Albaani ²⁴| قناةالألباني
14.8K subscribers
3.13K photos
39 videos
9 files
480 links
Cid libinta kaa xigto ma jirto🏃 Sacabna sacabkaaga kagama horeeyo👏Aamin in waxaasi suurogal yihn, Qiimaheeda bixi👊

°#BARNAAMIJYADA_ka_baxa_Kanaalka²⁴°
■Xikmado dahabi ah ■ CASIRIYADA JIMCAHA ■ SHEEKO TAXANE ■SUAALAHA JIMCAHA IWM.

SOO DHAWOOW WLLKA
Download Telegram
Gabadhaan UFC ayay ciyaartaa, magaceedu waa Joanna Jędrzejczyk, waa Polish.

Gabadh kale oo ay wada ciyaareen oo Shiinees ah ayaa ka badisay.

Feer sidii loogu waday yacnii madaxeedii oo dhan ayaa la diisdiisay 🤦‍♂️


@Albaanichannel252
Forwarded from THe FUTURE |🌍|المستقبل (LO 💚 VER)
أُحب الحديث معك، رغم أني لا أملك ما أقول.

I love talking with you, even though l’ve nothing to say.

"Waxan jeclahay lahadalkda, inkastoo anan aqoon wax an kuu sheego"

.👇Halkaan nagalasoco 👇
↪️🚸@Mustaqbalkaabe 🛂↩️
مِن سُـنَن يَـومِ الجُــمُعـة:

➊ الإغِــــتــــسَـــــــــــال 🚿
➋التــــــطَـــــيُّـــــــــــب 🪔
➌ التــــــــــسَـــــــــــوُك 🦷
➍ اللــبَــاسُ الــجَــمِــيل 👕
➎ التَبڪير إلى المَسجِد 🕌
➏قِـراءةُ سُـورةِ الڪَهف 📖
➐الإكــثَـارُ مِــنَ الــدُعَّاء 🤲🏻
➑الـصَـلاةُ عَـلـى نَـبيـنا ﷺ.

@Albaanichannel252
{وَمَنْ أَحْسَنُ قَوْلًا مِّمَّن دَعَا إِلَى اللَّهِ وَعَمِلَ صَالِحًا وَقَالَ إِنَّنِي مِنَ الْمُسْلِمِينَ}
𝗧𝗼𝗽 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶 𝗧𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺

🕌 Dɪɪɴɪ 🕌
✹: @Diinteenna_Macaan
✹: @Daarul_hidaya
✹: @Kalimakariim
✹: @Quruxdaislaamka
✹: @Daarulkheyr
⊱⋅ ──────────── ⋅⊰
📚 Bᴜᴜɢᴀᴀɢ 📚
✹: @Somalibooks
✹: @Somalilibrary
⊱⋅ ──────────── ⋅⊰
📲 Sᴏᴍᴀʟɪ Tᴇᴄʜ 🖥
✹: @Liibaanpro
✹: @Somali_tech
✹: @Somsoft
✹: @ABDIRISAQEDITOR
✹: @Freepreset13
⊱⋅ ──────────── ⋅⊰
💎 Xɪᴋᴍᴀᴅᴏ 💎
✹: @Som_Motivation
✹: @Al_xakiim
✹: @Albaanichannel252
✹: @AishaAhmed99
✹: @Xigmadoiyoxaqiiqo
✹: @Dareen2021
✹: @Dareen_side
✹: @daren_jaceyl
✹: @DhamBaal123
✹: @xaqiiqadanolosha
✹: @Maskaxmaal1
✹: @Xikmadosom
✹: @ZamzamSooyaal
✹: @Nololifeysa
✹: @KobciAqoontaada2
⊱⋅ ──────────── ⋅⊰
👨‍🦱 Qɪsᴏᴏʏɪɴ 🧑‍🦰
✹: @OgaalkaNolosha
⊱⋅ ──────────── ⋅⊰
📽 Aғʟᴀᴀᴍ 📽
✹: @Som_Flims
✹: @Musalsalo1
⊱⋅ ──────────── ⋅⊰
😂 Qᴏsᴏʟ & Qᴀʀᴀᴀxᴏ 😂
✹: @Ilaqosal
⊱⋅ ──────────── ⋅⊰
🎤 Dʜɪɪʀɪɢᴀʟɪɴ 🎤
✹: @Cilmiraadis
✹: @Dhiiragaliye
✹: @Hogaan_Dumar
✹: @Hagaha_Nolosha
✹: @xafso143
✹: @Jiilka_wacyiga1
✹: @Hogaan_bulsho
✹: @Waayahanolosha
✹: @bqgrsh
✹: @Noqoxiddig
✹: @Rajadenna
✹: @QalbiDhaye143
✹: @Hidaayatu_Rabi
✹: @Fajru_Somali
✹: @Ruuxda
⊱⋅ ──────────── ⋅⊰
🎓 Aǫᴏᴏɴ & Fᴀsᴀʟᴏ 🎓
✹: @Hasancaashaq
✹: @Faaidobadan
✹: @Farsamada
✹: @baroafkaga
✹: @TilmameCafimad
✹: @DunnidaSuugaanta
✹: @Somalonline
✹: @haqabtire1
⊱⋅ ──────────── ⋅⊰



