Somali Online Trader Library
1.82K subscribers
289 photos
2 videos
108 files
97 links
Qolkan waxaad ka helaysaa Charts badan, wax barasho iyo forms.
Download Telegram
Forwarded from SOMALI ONLINE TRADER
OK SO GBP ISBEDEL BADANAYUU SAMEEYEY LABADII WEEG OO UGU DANBEEYEY, SPECIALLY KHAMIISTII IYO JIMCIHII WEEGII LASOO DHAAFAY. UK PARLIAMENT WAA LA XIRAY ILAA 5 WEEG, WAXAA LA YIRI (REMAINERS) WAA SHARCI DARO KADIBNA MAXKAMADIHII WADANKA AYAA LA ISLA AADAY. MAXKAMAD YAR (HIGH COURT) OO ENGLAND AY LEEDAHAY WAXAY TIRI ANAKA SHAQO KUMA LIHIN SIYAASADAN, SHARCI DARO NA MA AHA, SI FIICANA UMAYSA SII DHEX GELIN CASE KA, MAXKAMAD KA WEYN (COURT OF SESSION) OO SCOTLAND KU TAALA AYAA SI FIICAN U DHEX GASHAY WAXA LA ISKU HAYSTO WAXAYNA SOO JEEDISAY IN UU SAMEEYEY BORIS JOHNSON SHARCI DARO, KUNA TILMAANTAY IN UUSAN BOQORADA U WADA SHEEGIN SABABTA UU U XIRAY PARLIAMENT KA, AKHBAAR TAASNA WAXAY ISKU BADASHAY IN PM JOHNSON U SHEEGAY BOQORADA WAX BEEN AH. DOWLADU HADA MAXKAMAAD AKHBAARTA KASOO BAXDAY WAXAY GOAANSATAY IN AY LA TAGTO MAXKAMADA WADAN KA UGU WEYN, HADII MAX KAMADAAS AY KASOO BAXDO IN UU SAMEEYEY SHARCI DARO GBP WAX BADAN KOR BUU IMAAN DOONAA, PARLIAMENT KANA WAA LA FURI DOONAA, WAANL IN UU ISKA CASILO SHAQADIIS MAADAAMA UU BOQORADA KHALDAY (BOQORADU MARNABA KHALAD MA LEH EE ISAGAA DUSHA LAGA SAARI DOONAA). HADII AY TIRAAHDO MAX KAMADAAS WEYN EE UGU SAREYSA PARLIAMENT KA SANADKASTA WAA LA XIRAA (WEEGA BOQORTOOYADU AY FURTO PARLIAMENT KA DOWLADU WEY XIRAN TAHAY, LAAKIN INTA BADAN WAA 1 WEEK OO WAX BADAN LAMA TABO) OO WAX SHARCI DARO AH MUUSAN SAMEYNIN WAXAAN RAJEYNAYAA IN LASOO RIDI DOONO INTII IN LE EG ILAA LAGA BAXO EU MISA LOOGU DARO WAKHTI EXTRA AH. WAA HIGH RISK PAIR, LAAKIN WUU BAAL FIICAN YAHAY HADII AAN ISKU AADINO ISBEDELADAAS WAA WEYN EE UU SAMEEYO GBP, SPECIALLY GBPAUD, GBPCAD, GBPJPY IYO GBPNZD OO AH KUWA UGU ISBEDEL BADAN.
Forwarded from SOMALI ONLINE TRADER
GBPUSD - 1 DAY - AREAYADAN OO DHAN WAA RESISTANCE - U MALAYN MAAYO IN UU DHAAFI DOONO HADII AYSAN SOO BIXIN AKHBAAR CUSUB
Forwarded from S.O.T. V.I.P
MANSHA ALLAH, WEEK KALE OO FAAIIDO BADAN BAAN NOO RAJEYNAYAA - NONFARM PAYROL WEEK WEEYE MARKAA KU TALAGAL IS BEDEL BADAN.
Forwarded from S.O.T. V.I.P
USOIL - WAXAY U BADAN TAHAY IN AY SOO DHACDO OO AY XIRTO BOOSKA BANAAN (GAP) ILAA 53.00. WAX KASTA OO KA DHACA YEMEN, IRAN, CHINA, BIG FUNDAMENTALS N DOONAAN QIIMAHA SALIIDA. WAXAAN RAJREYNAYAA IN AU CUSKATO 53 AREA INTA AYSAN LUG CUSUB OO KOR AH INTUUSAN BILAABIN.
Forwarded from S.O.T. V.I.P
GOLD - WUXUU U DHAXEEYAA CHANNEL 1487-1536 - WAYNA U EGTAHAY IN KOR LOO CELIN DOONO 1530. WAXAA BEDELI DOONA FUNDAMENTALS KA SOO SOCDA WEEGAN, FILO IN LAGU NOQDO MISA LAGAARO/LA DHAAFO 1550 HADII AY XAALADA CHINA TRADE WAR AY SII XUMAATO, DAGAAL CUSUB IN THE MIDDLE EAST IWL
Forwarded from S.O.T. V.I.P
EURUSD
Forwarded from S.O.T. V.I.P
AUDUSD
Forwarded from S.O.T. V.I.P
GBPUSD
Forwarded from Deleted Account
Scw dhamaan akhyaarta meel kasta aad ka joogtaan.

