Sheekooyin Madadaalo Leh
4.19K subscribers
137 photos
14 videos
29 links
Nagala soco sheekooyin xikmad, maad iyo madadaalo lehπŸ˜‚
Download Telegram
Ninkan oo u dhashay dalka mareykanka, ayaa isu dili rabey daymo badan oo lagu yeeshay awgeed, waxa uu korey fooq aad u dheer dushiisa waanu iska soo tuurey.

Balse waxa uu ku dul dhacay gaadhi qaaliya oo hoos yaalay dabaqa uu iska so tuurayay mana uusan dhiman, kaliya waxa soo gadhey dhawac dhanka jirka ah , waxana ku badatay daynti waxana kuso biiray gaadhigii uu burburiyey.🀣🀣🀣

@Sheeko_Channel
KAFTANKA JIMACAHA

Islaan lasoo furay oo xanaaqsan baa waxay soo ag martay nin iibinaayo Dharka Huudheeyda ah Oo dhahaya "Hadaa lafuray" Hadaa lafuray" Hadaa lafuray" kafaa ideeyso. Markaa beey dharbaaxsho daanka qabadsiisay. Oo ay kutiri yaa kuyiri furoowgeeyga naadi oo dadka kudhex faafi Yaa qaldan ninka ! mise naagta ? 🀣🀣🀣

@Sheeko_Channel
Beribaa nin Faqaatiir la odhan jiray ayaa wuxuu ahaa nin reer Miyi ah oo jecel inuu Hoobal noqdo ama isu haysta. Haddaba Faqaatiir waa nin cod xun laakiin isagu isu haysta inuu cod fiican yahay. Mar walba reeraha dushooda ayuu hees ka dul qabsaddaa. Kolkaa Faqaatiir ma waayo dhowr qof oo intay ka naxaan isaga jiibiya oo sacabka u garaaca iyagoo og inuu cod xun yahay. Maalintii danbe ayaa Oday weyn oo in badan arkaayey Faqaatiir iyo hawlaha aan is lahayn ee uu dhex dabaalanayo ayaa hadal xikmadi ku jirto yidhi kolkuu arkay maalin uu ciyaar reer ka dul qabsaday oo waxooga tiro dad ahi u soo baxeen. Kolkaasuu yidhi; "Anigu Faqaatiir lamaan yaabine, kuwa u jiibinaya ayaan la yaabay!!"

@sheeko_channel
Sidee ugu fudud ee shahaado loo helaa waliba shahaado celis ahπŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚

@sheeko_channel
Bari baa waxa dhacay tuulo yar oo ku taalo dalka Sweden oo dadka dagan ay isku xiran yihiin, isna caawiya ayaa Maalin maalmaha ka mid ah ragii tuulada deganaa oo dhan waxay isku raaceen in ay safar dalxiis ah oo dumarka kaliya ah u diraan Xaasaskooda kadibne dhamaan Xaasaskoodii waxay usoo kireeyeen hal Bas kadibne waxay dumarkii u direen Stockholm, markii uu baska dhowr saacadood sii maqan yahay ayay maqleen in baskii uu gadoomay kadibne dhamaan dumarkii baska saarnaa wey wada dhinteen, ragii murugo ayaa kasoo hartay laakiin mudo sadex bilood ah kadib way iskala qabsadeen ragii oo caadi ayay iska noqdeen, murugadiina way deysay, lkn Mid kamid ah raggii ayaa isaga oohin iyo murugo kaliya ku jira Markii dambe ragii ay xaasaskii ka dhinteen ayaa u yimid waxayna dhaheen war iska aamus Ma anagaa naga Jacayl badneed, anagaba xaasaskeena aadbaan u jeclayne? Markaas ayuu yiri waxaan u murugaysanahay oon la ooynayo Xaaskayga Baskaa ayaa katagay oo may dhiman
πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚

@sheeko_channel
Nin reer Mudug ah oo labadiisa waalid ay dhinteen ayaa laga hayaa ilaahow Hooyadey unaxariiso waa dumare !!!

