Casharkii 8-aad
Dhallinyaro, haddaanu intaas kaga harno taariikhda ganacsiga, aynu si guud u yara eegno faa’iidada uu ganacsigu u leeyahay ummadaha adduunka. Haddii waayihii hore ganacsiga loo yiqiin mid ku eg is-dhaafsi agab ama adeeg, noloshan casriga ah badeecad is-dhaafsiga waxaa raacsan in ganacsigu yahay mid ka qari wayn intaas. Waayo waxaa la ogaaday shirkad waliba midda ka wayn in ay tahay mid ereyga ganacsiga uga macna dhow. Guud ahaan ganacsigu faa’iidooyin badan ayuu u leeyahay nolosha aadamiga. Wuxuu adkeeyaa hor u-marinta iyo koboca bulshada, isaga oo isla-markaas xoojinaya hantida sida gaarka ah loo leeyahay iyo awoodda loolanka lagu tartamayo wax soo-saarka.
Ganacsigu wuxuu waasiciyaa kala duwanaanshaha badeecadaha iyo xiriirka wax is-dhaafsi ee ummadaha dhex-mara. Wuxuu dhiiri-gelin ku sameeyaa hal-abuurka, tayaynta shaqada iyo badeecadda, wuxuu adkeeyaa nabadgelyada iyo xiriirka ka dhexeeya dowladaha adduunka. Intaasi dabadeed, ganacsigu wuxuu door muhim ah ka qaataa dakhliga dad-waynaha iyo xasilloonida siyaasadeed ee dowlad walba. Ganacsigu wuxuu leeyahay nafac-wadaag iyo fursado shaqa-abuur. Iyada oo la raadinayo faa’iidooyinka tirada-badan oo laga helayo ganacsiga ka dhexeeya dowladaha dunida, ayaa dowlad ka maaranta dowladaha kale ayan jirin. Bal dowladuhu waxay ku tartamayaan in ay xiriir ganacsi la yeeshaan tirada ugu badan oo dowlado ah. Waxaa jirta ooraah ay Jabaanku oran jireen, taas oo ah: dowlad walba oo dunida ku taal waa in laga helaa agab lagu sameeyey Jabaan. Shiinaha ayaa iyaguna waxay lahaayeen ooraah ay oranayeen: aqal walba oo dunida ku yaal waa in laga helaa agab lagu sameeyey Shiino.
Xilligan casriga ah noloshii waa isu-furantay oo dadyowga ku kala nool qaaradaha kala duwan si fudud ayay u kala ganacsadaan. Arintaas waxaa sahlay aqoonta teknolojiyada casriga. Waa aqoon fududeysey wax soo-saarkii, xiriirkii iyo gaadiidkii dunida. Waxaa jira xiriir xooggan oo ka dhexeeya aqoonta teknolojiyada iyo jaan-tuska astaamaha ganacsiga, astaamaha wax soo saarka, iyo astaamaha awoodda hor u-marineed ee wershadaha. Waxaa la oran-karaa teknolojiyada waa qodob muhim ah oo xoojinaya nolosha ganacsiga casriga. Sidaa darteed aqoon-yahannada dhaqaale-baradka ah, waxay ganacsiga u adeegsadaan erey-bixin casri ah oo wuxuu yahay TCF (Technology Contribution Factor). Bulsho waliba oo aqoontaas ku hor-martay waxay noqotay mid kaga horeysa ganacsiga bulshooyinka kale oo aqoontan ku liita.
Marka la eego taariikhda fog, haddii dunidu ay soo martay xilli uu maydigu hor-mood u ahaa badeecagaha ganacsiga dunida, iyo xilli ay cusbadu hor-mood u ahayd hantida laga ganacsan jiray, kuwaas oo sabab u noqon jiray colaado xooggan, maanta tamarta ayaa waxay tahay agabka ugu qiimiga badan oo laga ganacsado. Gaar ahaan gaaska iyo shidaalka. Xilliyadii ka horeeyey kacaankii warshadaha ee ka hana-qaaday qaaradda Yurub, raashinka ayuu ahaa badeecadda ugu xooggan oo ay ka ganacsan jireen dadka adduunka ku noolaa. Waxaa xusid mudan, qarnigii 15-aad in cusbadu ay ahayd badeecadda ugu badnyd, uguna qiimiga badnayd ee ganacsatada Yurub ay soo dhoofsan jireen. Goor dabe, galleyda iyo qamadiga ayaa noqday badeecadaha xukuma seyladaha laysku dhaafsado ganacsiga. Wixii xilligaas ka danbeeyey saliidda ceyriin iyo kiimikadeeda ayaa waxay si qun-yar socod ah u soo buuxinayeen sayladaha ganacsiga adduunka.
