb, Xanaaq badan, kuwani waa Sifooyin sun ah
11. La bax Sadaqo maalin kasta. Ogow hadalka wanaagsan, walaalkaa aad u dhoolacadayso, dhib aad wadada ka leexiso intuba waa sadaqo
12. Xiriiri Qaraabada, Booqo Bukaanka, Xaqdhawr deriskaaga
13. Ka har Asxaabta xun, la saaxiib dadka wanaagsan oo dhawrsoon
14. Cafi cid kasta aad wax ka tabanayso ama waxyeelo kuu geysatay
15. Alle dartii u Jooji dhamaan balwadaha & caadooyin xun hadii aad leedahay
16. Kula dhaqan dadka dabeecado & akhlaaq wanaagsan, Noqo tusaale lagu daydo
17. Daryeel Naftaada, samee jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo maalin kasta
18. Baro oo Xafid magacyada Alle SWT ee Wanaagsan & micnahooda
19. Ha u arkin naftaada in aad ka fiican tahay ama ka nasiib badan tahay dadka kale
20. Alle weydiiso mar kasta cafis, dambi dhaaf iyo naxariistiisa
21. Ka eeg dhinaca fiican dadka, ha qod-qodin hana baarin ceebahooda
22. Ku Xamdi-naq Alle nimcooyinka kala duwan uu ku siiyay
23. Ha khasaarin Cuntada iyo Biyaha, Malaayiin baan maanta heysan!
24. Hagaaji Socodkaaga iyo labiskaaga, Ha sameyn is tus-tus adigoo is leh dadka oo dhan ayaa ku soo eegaya, xusuusnow in Alle kuu jeedo xilli kasta
25. U hiili naftaada, Go’aanso Ramadaankan in aad sameynayso isbedel dhab ah & horumar balaaran oo dhinac kasta ah
Allaha kaaga dhigo Ramadaankan midkii kuugu wanaagsanaa, midkii aad Alle si dhab ah ugu dhowaato, midkii Noloshaada u horseeda Horumar iyo Guul Aduun iyo Aakhiraba
Share dheh Si ay Asxaabta uga faa'ideystaan
Kusoo biir adoo riixaya
👇👇👇

Mahad Ilaah baa leh, waynu u mahad celin, kaalmeysan, dembi dhaaf weydiisan, ka magan gali sharka iyo sheydaanka nafteenna ku lammaanan, falalka aan wanaagsaneyn iyo inay innaga dhacaan arrimo khilaafsan sharciga daahirka ah – kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Rasuulkiisii (SCW).
Qofkii uu Ilaah hanuunin, habow iyo heehaab isdaaye, kiise silic iyo saxariir ka doona sarreeye Ilaah ee siraadka toosan aan raacin, diidanna inuu hannaanka noloshiisa iyo habdhaqankiisa ka qaato Qur’aanka cadiimka ah iyo Sunnada Rasuulkii caddaaladda Maxamed (SCW), Rabbina u qoro habow iyo heehaab, qofka sidaa ah hanuun iyo hooraarsan kala tage, ba’ iyo hoog buuna hirgeli, adduunka waa u jahwareer; aakhirana jeebado iyo jahannama.
Waxaan qirina in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla mooyee, Ilaah keliya oo ayan cidna wax la wadaagin, waxaan qirina in Maxamed yahay addoon iyo rasuul Ilaahay soo diray, nabad iyo naxariis Ilaah dushiisa ha ahaato nebigeennii, ehelkiisii asxaabtiisii, iyo cid kastoo xaqa ku raacday (aamiin); kaddib
Munaasabadda bishan Ramadaanka ee barakeysan, waxaan u soo gudbin walaalahay Muslimiinta ee Soomaaliyeed cutubyadan soo socda, waxaynuna ka baryi Ilaahay inuu ka dhigo camalkayaga midaynu Ilaahay oo keliya ulajeedno, kagana abaal dooni, iyo camal uu raalli ka yahay, shareecadiisa waafaqsan, shacbiga Soomaaliyeedna waxtar u yeesha.
Abdulkadir Uukow
TUSMADA
CUTUBKA KOOWAAD: WAAJIBNIMADA SOONKA
CUTUBKA LABAAD: UJEEDDADA IYO FAA’IDOOYINKA SOONKA
CUTUBKA SEDDEXAAD: MIYAA SOON LAGA DOONI QOFKA XANUUNSAN IYO QOFKA SOCDAALKA AHI?
