Forwarded from 007gggX
YouTube
Bitcoin Kor ukicis ayaa ha Sadaashiisa Hada iyo Yawar Shah oo ah madaxa SWIFT Bitcoin Dunida Wax?
😀 Waad KU Mahadsantahay DAWASHADA
-~-~~-~~~-~~-~-
🚩 Hana Iloo Bin In aad Chanelka Subcribe Dhahdo
-~-~~-~~~-~~-~-
🔔 Tabo Gab Balelka Is Aysan Wixii Cusub Ku dhaafin
-~-~~-~~~-~~-~-
Isticmaal marwalba browerskan brave…

Scw dhamaan akhyaarta meel kasta aad ka joogtaan.
Waxaan rabaa in aan idin la wadaago casharo Taxana ah oo ku saabsan economy ga si gaar ahaanayd.
Casharadan waxaa soo jeedinaya Macalin keygii dugsiga markaan yaraa oo aan degenaa Rinkeby, Stockholm, Sweden - Macalin Dr Sadiq Enow.
Dr Sadiq wuxuu ahaa macalin wax badan aan ka bartay, oo weliba aan u bartay si xiiso leh, maadaama uu wax noo barijiray si ka duwan macalimiinta kale.
Waa macalin aqoon aduun iyo mid aakhiraba meel fog ka gaaray.
Waxaan rajeynayaa casharadiisa in aan wax badan ka faaiideysano iA.

ARAGTIDA NICMADAHA NACLADAYSAN
Casharkii 1-aad
Dhallinyaro, nicmadaha nacladaysan waa cashar taxane ah oo inoo bidhaaminaya aragti cusub oo la xiriira aqoonta dhaqaalaha, taas oo aadamigu uu ku baraarugay muddada dhwor iyo labaatankii sano ee ugu danbeeyey. Aragtidu waxay sheegeysaa in dhaqaaluhu yahay nicmad iyo naclad wada-socda, waxay sheegeysaa barwaaqo iyo inkaar wada-socda, waxay sheegeysaa baraare iyo habaar wada socda. Sida fahamka aadamiga ku xooggan, arimahaasi maahan kuwo is-qaadan kara ama laysu soo dhoweeyo. Laakiin aragtida ah nicmadaha nacladaysan waxay inoo tilmaamaysaa in ay labadan arin ay yihiin kuwo isku-laran oo aan kala maqnayn.
Bal marka hore aynu si guud u qeexno ereyada ah nicmad iyo naclad. Ereyga ah nicmad wuxuu tilmaamayaa saddex xagal oo kala ah axadka nicmadda bixiyay, axadka nicmadda heley iyo nicmadda qudheeda. Axadka bixiyay waxay nicmaddu u tahay astaan inoo muujinaysa faxnaanta awooddiisa iyo ka war-qabka ay xannaanada weheliso oo uu ku bixinayo nicmadaha kuna siinayo ciddii uu la doono. Unug walba oo jirka aadamiga ah iyo deeqda uu ka helayo dibadda iyo gudaha ayaa waxay tahay nicmad aanan xisaab looga daba-tegi karin. Axadka nicmadda heley ayaa isna wuxuu yahay aadamiga dhulka ku matalaya abuur midkiisa ugu mudan, ugu qallafsan, uguna ammakaak badan.
Nacmadda ayaa iyana waxay tahay wax-walba oo labadaas u dhexeeya, kuwaas oo u jooga adeegsiga aadamiga. Dhan-walba oo la eego waa ay ka muuqataa iyada oo aanan loo dareen qabin in ay nicmad tahay. Maxaa-yeeley waa la caadaystay oo waxay inoogu muuqataa in aanu xaq u yeelanay. Joogteynteeda waxay markhaati u tahay in ay ka imanayso axad deeq iyo dul-qaad isku darsaday. Quraanku wuxuu inoo qeexey, nicmadaha laynoo hibeeyey mid kamid ah oo keliya in ayan jirin cid tira-koobi kartaa.
Yaa tira-koobi kara hawada qofku qaato iyo curiyayaasha raashinka uu cunayo ?. Yaa tira-koobi kara ogaallada uu caqliga inoo fasirayo iyo unugyada dhiigga ku qul-qulaya xidaddadeena ?. Yaa tira-koobi kara cajiladaha aragga oo joogtada u keydinaya sawir-kasta oo inoo muuqda ?. Yaa tira-koobi kara xarfaha ay duubayaan cajiladaha maqalka ee aanu dhegeysanayno ?. Yaa tira-koobi kara hor u-marka aqooneed iyo sahanka ogaallada uunka mug-yarta iyo mug-waynta ?. Yaa tira-koobi kara hantida keydka ah ee ku aasan dhulka iyo badaha hoostooda ?. Yaa tira-koobi kara dhibcaha roobka iyo xisaab-xilliyeedka ay ku da’ayaan ?. Yaa tira-koobi kara iniinaha elektroonnada dhalinaya tamarta joogtada ah ee qorraxda ka imanaysa iyo ilayska dayaxa iyo xiddigaha oo aanu adeegsanayno ?. Yaa tira-koobi kara awoowayaasha aanu dhabarkooda ku soo rog-rogmanay iyo ayeeyayaalka aanu ilma-galeenkooda ku soo hayaannay si aanu uga mid noqonno dadka maanta camiray nolosha ?.
Nicmadda nabadgelyada iyo xasilloonida ayaa intaba u hooyo ah, taas oo haddii la waayo ayan jireen indho seexda iyo hunguri ay luqmad marto. Nicmad dhamaanteed waxaa lagu soo ururin-karaa laba arimood oo kala ah nicmad nolol (caafimaad qofeed iyo mid bulshadeed) iyo nicmad hanti (luqmad la quuto iyo nabadgelyo lagu hoydo). Waxaa xusid mudan in ayan weli dhicin in uu qof ku dhiirrado isku-deyga ah tira-koobka nicmadaha loo hibeeyey aadamiga, mana dhici-doonto in uu qof u joogsado arinkaas. Sidaa darteed nicmaddu maahan mid ku timaadda howl uu aadamigu qabtay iyo kartidiisa, bal waxay tahay hibo xagga eebe laga helo, taas oo doorashadiisa lagu dhaxlo. Nicmadahaas oo si hufan loogu qaybiyay basharka ayaa reerkii si togan aanan u adeegsan waxay ku noqotaa nacalad iyo inkaar.
