Sheekooyin Jacayl
11.9K subscribers
43 photos
1 video
1 file
349 links
Kanaalkaan @SheekooyinJacayl waa kanaal aad ka heli doonto
Sheekooyin isugu jira /Jacayl❀️ /Qosol😁 /Taxaneβ†ͺ️ /sheekooyin iyo /Qoraalo xiiso badan😘

***
Maamule: @Abwaan_Saajac
Download Telegram
Sheekooyin Jacayl pinned Β«Asxabey Sheekadii Inoo socotay Sidokle waxan Ka bilaabayaa Facebook-gayga Fadlan Kala socda Facebook Like Fallow Ku booba Ku mahadsanid Tageeradiina πŸ‘‰ https://www.facebook.com/profile.php?id=100068736093376Β»
QUDBO SIIRO | Q6AAD

Baroortii iyo Oohintii ayaa iga dhamaatay waxaan qufushay qolkii, kadib anoo ooyaya baan jiifsaday, ka dib Baasim ayaa soo noqday wuu igu soo garaacay Albaabkii isagoo leh Maad seexatay aynu yara Cawaynee. ka dib waxaan iska dhigay inaan Hurdo, ka dib wuu iga tagay Subaxnimadii baan kacay waan maydhay oo waan is hagaajiyey in yar ka dib waxa ii soo garaacay albaabka Baasim oo leh kaalay nala Quraaco waan raacay anigoon waxba dareensiin, ka dib waan la fadhiistay laakiin waxaan arkay in Sabri iyo Xaaska weyn ee Baasim oo isla hadlayeen waliba si hoose, cuntadu markii la dhameeyay ayay Xaaskii Saxar ku tiri:- Baasimoow ina mari waxaan rabaa inaan gaar kuula hadlo.
Ka dib waxaa Miiskii quraacda ku soo haray Aniga iyo Sabri anoo huruufaya intaanan hadal bilaabin ayuuba isagu bilaabay wuxuuna igu yiri:- Xagaad ka keentay inaad ina adeerkay Baasim ku tiraahdid Carmal baan ahay, oo waxaan dhalay ilmo yar ma inaad dadka ku khiyaantid baad rabtaa, caruur aanad dhalin?.
Ka dib intaan ku qeyliyey baan iri:- Aamus Wasakhyahow, ilmaha Walaashey aad adigu qiyaantay baa dhashay.
Wuxuu igu yiri:- Narkaa ma Anigaa dhalay ilmaha ?. waxaan ku iri Haaa adigaa dhalay.
Kadib markii aan u sheegay Sabri inuu isagu dhalay ilmaha yar, wuu yaabay ka dib wuxuu igu yiri waxaan kaaga baahanahay inaad i caawisid anigu Baasim walaalkii ma ihi ee ina adeerkii baan ahay adeerkeyga iyo wiilkiisa Baasim waxay naga dhaceen Dhaxalkii awowgeey, markaa waxaan rabnaa inaan ka Aar goosano ninkan Baasim.
markuu intaa yiri baan ku iri:- Baasim waxa uu u egyahay Nin fiican. anoo hadalka is leh wad buu Sabri iga soo dhex galay markaasuu yiri:- adigu Baasim miyaad jeceshay ?, ka dib intaan u jawaabin baan niyada iska iri hadaan u sheego inaan Baasim jecelahay waxaa laga yaaba inuu i dhibaateeyo.
Ka dib waxaan ugu jawaabay Maya ma jecli ee waxaan iskaga dhigayaa inaan jeclahay. waxa aan rabay inaan kaa soo dhiciyo xaqii Hooyo iyo Walaashay. ka dib wuxuu igu yiri:- Haye ee ku soo noqo hadalkeenii ma ogoshahay inaad na caawisid si aan Baasim uga Aar goosano?. intaanan u jawaabin ayaa waxaa gadaashena ka soo hadlay qof oo yiri Haa wey ogoshahay inay ku caawiso, maxaadba la weydiin waan eegay qofka uu yahay mise waaba Saxar, oo ah Baasim xaaskiisa weynayd waan yaabay. waxaan ku iri Miyaad la ogayd Sabri waxan uu wado, ka dib waxay iigu jawaabtay:- Haa waan la ogahay ana sidoo kale inaan Baasim ka aargoostaan rabaa.
Waxaan weydiiyey sababta ay Baasim uga aar goosanayso. waxay iigu jawaabtay:- Waayo wuu i bahdilay oo adiga buu ila kaa guursaday wuuna ii ogolaan waayey inaan Amarkiisa ka soo hor jeesto.
Ka dib waxaan ku iri:- Qaa Saxe aniga iminka maxaa igu kiin khasbaaya inaan idin caawiyo? Sabri baa degdeg iigu jawaabay oo yiri:- Markii aan ku kufsanaayey xalay Video baan kaa duubay, sidoo kalena iminka markaad laheyd Baasim ma jecli ee inaan kaa Bargoostaan u guursaday waan duubaayey codkaagii haddii aad diido inaad na caawisid labadaba Baasim baan tusayaa waxaadna ogaataa in uu adiga iyo ilyaas yareba Kow idinkaga siinaayo.
Ka dib Markaan garan waayay meel aan ka baxo waxa aan iska yeelay inaan caawiyo, in yar kadib waxaa noo soo galay Baasim oo ka yimi meeshii ay Saxar u dirtay markii hore si ay u mashquuliso intaan wada hadleyno.
Intaa ka dib habeenkii markii la gaaray baan qolkaygii iska galay anoo qufushay waxaana ku fikiray inaan intaan ilyaas yare qaato aan baxsado Caawa markay wada seexdaan si waxaan oo mashaakil ah aan uga dhex baxo. anoo qolka ku jira oo fikiraya ayuu Baasim igu soo garaacay Albaabka, wuxuuna igu yiri markaan ka furay:- Maxaa ku helay maanta uma ekid qof caadi ah?.
Waxaan ku marmarsiyooday Xanuun been ah, oo intuu yiri Alle haku caafiyo ayuu iga baxay.
Haddana markaan in yar joogay oo aan is leeyahay dharka iska beddel ayaa waxa ii soo galay Sabri, ka dib wuxuu igu yiri si indha adayg ah:- Waxaan rabaa inaan si qarsoodi ah isku guursano.

