Tusmo
937 subscribers
256 photos
80 videos
26 files
135 links
Tusmo waa Channel laga barto Tawxiidka.
Download Telegram
تأملات
‎تأملات قرآنية

‎{قُلِ ادْعُوا الَّذِينَ زَعَمْتُمْ مِنْ دُونِ اللَّهِ لَا يَمْلِكُونَ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ فِي السَّمَاوَاتِ وَلَا فِي الْأَرْضِ وَمَا لَهُمْ فِيهِمَا مِنْ شِرْكٍ وَمَا لَهُ مِنْهُمْ مِنْ ظَهِيرٍ * وَلَا تَنْفَعُ الشَّفَاعَةُ عِنْدَهُ إِلَّا لِمَنْ أَذِنَ لَهُ حَتَّى إِذَا فُزِّعَ عَنْ قُلُوبِهِمْ قَالُوا مَاذَا قَالَ رَبُّكُمْ قَالُوا الْحَقَّ وَهُوَ الْعَلِيُّ الْكَبِيرُ } [سبأ 22 – 23]

Ilaahay weynaayee isagoo nabigiisa la hadlaya wuxuu yiri;
{Nabiyow Ku dheh mushrikiinta: kuwaas aad sheegteen in ay Allaah ka sokeeyaan:
-ma hanan karaan wax yaroo ilma qabato ah oo ka mida cirkaan iyo dhulkaan,
-shirkana kulama aha koonkaan,
-umana ahaanin ilaahay kaalmeeye ama gacan yare iyaga ka mid ah.
-ergeyntuna waxba ma tarto Alle agtiis qof uu u idmay maahee}.
....................................

Ilaahay nasahnaayee aayadan wuxuu ku baabiiyay afar arrin oo mushrikiintu rumaysnaayeen in ilaahayadoodu leeyihiin:
Kow: inay u ahaatay awood ka duwan mida aadanaha.
Laba: inay koonkaan wax ku leeyihiin
Saddex: inay ilaahay gacanyareyaal u yihiin.
Afar- in jaah iyo sharaf ku leeyihiin Alle agtiisa, oo warkooda aan lasoo celin.

Saas daraadeed waxaa lagu yiri:
-Dadyohow hadaad moodeen in kuwaani awood ku leeyihiin koonkaan ballaaran hadda ogaada awood yarna ma ay laha, inay wax idin taraan ama wax idiin dhimaan iska daayee naftooda xitaa khayr iyo shar toona uma hayaan.

-Hadaad moodeen inay ilaahay la wadaagaan oo la leeyihiin koonkaan; hadda ogaada xabad dhuuracasa ahna kuma laha.. waxba idinkma siin karaan waxna idiinma diidi karaan.
-Hadaad mooddeen inay Allaah u yihiin gacan yare yaal iyo wasiirro; hadda ogaada ilaahay cid idinka xigta ma jiro, isaga toos u tuuga u kaalmo weydiista, kaligiisna ka shareeco iyo dastuur qaata.
-Haddaad moodeen in kuwaani ilaahay agtiisa waji sharaf iyo jaah ku leeyihiin oo warkoodu uu qabasho leeyahay hadaba ogaada ilaahay agtiisa shafeeco waxba ma tarto inuu isagu ogolaado maahee..

Culimadu aayadaan waxay u bixiyeen aayaddii xididada u siibtay shirkiga, sababtoo ah wax lagu marmarsiyoodo uma reebin kuwa shirkiga ku fooggan.

Shirki waa maxay?
1-Shirkigu waa duul Allaah ka sokeeya, oo loo rumeeyo awood qarsoon, oo ay ku keeni karaan, wixii looga baahdo, ka dibna la baryo, laga baqo, la rajeeyo, loo gawraco, loo nadro, oo raalli gelintooda la dalbo.

2- Waxaa kaloo shirki ah, u hoggaansanka iyo addeecidda, oo aan Allaah keligi loo deyneyn. Iyo in la degsado, laguna dhaqmo, shareeco aan tiisa ahayn.