Aadamiga qarnigan 21-aad nool waxay wax-badan ka fahmeen nolosha. Waxay nasiib u yeesheen in ay helaan ogaallo ayan helin iyo aragtiyo ayan fahmin dadkii ka horeeyey. Ogaalladaas la heley kuwoodii ugu danbeeyey waxaa kamid ah aragtidan ay aqoon-yahannadu ku magacaabeen nicmadaha nacaladaysan. Waa aragti tilmaamaysa in ay jirto naclado la socda nicmadahaas faxan, kuwaas oo u baahan in laga ilaashado. Aqoon-yahannada dhaqaale-baradka adduunka, si muga wayn ayay uga digayaan nacladahan inaanan lagu kadsoomin. Sidaa darteed, iyagu olole xoog badan

dunida ka wadaan oo aadamigu ay ku fahamsiinayaan luggooyada basharka ugu sugan nicmadaha nacladaysan.
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Casharkii 2-aad
Dhallinyaro, ereyga ah naclad (Lacnad) ayaa isna wuxuu yahay erey taban (negative) oo ah mid ka-soo hor-jeeda ereyga ah nicmad. Nacladdu waxay tilmaamaysaa khayrka iyo barakada oo suula. Aqoon-yahannada qaarkood waxay ereyga nacladda ku sheegaan in uu yahay, hakad iyo joogsi ku yimaada wax-kasta oo nicmaddu ay wadatay. Laakiin fasir intaas ka xeel-dheer ayaa jira oo wuxuu yahay, wax kasta oo nicmadda ka-soo hor-jeedka ah ayaa naclad ah. Nacladdu waxay ku degataa ama qof ama bulsho ama degaan. Ereygan oo ay bacawnimada weheliso waxaa lagu xusay kutubta samaawiga ah (Towraad, Injiil iyo Qur’aan). Diimuhu waxay inoo sheegayaan ereyga macnihiisu in uu yahay caro eebe oo soo degata. Sidaas si lamid ah ayaa ereygan waxaa laga helaa dhaqamada dadyowga rumeysan diimaha kale oo ay kamid yihiin Hinduuga iyo Buudaha. In-kasta oo ay taasi tahay macnaheeda guud, misana nacladdu siyaabo kale ayaa loo adeegsadaa oo dhamaantood ay yihiin arin khayrka iyo guusha ka fogeeneysa qofka ama bulshada.
Haddii uu dhaqaaluhu yahay nicmad wuxuu doonayaa garaad lagu ilaashado, haddii awlaaddu ay yihiin nicmad wuaxay doonayaan anshax lagu ilaashado, haddii dhulku uu yahay nicmad wuxuu doonayaa itaal lagu ilaashado, haddii diintu ay tahay nicmad waxay doonaysaa dhowrsanaan lagu ilaashado, haddii bulshadu ay tahay nicmad waxay doonaysaa jacayl lagu ilaashado, haddii caafimaadku uu yahay nicmad wuxuu doonayaa aqoon lagu ilaashado. Nacladdu waxay tahay in laga arradnaado tilmaamahaas kuu ilaalinaya nicmadaha la naawilayo oo aanan ahayn mid hayb ahaan dadka ula joogta. Nicmaduhu qoomlii ilaashadana waa ay la joogaysaa, qoomkii ku cayaarana naclad ayay ku noqonaysaa.
Haddaanu intaas kaga harno qeexiddii labada erey ee is-diidan (Nicmad & Naclad), waxaanu xusaynaa in isla-markaas ay yihiin laba erey oo aanan kala harin. Sidaa darteed ayaa aqoon-yahannada casriga ah ay erey-bixintooda isu raaciyeen. Labadan erey oo midna yahay nicmada iyo khayr (Resource), midka kalena uu yahay naclad iyo inkaar (Curce), markii lays-raacsho waxay isku-noqonayaan erey-bixin aqooneed. Afka ingiriiska waxay ku noqonayaa (Resource Curse). Afka carabiga waxay ku noqonayaan (لعنة الموارد). Erey-bixintan waxay tahay mid lagu eego hannaanka dhaqaalaha ee ummadaha aadamiga ah. Waxaa lagu falanqeeyaa nicmadaha qaybtooda la xiriira hantida ma-guurtada ah, wanaageeda iyo xumaanteeda, berya-samaadkeeda iyo bur-burkeeda.
Wixii ka horeeyey dabayaaqadii qarnigii tegey, aragtida nicmadaha nacladaysan maahayn kuwo aadamigu uu ku baraarugsanaa. Marka heer qof laga tago, nacaladdan ayaa sida qaalibka ah waxay ku dhacdaa bulshooyinka nugul ee dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan danbeeya, laakiin mar-qura ku hodama kheyraadka dabiiciga ah. Waxaa hubaal ah in-badan oo kamid ah ummadaha ugu hodansan dunida in dalalkoodu ay ka aradan yihiin hantida dabiiciga ah oo ay hodanka ku yihiin ummadaha taagta-daran ee ku fashilmay in ay ka faa’iideystaan nicmadaha ay dhaxleen. Dowladahan haysta hantida ma-guurtada ah waxay ku caan-baxeen musuqmaasuq, dib u-dhac dhanka wax soo-saarka, amaah badan oo ay qaataan, xasillooni la’aab siyaasadeed, colaado sokeeye iyo dib u-dhac nololeed. Arimahaas ayaa waxay bulshada ku riixaan hannaan siyaasadeed oo ay gunnimo ka dhaxlaan.
Nicmadaha nacladaysan, waxay badanaa horseeddaa hab-raac nololeed iyo manhaj dhaqankeedu uu dadka ku ridayo waaddada fadhiidka, musuq-maasuqa iyo saboolnimada. Waxaa jiray erey bixin lamid ah nicmadaha nacladaysan, kaas oo ereygan kaga horeeyey fagaaraha aqoonta dhaqaale. Erey-bixintan hore waxay ahayd Cudurka Holandeeska (Dutch Disease). Cudurku wuxuu tilmaamayaa sabab kamid ah cawaaqib xumida dhaqaale oo ku timaadda bulshooyinka in ay kamid tahay nicmadda oo ku badata. Raadka taban (negative) oo hantida dabiiciga ah ay ku yeelato nolosha dadka ayuu cudurku soo bandhigayaa. Sida ka muuqata magaca dalka cudurkan loo nisbeeyey (Holland), cudurku waa tijaabo taban oo ku dhacday dalkaas. Sanadikii 1959-kii ayaa waxaa laga heley shidaal. Bilowga Sanadihii 1970-aadkii ayay la soo baxeen shidaalkii, markaa oo si xooggan uu

kobcay barwaaqa-soorankii dadkeeda. Sababtu waxay ahayd, iyaga oo heley keyd gaas badan oo ceegaaga xeebaha uu dalkaasi ku leeyahay badda waqooyiga (North Sea). Baddan ayaa waxay kamid tahay bad-waynta Atlantikada oo waxay u dhexeysaa jasiiradda Ingiriiska iyo dalka Holland.
