Media is too big
VIEW IN TELEGRAM
أرض الحضارة موطني، صومال يا ارض الكرام❤❤😎😎
RAMADAAN KARIIM dhamaan Asxaabta, Ehelka iyo guud ahaan umada Muslimka meel kasta ay joogaan.
Waxaa bilaabatay Bishii Ramadaan,
Waa Bishi Barakaysneyd,
Waa Bishii dambi dhaafka,
Waa Bishii Naxariista,
Waa Bishii Quraanka
Waa Bishii Sadaqada
Allaha naga dhigo kuwii si dhab ah uga faa'iideysta fursadan weyn ee Eebe inoogu deeqay,
Rabbi ha uga dhigo dhamaan Umada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta Caalamka in ay ku Soomaan kuna afuraan Caafimaad, NABAD, Barwaaqo iyo Walaaltinimo
RAMADAAN KARIIM

Digniin☡⚠❗❗❗⁉
Nabiga scw ayaa laga wariyay "Qofkii laandhuuga Ciyaara Alle iyo Rasuulkiisa ayuu ku caasiyay" -sunanka ayuu ku yala
Rasuulku scw wuxuu yiri
Qofkii Laandhuug🎲👈 ciyaaraa waa sida gacantiisa isagoo ku magday (gacmaha ku subkaday) ama marsaday hilib doofaar iyo dhiigiisa. Rawaahu muslim.
Marka yaa la ciyaarin Laandhuuga iyo
turubka iwm
Qaasatan waxaa aad loo ciyaaraa bisha barakeysan ee ramadaan.

23 jirkii furay Istanbuul Muxamad Al faatix
Muxamad Al-Faatix Waa amiirkii furtay qustandiiniya(Istanbuul)
ee waqtigan loo yaqaano Istanbuul kuna taallo wadanka turkiga
wuxuu dhashay Muxamad Al-Faatix 26-Rajab-833 hijriya
kuna beegan miiladiga 20 April 1429
Abihii wuxuu ahaa Amiirka muslimiinta oo ah mid kamid ah Amiirada dowlada cusmaaniyiinta Abihii si uu u tababaro wiilkiisa wuxuu u qabtay Culumo aad u cilmi iyo ilaah ka cabsi badan si ay ugu tarbiyadeeyan diinta Islaamka Iyo jihaadka Macalimiintiisa waxaa kamid ahaa Sheekh Aqshamsudiin . Sheekhu wiilka yar marka uu cashirka u dhigo ayuu maalin walba kaxeeyaa Wuxuu mariyaa xeebta bada markaasu kor ka tusaa magaalada qustandiiniya Markaasu ku yiraa : Mar arkeysaa magaalada halkaas ka muuqato?Waxaa lagu soo dari doonna dowlada islaamka Wuxuu yiri rasuulka Naxariis iyo nabad galiyi korkiisa ha ahaate
"لتفتحن القسطنطينية ولنعم الأمير أميرها ولنعم الجيش ذالك الجيش"
"Xaadithkaas oo macnihiisu yahay Qustandiiniya waad furan doontan oo aad furan doontan waxaa nimco iyo kheyr oo dhan helay amiirka furta iyo ciidanka uu hogaaminayo"
Maalin kasta xadithkas ayuu ku dul aqriyaa wuxuuna u sheega in cida xaqiijineyso ay isaga tahay ee kheyrka iyo barakadaa rasuulka sheegay heleysaa
Wiilka yar maskaxdiisa ayey ku duubantay Arintaasi Habeenkii marka uu seexdana wuxuu sawirtaa isaga oo ciidankii hogaaminayo oo dagaalkii socdo oo dhiigu daadanaayo habeen walba sidaa ayuu ku seexdaa wuxuu niyada oa goostay inuu noqdo kii furan lahaa qustandiiniya
Qeybta xigta iyo Muxamad Al-Faatix oo xukunka qabtay Lasoco insha Allah
📝Sayyid Mohammed Farah

Imaam Maalik Bin Anas "امام دار الهجرة"
Magaciisa iyo xili dhalashadiisa
Magaciisa: Abuu Cabdullaah Maalik bin Anas bin Maalik bin abii Caamir bin Camr bin Xaarith Al-asbaxi. Wuxuu ka soo jeedaa Imaamku asal ahaan “Ximyar” oo ah qabiil Yemen dega . Hooyadiisna waxaa la yiraahdaa Caaliyah bintu Shariik bin Cabdiraxmaan Alazadiyah.
Imaamku wuxuu dhashay sanadkii 93H, wuxuuna ku dhashay Madiinah AlMunawarah oo ah magaaladii Rasuulku swc u hijrooday oo ayna ku kulmeen jiilkii ugu horeeyay ee saxaabada iyo ardaydoodii. Allah ka raali noqdee wuxuu ku barbaaray deegaan cilmiyeed. Aabihii , walalkiis iyo hooyadiisba waxay ahaayeen dad cilmiga xadiithka aad u raac raaca taasna raad bay ku yeelatay imaamka .