πŸ‘
❀️
πŸ’¬
βœ…

➑️ @SheekooyinJacayl
Sheekooyin Jacayl
QUDBO SIIRO | Q6AAD Baroortii iyo Oohintii ayaa iga dhamaatay waxaan qufushay qolkii, kadib anoo ooyaya baan jiifsaday, ka dib Baasim ayaa soo noqday wuu igu soo garaacay Albaabkii isagoo leh Maad seexatay aynu yara Cawaynee. ka dib waxaan iska dhigay inaan…
QUDBO SIIRO I Q6Β²AAD

ana intaan xanaaqay baan ku iri:- Iiga bax qolka xayawaanyahow wasakha ah, haddii kale waxaan kuu sheegayaa Baasim wax kasta oo aad igu tiri, ka dib anigo hadalkii wada ayaa waxaa AΔΊbaabka soo garaacay Baasim oo leh inaan kula hadlaan rabaa. waa naxay oo Sabri baan ku iri dhuumo yaanu ku arkin, balse Sabrigii wuu naxsanaa oo wuu dhaqaaqi waayay, isla markiiba Baasim wuxuu soo furay Albaabkii.
πŸ‘
❀️
πŸ’¬
βœ…

➑️ @SheekooyinJacayl
Forwarded from Kooxda Kobcis
πŸŽ‡ Wakhti Wanaagsan πŸŽ‡

@KOOXDA_KOBCIS

πŸ’‘ "Wax Akhrisku waa Furaha Guusha" πŸ”
β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’

┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿ πŸ“š @SheekooyinJacayl πŸ’” ✿
✿ πŸ“š @SheekooyinJacayl πŸ’” ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿  πŸ“₯ @Ifiyaha_NoloshaπŸ“₯    ✿
✿  πŸ“₯ @Ifiyaha_NoloshaπŸ“₯    ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿     πŸ“š  @DhigaalBooksπŸ“š    ✿
✿     πŸ“š @DhigaalBooks πŸ“š    ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿      ➑️  @Turjumaad  ✍       ✿
✿      ➑️  @Turjumaad   ✍     ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿ πŸ’Ž @Dhemantt β˜‘οΈ ✿
✿ πŸ’Ž @Dhemantt β˜‘οΈ ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛
⬇️
┏━━━━━━━━━━━━━━━━━━┓
✿   ➑️ @Afsoomaaliga  ✍     ✿
✿   ➑️ @Afsoomaaliga ✍      ✿
┗━━━━━━━━━━━━━━━━━━┛


πŸ‘‰ "Kubiir Oo Ka Faa'iideyso"

β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’β€’
πŸ§‘β€πŸ’» "Kanaalka Ifiyaha Nolosha waxaad ka hellaysaan Xikmado, Murti, Dhiirigelin, Iyo qoraallo Ku xiisa geliya.
13-03-2022.
πŸ‘¨β€πŸ’»
___
Si aad linksgan ugusoo
biirto, La xidhiidh. @Abwaan_Saajac
▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁▁

✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿✿
ꜱᴘᴏɴꜱoʀᴇᴅ ʙʏ:
πŸ“Œ @Ifiyaha_Nolosha
πŸ“Œ @Turjumaad

