Islaan ama qof dumar ah oo waayeel ah oo Reer Muqdisho ah ayaa sonkorta ka iibsan jirtay tukaan uu lahaa Nin carab ahaa ee deganaa Xaafadda Beexaani ee magaaladda Muqdisho. Hadaba dhowr jeer Oo ay ka iibsatay Sonkor waxay qawaday rubicii sonkorta ahaa ee ay ka iibsatay oo ay u arkaysay inuu ku yareeyey. Maalintii danbe ayaa loo sheegay Islaantii in yuhuudii ay Carabtii Weerartay. Kolkaasay tidhi " Aree xaa loo weerari waayey, rubuc yaraanta lagu wada arkee"!!!! Kkk. 🤣🤣😁😁😃
@Sheeko_Channel
@Sheeko_Channel
Nin magaaladda ku noolaa ayaa bishiiba tegi jiray tuulo uu reerkoodu deganaa. Hadaba maalin uu booqday tuuladdii ayuu maqlay eedaan qof cod macaani ku eedaamayo oo ka baxaya Masaajidkii tuuladdii isagoo aan hore ugu ogeyn qofkan cusub ee eedaamaya. Isagoo yaaban oo aan hore codkan oo kale eedaanka tuuladda uga maqli jirin ayuu waraystay bal inuu ogaado cida eedaamaysa. Kolkaasaa ninkii loo sheegay in ninka eedaamayaa yahay hebel oo ay ilmaadeer ahaayeen oo uu si fiican u yaqaano ahna nin ba’an oo halaag ah oonu weliba wax wanaagsan ku aqoonin. Kolkaasuu intuu fajacay oo madaxa ruxay ayuu yidhi; “Waar maxaa meesha Diin looga baahday!” 🤣🤣🤣😂
@Sheeko_Channel
@Sheeko_Channel
Malabkii ugu khatarsansa baa soo dhacay❤.
Waxay noqtay in aan kabahayga hore ka qaato, Sawdana waxa aan salaan ahayni namakala gaadhin. Hadiiba aan xaafadaydii nabad ku gaadho anigaa dheeraad qaba. Marka aan kadinka kasii baxayo ayaan Sawda wajigeeda eeggay. Waxa aan ka akhristay in aanay ku faraxsanayn sida wax u socodaan, waxa kale oo aan dareemayaa in aanay raalli ku ahayn nolosha gurigooda kajirta. Haa; nolosha gurigooda kajirtaa waa nolol fiican marka aynu ka eegno dhanka dhaldhalaalka oo waa reer nolol ahaan aad u qurux badan, wax kastana si fudud ayay ku heshaa. Laakiin waa xaafad aan xorriyadi kajirin sida ii muuqata oo hal nin uun dadka haysto.
Markii aan albaabka banaanka usoo baxay waxa taagan gaadhi madow, waxa wada nin gadh wayn oo kale. Daaqada isoo xigta oo shidhka hore ah waxa fadhiya Yuusuf abuu Tafsiir oo igasoo horbaxay uun inyar. Wuxuu igu yidhi: soo fuul adeer gaadhiga, haye baan idhi. Si degdeg ah baan daaqada danbe ee isaga ku beegan fakh ugasiiyay oo aan ku booday. Gaadhigii baa nala dhaqaaqay labadii sheekh sheeko ayay iska wataan iyaga u gaar ah. Halkee lugugu wadaa baan isleeyahay aniguna laakiin dhankii suuqa ayaanu u soconaa. Adeer Muniir-ow baan ku soo hanbabaray uun. Hee adeer baan cod yar oo hoose ku idhi. Adeer suuqaynu tegaynaa tinta sidan aad u xiirantahayna waa xaaran oo waa dhaqan gaalo iyo wacadi dheer buu dabada iigagalay. Waxaan ka xasuustaa wacdigii xaddiis odhnaya "qofka qoom shabahaa iyaguu kamid yahay"
Aniguna haye iyo waa siwacan baan kadaba jiibinayaa. Adigu aakhirkii in aan masaajidka u raaco caawa ayuu igu qanciyay, oo waan ka aqbalay. Laakiin arrinkii ugu daraa baa ahaa in aan timaha iska xiiro, waa timo aan aad ulabaxay oo aan muddo wakhti iyo kharash galiyay. Waayay iska dheh malacag baa lagaasiinayaa baan idhi oo haye baan ku idhi adeer. Adeer iminka ayaan timajaraha kusii marin oo aad iska siixiiri buu soo istaagay, anigaa lacagta kaa dhiibayee! Halkaa markuu marayay ayaan kabiyo diiday arrinkaas oo adeer berri baan u tagayaa iyo anigaa iskasoo xiiraya baan ku celceliyay. Laakiin isaga kii kale ayaaba igaga xumaa oo marba kubbad macaan igu soo dhigaya. Adigu laba Cumar binu Cafuuf oo gaadhi kula saaran kaligaa maxaad filanaysaa? Aakhirkii way igu khasbeen in aan caawa tinta iska xiiro oo waliba ay timajaraha isii geeyaan.
Aniga waxaaba waxa igaga sii daran tima jarayaasha intoodada badan waanu is naqaan oo asxaab baanu nahay. In aannu is naqaan iskaba daa ee walaalahay iyo aabbo ayaa meherad timaha lugu jaro suuqa ku haysta. Taasina waxay halis ku tahay in uu markiiba qabiilkayga ogaado isaga oo aan iwaydiin. Sababtoo ah deegankan xirfada tima jarista waxa inta badan ku shaqaysta beelaha la haybsooco ama latakooro. Aniga laftayda ayaa galinka hore iskuulka dhigta galinka danbana xirfadan ku shaqaysta oo timaha jara.
In aniga qabiilkayga la ogaado aniga dhib iguma aha laakiin waxa aan ku waayayaa Sawda uun. Sababtoo ah waa wax aad u adag aniga oo beelahaas kasoojeeda in aan beelaha kale layga ogolaado gabadh aan ka guursado ama aan xidhiidh lasameeyo. Laakiin hal rajo baan ka qabaa Sawada aabbaheed Yuusuf Warsame (Abbuu Tafsiir) oo ah in uu yahay sheekh wayn oo malaha diin iyo garaad badan leh, oo ugu yaraan Muslim nimo iyo Alle kacabsi kujiro.