Dadaalkiisii Xaga Cilmi raadinta
Imaamku wuxuu bilaabay cilmiga isagoo aad u yar wuxuu sida caadada u ahayd culimada xifidyay Qur’aanka. Wuxuu bilaabay imaamku inuu la fariisto culimadii waqtigiisa joogtay
Macalimiintiisii kuwii ugu horeeyay waxaa ka mid ahaa Ibnu Hurmuz, wuxuuna ka bararnayay cilimiga 7sano cid kalena uma tagi jirin xiligaa. Isagoo ka waramaya imaamku wuxuu yiri “waxaan u imaan jiray Ibnu Hurmaz subaxii kamana tagi jirin ilaa habeenkii”. Kadib wuxuu u wareegay Naafic Mowlaa ibnu Cumar ilaa uu la caan noqday riwaayadkiisa (warintiisa ) مالك عن نافع عن ابن عمر . Wuxuu kaloo ka qaatay imaamku cilmiga Ibnu shihaab Azuhhari iyo culimo kaloo badan
Wuxuu imaamku ku bixiyay cilmiga dadaal iyo waqti badan. Magaalada Madiina casrigiisii ma jirin cid lala simo xagga cilmul xadiiska, Fiqhiga iyo xifdigaba.
Isagoo ka waramaya imamku naftiisa wuxuu yiri “waxaan u imaan jiray Naafic Mowlaa ibnu cumar maalinta badhkeeda iyadoo geedna iga celinayn qorraxda waxaan sugi jiray intuu ka soo baxayo markuu soo baxo xoogaa baan u kaadin jiray waxaan iska dhigi jiray sidii anoon arkayn kadibna waan salaami jiray markaasaan waydiin jiray waxaanan oran jiray muxuu ka yiri Ibnu cumar sidaa iyo sidaa kadibna wuu ii jawaabi jiray waana xifdin jiray wuxuu ii sheegoo dhan”.
Mar kale isagoo ka waramamaya xifdigiisa wuxuu yiri . Waxaan u imid mar Ibnu shihaab Azuhhari, markaasuu i waydiiiyay waxa aan doonayo .Markaasaan ku iri waxaan rabaa inaad xadiith ii sheegto, ka dib wuxuu igu yiri la soo bax looxaaga waan la soo baxay wuxuu ii sheegay 40 xadiith markaasaan ku iri ii kordhi markaasuu igi yiri U kaadi hadaad xafido intaan oo xadiith waxaad ka mid tahay Xufaada, markaasaan ku iri waan xafidayba markaasuu iga qaaday looxii gacantayda ku jiray oo yiri ka soo bax markaan soo sheegay intii xadiith ahayd ee uu ii sheegay wuxuu yiri Kac waxaad tahay weelasha cilmigee !
Imaamku wuxuu ku caan baxay xifdi sareyn, waxaa la sheegaa inuu ka dhagaysan jiray xadiithka culimo badan mid walbana ka maqli jiray 50 ama 100 xadiith korkana ka xifdin jiray isagoon xadiithna ku qaldin xadiithka kale
📝 Sayyid Mohammed Farah

✔Waxaa safar galay dad badan habeen markay in badan socdeen ay daaleen ayaa waxay yimaadeen tog wada duur ah
Waxay damceen inay seexdaan iyagoo isu diyaarinaya inay seexdaan ayaa waxaa dulyimid libaax
✔Dadkii markii ay arkeen libaaxa way wada boodeen oo carareen lkn mid kamid ah oo salaada habeenkii tukanayay ma boodin oo salaadiisi ayuu iska watay
✔Libaaxii ayaa u yimid oo usoo dhawaaday ma dhaqaaqin oo salaadiiisi ayuu iska sii watay, libaaxii ayaa ku dul wareegay ninkii wax yar kadib libaaxii wuu iska kala wareegay oo iska dagay
✔Dadkii la socday ayaa naxay oo argagaxay qaarkoodna dhulka isla dhaceen iyagoo leh Miyaad waalantahay?
naftaadii miyaa nacday?