Markaas ayaa lagu yiri oo maxaad Aabahaa ugu ducayen weyday !!!πŸ˜‚πŸ˜‚

Markaas buu yiri Aabahey nin adag baan ku ogaa haddaanu gadaashey Jilcin πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚

@sheeko_channel
Wuxuu ku yiri "waan ku jeclahay " markaas bay ku tiri ilaa intee in leeg ayaad ijeceshahay ?!!
Suu kuyiri "waan soconayaa ilaa inta aan socdo in leeg ayaan ku jeclahay" kedib socodkiisii ayuu iska bilowday, ninkii hada ilaa 3 sano waa maqanyahay iyadiina way sugaysa weli. 😒
ninka jaceyl muu lamaqanyahay mise wax kalaa jira ?!!! ani waaku wareeray. πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚

@Sheeko_Channel
Oday reer mudug ah oo xarfaan magaala ah ayaa lagu yiri qofkii xajiya haddii uu horay danbi dhiig ah u galay iriddaa loo surayaa dhiiga markii uu soo baxana qoortaa loo suraa.
Intu qosol ladhacay buu yiri
Maan darbiga dambe kaboodo
πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚

@Sheeko_Channel
Xariif ciyaalka xaafadda ah ayaa soo gatay taleefan iPhone13 pro markaasuu jeebka gadaal gashtay intuu is ilaaway ayuu taleefankii ku fariistay markaasuu qac maqlay.

Xariifkii kulahaa ilaahow lafta dhabarka ka dhig qacda yeertay
πŸ€£πŸ€£πŸ€£πŸ˜‚

@Sheeko_Channel
Nafar nafar ama hal hal iigu sheegπŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚

@Sheeko_Channel
Xariif ayaa gaariga si xowli ah u waday, kadibna waxaa qabtay ciidanka Traffic-ga waxa ayna waydiiyeen sababta uu gaariga xawliga ugu wado? Waxa uu ku jawaabay xaaskayga ayaa guriga joogta.
Markaas baa la yidhi oo hadday joogtana? Wuxuu ku jawaabay taleefankaygii ayaan guriga kusoo illaaway Password-na kumuu xidhnayn.

Ninkii Traffic-ga ahaa ayaa ku yidhi "Waar carar, weliba xawaarahaaga sii laba jibbaar, ciidankuna mootooyinka ayay waddada kuugu sii furayaane.
πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚

@Sheeko_Channel
Waan xasuustaa dooddii iskuulka sare waxaan taageeray odhaahda tiraahda "waxbarashada ayaa ka wanaagsan lacagta"

Lacageey fadlan i cafi, waxaan ahaa ilmo yarπŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚

@Sheeko_Channel
Kolkii soomaalidu Sucuudiga ay u shaqo tagi jireen, ayaa maalin maalmaha
kamid ah waxaa gaadhi xaajiyad ah wada raacay labo nin oo shaqo doon
ah, mid wuxuu ahaa reer waqooyi, kan kalena reer koonfur. Hadaba waxay
gaadhigii saarnaadaanba gaadhigii baa kula dhacay meel god ah, ka dibna
waxaa naxay kii reer waqooyiga ahaa ahaa, wuxuunayidhi
Yaarasuululaahi!!, markaasaa sheekh carab ah oo agtiisa fadhiyey baa intuu
bahal dhirbaaxo ah ku jiiday, ku yidhi ilaahaaga ma taqaanid miyaa?.
Kadibna kii reer waqooyiga ahaa baa iska aamusay isagoo cadhaysan,
wuxuu gaadhigii sii socdaba mar labaad hadana meel kale oo god ah buu
kula dhacay, Kolkaasaa kii reer koonfurka ahaa yidhi Shiikh
Cabdulqaadiroow!! Judhiiba kii reer waqooyiga ahaa oo cadho bakhtiisan
baa intuu dharbaaxo kadh ka siiyay ku yidhi war kii weynaa baa meel loo
la’ yahay markaasaad shiikh lasoo ordaysaaπŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚

@Sheeko_Channel
"Ma aqaan sababta haweenka uurka leh u dalbadaan cunnooyin ay adag tahay in la helo. Bal hadda xaggeen ka keenaa caano maroodi?"

