Iman Jama
29K subscribers
2.7K photos
777 videos
1 file
462 links
Journalist
Download Telegram
Ugu yaraan 100 qof ayaa lagu afduubay gudaha Itoobiya , oo ay ku jiraan Arday toddobaadkii hore, iyagoo laga qaatay madax furasho, sida u sheegay Safiirka Mareykanka u fadhiya Itoobiya, Ervin Massinga.
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maalinta berri ah tagi doona magaalada Port Sudan si uu wadahadal ula yeesho taliyaha ciidamada Sudan, Abdel Fattah al-Burhan oo iskaashi militari la billaabay Ruushka iyo Iran.
40 gantaal oo saacadihii hore ee maanta uu Ruushka u qaybiyay magaalooyinka Ukraine ayaa la sheegay qiimo ahaan inay ku fadhiyaan 232 milyan oo dollar, taa oo ka dhigan Ruushka weerar saacado wax ka yar labo saac inuu ku bixiyay wax ku dhow rubac miisaaniyadeedka Soomaaliya ee halka bilyan oo 70% ah deeq ay ka hesho reer galbeedka iyo Carabta ah.
Shirkadda Boeing ee Mareykanka oo soo saarta diyaaradaha ayaa markii u horreysay shaacisay inay ka bixinayso ganaax gaaraya $243.6 milyan labo shil diyaaradeed ee diyaaradaheeda 737 MAX oo ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof , iyadoo shilalkan ay ka dhasheen diyaaradaha laga leeyahay Indonesia ee Lion Air bishii Oktoobar 2018 iyo Ethiopian Airlines sannadkii 2019-kii oo ay soo saartay Boeing.
Madaxweynaha cusub ee Iran, Masoud Pezeshkian ayaa farriin u diray xoghayaha guud ee Xisbillah , Lubnaan, isagoo u sheegay ; “ Taageerada Iran ee iska caabinta ururka la-dagaallamaya Israa’iil waxay sii socon doontaa si adag."
Ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi ayaa booqasho labo maalmood ah ku tagay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, waana booqashadiisii ​​ugu horreysay tan iyo markii Ruushku uu weerarray Ukraine, labada hoggaamiye ayaa berri yeelanaya wada-hadallo ay diiradda ku saarayaan iskaashiga u dhaxeeya iyo hababka lagu horumarin karo.

Fiiro gaar ah;

Hindiya ayaa door muhiim ah qaadatay muddadii ay reer galbeedka sare u qaadeen cunaqabateynta Ruushka , iyadoo Delhi ay ahayd waddanka saddexaad ee dalalka galbeedka ka iibinayay gaaska Ruushka , taa oo hoos u dhigtay saameynta dhaqaale ee Ruushka uu kala kulmi lahaa cunaqabateynta.
Ugu yaraan 10 askari ka tirsan ciidanka Israa’iil ayaa lagu dilay howlgal gaadmo ah oo ay Xamaas ka fulisay Rafah, sida ay sheegtay Al-jazeera oo xiganaysa wargeyska Wall Street Journal.
Itoobiya ayaa sheegtay cid kasta oo ka hortimaada doonistooda badda cas inay u arkayaan , arrin khatar ku ah ‘amniga qaranka’, sida uu warbaahinta gudaha Itoobiya u sheegay agaasimaha fulinta ee machadka arrimaha dibadda Itoobiya, Jacfar Bedru , oo inta ku daray dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya inuu ku tiirsanyahay 100% badda cas,isagoo sii hadlaya wuxuu yiri ; “Itoobiya waxay qayb ka tahay Badda Cas, waxayna si istiraatijiyadeed ku tiirsan tahay marinkan muhiimka ah ee ganacsiga adduunka.”
Fiiro gaar ah;

Itoobiya ayaa doonaysa inay marin ganacsi iyo saldhig ciidanka badda ah ka hesho badda cas, kaddib heshiis ay la gashay Somaliland , bishii koowaad ee sannadkan , kaa oo aan la dhaqangelin, xilli ay si adag u diidday dawladda Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan, oo toddobaadkii hore kaddib wada-xaajood uu u kala dabqaadayay Turkiga labada dal, lagu guul-darrastay in laga helo natiijo uu caddeeyay inaysan dooneyn Itoobiya inay ka laabato heshiiska, markaa ma uusan sheegin haddii ay Soomaaliya qaadayso tallaabooyin ay ku joojin karto Itoobiya.