Waxa aannu usconaa dhankii uu ku yaalay tima jaraha abbo oo laga yaabo in uuba iminka joogo. Waxa aan kafikirayaa waxa dhicikara iyo sida looga dabaalan doono. Waxa jirta ilaa toban meheradood oo timaha lugu jaraa in ay isku xigaan oo tan aabbo kamid tahay. Waan samaynkaraa in aan mid kale ka xiirto oo aan tan aabbo ahayn si aan wax isugu qasmin, laakiin dhallintii oo dhan waanu is garanaynaa. Mar waxa aan is waydiinayaa hadduuba ku ogaado cida aad tahay iminka ama mar kale maxaa farqi ah ee u dhexeeya? Ma kol baad is beddeli oo qabiilkiisa noqon mise waxaad sugaysaa isbaddel dhicidoona oo beeshaadu takoorka kaga bixidoonto? Waa laba su'aalood oo xanuun badan. Waxa aannu ku war helay in gaadhigu soo istaagay bartii aan kabaqayay iyo isla meeshii aabbo iyo sekaddoodii.
Lasoco Qaybta 15-aad

Malabkii baa soo dhacay ❤🐝.
Markii gaadhigii soo istaagay ayaan ku idhi: adeer iska jooga anigaa sooxiiranaya oo idiin soo laabanayee. Haye buu yidhi, abuu Tafsiir ee hoo lacagta. May may adeer wallaahay waan haystaa lacag ee waad Mahadsasntahy. Kadibna waxaan tegay timo jare koonaha ku yaal oo mid aannu saaxiib nahay haysto. Kadinka markii aan ka galay ayaan ku idhi waar saaxiib bal timaha dhulka iga dhig oo ku dhakhso bal niyow qolaa igu dhegan oo bad baan isku galay maantee. Markiiba tintii buu iga xiiray toban daqiiqo wax kayar malaa, aniguna banaanka ayaan usoo baxay. Gaadhigii dhankiisa ayaan u dhaqaaqay oo meesha inyar u jira.
Daaqada ayaan iska furay ilayn ballanku in aan masaajidka isuraacno ayuu ahaaye. Furidii aan daaqada furay ee aanan wali fuulin gaadhiga ayaa halkaas aabbo Jaamac kasoo baxay! Naxdin ilayn looma dhinto, waan istaagay oo in uu i arko ayaan moodayaa. Kun wax baa sida dhibcaha roobka ugusoo dhacaya maankayga, waxa aan galay ilbidhiqsiyo waali ah, arrimaha oo dhami way isku cakirmayaan haddiiba aabbo meesha soo dhexgalo. Adeer maxaa ku helay soofuul masaajidkii waynu ka habsaanee. Waxa aan jaleecay dhankii aabbo oo sow imaba arko ee wadaduu iska marayaa oo waabu nasiidhaafayaa. Ilaahay baa kala badbaadiyay arrimaha. Gaadhigii baan hore ka fuulay oo waxaanu u dhaqaanay dhankii masaajidka. Waxay iguleeyihiin maasha Allaah adeer sidan baad ku qurux badan tahay, maxaa raamaha iyo waxaas aad ku alaysay? Adeer haye baan iska leeyahay sidan baan kuwadayaa. Ilaa iminka waxa uu iga damacsanyahay garan maayo abuu Tafsiir, laakiin bal waynu eegi.
Masaajidka hortiisii baanu istaagnay oo gaadhigii baanu kasoo degnay aniga iyo adeer abuu Tafsiir. Markiiba odayaal iyo culimo badan oo masaajidka hortiisa buuxay baa salaan kulasoo yaacay! Aad ayay u kala hororsanayaan salaantiisa oo shiikh caawa waad soo dheeratay iyo wax caynkaas ah ayay kuleeyihiin. Markaa waxaan fahmay in aan masaajidkani ahayn kiisii ee uu mid kale nakeenay. Laakiin shiikhan dadka oo dhan baa raxlayna marka ay arkeen oo ilaa toddoba daqiiqo salaan iyo macaanayn baa kusocota. Waxa indhahaygu hal mar qabteen sheekh Khadar Saalax oo la'soo istaagay! Naxdinta aan naxay waligay maan hilmaamin maalintaa, haddii naxadin loo dhimanlahaa anigaa huba in ay iga haadilahayd.
Haddaba Khadar Saalax waa nin aannu siwacan isu naqaan oo muddo laba sanno ah macmiil noo ahaa, waliba malaa boqol jeer aan anigu tinta gacantayda kagaxiiray. Xataa mayacayga ayuu siwacan u yaqaan oo haddii uu i arko siwacan buu iisalaamayaa waliba kaftan iyo sheeko in uu igu bilaabo baa macquul ah sheekh abu Tafsiir hortiisa. Kadibna miyaa istaqaanaan iyo sheekadu balaadhato. Iminka laakiin labadooda ayaa mashquul isku ah oo waliba in ay aad saaxiib u yihiin baa ka muuqata hadalkooda. Aniguna meel danbe ama gadaal ah baan taaganahay oo mabaxsataa iyo ma iskajoogtaa ayaan isku hayaa. Markasta oo xaaladdu igu xumaato waxa aan nafta ku dajinayaa waa culimo diin leh oo iyagu malaa dadka kale way ka wacan yihiin oo takoor iyo faquuq Kalama kulmaysid.