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Casharkii 3-aad
Maqaal lagu soo daabacay wargeyska The Economic Journal, bishii disember 1982-kii, ayaa markii ugu horeysey uu dibadda u soo baxay erey-bixinta cudarka Hollandeeska. Maqaalka waxaa qoray labada dhaqaal-yahan oo la-kala yiraahdo W. Max Corden oo u dhashay Australian iyo J. Peter Neary oo u dhashay dalka Ireland. Labadan aqoon-yahan waxay kamid yihiin ruug-caddaaga looga danbeeyo aqoonta dhaqaalaha dunida. W. Max Corden wuxuu ku takhasusay difaaca ganacsiga adduunka (International Trade Protection), isla-markaas wuxuu wax badan ka shaqeeyey hannaanka cumladda adduunka (International Monetary System). J. Peter Neary ayaa isna ku takhasusay ganacsiga adduunka (International Trade) iyo siyaasadda dhaqaalaha (Political Economy). Wuxuu macallin ka uayah jaamacadda Oxford.
Maqaalkaas wuxuu ahaa midkii ugu horeeyey oo soo hadal-qaaday dib u-dhaca ku yimid dhaqaalaha dalka Holland, kadib markii ay heleen gaaska dabiiciga ah. Labada aqoon-yahan maqaalkaas ay sida wada-jirka ah u soo saareen, waxay si tifaf-tiran uga war-bixiyeen, cudurka Hollandeeska iyo khatarta uu ku yahay dhaqaalaha ummadaha adduunka. Intaas kuma ekaan ee waxay qeexeen wuxuu cudurkan yahay iyo sida uu ku yimaado. Waxaa kale oo ay ka war-bixiyeen sida looga hor-tegi karo, iyaga oo takhaatiirtii cudurka ka dhigay xubnaha siyaasadda u haya bulshada. Sidaa darteed, maantaas wixii ka danbeeyey, muddo 30 sano ah ayuu ereyga ah cudurka Hollandeeska wuxuu ku qornaa safxadadaha qaamuusyada marjica u ah aqoonta dhaqaalaha.
Cudurkan maahan mid ku eg dalka Holland oo keliya. Bal wuxuu ku dhacaa waddan walba oo intuu ku hodmo shidaalka ay hoos u dhacdo badeecadihii kale oo uu dunida u dhoofinayay. Arintaasi waxay u muuqaal eg-tahay nin kamid ah cayaartoy kubadda cagta ah oo cayaarta gudaheedii doonaya in keligiis uu kubadda qaato oo goolka dhaliyo oo kooxdu sidaas ay guul ku gaadho. Haddii ayan kooxdu iskaashan waa ay suuragal noqon-meyso in kooxdu guuleysato. Sidaas si lamid ah, ganacsiga dalku uu dibadda u dhoofinayo haddii uusan ahayn mid kala duwan, waxaa curyaamaya dhaqaalihii gudaha, cilladdii cudurka sababi-lahaydna halkaas ka raacaysaa. Waayo wax badan oo kale oo dalka wax u noqon lahaa ayaa bur-buraya. Waxaa iyana jirta seyladaha dunida oo aanan ahayn mid ay dowlad keliya u taliso. Waxaa suuragal ah, badeecaddii keliga ahayd oo dowladdu ay dibadda u iibgeysey in si heer caalami ah sicirkeedii uu hoos ugu dhacdo. Waxaa halkaas ka imanaya fal-celis dhaqaale-xumi ah oo ku dhacaya dalkii halka badeecad soo dhoofsanayay.
In-kasta magacaabiddii cudurkan ay ahayd dhacdo si gaar ah xiriir ula leheyd badeecadda shidaalka, misana maahan mid shidaalka keliya ka hadlaya. Badeecad kasta oo shiiqisa soo-saarka badeecadaha kale ee dhaqaalaha dal uu hodan ku yahay, waxaa ku dhacaya cudurkan. Dhaqaal-yahannadu waxay xusaan dhacdooyin taariikhiga ah oo tilmaamaya ummado uu dhaqaalahoodu ku dhacay cudurkaan. Waxaa kamid ah dalka Asbaaniya. Qarnigii 16-aad markii ay u qaxeen qaaraddii cusbeyd ee Mareekanka, dahabkii badnaa oo ay ka soo bililiqeysteen ayaa wuxuu shiiqiyay kobicii dhaqaalahooda. Waxaa kale oo cudurkan uu ku dhacay dalka Ausralia oo bartamihii qarnigii 19-aad laga heley degaano uu dahabku ku badan yahay. Markaas ayaa dahabkii wuxuu noqday dhaqaalaha keliya oo dalku xoogga saaro, badeecadihii kalena laga caajisay.
Waxaa dhaawaca keenaya hor u-makaa ka dhalanaya lacagaha adag oo tirada badan, taas oo ay keentey sare u kac ku yimid qiimaha kheyraadka dabiiciga ah, kaalmada shisheeye, iyo maalgashiga shisheeye ee tooska ah. Arimahaasi waxay xoojinayaan hannaanka kobcinta halka badeecad. Ganacsiga dhoofinta badeecadda culus ee keliga ah (Single Major Commodity) oo la xoojiyo, waxaa kale oo ah xumeeneysaa qaybintii khayraadka dalka. Bulshadii isku-si wax u gaari-maayaan. Waxay khayraadkii iyo dowladnimadiiba gacanta u gelineysaa koox tira-yar, bulshada inteedii badnayd waxay noqonayaan kuwo dayacan. Bulshada caynkaas ah waxay noqonaysaa kooxdaas yar ee hodanka ah iyo dadka intiisii badnaa oo sabool ah. Waxaa halkaas ka baxaya fursadihii ay ku abuurmi-

aayeen dabaqaddii dhexe oo dalka ka shaqayn lahayd.