Qofkii ku dhaca muxuu yahay xukunkiisu?
-Sida uu Rabbi u caddeeyey shirkiga, buu wuxuu u caddeeyey dadka falaya shirkigu, inay mushrikiin yihiin. Sidii loola dhaqmi lahaana, aad buu u bayaanshey.


Haddaba haddii sidaa wax noogu caddaadeen oo aan ogaanay in ilaahay kaligiis leeyahay awoodda koonkaan cirka iyo dhulka, cid wax tari karta ama wax dhibi karta oo isaga ka sokeysa aysan jirin; Malaa'ig Ambiyo iyo saalixaan kulli isaga adoomo u wada yihiin.. amarna uu nagu siiyay isaga kaligiis inaan caabudno( kaligiis wax weydiisanno barinno ka baqno ka shareeco qaadanno) intaas hadaan soo ogaanay aan is weydiinno su’aalahaan:

- Maxaan ambiyada malaa’igta awliyada iyo saalixiin u tuugnaa oo aan weydiinaa awlaad iyo roob?

- Maxaan jinka uga baqnaa ugana malaynaa xagiisa Lur iyo Nafac..

- Maxaan shareeco aan tii Alle ahayn ugu dhaqanaa; sida xeer jajab, xeer hoosaad mid gobol iyo mid caalami?!

- Diinta iyo hawadeenna ama hawada qabiilka markay iska hor yimaaddaan; hawadeenna ama hawada qabiilka maxaan u hor marinnaa?!

Hadaba intaas haddii lagu dhaco waa shirki waana kufri waxaana ka dhalanaya arrimahaan soo socda:

- 1-Waa dulmi iyo been abuurasho: {يَا بُنَيَّ لا تُشْرِكْ بِاللَّهِ إِنَّ الشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيمٌ},. {وَمَن يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدِ افْتَرَى إِثْمًا عَظِيمًا}
- 2-Acmaasha saalixada ah oo dhan oo burta (لئن أشركت ليحبطن عملك)
- 3-Khasaaro adduun iyo mid aakhiro (ولتكونن من الخاسرين).
- 4-Ilaahay ma cafiyo qofkii dhinta isagoo mushrik ah(إن الله لا يغفر أن يشرك به).
- 5-waa Baadi fog (وَمَن يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدْ ضَلَّ ضَلاَلاً بَعِيدًا)
- 6-Naartaa oo lagu galo {إ
ِنَّهُ مَن يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدْ حَرَّمَ اللَّهُ عَلَيهِ الْجَنَّةَ وَمَأْوَاهُ النَّارُ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ أَنصَارٍ} عن جابر بن عبد الله رضي الله عنه أن رسول الله صلّى الله عليه وسلّم قال: "من مات لا يشرك بالله شيئًا دخل الجنة، ومن مات يشرك بالله شيئًا دخل النار"
- 7-Naarta oo lagu waaro :{إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُواْ مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ وَالْمُشْرِكِينَ فِي نَارِ جَهَنَّمَ خَالِدِينَ فِيهَا أُوْلَئِكَ هُمْ شَرُّ الْبَرِيَّةِ}
- 8-Allaah iyo rasuulkiisu kaa bari noqdaan {وَأَذَانٌ مِّنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِ إِلَى النَّاسِ يَوْمَ الْحَجِّ الأَكْبَرِ أَنَّ اللَّهَ بَرِيءٌ مِّنَ الْمُشْرِكِينَ وَرَسوله)

Intaas hadaan ogaanay sow nalama gudboona inaan iska fiirinno waxa aan ku dhimanayno, islaam sax ah ma u shaqaysannay aakhiro mise waxaan ka mid noqon doonnaa kuwa ilaahay yiri (وبدا لهم من الله ما لم يكونوا يحتسبون)
Ilaahay waxa uga soo daahiray wax aysan malaysanin marna oo ay kuba tala galin.