🔰⌚️🔰
⊱⋅ ──────────── ⋅⊰
❢ Midowga ༎

❢ Telegramerska Soomaalida
1 Team Somali Admins.
_❂_


╔═ ══ ══•| ⎉ |•══ ═══ ═╗
⎉↬Channel ku Daridda iyo faah-faahin dheeri ah Ka Eeg

@Somali_Admins↫⎉
⊱⋅ ──────────── ⋅⊰

⎉↬Haddi Aad Rabto Inaad Wax
ku xayaysiisato Ka Eeg wixii warbixina
@SomTelegramAds↫⎉
⊱⋅ ──────────── ⋅⊰
•━━━ ◍ ⎉🔝⎉ ◍ ━━━•
ꜱᴘᴏɴꜱoʀᴇᴅ ʙʏ:
@Somalibooks
@Cilmraadis
@Xikmadosom
@Hidaayatu_Rabi
@somalilibrary
↬❢ ┇ᴇɴᴅ┇ ❢↫
Waa cajiib

Franziska Giffey oo ah haweeneyda Magaalada Berlin duqa ka ah ayaa rabtay inay qaab fogaan arag ah ula hadasho duqa Magaalada Kiev ee Caasimadda Ukraine Vitali Klitschko, balse nasiib xumo waa la khiyaanay oo waxay la hadashay nin Klitschko iska soo dhigay oo farsamo isticmaalay.

Nasiib wanaag way fahmeen khiyaanada, wadahalkiina way joojisay.

Waxaa loo isticmaalay farsamo Deep Fake la dhaho taasoo halis, oo qof aad taqaanay la isaga kaa soo dhigi karo. Deep Fake weli horumarin ayaa ku socota, lkn waa halis dagaalo xataa lagu hurin karo, haddii ay sidaas kusii socoto.

Sawirkaan hoose waa Duqa Magaalada Berlin iyo ninka Duqa Magaalada Kiev isku soo ekeysiiyay.

Xigasho Kadiye

#NAASER_MOHAMMED
@Albaanichannel252
Haddii aad baraha bulshada dadka kula wadaagto sawiradaada, gurigaaga, caruurtaada, caafimaadkaaga, maalkaaga, farxadaada. Waxay kuu keeni kartaa dhibaato iyo balaayo aadan fileynin..Sababtoo ah baraha bulshada waxaa ka buuxa dad xanuunsan, kuwo sabool ah, kuwo aan caruur laheyn, kuwo aan faraxneyn waxaana dhici karta inay ku xasdaan sidaasna ay dhibaato kugu soo gaarto.

