Kaaba Network
2.34K subscribers
16 photos
Waa gole loo aasaasay kor u qaadista wacyiga akhris ee bulshada gaar ahaan dumarka.
Download Telegram
Is waafajinta hawlaheenna shaqo iyo ka faa’idaysiga tobanka danbe ee bisha Ramadaan.

By: Amal Mawliid
“Barashada iyo fahamka la macaamilka dadyowga noloshaada ku jira”

By: Idil Osman Ahmed.
"Aadabta Ducada iyo wakhtiyada ugu Haboon Aqbalka Ducada.”

By: Nada Mohammad
"Adaabta saqada iyo muhimada ay leedahay sadaqadu "

By: Yasmin Hussien Aydid
" Joogtaynta cibaadooyinka ramadaan kadib".
By: Naciima Maxamed
Bismillaah.

Waxaan doonayay anigoo ka faa'iidaysanaya fadliga bisha Ramadan gaar ahaan 10-ka danbe in aan wax yar idinka dhaho mawduuc ku saabsan "U sama falka waalidka" sida aynu wada ogsoonahay xaqa ay inagu leeyihiin waalidkeen maaha mid aynu qoraal iyo hadal toona kuso koobi karayno se inyar oo xasuusina ayay iga tahay.

Marka la joogo diinteena islaamka meeqaam aad u sareeya ayay joogaan waalidkeen sida runta ahna way u qalmaan oo taas waynu kawada dheregsanahay walaw ku dhaqankeeda aan cid kastaa samayn karin inay kasoo baxdo. Waalidku waa iridaha albaabada adduunka yaala oo dhan furahooda, albaabkasta oo wanaagsan kaana xidhan waxa kuu furi karta ducada niyada ah ee waalidkaaga aakhirana warkeedba daa, marka loo eego dunida aynu maanta ku noolnahay majiro qof doonaya culays ama guul-daro waxa keliya ee uu cuksan karo marka laga imaado ku xidhnanashaha rabbigiis waa ducada waalidka. Kolkaas hadday yihiin furaha albaabada adduunka ee wanaagsan, iyo furaha albaabada "Jannada" waxaan idin xasuusinayaa inaynu il gaar ah oo naxariiseed ku eegano waalidkeen una sheegano jacayladeena inta ay noolyihiin marka ay dhintaana ducadooda aynaan ka daalin idamka eebbe.

Iga raalli noqda haddaan idinku dheereeyay gabdho.🙏❤️
By: Sureer Mohamed
Asc gabdhahaygii qaaliga ahaa.
Ilaahay ha idiin rumeeyo dhammaan riyooyinkiinna oo dhan. Rabbi ha idinku nooleeyo ducooyinkaad weydiisateen dhabnimadooda oo gabadh kasta riyadeeda iyo hammigeedaba ilaahay ha uga yeelo sida ku xusan aayadda
(قَدْ أُوتِيتَ سُؤْلَكَ)
Rabbi ha u naxariisto inta waalidkood dhintay, ha u caafiyo inta waalidkood ka xanuunsanyahay. Waxaan jecelahay Gabadh kasta inay faraxsanaato oo qanaacad nafsi ah dareento oo ilaahay hammigeeda u rumeeye, ilaahay ha innoo aqbalo ducooyinkeenna. Gabadh kasta oo kacaa kuf nololeed ku jirta, gabadh kasta oo halgan nololeed ku jirta, gabadh kasta oo si uun nolosha maalmaheeda adag ula dagaalamaysa si ay riyadeeda u gaadho ilaahay ha kula qabto qaali, ilaahay garabkaaga ha galo oo ilaahay la jirkaaga ha ahaado. Gabadh kasta oo xanuunsan xanuun jidheed iyo mid maskaxeed si uun uga cabanaysa oo xanuunkaasi ku reebay niyad jab oo la jiifka xanuunkaas ku wayday kartiday wax ku qabsan lahayd; ilaahay ha kaa dulqaado qaali. Dhammaantiinba hablo ilaahay ha innagu daro kuwuu naarta ka xoreeyay.🤲🏽

By: Amal Mawliid
Saad gabadh adag unoqon laheyd
1- runti adiga iyo halka is dhigto weeye hadad dhahdo suuqu waa cidhidhi oo shaqo ma.jirto way jirta ee wxd baratay uun ha radin waxyaabo kale raadso
2- ducada walidkuna waa muhim ee yaan la.ilaawin
3- doonistada iyo.inaad juhdi ku bixiso oo ka cajisin waxd rabto ilaahayna qof dadala , dadaalkisa ma hoojiye waa la qabta
4- inaad cv iska saxdaan oo.runti si fcn isu sharaxdaan isna buunbuunisan yacni adigu is maalgeli oo naftada booskedi dhig
5- markad.meel howl ka bilowdo qof kale naftada.isbarbar dhig hala sameyn iskaaa ushaqe oo udadaal , shayga xasadka la dhahana ka fogow ( xaasidku ma aflaxe )
6- sxbka dib.usocodka ka fogow ku xidho qof hor mar leh waâyo dhiiri gelin iyo ku dayashö aya ka helay waxkasto bilaabeyso qof ku dhex jira raac hadad quraan bilaabeyso hadad shaqeyneyso shaqada qof aqoon ku helay anba exam ugalay uun la saxiib dadka wajiyada shaqada lugu gala ,dadbadan waxy ka shaqeynayan ku laheyn khibrad
7- kalsoonidiiida dhisa waxa ma garaneysid iyo ma qaban kartid iska saara hablaheygi hormar gaadha ilaahayna wuu kula qaban

By : yasmin hussien
Forwarded from Amal Mawliid
“Fadliga soonka 6-da shawaal”

By: Asia Abdirahman
Ramadaan 30

ugu danbayn ramadaan gunaanadkeedi ayaynu nimo oo alle subxaana wataacaala waa inoo ogolaaday in aynu bardhamaadkeedi noolaano, way innaga tagaysaa ramadaan laakiin alle innagama tagayo aynu cibaadooyinki sii joogtayno insha allah.
strong womenta la sheegaba wa intan
1. Asalka xaalka gabadha muslimadda
waa: iney gurigeeda joogto.
(وقرن في بيوتكن ولا تبرجن تبرج الجاهلية الأولى).
2. Haddey ku qasbanaato iney baxdo: ineysan soo bandhigin quruxdeeda oy soo xijaabato
(ولا يبدين زينتهن).
3. Haddey soconeyso: in ay degen u socoto oo aaney lugaheeda dhawaaq sameyn.
(ولا يضربن بأرجلهن ليعلم ما يخفين من زينتهن).
4. Haddey hadleyso: ineysan jijilcin codkeeda oy isa suura suureyn
(فلاتخضعن بالقول فيطمع الذي في قلبه مرض وقلن قولا معروفا).

Waa taa aadaabta gabadha uu qur'aankeena barayo gabdhaha muslimaatka ah.

Intaa gabadhi sameysa waxay ka nabad galeysaa doqon walba oo qalbigiisa xumaan ku jirto oo dhib u geysan lahaa gabadhaa.