CUTUBKA AFARAAD: WAXYAABAHA BURIN – JABIN – SOONKA.
CUTUBKA SHANAAD: SALAADDA TARAAWIIXDA. CUTUBKA LIXAAD: SAKADA IYO FAA’IDOOYINKEEDA.
CUTUBKA TODDOBAAD: HANTIDA AY SAKADU KU WAAJIBTO IYO INTA SAKO AHAAN LOOGA BIXIN. CUTUBKA SIDDEEDAAD: QOLOOYINKA MUDAN SAKADA
CUTUBKA SAGAALAAD: SAKAATUL FIDRIGA
Haddaad ku Faraxsantahay Taabo ❤️ si aan Caawaba U Bilowno
Taabo ❌ hadii aadan Ku Qanacsanyn

CUTUBKA KOOWAAD:
WAAJIBNIMADA SOONKA
In la soomaa bisha Ramadaan waa waajib iyo fariido ku sugan kitaabka Ilaahay iyo sunnada rasuulkiisii (SCW), muslimiintana isku wada raacsan tahay:- Wuxuu yiri sarreeye Ilaahay:
“Kuwa Ilaah rumeeyow waxaa laydinku waajib yeelay inaad soontaan, sidaynu ugu waajib yeelnayba ummaddahii idin ka horreeyey, u jeeddada waajibinta soonkaa dushiinna waa inaad cabsi Ilaah ka kororsataan, uuna idin noqdo -tababar- si aad xumaha iyo xildarrada isaga dhowrtaan, soonkaa oo ayaamo tirsan ah – ciddii uu markaa xanuun hayo ama socdaal ah waxaa bannaan inuu afuro dibna ka qalleeyo.
Qofkii aan karinse gabow awgi ama cudur ku lammaanan miskiin ha quudiyo maalin waliba oo soon laga dooni… kiise quudiya tiro miskiin ka badan waa kheyr iyo abaal uu naftiisa u hormarsan… Qofkii karase soonkaa uu fadli iyo kheyr badan.
Bisha Ramadaan oo ah bishii aynu Qur’aanka soo dejinnay, Qur’aankaa oo hanuun ah, kalana caddeyn xaqa iyo baadilka… kolkay bishaa soo gasho qof kastoo muslim ah, qaan gaar, fayow, degaanna ah waa inuu soomaa… Qofkiise uu xanuun hayo ama socdaal ah waxaa u bannaan inuu afuraa, dibse ha ka qalleeyo, wuxuu Ilaahay dooni sida idiin fudud iyo dhib la’aan, oo idinlama doonayo culeys… wuxuuna dooni inaad tirada soonka dhammeystirtaan, deetana takbiir falid iyo Alla weyneyn guda gashaan iyo idinkoo uga mahad naqa galladdaa waafajinta soonka.”
Wuxuuna yiri nebi Maxamed nabad iyo naxariis dushiisa ha ahaatee:
Imaam Muslimna wuxuu ku soo wariyey xadiiska Lafdiga ah:
Macnaha xadiiska waxaa weeye:
“Tiirarka Islaamka ku dhisan yahay waa shan, qiritaanka in ilaah xaq loogu caabudo uusan jirin Alla keliya mooyee, Maxamedna yahay rasuul Ilaahay soo diray, oogitaanka salaadda, bixinta sakada, soomidda bisha Ramadaan iyo gudashada Xajka – qofkii awooda.” Xadiis laysku raacsan yahay.
Mid waliba oo shantaa tiir ka mid ahina ujeeddo iyo xigmad ballaaran ayaa ka dambeysa, nasiib darrana waxaa ah in dadka samankan badankood macnaha iyo fahankeeda ka marriin iyo maskax habaabeyn, madow iyo mugdi badanna ay ka gashay… qaadeenna dhabbo caro Ilaah keeni, laguna naar tegi.