Sida aqoonta fiisikada lagu barto, tamartu waa ay ayniyo badan tahay oo waxaa kamid ah mid ka dhalata dhaqaaqa (Kinetic Energy), mid ka dhalata hoobashada (Gravitational Energy), mid ka dhalata shucaaca (Radiation Energy), mid ka dhalata laastikada (Elastic Energy), mid ka dhalata kulaylka (Thermal Energy), mid ka dhalata jacda bir-qabatada (Magnetic Energy) mid ka dhalata kiimikada (Chemical Energy) iyo mid ka dhalata noolaha jirkiisa (Biological Energy). Tamarta ugu qiimiga badan, ugu fudud uguna sahlan gaadiideynteeda waa saliidda dabiiciga ah (gaaska iyo shidaalka), taas oo qiimo gaar ah yeelatay goortii aqoon loo yeeshey in loo beddelo tamar wax dhaqaajisa. Sidaa darteed saliiddu waxay maanta noqotay badeecadda ugu fir-

rcoon dunida oo dunida ka shaqaysa. Arintaasi maahan wax lala yaabo marka la eego waxyaabaha ay xiriirka la leedahay oo dhaqaalaha ah xoojiya.
Howlaha milgaha culus oo saliiddu ay wadato waxaa kamid ah sahanka shaqooyinka culus ee lagu sahminayo balliyada shidaalka, qodisteedii iyo soo-saarkeedii, nadiifinteeda iyo kala-shaandhaynteeda, gaadiideynteeda iyo gaarsiinta meelihii looga baahnaa, saliiddii batroolka oo shidaal ahaan loo adeegsado (gawaarida, dayuuradaha, iyo maraakiibta), waxaas oo dhan waxay isku noqonayaan qayb yar oo kamid ah waxyaabaha shidaalka looga faa’iideysto. Batroolku wuxuu qayb ka yahay dhismaha agab badan ee elektoonnada ku shaqeeya, agab badan oo biraha laga sameeyo, agabka kiimikada ah oo laysku qurxiyo (Cosmetics) iyo ayniyo dhar ah oo iyana qurux loo qaato oo ay kamid yihiin dhalooyinka caagga ah (Acrylic), dharka nayloonka ah (Nylon), dharka jirka ku dheggan (Spandex) iyo agab kale oo badan.
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com

Forwarded from S.O.T. V.I.P
OCTOBER V.I.P MONTHLY REPORT
NZDCHF 30
GBPUSD -10
AUDNZD 18
EURGBP 60✅
USDCHF 75
GOLD -140😡
EURGBP 20
EURUSD 42
NZDUSD 70
USDCHF 45
CADJPY -23
NZDJPY 30
GBPUSD 600✅✅✅
GBPUSD 27
NZDJPY 30
NZDJPY 40
GOLD -160😡
CADJPY 33
CADJPY 33
USDCAD 130✅
GBPUSD -18
USDCHF 27
NZDCAD 38
AUDNZD -44
NZDUSD 50✅
CADJPY 26
EURNZD 54
NZDUSD 30
EURAUD -12
CADJPY 84✅
USDJPY 45
GBPUSD 207✅
EURJPY 70😜
AUDJPY 40
AUDNZD 20
NZDCAD -20
AUDUSD 104👍🏿
GBPUSD -24
EURNZD -46
EURUSD -10
AUDUSD 154✅
GBPJPY -40
NZDCAD 95✅
EURJPY -18
NZDUSD 70✅
EURNZD 110✅
CADJPY 25
NZDCAD 55✅
AUDJPY 60✅
AUDUSD 42
NZDUSD 45
EURNZD -9
CHFJPY -10
GBPCAD -14
EURCHF 8
AUDUSD 67✅
NZDCAD 25
EURZAR 263✅✅✅
USDCAD 50
EURGBP 25
EURAUD 50
GBPUSD 57
EURJPY 40
EURGBP -5
GOLD -20
CADJPY 116✅