Oonta dhaqaaluhu waxay qabtaa aragti la yiraahdo hoos u-dhaca cumladda (Currency Depreciation) iyo kor u-kaca cumladda (Currency Appreciation). Aragtidu waxay ka hadlaysaa luminta qiimaha lacagta dalka ama xoojinteeda, iyada oo laga cabbir qaadanayo mid ama in ka badan lacagaha culus ee la-tixraaco. Tusaale-dhig waxaanu u soo qaadanaynaa sida ay isu shiiqinayaan laba kamid ah lacagaha adduunka ugu culus oo dadkoodu ay ugu ilaalo badan yihiin. Sanadkii 2008-dii, qiimaha 1,47 euro wuxuu ahaa 1 dollar. Sanadkii 2012-kii, qiimaha 1,29 euro wuxuu ahaa 1 dollar. Sanadkii 2015-kii, qiimaha 1,11 dollar wuxuu ahaa 1 euro. Shaxdan waxaa ka muuqata in cumladda euro ay soo cuslaanaysay marka la barbar-dhigo dollarka. Waxaa halkaas ka muuqda kor u-kaca sanadahaas uu dollarku sameeyey. Taasi waxay saamayn ku yeelanaysaa ganacsigii dibadda. Haddii uu kobocaas si deg-deg badan uu u dhaco, dhaawacu wuxuu ku soo noqonayaa gudaha oo cudurkii Hollandeeska ayaa bur-burinaya mu’asasaadkii dowladdu ku taagnayd.

Casharkii 4-aad
Dhallinyaro, waddanka Holland marka uu dhaqaalaheedu cudurka ku dhacayay, dalku wuxuu kamid ahaa welina kamid yahay waddamada dhaqaalahoodu uu ku xiran yahay wax soo-saarka wershadaha. Goortii ay heleen saliidda shidaalka, waddanku wuxuu markaas noqday mid si lama-filaan ah hor u-mar muuqda ku gaarey oo dalku uu dhaqaale badan ku heley. Markaas bulshadii reer Holland waxay la muraaqoodeen farxad iyo rayn-rayn, iyaga oo markaas filanayay in ay si deg-deg ah u hodmaan. Waayo, iyada oo wershadihii ay u shaqaynayaan ayaa shidaalna u soo kordhay. Laakiin waxaa dhacday arin middaas ka-soo hor-jeedkeeda ah, oo shidaalkii ay heleen ayaa ku noqday nicmad uu nabar la socday.
Inteynaan ka faalloon qaabka reer Holland uu nabarku u gaaray, aynu isla-eegno xoogga lacagaha dowladaha adduunku isticmaalo ay ku qiimeysan yihiin, kaas oo ah wax soo-saarka dowlad walba. Sidaa darteed dowladaha uu wax soo-saarkoodu hooseeyo, waxaa yar qiimaha lacagtooda sida shilinka Soomaaliga. Kuwa wax soo-saarkooda uu xooggan yahay, iyagu lacagtoodu waa qiimo culus tahay sida dollarka Marekanka oo kale. Waxaa hubaal ah lacagtaas qiimaha culus wax wayn ayay ka goysaa waddamada ay lacagtoodu raqiiska tahay. Mar haddii ay lacagtaadu hooseyso waxaa raqiis noqonaya wax kasta oo aad haysato oo aad doonayso inaad u iib-geyso seyladaha caalamka. Cidda lacagteedu culus-tahay waxay awooddaa in ay raqiis ku soo iibsato wax waddamada nugu qaali ku ah.
Shidaalka oo ah hantida loogu baahi badan yahay seyladaha adduunka, ayaa waxaa si aad ah u doonaya waddamada siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan qaangaarka noqday. Iyagu lacagta ay ku bixinayaan shidaalka waa lacag adag (Hurd Currency). Lacagta adagna waxay ka helaan wax soo-saarkooda xooggan. Dad-waynihii Holland shidaalkii ay dalka ka heleen wuxuu u dhalay in ay lacag culus oo joogto ah u soo xerooto oo bangiyadu u buuxsamaan. Si deg-deg badan ayay mar-qura cumladdii dalka Holland (Guilder) waxay ku noqotay mid ka culus lacagihii kale ee dowladaha dunida oo ganacsigu ay is-dhaafsanayeen sida dollarkii Mareekanka ( $), pound-k Ingiriiska (£), maarkaha Jarmalka (D-Mark) iyo frankaha Faransiiska (FF).
Iyada oo lala xiriirinayo wax soo-saarkii Holland oo kobcay, ayaa arintaasi waxay dhalisay in dalka Holland wixii uu dhoofinayay uu ka qaalisanaado wixii ay waddamada kale u soo dhoofinayeen Holland. Suuqii dunida ayay xoog ku yeesheen oo waxay ka xoog bateen shirkadihii dowladaha Yurub ee ganacsiga kula tar-tamayay. Waxaa u kordhay dakhligii dad-waynaha. Dowladda waxaa u kordhay cashuurtii u soo xeroonaysay. Markaad dhan ka eegto waa nicmad wanaagsan oo dadku markuu lacag helo waxay iibsanayaan wixii agab ah oo nolosha ay ugu baahan yihiin. Waxay noqonayaan dad ku dhaqaaqa caqliyadda ah in si xooggan loo adeegto. Caqliyaddaas ayaa waxay tahay mid ay riixeyso damaca ah waan doonayaa iyo waan heli-karaa.
Waxaa xusid mudan, reer Holland lacagtaas culus oo ay dibadda wax-walba ay raqiis kaga soo iibsadeen, gudaha dalka Holland in ay ka tahay lacag caadi ah. Waayo gudaha wax walba oo dalka yaal kor ayay isula kaceen. Is-beddelka dhaqaale ee dalka ku dhacay meesha uu ka yimid waa xoogga ay ku yeesheen xiriirkii ganacsi ee dibadda. Wixii ay dibadda u dhoofinayeen oo lacag badan oo culus ay ku helayaan iyo wixii ay soo dhoofsanayeen oo raqiis ugu imanaya. Berya-samaadka iyo hantida badan oo ay Holland wakhtigaas heshey waxaa weheliyay cudur dhaqaale oo aanan muuqan, kaas oo goor danbe kallifay in uu dalku la curyaamo. Cudurkaasi waa midka ay dhaqaal-yahannadu ku magacaabeen cudurka Hollandeeska (Dutch Disease).
Waxay ahayd xilli aqoon-yahannada dhaqaalaha ayan weli ku baraarugin in ay jirto naclado la socda nicmadaha sida deg-degta ah loogu hodmo. Naclad ayan filayn oo ayan ka gaashaaman ayaa waxay ahayd, in si qunyar-socod ah uu u baaba’ay wax soo-saarkoodii wershadaha. Waayo wax-kasta oo ay soo saari jireen, iyadii oo raqiis ah ayaa dibadda laga helayaa oo cumladda adag ayaa lagu soo iibsanayaa. Sidaa darteed xataa gudihii ayuu ku qiima-beeley. Waxaa xigay in wershadihii dalka ay tabar yareeyaan.

lka ayaa wuxuu noqday shaqada u furan dadkii muruq-maalka ahaa, halkaas oo ay ka helayaan mushar fiican. Hantiilayaalkii meesha keliya oo ay maal-gashtaan wuxuu noqday shidaalka. Beeralaydii iyo kalluumeysatadii waxay isaga-tageen xirfaddoodii. Daqaalihii dalka wuxuu noqday mid si xooggan ugu xirmay soo-saarka shidaalka oo keliya.