✔Wuxuu ku yiri dadkii ilaahay ayaan ku dhaartee waxaan dareemay xishood anigoo u istaagay ilaahay inaan ka cabsado wax kale
✔Waxaana ka xishooday anigoo hor taagan ilaahay hortiisa inaan ka cabsado makhluuqiisa
✅Subaxaanalah
✔Noloshu waa imtixaan, islaamkuna waa ka ugu fiican, cibaadadu waa waajib, aduunkuna waa habaas, aakhiro waa nasasho hadaad qur'aanka aaminto
Ilaahay marka hore adeec guushu way ku xigiye
✔Hadii ayna aduunyadu ahayn goob imtixaan aduunka lagama buuxiyeen xanuun iyo wasakh
✔Hadii ayna nolosha silic iyo dhibaato jirin nabi muxamed ayaa ku raaxaysan lahaa aduunka
✔Markasta ha iloobin inaad alxamdulilaah dhahdo ha fiirin waxa hada ku gu dhacaya noloshaada iyo dhibaatooyinka kusoo wajahaya ilaaahay ayaa kula jira, wuu ku arkaa hada , wuu ku maqlaa hada , fiir cirka iyo koonka allah sameeyay ilaahay wuu kaaga dhawyahay sida aad hada umalaynayso
✔Hadii hada aad dhibane tahay, Ogoow inuu ilaahay kugu martiqaaday ducooyin iyo samir uu kuu aqbali doono
✔Aqbal ilaahay martiqaadkiisa quruxda. Badan waxay kuu hogaamin doontaa albaabada janada kaad doonto
✅Xusuusnow inay dhibaato iman lkn ay dhamaan Haka quusan rabbigaa hana iloobin inaad dhahdo
✅Allahu akbar
✅Fadlan lawadaag walaalaha si naxiis leh adigana ilaahay hakaa abaal mariyo hadaad share dhahdo
✅Inaad cilmi fasfisaa waa sadaqo-jaariya ah

This media is not supported in your browser
VIEW IN TELEGRAM
Cod la hubo inaad ka heleyso😍😍😍😍😍
Muxamad Al-Faatix Waa amiirkii furtay qustandiiniya(Istanbuul)
Amiir muxamad Al-Faatix markii uu dhintay abihiis Isaga ayaa noqday Amiirkii muslimiinta wuxuu ahaa wiil yar da'diisana waxey aheyd 23 jir kaliya mushkilado badana ayaa waqtigaas jiray Gaar ahaan dowladihii gaalada ee xuduuda lalahaa dowladii islaamka ayaa mid walba waxey dooneysay dhul balaarsi iney sameyaan oo ay dhulka muslimiinta wax ka qaatan .
Amiir muxamad Al-Faatix waxaa la sheega inuu isku keenay dadkii caqliga,khibrada iyo aqoonta lahaa si ay arimahaas ugala taliyaan waxey markaas liis dheer ugu qoreen mushkilada tira badan iyo mid waliba sidii loo xalin lahaa
Amiir Muxamad Al-Faatix markuu arkay mushkiladaha tirada badan hadii mid mid loo bilaabo xalinteeduna waqti dheer qaadaneyso Ayuu wuxuu ku hadlay hadal xikmad noqday oo uu yiri "Nolosheyda oo dhan ku dhameysan maayo mushkiladaha xalintooda"
Intaa kadib wuxuu qaaday talaabo muhiima oo ah xaqiijinta hadaf weyn oo sharaf iyo qiimo leh Hadii uu kaa ku guuleystana ay dhamaan mushkikadaha kale xalis mayaan Waana furashada Qustandiiniya(Istanbuul)
Amiir muxamad Al-Faatix wuxuu bilaabay inuu iskudaba rido dowlada oo uu habeeyo Hadii ay tahay dhinaca dhaqaalaha ama hadii ay tahay dhinaca siyaasada ama hadii ay tahay dhinaca ciidankaba
Wuxuu bilaabay markiiba inuu ciidanka awooda saaro oo tababarkii ugu danbeeyay siiyo Hubka nuucii ugu danbeeyay waqtigaana ku qalabeeyo Kadibna wuxuu bilaabay inuu wada hadal la yeesho ninkii xukumaayay qutandiiniya(Istanbul) oo uu ka dalbaday inuu magaalada si nabad galiyo ah ugu soo gacan galiyo Lakiin boqorkii qustandiiniya Arintaas uma cuntamin aad buu u diiday Wuxuuna codsigaa ku tilmaamay waxaan marnaba suuragal aheyn Kadib ayuu muxamad Al-Faatix yiri laba mid uun bey noqon In qustandiiniya carshi ku yeesho iyo inaan qabri ku yeesho
Markaas ayuu dagaal ku qaaday waxaa la sheega dagaalkaasi inuu socday 51 maalmood. Dagaal adag oo naf iyo maalba labada dhinac kaga dhamaadeen.