Ama kuwa uu yiri (فَرِيقًا هَدَىٰ وَفَرِيقًا حَقَّ عَلَيْهِمُ الضَّلَالَةُ ۗ إِنَّهُمُ اتَّخَذُوا الشَّيَاطِينَ أَوْلِيَاءَ مِن دُونِ اللَّهِ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُم مُّهْتَدُونَ )
Aakhiro dadku waxay noqonayaan laba koox, koox hanuuntay iyo koox baadidu ku caddaatay, kuwaas baadidu ku caddaatay markay adduunka joogeen Alle sokodiis shayaadiin ayay xigto ka dhigteen, waxayna moodayeen inay hanuunsanyihiin.

Ilaahay wuxuu yiri kuwa xageenna usoo dadaala waan hanuuninnaa , Allaahna wuu la jiraa kuwa u caabuda sidii iyagoo arkaya: (وَالَّذِينَ جَاهَدُوا فِينَا لَنَهْدِيَنَّهُمْ سُبُلَنَا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ لَمَعَ الْمُحْسِنِينَ)

‎تأملات_قرآنية#
#Milicsiga_quraanka.

#Tusmo
Www.towhed.com
Www.towxiidka.com
Murtuda Jumcaha
‎بسم الله الرحمن الرحيم)
‎(حكمةُ الجمعة)
-وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلَا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا ﴿٣٦ النساء﴾
-إِنَّ اللَّهَ لَا يَغْفِرُ أَنْ يُشْرَكَ بِهِ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَٰلِكَ لِمَنْ يَشَاءُ ﴿٤٨ النساء﴾
وَمَنْ يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدِ افْتَرَىٰ إِثْمًا عَظِيمًا ﴿٤٨ النساء﴾
-وَمَنْ يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَالًا بَعِيدًا ﴿١١٦ النساء﴾
-إِنَّهُ مَنْ يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدْ حَرَّمَ اللَّهُ عَلَيْهِ الْجَنَّةَ ﴿٧٢ المائدة﴾
-لَتَجِدَنَّ أَشَدَّ النَّاسِ عَدَاوَةً لِلَّذِينَ آمَنُوا الْيَهُودَ وَالَّذِينَ أَشْرَكُوا ﴿٨٢ المائدة﴾
-وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْمُشْرِكِينَ ﴿١٤ الأنعام﴾
....................

“Mushrik” mowlihii uumay buu,​ male xun siiyaaye
​isagiyo makhluuq buu simaa,​ martabadoodii e
​ma midaynayee wuxuu ku dari,​ boqol macbuudaade
​mafsadiyo mushkilad buu la yahay,​ marinka towxiide
•••••••
maahsane inuu yahay markuu ,​ muuqdo baad garane
​isagoo makhluuqaad baryuu,​ mowle caabudi e
​isagoo maqbara yuururoo, ​maal ka jirinaaya
​buu “Salaadda” miiqaatka hore,​ mowcidkii imane
•••••••
isagoo masiixiga kufriyey,​ maxabba siinaaya
​siduu maandhihii yahay la wada,​ boqol mashaariica
​munkarkiyo macruufkiisu yahay,​ gaalka malihiisa
​muslimnimo inuu sheegto waa,​ laga maleeyaa e
•••••••
isagoo midduu gaalku rabo, ​madaxa saaraaya
​“Mabda’” iyo shareecaba kufriga,​ macallin moodaaya
​oo an meelna uga leexanayn, ​marinki naareede
​“Musxaf” meel ku booroobey buu, ​magac ku doonaa e
•••••••
macbuud badane weeyoo ma rabo, ​inu mideeyaa e
​mintid buu yiraahdaa midkii,​ Marin hagaagaa e
​muwaxiddiinta buu moodayaa,​ niman musiibaa e
​maqtalkooda buu doonayaa, ​maalin iyo leyle
•••••••
​isagiyo masiixigu doc bay,​ wada maraayaane
​qalbigaa midoobeye ha dhugan,​ magacyadoodii e
​labaduba “Masiix” iyo ka lume,​ Muxammadkeennii e
​hadii uu mid roon yahay kan kale,​ kuma marraadeene
•••••••
“Mushrik” waa u muujinahayaa,​ muctaqadkiisii e
​ma munaafaqeeyee wuxuu,​ maaggan yahay sheegye
​maslaxiyo wuxuu moodayaa,​ lagama maarmaane
​muslimkiina aragyeye murji’a, ​yaa marsiin karaya?!
•••••••
Rabbi baaba miidaamiyoo,​ malaha maamuuse
​musxafkeenna laga waa inuu, ​mu’miniin galo e
​mujrim iyo malcuunnimadu,​ waa magacyadiisii e
​macbuud baaba dayrsheye maxaa,​ midigta ii saaray?!
•••••••