Bal aynu halkaas ka sii anba qaadno qaybta 16-aad
Qalinkii Cabdalle Ayaanle Cartan

Waxaanad ahayn hadaad is moodo, waxaad ahayd uun baa soo baxda. Tolow maxaan ku keenay taasi maanta. Beri ayaa nin baa wuxuu sheedda ka halacsaday gabadh Ilaahay qurux u dhameeyey oo fadhida xafiis ay dadweynahu dan ka lahaayeen oo dad bani sugayaan xafiiska oo kuraas banaanka ah lagu wada fadhiyo. Gabadhii buu soo ag fadhiistay ninkii. Gabadhii buu afka la galay oo sheeko caadiya u bilaabay. Kolkay magacii iyo is barashaddii is weydaarsadeen ayeey gabadhii ku tidhi. “walaal halkaad ka shaqaysaa?” ninkii ayaa sheegtay inuu Bangiga ka shaqeeyo isagoo gabadha iska dhisaya laakiin ay taasi xaqiiqda ka fog tahay. Ileyn ninkani maba oga ee show gabadha qudheeda ayaa Bangiga ka shaqeysa. Kolkaa su’aasha kale ee ku xigtay waxay ahayd “qaybtee baad ka shaqaysaa?” ileyn waa gabadh meesha ka shaqaysoo kala garanaysee. Xaggay wax kale ka sugaysay ayuun buu yidhi “qaybta shan-shanta ayaan ka shaqeeyaa” isagoo uga dhigaya gabadha in Baanku leeyahay qaybta boqol boqolka iyo kuwa shilimadda iwm. Hadalba Gam.🤣🤣
@Sheeko_Channel
@Sheeko_Channel
SHEEKO ILEEN QOSOL LOOMA DHINTO😆🤣
Oday reer miyi ah (reer baadiye) ayaa Salaadii Maqrib oo laga baxay soo galay ayuunbu kolkaasi masaajidkii isna markaas uun soo galay. Ka dib keligii buu iska tukaday Oo Salaadii iska xidhay. Dadkii sii baxayay ayaa mid kamida garabka ka yar taabtay isagoon u talo gelin si uu odaygu meesha lamarayo uu uga hor yar durko oo dadku u helaan meel ay ka baxaan. Odaygii Salaada ku jiray waxa uu mooday in lagu daba xidhay jamac kale kadib faataxadii ayuu kor u akhriyay si qof jamac tujinaaya ayuu ku dhamaystay salaadii dadkiina ay wada eegayaaan odayga sidi imaamka salaada u tukanaaya. Markii uu salaadii ka baxay ee uu salaama naqsaday ayuu waayay dad ku daba tukanaya Waa uu yabay nin ag marayey ayuu waydiiyey aaway jamacii aan tujinaayay markaasuu ku yidhi; "Adiga uun baa is tujinayay Salaada Xaaji ee iska sunayso kuuma shaqaynaysee!!!" 😆😆😂😂

Beri hore ayaa waxaa la yidhi ninkii Juxa la odhan jiray ayaa Digsi aad u weyn oo reer ay jaar yihiin lahaayeen ayuu ka soo amaanaystey. Digsigaasi oo ahaa mid karistiisu ay aad u macaaneyd. Digsigii buu u celiyey reerkii markuu ka dhamaystay, haddana dhowr jeer oo danbe ayuu sidoo kale uga soo amaaneystay oo haddana u celiyey. Haddaba maalintii danbe ayuu damaaci weyni galay oo uu is yidhi “waar tolow sidee baad digsigan isaga haysataa, ileyn waa bahalkan karista macaane.” Maalintii danbe ayuu “fikrad cusub” la yimid, micno ahaan qorshe weyn oo uu Digsigga ku haysto. Haddana reerkii ayuu ka soo amaanaystey Digsigii markan isagoo ay wax ugu hoos laaban yihiin arrinkan. Markuu ka dhameystay ayuu sidii caadada ahayd u celinayaa reerkii, laakiin markan Digsi yar ayuu u dhex dhigay koodii weynaa. Markuu sidaa uga dhaqaaqay ayay reerkii arkeen Digsigan yar ee dhex jiifa koodii. Intay Juxa u yeedheen ayay ku yidhaahdeen; ‘waar ninyahow Digsi yar baad ku dhex iloowday kii weynaa’, intuu Juxa sidii wax ilaaway u soo booday ayuu yidhi; ‘Raalli ahaada waan idinka ilaaway inaan idiin sheego, inuu Digsigiinii dhalay kan yar!’, markaasuu isla markiiba dhaqaaqay, dadkii oo yaaban oo weli sidii Juxa u sii eegaya oo afka u kala haya ayaa wax hadal ah aan la gaadhin Juxa, halkaasoo uu isagiina ka huleelay una dhaqaaqay goobtii uu ku noolaa.
Haddaba Juxa ileeyn waa nin qorshe watee dhowr jeer oo danbe ayuu Digsigii sidii u amaanaystay oo celiyey mar walba. Dadkiina ay isleeyihiin Digsiga siiya ileeyn waaba nin awliyoo waa intaasoo uu qaar kale dhalaaye. Haddaba markii danbe ayuu Digsigii Juxa iska haysanayaa halkuu ka celin lahaa. Reerkii oo xayraansan oo guuraya ayaa u imanaya Juxa iyagoo codsanaya inuu Digsigoodii deg-deg ku siiyo. Juxa intuu markan iska dhigay sidii nin wax ilaaway oo aan war ogeyn ayuu odhanayaa; ‘Alla, oo waan idinka ilaaway inaan idiin sheego in Digsigiinii uu dhintay!’ Reerkii oo naxsan baa markiiba la soo boodaya; ” Waar bal wuxuu noogu sheekaynayo eega sideebaa Digsi u dhiman karaa?”;
Haddaba Juxa markan intuu dhoola cadeeyo ayuu odhanayaa; ‘Dee siduu markii horeba wax u dhalay ayuun buu imikana u dhintay,’ Eesh qiyaasak!”

Ninkii Cigaal Shidaad la odhan jiray baa loo yimi oo lagu yidhi waar ina keen dad iyo duunyaba Libaax halkeer joogga ayaa madhiyaye ina mari aad colka raacdide. Cigaal Shidaad baa tafo xaytayoo warankiisii soo qaatay. Iyagoo socdaalkii Libaaxa lagu raadinayey ku dhex jira ayaa uu Bakayle meel hortiisa ah ka boodayaa. Ninkii Cigaal Shidaad baa dib u cararaya. Kolkaasay raggii ku odhanayaan " Waar Cigaalow xageed u carartay waa Bakayle" kolkaasuu Cigaal Shidaad odhanayaa " Warankii Bakaylaha dilayey ayaan doonanaya." Kolkaasay intay raggii Qoslaan odhanayaan " Oo sowtaynu u soconay inaynu Libaax soo dilno" 🤣🤣🤣
@Sheeko_Channel
@Sheeko_Channel
Malabkii oo halis maraya baa soo dhacay.🐝❤
Sheekh Khadar Saalax baa dhankayga hal mar soo jaleecay oo yidhi: waar ninkaasi waa kuma? Isaga oo kaftamaya, aniguna dhoolla cadayn iyo naxdin waxaan idhi maxasuusto. Nasiib wanaag sheek Yuusuf abu Tafsiir dadkii kale ayuu ku mashquulsanaa markan aniga iyo sheekh Khadar siwacan baanu isu salaanay aniga oo xoogaa is yara mashquulinaya si aannu sheeko dheer iigu galin. Siwalba ha ahaato ee masaajidkii baa la galay dhammaanba dadkii oo salaadii cishe ayaa wax yari uun kadhiman yihiin. Qof kastaa safkuu rabo ayuu masaajidka ka galay sidii baa salaadii lugu tukaday, oo banaanka ayaan usoo baxay. Laakiin waan jeclaa in aan iska tago laakiin Sawda aabaheed Yuusuf ayaa igu yidhi: hadhow isug marka salaadda laga baxo. Xoogaa baan banaanka ku sugay, ugu danbayn wuu soo baxay isaga iyo sheekhii yaraa ee gaadhiga u waday.