βœ… Https://T.me/Turjumaad
↬❒ Dhammaad ❒↫
QUDBO SIIRO | Q7AAD

Ka dib markii uu Baasim Albaabka nagu soo garaacay aniga iyo Sabri oo qolkii ku jirna waan naxay oo Sabri baan ku iri is qari, isna aad buu u naxay oo wuu dhaqaaqi waayey, ka dib Baasim ayaa Albaabkii gil-gilay wuuna furi waayey, ka dib Sabri baa iri waan ilowsanaa, lakiin Alxamdulilaah Albaabka markaan soo galayaan qufulay, ka dib waxaan dareemay inaan fursad heysto aan Sabri ku Khasbi karo inuu saxiixo waraaqdii nasabka ilyaas yare inuu isagu dhalay.
Ka dib waxaan ku iri Sabri:- Sow maydaan doonayn inaan idin Caawiyo si aynu Baasim u dilno adiga iyo Saxar?. wuxuu ku jawaabay Haa. waxaan ku iri Hayee ka waran hadaan iminka intaan qolka ka furno aan gudaha u soo jiidno, ka dibna dilno. wuxuu yiri:- Miyaad waalan tahay hadduu ina arko inaynu qolka ku wada jirno labadeenaba wuu isla keen dilayaa. kadib waxaan iska dhigay inaan dan ka lahayn oo waxaan ku iri Dhib male anigu ma kala jecli Geeri iyo Nolol ee adigu hadaad naftaada jeceshahay Warqada nasabka sugeysa ii Saxiix inaad ilyaas adigu dhashay.
Ka dib wuu xanaaqay Sabri oo wuu diiday inuu Saxiixo. waxaan ku iri Bas waayahay adiga ayey kuu taala waan ka furayaa Albaabka Baasim una diyaar garow inaynu labadeenuba isla dhimano. wuxuu igu yiri:- Bes keen waan saxiixayaye. wuuna ii saxiixay. ka dibna wuxuu igu yiri Sheeg hadaba sidaad inoo badbaadin lahayd. waxaan ku iri Waayahay hore u soco oo Musqusha xiro wuu galay musqushii, aniguna waxaan Albaabkii qolka ka furay Baasim oo yaaban.
Baasim wuxuu yiri Maxaad albaabka iiga furi weyday ?, waxaan ku iri waan Qubeysanaayay ee maxaad rabtay ?, Wuxuu yiri:- Soo eeg baan is lahaa inay seexatay iyo in kale. ka dib waxa aan ku iri May maan seexan ee xoogaa baan soo jeedayaa ilyaas intuu seexanaayo iminka waxaan rabaa inaan qolka barbaarisada ka soo kaxeeyo ilyaas. Wuxuu iigu jawaabay iska daa anaa kaaga soo qaadayee. Haye baan iri markuu baxay baan Sabri ku iri ka soo bax Suuliga oo iska tag, intuusan soo noqon wuu baxay Alxamdulilaah. dhacdadiina sidii ayey ku dhamaatay baasim oo aan waxba ogaan.
Muddo ka dib noloshii caadi bey u socotay kii Sabrina qolkayga mar dambe wuu ku dhici waayey inuu soo galo dhacdadii ka dib.
Arooskeygii aniga iyo Baasim markay maalin ka harsan tahay ayaa waxa albaabka qolka igu soo garaacday inantii guriga ka shaqaynaysay waxeyna igu tiri gabar baa ku doonaysa. waxaan iri Soo daa.
Gabadhii markii ay ii soo gashay qolka waxay ahayd gabadh niqaaban Albaabkii qolka ayey xirtay waxeyna iila soo baxday Mindi weyn waan naxay waxaan ku iri:- Yaa tahay oo maxaad iga rabtaa. kadib iyadoon ii jawaabin bey niqaabkii iska rogtay waan naxay waayo waxay ahayd Qof aanan meeshaba la filanayn.
Waaba ninkii taksiilaha ahaa ee uu dhalay Odaygii igu yiri Baasim waraaqo ayuu naga haystaa ee nooga soo qaad. wuxuu igu yiri Ninkii:- Aaway waraaqihii uu Aabahay kugula balamay inaad u soo qaadid waxaaba ley sheegay inaad Ninkii is guursanaysaan sidee wax u jiraan, hawl baanu kuu soo dirsanee.
Waxaan ku iri aniga lagama yaabo inaan Baasim khiyaameeyo oo aan ka xado waraaqo aanu ogayn. wuxuu igu yiri ninkii oo sideed uga baxdaa Balantaad noo qaaday Aniga iyo Aabahay, ma waxaad na mooday dad balantooda si dhayal ah looga bixi karo?, waxaas Niyadaada ka saar haddaad iminka soo qaadi weydid Waraaqaha Adiga iyo baasimba kow baan idinkaga siinayaa waliba Saabir iyo Saxarna Aniga ayey ila jiraan.
markaan arkay siduu iigu hanjabayo ninkii baan ku iri waayahay waan ogolahay lakiin Hal Shardi baan wataa, Baasim wuu igu kalsoon yahay haduu i ogaado inaan khiyaameeyayna Guurka wuu ka noqon doonaa markaa waxaan kaa rabaa inaad Lacag Ii saxiixdid 2000$, ka dib ninkii intuu qeyliyey ayuu yiri:- Waa lacag badan kumana siin karno. waxaan ku yiri:- idinkuma badnaanayso hadaan Baasim waraaqaha idinka soo qaado waraaqahaas oo ah lacago fara badan oo aad ku laheydeen cadayntoodii.

πŸ‘
❀️
πŸ’¬
βœ…

➑️ t.me/SheekooyinJacayl
Sheekooyin Jacayl
QUDBO SIIRO | Q7AAD Ka dib markii uu Baasim Albaabka nagu soo garaacay aniga iyo Sabri oo qolkii ku jirna waan naxay oo Sabri baan ku iri is qari, isna aad buu u naxay oo wuu dhaqaaqi waayey, ka dib Baasim ayaa Albaabkii gil-gilay wuuna furi waayey, ka dib…
QUDBO SIIRO | Q7"2AAD

Ka dib wuu aqbalay inuu lacagta ii qoro oo uu ii saxiixo, lakiin waraaqdii uu ku saxiixay isaga ayaa haystay, wuxuuna yiri ilaa aad iiga soo qaadeyso Baasim waxeynu ku balanay waraaqda gacanta kaama gelinaayo, haye baan iri waana is raacnay oo Qolkii Baasim baan galnay isagoo Suuliga ku jira.

πŸ‘
❀️
πŸ’¬
βœ…

➑️  t.me/SheekooyinJacayl
Sheekadu way Daahday, Sababo jira Awgood Raali Ahaada, Sheekadana Reactionka Ubadiya.

πŸ‘β€οΈ
QUDBO SIIRO | Q8AAD.

