Iman Jama
29K subscribers
2.69K photos
777 videos
1 file
460 links
Journalist
Download Telegram
Fiiro gaar ah;

Weerarkan masaafada dheer ee noqonaya howlgalkii u horreyay ee noociisa ah oo Ukraine ay ka gaysato dhulka Ruushka , ayaa tilmaam ka bixinaya suurtagalnimada waji cusub oo uu dagaalka galo. Ruushka isagoo fahansan taageerrada reer galbeedka inay beddelayso wajiga dagaalka wuxuu qaaday tallaabooyin uu uga digayo inay Ukraine iskudaydo weerarro khasaare dhaliya oo ay ka gaysato dhulka Ruushka, taa oo haddii ay dhacdo in loo adeegsado hubka reer galbeedka uu sheegay Ruushka inuu u qaadanayo ku dhawaaqis dagaal, bartilmaameedyo sharci ahna uu u aqoonsan doono dalka hubkiisa loo adeegsado weerarrada. Mar kasta oo Ruushka uu la kulmo weerarro khasaaraha gaarsiiya, wuxuu iskudayi doonaa inuu ku jawaabo weerarro kale oo baaxad leh, taaso horseedi karta inay sare u kacdo khatarta amni ee dagaalkan uu dunidda galin karo.
UPDATE: Madaxa ururka caafimaadka dalka Kuuriyada Koonfureen, Lim Hyun-taek ayaa dood ka dhaliyay internetka, markii uu Facebook ku daabacay , sawirka ardaydii 2008-dii ka qalin jabisay kuliyada caafimaadka jaamacadda Banaadir oo ku taalla Muqdisho , iyaga oo xusaya ardaydii ugu horraysay ee ka qalin jebisa caafimaadka in ka badan 20 sanno kaddib, wuxuu ku soo qoray sawirka "Coming Soon”, arrintan oo loo qaatay hadal cunsuriyad ah oo uu uga facelinayo go’aanka dawladda Kuuriyada Koonfureed ay ku doonayso ajaaniibta haysata shatiyada caafimaadka inay dalkaa ka shaqeyn karaan.

Dad badan ayaa ninkan ku dhaleeceeyay qoraalkiisa, kuwaaso taageerray dhakhaatiirta Soomaaliya iyo daruufaha ay ku howlgalaan oo ay ku sheegeen kuwa karti badan.
UPDATE: Donald Trump wuxuu la safan yahay hoggaamiyayaasha Yahuudda ee Mareykanka wuxuuna ku dhaleeceeyay Biden inuu joojiyo hubka Israa’iil; “ Waxa uu Biden ku sameynayo Israa'iil waa ceeb…. Qof kasta oo Yuhuudi ah oo u codeeya Biden waa inuu naftiisa ka xishoodaa. Isagu wuu ka baxay garabka Israa'iil.”
UPDATE: Ra’iisul wasaaraha Hungary, Viktor Orbán ayaa shir jaraa’iid oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweynaha Shiinaha oo dalkaa booqasho ku jooga , wuxuu ku sheegay Shiinaha inuu yahay dalka hadda dejinaya habka dhaqaalaha iyo siyaasadda adduunka, isagoo sii hadlaya wuxuu yiri ; “Hadda waxaan ku noolnahay nidaam caalami ah oo kala duwan, mid ka mid ah tiirarka nidaamkan cusub ee adduunka waa Shiinaha, waddanka hadda dejinaya habka dhaqaalaha adduunka iyo siyaasadda adduunka.”
UPDATE: Ruushka ayaa maanta weerar uu u adeegsatay istiraayijiyad ku cusub dagaalka wuxuu ku qaaday meel u dhow magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine ee Kharkiv oo ku taalla waqooyiga Ukraine. Weerarka oo ay qaadeen ciidanka lugta Ruushka inta uu socday waxaa ka qaybqaatay diyaaradaha dagaalka iyo madaaficda la hago waxay ku burburiyeen qaybo ka mid ah difaaca ciidanka Ukraine ee gobolka waqooyiga -bari,halkaa oo ay gudaha u galeen, inta uu howlgalka socday waxaa la sheegay inay ciidanka Ukraine khasaare la kulmeen, taa oo qasabtay si deg deg ah ciidanka kaydka Ukraine inuu halkaa loo daabulo, sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Ukraine.
UPDATE: Golaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaa goor dhow u billowday kulan deg deg ah oo looga doodayo qaraar ku baaqaya in Falastiin la siiyo mudnaan iyo awood dheerad ah, waxaa kalo uu qaraarka ka dalbanaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay aqoonsadaan xubinimada guud ee Falastiin.

Fiiro gaar ah;

Gudbinta qaraarka qabyada ah waxay Falastiin siinaysaa xuquuq iyo mudnaan badan oo ay ku yeelanayso Qaramada Midoobay. Hadda waa dal goob-jooge ah oo aan xubin ka ahayn, laakiin waxay u dagaallamayeen inay xubin buuxda ka noqdaan ururkan sannado badan, taas waxaa diidey Maraykanka bishii hore. Si kastaba ha ahaatee, Golaha loo dhan yahay ayaa hadda ku jira fadhigan degdegga ah waxa uu eegayaa qaraarkan qabyada ah ee aan Falastiin siinaynin xubinnimo buuxda balse u ogolaanaya xuquuq iyo mudnaan badan oo dheeraad ah, sida ku biirista ururada iyo hay'adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay oo aanay awoodin horey inay Falastiin ugu biirto, iyo waxyaabo kale.
UPDATE: 4 askari oo ka tirsan ciidanka Israa’iil oo uu ku jiri sarkaal sare ayaa lagu dilay koonfurta Qasa , tiro kalana waa lagu dhaawacay inta uu socday howlgallo ay kooxaha Falastiiniyiinta ka fuliyeen saldhigyada ciidanka Israa’iil ay ku leeyihiin koonfurta, sida ay ku warrantay Al-jazeera oo xigatay afhayeenka ciidanka Israa’iil.