Hadda, Itoobiya waxay adeegsanaysa luuqad u dhiganta hadalladii quwadaha Mareykanka iyo Ruushka ay u adeegsadeen duulaan kasta oo militari oo xad-gudub ah, iyagoo ku andacoonaya tallaabooyinka ay qaadeen inay uga hortagayaan khatar ‘amniga qaranka ah’.
Telefishinka Israa’iil ee Channel 12, ayaa sida ay ka soo xigatay Al-jazeera, wuxuu ku warramay inay Xamaas bilowday inay ka dhisto dhulka hoose ee Qasa , godod cusub, sababtoo ah warshadaha soo saara qalabka loo baahanyahay ee Xamaas ayaa wali shaqeynaya, mar kasta oo dagaalka uu istaaganaya waxay warbixintu sheegtay inay Xamaas awood u leedahay inad u gudubto dhinaca Israa’iil oo ay fuliso weerarro la mid ah midkii 7 Oktoobar.

Fiiro gaar ah;

Isra’iil oo dagaalka Qasa ku sheegtay midkii ugu dheeraa taariikhda ayaa sidoo kale la kulmaysa guul-darradii dagaal ee ugu xumeyd , iyadoo taageerro dhammeystiran ka helaysa Mareykanka iyo xulufada reer galbeedka , in ka badan sagaal bilood oo dagaal uu ka socdo magaalo go’doon ahayd 20 sanno, waxay Israa’iil awood u yeelan wayday inay soo furato 200 maxbuus iyo soo bandhigista sawir muujin kara guul ay dagaalka ka gaartay.
Ururka u ololeeyaha inay YH ku soo laabtaan Israa’iil ayaa ugu baaqay YH ku nool Faransiiska inay usoo qaxaan Israa’iil, kaddib markii doorashadii ka dhacday Faransiiska uu ku guuleystay kuraasta ugu badan isbahaysiga bidixda ee taageerra Falastiin.
Dalka Koonfurta Suudaan, ayaa sababo la xiriira xaaladda dhaqaale xumo ee Dawladda , waxaa la baajiyay dabaal-degga maalinta xorriyada. Koonfurta Suudaan ayaa dal madax bannaan noqotay 9 July, 2011.
Iman Jama
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maalinta berri ah tagi doona magaalada Port Sudan si uu wadahadal ula yeesho taliyaha ciidamada Sudan, Abdel Fattah al-Burhan oo iskaashi militari la billaabay Ruushka iyo Iran.
Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya,Abiy Ahmed ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Port Sudan, taasoo ah booqashadii ugu horrreysay oo sarkaal sare oo dawladeed uu ku tago dalka Suudaan tan iyo markii ay dagaallada ka bilowdeen, isagoo kulamo la qaadan doona madaxa militariga Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, wuxuuna Abiy isku dayi doonaa inuu raadiyo hab wada-xaajood oo lagu joojin karo dagaalka, sida uu dhowaan ka sheegay Addis Ababa.

Fiiro gaar ah;

Itoobiya iyo Suudaan, waxaa muddo dheer ka dhaxeeyay khilaaf salka ku haya khayraadka iyo dhulka , marka laga soo tago xiisadda wabiga Niil, waxay isku dayaysay Suudaan inay la wareegto gacan ku heynta gobolka xadduudka ku yaalla ee Al Fushqa oo ay ku muransan yihiin dadka ka soo jeeda Al Qadarif iyo Amxaarada. Gobolku waa dhul beereed barwaaqo ah, caasimaddiisuna waa Showak.
This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Muuqaal ay soo dhaweynta Abiy ka baahisay warbaahinta Suudaan.
Dawladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay saraakiil ka socda hay’adda amniga garoommada diyaaradaha Mareykanka ee TSA inay soo gaareen Muqdisho , waxayna qiimeynayaan hay’adaha amniga garoonka diyaaradaha caasimadda Muqdisho ee Aadan Cabdulle, iyadoo la sheegay saddex maalin oo saraakiisha TSA ay ku suganyihiin Muqdisho inay la kulmi doonaan maamulka iyo laamaha kale ee garoonka oo ay ka wada-hadlayaan horumarinta amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, sida uu baahiyay telefishinka dawladda.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay; “Kullamada ayaa gogol xaar u noqon doona sidii lagu gaari lahaa in diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho ay si toos ah uga degi lahaayeen garoommada diyaaradaha dalka Mareykanka.”
Fiiro gaar ah;