Wuxuu Ilaahay amray, tiirka horena yahay ee Islaamka in Ilaah la mideeyo, ee aan cibaadada uu inoo abuurtay cid kale loo leexin, lala wadaajin, taa oo shirki lagu gaaloobi ah, wuxuu sharcigu dhigay in lagu gaar yeelo Ilaah baryada gaar ahaan arrimaha ayan cidaan isaga aheyn karin sida caafimaadka, hanuunka, carruur weydiisiga iwm aan cid kale laga baryin, nebi Ilaah soo diray, malag daraja leh, awoowe hore, weli saalax ah, wuxuu ahaadaba, cidna aan lala wadaajin baryada darajaday doonaan ciddaa ha lahaatee waxaan bannaaneyn iyadana ee falka gaalada iyo mushrikiintii iyo qowlka Rasuulka (SCW):
Ama inaad cid u heyso maxabbad iyo kalgaceyl ka badan taa qofka la doonayo inuu Ilaahii abuurtay u hayo, tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:
Ama inaad cid kaga raalli noqoto ood ku raacdo inay waxay doonaan kuu xalaaleeyaan waxay doonaanna kaa xaaraantimeeyaan tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:
Ama inuu qof dejiyo, ama soo saaro, ama banneeyo, ama ka raalli noqdo, sharci ama distoor, ama xeeraan ku saleysneyn, khilaafsanna kitaabka Ilaahay, iyo sunnada rasuulkiisii (SCW), tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:
Arrimahaa oo shirki lagu gaaloobi ah siday Ilaahay iyo rasuulki (SCW) inoo sheegeen, aayadaha Qur’aanka iyo axaadiista rasuulka (SCW) ay muujin.
La soco Qeybta Xigta
La wadaag Asxaabtada

Xikmado️ 💎 pinned «Ma haysaa Xikmad Ma Tahay Qoraa Sarre Jacel in Fikradihiisa Bulshada U Gudbiyo Haday Jawaabtada Haa Tahay Kuso gudbi @QalinQoraal ama @Hagad Insha Allah waan so gudbin dona anagoo Magacaaaga Ku Xardheyno Insha'Allah»
Dhamaystir
Waxaa kaloo ka mid waxyaabaha burin ashahaadada inaadan dan u gelin, tixgelin, ku dadaalin, ka jeesato barashada kitaabka Ilaahay iyo ku camalfalkiisa, tixraac qowlka sarreeye Ilaahay:
Sidayna weesadu u leedahay waxyaaba buriya bay ashahaadaduna u leedahay arrimo buriya, qofkana waxaa laga dooni inuu barashada kitaabka Ilaahay ku dadaalo, ehlu cilmiga daacadda ahna la xiriiro, fuliyana wuxuu Ilaahay ugu yeeri taa oo ah macnaha qaybta hore ee ashahaaada.
Macnaha qiritaanka in nebi Maxamed yahay addoon iyo rasuul Ilaah soo diray ma aha marqaati fur oo keliya, balse ujeeddada ka dambeysa waa wuxuu ina faray oo aynu ku fartoonno, wuxuu diidayna ka dheeraanno, sunnadiisana baranno, raacnana, maxabbad ka badan taynu u heyno maalkeenna, waalidkeen iyo owlaaddeenna u heyno, rasuulkaa Ilaahayna ku dayanno, hadalka Ilaahay iyo hadalka nebi Maxamed aynu cidna ka hormarin.
Ujeeddada tiirka labaad ee Islaamka oo ah salaalaadda, waa siduu Ilaahay inoo sheegay:
Oo macnaheedu yahay:
“Oog salaadda, waayo salaaddu waxay qofka ka reebtaa faxshi iyo foolxumoo dhan – xumaha ka hor istaagtaa iyo munkarka.”
Qofkii ayan salaaddiisu xumaha ka reebin, salaad lama iman.
Balse waa salaad dhimman, khashuuc la’aan iyo qalbi maran lagu tukaday, raadna aan laheyn.
Waxaad arki qof salaadda kula tukan, aan waqtigiisa kaga faa’ideysaneyn barashada wuxuu Ilaah faray, baar fariisi u carari, ama haasaawe xaaraan ah, sidaana waqtigiisa ugu cayaari, baarkaa oo heesa in laga sii daayo laga yaabo, heesahaa miyuusigga wata ee xaaraantaa ah, qof dumar ah ee aan xijaabkii Islaamka xirneyn ay ragga u adeegeyso, taa oo xaaraan kale ah. Waxaad arki qofkaa inuu iska geli guri uusan laheyn idin la’aan, taa oo xaaraan ah, gacan qaadi dumar uu gayo, taa oo xaaraan ah, la haasaawo iyo fadhi wadaagi dumar uu gayo, guurna ka dhaxeyn, taa oo xaaraan, hannaanka noloshiisa ay xaaraan u badan tahay kaddibna ku oran waan tukadaa oo Muslim dhan ayaan ahay!