Ugu danbeyntiina wuxuu ku guuleystay inuu furto magaaladaas halkaasna wuxuu ku xaqiijiyay riyadiisii
Sidaasna wuxuu ku noqday amiirkii Ku xaqiiqoobay xadiiskii nabiga Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee
In ka badan toban qarni ayaa amiiradii ka horeeyay mid walba isku dayi jiray inuu furto Laakiin waa ku adkaatay Waxaase guusha la hoyday oo helay nimcadii nabiga sheegay Wiilka yar oo da'diisu aheyd 24 jir waana arin mucjiso ah
800 oo sano kadib xadithka nabiga qustandiiniya waxaa furtay Amiir Muxamad Al-Faatix
Amiir Muxamad Al-Faatix wuxuu dhintay bisha rabiicul awal 886 hijriga habeen jimco ah
Maanta dhalinyarta 23 jirka ah waxey ku jiraan gaSayyid Mohammed Farah:
canta waalidkood oo maba gaarin waqti ay madax banaanaadaan oo ay isku filnaadaan oo ay Islaamka xoojiyaan bal ayagaaba lagaga baqaa iney diinta ka baxaan
Su'aal:-- Muxuu yahay farqiga u dhaxeeyo 23 jirka hada jiro iyo kii jiray waqtigii hore sida Amiir muxamad Al-Faatix
Dhamaad Wabillahi towfiiq
W/Q:- Sayid Muxamad Faarax
Ilahow Dhalinyarteena ka dhig sida Sultan Muxamad Al-Faatix

Xikmado ka mid ah xikmadaha laga Soo Guuriyay Shiikhi Weynaa Shiikh Mohamed Metawali Shacraawi, waxaa ka mid ahaa:-
1- Haddii Aadan Awoodin Hadal Xaqa ah, Ha u Sacaba Tumin Baadilka (Xumaanta Iyo Gardarada).
2- Haddii Aadan Helin Ruux Laabta Xumaan iyo Xiqdi Kugu Haya, Ogoow inaad Tahay Ruux Fashilmay.
3- Ruuxna Xukmin Maayo Boqortooyada Alle, ilaa Eebe Doonistiisa Mooyee.
4- Ha u Caabudin Eebe inuu wax ku siiyo, ee u Caabud inuu kaa Raali noqdo, Haddii uu kaa Raali Noqdana Waxaad Si Durdur ah U Heleysaa Siismadiisa.
5- Haddii Aad Ku Aragtid Ruux Faqiir ah Wadamada Muslimiinta Dhexdooda, Ogoow in Mid Hantiile Ah Uu Xaday Ninkaa Maalkiisa.
6- Ma Wal-walo Ruuxa leh Aabe, Sidee buu u Wal-wali Ruuxa leh Rabbi.
7- Haka Wal-walin Waxyaabaha ay Basharka kuu Maleegayaan, Haddii ay Fogaadaan waxay Fulinayaan Amarka Eebe.
Wabillaahi Towfiiq.
📝📝 Sayyid Mohammed Farah

Taxanaha Taariikjda Islaamka ee bisha ramadaan
Taariikhda Imaamu Buqaari ~ Amiirul muslimiina fil xadias ~
Muxammad Ibnu Ismaaciil Al-Bukhaari Al-Jucfi
محمد بن اسماعيل البخاري
Macaga Imaamka
Abuu Cabdullaahi Muxammad Ibnu Ismaaciil Ibnu Al-Muqiirah Ibnu Bardiizbah Al-Jucfi Al-Bukhaari.
Carabi: أبو عبد الله محمد بن اسماعيل بن ابراهيم بن المغيرة بن بردزبه الجعفي البخاري
Muxammad Ibnu Ismaaciil Al-Bukhaari [محمد بن اسماعيل البخاري ]. Wuxuu dhashay salaada jimcaha ka dib bishii Shawwaal 13keedii sannadka hijrida 194, sannadka milaadiyada 19 July 810. Magaalada la yiraahda Bukhaari ee ku taal Khorasaan ee waqtiga xaadarka ah loo yaqaana Uzbekistan.
Dadka inta cilmiga Axaadiista wax ka taqaan, Imaamul Bukhari waxay u aqoonsan yihiin inuu ka mid yahay shaq siyaadka ugu muhiisan taariikhda umadda Islaaamka. Bukhaari wuxuu ku soo biiriyey dhaxal tooyada umadda Islaamka kitaab kiisa loo yaqaan Saxiix-ul-Bukhaari laakiin isagu uu u bixiyey Saxiixul Jaamic oo ah midka ugu saxiixsan kutubta qoran, Qur’aanka ka dib kaas oo Culimdu isku waafaqsantahay inuu yahay Bukhaari Imaamu ahlul Xadiis iyo ninka ugu xifdin badan sunada Nabiga (scw) waana kitaabka loogu kalsoon yahay agtooda Kutubta lixda ah ee waa wayn ee loo yaqaan Situ Umuhaat kuwaas oo kala ah:
Saxiixul Bukhaari,
Saxiixul Muslim,
Sunan Abii Daa’uud,
Sunan At-tarmethey,
Sunan Ibnu Maajah iyo
Sunan An-Nisaa’i .