Hay’adda amniga garoommada iyo gaadiidka Mareykanka ee TSA, waa wakaalad ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka . Waxaa loo dhisay in ay jawaab u noqoto weeraradii September 11 , ee daaraha ganacsiga New York lagu qarxiyay diyaaradda, si loo hagaajiyo nidaamka amniga garoonka diyaaradaha iyo xoojinta amniga safarka hawada. Si kastaba ha ahaatee, shaqada koowaad ee TSA waa ammaanka garoommada diyaaradaha iyo ka hortagga afduubka diyaaradaha. Waxay mas'uul ka tahay baaritaanka rakaabka iyo shandadaha ee in ka badan 450 garoon diyaaradeed oo ku yaalla Maraykanka, shaqaaleysiinta saraakiisha baaritaanka iyo kuwa ka hortaga walxaha qarxa. Laga billaabo sannad xisaabeedka 2023, TSA waxay ku shaqeysay miisaaniyad ku dhawaad ​​$9.70 bilyan, waxayna shaqaaleysiisay in ka badan 47,000 oo Saraakiisha Amniga diyaaradaha iyo gaadiidka kale ee dadweynaha oo ay ku jiraan tareennada iyo khabiirada amniga gaadiidka.
Maxkamadda Israa’iil, ayaa u mudaysay 2 bisha December 2024, inuu hor yimaado Netanyahu si dacwada la xiriirta musuq maasuqa ee loo heysto dib loogu furo, xilligaa oo ay maxkamadda keeni doonto caddeymo la xiriira eedeymaha musuq maasuqa ee Netanyahu.

Fiiro gaar ah;

Laba toddobaad ka hor, qareenka ka difaacaya dambiyada Netanyahu ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha uu u baahan yahay ugu yaraan March 2025 sababtoo ah dagaalka ka socda Qasa, balse xeer ilaaliyaha guud ayaa dib codsigaa u celiyay , kaddib markii uu sheegay marxaladda hadda lagu jiro inaysan waxba u dhimeyn in kiiskan dib loo furo.
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa la sheegay inuu kala hadlay Ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi oo booqashadii u horreysay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine ku tagay Moscow , sidii labada dal ay u gaari lahaayeen heshiis hub, lama soo bandhigin faahfaahin la xiriirta heshiiskan, balse si cad wuxuu Ruushka doonayo warshado gacan ka siiya hubka iyo rasaasta uu u baahanyahay ee dagaalka.

Ciidanka militariga Hindiya ayaa ku tiirsan wax ka badan kala bar awoodooda wax-soosaarka militari ee Ruushka , iyadoo taangiyada, gantaalada illaa warshadaha nukliyeerka ee Hindiya ay yihiin kuwo ka yimid Ruushka , balse tobankii sanno ee u dambeysay Hindiya ayaa xoojisay wax soo saarkeeda hubka si ay u gaarto isku filnaasho dhinaca warshadaha militariga.
Fiiro gaar ah;

Sida ku cad warbixin ay soo bandhigtay Al-Jazeera; Moscow waxay aad ugu baahan tahay inay buuxiso baahida joogtada ah ee ciidamadeeda qalabka sida ee madaafiicda iyo rasaasta taangiyada nooc kasta ah ee dagaalka ay ka wado Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa si joogto ah u ridaya 8,000 oo rasaas ah maalintii. Celcelis ahaan kharash dhan $4,000 midkiiba, Ruushku waxa uu ku bixinayaa 32 milyan oo doolar maalin kasta dadaalkiisa uu ku jebinayo ismari waaga ka taagan goobaha dagaalka ee Ukraine.
Boqortooyadda Sacuudiga , ayaa qaaday tallaabadii u horreysay oo ay ku joojinayso taageerrada waddamada Yurub ee Ukraine , iyadoo Boqortooyadda ay uga digtay dalalka G7 inay qaataan go’aan lacagaha laga xannibay Ruushka hab deyn ah ugu wareejinayaan Ukraine, sida ay soo bandhigtay Bloomberg oo sheegtay wasaaradda maaliyadda Sacuudiga inay digniintan la wadaagtay wasaaradaha dhiggeeda ah ee dalalka G-7.