AUDCAD -7
GBPUSD 25
RUNNING TRADES
23/10/19 USDCHF & CHFJPY
SL TO ENTRY
TOTAL TRADES
81 TRADES
TOTAL PROFITABLE TRADES
50 (61.7%)
TOTAL LOSS TRADES
17 (20.9%)
NO LOSS & NO PROFIT BREAKEVEN
14 TRADES (17.2%)
TOTAL GREEN 3620
TOTAL RED -470
TOTAL NET 3150 (63% ABOVE TARGET)
NZDCHF 30
GBPUSD -10
AUDNZD 18
EURGBP 60✅
USDCHF 75
GOLD -140😡
EURGBP 20
EURUSD 42
NZDUSD 70
USDCHF 45
CADJPY -23
NZDJPY 30
GBPUSD 600✅✅✅
GBPUSD 27
NZDJPY 30
NZDJPY 40
GOLD -160😡
CADJPY 33
CADJPY 33
USDCAD 130✅
GBPUSD -18
USDCHF 27
NZDCAD 38
AUDNZD -44
NZDUSD 50✅
CADJPY 26
EURNZD 54
NZDUSD 30
EURAUD -12
CADJPY 84✅
USDJPY 45
GBPUSD 207✅
EURJPY 70😜
AUDJPY 40
AUDNZD 20
NZDCAD -20
AUDUSD 104👍🏿
GBPUSD -24
EURNZD -46
EURUSD -10
AUDUSD 154✅
GBPJPY -40
NZDCAD 95✅
EURJPY -18
NZDUSD 70✅
EURNZD 110✅
CADJPY 25
NZDCAD 55✅
AUDJPY 60✅
AUDUSD 42
NZDUSD 45
EURNZD -9
CHFJPY -10
GBPCAD -14
EURCHF 8
AUDUSD 67✅
NZDCAD 25
EURZAR 263✅✅✅
USDCAD 50
EURGBP 25
EURAUD 50
GBPUSD 57
EURJPY 40
EURGBP -5
GOLD -20
CADJPY 116✅
AUDCAD -7
GBPUSD 25
RUNNING TRADES
23/10/19 USDCHF & CHFJPY
SL TO ENTRY
TOTAL TRADES
81 TRADES
TOTAL PROFITABLE TRADES
50 (61.7%)
TOTAL LOSS TRADES
17 (20.9%)
NO LOSS & NO PROFIT BREAKEVEN
14 TRADES (17.2%)
TOTAL GREEN 3620
TOTAL RED -470
TOTAL NET 3150 (63% ABOVE TARGET)
Forwarded from SOMALI ONLINE TRADER
V.I.P PUBLIC CHANNEL
28/10 - 01/11 2019
USDCHF 30✅
AUDCAD -7🙈
USDCAD -48🙈
CADJPY 45✅
GOLD 130🐏
CADCHF 93💫
USDCHF 87💫
NZDUSD 87💫
GBPAUD 0 ⛈(SL TO ENTRY)
USDJPY 10📊
USDCAD 100📈
GBPCHF 30🌤 (ONLY SMALL A/C MADE PROFIT ONLY)
TOTAL PROFIT 612 💹💹💹
TOTAL LOSS -55 ❌❌❌
TOTAL NET 557 🔰♻️✳️

Casharkii 9-aad
Dhallinyaro, haddaanu dib ugu laabanno cudurkii Hollandeeska, dalku wuxuu uga badbaaday tallaabooyin xikmadaysan oo dowladda Holland ay qaadatay. Dhaqaalihii xanuunsanaa wuxuu heley caafimaad uu ku shaqeeyo. Maanta dhaqaalaha dalka Holland wuxuu kamid yahay kuwa ugu xasilloon uguna hagaagsan waddamada Yurub. Shaqa-la’aantu waa 3.3%. Dakhliga guud ee dalka sanadkii 2018-kii wuxuu ahaa 826.2 bilyan US.$. Dhaqaalahaas culus wax ka-badan 70 %-kii wuxuu ka yimaadaa adeegga oo ah dekadaha oo Rutterdam ay ugu wayntahay, garoomada dayuuradaha oo garoonka Amsterdam uu ugu wayn-yahay iyo dalxiiska. Xisaabta ay dowladdu soo ban-dhigtay howlaha la xiriira adeegga waxay ka heshey lacag gaareysa 73.1 % oo dakhligii dalka kamid ah. Howlaha la xiriira wax soo-saarka wershadaha waxay ka heshey lacag gaaraysa 24,6 % oo dakhligii dalka ah. Howlaha la xiriira beeraha waxay ka heshey 2.3 % oo dakhligii dalka ah.