(قَالَ يَا بُنَيَّ لَا تَقْصُصْ رُؤْيَاكَ عَلَىٰ إِخْوَتِكَ فَيَكِيدُوا لَكَ كَيْدًا ۖ إِنَّ الشَّيْطَانَ لِلْإِنسَانِ عَدُوٌّ مُّبِينٌ)

Nebi yuusuf (Sc) waxaa la faray in riyada uu ku riyooday uusan uga sheekeynin walaalihiis si aysan u xasdin.

Walaalihiis la dhashay ayaa la yiri libintaada ha u sheegin, bal kawaran arimahaaga hoose oo aad la wadaageyso kumanaan qof maalin walba!

Marwalba oo aad sawir qurxoon iyo qoys faraxsan ku aragto baraha bulshada Masha allah ilaahow u siyaadi dheh.

Mustaf Awil Hassan


#NAASER_MOHAMMED
@Albaanichannel252
Caawa 😳🧐🤪

QEYBTII #9AAD

Saaacada : 9:20pm @Albaanichannel252
Albaani ²⁴| قناةالألباني pinned «SHIRQOOL IYO SHALAYTAN (SHEEKO TAXANE) QEYBTII #7AAD Haddaba Su'aashu waxay tahay: Muxuu noqon doonaa qorshaha xiga ee Kadiye? Shirqoolka ay sheekadu ku socoto, yaa dhigi doona? yaa shallaayi doona? . Wax aan ka badnayn shan daqiiqo, kaddib markii uu Kadiye…»
Albaani ²⁴| قناةالألباني via @like
SHIRQOOL IYO SHALAYTAN (SHEEKO TAXANE).. QEYBTII #8AAD Kadiye, Maanta uma ahan maalin qurxoon. Sariirtiisii buu ku soo ururay. labada low iyo gacmuhuu iskuala jiraa. qar qaryo ayuu dareemayaa. waa qar qaryo jacayl. wuxuu xaalkaas ku jiraba, tilifoonkiisa…
SHIRQOOL IYO SHALAYTAN (SHEEKO TAXANE)

QEYBTII #9AAD

“See tahay abaayo?”, kadiyoo is doqomaynayaa sidaa waydiiyay. Amran oo cidiyaheeda fag faganaysa, dhoolla caddays nacaseedna dhoolla caddaynaysaa ujawaabtay “fiican!”. Daqiiqado ayaa lakala aamusnaa.

"Adigu seetahay?”, Amran oo madaxa kor uqaadday, intay bishinteeda hoose ruugtay, iyadoo saqafka guriga fiirinaysa, bay haddana dhulka eegmadeeda usoo celisay, iyadu ku dhiirran wayday inay si caadi ah ufiiriso ayaa sidaa waydiisay.


Qolka cidlada ah ee ay ku kaliyoobeen iyo martida uu Kadiye uyahay hilibkaan bisil, ee hortiisa sida xishoodka leh ufadhida, labadaasiba ciil bay ku abuurayaan. Jacayl ugub ah oo aragtida ku abuurmay ayay ku gaagixinayaan.

Wuxuu ku dhaygagasan yahay qoftan sida shacniga leh usoo labisatay, Bootarada kala duwan ee kala midabka ah wajiga ugu fara yaraysatay, libista guduudan dibnaha ku cusboonaysiisay, xirribaha indhaha iyo sunniyahana, khadda madoow ku indha kuulatay.

Gabar walba intaa way soo marsan kartaa, laakiin Amran waxaa sii bilayay ilkaha safan ee mid qallooca iyo mid midka kale ka dheer uusan jirin, kuwaasoo marka ay bishimaha ka faydo, ee ay dhoolla caddays damacdo, ishii aragtaa aysan ka libiqsanayn, daawashada afkeedana aan ka xiiso dhacayn. Indha deereedkeeda ruuxii ay dhugtaan, raxmad iyo jacayl saaqayo ayaa Kadiye qulbigiisa ruxayay.