Waa nin isla hadlaya oo baaldi sita. Suuqa ayuu u socdaa. πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚

@Sheeko_Channel
Reer iPhone halkan maku jiraanπŸ˜‚πŸ˜‚ goormaa kuugu danbaysay cijiyaha oo aad iska jartoπŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚

@Sheeko_Channel
Malabkii waa lawaayee malab cusub ma bilownaa 🀣🀣
Malab cusub oo kii ka shidan diyaar ma'utihiin🀣
Malabkii oo cusub bilaabo ❀❀🐝🐝

Waxaan ku toosay gariirka telefoonkayga gacanta oo aan saacadda ku buuxsaday 6:00 arroornimo si aan iskuulka ugu kaco. Sida caadada ahayd waxaan bakhtiiyay ganbaleelkii saacadda, kadbina waxa aan galay Facebook oo ah waxa ugu horeeya ee aan indhaha ku kala furo subixii. Sidaydii baan kor iyo hoos u raacraacay waxyaabaha lasoo galiyay ilaa xalay intii aan hurday. Waxa aan subaxan la kulmay sawir hal mar darreenkayga iyo maankayga af-duubay, kaas oo Facebook gabadhi soo dhigtay. Qofka sidan u quruxda badan miyaad Facebook saaxiib kula tahay ayaa mid iga dhex hadlayaa i waydiinayaa? Laakiin anigu uma jawaabayo ee sawirkii ashqaraarka leh baan ka dhex baxay oo inta aan waynaysto marba kusoo dhawaysanayaa si aan uga bogto.

Muddo daqiiqado ah baan sawirkii ku dul qaatay, kadibna inantii soo dhigtay sawirka ayaan barteedii Facebook sii dhex galay si aan u baadho sawiro kale, kiina waan qaatay oo talefoonkayga ayaan ku kaydsaday! Inanta waxa ugu qoran Manaal Cadey. Horta intaanan gidaarkeeda baadhin ka hor, waxa aan eeggay qaybta farriima in aan hore u wada hadalay iyo in kale. Waxa aan la kulmay arrin foolxun qofkii soo maray baa garane, waa qof aad u baahatay ama dano kaa galeen oo marka qaybta farriimaha aad tagto aad ugu tagto kuwo hore oo uu kusoo qoray oo aadan uga jawaabin, kuwaas oo sannado iyo bilooyin taagnaa. Mararka qaara aad inta aad eegto iska dhaafto adiga oo yaraysanaya hadaad doonto.

Arrinka xanuunka badanni wuxuu yahay in Manaal Cadey ay ilaa saddex jeer farriimo iisoo qortay, laakiin nasiib darro aanan u jawaabin oo qaarkood laba sanno gaadhaan.
Waxa markiiba maskaxdaydu ay deg-deg isu waydiinaysaa gabadha sidaas u quruxda badan, sidee bay ku dhacday in ay kusoo xidhiidhiso adiguna aad ku dhegaysto? Waar ma iyadaa waalan mise adigaa wax kaa khaldan yihiin? Bal horta muranku hakuu danbeeyo ee siwacan u baadh baan is idhi xogteeda, kadibna sawiradeeda iyo postiyadeeda ayaan badhay. Waxa uga buuxa waxyaabo ay soo sharegaraysay oo aan ka xasuusto Sheekh Mustafe iyo dhawr sawir calanka Somaliland ah.

