GEERAAR JACEYL CHENNEL 2022
17.5K subscribers
3.71K photos
36 videos
1 file
218 links
Geeraar jacayl ♥️
Geeraar amaan
Geeraar qalin Jabin
Geeraar aroos
Geeraar dhiirigalin
Erayo jacayl ❤️
Xigmad jacayl ♥️
Oraah jacayl ❤️
Intaba waxaad ka helaysaa @geeraarjacayl .

Ku soo biir: geeraarojaceyl .♥️❤️😍
Download Telegram
Maxaad ruux hami lahaa
Mar kali ah ka meertay oo
Adoon midna waydin ruux
Ku tuurtay muujado jaceyl
Walee murigiyo dhibaato.

Jaceylku ka hadalkiisa laga ma daalo. Jiil walba sidaan bay kaga hadli doonaan.
Iga maarmi mayside
Iska daa mashquulka.
Muxibada jaceyl waara
Muujadiisa Caashaqa
Haday midibo kuu yesho
Mugdi ay ku galisoodna
U dhaqaaqi Karin meel
Lays ma waalo maalme
Maskaxdaa la baaraa


@geeraarjacayl
Dhaxal weye caashaqa
Dhan walboo la eegaana
Dhisme weeye guur oo
Gobol lagu dhigtaayeee
Kii ku dheelayoow joog
Kan dhayalsadoow joog
Ka dhamaan ma heyside
Dhiiqada ha galin joog

@geeraarjacayl
Ma cuni laheyd haddii la soo saaari lahaa daawo jaceylka u roon ?

#jawaab
Waxay tiri:

Dareen baan ku hayee
Daweyd ani ii aheyd e
Duruufta adoo ogaanin
Maxaad danaaha raacday 💔

@geeraarjacayl subax wanaagsan
Isma dhihin markaageey
Kugu dhici sidaan ee
Dhacday ee nafteydaay
Dhankaa ka quusoo
Yey dhicin wixii dhacay 💔😭

Runta waa lama huraan 👀 @geeraarjacayl
Adoo dheel dheelayaad
Qof dhaawiciye ogoow..

Adoo Dhab Dhab modayaa
Ka qubi ee dhiig ogoow ..

Qof ku dhowranayaad
Bal dhawaciye ogoow ❤️‍🩹

@geeraarjacayl ma Nala socotaa 💯
Isku milanka dhacayaa
Maankeyga diidyayee
Ma anaa ku waashoo
Mise waa dhab oo eeg.

Ma tihide ahoow mii
Ma jecliye jeclow mii
Ma aragtaa I arag mii
Ma harine ogoow mii

Qabka jabi miyaa eeg
Qalbi dilan miyaa eeg
Qalad dhacaya weeye
Qof samaynayoow eeg.

Isma ma gaarno ee eeg
Maamulo anaa ogol ee
Ku mashquul dadkaago
Marba meel mushaaxoo
Murugada ha waarto 💔

@geeraarjacayl
Jaceylku macaan miyaa ?
Ma dhayman iyo luul baa ?
Jaceyl ma murugo baa ?
Ma hadal iyo hal eray baa ?
Jaceylku ma Jin baa wado ?
Mise waa lagu jinoobaa ?

Waa maxay jaceylku ?

@geeraarjacayl nagu soo biir
Riyaan koolkooliyaa
Xasuustaa ku raadiya
Kun baa ka qoraayayoo
Ku soo gudbiya halkaan.

Ka daa waan iraahdaye
Kun jeer buu diiday ooo
Ku daayaye qaado xaawa
Xagaaga ayaan ku ogahay 💔

@geeraarjacayl
*Waxa la so saaray Dawadii Jacaylka Qof Walbo Bilaa zaxiba misne Jacaylku cidlo Ka Helay Ha So Dhawaado waxan Ohaynaa Wacyi Galin Iyo Latalin Cafimad Oo Macne heedu Tahay Loof Bilaa Irbada😭😂😂😭😭😂😭😭😂*

@geeraarjacayl hadaad TALO dooneyso comment-ga ku soo qor TALO
Miyaa dishay laabti
Lurkaaga necbeyd 😭
Jaceylku tijaabi ma aha
Jidkaa kaa helayna maha
Jallaato isiina maa aha
Jag baa kugu ahay maha
I jiid aan ku jiida ma aha
Jajuub bal guurso maha
Jiq bay igu tahayna maha !

Jaceylku muxuu yahay ?


@geeraarJACAYL NAGU SOO BIIR
Qalad ma aha riyadoo
Qof walbaa rajeeyaahe
Qudheyduna wan sugaa 🙏🏼
Hadii aadan ahayn qoraa anfaca  dadka
noqo aqriste anfaca naftisa.🥀


Subax wanagsan..💗👍
Waalidkeenna Allah dambigooda ha dhaafo 🤲🏼
Waa galab ay qoraxdu si galbatay . Cirku baa daruur Isa soo xireen . Wadadu aad bay u dheereyd, misana kama daaleyn socodka, sababta oo ah, saafi baa aheyd gabadh aan inaba sheekadeeda laga dhargeyn .

Hareeraha wadada oo doog ahaa baa roobkii soo jiitay. Saafi iyo anigana kolkuu na gaaray dhibcihii roobka baan dhan aan ku gambanaa waynay . Dani socda bay nagu tiri, dhaxantuna waa siyaado . Saafi oo gacmaha hadba dhan laabta iyo garbaha ku dadeyso bay isheydu qabatay . Kama aan daahine jaakadii an watay baan garbaha u suray . Waa sida lagu garanayaa soo ma aha, ninka wax garadka ah, aaahey . Waxaan soconaba saafi oo iga fogeyn si buu jawigu u macaanaa, Marna niyada kama saari karo jawigii quruxda badnaa ee galabkaa .

Saafii markii an soo gaarnay halkii rabnay bay si gaar ah laabta ii galisay, iguna tiri mahadsanid . Ma aqaan sababta balse iska dheh wehelkii iyo dhaxantii an ka ilaaliyey .


Sorry riyada way dhamaatay subax wanaagsan @geeraarjacayl
Qofkaan imisa qalbi buu leeyahay ?

Mase shukaansan laheyd !
Jaceylku macaanaa
Malab weye qaadoo
Mar walbaa hab isii 🫂
Riyadaan laheen baa
Run u soo dhawaatee
Iskaabulo run sheega
Reer wada sameystoo
Guursada rajada Gaara 💯