Waxaan rabaa in aan idin la wadaago casharo Taxana ah oo ku saabsan economy ga si gaar ahaanayd.

Casharadan waxaa soo jeedinaya Macalin keygii dugsiga markaan yaraa oo aan degenaa Rinkeby, Stockholm, Sweden - Macalin Dr Sadiq Enow.

Dr Sadiq wuxuu ahaa macalin wax badan aan ka bartay, oo weliba aan u bartay si xiiso leh, maadaama uu wax noo barijiray si ka duwan macalimiinta kale.

Waa macalin aqoon aduun iyo mid aakhiraba meel fog ka gaaray.

Waxaan rajeynayaa casharadiisa in aan wax badan ka faaiideysano iA.
ARAGTIDA NICMADAHA NACLADAYSAN

Casharkii 1-aad

Dhallinyaro, nicmadaha nacladaysan waa cashar taxane ah oo inoo bidhaaminaya aragti cusub oo la xiriira aqoonta dhaqaalaha, taas oo aadamigu uu ku baraarugay muddada dhwor iyo labaatankii sano ee ugu danbeeyey. Aragtidu waxay sheegeysaa in dhaqaaluhu yahay nicmad iyo naclad wada-socda, waxay sheegeysaa barwaaqo iyo inkaar wada-socda, waxay sheegeysaa baraare iyo habaar wada socda. Sida fahamka aadamiga ku xooggan, arimahaasi maahan kuwo is-qaadan kara ama laysu soo dhoweeyo. Laakiin aragtida ah nicmadaha nacladaysan waxay inoo tilmaamaysaa in ay labadan arin ay yihiin kuwo isku-laran oo aan kala maqnayn.

Bal marka hore aynu si guud u qeexno ereyada ah nicmad iyo naclad. Ereyga ah nicmad wuxuu tilmaamayaa saddex xagal oo kala ah axadka nicmadda bixiyay, axadka nicmadda heley iyo nicmadda qudheeda. Axadka bixiyay waxay nicmaddu u tahay astaan inoo muujinaysa faxnaanta awooddiisa iyo ka war-qabka ay xannaanada weheliso oo uu ku bixinayo nicmadaha kuna siinayo ciddii uu la doono. Unug walba oo jirka aadamiga ah iyo deeqda uu ka helayo dibadda iyo gudaha ayaa waxay tahay nicmad aanan xisaab looga daba-tegi karin. Axadka nicmadda heley ayaa isna wuxuu yahay aadamiga dhulka ku matalaya abuur midkiisa ugu mudan, ugu qallafsan, uguna ammakaak badan.