Ka dib khasnad qolka u dhextaalay baan ka soo saaray Waraaqo badan ninkana waan hordhigay si uu ugala baxo intuu doonayo markii uu dhamaystay baan Qasnadii xirnay waxaana is niri qolka k asoo baxa anagoo sii socona baan aragnay Sabri oo qoslaayey oo mobilkiisana kor u haya, waxaana ogaaday inuu na duubaayay Ninkii sidii buu iskaga tagay waxaana la gaaray Subaxnimadii Arooska Aniga iyo Baasim.
Subaxii baan bilaabay inaan is hagaajiyo, ka dib koofeerkii baan tagay oo lay hagaajinayey ilaa habeenkii, habeenkii markii ley keenay Hoolkii Arooska dhamaanteen waan wada faraxsanayn dad badanina wey ka soo qayb galeen.
Ka dib markuu Arooskii dhamaaday waxaan tagnay Aniga iyo Baasim hotel ka mid ah, hoteelada loogu jecel yahay, uguna weyn Magaalada markaan qolkii galnay ee aan in yar joognay baa waxaa Albaabka nagu soo garaacay qof. waan yaabay Baasim baa yirii Anigaa furaya markuu furay wuxuu noqday Ninkii hotelka oo carro noo sida lakiin markii uu cashadii Baasim ka qaaday ninkii waxa kale oo uu u dhiibay waraaq uu yiri qof baa kuu soo diray, wuuna tagay ninkii.
Baasim Albaabkii buu xiray, wuxuuna bilaabay inuu waraaqdii Akhriyo, markuu Akhriyayey wajigiisii ayaa is badalay, ka dibna wuu ii yeeray markaan u imi ayaa intuusan ila hadal waxa soo dhacay telfoonkeygii, ka dib waan qabtay mise waaba Barbaarisadii ilyaas yare haysay, waxaan weydiiyay waxay rabto, ka dib waxay igu tiri iyadoo Ooyeysa ilyaas yare ma hayo, mana garanaayo meel uu joogo, ka dib intaan naxay baan ku qeyliyey anoo leh: Sidee aan u haynin maanad adigu masuul ka ahayn oo aanad ahayn barbaarisadii bal sii raadi intaan imaanayo, ka dibna anoo naxsan oo Ooynaaya baan dhigay telefoonkii.
Kadib markaan telefoonkii dhigay Baasim ayaa igu yiri is daji Xanaaneey, anaa kuu keenaya ilyaas yare wax kastooy igu qaadato waxaan ku iri:- Miyaad garanaysa cidda Afduubtay ilmaha, ka dib wuxuu igu yiri: Eeg waxa ku qoran waraaqdii aan akhrinaayay hadda, wuu ii dhiibay.
Waxaana bilaabay inaan akhriyo waraaqda waxaa ku qornaa ilyaas anagaa afduubnay si aan idinku soo celino waxaad keentaan Lacag dhan 3000$ haddii aad isku daydaan inaad na diidaan ama aad Askarta noo sheegtaana waxaad ogaataan inaan ilmihiina dileyno, Maydkiisana bac idinku soo guri doono. ka dib anagoo naxsan baan hoteelkii ka tagnay aniga iyo Baasim waxaana tagnay gurigii.
Markii aanu tagnay gurigii waxa joogay Sabri iyo Saxar iyo niman kale uu Baasim u yeeray, ka dib Baasim baa yiri ilmaha ma dhici karto inuu qof dibada ka soo galo uu xado, balse waxaan ka shakisanahay inuu qof guriga ku nooli xaday, ka dib wuxuu yiri Baasim waxaan baarenayna kamaradaha guriga ku xiran si loo ogaado cidda xaday ilmaha, ka dib nin ka mid ah nimankii guriga joogay ayaa baaray kamaradihii Aqalka ku xirnaa, waxeyna ku soo koobeen saacadihii ilmaha la xaday, ka dib waa naloo shiday dhamaanteen, waxaana aragnay inay Saxar gashay qolka ilmaha yar oo ay soo qaaday.
Markii sidaa aanu u aragnay Saxar oo ilmihii qaadeysa ayuu Baasim yiri kamaradaha Bakhtiiya, ka dibna Saxar ayuu ku qayliyey oo uu ku yiri:- Waan garanaayey inaan qof kale xadin ilmaha yar oo aan adiga ahayn, waxaana waxaas u samaynaysa nacayb aad noo qabto Aniga iyo Xanaan Arooskeena aad ka xun tahay, ka dib wuxuu ku yiri Baasim Sabri:- Sabriyoow ina adeerkay baad tahay waadna ogtahay xukunka ay leedahay gabadha khiyaameysa Ninkeeda marka caa’iladeena la joogo ee ku dhawaaq xukunka wuxuu yirii Sabri waa Dil xukunkeedu, lakiin waxaan kugula talinayaa inaad hubsatid horta intaan waxba la fulin.
Baasim wuxuu yiri:- Maxaa la hubsanayaa kamaraduhu ma been bey sheegayaan, ka dib Baasim wuxuu ku amray Sabri inuu soo qaato basroolada oo uu dilo Saxar, wuuna aqbalay wuxuuna soo qaatay bastoolad isagoo ku jeediyey Saxar. ka dib Saxar dhinaceda waxay bilowday inay is difaacdo iyadoo Ooyeysa oo leh Kaamaradaha ha la wada baaro yaan ley dulmiyin anigu waxba maan Afduubin, ka dib aniga ayaa soo dhex galay hadalkii waxaana Maasim ku iri:- Maantoo kaliya aan wax kaa dalbadee fadlan yaan la dilin ee hadaanad doonayn iska fur.