Inta uu jiro qof muslim ah oo baranaya sunnada Nabiga (scw), baalka uu Imaamku kaga dhigan yahay taariikhda Islaamka waxa uusan ka engegeyn carabka inta wanaaga ku xusaysa. Bukhaari wuxuu halyey u yahay inta sunnada Nabiga (scw) barashadeeda uheelan had iyo goor, fahamkeedana u oomman, waana Amiirul muslimiin fil Xadiis.
Dhalashadii Imaam Bukhaari ”raxima hu laah”
Magaciisu waa: Abu-Cabdullahi, Maxamed Ibnu Ismaaciil ibnu Ibraahiim, ibnu muqiirah, ibnu Burdazbah Al-Jacfi Al-Bukhaari wuxuu ku dhashay magaalada Bukhaara, oo ku taal dalka Ruushka maanta loo yaqaan Uzbekistan, sanadku markuu ahaa 194H 13-ka bisha Shawwaal habeen jimceed, waxuu ahaa asalkiisu Faarisi laakiin ku magacaabida (Aljacfi) Aabihiis baa wuxuu ku Islaamay Gacanta Al-yamaani Aljacfi uuna u ahaan jiray Mowle sidaas baa loogu magac daray Al-jacfi.
Bukhaari Aabihii, Ismaaciil ibnu Ibraahiim ibnu Mughiirah al-Jacfi, wuxuu ka mid ahaa Muxaddisiintii waa weynaa ee reer Bukhaara wuxuuna caan ku ahaa uruurinta iyo xifdinta Axaadiista Nabiga (scw). Bukhaari Aabihi wuxuu geeriyooday isagoon garaadsan oo dhabtii hooyadii ku jira. Wuxuuse uga tagey hanti fara badan. oo xalaal ah wuxuu oran jiray Aabihiis Maalkayga oo dhan ma garanyo hal Dirham oo xaaraana oo ku jira, Korintiisa iyo bar baarintiisa waxaa la wareegtay hooyadiis.
Qeybta xigta iyo ~ Barashadii sii Cilmiga Xadiiska ~ Lasocod wacan

XIKMADO IYO TALLOOYIN AY U BAAHANTAHAY NAFTAADA -KA FAA’IDEYSI WACAN
Nooloow keligaa, hayeeshee cidna kelinimo ha badin. u nooloow si qof weyn ee haku noolaan islaweyni, Alle u nooloow Dartiisana u dhimo, abuurkana Abuurahooda u daa…Xigasho Axmed Diidaat AUN..
Quwadda goorwalba maaha waxaan dhahno iyo waxaan sameyno mararka qaar, waxa ay noqotaa waxa aan ka aamusno, waxaan uga tagno rabitaankeena iyo waxaan is dhaafino…
Badaha adduunyada awood uma laha in ay dembiyaan dhimbil dab oo ka mid Naarta jahanama, hayeeshee dhibic illin oo kaaga soo baxday Alle Jaceyl iyo Alle ka cabsi ayaa kaa xijaabi karta naartaasi, asalka ayaa waxa uu yahay inaad ahaatid la jirka Rabbigaaga, haddii uu Rabbigaaga kula jira yaa wax kaa qaadi kara, haddii uu garabkaaga ka baxana yaa kuu gargaari kara ??!!
Nolosha maku siinayso waxwalba aad jeceshahay, hayeeshee qanaacada ayaa waxa ay kaa yeelaysaa inaad jeclaatid waxa aad haysatid sida adiga oo gaabka kuu saaran yahay dayaxa..
Inta aad ku jirto safarkaaga dheer waxaad ogaataa khariiddada sacaadadaada iyo najaaxaaga ay ku jiraan jeebkaaga ee kuma jiraa sanduuqyada dadka kale. Wax jeebkaaga ku jira meel kale haka raadin..
Insaanka marka uu kula hadlayo si wanaagsan u dheygeyso, tani waa aadaab, waa tarbiya, ixtiraam iyo faham, hayeeshee ha rumaysan waxwalba uu sheegayo daliil la’aan…
Adduunyadan qiima malaha marka laga reebo, marka aad leedahay qalbiga Alle ku xiran, oo Rabbi magangala marka uu murugoodo, ku mahdiya marka uu farxo, Isagana u laabta marka uu dembi ku dhaco, xaalad kasta uu ku sugan yahayna Alle u shukriya…

Xikmado Xul Ah oo naftaada Qiimo u leh
1. Aad Ha Uga Fekerin Waxa Aadan Haysan, Si Aadan U Waayin Waxa Aad Haysato.
2. Kuwa Xumaanta U Saaxiibka Ah Waa Sida Dhimbiilaha Dhuxusha, Midba Midka Kale Ayuu Gubaa.
3. Jidka Nolosha Waxaa Ka Buuxa Dhagaxaan. Ha Isku Daalin Inaad Kala Firdhiso, Lkn Uruuri Oo Ka Dhis Salaan Si Aad Ugu Fuusho Nolosha.