#Murtida_jimcaha
#mushrik
#Tusmo

www.towxiidka.com
www.Towhed.com
Tawxiidku waa laabud

1- Tawxiidku waa laabud iyo, lagama maarmaane
La’aantiba camal la aqbaliyo, libini kaa dheere
Shirkigaa lidkiisa ah haddaad, laabta gelisaaba
Diintaadu wada laalatoo, waa wax kaa lumaye
***
2- (Laa ilaaha illa- llaahu) baa, layna farayaa e
Lillaahida islaamnimada waa, tiirka loo mudeye
Laf- dhabarka weeyiyo cilmiga laanta ugu weyne
Lafdi la akhriyiyo haw malayn, luuqin keligeede
***
3- Labaa loo dhigaayaa macnaha, ay na leedahaye
(Laa ilaaha) lagu diid intii, loo hoggaansamo e
Lixaad lagu maleeyiyo inuu, libinta keenaa e
Ama xeerar laazima watoo, lagu addeecaa e
***
4- (illa-llaahu) laga reeb Allaah, bay ku leedahaye
Isagaan lahaanshaha awood, lala wadaageyne
Isagaa laqinayoo sharcigu, looxa ugu yaale
Yaa lagu labeeyaa makhluuq, tabar lahaan waaye
***
5- Macne weeye ay leedahoo, kuna lifaaqnaane
Ku luuqeeya maahee axkaam, baa ka laazimi e
Shirkiba wawga leexdaa midkay, laabta uga taale
Waxse lumaya waa kaan lafdiga, wax u labaynayne
***
6- Ruuxay ka liiqliiqataan, luga ku taagneyne
La’aanteedba iimaan la waa, inu lahaadaa e
Lacnad baa la raacsiiyeyoo, liidashaw qorane
Ibliis buu la leexanahayaa, oo la lumayaa e
***
7- Waa lagu islaamaa markii, aan lidkeed imane
Lillaahida ikhlaaskiyo macnuhu, ayan lumahayne
Shirki looga leexanahayiyo, reerki laazimeye
Haddii kale laqwi beena iyo, waa lur iyo daale
***
8- Luuqin kuma ekee waa wadaad, beenuu lulayaa e
Daliil kuma lifaaqee hawada, buu la lalayaa e
Xaqu liici maayee kufriga, baa lalleema lehe
Laciif weeye maantii xujada, loollankeed jiro e
***
9- Wax Ibliis laciin looga dhigay, naarta lagu waarshey
Laamaha ikhlaas buu middood, lumiyey gaalkii e
(Laa ilaaha illallaahu) baa, laalatoo maqane
Lafdina laguma haysane macnaha, buusan laazimine
***
10- Hadday luuqin tahay reer yahuud, libin ma waayeene
(Laa ilaaha illa- llaahu) bay, wada lahaayeene
Macnahaa ka leexleexdayoo, ka libray mooyaane
Ereygu waw ladnaan jirey dadkana, waw laqinayeene
***
11- Ruuxii ka lumayoo waddada, leexashada raaca
Haddii uu lafdiga layska yiri, libin ku gaaraayo
Al-khawaarij leebabkiyo warmuhu, kuma legdeen meele
Oo lalama yaabeen siday, u le’anaayeene
***
12- Tataarkii luggooyada dhigee, uunka badan laayey
Ereygoo u ladan bay kufriga , laabta geliyeene
Hadday laazimaayaan sharciga, cidi ma layseenee
Macnahay lunsheen bay sidii, ari u loogeene
***
13- Lillaahiyo ikhlaas waayo hore, layska wada tuurye
Shirki baa liwaagii qabtoo, raayadii lulaye
Wadaadkuna laguud laga dhergiyo, leefin buu helaye
Isagaaba tiisii lunshoo, waa legdoon yahaye
***
14- Ninka (leeje) aaminahayoo, suuradaha laaday
Ninka yiri luqmaan iyo ka tegey, cammiyo liilaafe
Ninka yiri lillaahida ikhlaas, waa luggooyada e
Ninka yiri u laabtaay kufray, libini taallaa e
***
15- Ninkaa leexdayoo lumahayoo, gaalnimada laacay
Ninka yiri shahaadaa u ladan, waa laciin kale e
Lammaankiisa weeyoo Ibliis, buu la meel yahaye
Jaxiim waa liqaayaa haddaan, tawbad loo qorine
***
16- Wadaaddada lillaahida lunshayi, seege libintii e
Aayado nin leexinahayaa, ma laha liibaane
Laakiin ma daayaan shubhada, lala wareegaa e
Laqdabo kama shishaysee dad baa, liita oo raba e
***
17- Liwaagii fitnada bay lulaan, leyliyo nahaare
Caammaday ka leexshaan jidkii, laabudka ahaaye
Waa lagu liqdaaroo waddada, ugama leexdaane
Runta looxa laga soo dejey, kor uga laalaane
***
18- Laaluush cunow shiikh hadday, lacagi kaa qaaddo
Is laalaadi oo ruux ma jiro, loodin karayaa e
Isagaaba liitoo luumoo, khayrka laayacaye
Ladnaan kaama raacdee waqtiga, yuusan kaa lumin
***