Waxaa xusid mudan dekadaha iyo garoomada Soomaaliya oo maamullada dhisan ay gacanta u gelinayaan shirkadaha shisheeyaha ah, in ay yihiin hanti ma-guurto ah oo ay haboon tahay in la ilaashado. Hantida ay Holland kaga badbaaday cudurkii dhaqaale-xumida ahaa, dawada ugu qiimiga badan oo ay kaga hor-tageen, illaa maantana iyo mustaqbalkaba ay dugsanayaan waa dhaqaalaha ay ka hesho adeegyada ay ku bixiso dhisma-hoosaadka. Wixii ka danbeeyey sanadkii 1977-kii, oo ah markii ay caddaatay in dhaqaalihii Holland uu ka caafimaaday cudurkii, magacii ahaa cudurkii Hollandeeska wuxuu noqday mid si faxan loogu xuso maxfallada aqoonta dhaqaalaha. Waxaa kale oo si qeexan loogu xusay maxfalladaas, is-diidka iska-soo horjeeda ee ah helitaanka khayraadka dabiiciga ah iyo bur-burka dhaqaale ee weheliya.
Waxaa jira qoraallo iyo muxaadarooyin badan oo dhaqaal-yahannada dunida ugu waa-wayn ay ka dhigeen cudurkan. Buugaagta mowduucan laga qoray kuwooda qiimaha badan waxaa kamid ah buug ay isla-qoreen laba aqoon-yahan, kaas oo lagu magacaabo Maxay Ummaduhu u Fashilmaan (Why the Nations Fail). Labada aqoon-yahan oo qoray waxay kala yihiin Kamer Daron Ocem-oglu, waa dhaqaal-yahan asalkiisu yahay Turki oo macallin ka ah machadka MIT (Massachusetts Institute of Technology) ee magaalada Massechuserrs. Aqoon-yahanka kale waxaa la yiraahdaa James Alan Robenson. Waa dhaqaal-yahan u dhashay dalka Ingiriiska. Isagu wuxuu macallin ka soo noqday jaamicado dhowr ah oo ay kamid yihiin University of Chicago, Harvard University iyo University of Malborne. Buugga waxaa loo adeegsaday aqoonta dhaqaalaha iyo hor-u-marintiisa, taariikhda dhaqaalaha, sababta uu u kala duwan-yahay dhaqaalaha ummudaha, maxay tahay sababta ay ummadaha qaarkood ugu guuleystaan dhaqaalaha qaar kalena ugu fashilmaan.
Shan iyo toban-ka cutub oo buuggu uu ka kooban yahay, labada aqoon-yahan waxay kaga faalloonayaan qodobbada saldhigga u ah guusha iyo guul-darrida siyaasad- dhaqaaleed ee ummadaha aadamiga ah ay la kulmaan. Iyagu waxay buuggooda kaga doodayaan in fasiraadda hadda jirta ee la xiriirta muuqaallada bulshooyinka kala duwan ee ama barwaaqada ah ama saboolnimada ah ay salka ku hayso arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin degaanka, cimilada, dhaqanka ama diinta. Jahliga hoggaamiyeyaasha siyaasaddu ay arinkaas kaga sugan yihiin ayaa waxay ku tilmaamen arin ay tahay ama ayan ogaal u lahayn, haddii ay ogaalkeeda leeyihiinna lagu ceebeyn karo. Meelaha tusaalaha wacan ay ka soo qaadanayaan guusha iyo guul-darrida siyaasadda dhaqaale waxaa kamid ah dowlado laba ah oo ay ahayd in ay mid qura ahaadaan. Waayo dadkoodii ayaa mid ah, dhaqankoodii ayaa isna mid ah. Waa labada dowladood ee Kuuriyada koonfureed iyo Kooruyada waqooyi. Labadaas dal oo kala go’ay sanadkii 1953-kii, ayaa maanta midna ay kamid tahay dowladaha horseedka ka ah dhaqaalaha dunida, midna ay waddamada ugu saboolsan dunida.