Nacmadda ayaa iyana waxay tahay wax-walba oo labadaas u dhexeeya, kuwaas oo u jooga adeegsiga aadamiga. Dhan-walba oo la eego waa ay ka muuqataa iyada oo aanan loo dareen qabin in ay nicmad tahay. Maxaa-yeeley waa la caadaystay oo waxay inoogu muuqataa in aanu xaq u yeelanay. Joogteynteeda waxay markhaati u tahay in ay ka imanayso axad deeq iyo dul-qaad isku darsaday. Quraanku wuxuu inoo qeexey, nicmadaha laynoo hibeeyey mid kamid ah oo keliya in ayan jirin cid tira-koobi kartaa.

Yaa tira-koobi kara hawada qofku qaato iyo curiyayaasha raashinka uu cunayo ?. Yaa tira-koobi kara ogaallada uu caqliga inoo fasirayo iyo unugyada dhiigga ku qul-qulaya xidaddadeena ?. Yaa tira-koobi kara cajiladaha aragga oo joogtada u keydinaya sawir-kasta oo inoo muuqda ?. Yaa tira-koobi kara xarfaha ay duubayaan cajiladaha maqalka ee aanu dhegeysanayno ?. Yaa tira-koobi kara hor u-marka aqooneed iyo sahanka ogaallada uunka mug-yarta iyo mug-waynta ?. Yaa tira-koobi kara hantida keydka ah ee ku aasan dhulka iyo badaha hoostooda ?. Yaa tira-koobi kara dhibcaha roobka iyo xisaab-xilliyeedka ay ku da’ayaan ?. Yaa tira-koobi kara iniinaha elektroonnada dhalinaya tamarta joogtada ah ee qorraxda ka imanaysa iyo ilayska dayaxa iyo xiddigaha oo aanu adeegsanayno ?. Yaa tira-koobi kara awoowayaasha aanu dhabarkooda ku soo rog-rogmanay iyo ayeeyayaalka aanu ilma-galeenkooda ku soo hayaannay si aanu uga mid noqonno dadka maanta camiray nolosha ?.

Nicmadda nabadgelyada iyo xasilloonida ayaa intaba u hooyo ah, taas oo haddii la waayo ayan jireen indho seexda iyo hunguri ay luqmad marto. Nicmad dhamaanteed waxaa lagu soo ururin-karaa laba arimood oo kala ah nicmad nolol (caafimaad qofeed iyo mid bulshadeed) iyo nicmad hanti (luqmad la quuto iyo nabadgelyo lagu hoydo). Waxaa xusid mudan in ayan weli dhicin in uu qof ku dhiirrado isku-deyga ah tira-koobka nicmadaha loo hibeeyey aadamiga, mana dhici-doonto in uu qof u joogsado arinkaas. Sidaa darteed nicmaddu maahan mid ku timaadda howl uu aadamigu qabtay iyo kartidiisa, bal waxay tahay hibo xagga eebe laga helo, taas oo doorashadiisa lagu dhaxlo. Nicmadahaas oo si hufan loogu qaybiyay basharka ayaa reerkii si togan aanan u adeegsan waxay ku noqotaa nacalad iyo inkaar.

Aadamiga qarnigan 21-aad nool waxay wax-badan ka fahmeen nolosha. Waxay nasiib u yeesheen in ay helaan ogaallo ayan helin iyo aragtiyo ayan fahmin dadkii ka horeeyey. Ogaalladaas la heley kuwoodii ugu danbeeyey waxaa kamid ah aragtidan ay aqoon-yahannadu ku magacaabeen nicmadaha nacaladaysan. Waa aragti tilmaamaysa in ay jirto naclado la socda nicmadahaas faxan, kuwaas oo u baahan in laga ilaashado. Aqoon-yahannada dhaqaale-baradka adduunka, si muga wayn ayay uga digayaan nacladahan inaanan lagu kadsoomin. Sidaa darteed, iyagu olole xoog badan
dunida ka wadaan oo aadamigu ay ku fahamsiinayaan luggooyada basharka ugu sugan nicmadaha nacladaysan.

Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Casharkii 2-aad

Dhallinyaro, ereyga ah naclad (Lacnad) ayaa isna wuxuu yahay erey taban (negative) oo ah mid ka-soo hor-jeeda ereyga ah nicmad. Nacladdu waxay tilmaamaysaa khayrka iyo barakada oo suula. Aqoon-yahannada qaarkood waxay ereyga nacladda ku sheegaan in uu yahay, hakad iyo joogsi ku yimaada wax-kasta oo nicmaddu ay wadatay. Laakiin fasir intaas ka xeel-dheer ayaa jira oo wuxuu yahay, wax kasta oo nicmadda ka-soo hor-jeedka ah ayaa naclad ah. Nacladdu waxay ku degataa ama qof ama bulsho ama degaan. Ereygan oo ay bacawnimada weheliso waxaa lagu xusay kutubta samaawiga ah (Towraad, Injiil iyo Qur’aan). Diimuhu waxay inoo sheegayaan ereyga macnihiisu in uu yahay caro eebe oo soo degata. Sidaas si lamid ah ayaa ereygan waxaa laga helaa dhaqamada dadyowga rumeysan diimaha kale oo ay kamid yihiin Hinduuga iyo Buudaha. In-kasta oo ay taasi tahay macnaheeda guud, misana nacladdu siyaabo kale ayaa loo adeegsadaa oo dhamaantood ay yihiin arin khayrka iyo guusha ka fogeeneysa qofka ama bulshada.

Haddii uu dhaqaaluhu yahay nicmad wuxuu doonayaa garaad lagu ilaashado, haddii awlaaddu ay yihiin nicmad wuaxay doonayaan anshax lagu ilaashado, haddii dhulku uu yahay nicmad wuxuu doonayaa itaal lagu ilaashado, haddii diintu ay tahay nicmad waxay doonaysaa dhowrsanaan lagu ilaashado, haddii bulshadu ay tahay nicmad waxay doonaysaa jacayl lagu ilaashado, haddii caafimaadku uu yahay nicmad wuxuu doonayaa aqoon lagu ilaashado. Nacladdu waxay tahay in laga arradnaado tilmaamahaas kuu ilaalinaya nicmadaha la naawilayo oo aanan ahayn mid hayb ahaan dadka ula joogta. Nicmaduhu qoomlii ilaashadana waa ay la joogaysaa, qoomkii ku cayaarana naclad ayay ku noqonaysaa.

Haddaanu intaas kaga harno qeexiddii labada erey ee is-diidan (Nicmad & Naclad), waxaanu xusaynaa in isla-markaas ay yihiin laba erey oo aanan kala harin. Sidaa darteed ayaa aqoon-yahannada casriga ah ay erey-bixintooda isu raaciyeen. Labadan erey oo midna yahay nicmada iyo khayr (Resource), midka kalena uu yahay naclad iyo inkaar (Curce), markii lays-raacsho waxay isku-noqonayaan erey-bixin aqooneed. Afka ingiriiska waxay ku noqonayaa (Resource Curse). Afka carabiga waxay ku noqonayaan (لعنة الموارد). Erey-bixintan waxay tahay mid lagu eego hannaanka dhaqaalaha ee ummadaha aadamiga ah. Waxaa lagu falanqeeyaa nicmadaha qaybtooda la xiriira hantida ma-guurtada ah, wanaageeda iyo xumaanteeda, berya-samaadkeeda iyo bur-burkeeda.

Wixii ka horeeyey dabayaaqadii qarnigii tegey, aragtida nicmadaha nacladaysan maahayn kuwo aadamigu uu ku baraarugsanaa. Marka heer qof laga tago, nacaladdan ayaa sida qaalibka ah waxay ku dhacdaa bulshooyinka nugul ee dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan danbeeya, laakiin mar-qura ku hodama kheyraadka dabiiciga ah. Waxaa hubaal ah in-badan oo kamid ah ummadaha ugu hodansan dunida in dalalkoodu ay ka aradan yihiin hantida dabiiciga ah oo ay hodanka ku yihiin ummadaha taagta-daran ee ku fashilmay in ay ka faa’iideystaan nicmadaha ay dhaxleen. Dowladahan haysta hantida ma-guurtada ah waxay ku caan-baxeen musuqmaasuq, dib u-dhac dhanka wax soo-saarka, amaah badan oo ay qaataan, xasillooni la’aab siyaasadeed, colaado sokeeye iyo dib u-dhac nololeed. Arimahaas ayaa waxay bulshada ku riixaan hannaan siyaasadeed oo ay gunnimo ka dhaxlaan.