https://www.facebook.com/1519599714780120/posts/2296627600410657/
‎(حكمةُ الجُمعة)
‎ــ (وَأَنِيبُوا إِلَى رَبِّكُمْ وَأَسْلِمُوا لَهُ مِنْ قَبْلِ أَنْ يَأْتِيَكُمُ الْعَذَابُ ثُمَّ لَا تُنْصَرُونَ. وَاتَّبِعُوا أَحْسَنَ مَا أُنْزِلَ إِلَيْكُمْ مِنْ رَبِّكُمْ مِنْ قَبْلِ أَنْ يَأْتِيَكُمُ الْعَذَابُ بَغْتَةً وَأَنْتُمْ لَا تَشْعُرُونَ. أَنْ تَقُولَ نَفْسٌ يَا حَسْرَتَا عَلَى مَا فَرَّطْتُ فِي جَنْبِ اللَّهِ وَإِنْ كُنْتُ لَمِنَ السَّاخِرِينَ. أَوْ تَقُولَ لَوْ أَنَّ اللَّهَ هَدَانِي لَكُنْتُ مِنَ الْمُتَّقِينَ. أَوْ تَقُولَ حِينَ تَرَى الْعَذَابَ لَوْ أَنَّ لِي كَرَّةً فَأَكُونَ مِنَ الْمُحْسِنِينَ. بَلَى قَدْ جَاءَتْكَ آَيَاتِي فَكَذَّبْتَ بِهَا وَاسْتَكْبَرْتَ وَكُنْتَ مِنَ الْكَافِرِينَ) (الزمر: 54-59)

‎ـ (بَلْ كَذَّبُوا بِمَا لَمْ يُحِيطُوا بِعِلْمِهِ وَلَمَّا يَأْتِهِمْ تَأْوِيلُهُ كَذَلِكَ كَذَّبَ الَّذِينَ مِنْ قَبْلِهِمْ فَانْظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الظَّالِمِينَ) (يونس:39)
..............................