Waxaa kale oo ay tusaale u soo qaateen magaalo mid ahayd, taas oo iyana sanadkii 1953-kii ay xuduud dhex-martay. In-kasta oo ay laba dowladood kala noqotay, misana dadkeedii waa dad mid ah oo isku dhaqan ah. Magaaladaasi ayaa waxay tahay Nogales qaybteeda dhacda dalka (gobolka Sonora) Meksiko

Nogales qaybteeda dhacda (Arizona) Ameerika. Dadkaasi waxay cunaan cunno isku-mid ah, waxay dhegeystaan heeso isku-mid ah. Laakiin waxay ku kala tageen heerka dhaqaale ee nolosha. Labada magaalo midda dhacda xuduudda Mareekanka, dadka ku dhaqan waxay haysataa hannaan caafimaad iyo dugsiyo ay caruurta u dhigtaan illaa dugsi sare. Waxay haystaan nolol nabadgelyo leh. Waxay haystaan dhismo-hoosaad wanaagsan iyo hannaan qashin-fogeyn ah. Magaalada qaybteeda dhacda xuduudda Meksiko, dadka ku dhaqan waxay arradan yihiin arimahaas aanu soo sheegney. Sidaa darteed, xataa waa ay ka cimri yar-yihiin walaalahooda waqooyiga ka deggan. Waxay u le’daan cudurrada faafa.
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Casharkii 10-aad
Dhallinyaro, ahmiyadda uu u leeyahay caafimaadka dhaqaalaha ummadaha darteed, ayaa cudurkan wuxuu noqday qodob milga culus oo dhinacyada uu leeyahay laga diraaseeyo. Isla-markaas cilmi-baaris lagu hayo ka socda jaamacadaha dunida. Sida uu dowladaha adduunka u taabanayo ayaa la falnqeeyaa oo qoraallo cuddoon laga diyaariyaa. Iyada oo la eegayo qaabka uu cudurku u dhaawaco ummado dhaqaalahoodu berya-samaad ku jiro iyo qaabka uu tafaha u haysto kuwo soo koraya, ayaa si looga digtoonaado khatarihiisa waxaa la bandhigaa xog badan oo la xiriirta calaamadaha uu leeyahay. Ummadaha uu ku yar-yahay fahamka cudurkan, wuxuu ku noqdaa krooniko, markaas ayuu isu-beddelaa baur-bur iyo inkaar. Halkaas ayaa waxaa ka dhasha nicmadaha nacladaysan.
Ma-yara culimada ku takhasusay dhaqaalaha, kuwaas oo sahanka ku haya cudurka Holandeeska iyo nicmadaha nacladaysan. Laba aqoon-yahan oo u dhashay dalka Jabaan ayaa waxay kamid yihiin dhaqaal-yahannada u sahan-tegey muuqaallada cudurkan uu ku ridey qaar kamid ah dowladaha dhaca koonfur-bari ee qaaradda Aasiya. Labada dhaqaal-yahan waxaa la kala yiraahdaa Saukvisan Khinsamone iyo Hiroyuki Taguch. Iyagu waxay doorteen in ay cabbiraan caafimaadka uu qabo hannaanka dhaqaale ee u dhisan dowladaha ku bahoobay jamciyadda koonfur-bari Aasiya ASEAN (Association of South-east Asian Nations). Waddamadaas oo ah kuwo door aanan la dhayalsan ka cayaara fir-fircoonida nolosha dhaqaalaha dunida ayaa waxay yihiin kow iyo toban dal oo is-bahaystay. Iyagu waxay yihiin Thailand, Burunai, Filibiin, Malesiya, Myanmar, Indoneesiya, Singaboor, Vietnam, Laos, Kamboojiya iyo East Timor.