Waxa ay ii sheegeen in ay xaafadda ii qaadaan inta aannu hudheelka kasii cashayno. Aniguna may waad mahadsantihiin baan ku leeyahay laakiin way igu adkeeyeen in aannu siiwada cashayno horta oo aan gaadhiga soo fuulo. Ugu danbayn waan raacay gaadhigiina sida ay ii sheegeen dhankii hudheelka ayuu noola dhaqaaqay. Abuu Tafsiir wuxuu igu yidhi: hudheelka ayaynu labadeenu isku waraysanaynaa sigooni ah. Haye baan ku idhi, aniga oo niyadda ka leh: jacaylka waxaan ku ogaa in gabadha la jecladaa qofka dhibto ee aniga macal aabbaheed baa igu dheeraad ah. Waxaanu ku degnay hudheelkii labadaydu ninkii kalena gaadhigii buu hore ka kaxaystay. Waanu is horfadhiisanay oo casho ayaanu dalbanay siwadajir ah. Telefoonkayga ayaa cod dheer oo hees ah iigusoo dhacay, aniguna waan naxay oo inta aan samada isula booday baan jeebka ku damiyay, aniga oon eegin macal qofka uu yahay.
Inyar kadib baan soobixiyay si aan codka uga xidho, laakiin wax cajiib ah baan arkay oo ah in Sawda isoo wacday! Aabeheed baan lafadhiyaa miyaan lahadlikaraa macal kuma celinkaro. Kawarran qofkii aad jeclayd oo noloshiisa markii koobaad kusoo wacay oo aad ku jartay? Waa arrin uu garankaro qofka dhab wax u jeceli uun ama dareemikaro. Jeebka ayaan iskaga celiyay telefoonka odaygii Yuusuf ahaana hadalkii buu ii bilaabay. Dhowr su'aalood oo wax ma bartaa iyo caynkaa ahaa buu iwauddiiyay oon uga jawaabay. Adeer inantu wax bay bartaa, kow dheh. Haye adeer. Markaa adiguna nin yar baad tahay oo iminka ma qaadikartid masuuliyad aad reer ku samayso. Adeer markaa wax iska baro marka aad nin wayn oo isku filan noqoto sidii dhaqanka iyo diintu ahaayeen inanta waa laydiin dhamaynkaraa. Laakiin mid baan kaa rabaa in aadan hadda waxbarshada ka mashquulin oo aadan marba gidaar kula balamin inantayda intaas baan rabaa.
Wax kastaba waan ku waafaqayaa baqdin iyo bal haku dhaafo uun oo haye baan ku waalay.
In aan salaadda ilaaliyo oo hab lebbiska iyo xiirashada wax ka beddelo ayuu wacdiga ii raaciyay. Aniguna haye adeer baan ku idhi wixii uu sheegaba. Adigu iska cashaynay oo banaanka ayaanu usoobaxnay. Wuxuu igu yidhi: gaadhigii baa innoo imanaya ee aan xaafadda kusiidhigno, laakiin waan ka diiday. Waxaan ku idhi: suuqa ayaan dano kaleeyahay adeer waad mahdsantahay ee habeen wacan. Waayay adeer sidaas baynu isku ognahay. Markaan sidaas uga dhaqaaqay baan telefoonka lasoo baxay oo is idhi: bal Sawda ku celi. Xiisaha aan u qabo hadalkeeda iyo sida aan ugu oomanahay Ilaahay uun baa garankara. Waxa naxdin igu noqotay in sideed jeer oo wicitaan ahi shaashada ii saaranyihiin! Markii ugu horaysayna waannigii kudamiyay!
Waan wacay si degdeg ah laakiin way igu damisay markuu laba jeer dhacay. Waan ku celiyay malaa afar goor oo kale, laakiin nasiib daro way igu dhagaystay. Waxaan is idhi: bal dhanka Whats appka farriin uga qor oo sida wax u dhaceen u sheeg horta iyo in aad aabbaheed lajoogtay markii ay kusoo wacaysay oo aad sidaa uga qaban wayday. Laakiin arrin kale oo yaab ah baan ugu tegay whats appkeeda. Barta sawirka ayaa waxa u saaran ku yar oo aannu isku fasal ahaan jiray iskuulkii hore ee aan kasoo beddeshay!
Bal aynu halkaas kasii anba qaadno qaybta 17-aad.
Qalinkii Cabdalle Ayaanle cartan

Malabkii baa tif leh.🐝🐝❤
Kaas yar ee Whats appka u saarani ama waa walaalkeed ama waa ay la sheekaysataa. Iskuma aan sii mashquulin ee qoraal baan u qoray. Waxaan ku idhi: Xabiibi Sawda igawalla markii aad isoo wacaysay abbahaa ayaan wada fadhinay oo agtiisa kugulama hadlikarayne. Waxay igu tidhi dhib malaha ee anigaa kusoo wacaya walaal inayr kadib. Wiilka usaraanan ma waydiisaa cida uu yahay iyo haku degdegin baan isku qabtay. Kollay badduu walaalkeed noqodo iyo hadday isku haystaan labaduba waa igu dhib aniga. Laakiin in aanan wayddiin oo aan hawshayda iska wato baan go'aan ku gaadhay.
Telefoonkayga oo dhacaya baan arkaa magaca Sawda ayaa ii muuqda, aniguna farxad baan lasoo booday oo ka qabtay. Muniir walaal kawarran xaaladdaha? Waan fiicanahay Sawda ee dhankaaga? Waa dhagdhag walaal. Aabbo xagguu ku geeyay se muxuu kugu yidhi maanta? Inta aan qoslay baan ku idhi: masaajidka ayuu i geeyay siwacanna wuu iisoo dhaweeyay. In tinta layga xiiray oo la igu yidhi: inanta farraha ka qaad inta ay wax baranayso waan ka qariyay, laakiin way fahmaysaa kollay aabbaheed waxa uu odhanayo. Waxa ay igu tidhi: waa siwacan hadduu siwacan uun kuu soo dhaweeyay aabbo. Waxaanba islahaa lebbiskiisa iyo timihiisa ayuu ku mashquulayaaye. May may waxba arrimahaa kuma uu mashquulin ee odaygu waa gob baan lasoo booday. Haye walaal Ilaahay haku sharfo ayay tidhi.