Afafkii Daqiiqado ka hor kala aamusnaa, hadda wa iyagan isla hadlaya. Haasaawe qosol xiise wata uu bilayo, ayaa sii istaarmaya. Qaladii baa sii dabar go'aysa. yax yaxii iyo cabsidii Amran baa sii xuub siibinaya. Arrintaasna waxaa mahad gaar ah ku leh Macalin Kadiye, oo isagu ku takhasusay, sida gabdhaha jawiga loola qabadsiiyo, sida gabadha qalada looga bi'iyo. Marka uu la kulmo gabar noocan oo kale, khiddad iyo farsamo isaga gooni u ah buu adeegsadaa, iyadoo ay waayo-aragnimadiisu saacidayso.

Marka hore, hadallo hufan oo su'aalo ubadan buu ku bilaabaa. Fursad ay ku hadashuu gabadha siiyaa. Su'aalo aysan jawaabtoodu "maya" iyo "haa" ku koobnayn buu waydiiyaa. Fikirkeeduu ayuu tixgaliyaa. Ammaan buu ugu dhex qariyaa. “Masha Allah haye? Wallaahi qof caqli iyo garasho Rabbi ugu deeqay baa tahay?” buu ku godliyaa. Iyana intay isu bogtay sii kasii dartaa. Waa siduu rabaye isagaa majaraha hadalka qabsada. Badweeyn buu la jiiraa. Hadba musbuu ka tuuraa. Sidaas buu wax ku wadaa.

Intii iyo in lagu darayba wuu sameeyay. Waatan qoftii ciddayaheed faganaysay qajil awgiis, kaftamaysa ee qosolku ka baxayo. Waa iyadan wax kale afkeeda laga waayay aan ka ahayn “Wallaahi kadiyoow been baad uqabtaa?” “hahahaha kadiye markaa ma adaa caadi ah?”

Wixii la bururo, qosol lays waydaarsado, habaynkii uu soo kaxeeyay uga sheekeeyo, “oo ma gacmahaagaa igu soo qaadday, ina adeerow?”, ay tiraahdo, isna isagoo qoslaya uu yiraahdo “ma anigaa ku qaadi kara wiish baan kuu dal badaye” , kaddib lawada qoslo markii dambuu jawigii isbadalay. Is-baddalkaasna waxaa keenay su'aal kadiye ka soo fakatay.

“Alla Amraneey hooyadaa iyo adigu isku dabeecad ma tihidiin! Sidaadoo kale hadday uhufnaan lahayd, waxba ma khaldameen!”. Amran way aamustay. Daqiiqad maysan hadlin.

“Amran!” kadiyaa damcay inuu kusoo jeediyo, laakiin umay jawaabin. Dhowr jeer buu ku cel celiyay magaceeda, iyana way ka aamustay. Indhaheeduu markii dambe ka dareemay ilin ku soo istaagtay.

“Abaayo, hooyadaa ma ahan miyaa?!” buu la soo booday. Madax rux bay ugu jawaabtay. Xoogaa ayay kala aamusnaayeen.
“Hooyaday, rabbigii abuurtay baa iga jeclaaday!” Amran baa dareen walaac iyo murugo laga dheehan karo, erayadaas ku qeexday.

Kadiya Isagana illin baa indhihiisa soo istaagtay.

Lasoco QEYBTA #10aad

Fadlan walaal LIKE 👍 LOVE WAA INOO DHIIROGELIN.....