πŸ‘
❀️
πŸ’¬
βœ…

➑️ t.me/SheekooyinJacayl
Ma tahey qof xiiseeya buug human resource management

Waxa diyaar ah buug human resource management

Waana English to somali pdf

Qiimaha waa 3$

Qiimaha u dambeeyo waa 1.5$

Sooo dhawaadda meesha waa meeshiina

Follow this link to join my WhatsApp group: https://chat.whatsapp.com/LUSn7ToLdjlC3fKzRGT0bd
Kani waa Tiktokgeyga Ku yaaca Asxpey Fallow iyo Like igasoo Dhisa
☟︎︎︎
https://vm.tiktok.com/ZMYY2uY1f/
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
QUDBO SIIRO | Q9AAD

Basim wuxu yiri:- Saxar waad iga furan tahay, weliba si aan soo noqod lahayn sadexdii dalqadodna wuu u yeeriyey, wuxuuna yiri:- Waa inaad iiga tanaasushaa dhammaan xoolaha oo dhan, wey yeeshay lakiin waxay tiri waad i dulmisy Baasimow ee kaamarqdaha guriga oo dhan eeg, marka laga bilaabo tariikhdii uu Sabri guriga inoogu yimid, ka dib Sabri wuxuu yiri:- Waa sax waynu hubinaynaa, dhanka kale Sabri ayaa aad u naxay markay Saxar intaa tiri, wuxuuna yiri:- Basimoow aniga ha iga shakiyin oo ha rumaysan beenaleydan Saxar, kadib Basim ayaa yiri:- Maya waan hubsanayaa oo ninkii buu hadana yiri dhamaan wada eeg kamardaha laga soo bilaabo taariikhdi uu Sabri guriga yimid lakiin intaan la eegin kamaradihi, bal maxaa dhacay ?.
Ka dib markii la damcay in kamaradihi guriga la shido waxa soo dhacay moobilkii Baasim wuu qabtay mise waaba dadkii xaday ilmaha yar oo Lacagtii madax furashada sii kordhiyey, waxeyba ka dhigen 6000$, ka dib Baasim ayaa moobilkii dhigay isagoo xanaaqsan, wuxuuna ninkii kamarada shidayey ku yiri iska dhaaf waxba ha shidin, ka dib intuu ku jeestay Saxar ayuu yiri:- iminkay ii cadatay inaad adigu waxaan oo dhan ka dambeysid waxaad la hadashay somaha dadkii ilmaha xaday oo aad ku tiri Madax furashada kordhiya ka dib waxa qeylisay Saxar oo tiri:- I rumayso cidna lamaan hadal maad maqashid wadigii i ag joogee.
Ka dib Baasim muu rumeysan ee wuxuu mar kale soo qaaday Baastoladii oo uu ku qabtay Saxar, wuxuuna ku yiri iminka dhakhso sheeg halka uu joogo ilyaas yare iyo cidaad u dhiibtay intaanan Madaxa kaagala dhicin baastooladan. ka dib aniga ayaa soo dhex galay, waxaana u sheegay Baasim inuu iska daayo haddii ay ilmaha Waqti kooban iigu keento, wuxuu yiri Wayahay,
Ka dib ayuu Saxar madaxa soo qabtay oo uu qol ku soo xiray isagoo leh Laba saacadood baad heysataa si aad ilmaha iigu keentid