Nicmadaha nacladaysan, waxay badanaa horseeddaa hab-raac nololeed iyo manhaj dhaqankeedu uu dadka ku ridayo waaddada fadhiidka, musuq-maasuqa iyo saboolnimada. Waxaa jiray erey bixin lamid ah nicmadaha nacladaysan, kaas oo ereygan kaga horeeyey fagaaraha aqoonta dhaqaale. Erey-bixintan hore waxay ahayd Cudurka Holandeeska (Dutch Disease). Cudurku wuxuu tilmaamayaa sabab kamid ah cawaaqib xumida dhaqaale oo ku timaadda bulshooyinka in ay kamid tahay nicmadda oo ku badata. Raadka taban (negative) oo hantida dabiiciga ah ay ku yeelato nolosha dadka ayuu cudurku soo bandhigayaa. Sida ka muuqata magaca dalka cudurkan loo nisbeeyey (Holland), cudurku waa tijaabo taban oo ku dhacday dalkaas. Sanadikii 1959-kii ayaa waxaa laga heley shidaal. Bilowga Sanadihii 1970-aadkii ayay la soo baxeen shidaalkii, markaa oo si xooggan uu
kobcay barwaaqa-soorankii dadkeeda. Sababtu waxay ahayd, iyaga oo heley keyd gaas badan oo ceegaaga xeebaha uu dalkaasi ku leeyahay badda waqooyiga (North Sea). Baddan ayaa waxay kamid tahay bad-waynta Atlantikada oo waxay u dhexeysaa jasiiradda Ingiriiska iyo dalka Holland.

Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Casharkii 3-aad

Maqaal lagu soo daabacay wargeyska The Economic Journal, bishii disember 1982-kii, ayaa markii ugu horeysey uu dibadda u soo baxay erey-bixinta cudarka Hollandeeska. Maqaalka waxaa qoray labada dhaqaal-yahan oo la-kala yiraahdo W. Max Corden oo u dhashay Australian iyo J. Peter Neary oo u dhashay dalka Ireland. Labadan aqoon-yahan waxay kamid yihiin ruug-caddaaga looga danbeeyo aqoonta dhaqaalaha dunida. W. Max Corden wuxuu ku takhasusay difaaca ganacsiga adduunka (International Trade Protection), isla-markaas wuxuu wax badan ka shaqeeyey hannaanka cumladda adduunka (International Monetary System). J. Peter Neary ayaa isna ku takhasusay ganacsiga adduunka (International Trade) iyo siyaasadda dhaqaalaha (Political Economy). Wuxuu macallin ka uayah jaamacadda Oxford.

Maqaalkaas wuxuu ahaa midkii ugu horeeyey oo soo hadal-qaaday dib u-dhaca ku yimid dhaqaalaha dalka Holland, kadib markii ay heleen gaaska dabiiciga ah. Labada aqoon-yahan maqaalkaas ay sida wada-jirka ah u soo saareen, waxay si tifaf-tiran uga war-bixiyeen, cudurka Hollandeeska iyo khatarta uu ku yahay dhaqaalaha ummadaha adduunka. Intaas kuma ekaan ee waxay qeexeen wuxuu cudurkan yahay iyo sida uu ku yimaado. Waxaa kale oo ay ka war-bixiyeen sida looga hor-tegi karo, iyaga oo takhaatiirtii cudurka ka dhigay xubnaha siyaasadda u haya bulshada. Sidaa darteed, maantaas wixii ka danbeeyey, muddo 30 sano ah ayuu ereyga ah cudurka Hollandeeska wuxuu ku qornaa safxadadaha qaamuusyada marjica u ah aqoonta dhaqaalaha.