Waxa aan rabaa in aan jacaylkayga u sheegto iyaduna waxa ay ka qabto iyo sida ay ii aragto aan waydiiyo, laakiin meel aan uga bilaabo ma aqaan. Muniir maxaa ku aamusiiyay baan maqlay iyada oo leh. Aniguna mawjado fikir ah baan dhex dabbaalanayaa markaa iyo halkii aan wax uga bilaabiahaa. Waxa aan ku idhi wakhti ma haysaa aynu ku sheekaysano cabbaar? Waxay igu tidhi: in aan seexdo ayaan rabay laakiin waan kula sii hadlayaa cabaar walaal. Waxaan ku idhi: Sawda wali siwacan umaynu wada hadal, maanta xaafadda markii aan imina hooyo iyo aabbo ayaa kulanka innugu wehelinayay oo waxba badan kaalama hadlikarayn. Haa walaal oo xaafadda waan dareemayay in aad waxbadan iigu sheegikarin.
Markaa iminka walaal Sawda horta anigu runtii maanta ilaa maalintii ugu horaysay ee aan iskuulka kugu arkay doonis xadkabax ah baan isku arkay. Habeen maalin, subax, galab iyo saacad kasta adiga uun baan kaa fikiraa iyo sidii aan wax kuugu sheegilahaa ama kuugu soo dhawaanlahaa. Noloshayna qof saamayntaa igu yeeshay ma arag adiga hortaa. Markaa waxa aan ahay dhibane jacayl oo adiga dartaa jiif iyo joogba u diiday. Iminka macal waxa aan kugula hadlayo ma garanayo hadalkuna aad buu isagaga kay dhex qasmay, kaliy laakiin waxa aan ogahay in aan saa'id kuu jeclahay.
Hadalkii ayay soo dhex gashay oo waxay igu tidhi: su'aal aan ku waydiiyo walaal? Soo daa oo boqol su'aalood i waydii haddaad rabto. Waxay tidhi: walaal waan ku jeclahay uun baan ka fahmay hadalkaaga, intaasna wiilasha oo dhan baa igu yidhaaha markaa maxaad kaga duwantahay wiilasha kale? Waxaan ku idhi: waxa aan kaga duwanahay hadal kuuguma sheegikaro, oo waxa macquul ah qaar macal iga hadal badan in aanay haddana run sheegayn. Kaliya marka aad i barato siwacan shakhsiyadayda iyo qofka aan ahay baad taas ogaankartaa waxa aan kaga duwanahay. Markaa iminka qalbigaaga fursad iga sii aan jacaylkayga ku kasbado adiguna aad igu barato intaa maad ii samayn Sawda?
Bal aynu halkaas kasii anba qaadno qaybta 18-aad.

Oday bakhayl ah tuugna ah ayaa martiyi usoo socotay naagtiisuse ma ogayn inuu wax xado laakiin bakhaylnimada way ku ogayd, subixii ayuu daladiisii daaradda ka qaaday, markaasay naagtiisii ku tiri d alada ma in martidu inaka xadaan baad ka baqaysaa maxaad u qarisay, markaasuu ugu jawaabay mayee waxaan ka baqayaa inay aqoodaan/gartaan 😂😂😂😂
@Sheeko_Channel
@Sheeko_Channel
Sheekada Jimcaha: Aad Ha U Qoslin🤣🤣🤣
Qof dumara ayaa waxa lasoo gudboonaatay xaalad adag, kadib markii lasoo gaadhsiiyay in saygeedu xaas kale la guursaday.
Dumar, ay sheeko wadaag ahaayeen ayaa shakigii ka saaray oo sheeda ka tusay hoyga uu saygeedu minyarada uu ka qariyay la degganyahay. Waxa ay go'aansatay in ay caawa si kedis ah hoygaas uga dul dhacdo.
Waxa ay muddo fekertaba, waxa ay istustay in ay ninkaas nafta dhaafiso haddii ay isaga iyo Xaas kale gurigaas ugu tagto.
Meel ay ka keentayba, waxa ay hore usii qaadatay qori AK47 ah oo laba qasnadood isugu xidhantahay!. Xaggii guriga ay weerarka ku tahay ku beegnaa ayaa afka u saartay, iyada oo meeshii la saro aan dhibic dhiig ahi ka imanayn.
Goor makhribkii iyo cishihii dhexdooda ah ayaa ay hoygii duulaanka ay kusoo qaaday jaanteedu soo gaadhay. Albaabka ayaa ay garaacday, mise waxaa ba ka furay Xaajigii laftigiisii oo wejigiisa farxad iyo nasashadii bisha malabku ka muuqato.
lyadda oo aan dheg la qabto lahayn oo AK47 kii laad-laadsanaysa ayaa ay sidii Askari denbiile baadhaya qolalkii u dhaaftay !.
Waxa gashay qol udgoon oo ay dhex fadhido bahal gabadh ah o0 quruxdeeda ka sokoow, foolkeeda ay ka muuqato qanacsanaan iyo qaayo farxadeed oo aan la qiyaasi karin.
Inta ay indhaha ku gubtay ayaa ay dib usoo jeesatay, qorigii ayaa ay ammaanka ka rogtay oo inta dhuunta xabbad u gelisay xagiisa usoo dhaqaaqday. Isagga cagihiibaa qaboobay oo tallaabo ma qaadi karee, inta usoo dhawaatay ayaa ay qorigii oo xabbadii fadhido madaxeeda dhuuntiisii ku aadisay.
Odayggii oo naqaskii kasoo booday, markii uu oggaaday in uu labadii qasnadood ka badbaaday ayaa baryo aan uurka jirin bilaabay, Naftaada ha dilin, shaydaanka iska naar waan ku baryayaaye ".
Qoftii dumarka ahayd kute " Aamus doofaaryohow adiga ayaa igu xigee Jimce wanaagsan Jaalleyaal.
@Sheeko_Channel 🤣

Malabkii oo tif leh❤🐝❤.
Waxay tidhi: waxa aan kuu arkaa qof macquul ah waliba mucaashaq ah in aad tahay, sabab aan fursad kuu siinwaayaana majirto. Adiga laftaadu qof ilbax ah oo soojiidasho leh baad tahay. Furasada aad codsatayna mar hore ayaan qalbigaya kaasiiyay, waana sababta aad ilaa gurigayga u tagtay ee aabbo iyo hooyo aan kuugu geeyay. Galabta markii aad guriga joogtay ee bakeeridu jabtay ee aad xabiibi igu tidhi saamaynta ay igu yeelatay ilaa iminka waan naxsanahay. Hadalkii baan kasoo dhex galay aniga oo degdegsan oo sidii qof gaadhi saaran oo isii dhaafaya aan la hadlayo oo kale.