Mudo kadib anagoo iska fadhina ayaa waxa noo soo galay Wardiyihii guriga ilaalinaayey isagoo sida ilyaas yare, markaan arkay inuu ilyaas sido aad baan ugu farxay waana ka soo qaaday, waxa la weydiiyey halka uu ka keenay ilmaha, kadib wuxuu yiri:- Gabar niqaban baa guriga hortiisa soo dhigtay oo carartay, ka dib Basim wuxuu tagay qolkii ay Saxar joogtay wuxuuna yiri:- Soco iiga bax guriga mar dambena Wejigaga ma arki karo, ka dib Saxar baa baxday iyadoo sii gunuunuceysa oo Sabri u dhaaraneysa. Ka dib maalintii sidii ayey ku dhamaatay waana la kala sexday.
Maalintii dambe waxaan soo kacay guriga oo qeylo ka yereyso waxaan ka soo baxay qolkii oo aan weydiiyey dadkii guriga waxa dhacay ka dib Basim ayaa i sheegay wuxuu yiri waxa la dilay gabar yar oo 12jir ahayd oo uu Sabri dhalay waan yaabay waxaan ku iri oo Sabri ma gabar ayuu qabay, kadib wuxuu ii sheegay inay tahay gabar ay kala tageen, waxaan ku iri:- Sabri aaway iminka, ka dibna wuxuu ii sheegay inuu baxay oo uu dad kalana kaxeystay si ay Saxar u soo radiyaan waayo iyadaa looga shakisan yahay iney dishay inanta yar, maxaa yeelay waatii Sabri u sii dhaaraneysay shalay markay baxaysay.
Ka dib waxa lasoo wacay lambarkii Basim, wuuna qabtay wuxuu gartay inay tahay Saxar codkeedi wuxuu ku yiri Maxaad rabtaa ? waxa ku tiri:- Waxaan kaa rabaa inaad ii soo celisid xoolihi aad iga qaaday iyo inaan ku siiyo falaash ay ku duuban yihiin dhamaan fadexadihi uu Sabri geystay.
Wuxuu weydiiyey halkey joogto ka dib waxay tiri Gaariga taagan tilmaanta aan kuu sheegayo baan ku jirnaa ee na soo gaar ina Aderkaana wuu ila joogaa intaanan dilin soo gaar.
Ka dib Basim baa u tagay, wuxuuna ka soo qaaday falaashtii, lacagtiina wuu siiyey, kadib gaarigii buu Baasim ku soo noqday oo wuu baxay. tii Saxar intay Sabri ka soo tuurtay gaarigii bey xoog u dhaqaajisay in yar intaanay dhaqaaqin gaarigeedii baa qarxay, Sabrina isagoo wadadii yaala waxaa soo gaaray dhaawac, ka dib Ciidankii anigu markey baareen waxa la ogaaday inuu Sabri Bambo ugu xiray Saxar gaariga si uu uga aargoosto, waayo waxay dishay inantiisii yareyd dhawr Cisho kadib Sabri dhawacii ayuu u dhintay soo gaaray, ka dibna isku soo haray oo nolol wanaagsan ku wada noolaaday Basim, Xanaan iyo ilyaas yare.

t.me/SheekooyinJacayl ❀️
Asxaabeey Waxaa Intaas ku eeg, Sheekadii Inoo Socatay Ee ahayd QUDBO SIIRO Oo ka koobnayd 9 Qaybood.
Markale iyo Sheeko Xiiso leh, "Comment Kusoo Qor Nooca aad Jeceshahay in ay Sheekadu Noqoto",

Waxa La ixtiraami Doonaa Dalabkiina.
M A H A D S A N I D I I N.