Dhinaca kale, kooxaha Falastiiniyiinta ayaa weerarro gantaallo ah ku qaaday goobaha ay ciidanka Israa’iil ku sugan yihiin ee ku dhow Rafah, iyagoo sidoo kale gantaal lidka diyaaradaha ah ku weerarray diyaarad nooca qumaatiga u kacda ee ciidanka Israa’iil.
Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
Xamaas ayaa soo bandhigtay muuqaal howlgallo ay ku burburinayaan taangiyada ciidanka Israa’iil , askarna ay la beegsanayaan madaafiic bariga Rafah.
UPDATE: Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland , waxaa maanta lagu qabtay kulan-weyne ay soo qaban-qaabiyeen garabka haweenka ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo dhaqaale loogu aruurinayay Falastiiniyiinta Qasa, iyadoo sidoo kale madasha oo goobtii loogu talagalay ay buux dhaaftay ay ka qaybgaleen culamo uu ka mid yahay Sheekh Mustafe oo ku baaqay in loo hiiliyo oo loo duceeyo dadka reer Qasa.

Toddobaayadii u dambeeyay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Somaliland ayaa waday dadaallo dhaqaale aruurinta Qasa , si halkaa gargaar loo gaarsiiyo, kullamo arrintaa la xiriirana waxay ka dhaceen gobollada Somaliland.

Sawirrada; MMTV
UPDATE: Golaha dagaalka ee Israa’iil, ayaa ansixiyay ballaarinta howlgalka ciidanka Israa’iil ee Rafah, tan oo sare u qaadi karta khasaaraha dhimashada ee weerarrada Israa’iil ay ka gaysanayso Rafah, oo ah goobta u dambeysa ee ay gabaad ka dhiganayeen Falastiiniyiinta.

Fiiro gaar ah;

Mareykanka ayaa maalin ka hor ku hanjabay inay joojinayaan hubka ay siinayaan Israa’iil , haddii la ballaariyo howlgalka Rafah, sababo la xiriira weerarrada inay ka dhalan karaan dhimasho aan xad lahayn oo ay la kulmayaan qoysaska deggan teendhooyinka Rafah, laakin sida laga arkay warbixin ay soo bandhigtay warbaahinta Axios , waxaa lagu sheegay ballaarin howlgalka Rafah inan la gaarsiin doonin, waxa uu Biden u arko khadka cas.
UPDATE: Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Gilad Erdan ayaa maanta nuqul ka mid ah Axdiga Qaramada Midoobay ku jarjaray mishiin yar oo uu la yimid xarunta guud ee QM, kaddib markii goluhu meel mariyay qaraar siinaya Falastiin xuquuq cusub iyo dib u soo noolaynta xubinnimada Qaramada Midoobay. Go’aanka Qaramada Midoobay , ayaa ku sheegay mid soo dhaweynaya maamul ‘argagixiso ah’.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Muuqaal kale oo ay Xamaas ku soo muujisay toogasho toos ah oo ay la beegsanayaan ciidanka Israa’iil!
UPDATE: 2 milyan oo qof ayaa maanta ka qaybgalay isku soo bax lagu taageerray Falastiiniyiinta Qasa oo ay ka soo qabanqaabiyeen kooxda Xuutiyiinta.
UPDATE: Gantaallo ay ku weerarreen kooxda Xisbullah deegaannada ay Israa’iil haysato ee waqooyiga ayaa dhaliyay dab weyn oo qabsaday aag ku dhow Kiryat Shmona.
UPDATE: Amiirka Kuwait, Sheekh Mishaal Al-Axmed Al-Sabah ayaa kala diray baarlamaanka, wuxuuna laalay qodobbo dastuuri ah, sida uu baahiyay telefishinka dawladda Kuwait. Lama bixin faahfaahin la xiriirta waxa is beddelka deg degga ah ku dhaliyay Amiir Mishaal.
UPDATE: Amiirka Kuwait, Mishal Al-Sabah ayaa hadal ka jeediyay telefishinka Kuwait, isagoo ka hadlay go’aanka uu ku kala diray Baarlamaanka , oo sidoo kale uu ku laalay qaybo ka mid ah dastuurka, wuxuuna amar ku bixiyay in wax laga beddelo dastuurkii 1962-kii markii ugu horreysay abid, isagoo ku sababeeyay in loo baahan yahay in dalka la ilaaliyo.

Go’aanka Amiirka, oo soo muujiyay inay Kuwait joojisay iskudaygeedii tijaabada hannaanka dimuqraadiyadda, wuxuu u sababeeyay inay Baarlamaanka iskudayeen inay isku ballaariyaan go’aamada qaranka, ayna wadaan dhagar ka dhan ah Amiirka, iyagoo isku dayaya inay saameyn ku yeeshaan cidda noqon doonta dhaxal sugaha.

Waxa uu si buuxda ula wareegay arrimaha siyaasadda; isagoo markaa laalay dhammaan hay'adaha dimuqraadiga ah. Sidoo kale waxa uu hakiyay qodobbo kala duwan oo ka mid ah dastuurka, muddo illaa 4 sanno ah.