Waxa aan ku idhi: Sawda aad baad u mahdsantahay, waa wax wayn oo aad u cajiib ah gabadh ilaa xadkaa qurux badani in ay fursad kusiiso waliba shuruud la'aan. Sida caadiga ahna gabdhuhu wiilasha jeclaada way meermeeriyaan oo dhibaan in badan, laakiin adigu dalabkii u horeeyay in aad sidaa igu a aqbasho waa wax aad u qiimo badan. Waxay tidhi: anigu ma ihi gabadhaha khiyaalka iyo mayaca iska badiyay qof aan ku qanco maxaan u warwareejin? Anigaa ku qancay sowmaaha? Qof aanan ku qancin laftiisa waa in aan runta u sheegaa. Wax kastana runta iyo xaqiiqda ayaa lugu saleeyaa. Waxa aan ku idhi waad Mahadsasntahy.
Degdegu waa camal shaydaan ee markiiba qofkii whats appka usaraa ayaan rabaa in aan waydiiyo! Laakiin waan yar baqayaa, haddana qaabka wacan ee ay iila hadlayso iisoo dhawaysay iina aqbashay ayaa kalsooni badan igu abuuray oo ileh waa caadi ee waydii. Ilayn mar hore ayay hadalkii dhamaysay oo aniga ayay isugaysaa aniguna meel kale ayaan ka fikirayaa. Waxan maqlay miyaadan kujirn khadka Muniir iyo hadal naxariis badan oo in qof jannadii kasoo hadlayo aad moodo. Waxaan ku idhi: haa qaali waan kujiraa ee sawirkan kuu saaran baan eegayay ee ma shoodhahaagiibaa mise waa jacaylkaagii hore? Aniga oo qaab kaftan ah uga dhigaya, laakiin raba in aan wax ka ogaado qofkan.
Inta ay qososhay ayay tidhi: durba ma hinaas baad kusoo gashay ciyaarta iyo qofka kuu saarani waa kuma? Waar waa walaalkay oo iga wayn hal sanno. Naxdin waynaa walaalkeed baaba iigu daran in uu noqdo! Oo sidaan hore idiinku sheegay isku fasal baannu ahaanjiray waliba aad baanu isu naqaan. Isma naqaan oo kaliya ee wuxuu ahaa dhallinyaro aad ii dhibay oo aad qabiilkayga iigu takooray waliba kuwa ugu caqliga xun. Waa dhib wayn taasina inkasta oo bulshadu kasimantahay faquuqa, cunsuriyada iyo fogaynta beeshayda haddana mid ka mid ah dadka kuugu xun haddaad walaashii jeclaato waad garankartaa culayska ay leedahay.
Waxa aan haddana ku war helay caawa ma telefoonkaa kaa xun maxaa codkaaga qabsanaya marba? Niyadda ayaan ka idhi walaalkaa baa cunaha igu dhegan. Waxaan caadina ugu idhi: waxa laga yaabaa in ciladi jirto dhanka telefoonka laakiin innaga wax innaga xumi ma jiraan Sawda. Walaalkaana kama hinaasin ee waad isu eegtihiin oo markiiba waan gartay, waliba sanka, suuniyaha iyo indhaha mataano ayaa la idin moodaaba. Inta ay qososhay ayay tidhi: waligay qof yidhaaha waad isu eegtihiin adiga hortaa ma arag. Aniguna hoos baan u leeyahay waan iska hadlayaa aniga laftaydu laakiin iyada ma maqashiinayo.
Bal aynu halkaas kasii anba qaadno qaybta 19-aad

This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Imisa ayaa adiga kula Faqa?
Sheeko qosol badan Weji.🤣🤣
Sheeko qosol badan Weji.🤣🤣
Malabkii oo tifiq leh❤🐝❤.
Intaa kadib waxay igu tidhi: walaalkay Xamse saaxiib baanu nahay oo waan iskiin barikaraa macal. Inta aan kor u qayliyay sidii qof dab ku dhegay oo kale baan idhi: may may ha iskaayo barin iminka mustaqbalka ayaanu is baranaynaaye. Hoosna waxa aan u leeyahay nacallaa aabihiis ku yaalka, aniga oo xasuustay wixii uu igula hadlijiray waagii aannu isku fasalka ahayn. Waar dee fulaysanidaa bal is deji bay tidhi, waan iska kaftamaaye. Qosol naxadin leh baan ku dhex darsaday keedii oo aan idhi waan fahmayaa kaftankaaga gacaliso.
Waxa ay igu tidhi: gacaliso marka aad i tidhaaho waxa aan dareemayaa dareen igu cusub oo aan hore iisoo marin ee ma sixirroole ayaad tahay? Waxaan ku idhi: mayee qalbigaaga ayaa dareemaya farriimaha qalbigaygu soo dirayo oo kaliya, laakiin wax sixir ahi majiro. Intaa waxa aan u raaciyay ma guriga Abuu Sufyaan ayaa sixir loola imankaraa? Inta ay qososhay ayay tidhi: abuu Sufyaana waakee? Abuu Tafsiir baan u jeedaa ee igaraalli noqo. Dhib malaha ayay tidhi waa xili danbe berrina iskuul baynu leenahay ee miyaadan seexanayn? Waxaan ku idhi: suuqa ayaan ka imi oo kaabada (jirdiinka) guriga ayaan fadhiyaa wali maan galinba guriga.
All waar dhaxanta ka xarood, igawalla caawa aniga oo bustahayga ku hoosjira ayaan yaabbanahaybee. Waa iska caadi codkaaga ayaa diirimaad badan aan ka qaaday oo sidaas awgeed wax dhaxan ah ma dareemayo. Waar horta ma jaakad baad soo qaadatay mise shaatigii galabta ayaad sidataa? Isagii baan sitaa macaan ma anigaa wali xaafaddaba galay. Waar sidaasi waa nacasnimo ee dhaxanta ka xarood oo waa innoo berri iyo iskuulka qaali. Haye ee maxaynu isku ogaanaa? Khayr badan baynu isku ogaan dee. Haye ee habeen wacan boqoradaydiiyeey, habeenku hakuu niikiyo. Inta ay qososhay ayay tidhi: wax waalan habeenku ma reer xamar baa siduu u niikinayaa? Waar haben wacan inta ay dhigtay.