4. Raggu Waxay Xiiseeyaan Inay Farxad Ku Noolaadaan. Halka Dumarku Xiiseeyaan Inay Nolol Jaceyl Leh Ku Noolaadaan.
5. Way Adagtahay Inaad Jaceyl Naftaada U Hurto, Waxaa Se Kasii Adag Inaad Hesho Qof Aad u Huri Karto.
6. Dhamaanteena Waxaan Nahay Sida Dayaxa Oo Kale, Dhinac Ayuu Ka Madowyahay.
7. Muhiimadu Ma Ahan Kaliya Inaad Noolaato! Balse Aaa Inaad U Noolaato Si Wanaagsan.
8. Nolosheenu Waa Riyo. Waxaa Ina Toosiya(Baraarujiya) Geerida.
9. Farxada Noloshu Ma Ahan Inaad Weligaa Ka Shaqeyso Wixii Aad Doonayso, Balse Waa Inaad Doonayso Wixii Aad Ka Shaqeynayso.
10. Dhoola Caddeyntu Waa Hadal Wanaagsan Oo Aan Codkiisa La Maqlin.
11. Hadba Sida Aad Sare Ugu Kacdo Ayaad Daruuraha Ugu Dhawaan. Hadba Sida Aad Tilaabo Horumar U Qaado Ayay Guushu Kuugu Soo Dhawaan.
12. Ma Jirto Beer Aad U Qurxoon Oo Aan Bahal Laheyn!
📝 _Sayyid_ *Mohammed* *Farah*

✔Qisdii Dhexmartay Nabiga Iyo Caaisha (Qiso)
✅Nabiga ﷺ Iyo Caaisha (Allah Haka Raali Noqde) Dhexmartay Waxay Ahayd Qiso Jacayl Tii Ugu Roomaantiga Badnayd Adduunka..
Caaisha Waxay Tidhi: Nabiga ﷺ Ayaan Maalin Isku Xanaaqnay Kadib Abuubakar (Allah) Oo Aabeheeda Ah Ayaa Maqlay Wuu U Yimid Wuxuu ku Dhahay Ma Nabiga ﷺ Ayaad Sidan Ula Hadlaysaa Oo Wuxuu Isku Dayay Abuubakar (Allah Haka Raali Noqde) Inuu Dharbaaxo Gabadhiisa Oo Uu La Jiro Nabiga scw Dhankiisa Caaisha Meel Ay ku Gabato Waxay Gashay Nabiga ﷺ Gadaashiisa Nabiga Waxaa Uu ka Difaacay Xaaskiisa In Aabeheeda Uu Dharbaaxo..
Abuubakar Waa Baxay Asago Cadhaysan..
Nabiga ﷺ Wuxuu ku Dhahay Caaisha (Allah Haka Raali Noqde) Miyaanad Arkayn Inaan kaa Difaacay Ninka Miyaanad Raali Ahayn.. Abuubakar Waa Soo Laabtay Saas kuma Ilaabin Hadalkii Caaisha..
Abuubakar Guriga Ayuu Soo Garaacay Waa Loo Idmay Wuu Soo Galay Wuxuu Arkay Nabiga iyo Caaisha Oo Qosol Iyo Farxad ku Jira..
Abuubakar Wuxuu Dhahay Nabigii Illaahayow Sidaa Dagaalkiina Iiga Qayb galiseen Farxadiinana Iiga Gayb Galiya...
Jacaylkaas Mid La Mid Ah Aduunka Ma Jiro.
#Allah Ha Inga Yeelo kuwa Raaca Nabiga scw Sunadiisa.
🌼Hadaad Dhamaysatay Soo Qor (Salallaahu Calayhi Wa Salama)
Caaisha Alle Ha u Naxariisto, Rasuulkana Alle Naxariis Iyo Nabad Gelyo kor kiisa Ha Yeelo..❤️
Markasta Rasuulkeena ﷺ Waa Macalinkeena Tusaale Asagaa Markasta Nagu Filan.
Walaal Qoraalkan Hadaa Aragto Share Dheh Oo La Wadaag Asxaabtaada Kale Kuna Sali Nabigeenii Suubanaa ﷺ.
