AL XAKIIM CHANNEL
17.1K subscribers
2.05K photos
96 videos
2 files
434 links
Hankiinu yuusan noqon kaliya inaad Aduunka heer sare ka gaadhaan, balse waa in Hankiinu noqdaa meel ka saraysa halkaas oo ah raali ahaanshaha Allaah iyo Janadiisa.

Waxadna si toos nagala soo xiriiri kartaan
@Abdalle_Yuusuf
Download Telegram
Noloshu waa safar, waqtigaagana waa sahayda ugu muhiimsan, hadba sidaad u isticmaasho ayaa go'aaminaysa halka aad gaari doonto.
Wax walba oo nolosha ah waxay leeyihiin waqti go'an, haddii aad ku guuldareysato inaad diyaar garowdo, waxaad u diyaar garowdaa inaad dib usoo karaar qaadan laheyd oo saameyn kugu yeelan guuldarooyinkaas yar yar ee aad la kulantey.
Guuldarrooyinka waa qayb ka mid ah guusha,
Markasta oo aad guuldarreysato waxaad ka baranaysaa cashar kuu diyaarinaya guusha mustaqbalka.
Guusha waa natiijada dadaalka joogtada ah. Ha joojin inaad dadaasho, sababtoo ah waqti kasta oo aad bixiso waxaad u dhowaanaysaa guushaada, waana inay noqotaa guushu hadafka aad hiigsanayso.
Waligaa ha ka quusan riyadaada, waayo ma ogid inta aad u dhowdahay inaad gaarto. Xusuusnow in dulqaadka loogu dulqaato caqabadaha kaa hor yimaadaan intaad ka gaareysid yoolkaaga inay qeyb ka tahay Guusha.
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Dhiirigalintu waa waxa kaliya ee kugu dhaqaajin kara, shaqo aad rabto inaad qabato. Hadaadab dhiiranayn, karti uma yeelanaysid inaad si xamaasadaysan u qabato waxaas. Waxa qofkasta u fududeeyo inuu gaadho hankiisa, waa dhiiri galin. Waa shidaalka uu qofku u isticmaalo xaqiijinta yoolkiisa.

Waa maxay dhiiri galin?
Waa waxa ugu muhiisan ee qofka gaadhsiiya hadafkiisa. Waxa qofka riixaya, ee keenaya inuu ka dhabeeyo yoolkiisa. waa dhiiranaanta uu ku qabanayo hawlihiisa.

Sidee ku noqon kartaa qof dhiiran?
Si aad u noqoto qof dhiiran, waxaa muhiima inaad heli karto qof ku dhiirigalinaya, oo ku jecel.

Sida waalidka.
Walaaladaa.
Asxaabta.
Waxa ugu adag ee qofku ku samayn karo is-badal waa naftiisa. Haddaad naftaada ka guuleysato waxkasta oo aad dooneyso nolosha waad ku guuleysan.
Caqabadaha kusoo waajaha ma keeni karaan geeri, hasr agaatee dilaaga nolosha waa walwalka iyo murugada faraha badan.
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Waad noqon kartaa qofkaad rabto inaad noqoto mustaqbalka balse waxa kaa hortaagani waa cabsida oo kaliya, iska saar cabsida horeyna u dhaqaaq.
Please open Telegram to view this post
VIEW IN TELEGRAM
Naftaada marka ugu horeyso bar farxadda, ilaa ay farxadda ku soo doonato adigana aad u faraxdid.
Mowduuca: saamaynta dagaalka bariga dhexe iyo qaza uu ku leeyahay somalida.

Kala soco doodan oo ka qabsoomi doonta kanaalka DAREEN BULSHO

Taariikhda: 28/9/2024 9pm habeenimo

La socod wanaagsan
Marnaba dadka ha ugafin waxna haka sheegin, sidoo kale iska ilaali inaad qof wllka ah aad caydid iyo ceebaysid sababto ah diin ahaan iyo akhlaaq ahaanba ma ahan wax wanaagsan.
Taariikhda lagama haayo ilaa iyo hadda qof hammigiisu sare yahay oo ka go'an tahay inuu ka dhabeeyo hammigiisa siduu ku gaari lahaa oo dib u dhac uu la kulmayo, waa laga yaabaa in qofkaas uu ka celiso qadarta Allaah balse marnaba ma dhacayso inuu ka hadho asaagiisa, sababtoo ah shey kasta waxa uu ubaahan yahay in laabtaada ay kasoo go'do marka aad ku dhaqaaqi rabtid. Isku soo wada duub fadlan isku day inaad noqoto qof meel hiigsanaya oo aan celinayn caqabadaha nolosha, maanta dadaal beri waad guuleysan Insha'Allah.
Noqo qof marka ay dadka arkaan ay dhahaaan aduunka weli qeyr kama dhamaan. Ha rajo dhigin maxaa yeelay rajadu waa waxa kaliya ee nafta lagu sasabi karo iyo waxa kaliya ee sabab u noqon karta inaad guuleysatid.
Kalsoonidu kama timaado inaad mar walbaa saxnaato balse waxay ka timaadaa inaadan ka baqin inaad wax qalad.