πŸ‘
❀️
πŸ’¬
βœ…

β†ͺ️ t.me/SheekooyinJacayl
Forwarded from Ifiyaha Nolosha
Debci Iyo Wanaag, Qurux loogu Daray, Dulqaad Iyo Hanaan, Edeb loogu Daray, Diin iyo Aqoon, Anshax Loogu Daray,*
*Dunnimoyo Kalgacal, Xishood Loogu Daray, Dhankastaba Dayoo, Waad i Deeqdayoo, Kuma Diidi Karo.

π‘¨π’ƒπ’˜π’‚π’‚π’ 𝑺𝒂𝒂𝒋𝒂𝒄 β™‘οΈŽ

β€οΈπŸ”πŸ‘Έ

t.me/Ifiyaha_Nolosha
Forwarded from Ifiyaha Nolosha
Kannaalkeena @Ifiyaha_Nolosha Wuxuu Qaban-Doonna Barnaamij Amaan Dumar Ah, Kaasi Oo la aamanayo Magaca Gabadhii Soo dalbata.
Hadii aad rabtid in Magacaaga ama mid kale la guu soo Amaano, Buuxi Shuruudaha.
Ugu horayn Join Dheh Channelka @Ifiyaha_Nolosha.
1- Join Dheh Channelka @Turjumaad
2- Like saar Postiga
3- Share-gree linkiga Channelka
4- Comment ahaan U dalbo Magacaa Aad Rabto In Laguusoo Amaanno.

"Sida ugu Dhaqsaha Badan ayaa laguugu soo Jawaab-celin-doonnaa".
πŸ“šWAAD RIYOOTEE RUNTA WAA MAXAY.
βž–βž–βž–βž–βž–
πŸ“ HORDHAC
===========
.. πŸ“²Sida uu Ilaahay u abuuray soojeedka ayuu hurdadana u abuuray. Arrimo ayuu Ilaahay qofka ku tusaa hurdadiisa, si iyaga oo dhacdooyin ah uu ugu arko soojeedka. Arrinta ugu weynee riyooyinku ay faa’iidaynayaan ayaa ah in dadka loo sheego waxyaabaha ay uga baahan yihiin nolol- maahneedkooda, gaar ahaan nebiyada dhimashadooda ka dib, maxaa ycelay waxyigii baa is taagay. Sida xadiiskii Bukhaari iyo Muslim ay soo weriyeen ee nebigu (N.N.K.H) ku yidhi: β€œHaddii wakhti aakhirku..... aan Idin kale Baxo idinka iyo Buuga..................


Size: 20MB.
Pages: 136.
Format: PDF.
============
Qiimaha: $ is afgarad


Soo Dalbo ➑️ @Lion_Poy

β˜… HADDA DALBO HADDA HEL β˜…
Forwarded from Ifiyaha Nolosha
πΉπ‘Žπ‘Ÿπ‘‘π‘œπ‘€π‘ π‘Ž.

Quruxda Foolkeeda Iyo, Fayskiyo Farxaddiyo Wanaaga
Dabeecadda Lagu Furfuray, Samaanta Ku Faaftay Iyo, Fiicnaan Lagu Beeray bey, Aniga oo'n Faanihayn,
Fiyoore Ku qaadatoo, Dhigeedda Ka Foofsan Tahay.
πŸ‘β€οΈ

Soo Dalbo Amaantan oo kale; Shuruudaha Hadii aadan Buuxin Shuruudaha Waxba kuuma Hirgalayaan)

S--H---A---R---E_____D--H--E--H
S--H---A---R---E_____D--H--E--H
S--H---A---R---E_____D--H--E--H

βžͺ t.me/Ifiyaha_Nolosha βœ