Waddamadaas ayaa wadar-ahaantooda, dhowrkii tobaneeye sano ee la soo dhaafay, dhaqaalahoodu wuxuu ahaa mid kor u socday. Cel-celis wuxuu kordhayay 5,6 % muddadii u dhexeysey 1990-kii illaa iyo 2016-kii. Iyagu waa ay ku kala duwanaayeen xoogga dhaqaalaha iyo faa’iidada. Burunai iyo Sigaboor ayaa ahaa kuwo heerkoodu sareeyo. Malesiya iyo Thailand ayaa ahaa kuwo heerkoodu dhexeeye. Indoniisiya iyo Kamboojiya ayaa iyana ahaa kuwo heerkoodu hooseeyo. Farqiga u dhexeeya dhaqaalaha waddamadan kow iyo tobanka ah wuxuu salka ku hayaa laba arimood. Hantida ma-guurtada ah oo dal-walba uu leeyahay iyo hal-abuurka farsamada wershadaha.
Labada dhaqaal-yahan waxay tusaale u soo qaateen waddamada ah Laos, Vietnaam, Indoneesiya, Myanmar iyo Malesia. Markii la eego hannaankooda dhaqaale muddadii u dhexeysey 1980-kii illaa iyo 2015-kii, waxaa la helayaa in qayb dowladahaas kamid ah ay xoojiyeen dhaqaalaga ku dhisan wax soo-saarka wershadaha. Halka qaybta kale oo dowladahan ah ay dhaqaalahoodu ku xoojinayeen ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah. Indoneesiya oo bilowgii sanadihii 1980-aadkii dhoofsan jirtay shidaal badan, si xooggan ayay u yaraysay oo wexey xoogga saartay wershadaha. Waxaa lamid ah Malesiya oo iyadana yaraysay khayraadkii dabiiciga ahaa oo ay dalka kala soo bixi jirtay. Labadaas dal waxay maal-gashi badan ku sameeyeen wershadihii, iyaga oo dhiiri-geliyay wax soo-saarkii dhanka wershada ah. Natiijadii waxay noqotay in dhaqaalahoodu uu noqdo mid ka caafimaad badan dowladihii dhaqaalahooda ku xiray khayraadka dabiiciga ah.
Maqaallo ay aqoon-yahannadu ka qoreen dhaqaalaha waddamadan, waxay ku sheegeen, marka laga reebo Singaboor iyo Burunai, dowladaha is-bahaysiga in dhaqaalahoodu yahay heer-dhexaad. Arintaasina waxay waafaqsan tahay xogta uu Bangiga adduunka ka hayo dhaqaalaha waddamadaas. Labada dal ee kala ah Laos iyo Myanmar ayaa waxay yihiin kuwa ugu dhaqaale liita is-bahaysiga. Dalka Laos wuxuu leeyahay dhaqaale si xawli ah u koray iyadoo ay dawladdu dhiiri-gelisay baahinta iyo kobcinta shirkadaha gaarka loo leeyahay. Dalku wuxuu noqday ciyaartooy gobol oo ka qayb-qaata curinta tamarta biyaha laga dhaliyo. Dalka Myanmar ayaa isna wuxuu ku socdaa in uu noqdo xoog dhaqaale ee degaanka, khayraadka uu leeyahay iyo fur-furaanshaha dhaqaale darteed.
Qoraalka ay aqoon-yahannadu ka sameeyeen waddamadan, waxay ku xuseen talo ay siinayaan labadaas dal ee dhaqaalahoodu uu soo kobcay. Waxay u sheegeen in ay ka

aan qulqulka lacagaha uu cudurku la socdo. Wax badan ayay aqoon-yahannadu ka hadleen cudurkaas iyo qorshayaalka lagaga badbaadayo. Arintaasi waxaa laga dhaxlay casharro canaawiin waawayn ku qoran oo ay ku liibaaneen dowladihii inta fahmay dhaqan-geliyay si ay uga hor-tagaan dakharrada cudurka. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa waddamada Australia, Kanada, Ruusiya iyo Norway oo kamid ah dowladaha dhaqaalaha xasilloon ka sameeyey khayraadka dabiiciga ah, cudurkiina uusan taaban.