Fagaaraha shidaalku ma ahayn mid shaqo siin-kartay dadka reer Holland dhamaantood. Codsiyada tirada badan oo shaqa-doonka ah, waxay sabab u noqotay in uu halkaas ka abuurmo laaluush iyo eex. Musuqaas bilowday wuxuu noqday nabar hor leh oo gaaray dowladdii iyo dadkeedii. Dalkii wuxuu noqday mid ku hafanaya shaqo la’aan iyo wax soo-saarkii oo joogsaday. Iyada oo xaaladdu ay sidaas tahay ayaa shidaalkii la qodanayay uu yaraaday. Markaas ayaa dhaawacyadii uu cudurku lahaa ay ku soo baxeen. Waxaa dhaawacyadaas kamid ahaa miisaaniyaddii maaliyadeed oo yaraatay, shaqo la’aantii oo korortay, wax soo-saarkii oo fagaaraha ka baxay, musuqii oo kordhay, ugu danbayn sicir-barar dhaqaale ayaa bulshadii heley.

Casharkii 5-aad
Dhallinyaro, dadka reer Holland, xad-gudubyada uu ku reebey cudurkii Hollandeeska waxay kaga jawaabeen sil-silad siyaasadeed oo ah tallaabooyin xakamaysan. Si loo dhayo nabarradii cudurkaas, siyaasiyiintii dalka ma oggolaan in ay u kufaan duni bahalowday oo dhalasho iyo diin iyo aadaminimo laysugu hiiliyo ay ka dhamaatay. Iyaga oo ku qanacsan in xalku gudahooda yaallo oo aan dibad laga doonin, ayaa waxay qaateen siyaasad ay ugu tala-galeen in ay ku dhiirigeliyaan dadkooda si ay ugu soo laabtaan suuqa shaqada rasmiga ah. Khibradda laga dhaxlay barnaamijka siyaasad-dhaqaaleed oo ay qaateen, ayaa duruusteeda lagu dhigtaa jaamacadaha dunida ee waawayn.
Goortii uu guuleystey mashruucii ay isku badbaadinayeen, ataa waxaa baxday ooraahda ah: cudurkii hollandeeska, waxaa lagu daaweeyey daawo ay holland keentey. Sida waaqica ah, Holland dowlad iyo dadba waxay mudan yihiin in lagu qadariyo habsamida ay uga weecdeen gudcurka uu cudurku ku riixayay, si ay dadkooda u gaarsiyaan dhul nabad ah iyo baraaraha ay caruurtooda u naawilayeen.
Waxaa hubaal ah in ay jiraan dowlado tira yar oo ka badbaaday cudurrada nolosha oo iyagu gaaray nolol barwaaqo-sooran ah. Hoggaan leh hiraal xikmadaysan iyo doonitaan ay daacad weheliso ayay ku ilaaliyeen maslaxadda dad-waynahooda. Qaar kale oo kamid ah dowladaha adduunka waxay la il-daran yihiin koboc yari iyaga oo dakhligooda dowladeed uu aad u kordhayo. Waxaa u sabab ah sunta lagu darsaday kharashaadka soo gelaya maamullada hoggaanka u haya.
Reer Holland markii uu cudurka ku soo baxay waxay markii ugu horeysey ku fekereen in ay diraaseeyaan, si ay kula diriraan tallaabooyinka ku haboon. Iyagu waxay ogaadeen halka ay cilladdu uga timid. Waxay noqotay is dheelli-tir la’aanta (Non-homothetic) nolosha bulshada. Taasi waxay ka timid dakhliga xooggan ee qul-qulka kaga soo galay dalka dhoofinta saliidda. Waxaa qul-qulkaasi uu sababay in bulshada dhexdeeda ay abuurmaan tiro maal-qabeenno ah oo balaayiin lacag ah haysta iyo tiro intaas ka badan oo iyaguna malaayiin lacag ah haysta. Tallaabadii ugu horeysey oo ay qaadaan waxay ahayd in ay ka hor-tagaan khayaanada ay lacagtooda ku samaysay dhaqaalihii dalka.
Dowladda Holland waxay la timid siyaasad dhaqaale oo lcagteedii ka dhigta mid wax ku’ool ah oo looga hortegi karo dhaawacyadii uu cudurku reebey. Tusaale-dhig, waxay diyaariyeen lacago badan oo loogu tala-galay si dib loo yagleelo qaabka hannaankii dhaqaale ee dhisnaa ka-hor intaanan saliidda la helin. Waxay yeeleen, dhaqaalihii faa’iidada ahaa ee gudaha laga helayay ayaa waxaa lagu bixiyay in la xoojiyo dhoofinta wax soo-saarka dalka oo sii tabar-yaraynayay. Waxaa sidaas loo yeelayay in la abuuro sanduuq lacageed oo lagu ilaaliyo madax-bannaanida dalka (Sovereign Wealth Funds). Ujeeddada laga leeyahay waxay ahayd in la hakiyo dhaawaca ay geysanaysay lacagta qul-qulka ah, si loo xasiliyo kuleylka ay ku rideyso dhaqaalaha dalka, kaas oo intuu lacagtii kar-kariyo kor u qaadaya. Wixii lacag dheeri ahaa, dowladdu waxay gelisey waxbarashada iyo hagaajinta dhisma-hoosaadka ee si togan u caawini-doona koboca dhaqaalaha dalka.
Tallaabo kale oo la qaaday waxay ahayd in lala diriro loofarnimada. Sida caadadu tahay, qofku markii uu lacagaysto, in-kasta oo baahidiisii qof ahaaneed ayan is-beddelin, misana wuxuu doonayaa nolol raaxo badan oo kharaj siyaado ah ku baxa. Haddii uu guri degganaa wuxuu rabaa in uu dego qasri. Haddii uu gaadiid lahaa wuxuu doonayaa in uu ku socda baabuurta midkooda ugu qaalisan. Lebiskiisii wuxuu gelinayaa kharaj dheeri ah, fadhigiisii wuxuu gelinayaa kharaj dheeri ah, raashinkiisii wuxuu gelinayaa kharaj dheeri ah. Dersiga halkaas ay reer Holland ka qaateen wuxuu yahay in aadamiga mar-kasta oo ay wax u kordhaan oo doonayo siyaado. Aragtida dhaqaale oo caynkaas ah waxay abuuraysaa bulsho aanan isu dheeli-tireyn, taas soo ku biya-shubanaysa maamul xumi iyo damac waalan.