Waxa aan kale oo arkay sawiro shinbiro iyo ducooyin ah in ay profileka saaran jirtay markii hore ee sawirkan uun maanta ay saartay. Halkaas waxa iigasoo baxday sababta aan ula hadliwaayay barigaas hore oo ah in aan sawir u saarayn meesha. Haddana waan shakiyay oo is waydiiyay biluu yahay Facebook been abuur ah sawirkana meelahaa lagasoo xaday?
Haddana siwalba oo ay ahaato quruxdan lagama joogikaro lagamana jiifikaro. Waxaaba waxa igaga xun ma taqaan? Qof Facebook mar hore aad farriimihiisa iska idha tirtay ama yaraysatay oo aad maanta si waali ah u rabto hadalkiisa, laakiin halka aad uga qorayso waxa taal cadayntii khaladka aad gaystay hore oo macal hadduu ilaaway marka aad farriin u dirto ayuu arkayaa! Markaa in uu iska dhaafo sidaadii iyo inuu sixun kuula hadlo mooyee wax kale oo aad sugaysaa ma jiraan, inkasta oo ay jiraan dad gob ah oo innoogu dul qaata markasta sidaa laakiin aynu doqomo u haysano.

Haddana waxa igusoo dhacday in ay fahmayso in aan sawirka arkay kadibna sidaa kulasoo xidhiidhay. Waxaan dib u eeggay isla markiiba xiliga ay sawirka soo dhigtay, kadibna waxa aan arkay saddex maalmood ka hor in ay tahay, markaa waa xili macquul ah baan isku qanciyay oo aad la hadlikarto. Waxa aan dul tagay farriimihii ay iisoo qortay oo sidan kala ahaa "asc walaal quruxow" laba sanno ka hor "waar caawa ma sidayda ayay hurdadii kaa xumaatay kkkkk" lix bilood ka hor
"Ilkacasow ma reer Burco ayaad tahay?" Afar bilood ka hor. Waxaas oo dhan baanan uga jawaabin ee inta aan eeggay iska dhaafay, xanuun badanaa.

Qalinkii Cabdalle Ayaanle cartan la soco qaybta 2aad... lana wadaag asxaabtaada si ay sheekada bilowgeedaba ula qabsadaan ... tani badhgo maleh🀣

@Sheeko_Channel
Malabkii baa soo dhacay.🐝🐝❀❀

Laakiin waxaa lama huraan ahayd in aan lahadlo boqorada quruxda badan ama iminka aan lahadlo ama markaleba. Ugu danbayntii waan ku qancay in aan iminka bal salaan tijaabo ah u diro, kadibna wixii kasoo noqda dhankeeda aan ku qiyaas qaato. Subax wacan ina abti, baan u qoray aniga oon sugayn ama filayn jawaab wacanni in ay ii timaado, laakiin in la ila hadlo kaliya baa wax wayn ii ah subaxan saaka ah. Muddo daqiiqado ah oo aan jawaabta sugayaa waxay igaga dheeraayeen baan odhankaraa maalmaha bisha, madaxayguna wuxuu kujiraa mid ka mid ah mashquuladii ugu cuslaa ee nolosha isoo mara.

Suuliga ayaan damcay in aan u kaco si aan isusoo diyaariyo quraac iyo in aan iskuulkii u baxo, siddoo kale waxaan hore usii qaatay telefoonka si aniga oo maqan aan jawaabtu u soo dhicin. Waxa yar markii aan suuliga kujiro oo aan cadaysanayo ayaa waxa aan maqlayaa gariirka farriin kusoo dhacday talefoonkayga! Markaa jeebkayga bidix buu kujiraa ee surwaalka kaakiga daba gaabka ee aan ku seexdo. Markiiba waxa aan joojiyay cadaygii oo waxa aan galay ilbidhiqsiyo naxdin farxad iyo khalkhal isugu jira, culuyska farriinta ka iman doonta Manaal Cadey saaka! Nolahayda farriintaa ama gariirkaa mid igaga saamayn badnaa ma arag, sida aan dareemay iyo sida xaalkaygu noqdayba. Gacantayda bidix ayaan si tartiib ah ama sidii qof wax xadaya oo kale u galiyay jeebka bidix oo ahaa ka telefoonku iigu jiro, guul wayn bay ahayd in aan gacanta ku dhigo telefoonkii waliba aan banaanka usoo bixiyo.