Aniga oo aad u faraxsan oo isu arka in aan wax badan kasbaday Sawda ama jacaylkaygii ayaan guriga galay. Markii aan qolkayga hore u galay baan wax xasuustay! Waan is baadh-baadhay oo waan waayay. Xataa guriga hortiisa iyo bartii aan fadhiyay baan kasoo baadhay laakiin waan waayay nasiib daro. Ma garanayo meel ay igaga luntay meesha ay tahay. Mar waxa aan u maleeyaa guriga Sawda dhexdiisa in aan kaga imi, mar kale in aan gaadhigii Sawda aabbaheed ay ku luntay. Haddana hudheelkii iyo Masaajidkii waa mac quul in aan kusoo ilaaway. Waxa aan waayay waa saacadii qaaliga ahayd ee aan Sawda hadyad ahaanta ugu soo iibiyay. Markii guriga aan tegayna waatii arrimhu qasmeen oo xasuustaydaba way kabaxday, xataa haddaan xasuusanlahaa fursad aan kusiiyo maan helin.
Bal aynu halkaas kasii anba qaadno qaybta 20-aad

Sheekada malabka wali mala socotaa
Anonymous Poll
52%
Haa
23%
Qaar baanan akhriyin wali
25%
May akhriska iskuma wacnin dheer
Malabkii " daqiiqadaa in wadnuhu i istaago baan codsanlahaa"❤🐝❤
Habeenkaas habeen ka qurux badani noloshay hore imasoomarin, dibna malaa iimaasoo maridoono. Marka laga reebo haddii aannu Sawda is guurasanno uun buu habeenkan mid kawacani dhicikaraa. Farxad, rayn-rayn iyo niyad sami baan ku seexday subixiina kusoo kacay. Saaka tamar badan baa igujirta oo walaashaydii igayarayd ee Muna ayaan canjeelada lasameeyay oo caawiyay macal. Waxa aan isu diyaariyay una lebbistay si aad u cajiib ah, sababtoo ah saaka Sawda oo gacalisadayda ah baan iskuulkii iyo fasalkiiba isku arkaynaa, runtii aad baa shucuurtaydu u kacsantahay.
Waxa aan soo gaadhay iskuulkii oo aan goor hore imi anigu, afar shan qof oo kaliya ayaa iga soo horeeyay. Macalmiintii iyo maamulkii toona ma uu iman. Waxaan eegaya afrta dhinac marba, kaliya Sawda may soo muuqato ayaan leeyahay. Waan daalay sidaan u naawilayay kadibna buug baan ku foorarsaday xisaab ahaa. Waan isku ilaaway oo xisaabtii baan dhex quusay inta aan meel yar lafadhiistay. Aniga oo islamaqan oo buuggii ku foorara ayaa qof isoo dul istaagay! Kadibna degdeg buu labada indhood ii qabtay aniga oo foorara. Indhaha waxa iga haya gacmo naxariis badan oo aad dareemayso in indhaha laftoodu u baahanyihiinba in ay kusii dhaganaadan. Sidoo kale caraf udgoon baa sankayga haysta oo ilaa qalbiga gaadhay. Intaa waxa dheer in madaxa iyo qoorta maro wayni iga xadan-xataynayso!
Waan dareemay in uu qof dumar ah yahay, macal haddaanu ahayn waan iska jeclaan lahaa in uu qof dumar ah noqdo. Qof dumar ah uma wada jeedo ee in ay Sawda noqoto baan hoosta kaga ducaysanayaa. Gacanta ayaan kor u qaaday oo qofkii baan taataabtay si aan u garto qofka uu yahay. Akhasheey meel buuran oo jilcsan baan isku taabtay gacanta ayaan dib ulasoo booday qofkiina dib buu u booday inta uu idhaha isiidaayay! Madaxa ayaan kor u qaaday oo indhiihii baan kukala qaaday Sawda oo naxsan oo hortayda taagan.
Waan farxad naxay oo hadal isku qasan baan ku leeyahay aniga oo dhinacyada eegaya. Arday badan baa nasoo eegaysa dhanwalba oo qaar qoslayaan macal. Sawda waa qofka iskuulka ugu shidan baan odhankaraa haddaanay magaaladaba ugu shidnayn. Waxa cajiibka igu noqday dhiiranaanteeda iyo sida ay indhaha ii qabanayso durba kalsoonidaa! Waxa sidoo kale dhib aan u arkaa in ardayda inta badani bartaa saaka kalasocon doonaan labadayda iyo xidhiidhkaygaba. Waxa aan wayddiiyay saaka bilow wacan baad samaysay waliba ardayda hortooda, ee masidaas baad u dhiirantahay?
Waxay igu tidhi: dadkan intooda badan isma naqaan oo waanu iakuwada cusubnahay markaa adigaan kaabartay dhiiranaanta oo ilaa xaafadayda yimi. Inta aan qoslay baan ku idhi: xaafadda dib u iman maayo inta aan koofiyada iska bixiyay baan tusay sida timihii aabbaheed iigaxiiray. Alla miskiin way kuu dhukureen ayay tidhi, waxaas oo dhan anigaa usabab ah ee iskakay saamax saaxiib. Waxaan ku idhi: danbiyada waan kuu biirinayaa oo habeenka arooskeenu dhacayo baan ku cafiyayaa.
Iyada oo meel fiican noomaraysa sheeko qosol iyo kalgacayl aannu is dhaafsanayno ayaan maqlay hadal argagaxlahaa in aannu maqalo. Waa laba wiil oo aannu hore isku iskuul iyo isku fasal u ahaanjiray. Midbaa waxa uu leeyahay: waar eegeeg kii niyow ma mid ay isku reeryihiin buu helay mise waa mid uu qabiilkale u sheegtay! Daqiiqadahaa haddii wax codso lay odhanlahaa in wadnuhu i istaago ayaan codsanlahaa.
Bal aynu halkaas kasii anba qaadno qaybta 21-aad

Gabadh Samir Badan:-
Maalin dhoweyd xafiiska shareecadda waxaa noogu yimid nin iyo gabadh kala cabanaya. Lamaane da'yar ah bay ahaayeen. Gabadha ayaa tidhi:- Ninkan hala iga furo. Muddo labo sano ah ayaan habeen kasta surwaalka ka bixinayey. Surwaalkaasi, oo lugihiisa cidhiidhi ku noqday. Markii aan ku daallay ayaan ku idhi:
-Waar dee anigu in leen surwaalkaaga kamma shaqeeyee iska bixi. Markaas ayuu hal dalqad i furay maadaama, oo aan diiday in aan suraalka ka bixiyo. Halkaas ayey ku kala tageen waxa uuna ku yidhi:- Kaas cidhiidhiga ah haddaanad ka shaqaynay waan ba ku furay.