🌼... Ma Jeceshahay Inaad khayr Badan Hesho... Kaliya Faafi Kharyka
..#Haday_kugu_Adag_Tahay_Iska_Dhaaf

Taxanaha Taariikhda Islaamka
Taariikhda Imaamu Buqaari ~ Amiirul Muslimiina Fil Xadiis ~
Part_2 ~~ Barashadii sii Cilmiga Xadiiska ~~
Imaam Bukhari markuu gu’ tobnaad gaarey ilaahey wuxuu laabtiisa ka buux shey xiisaha barashada Axaadiista Nabiga (scw). Wuxuu galay dugsiga Axaadiista lagu barto ee Bukhaara, sanad kadibna wuxuu marjac iyo tixraac u noqday macallimiintiisa oo mararka qaarkood ka saxan jirey Matniga (Lafdiga) iyo Asaaniida (Sil silada lagu kala wariyo Axaadista).Imaam Bukhaari Markuu lix-iyo-toban jirsadey, wuxuu dusha ka qeybey kutub tay qoreen Ibnu Mubaarak iyo Wakiic, Imaam Bukhaari Sareynta xifdigiisa iyo sugnaanta fahamka uu u leeyahay Axaadiista Nabiga (scw) waxaa la yaabay culumadii Xiligiisa nooleydey.
Imaam Bukhaari Sideed-iyo-tobon markuu jiray wuxuu la xajiyey hooyadii iyo walaal kii Axmed, Xajka ka dib, Bukhaari wuxuu cilmi dalab ugu haray Xaramka, ka dibna wuxuu qoray kitaauu ugu magac daray “Qadaayaa as-Saxaabah wa-Taabiciyyiin”. Wax yar ka dib wuxuu aadey magaaladii Nabiga (scw) Madiina Anabawiyah , intuu joogeyna wuxuu qoray kittaabkiisii caanka ahaa ee “At-Taariikh al_Kabiir.”
Imaamku wuxuu meel fog iyo meel dhaw u aaday barashada axaadiista Nabiga (scw). Raadinta iyo la kulanka culumadii Axaadiista ku xeeldheerayd xilligiisii, waxay ka fogeysey dalkiisii hooyyo. Asagoo taa xusayana wuxuu yiri, Cilmi dalabka waxaan u aaday Masar iyo Suuriya laba goor, Basrana afar goor, lix sanaan Xijjaaz u joogey,inta goor oon Kuufa iyo Baqdaadna muxadisiin u raacayna maba koobi karo.
Arrimihii dadka cajab geliyey ee Imaamku lahaa waxaa ugu weynaa xifdigiisa, Xaashid Ibnu Ismaaciil ooy Bukhari isku xer ahaayeen, wuxuu yiri:
Bukhaari wuxuu axaadiista nagala baran jirey culumada Basra. Axaadiista waa qoran jirney isaguse ma qoran jirin. Arrintaa waa ku canaanannay, ka dib Bukhari wuxuu codsay innaan waxaan qoranney u keenno wuxuuna ku kordhiyey shan-iyo-toban-kun oo Xadiis oo xifdigiisa uu ka sheegay. Waxaan kutubteenna ka sixi jirney xifdiga Bukhaari.
Bukhaari wuxuu xifdiyey oo dusha ka qeybey 300.000- kun oo Xadiis(Sadex-boqol-oo kun oo xadiis) 100.000-kun (Boqol-kun) oo ka mida ay saxiix wada tahay, iyo 200.000-ku (laba boqol oo kun) oo aan saxiix ahayn.
Waxaa xifdiga u dheera fahamka iyo garashada Axaadiista. Wuxuu ku xeel-dheeraa lifaaqida iyo tifa tirida Axaadiista marnana ma suuroobi jirin in Imaamka hadalka Nabiga (scw) laysku daba mariyo. Muxudisiintii reer Baqdaad ayaa isugu qasay muttuun (Lafdi) iyo asaaniiddii (Silsiladii) Axaadiista bal si ay u hub sadaan qotoda iyo gunta garashada Bukhaari u leeyahay Cilmiga Axaadiista markey maqleen innuu Baqdaad ku soo socdo.
Imaam Bukhaari Markuu magaalada soo galay, waxaa loo qabtey xaflad balaaran oo lagu soo dhawey nayey ooy ka soo qeybgalleen culumaddii Axaadiista ee reer Baqdaad, sidii qorshuhu ahaanna waxaa Bukhaari loo soo bandhigay boqol xadiis oo kas loo marooriyey ula kacna leys ku daba mariyey, Sidii lagu yaqaaney Imaamka, Intuu miyir u dhegeystey buu mid-mid u dhiraan-dhiriyey Asnaadoodii saxda aheyd maroorkii ku jireyna ka saaray (marlabaad buu ugu celiyey boqol kiiba isagoo sidii saxda ahayd ee Nabiga (scw) looga wariyey u qaadaa dhigaya ilaahow ku xifdi sidaad u xifdisay warka Nabiga (scw).