Waxaa laga yaabaa ragga qaarkood intay damiir iyo qalbad beeleen, inayan xaasaskooda, gabdhahooda, iyo dumarka kale ee ku hoos nool ayan ugu yeerin, ku qasbin inay xijaabka Islaamka oo ah maro ama shuko waasic ah oogadadooda wada asturta qaataan, iyo inay ragga gaya – guurna ka dhaxeyn – ka xaroodaan. balse u qiraya inay la sheeko wadaagaan, ninka sidaa ahna ee u gogol dhiga ragga iyo dumarka inay faaxishad iyo zino ku dhacaan, wuxuu qaaday dhabbaha dayuuskii uu rasuulkii Ilaahay (SCW) inuu sheegay inuusan janno galeyn, kaa oo kale, sheydhaan kaaliyaha ah. ragga iyo dumarka isku fitneyn. amarka Ilaahayna khilaafsan, zinada u gogol dhiga, bal salaaddiisa ka warrama? Waxaynu ognahay in qofka muslimka ahi salaadaha faradka ah Ilaahay toddobo iyo toban jeer ka baryo kolkuu akhrinayo Faataxada inuu ku hanuuniyo dhabbaha toosan ee ah Qur’aanka iyo Sunnadii rasuulkiisii (SCW) barashadooda iyo ku camal falkooda isla markaana ka duwo, uusan qaadinna marriinkii kuwa loo carooday oo ah Yahuudda, waayo iyagoo cilmi u leh diinta baynan ku camal falin… iyo kuwa ka habaabay xaqa oo ah Nasaarada (Kirishtaanka) ee khalad iyo qallooc iyo cilmi la’aan Ilaah ku caabuday… Qofka salaad kastoo uu tukado intaa Ilaah ka baryi, aanse siraadka toosan doonaneyn, daneyneyn, barashada kitaabka Ilaahay iyo Sunnada rasuulkiisii (SCW) raadsaneyn, si uu ugu dhaqmo, noloshiisa adduun iyo aakhiraba u hagaagta, hadduu barto ama xaqa la gaarsiiyo aan ku dhaqmeyn, maxaydun ka oran salaaddiisa?
Waa salaad qalbi maran iyo khashuuc la’aan lagu tukan, qofkana uusan dareensaneyn cadamada, weynida, jalaalka, jamaalka, iyo cisada Rabbiga uunkoo dhan barbaariyey, qofkaana waa qofay mugdi iyo madow ay kaga jidho in dadku labo makaan masiirkoodu kala noqon iyo hoygay ku dambeyn janno nasiino iyo nasteexa leh, ama naar nabsi iyo naclad Ilaah ay kuu wehliso…
Sakada iyo soonka oo iyagana shanta tiir ee islaamka ka mid ah si gaar ah ayeynu buuggan uga hadli. Xajkana waa cibaado jaamic ah, kulmineysa ujeeddooyinka ashahaadada, salaadda, soonka iyo sakada.
Waxaynu u noqon mowduucii kitaabka, kolkaan idiin soo koobay tiirarka Islaamka ee laba tiir

ka mid ah soonka iyo sakada aynu si gaar ah buuggan ugu hadli doonno, waxaynu oran:
Waxay Muslimiinta isku wada raacsan yihiin inay fariido waajib ah tahay soomidda bisha Ramadaan, qofkii diidaa ee taa inkiraa ee soomi diidana, waa qof diintii Islaamka ka noqday ee gaaloobay.
Waxaana loo soo jeedin inuu ka noqdo diiddada iyo jaaxidaadda soonka, hadduu ku adkeysto, diiddada soonka iyo inuusan waajib aheyn waxaa lagu xukumi dil, noqonna ruux gaalnimo ku dhintay riddoobay oo lama dhaqayo, lama kafnayo, laguma tukanayo, lagumana aasayo qubuurta muslimiinta, Ilaahay baynu taa ka magan geliye.