Sidaasi waxaa yidhi:- Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir.
Cajiib🤣🤣

Malabkii baa soo dhacay.❤🐝❤.
Iyada oo meel fiican noomaraysa sheeko qosol iyo kalgacayl aannu is dhaafsanayno ayaan maqlay hadal argagax lahaa in aannu maqalo. Waa laba wiil oo aannu hore isku iskuul iyo isku fasal aannu u ahaanjiray. Midbaa waxa uu leeyahay: waar eeg-eeg kii niyow ma mid ay isku reeryihiin buu helay mise waa mid uu qabiilkale u sheegtay! Daqiiqadahaa haddii wax codso lay odhanlahaa in wadnuhu i istaago ayaan codsanlahaa.
Labadii wiil waliba qosol iyo jees-jees aya isu jiibeyeen. Gacalisadayda Sawda iyaga ayay dhankooda eegaysaa waxaan filayaa in ay ka fikirayso hadalada ay leeyihiin iyo sida wax u jiraa. Hadalada ay qabiilkayga ku durayaan in ay iyadu ka fakarto oo ay wax iga wayddiiso ayaa iyaduna musiibo kale ah. Sababtoo ah Sawda waxay ka mid tahay bulshada na quudhsata. Waa beentay in aan idin idhaaho Sawda ayaa kujirta dadka qabiilkayga quudhsada, oo aad uma aqaan shakhsiyadeeda sababtoo ah waanu isku cusubnahay. Laakiin sababta aan sidaa u idhi ayaa ah, in bulshadu guud ahaan quudhsi iyo faquuq nugu hayaan. Sawda kollay bulshada ayay kamid tahay, hadday ogaato in aan kasoo jeedo beelaha la haybsooco waa suurgal in ay xataa iskuulka iiga tagto.
Malaha xumi ma wanaagsana laakiin waa xaqiiqo jirta oo aanan naftayda been uga sheegikarin. Sawda haddii ay jacaylka naga dhexeeya ixtiraamto, waxa hubaal ah in aan qoyskeedu ixtiraami doonin. Sida aabbaheed, hooyadeed iyo walaalaheed. Sawda aniga ayay igusoo jeestay iyda oo yaabban, wajigeeda waxa ka muuqata in ay rabto in ay wax iwaydiiso. Laakiin hadday dareemayso waxa ay iwaydiinaysaa dhibka uu keenikaro way iska daynlahayd, sababtoo ah waxa ay noqonkartaa bilowga xanuun iyo murug wayn.
Waxa markaliya af-keeda kasoo booday su'aal jacaylkeedu u geeriyoonkaro laakiin aanay ogayn. Su'aalo badan oo aan macno innoo samayn ayaynu maalin oo dhan dadka iska waydiinaa, laakiin aynaan qiyaasikarin culayska iyo dhibka ay qofkaa ku keenikaraan.
Sawad waxay tidhi: Muniir qabiilka aad ii sheegatay iyo waxa ay inamadu ka hadlayaan maxay tahay? Aniga oo aan wali jawaabin ayay tidhi: miyaa istaqaanaan bal i fahansii waxay ay sheegayaan? Saacaddu waa toddobadii subaxnimo, iskuulkaanu hortaaganahay oo in lafuro ayaanu sugaynaa dhammaatayo. Waliba dhaxan aad u badan baa jirta, laakiin wajigayaya qaybta sujuuda dhidid baa kasoo butaacay. Dhidkaasi waxa uu hoos usoo raacay wajigayga isaga bartaa gadhka qulqulkiisu isugu tagaya. Aad ayay usii yaabantayah iyaduna oo waxa aan la anfariisanahay ayay garan wayday, laakiin waxa aan u aamusanahay aniguna iyada ayaan anfariirka u diidayaa.
Laakiin runtii waa gabadh aad u cajiib ah oo naxariis badan. Waxa aan aad uga yaabbay inta yar ee aannu is naqaanay iyo sida cajiibka ah ee ay wax u wado. Inta ay igu soo dhawaatay oo hoosta igasoo gashay boorasadii buugta dhulka dhigtay. Waxay tidhi: bisinka waar Muniir waaxay dhididku gacliye? Oo inta ay sheeladeeda basaliga ah ee ay madaxa ku duubantahay gacanta midig daxalka kusoo qabsatay. Halka gacanta bixina ay qoorta igaga qabtay, kadibna sheeladii igaga masaxday dhididkii oo wajiga ilaa qoorta ay iga tirtirtay! Waxaan dareemayaa binu aadam qiimo badan in uu maanta ila joogo oo aanan noociisa hore u arag.
Ardaydii oo dhami way nasoo eegayaan, ma hubo in macallimiinta qaar meesha joogaan iyo in kale. Laakiin iyadu waxaa dan kamalaha oo kaliya aniga ayay mudnaanta isiinaysaa, mudnaanta dhammaadekeedina inta aan ka jawaabayo su'aalaha ayaa iga xiga sida aan filayo. Waxa ay iwaydiisay ii sheeg qolada iyo waxa ay wiilashu ka hadlayaan ee adigana sidan oo dhan aad ugu dhidhidsantahay gacliye? Caadi ahaan anigu ma ihi dadka reeraha kale sheegta si ay ugu yaraan takoorka iyo dhibka uga dhuuntaan maalmo yar uun. Waxa ii caado ah in aan qofkasta sida ay tahay ugu sheegijiray, aniga oon dan wayn ka lahayn.

Laakiin Sawda waa qofka kaliya ee noloshayda aan dhab u jeclaaday, diyaarna uma ihi in aan waayo. Ilaa iminka afkayga ayay kasugaysaa jawaabta, labadayda indhood waxa sida tooshka u haya labeeda indhood iyo wajigeeda oo yaab badan awgii jactad iyo laablaab yeeshay! Laakiin go'aan adag ayaan ilbidhiqsiyo ku qaatay oo ah in aan xaqiiqada u sheego xanuunkuna i dhaafo maanta isla maantana aan natiijada helo. Waxaan ku idhi: gacaliso anigu waxaan kasoo jeedaa beesha reer hebel ee deegankan lugu takooro, inamaduna shaqadii beelihiinu isku raaceen ee in nolosha nalugu cidhiidhiyo ayay waajib kooda gudanayeen. Inta hadhyana in aad adigu ii dhamystirto uun baa hadhay oo aad bartaa igaga dhaqaaqdo.
Bal aynu halkaas kasii anba qaadno qaybta 22-aad