Goortii cilladdii la fahmay waxaa su’aal leyska weydiiyay qaabkii loo wajihi lahaa wax ka qabadeeda. Si ay u hubiyaan waddada saxa ah oo ay ugu tegayaan waxa ka-qabadkeeda, waxay noqotay arin

an. Sababtu waxay tahay daawada waa siyaasad, daawooyinka siyaasaduhuna maahan wax sahlan in si cad loo qeexo. Dhaqaal-yahannadii loo xulay xalka cudurkan, meesha ay judhii horeba abbaareen waxay ahayd, dakhliga dalku leeyahay in uu si cadaalad ah u gaaro bulshada. Arintaasi wax badan ayay hoos u dhigtay diinaamikadii cudurka. Tallaabada labaad waxay ahayd cashuurtii oo lagu kordhiyay maal-qabeennada doonayay nolosha raaxada leh. Waxaa kor loo dhigay cashuurta laga qaadayo agabka qaaliga ah oo dibadda ay ka keensanayeen. Waxaa kale oo la xoojiyay in la kiciyo wershadihii dalka iyo wax soo-saarkoodii. Waxay dejisteen qorshe cad oo aanan ku ekeyn hadal iyo waraaqo, bal ay la socoto fulin iyo isla-xisaabtan.
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Casharkii 6-aad
Dhallinyaro, dadka reer Holland, maadaama ay u muuqatay, saliiddii ay ku hodmeen in ay tahay mid ay weheliso cudur nabarro xun wata, dib ayay isugu-laabteen. Marka laga yimaado lacagaha badan oo ay ku bixiyeen in ay yareeyaan qiimaha lacagtooda, waxay si cilmi ku dhisan u adeegsadeen aragtida ah dhaqaalaha kala ayniga ah (Diversification Economy). Arintan waxay kamid ahayd saldhigyadii siyaasadda dhaqaale ee istraatejiyadda hagaagsan oo reerku ay kaga badbaadeen cudurkii Hollandeeska. Dowladdu, wax soo-saarkii dalka waxay afka u saartey saddex kaabadood oo xooggan. Waxay kala ahaayeen beeraha, wershadaha iyo adeegga.
Haddaanu ku hor-marno eegmada beeraha, bal marka hore aynu qiimeyno yaraanta dhulka ay dadkaasi ku nool yihiin. Bedka dhulka Holland wuxuu dhan yahay 5,488 km2. Isku cel-celis markii cufka dadka loo qaybiyo dhulka hal km2. waxaa ku soo aadaya 1,200 oo qof. Haddaanu u babar-dhigno bedka dhulka Soomaaliya oo ah 637,657 km2, waxaanu heleynaa in uu 6 jibbaar ka yar-yahay. Taas macnaheedu wuxuu yahay, maamul-goboleedyada 6-da ah oo Soomaaliya ka dhisan, mid kamid ah ayuu qiyaastii le’eg-yahay. Haddii cufka dadka ee dhulka laysu eego dhulka Soomaaliya waa 15 qof/ 1 km2. Halka cufka dadka reer Holland ee dhulkooda uu noqonayo 1,200 oo qof/ 1 km2.
Casharka laga baranayo wuxuu yahay, bulshadu markii ay sabool noqoto, siyaasadda haboon maahan in hoggaamadoodu ay dibadda dhaqaale ka raadiyaan, mana ahan in ay u tuugsi-tagaan dowlado iyo shirkado iyaguba dan ka leh degaanka. Bal waxay tahay in hoggaanku uu la yimaaddo siyaasad togan oo ku wajahan koboca aqooneed ee dadka iyo xoojinta kaabadaha dhaqaale ee dalka. Dowladda Holland dhulka sidaas u ciriiryoon oo cimiladiisu ay qallafsan tahay ayay xaqli iyo niyad daacad ah gelisey si ay dhaqaale caafimaad qaba oo dhanka beeraha ah uga helaan. Waxay ku tallaabsatay aragti ay diiradda ku saarayso hab cusub oo lagu raadinayo wax soo saar sare oo dhanka beeraha ah, kaas oo kharajka gelaya uu yar-yahay maxsuulkuna uu badan-yahay.
Natiijada ay ka gaareen haddaanu tusaale ka soo qaadanno, dowladaha adduunka u hor-marsan, cel-celiska beerta baradhada ah, halkii hektar waxay ka gurtaan 9 tan oo baradho ah. Beeralayda Holland, waa dadka keliya oo halkii hiktar oo dhul-beeraad ah ka gurta 20 ton oo baradho ah. Tusaale kale ayaa wuxuu yahay, waddamada maal-gashiga ku sameeya raashinka laga ganacsado (Food –stuffs Industry) ee dunida, dalka Holland waxay Yurub ka tahay dalka I-aad. Markii adduunka loo eego waxay ka tahay dalka II-aad oo Mareekan oo keliya ayaa ka horeeya. Sidaa darteed dalkan waxaa lagu magacaabaa jardiinadii dunida. Sanadkii 2017-kii, dowladda Holland waxay sheegtey, dhaqaalaha ay ka heshey raashinka ay dhoofisay wuxuu ahaa 92 bilyan US.$.
Dhanka wershadaha iyo hal-abuurka farsamada, qudhoodu kama ayan harin. Dalku wuxuu maal-gashi xooggan iyo cilmi-baaris aqooneed ku sameeyey wershadihiisii. Marka laga yimaado wershadaha cuntada ee waawayn, dalku wuxuu leeyahay wershado kuwaas oo ay kamid yihiin wershadaha tamarta dhaliya sida gaaska, hawada iyo nukliyeerka. Wershadaha kiimikada oo 19 ah. Waxay isugu jiraan kuwo dalka laga leeyahay iyo kuwo maal-gashi shisheeye ku shaqeeya. Wershadahaas kuwooda ugu waawayn waxay yihiin Royal Dutch Shell oo ku howlan kiimikada shidaalka. DSM oo ku howlan raashinka iyo daawada. AkzoNobel oo ah wershado sameeya ranjiga tayada leh. BASF waa shirkad samaysa waxyaabaha kiimikada ah. In-kasta oo ay tahay shirkad Jarmal ah misana maal-gelin ayay ku leeyihiin oo waxay kamid tahay shirkadaha ku leh dalka Holland wershadaha ugu waawayn.