Cudurkan maahan mid ku eg dalka Holland oo keliya. Bal wuxuu ku dhacaa waddan walba oo intuu ku hodmo shidaalka ay hoos u dhacdo badeecadihii kale oo uu dunida u dhoofinayay. Arintaasi waxay u muuqaal eg-tahay nin kamid ah cayaartoy kubadda cagta ah oo cayaarta gudaheedii doonaya in keligiis uu kubadda qaato oo goolka dhaliyo oo kooxdu sidaas ay guul ku gaadho. Haddii ayan kooxdu iskaashan waa ay suuragal noqon-meyso in kooxdu guuleysato. Sidaas si lamid ah, ganacsiga dalku uu dibadda u dhoofinayo haddii uusan ahayn mid kala duwan, waxaa curyaamaya dhaqaalihii gudaha, cilladdii cudurka sababi-lahaydna halkaas ka raacaysaa. Waayo wax badan oo kale oo dalka wax u noqon lahaa ayaa bur-buraya. Waxaa iyana jirta seyladaha dunida oo aanan ahayn mid ay dowlad keliya u taliso. Waxaa suuragal ah, badeecaddii keliga ahayd oo dowladdu ay dibadda u iibgeysey in si heer caalami ah sicirkeedii uu hoos ugu dhacdo. Waxaa halkaas ka imanaya fal-celis dhaqaale-xumi ah oo ku dhacaya dalkii halka badeecad soo dhoofsanayay.

In-kasta magacaabiddii cudurkan ay ahayd dhacdo si gaar ah xiriir ula leheyd badeecadda shidaalka, misana maahan mid shidaalka keliya ka hadlaya. Badeecad kasta oo shiiqisa soo-saarka badeecadaha kale ee dhaqaalaha dal uu hodan ku yahay, waxaa ku dhacaya cudurkan. Dhaqaal-yahannadu waxay xusaan dhacdooyin taariikhiga ah oo tilmaamaya ummado uu dhaqaalahoodu ku dhacay cudurkaan. Waxaa kamid ah dalka Asbaaniya. Qarnigii 16-aad markii ay u qaxeen qaaraddii cusbeyd ee Mareekanka, dahabkii badnaa oo ay ka soo bililiqeysteen ayaa wuxuu shiiqiyay kobicii dhaqaalahooda. Waxaa kale oo cudurkan uu ku dhacay dalka Ausralia oo bartamihii qarnigii 19-aad laga heley degaano uu dahabku ku badan yahay. Markaas ayaa dahabkii wuxuu noqday dhaqaalaha keliya oo dalku xoogga saaro, badeecadihii kalena laga caajisay.

Waxaa dhaawaca keenaya hor u-makaa ka dhalanaya lacagaha adag oo tirada badan, taas oo ay keentey sare u kac ku yimid qiimaha kheyraadka dabiiciga ah, kaalmada shisheeye, iyo maalgashiga shisheeye ee tooska ah. Arimahaasi waxay xoojinayaan hannaanka kobcinta halka badeecad. Ganacsiga dhoofinta badeecadda culus ee keliga ah (Single Major Commodity) oo la xoojiyo, waxaa kale oo ah xumeeneysaa qaybintii khayraadka dalka. Bulshadii isku-si wax u gaari-maayaan. Waxay khayraadkii iyo dowladnimadiiba gacanta u gelineysaa koox tira-yar, bulshada inteedii badnayd waxay noqonayaan kuwo dayacan. Bulshada caynkaas ah waxay noqonaysaa kooxdaas yar ee hodanka ah iyo dadka intiisii badnaa oo sabool ah. Waxaa halkaas ka baxaya fursadihii ay ku abuurmi-
aayeen dabaqaddii dhexe oo dalka ka shaqayn lahayd.