Waxaana la waajib yeelay in la soomaa bisha Ramadaan sannadkii labaad ee hijriyadda, wuxuuna soomay rasuulkii Ilaahay (SCW) sagaal Ramadaan, soonkuna waa ku waajib qof kastoo Muslim ah, qaan gaaray, garasho leh, ee soonka kara.
Sidaa awgeed buusan ugu waajib aheyn qofka gaalka ahi oo aan laga aqbaleyn hadduu soomo illaa uu ka islaamo, iyo qofka aan tukan, salaaddana ku waajibtay, waayo ka tagidda iyo iska deynta salaadda waa kufri iyo gaalnimo, tixraac xadiiskan rasuulka (SCW):
Iyo sidoo kale qowlkan rasuulka (SCW):
Wuxuuna yiri sarreeye Ilaahay:
Sidoo kalena wuxuu yiri:
Aayadahan iyo axaadiista aynu soo sheegnay waxay muujin kufriga iyo gaalnimada qofka aan tukan, sida awgeed kama ansaxayso soomid qofka aan tukan, saa waa gaale oo waa inuu tukadaa salaaddana jamaaca ahaan u daa’imaa:
Waxaa sidoo kale diinta looga bixi oo kufri iyo gaalnima ah inaad bisha Ramadaan oo keliya soonto, salaaddana tukato, Ramadaanka kaddibna ay taladaadu tahay inaad salaadda ka tagto, qofka sidaa oo kale ah bisha Ramadaan caabudo sharei jeebkiisa ah ayuu sameystay iyo diin hor leh, hadduu sidaa la soo banbaxana, bareer u doorto, kana toobad keeni waayo, waa gaal murtad ah, waxaan seef aheynna ma leh. Waxaynuna ugu yeeri kaa bisha soon caabuda, iyo matukadahaba inay Ilaahay ka baqaan, sharcigiisana u hoggaansamaan iskana jiraan naartaa:
Loo diyaariyey oo loogu tala galay gaalada, oo ay kitaabka Ilaahay iyo sunnada rasuulkiisa (SCW) bartaan, hannaanka noloshooda ka qaataan, habdhaqankoodana waafajiyaan, si ay ugu galaan fadliga iyo naxariista Ilaah, innagana macigood, fadliga iyo naxariista Ilaah jannadaa:
“Loogu tala galay kuwa Eebbahood ka baqa.”
Kumana waajib aha soonka ilmaha saqiirka ah, tan iyo intay ka qaan gaari, wuxuuna qaan gaar noqon kolkuu shan iyo toban sano gaaro, ama timaha hoose – caanada – ay ka soo baxaan, ama shahwad yeesho – mino.
Waxaa u dheer qofka dumarka ahi intaa oo calaamad qaan gaar ah hadday caadadii isku aragto – dhiigga xeydka – hadduu qofka saqiirka ahi calaamad ka mid ah calaamooyinka aynu soo sheegnay isku arko wuu qaan gaaray.
Hayeeshee waxaa habboon in ilmaha yar la amro inay soomaan -hadday awoodaan, dhibna ku aheyn – si ay yaraanta ugu caadeystaan salaadda iyo soonkaba. Kumana waajib aha soonka qof caqli beelay waalli darteed ama maan doorsamay ama qof cantatabay ee aan waxba kala garaneyn…
Sidaa awgeed, hadduu qofku yahay da’ isku dardarsamay aan waxba kala garaneyn, soon lagama doonayo iyo quudinba

Dhammaan Asxaabta Nagu Xiran waxaan Ogaysiinaynaa Inaaan Sameyney Website aad uga Faa'ideysan Doontaan Xikmado, Maqaalo, warbixino, barnaamijyo Tayaysan Si aad u Booqato Google ku qor
Uukowmedia.blogspot.com
https://uukowmedia.blogspot.com/2019/05/waajibnimada-soonka_59.html

Blogspot
WAAJIBNIMADA SOONKA
In la soomaa bisha Ramadaan waa waajib iyo fariido ku sugan kitaabka Ilaahay iyo sunnada rasuulkiisii (SCW), muslimiintana isku wada raacsa...