⤵️ Kala soco Kanaalada Hoose

Soo Gudbiye 👉 NAASER_MOHAMMED
Waqtiga 👉 9:20 HABEENIMO geeska Afrika
Kanaalada 👉 @Albaanichannel252
|| @Albaanichannel252
|| @xikmadosomali
Asc Subax wanaagsan

Maalmuhu kala wacan 😘😘🥰
@Albaanichannel252
Maalmaha xoriyadda mise maalmaha qaawanaanta, ma haboona inaan calanka cawradeena ku xayaysiino.🇸🇴

Boqorka ka baqa❤️👏

#NAASER_MOHAMMED
@Albaanichannel252
Heerkulka dalka kuweyt oo aad sareeya dartii ayey gabar wariye ah ukun ku karsatay kuleylka qoraxda laamiga dhexdiisa.
Dalka kuweyt heerkulku wuxuu gaaray 60°C , annagana waxaan la yaabannahay 30°C.

Xigasho / mustafe Awil

JOINED US
@Albaanichannel252
"﷽ "
00:00:01👫🖤💙
"the sweetest somalian love page"😍

Instagram= https://instagram.com/jaceylside_143
https://t.me/jacaylside_143
“Gabadha aad jaceshahay”
-Arooskeeda waa lacag
-Maherkeeda waa lacag
-Doonashadeeda waa lacag
-Walaayadeeda waa lacag
-Aqalka gurigeda waa lacag
-Sooriyadeeda waa lacag
-Gabadh shopinkeeda waa lacag
-Todowo baxeeda waa lacag

Hadhowna waxey kuleeyihiin jaceelka lacag mahan😝😝

Waayahay Jaceel qaleel ah lasoo taagnow hadu wax ku taraayo

Xigasho | @Binu_Abdiziiz

JOINED US
@Albaanichannel252 || @Albaanichannel252
Forwarded from 👳‍♂️ JIILKA WACYIGA👳‍♀ (NASRA🧕)
Tiktok caan bey ka tahay , xaafadeeana caasi waalid , ma xishooto maalin waxay la soo taagan tahay wax aan dhaqanka ku fiicneyn.
Ruux aan Alle caan ka dhigin , caan ma noqon karo.

Allow xaqa waafaji


Xigasho #NASRA🧕


#Team_waano
@jiilka_wacyiga1
Albaani ²⁴| قناةالألباني pinned «SHIRQOOL IYO SHALAYTAN (SHEEKO TAXANE) QEYBTII #9AAD “See tahay abaayo?”, kadiyoo is doqomaynayaa sidaa waydiiyay. Amran oo cidiyaheeda fag faganaysa, dhoolla caddays nacaseedna dhoolla caddaynaysaa ujawaabtay “fiican!”. Daqiiqado ayaa lakala aamusnaa.…»
Albaani ²⁴| قناةالألباني via @like
SHIRQOOL IYO SHALAYTAN (SHEEKO TAXANE) QEYBTII #9AAD “See tahay abaayo?”, kadiyoo is doqomaynayaa sidaa waydiiyay. Amran oo cidiyaheeda fag faganaysa, dhoolla caddays nacaseedna dhoolla caddaynaysaa ujawaabtay “fiican!”. Daqiiqado ayaa lakala aamusnaa.…
SHIRQOOL IYO SHALAYTAN (SHEEKO TAXANE)..

QEYBTII #10AAD...

Hooyaday, rabbigii abuurtay baa iga jeclaaday!” Amran baa dareen walaac iyo murugo laga dheehan karo, erayadaas ku qeexday.

Kadiya Isagana illin baa ku soo istaagtay. Candhuuf buu intuu afka ku cel celiyay dhanka hunguriga udiray. “Nafta ku ag fadhiba waa rajo oo hooyadeed way dhimatay!”. Amran hal mar bay soo boodday iyana. Hadalkiisay ka naxday. Waxay indhihiisa ku aragtay illin u xiisa qabta inay soo daadato.

“hooyooy Alla ku jannee, Allaa ii kaa keenay isagaana iga kaa qaaday! Haa, hooyooy ilaahay isagaa ogaa sababta anoo kuu baahan uu isagu iiga ka oofsaday” kadiye oo saqafka kore ee guriga fiirinaya sidii uu illinta kasoo daadan rabta uu isku celinayo, isagoo hooyadiis kool koolinteedii xasuusanaya kor ugu hadlay.