Iyada ood moodo gacmaha in gariir igaga soo booday baan ku celcelinayaa tirada sirta ah ee wajahadda telefoonka iigu xidhnayd. Nasiib darro markasta waan khaldayaa oo haddana ku celcelinayaa sidii qof kala garashadu ka halowday ama ka luntay. Markii lixaad ayaan samadaa ka dhawaaqay, sidii in aan ciyaar koobka adduunka ah daqiiqadii 90-naad gool madax ah ku hubsaday shabaqa. Waxa aan maqlayaa codka hooyaday oo leh: naa waa kuma qofka xiligaa suuliga ka dhex qaylinayaa iyo maxaa ku dhacay? Laakiin anigu qaybta farriimaha ee Facebook ayaan degdeg u furay, markiibana waxa aan arkay in Manaal Cadey iisoo jawaabtay. Farxad awgeed baan wax kulul liqay oo hungurigu i halcaday. Markaa waxa aan xasuustay in aan daawadii cadayga afka ku haystay oo ay igu baxsatay iminkana calooshayda tagtay!

In aan ka luqluqdo macal waan haleeli waayay oo waxaan furay farriintii oo sidan ahayd " subax wacan ina abti, soo dhawoow in badan baan sugayay hadalkaagee ugu danbayn haddaad is keentay"! Dhan waan ka farxay oo jawaab qurux badan oo aanan sugayn baan helay, dhan kalena hadal sarbeeb ah baan u fahmay in badan baan sugayay hadalkaaga, oo aan u fahmay in ay i darreensiinayso dhaqan xumadaydii hore. Waxaas oo dhan marka laga gudbo maxaan ku idhahaa ee aan u sheegaa gabadha iminka? Waa su'aal aad igu adag in aan ka jawaabo, sababtoo ah ma aqaan meel aan wax ka bilaabo iyo si aan wax ugu sheego. Maxaad u sheegi baan haddana isku idhi, inta aan la gaadhin qaabka aan ugu sheegi lahayd.

Waxaan kusoo baraarugay suuliga oo albaabka la garaacayo oo laygu leeyahay: waar maxaa ku helay ee aad la qaylinaysaa? Hooyo waxba ee waan iska xarabaysanayaa baan hooyo ku idhi. Kadibna Maanaal baan qosol iyo waad mahdsantahay u qoray, aniga oon kaba fikirin baan si aan ku talogal ahayn ugu diray intaa. Haddana islamarkiiba waxaan isku leeyahay waxay qoraalka caatada ah iyo waad mahdsantahay kaliya aad qortay, maad wax nafleh u sheegtid inanta? Maxaa nafleh ee aan u qoraa baa haddana maanku i su'aalay? Waxa jawaab nacasnimo ah soo tuuray qalbiga oo yidhi: jacaylka u sheego markiiba! Haddana waxa sida waxyiga iigusoo degtay waydiin kale oo odhanaya jacaylku waa kii goorma iyo saaka miyaad soo khafiiftay?

Qalinkii Cabdalle Ayaanle cartan

Lasoco qaybta 3aad

@Sheeko_Channel
Malabkii oo fudad ah.🐝🐝🐝❀❀

Waxay eegtay farriintaydii nacasnimada ahayd, kadibna way iska dhaaftay. Aniguna xaalad isku walaaqan baan kujiraa oo meel aan wax ka bilaabo ma aqaan. Laakiin waan iska quraacday subixii, iskuulkiina hore ayaan ka sii aaday. Waligay jacayl iguma dhicin, mid aan filim ku daawado iyo sheekooyinkiisa oo aan ka dheregasanaa mooyee. Laakiin subaxaa saaka ah qaabkii jacayl iyo sawirkii aan ka haystay, si lamid ah baa lay haleelay. Waxa aan jeclaaday Laakiin sawir aan Facebook ku arkay uun, waa mid igu cusub jacaylkaasi oo aanan hore u maqal.