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Casharkii 11-aad
Dhallinyaro ogaada dhaqaalaha dunida waa mid sidii shabakaddii isugu xiran. Ummadaha ku guuleysta dhismaha dhaqaalaha adag ee xasilloon waxaa guusha u keeney aqoon ay weheliso khibrad iyo talo siyaasadeed oo ay u golo-fariisteen dadkooda waayeelka ah. Sidaa darteed, guusha ay ummaduhu ku naaloodaan iyo hab-raaca ay qaateen wuxuu inoo yahay cashar aynu ku fahamno qaabkii looga tallaabsan lahaa dabinnada nolosha ee nagu-riixaya boholaha cawaaqibtooda aanan la mahadin. Afarta dowladood oo aanu soo xusnay (Australia, Kanada, Ruusiya iyo Norway) waxay mudan yihiin in laga tusaale qaato, qaabkii ay dowladohoodu u badbaadiyeen dhaqaalahooda, xilli uu cudurku albaabada u soo garaacay, adduunkuna uu galay sicir-barar dhaqaale.
Aqoonta laga diyaariyay qaabka ay uga badbaadeen, waa mid buugaag badan lagu xardhay. Laakiin qoraalkayagu waa guud-mar kooban. Haddii aanu ku hor-marno Australia, waa dal lagu naanayso dalkii nasiibka wacnaa. Laakiin dalku taariikhdiisa oo dhan maahayn mid nasiib wacan oo xilliyo adag ayaa soo maray. Labaatankii sano ee la soo dhaafay Australia dhaqaalaheeda wuxuu ahaa mid si xooggan ugu xirmay ka-faa’iideysiga kobocii xoogganaa ee dhaqaalaha oo dalka Shiinuhu uu gaaray muddadii u dhexeysey sanadihii 2000 - 2010. Muddadaas, qiyaas ahaan rubuc ka mid ah wax-dhoofinta Australia waxay aadaysay dalka Shiinaha. Waxay dalkaas u dhoofin jireen agab ceyriin oo fara badan oo ay kamid yihiin macdanta birta ah iyo dhuxul-dhagaxa. Dhaqaal-yahanka la yiraahdo Max Warner Corden, wuxuu odey ka yahay kuliyadda dhaqaalaha ee jaamacadda (Melbourne University). Waraaq uu ka diyaariyay mowduucan wuxuu ku sheegey, muddadii lixda sano ahayd (2005 - 2011), dhoofinta macdanta dalka Australia waxay korortay qiyaas ahaan 85 %. Arintaasi waxay sababtay in dakhligii dalku uu kordho 41 %.
Dhoofintaas macdanta waxaa 100 % ku noolaaday qiimihii macdanta iyo dhuxusha uu dalku lahaa, kuwaas oo aanan markii hore si wanaagsan looga faa’iideysan jirin. Baahida dheeriga ah oo xilligaas Shiinuhu ay u qabeen macdantan ayaa Australia ay ku heshey kororkaas dhaqaale oo faa’iidada badan. Ganacsigaas ayaa muddo toban sano ah wuxuu ku socdey kala faa’iideysi labada dhinac ah. Hanti badan ayaa Australia ka soo gashay macdantii iyo dhuxushii badnayd oo ay Shiinaha u dhoofinayeen. Lacagta badan oo ka soo laabanaysay ganacsigaas waxaa ku hdomay dowladdii Australia iyo dadkeedii. Waxaa koboc wanaagsan muujiyay dhaqaalihii dalka. Laakiin sawirkaas farxadda badan ma noqon mid sii socda.
Hannaankii dhaqaale ee dalka ayuu wuxuu ku keeney waxa ay dhaqaal-yahannadu u yaqaaniin dhaqaale laba-xawaareynaya (Two-Speed Economy). Macnaheedu waxay tahay, badeecadihii uu dalku dhoofinayay ee xoojinayay dhaqaalaha oo aanan jaanta la-helin wax soo-saarkii kale. Prof. Max Warner Corden, wuxuu qoraalkiisa ku sheegey, arintan in ayan dhaqaalihii Australia ka yeelin mid laba-xawaarenaya, bal ay ka yeeshey mid saddex-xawaareynaya. Wax soo-saarkii dalka ayuu ku tilmaamay qayb si xad-dhaaf ah u xawaareeneysa (badeecadda macdanta), qayb xawaare dhexe ku socota (badeecadihii kale) iyo qayb fadhiid noqotay (badeecadihii aanan ganacsi-galka ahayn). Dhaawaca ay godantooyadu soo gaarsiisay dhaqaalihii dalka, halkaas ayay ka muuqatay.