Hadalkiisaas waxaa ka kala jaray cod fiiq fiiq ah oo dhagihiisa kusoo dhacay, Hadduu fiiriyayba waa Amran Xaaji oo intay madaxa hoos urogatay oohin ay cabbaar oo dhan ay isku celinaysay soo dhaaftay. Isagiina meeshii buu afka furtay. Dareenka ayaa midaynaya,Waxay labadooduba dhadhamiyeen kharaarka hooyo la'aanta!

Kadiye intuu istaagay oo Amran halkeedii ugu tagay buu isku dayay inuu aamusiyo. Fadhigii ay ku fadhiday buu intuu ugu tagay oo gacantiisii bidix madaxeeda kor saaray, garabkeedana gacantiisa midig ku qabtay, illintiina ka tiray buu niyadda udajiyay. Naxariis iyo wehel bay maanta dareentay. Siday hooyadeed udhimatayba waligeed cid sidaa ugu dhimrisa maysan helin.

Qof isagoo illin ka socoto iyada aamusinaya hadallo macaana kula hadlaya bay isha la heshay. Muragadii baa ka bidday, Kalsooni iyo jacayl baa qalbigeeda soo hareeyay. Qaddarintii ay kol hore Kadiye uhaysay baa sii badatay. Intay cabbaar il miskiinimo ah ku eegtay bay isagana gacanteedii wajiga uga masaxday.

Hab baa laysku soo yiri. Mar kalaa laysku ooyay. “waa laga baxayaa Amran!” kadiyaa isku sasabay. Waxaad moodda dad muddo is yaqaannay. Waa wax iska caadi ah, dareenkani in uu yimaado, marka uu qofku hel qof la dareen ah, isku dhibna ay yihiin. Dadka culaysyada noloshu saaran yihiin had iyo jeer waxay jecel yihiin in ay dugsadaan, dad sidaadoo kale dhibbanayaal u ah nolosha iyo dadka ay la nool yihiin.

FG! Waan ka cududaaranayaa, haddii aan kiciyay dareenka qof hooyadii dhimatay, Hooyo kastoo dhimatay Allaha qabriga uwaasiciyo, Allah ha u dambi dhaafo, aakhirana dhammaantood xawdka nabiga haka waraabiyo. Hooyo kastoo noolna, Eebbe khaatumo wanaagsan ha ku dilo, Cimri dheer, cibaado suuban iyo caafimaadna ha siiyo.

AAMIIN.

Wali waxaay ku jiraan qolkii ay galabta galeen. Qorraxdu waa sii dhici rabtaa, Eeddo Sareedana waa imaan rabtaa. iyagu waqtiga iyo xaaladda cabsida leh ee ku soo socota midna ma dareensana. Qalbiyadooda ayaa isku tallaalmay.

Habboon Xaaji, Amran walaasheed, sugitaankii wuu ku sii dheeraaday. Kadiye ayay doonaysaa in ay galabta la hadasho. in ay isku soo bandhigto, arrimo badanna umuujiso ayay maagan tahay. Waa taas sababta ay waqtiga iyo dadaalka badan ugalisay, isku imaatinka isaga iyo Amran. kama aysan ahayn daacadnimo, dani shakhsi ah ayay ku hoos wadatay.

Waxay muraayad ballaaran oo sariita hooyadeed ka jabtay ku wadataa gacanta midig...

Intaas ha inoo joogto QEYBTII 10AAD

Lasoco QEYBTA #11aad

Fadlan walaal LIKE 👍 LOVE WAA INOO DHIIROGELIN.....

⤵️ Kala soco Kanaalada Hoose

Soo Gudbiye 👉 NAASER_MOHAMMED
Waqtiga 👉 9:20 HABEENIMO geeska Afrika
Kanaalada 👉 @Albaanichannel252
|| @Albaanichannel252
|| @xikmadosomali