Hantida dabiiciga ah oo qiimiga leh oo shidaalka u labeeya waxay u arkeen degaanka uu dalkoodu kaga yaal joqraafiga qaaradda Yurub, taas oo ay ku guddoonsadeen in ay adeeg ahaan uga faa’iideystaan. Dalku wuxuu dhacaa bartamaha-galbeed ee qaaradda Yurub. Wuxuu ku sii jeedaa bad-waynta Atlantikada. Sidaa darteed dowladdu waxay xoogga saartay howlaha adeegga. Waxay maal-gelisey dekadda Rotterdam oo ah dekadda ugu wayn Yurubta galbeed. Waxay gaarsiisey, sanadkii 2018-kii, in dekaddaasi

y u adeegto maraakiib tiradoodu gaarayso 29,476 oo markab. Isla-sanadkaas dakhliga ay dowladda Holland ka heshey dekaddan wuxuu ahaa 707,2 bilyan US.$. Waxaa u dhisan gegida dayuuradaha ee magaalada Amsterdam (Schiphol Airport), kaas oo ah midka 3-aad ee qaaradda Yurub ugu wayn. Sanadkii 2016-kii, gegidaas waxay u adeegtey dad socdaal ah oo tiradoodu ay dhan-tahay 63,625,664 oo qof. Isla-sanadkaas, dakhliga ay dowladda Holland ka heshey adeegaas wuxuu dhamaa 27,3 bilyan US.$.
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Casharkii 7-aad
Dhallinyaro, cudurka Hollandeeska iyo daawada lagu dabiibey waxaa laga fahmay model dhaqaale, kaas oo inoo fasiraya faham hannaan dhaqaale oo uu dal ku joogsado kagana fogaado saboolnimada. Model-ku wuxuu yahay, hantida uu dal leeyahay in ay tahay badeecad ganacsi-gal ah (Tradable Commodities) iyo badeecad aanan ganacsi-gal ahayn (Non-Tradable Commodity). Waxaa xusid mudan, labada hannaan waxaa waalid u ah hanti-dadeed (Human Resource), taas oo la helo goortii dadka wax la-baro. Badeecadda ganacsi-galka ah waa badeecad dal ka soo baxda oo loo iib-geeyo waddan aanan ahayn waddankii soo saaray, seyladaha caalamkuna ay u baahi-qabaan. Sida qaalibka ah badeecadda ganacsi-galka ah waxaa kamid ah khayraadka dabiiciga ah iyo agabka ay wershaduhu soo saaraan. Badeecadda aanan ganacsi-galka ahayn waa ganacsiga fadhiya oo aanan la dhoofin-karin. Waxaa kamid ah adeegga wax-barashada, adeegga caafimaadka iyo adeegga dalxiiska iyo adeegyada kale.
Maanta labadaas jaad oo ganacsi ayaa caalamkan casriga ah ka socda, kuwaas oo faa’iido keliya aanan wadan. Bal waxay xiriir iyo isu-soo dhoweyn ka dhex abuuraysaa bulshooyinka aadamiga iyo shakhsiyaadkooda. Haddaba aynu dib u raacno taariikhda ganacsiga adduunka, si aanu u fahamno xididdadiisa iyo meesha uu ku biyo-shubanayo. Taariikhda bedeecad is-dhaafsiga aadamiga waa mid goor hore bilaabatay. Dhaqdhaqaaqa ganacsiga adduunka weligiis wuxuu ahaa howl la xiriirta in si ikhtiyaar ah lagu kala beddesho agab ama howl adeeg ah, taas oo midba ninka haysta maahee kan kale uu danaynayo. Dadku bilowgii awood uma ayan lahayn in ay degaano ka fog ka ganacsadaan. Sidaa darteed, ganacsigu wuxuu ahaa mid ku-eg degaan. Reer walba oo meel ku dhaqan dhexdooda ayay is-dhaafsan jireen waxay danaynayaan. Badeecadda ugu wayn oo laga ganacsan jiray wuxuu ahaa raashin la cuno iyo dhar lagu lebisto. Dadka degaanka ugu hantida badan keliya ayaa awood u lahaa in ay ka qayb-galaan dhaqdhaqaaqan.
Dabadeed waxaa bilawday in ganacsigii uu si qun-yar socod ah u fogaado oo ganacsatadii degmo waliba ay xiiso u qaadaan in ay la xiriiraan ganacsato degaamo kale oo ka dheer. Arintaasi markii ay fogaatay waxaa abuurmay waddooyin istraateeji ah oo ganacsigu uu ku socdaalo. Waddada ugu muhinsanayd oo taariikhdu ay xustay waxay ahayd waddadii xariirta. Waddooyinkan ayaa waxay noqdeen kuwo xiriirsha degaanadii ay ka curteen il-baxnimada aadamiga. Waxaa kamid ahaa Faraacinadii (Masar), Dhulkii Udugga (Soomaaliya), Mesobotaanigii (Ciraaq), Roomankii (Talyaaniga), Hindidii (Hindiya), Reer Han (Shiinaha), Beershiyaankii (Iiraan), Islaamkii (Khaliijka Carabta), Manden (Maali), Ashanti (Gaana), iyo kuwo kale. Waxaa abuurmay fagaarayaal guud oo lagu kala beddesho alaabaha laga ganacsanayo, kuwaas oo noqday degmooyin iyo saylado u tilmaaman howshan. Halkaas waxay noqotay meel uu qofku ka heli-karo alaabo badan oo uu kala doorto.
Qarniyadii dhexe ganacsatadii reer Yurub ayaa waxay noqdeen kuwa ugu fir-fircoon dunida. Waxay sabab u noqdeen in ay u soo socdaalaan dacalladii dunida, iyaga oo sahan ah. Waxay gaareen qaaradaha shanta ah. Markaas ayaa waxaa si xooggan isugu furmay ganacsigii dunida. Agabka laga ganacsado, marba mid-baa wuxuu shiiqin jiray kuwa kale oo wuxuu noqon jiray midka ugu qiimiga badan oo sayladaha dunida laga dalbado. Alaabta heer caalami ku qiimeysnaa ee taariikhda ganacsiga soo maray waxaa kamid ahaa maydiga, xariirta, cusbada, cudbiga iyo xubnaha duur-joogta (fool-maroodi iyo harag-shabeel).
Waxaa goor danbe ku soo biiray ganacsigii biddoodka (Slaves) oo ah dadka laga ganacsado, gaar ahaan kuwa haragga madow oo ku dhaqan qaaradda Afrika. Ganacsiga caynkan ah wuxuu bilowday qarnigii 16-aad, wuxuu socday tan iyo qarnigii 19-aad. Dadkan ayaa waxaa laga qaadi jiray galbeedka iyo bartamaha qaaradda Afrika. Waxaa laga tallaabin jiray bad-waynta Atlantikada, iyada oo loo iib-geynayay qaaraddii cusbayd ee Ameerika. Ujeedadu waxay ahayd in xooggooda loo adeegsado beero-falidda.