Iyada oo xaaladdu ay caynkaas tahay, ayaa goor danbe hakad ku yimid ganacsigii macdanta iyo dhuxusha, kadib markii ay is-dhintay baahidii uu Shiinuhu u qabay badeecaddan uga imanaysay dalka Australia. Xaaladdii waa ay sii xumaatay. Hantidii badnayd oo macdanta ka soo geli-jirtay waxay raad ku yeelatay sarrifkii dollar-ka Australia oo ka saad-caleeyey lacagihii kale oo ganacsigu ka dhexeeyey. Sidaa darteed cabsi hor leh ayaa dhankaas kaga soo korortay reer Australia. Dowladdii iyo aqoon-yahankeedii, markii ay si wanaagsan isula qeexeen in dhaqaalahoodu xanuunsan yahay, dalku wuxuu qaaday tallaabooyin wacan oo ay looga hor-tegayo cudurka Hollandeeska, kuna badbaadinayaan caafimaadka dhaqaalahooda. Iyada oo laga faa’iideysanayo khibraddii dalka Holland, tallaabooyinka ay dowladdu qaaday waxaa kamid ahaa in lala dagaalamo

ku yimid lacagtooda si loo ilaasho wax soo-saarkii dalka gudihiisa ahaa. Waxaa kale oo kamid ahaa in la adkeeyo hannaankii maaliyadda (Financial System) iyo daah furnaantiisa.
Tallaabo kale oo dowladda Australia ay qaaday ayaa waxay ahayd in ay aqoon-yahanno shisheeye la kaashatay qaabkii loo yarayn lahaa musuqa ka jira suuqa dhaqaalaha ee dalka. Iyada oo la xoojinayo arinkaas, dowladdu waxay marti-gelisey shir-wayne caalami ah oo lagu magacaabo Is-weydaarsiga Daah-furnaanta Wershadaha (Extractive Industries Transparency), kaas oo dalka ka dhacay bishii mey 2013-kii. Dowladda Australia, waxaa kale oo ay adeegsatay aragtida dhaqaale ee ah (Sovereign Wealth Funds), taas oo yareeneysa wax soo-saarkii khayraadka dabiiciga ahaa si kayd loo reebo facaha danbe. Xataa lacagihii la heley ayaa facahaas danbe loo maal-geliyay si ay faa’iidada u yeeshaan. In-kasta oo cabsi badan ay soo food-saartay dhaqaalaha Australia, culimo badan oo aqoon-yahanno dhaqaale ahna ay ka digeen hoos u dhaca ku iman-karay dhaqaalaha Australia, misana dalku weli wuxuu haystaa hannaan dhaqaale oo adag. Xiisadda dhaqaale ee sanooyinkan ka taagan dunida, weli Australia waxay kaga jirtaa ummadaha uu dhaqaalahoodu xasilloon yahay. Nidaamkeeda xisaabaadka iyo daah-furnaantu wuxuu ka wanaagsan yahay dalka Mareekanka iyo wadamo badan oo Yurub ah.

Iskaashi - Maxaad jeclaan lahaydeen in aan sameeyo?
Anonymous Poll
40%
Signals badan oo bilaash ah
14%
Sharixitaan badan oo wata nashqadiisa
7%
More casharo oo Youtube aan soo dhigo
9%
Kulanjoogta ah oo weekend ka aan qabano Zoom
21%
Course A-Z oo ku saabsan suuqa
8%
Mentorship - La talin group-group ah
Forwarded from SOMALI ONLINE TRADER
https://www.bbc.co.uk/news/stories-50435014
AKHYAARTA SII FAAFIYA FADLAN SI DADKA MAANTA ONE COIN LAGA IIBINAYO LOOGA BADBAADIYO SCAM KA ONE COIN.

BBC News
Cryptoqueen: How this woman scammed the world, then vanished
How did Ruja Ignatova make $4bn selling her fake cryptocurrency to the world - and where did she go?
Forwarded from 007gggX
ASC Wr wbr
Family and friends, asxaabta iyo ehelka.
Waxaa Sharaf inoo ah in aan idinku casuuno xaflad lagu daahfurayo xafiis cussub oo aay London ku yeelan doonto, shirkad Somali Online Trader oo ka howlgasho suuqa samiayada Aduunka ee Forex trade.
Address
Duniya evants 203 High St
London
NW10 4TE
England
Date: 03/12/19
Time: 18:30-21:30
Contacts:
07508 379099
07448 320743
07958121513
Thank you
London team.