Oonta dhaqaaluhu waxay qabtaa aragti la yiraahdo hoos u-dhaca cumladda (Currency Depreciation) iyo kor u-kaca cumladda (Currency Appreciation). Aragtidu waxay ka hadlaysaa luminta qiimaha lacagta dalka ama xoojinteeda, iyada oo laga cabbir qaadanayo mid ama in ka badan lacagaha culus ee la-tixraaco. Tusaale-dhig waxaanu u soo qaadanaynaa sida ay isu shiiqinayaan laba kamid ah lacagaha adduunka ugu culus oo dadkoodu ay ugu ilaalo badan yihiin. Sanadkii 2008-dii, qiimaha 1,47 euro wuxuu ahaa 1 dollar. Sanadkii 2012-kii, qiimaha 1,29 euro wuxuu ahaa 1 dollar. Sanadkii 2015-kii, qiimaha 1,11 dollar wuxuu ahaa 1 euro. Shaxdan waxaa ka muuqata in cumladda euro ay soo cuslaanaysay marka la barbar-dhigo dollarka. Waxaa halkaas ka muuqda kor u-kaca sanadahaas uu dollarku sameeyey. Taasi waxay saamayn ku yeelanaysaa ganacsigii dibadda. Haddii uu kobocaas si deg-deg badan uu u dhaco, dhaawacu wuxuu ku soo noqonayaa gudaha oo cudurkii Hollandeeska ayaa bur-burinaya mu’asasaadkii dowladdu ku taagnayd.

Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com
Casharkii 4-aad

Dhallinyaro, waddanka Holland marka uu dhaqaalaheedu cudurka ku dhacayay, dalku wuxuu kamid ahaa welina kamid yahay waddamada dhaqaalahoodu uu ku xiran yahay wax soo-saarka wershadaha. Goortii ay heleen saliidda shidaalka, waddanku wuxuu markaas noqday mid si lama-filaan ah hor u-mar muuqda ku gaarey oo dalku uu dhaqaale badan ku heley. Markaas bulshadii reer Holland waxay la muraaqoodeen farxad iyo rayn-rayn, iyaga oo markaas filanayay in ay si deg-deg ah u hodmaan. Waayo, iyada oo wershadihii ay u shaqaynayaan ayaa shidaalna u soo kordhay. Laakiin waxaa dhacday arin middaas ka-soo hor-jeedkeeda ah, oo shidaalkii ay heleen ayaa ku noqday nicmad uu nabar la socday.

Inteynaan ka faalloon qaabka reer Holland uu nabarku u gaaray, aynu isla-eegno xoogga lacagaha dowladaha adduunku isticmaalo ay ku qiimeysan yihiin, kaas oo ah wax soo-saarka dowlad walba. Sidaa darteed dowladaha uu wax soo-saarkoodu hooseeyo, waxaa yar qiimaha lacagtooda sida shilinka Soomaaliga. Kuwa wax soo-saarkooda uu xooggan yahay, iyagu lacagtoodu waa qiimo culus tahay sida dollarka Marekanka oo kale. Waxaa hubaal ah lacagtaas qiimaha culus wax wayn ayay ka goysaa waddamada ay lacagtoodu raqiiska tahay. Mar haddii ay lacagtaadu hooseyso waxaa raqiis noqonaya wax kasta oo aad haysato oo aad doonayso inaad u iib-geyso seyladaha caalamka. Cidda lacagteedu culus-tahay waxay awooddaa in ay raqiis ku soo iibsato wax waddamada nugu qaali ku ah.

Shidaalka oo ah hantida loogu baahi badan yahay seyladaha adduunka, ayaa waxaa si aad ah u doonaya waddamada siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan qaangaarka noqday. Iyagu lacagta ay ku bixinayaan shidaalka waa lacag adag (Hurd Currency). Lacagta adagna waxay ka helaan wax soo-saarkooda xooggan. Dad-waynihii Holland shidaalkii ay dalka ka heleen wuxuu u dhalay in ay lacag culus oo joogto ah u soo xerooto oo bangiyadu u buuxsamaan. Si deg-deg badan ayay mar-qura cumladdii dalka Holland (Guilder) waxay ku noqotay mid ka culus lacagihii kale ee dowladaha dunida oo ganacsigu ay is-dhaafsanayeen sida dollarkii Mareekanka ( $), pound-k Ingiriiska (£), maarkaha Jarmalka (D-Mark) iyo frankaha Faransiiska (FF).