Hanuun lagama dido waa Ilaah, hadalladiisii e
Booraan hadimo looma qodo, duul hoggaansamaye
Waxa ay hawadu kugu riddaa, hog iyo haadaane
Rabbi ka hortaggiisiyo inaad, naar u hoyataaye

Allow yaa hanuun lama necee, diinta haybiya e
Allow yaa adduun hari mayee, hilinka doon doona
Allow yaa caqiidada hubsada, oo hoggaansama e
Allow yaa hawada beeniyoo, haysta aayado e

Allow yaa hormuudkaa muslimay, haybsha nabaddooda
Allow yaa hub lala haarayiyo, hiifta ka ilaasha
Allow yaan hareeraha ka dhigin, jaahiliin horora
Allow yaa haraatida ceshada, iyo halgaaddiisa

Allow yaa hurgumo lama kacshee, haysta kibirkiisa
Allow nimanka huri weyto dirir, yaan u soo hoyine
Allow yaan hilmaansiin waxay, hakad lahaayeene
Allow yaa hanuun baa dhacshaye, hooska uga leexda

Allow yaan had iyo jeer ku ridin, ciil an harahayne
Allow yaan haween iyo carruur, hoyga uga dhaaran
Allow yaan hayaan gelin dad aan, xumi ku hawshoon
Allow yaan harraadsiin dulmigu, waa wax kuu hara e

Allow yaa hareer mara rag badan, waa hiq leeyahaye
Allow yaan markay hiilliyaan, haadka u ekaannin
Allow yaan habaar qabe lunyaye, hoogayey orane
Allow yaan mar aan cidi heleyn, nabadda haab haaban

Daallinkii la hayn waayo oo, kibirku heehaabsho
Halaag baw danbeeyiyo inuu, hoosta marayaaye
Kuwa haatan hilinkii Fircoon , u hanqal taagaaya
Iyagaa habaabaye bal dhawr, hoogga laga siiyo
………………………….
#حكمة_الجمعة

#Murtida_jimcaha
#Gabay
#Tusmo
towxiidka.com
Towhed.com
‎(42-حكمةُ الجُمعة)
‎ــ(أَوَمَنْ كَانَ مَيْتًا فَأَحْيَيْنَاهُ وَجَعَلْنَا لَهُ نُورًا يَمْشِي بِهِ فِي النَّاسِ كَمَنْ مَثَلُهُ فِي الظُّلُمَاتِ لَيْسَ بِخَارِجٍ مِنْهَا كَذَلِكَ زُيِّنَ لِلْكَافِرِينَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ) (الأنعام:122)
‎ــ(وَاذْكُرُوهُ كَمَا هَدَاكُمْ وَإِنْ كُنْتُمْ مِنْ قَبْلِهِ لَمِنَ الضَّالِّينَ) (البقرة:198)
‎ــ(وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا وَاذْكُرُوا نِعْمَةَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ كُنْتُمْ أَعْدَاءً فَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِكُمْ فَأَصْبَحْتُمْ بِنِعْمَتِهِ إِخْوَانًا وَكُنْتُمْ عَلَى شَفَا حُفْرَةٍ مِنَ النَّارِ فَأَنْقَذَكُمْ مِنْهَا كَذَلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمْ آَيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ( (آل عمران:103)
..............................
Jidka toosan
Jidka toosan annagoo gafnoo, jaha xun doonayna
Hadba hawd jibaaxayna oo, jar iska tuurayna
Jaah wareerku dheeraadayoon, joojin kari weyney
Sidee jago adduun loo helaa, hadafku noo joogo

Jaliilkii ka sii jeedna iyo, jirinta diintiisa
Ka jawaabi karahayn waxaan, duni u joognaaba
Wanaaggii jarmaayoo xumaan, laga jeclaanaayo
Kii qur’aanka jeer hore xafiday, jusaski sii daayey

Kii salaadda joogtee is yiri, laguba jeesjeeso
Jiilkiisu nacayoo wadaad, jirraban loo qaato
Rag nimaan la jaan qaadi karin, jaadki laga yeelay
Juruxna aan ka waayeyn kuway, jifo wadaageene

Shirki jaadadkiisoo dhan baa, joogey oo koraye
Jirku kuu xanuunoo miskiin, jiifa laga yeelo
Jaho looga yimid garan mayiyo, yaa jirrada keenay
Tuhmo buu la jeenjeensadaa, lana jibaadaaye