Goortii la hindisay lacagta wax lagu kala beddesho, waxaa fududaaday ganacsigii. Sida la ogsoon yahay lacagtu agab

wax qiimo ah ma-lahan oo waa bir ama xaashi. Qiimaha ay dadku dul saareen lacagta, kuma xirna qiimaha ahaanshaheeda. Bal qiimaha ay leedahay waxay ku kasbatay heshiiska loogu oggolaaday in ay xiriiriye u noqoto wax is-dhaafsiga. Iyadu waxay u oggolaaneysaa dadka in ay si aan toos ahayn uga ganacsadaan alaabada iyo adeegyada. Waxaa kale oo ay lacagtu oggolaanaysaa fahamka qiimaha badeecada, iyada oo isla-markaas bixinaysa hannaan lagu keydiyo qiimaha alaabta waa-wayn oo ayan suuragal ahayn in hab is-dhaafsi ah loogu adeegto. Sidaas ayay lacagtu u fududeysey noloshii ganacsiga.
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Casharkii 8-aad
Dhallinyaro, haddaanu intaas kaga harno taariikhda ganacsiga, aynu si guud u yara eegno faa’iidada uu ganacsigu u leeyahay ummadaha adduunka. Haddii waayihii hore ganacsiga loo yiqiin mid ku eg is-dhaafsi agab ama adeeg, noloshan casriga ah badeecad is-dhaafsiga waxaa raacsan in ganacsigu yahay mid ka qari wayn intaas. Waayo waxaa la ogaaday shirkad waliba midda ka wayn in ay tahay mid ereyga ganacsiga uga macna dhow. Guud ahaan ganacsigu faa’iidooyin badan ayuu u leeyahay nolosha aadamiga. Wuxuu adkeeyaa hor u-marinta iyo koboca bulshada, isaga oo isla-markaas xoojinaya hantida sida gaarka ah loo leeyahay iyo awoodda loolanka lagu tartamayo wax soo-saarka.
Ganacsigu wuxuu waasiciyaa kala duwanaanshaha badeecadaha iyo xiriirka wax is-dhaafsi ee ummadaha dhex-mara. Wuxuu dhiiri-gelin ku sameeyaa hal-abuurka, tayaynta shaqada iyo badeecadda, wuxuu adkeeyaa nabadgelyada iyo xiriirka ka dhexeeya dowladaha adduunka. Intaasi dabadeed, ganacsigu wuxuu door muhim ah ka qaataa dakhliga dad-waynaha iyo xasilloonida siyaasadeed ee dowlad walba. Ganacsigu wuxuu leeyahay nafac-wadaag iyo fursado shaqa-abuur. Iyada oo la raadinayo faa’iidooyinka tirada-badan oo laga helayo ganacsiga ka dhexeeya dowladaha dunida, ayaa dowlad ka maaranta dowladaha kale ayan jirin. Bal dowladuhu waxay ku tartamayaan in ay xiriir ganacsi la yeeshaan tirada ugu badan oo dowlado ah. Waxaa jirta ooraah ay Jabaanku oran jireen, taas oo ah: dowlad walba oo dunida ku taal waa in laga helaa agab lagu sameeyey Jabaan. Shiinaha ayaa iyaguna waxay lahaayeen ooraah ay oranayeen: aqal walba oo dunida ku yaal waa in laga helaa agab lagu sameeyey Shiino.
Xilligan casriga ah noloshii waa isu-furantay oo dadyowga ku kala nool qaaradaha kala duwan si fudud ayay u kala ganacsadaan. Arintaas waxaa sahlay aqoonta teknolojiyada casriga. Waa aqoon fududeysey wax soo-saarkii, xiriirkii iyo gaadiidkii dunida. Waxaa jira xiriir xooggan oo ka dhexeeya aqoonta teknolojiyada iyo jaan-tuska astaamaha ganacsiga, astaamaha wax soo saarka, iyo astaamaha awoodda hor u-marineed ee wershadaha. Waxaa la oran-karaa teknolojiyada waa qodob muhim ah oo xoojinaya nolosha ganacsiga casriga. Sidaa darteed aqoon-yahannada dhaqaale-baradka ah, waxay ganacsiga u adeegsadaan erey-bixin casri ah oo wuxuu yahay TCF (Technology Contribution Factor). Bulsho waliba oo aqoontaas ku hor-martay waxay noqotay mid kaga horeysa ganacsiga bulshooyinka kale oo aqoontan ku liita.
Marka la eego taariikhda fog, haddii dunidu ay soo martay xilli uu maydigu hor-mood u ahaa badeecagaha ganacsiga dunida, iyo xilli ay cusbadu hor-mood u ahayd hantida laga ganacsan jiray, kuwaas oo sabab u noqon jiray colaado xooggan, maanta tamarta ayaa waxay tahay agabka ugu qiimiga badan oo laga ganacsado. Gaar ahaan gaaska iyo shidaalka. Xilliyadii ka horeeyey kacaankii warshadaha ee ka hana-qaaday qaaradda Yurub, raashinka ayuu ahaa badeecadda ugu xooggan oo ay ka ganacsan jireen dadka adduunka ku noolaa. Waxaa xusid mudan, qarnigii 15-aad in cusbadu ay ahayd badeecadda ugu badnyd, uguna qiimiga badnayd ee ganacsatada Yurub ay soo dhoofsan jireen. Goor dabe, galleyda iyo qamadiga ayaa noqday badeecadaha xukuma seyladaha laysku dhaafsado ganacsiga. Wixii xilligaas ka danbeeyey saliidda ceyriin iyo kiimikadeeda ayaa waxay si qun-yar socod ah u soo buuxinayeen sayladaha ganacsiga adduunka.
Sida aqoonta fiisikada lagu barto, tamartu waa ay ayniyo badan tahay oo waxaa kamid ah mid ka dhalata dhaqaaqa (Kinetic Energy), mid ka dhalata hoobashada (Gravitational Energy), mid ka dhalata shucaaca (Radiation Energy), mid ka dhalata laastikada (Elastic Energy), mid ka dhalata kulaylka (Thermal Energy), mid ka dhalata jacda bir-qabatada (Magnetic Energy) mid ka dhalata kiimikada (Chemical Energy) iyo mid ka dhalata noolaha jirkiisa (Biological Energy). Tamarta ugu qiimiga badan, ugu fudud uguna sahlan gaadiideynteeda waa saliidda dabiiciga ah (gaaska iyo shidaalka), taas oo qiimo gaar ah yeelatay goortii aqoon loo yeeshey in loo beddelo tamar wax dhaqaajisa. Sidaa darteed saliiddu waxay maanta noqotay badeecadda ugu fir-