Iyada oo lala xiriirinayo wax soo-saarkii Holland oo kobcay, ayaa arintaasi waxay dhalisay in dalka Holland wixii uu dhoofinayay uu ka qaalisanaado wixii ay waddamada kale u soo dhoofinayeen Holland. Suuqii dunida ayay xoog ku yeesheen oo waxay ka xoog bateen shirkadihii dowladaha Yurub ee ganacsiga kula tar-tamayay. Waxaa u kordhay dakhligii dad-waynaha. Dowladda waxaa u kordhay cashuurtii u soo xeroonaysay. Markaad dhan ka eegto waa nicmad wanaagsan oo dadku markuu lacag helo waxay iibsanayaan wixii agab ah oo nolosha ay ugu baahan yihiin. Waxay noqonayaan dad ku dhaqaaqa caqliyadda ah in si xooggan loo adeegto. Caqliyaddaas ayaa waxay tahay mid ay riixeyso damaca ah waan doonayaa iyo waan heli-karaa.

Waxaa xusid mudan, reer Holland lacagtaas culus oo ay dibadda wax-walba ay raqiis kaga soo iibsadeen, gudaha dalka Holland in ay ka tahay lacag caadi ah. Waayo gudaha wax walba oo dalka yaal kor ayay isula kaceen. Is-beddelka dhaqaale ee dalka ku dhacay meesha uu ka yimid waa xoogga ay ku yeesheen xiriirkii ganacsi ee dibadda. Wixii ay dibadda u dhoofinayeen oo lacag badan oo culus ay ku helayaan iyo wixii ay soo dhoofsanayeen oo raqiis ugu imanaya. Berya-samaadka iyo hantida badan oo ay Holland wakhtigaas heshey waxaa weheliyay cudur dhaqaale oo aanan muuqan, kaas oo goor danbe kallifay in uu dalku la curyaamo. Cudurkaasi waa midka ay dhaqaal-yahannadu ku magacaabeen cudurka Hollandeeska (Dutch Disease).

Waxay ahayd xilli aqoon-yahannada dhaqaalaha ayan weli ku baraarugin in ay jirto naclado la socda nicmadaha sida deg-degta ah loogu hodmo. Naclad ayan filayn oo ayan ka gaashaaman ayaa waxay ahayd, in si qunyar-socod ah uu u baaba’ay wax soo-saarkoodii wershadaha. Waayo wax-kasta oo ay soo saari jireen, iyadii oo raqiis ah ayaa dibadda laga helayaa oo cumladda adag ayaa lagu soo iibsanayaa. Sidaa darteed xataa gudihii ayuu ku qiima-beeley. Waxaa xigay in wershadihii dalka ay tabar yareeyaan.
lka ayaa wuxuu noqday shaqada u furan dadkii muruq-maalka ahaa, halkaas oo ay ka helayaan mushar fiican. Hantiilayaalkii meesha keliya oo ay maal-gashtaan wuxuu noqday shidaalka. Beeralaydii iyo kalluumeysatadii waxay isaga-tageen xirfaddoodii. Daqaalihii dalka wuxuu noqday mid si xooggan ugu xirmay soo-saarka shidaalka oo keliya.

Fagaaraha shidaalku ma ahayn mid shaqo siin-kartay dadka reer Holland dhamaantood. Codsiyada tirada badan oo shaqa-doonka ah, waxay sabab u noqotay in uu halkaas ka abuurmo laaluush iyo eex. Musuqaas bilowday wuxuu noqday nabar hor leh oo gaaray dowladdii iyo dadkeedii. Dalkii wuxuu noqday mid ku hafanaya shaqo la’aan iyo wax soo-saarkii oo joogsaday. Iyada oo xaaladdu ay sidaas tahay ayaa shidaalkii la qodanayay uu yaraaday. Markaas ayaa dhaawacyadii uu cudurku lahaa ay ku soo baxeen. Waxaa dhaawacyadaas kamid ahaa miisaaniyaddii maaliyadeed oo yaraatay, shaqo la’aantii oo korortay, wax soo-saarkii oo fagaaraha ka baxay, musuqii oo kordhay, ugu danbayn sicir-barar dhaqaale ayaa bulshadii heley.

Qore: Dr. Saadiq Enow
DHIGGA Institute
Saadiq.enow@gmail.com