Jinni miyaa i weerarahayoo, jilibka ii laabay
Ma wadaad jadeen iga rabaa, joojey socodkayga
Ma il baa juq iga tiri qalbiga, iga jaraaxaysey
Mase waa habaarkii jifada, aan doc uga jeestey

Markuu jaah wareerana rag baa, jaqa miskiinkaa e
Caafimaad intuu jirinayey, jeebka mariyaane
Haddii uu Jaliil baran lahaa, jil kama qaadeene
Jaahil baan ogsoonayn halkii, uu ku jabayaaye

Jirro kalana waw dheer tihiyo, qiiro jaahiliye
Afka waysku jaal hoosna waa, layska jarayaaye
Nin waliba jifaduu yahuu, johorad moodaaye
Inta kalena jarjar liita iyo, waw dad aan jirine

Jaguug bay noqdeen wiilashii, jaaxiddiin lumaye
Jeedaalo ugu jira fisqiga, jaranjar loo raaco
Gaaladu midday jecel yihiin, la isku jaan gooyo
Jidka naarta loo jeedo oo, la isku jeeraaro

Jahligii galbeed lagala yimid, jilibka loo aastay
Jaliil nagu direenoo kufriga, jaa’iz laga yeelay
Junuuddii Ibliis naga hayaan, jeegadiyo foodda
U jajuubannahay gaalnimay, jaasadeed tahaye

Reerkeennu jaantay degaan, jabad yar moodayna
Dhulkaa jiidanee waasaca ah, nalaka sii jeedshey
In la joogi karayaba war aan, jirin ka soo qaadna
Jaan jaan hawadu naga dhigtiyo, doqommo sii jeeda

Hadba jahada reer yurub jiraan, jaanta ula boodna
Sidii ay jannada noo hayaan, laabtu jamanayso
Kirishtaanka jahanama u nool, bado u jiirayna
Jiwaarkoodu nala fiican yahay, ehel jaxiimeedka

Jarmal yaa na gaarsiiya iyo, jiidda reer kanada
Qalbiga ay ka ‘jow’ leedahoo, laabtu jirinayso
Bal in gaalka jago loogu tago, jeebabkana buuxsho
Jaxiim lagu illow iyo cadaab, jira warkiisiiye

Waalidkana jawaabtiisu waa, joog ku oran maayo
Facaa waaba jiiteye maxaa, jabadkan kuu yaalla
Jiiraanku dheregyoo adduun, baa u soo jabaye
Adigaa ka joog roon kuwii, joojey daarahane

Annagoo jabnoo liidannoo, gaalo jirinayna
Jaliilow adaa nooga turay, jirrabki taagnaaye
Adigaa jidkii nabiga oo, jiidan noo furaye
Jiwaarkaaga adigaa na baray, inan jeclaanaaye

Jannadaada waasaca inaan, khayr ku jirinnaaye
Jaahiliinta nala joogta oo, baaddilka u jeedda
Jahayntaada weeyaan dacwada, lala dhex joogaaye
Joogsadaay haddii aadan oran, uma an juuqneene

Jidka nuurayana reerkayagu, uma ay jeedaane
Wax kalay jeclaadeen Islaam, uma jilcaayaane
Jirrabkii ad naga saartay bay, wali dhex joogaane
Khayrna kuma jawaabaan wacdigu, joojin kari waaye

Runta waa la jecel nahay inay, jamac u qaataane
Jahli baase naga jeediyoo, jixinjix loo diidye
Jaa’iriin wadaadaynayey, diin ka jiriyaane
Iyaguna jannay uga dhigaan, jidadki naareede

Dunidaanna lama joogayoo, waa jid maalma ahe
Waxay jiidanaysaa intii, naarta loo jaraye
Jaliilow adaa joojin kara, jaahiliin didaye
Usoo jeedi tawxiid intaan, ololka loo jiidin
…………………………………..


#حكمة_الجمعة
#الصراط_المستقيم
#jidka_toosan

#Gabay
#Tusmo
towxiidka.com
Towhed.com
Buugga:
Asallada Diinta iyo Aragtida Lunsan