Sikasta oo xaal ahaadaba maalinkii iskuulkii caajis, maahsanaa iyo in aan Manaal ka fikiro uun ayay noqotay waxa qudha ee aan xasuustaa. Waxa aan aad u xiisaynaya in aan la sheekaysto oo aan wax u qorqoro, malaa boqol goor baan ilaa maanta farriimo aan qoray dib u masaxay intii aanan u dirin. Aniga oo mar u arkayay in deg-deg igu jiro, halka marna aan u arkayay farriintani in aanay ahayn mid u qalata in loo diro qof sidaa Manaal u qurux badan. Adigu maalintii waxay igaga dhammaatay daawashada sawirkii manaal cadeey iyo ka fikirida habkii aan ula xidhiidhi lahaa ee ugu haboon. Si aan ugu guulaysto hanashada quruxdaa iyo qaayahaa aan saaka arakay, mustaqbalka ninka dabka saara aan u noqonlahaa.

Haddaba markii qoraxdii offline gashay sidii caadada ahayd, habeenkiina markaa khadka furay baan go'aan qaatay in aan caawa la xidhiidho. Laakiin caqabad anigaa isugu filan oo dadka su'aasha badan is waydiiya baan ahay wax kasta inta aanan ku dhaqaaqin. Dhibkayguna waxa uu yahay, wax kasta oo aan ku odhanlahaa anigaa isaga sii jawaabaya, maba xuma ee qaybta diidmada iyo dhanka xun ayaan ka eegayaa, kadina baqdin darteed in aan cabaaar soo nasto ayay noqonaysaa inta aan marba jidka ka laabto.

Goor ay sagaalkii fiidnimo tahay baan u arkay xiliga ugu mudan ee qofku hawlihiisii maalinlaha ahayd uu soo dhamaystay gurigana joogo, ayaan damcay in aan farriin u diro. Haddaba maxaad uga bilowdaa baan idhi? Iska salaan uun hawl kaleba ha is galine horta ayaan idhi. Qaybta farriima ayaan tegay oo waxa aan u qoray, fiid wacan Manaal. Isla markiiba wacan oo wanaagsan ina abti bay iigu soo hal celisay! Ilaa iminka waxa iga dagi la' qofka sidan u quruxda badan ee bilaa is macaanaynta iyo is macaashinta ah! Marba marka ka danbaysa shakiga iyo bacda ayaa igu sii badanaysa, oo waxbaa igu leh: hablaha oo is xariifiya ayaad ogayd waliba kuwa quruxda badan ee malaa arrinkii baa wax laga beddelay ee adigaa ka dhacsan.

Waar inta aadan sirmin maad wacdidna ayaan is idhi, oo qofka aad toos codkiisa u maqashid. Qof aadan garanayn iskama wicikartid ee horta bal qoraalka lasii yar wad kadibna waydii in aad cod ahaan isu maqlikartaan. Intii aan waxaa ku mashquul ahaa baa farriin kale layga soo gaadhsiiyay oo ah " ina abti caawa maxaad haysaa?". Markaasan hadal kaftan ah ku tuuray oo ku idhi: caawa iga badan in Manaal Cadey aannu luuqa isugu jiro inta aan qosol yara kkkkk raaciyay. Iyo sidaan ugu faraxsanahay ayay iiga soo gaadhsiisay markiiba. Wallaahay dheh ayaan uga gaadhsiiyay? Shaki la'aan ayay iisoo taraarixisay iyo qosol yar.

Markay halkaa maraysay baan idhi u dhex raaciba bakh-bakhda iyo qosolka oo wicitaan baan qaniinsiiyay markiiba! Waa layga qaban waayay, waji gabax iyo deg-deg hal mar igu goobtay. Is daad raaci baan is idhi oo miyaa lugula joogaa iyo iga raalli ahow baan qoraal ugu diray haddana. Deg-dega igu jira gaadhigii qaadka ayaad i moodaa sagaal jeer baan marba eegayaa in laysoo jawaabay iyo in kale. Farriintaydii way eegtay, laakiin ilaa iminka waxba iimasoo qorin ee way aamusantahay! Cimaamadii baa iga dhacday, wax kale oo aan kusii hadlaana majirto, waxa sidoo oo kale isasoo taraya shakiga iyo qofkani muxuu yahay?

Walaal waad aragtaa halka xaal marayo ee shareta ku qabo. qaybta 4-aadna lasocda.

Qalinkii Cabdalle Ayaanle cartan

@Sheeko_Channel