Dhacdadaasi waxay muu jisay xeel dheeraanta aqoontiisa xifdiga iyo garashadiisa Cilmiga Xadiiska Nabiga (scw), Bukhaari wuxuu u adeegsaday inuu ku uruuriyo inta ugu saxan uguna hubsan Axaadiista nabiga (scw) kuna qoro hal kitaab. Bukhaari wuxuu yiri “Xadiis kasta oon ku qoray Kitaabkeyga labo rakco baan u tukadey, Allaah baan kala tashaday (Istikhaara), sixadiisana waan hubsaday.” Waxey ku qaadatay 16-sano (lix-iyo-toban-sano) inuu ku dhameeyo qorista kitaabka Caanka ah ee uu garanayo Qofkasta oo Muslima oo wuxuun diina garanaya amase maqlay Nabigaa (scw) sidaa yiri A-Saxiix-ul-Bukhaari. “ Waa Xujjo aniga iyo Allaah noo dhexa” buu Imaamku yiri. Markuu dhammeys tirayna wuxuu u bandhigay Axmed Inbu Xanbal, Yaxyaa Ibnu Maciin, Cali Inbu Madiini, iyo Rag kale kuligoodna waxay u qireen kitaabkiisa sixid iyo sugnaan. Arrintaasi wax

ey noqotey ficil aad loo mahadiyey nacfigiisa iyo wax tar kiisana maanta la qirsanyahay oo qofkii Xadiis soo daliiliya ama sheega haduu yiraahdo Rawaahul Bukhaari aan laga daba hadlayn Muslimiintuna ku qanacsan yihiin inuu yahay warkii Nabiga (scw) ilaahow qabriga kuu nuuri sidaad sunada u nuurisay.
Qeybta Xigta iyo Qofnimadiisii Imaamul Bukhaari Lasocod wacan
gaarsii Walaalaha kale -Wanaga ayaa mudan in la faafiyo-

FAA'IIDADA GUURKA UU LEEYAHAY
Guurku waa suno bal mar ayuu waajib noqdaa, marka uu qofku fitno isaga baqo,runtii waqti fitan ahna waa lagu jiraa, laakiin waa hadyigii nabigeena s.c.w. qofkii guurkana nacaa wuxuu khilaafay hadyigii nabiga iyo dariiqiisii.
Hadaba rasuulka waxa uu lyiri, "Kulanka shabaabkoow qofkii awooda guur haguursado isaga ayaa u raaricin badan indhaha una ilaalin badan farjiga.wuxuu kaloo yiri, "ninkii ilaahay uu ku irsaaqo gabadh saalixad ah wuxuu ukaamil yeelay diintiisa badh ee badhka haray ilaah ha'uga baqo.
Wuxuu kaloo yiri: "ilaahy waxa uu xadiith qudsi ah kuyiri sadex waxaa xaq igu ah inan ukaalmeeyo waxaa kamid ahaa nin guur rabo oo hadana dhawrsaanaan un ugauursanayo, sidaa darteed gabadha muslimada aheey ilaah magac wanaagsan ayuu kuu bixiyay aduunka oo dhan waxa ugu raaxada badan adiga ayuu kugu tilmaamay, Nabiga waxa uu yiri "aduunka waa raaxo raaxadiisana waa gabadh saalixad ah" hadaba ilaah kacabso oo isku day inaad noqoto tilmaantaas qiimaha badan.
Hadaba waxa aan uga gadisanahay islaam hadaan nahay diimaha kale waxa ay u arkaan guurka inuu yahay ilmo ladhalo kaliya iyo raaxaysi, lakiin Isalaam-keeana waxa uu tilmaamaya inuu inoo yahay mawado iyo maxabo iyo sakiino iyo raaxo lagu daray, hadii siduu ilaah raali kayahay la'isu guursado wallaahi, wabilaahi, watallaahi guurkaan lagu salayn dhaqankii nabiga waa khasaaraa barakadana waxa ay ku jirtaa Sunada Rasuulka oo laraaco.
Guurku waa cibaado waayo Nabiga ayaad adeecday amarkiisa. Waxaa ku bato taranka muslimiinta waayo Nabiga waxa uu yiri "guurka badiya umadaha ayaan idinkula faantami maalinka qiyaamo." hadaba wiilkasto iyo gabadh kasto ku daaala sidii aad Nabiga uga farxin lahayd yacni maalinka qiyaamo si uu uga bato ambiyada kale inta raacsan.
Guurku waa nimco ee nimcada ninkii awood ule haka faaiidaysto, kii aan awoodina ha soomo asaga ayaa dhufan unoqonayo oo shahwada ka qafiifinayo indhihiinana xaaraamta kalaaba waayo wax walbo isha ayaa sabab unoqoto, oo isha waxa ay argto ayey qalbiga ugudbisaa.
Allah halaga baqo sunada Rasuulkana halgu dhago waayo waa firqada kali oo badbaadi doonto sida uu rasuulka inoo sheegay muslimiintana haloo duceeyo inuu ciseeyo Wajaazaakumulaau khayran
Share dheh ama lawadaag Asxaabtaada kale Wanaaga ayaa mudan in la faafiyo